
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
XX, the greatest occupation is the one of the mind. You hate your people, your country and wish everything bad on it. Now thats a deep occupation one I hope Allah will give you the strength to liberate you from.
-
Did someone mention Kampala? Munaasabada 1 Luuliyo oo si weyn looga xusay magaalada Kampala ee dalka Uganda[sawiro] 12 hours ago | 1 comment Xaflad si weyn loo soo agaasimaya Isla markaana lagu maamuusayey Sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaaliya ay qaadatay Xornimada ayaa waxaa habeenimadii xalay laga xusay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda. Xaflada oo lagu qabtay Hotel Agakhana ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf kala duwan oo u kamid yahay Safiirka Safaarada Soomaalida dalka Uganda Sayid Axmed Sheikh Daahir,Marwo Khadiijo Siciid Gurxan oo ahayd Xaaska uu ka geeriyooday alaha ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iminkana ah Guddoomiyaha Ururka Somali Intiative For Peace and Development,haween,dhalinyaro,ardey iyo marti sharaf kale.
-
Galkacyo
-
-
Nairobi
-
Poor secessionist you celebrate while you are unrecognized and still part of the country you claim is under occupation. July 1st is real. Somalia is not dead and her people love her still.
-
-
Bosaso
-
Mogadishu
-
Bosaso
-
Maalinta 1-da July oo si weyn looga maamusay qaar gobollada Soomaaliya. Fri, 01 Jul 2011 13:36:50 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo, July 01 - Xalay illaa iyo maanta waxaa geyiga Soomaalida iyo meelo badan oo dibadda ah oo ay deggan yihiin Jaaliyadaha Soomaalidu ka socday dabaal-degyo ballaaran oo lagu maamuusayey maalinta 1-da July oo ah xilligii xorriyaddooda ay hanteen gobollada koonfureed ee dalka ayna la midoobeen kuwa waqooyiga. Dabaal-daggayaydii ugu waaweynaa waxaa ay ka dhaceen deegaannada Puntland iyo magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu weynaynayey maalinta 1-da July oo ah maalin qiimo iyo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed, lana maamuusay maanta 51 guuradii ka soo wareegatay hanashadii xorriyadda. Magaalada Muqdisho habeennimadii xalay ahayd waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo ku aadanayd xuska 1-da July taasoo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayna ka qayb-galeen madaxda sar sare ee dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya sida R/wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka, xubno badan oo ka tirsan golayaasha dawladda, taariikhyahanno, qaybo ka mid ah shacabka Muqdisho iyo dad wax badan la socday una soo joogay halgankii dheeraa ee loo soo maray hanashada gobonimada Soomaaliya. Xafladdaasi waxaa laga soo jeediyo haddalo-taariikheed gundhig u ahaa halgankii wakhtiga badan qaatay ee loo soo maray baadi-goobka xorriyadda iyo qarannimada Soomaaliya, kaasoo laguna waayey rag iyo dumar badan macne iyo miisaan ku dhex-lahaa bulshada. Madaxdii kala duwanaa ee munaasabaddaasi ka qayb-qalay ayaa dadka Soomaaliyeed siweyn u xasuusiyo xanuunkii loo soo maray xorriyadda iyagoo babar-dhigay xaaladdu siday haatan tahay iyo xushmad darrada haysta dadka iyo deegaankaba. R/wasaaraha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii dawladda ka hadlay xafladda lagu maamuusayey maalinta 1-da July ayaa ku dheeraaday miisaan iyo mug-weynida maalintani u leedahay ummadda Soomaaliyeed, isagoo wax laga tiiraanyoodo ku tilmaamay marka la is dhinac dhigo qalbiga iyo quluubta dadka Soomaaliyeed halkii ay joogtay 51 sano ka hor iyo haatan sida ay tahay. Guddoomiyaha golaha baarlamaanka dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan oo isna ka mid ahaa mas'uuliyiintii dawladda ee ka qayb-galay munaasabaddii madaxtooyada Soomaaliya ayaa isna wax ka taataabtay dadaalladii dheeraa ee loo soo galay helitaanka xorriyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay maalintaani in qiimo weyn u leedahay ummadda Soomaaliyeed isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey sannadka kan-xiga in ay ku gaaraan nabad iyo nolol-wanaagsan. Saacaddu markii ay ku dul-istaagay 12:00 saq-dhexe ayaa halmar la wada qaaday heestii calanka Soomaaliyeed iyadoo calankana la suray beer-dheer oo la dhax-mudan Villa Soomaali taasoo ku abbaarnayd wakhtiga wakhtigiisii kale ee sanaddii 1960-kii xilligaasi oo ahayd markii uu Muqdisho ka dhex-babaday Calankii Soomaliyeed ee ugu horreeyey. Dad badan oo iskugu jiray taariikhyahanno, waxgarad iyo kuwo u soo joogay heerarkii kala duwanaan ee uu soo maray halgankii gobonimadu waxaa ayaa ka hadlay xafladdii xalay lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhammaantood si qiiro leh uga turjumay dhiiggii iyo dhaqaalihii ku baxay xorriyadda maanta la haysto. Dhinaca kale magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland habeennimadii xalay ahayd waxaa lagu qabtay xaflad midaasi la mid ah, ayna ka qayb-galeen dhammaan madaxda dawladda, ururrada bulshada rayidka ah, inta badan salaadiinta dhaqan Puntland, aqoonyahanno, taariikhleey Soomaali ah, abwaanno iyo Suugaanleey iskugu jira heerar kala duwan. Xafladdaasi oo u astaysnayd maalinta 1-da July ee xorriyada gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo midawgii waqooyiga iyo koonfurta ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo abaabulay laguna weynaynayey xuska maalin-taariikhka 1-da July. Inkasta oo wariyaasha Radio Daljir laga hor-is-taagay, loona diiday, ka qayb-galka iyo baahinta xogta iyo khudbadaha taariikhiga ah ee lagu muujinayo mugga iyo miisaanka culus ee maalintani ugu fadhido ummadda Soomaaliyeed, haddana waxaa noo suura-gashay in aan helno dhammaan khudbadihii kala duwanaa ee ay halkaasi ka jeediyeen mas'uuliyiinta dawladda iyo madaxdii kale ee xafladdaasi lagu mariqaaday. M/weynaha dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay oo ka jeediyey munaasabaddaasi waxaa uu uga hadlay arrimo badan oo la xiriira halgankii xorriyadda, dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira iyo kuwa Puntland isagoo madaxweynuhuna hadalkiisan si kulul ugu weeraray warbaahinta Puntland. Sidoo kalena mas'uuliyiin badan oo iskugu jiray kuwa dawladda, ururrada bulshada, salaadiinta dhaqanka Puntland, aqoonyahannada iyo waxgaradkii xafladdaasi lagu casumay ayaa dhammaantood si hiiro iyo waddaniyad xabmaarsan u iftiimiyey hawlihii iyo dadaalladii muddada qaaday ee loo maray in la helo xornimo lagu naaloodo. Dhinaca kale magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa isna maanta lagu qabtay xaflad aad u ballaaran oo ay ka qayb-galeen boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday xaafadaha kala duwan ee magaalada Galkacyo taasoo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Galkacyo. Xafladdaan oo lagu tilmaamay in ay ahayd middii ugu weynayd oo abid lagu maamuuso maalinta maalinta 1-da July wixii ka danbeeyey qaran-jabkii Soomaaliya ayaa waxaa khadka telefoonka uga qayb-galay R/wasaraha cusub eee Soomaaliya Prof- Cabdiweli Maxamed Cali iyo R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kuwaasi oo khadka teleefoonka ku jeediyey khubad la xiriirta munaasabadda 1-da July. Diiwaanka Wararka Radio Daljir.
-
In praise of Somaliland -- a beacon of hope in the Thorn of Africa Peter Tatchell The Liberal, UK June 30, 2011 -------------------------------------------------------------------------------- This year’s civil war in Somalia has killed thousands of people and created over half a million refugees. Democracy, the rule of law and respect for human rights are almost non-existent in Mogadishu, where war, banditry, corruption, hunger, illiteracy, disease and unemployment are the norm. Somalia is a failed state that has failed its people. Photo: Members of the Somaliland community in Britain's capital celebrate the 20th anniversary of its declaration of independence from Somalia during a demonstration in London on May 18, 2011. (Reuters photo) In contrast, the north-west breakaway region of the Republic of Somaliland is an oasis of peace, stability and progress in the Horn of Africa. Imperfect, but moving in the right direction, in May this year the country celebrated its sixteenth anniversary of independence. _________________ Peter Tatchell is a leading human rights campaigner.
-
It’s a good thing that many are underestimating him. However his first moves are encouraging and those who thing that “political veterans” in Somalia are any good after the 20 years of failure have another thing coming. The young men like Farmajo have proven they can achieve much. Again lets wait and see, a competent cabinet an awakening population and an energized Diaspora might change things. Alas we have hope.
-
Abdul: I agree, Mahiga, UN, IGAD and all other players will get involved. That’s politics, and we wait and see if he has the skills to play these forces to his and Somalia’s advantage. One expected Sharif Xasan supporters to comment and even make excuses for this setback; there will be many for this group in the coming months. Abdiweli has a tough job, one that no one envies, and expectations are real low for his success. We shall wait and see.
-
Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!
General Duke replied to Somalina's topic in Politics
^^^I dont buy into the whole Zenawi is the problem bull. The Somali's chose to work for others and get rich while their people die and their lands is destroyed. Zenawi is nothing, he is only tall and strong in our imagination. -
Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!
General Duke replied to Somalina's topic in Politics
^^^Zenawi is like the all powerful to you. Cam down lad.. -
Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!
General Duke replied to Somalina's topic in Politics
Siihayayaasha Golaha Wasiirada oo galabta kulmay & Ra'iisul Wasaare C/Wali Gaas oo shir gudoomiyey Siihayayaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa galabta kulan ku qaatay magaalada Muqdisho iyadoona uu markiisii ugu horeeysay shir gudoomiyey Ra'iisul Wasaararaha Cusub C/Wali Maxamed Cali Gaas. Warsaxaafadeed 1. Arrimaha Abaaraha iyo Barakacayaasha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa golaha u sheegay in xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ay marayaan heerkii ugu sarreeyey loona baahanyahay in wax laga qabto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu arrimahan kala hadlay hay’adaha Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado sidii loo gar-gaari lahaa shacabka soomaaliyeed ee ku tabaaleysan waddanka gudihiisa. Golaha Wasiirada oo ka dooday arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha ayaa xaqiijiyey in maalmahan ay muqdisho si joogta ah u soo gaarayeen barakacayaal ka soo cararay degaanaddooda kuwaasoo ay ka muuqato macluul aad u baahsan. Sidoo kale golahu waxey ka hadleen in abaaraha jira ay saameeyeen dad iyo duunyaba, loona baahan yahay in lala kaashado caalamka. Golahu waxey go’aamiyeen in guddi loo saaro arrinkan oo si deg-deg ah uga soo talabixiya xaaladda dhabta ah iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka soomaaliyeed. Golahu waxey kaloo go’aamiyeen in qeylo dhaan iyo baaq loo diro beesha caalamka oo laga codsado in xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ee dalka uu marayo heerkii ugu sareeyey loogana baahanyahay gurmad caalami ah oo deg-deg ah. Sidoo kale golaha waxey ugu baaqeen qurbo-joogta, ganacsatada iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay kaalin mug leh ka qaataan sidii shacabka soomaaliyeed ee abaaraha iyo barakacayaasha saameeyeen ay gurmad deg-deg ah ula soo gaari lahaayeen. 2. Habsami u socodka howlaha wasaaradaha iyo u adeega bulshada; Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay golaha wasiirada in loo baahan yahay in howlahii wasaaradaha iyo u adeega bulshada la sii dar-dargeliyo oo xilligan isbedelka aanu saameyn ku yeelan habsami u socodka howlaha dowladda. Golaha Wasiirada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha Gaashandhiga, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, iyo Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, kuwaas oo ka warbixiyey horumarka ay sameeyeen, caqabadaha jira iyo qorshayaasha ay wadaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii ku dhiirigeliyey in dhammaan wasaaradaha ay sii joogteeyaan waxqabadkooda, lana yimaadaan waxqabad joogta ah oo u adeegaya shacabka soomaaliyeed. 3. Tacsi loo direy Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Ugu danbeyntii, Ra’iisal Wasaaraha iyo golaha wasiiradu waxey tacsi u direen Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Mudane Cabdirashid Khalif Xaashi oo adeerkiis Marxuum Musse Xaashi Fiqi Yusuf oo 28kii Juun ku geeriyooday magaalada Galdogob. Golahu waxey marxuumka EEBBE uga baryayaan inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, dhamaan qoyskii, eheladii iyo shacabka soomaaliyeedna samir iyo IIMAN ka siiyo. AAMIIN. - DHAMAAD -