General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta ... Usbuucan waxaan u dabaaldegnay calan-saarkii Soomaaliya ee 26kii Juun, xorriyaddii Jabuuti ee 27kii Juun iyo Caawa oo aaan xuseyno 1da Luulyo. 51sano baa laga joogaa maalintaas iyada ah, oo ay dhalinyaro soomaaliyeed u istaageen inay shacabka soomaaliyeed helaan xornimo, madaxbannaani iyo inay aayahooda ka tashadaan. kaftan: Farxado kalena waa iska jireen, sida farxadii 28kii Juun ee uu Baarlamaanka sharafta leh si aqlabiyad ah igu ansixiyey oo iigu siiyey kalsooni. Aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa xildhibaanada sharafta leh. Xornimada waxey ku timid naf hurid, halgan, geesinimo, isku-duubni, wadajir, midnimo iyo dadaal shacabka soomaaliyeed ay hal meel uga soo wada jeedeen. Geesiyaashii u huray naftooda in xoriyadda la helo waxaa ka go’neyd midnimo iyo wadajir waarta. Waxaa waajib nagu wada ah inaan xusno, oo aan qadarino dhammaan halgamayaashii naftooda u soo huray xuriyadda dalka Soomaaliya. Waxaan idinka codsanayaa inaan hal daqiiqo u istaagno oo aan wada xusno dhammaan geesiyaashii naftood hurayaasha ahaa. Indeed
  2. Muqdisho: Khudbadii R/wasaare Gaas ee xuska 1-da July, maalinta Qaranimada Somaliya. Fri, 01 Jul 2011 17:54:13 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Jamhuuriyadda Soomaaliya Xukuumadda Federaaliga KMG ee Soomaaliya Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Ref: XRW/Warsaxaafadeed 0006/06/11 Date: 01 July 2011 Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee munaasabada 1da Luulyo, Muqdisho 1da Luulyo 2011 Dhammaantiin A Salaamu Aleykum Warahmatullah, Sharaf weyn bey ii tahay inaan caawa isagu nimaadno xafladdan aan ku xuseyno maalinteenii sharafta iyo qiimaha badneyd ee 1da Luulyo oo ah maalintii ay goboladda koofureed ka xoroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay gobolada waqooyi iyo koofurba ay ku midoobeen. Ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo. Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta ... Usbuucan waxaan u dabaaldegnay calan-saarkii Soomaaliya ee 26kii Juun, xorriyaddii Jabuuti ee 27kii Juun iyo Caawa oo aaan xuseyno 1da Luulyo. 51sano baa laga joogaa maalintaas iyada ah, oo ay dhalinyaro soomaaliyeed u istaageen inay shacabka soomaaliyeed helaan xornimo, madaxbannaani iyo inay aayahooda ka tashadaan. kaftan: Farxado kalena waa iska jireen, sida farxadii 28kii Juun ee uu Baarlamaanka sharafta leh si aqlabiyad ah igu ansixiyey oo iigu siiyey kalsooni. Aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa xildhibaanada sharafta leh. Xornimada waxey ku timid naf hurid, halgan, geesinimo, isku-duubni, wadajir, midnimo iyo dadaal shacabka soomaaliyeed ay hal meel uga soo wada jeedeen. Geesiyaashii u huray naftooda in xoriyadda la helo waxaa ka go’neyd midnimo iyo wadajir waarta. Waxaa waajib nagu wada ah inaan xusno, oo aan qadarino dhammaan halgamayaashii naftooda u soo huray xuriyadda dalka Soomaaliya. Waxaan idinka codsanayaa inaan hal daqiiqo u istaagno oo aan wada xusno dhammaan geesiyaashii naftood hurayaasha ahaa. Waxaa hubaal ah in haddii waddanku uusan geli laheyn marxalladaha 20kii sano ee u danbeysay oo aan ku weyney dowladnimadii, amnigii iyo kala danbeyntii, in waddanku uu maanta la tartami lahaa caalamka intiisa kale. Shaki iigama jiro in Dalkayagu uu meel wanaagsan mari lahaa haddii aan ka bad-baadi laheyn burburkii iyo dowlad la’aantii 20kii sano ee ugu danbeeyey. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada soomaaliyeed inay u istaagaan sidii aan waddankeena u badbaadin laheen oo aan u soo celin laheyn sharaftii, amnigii, kala danbeyntii, dowladnimadii iyo sidii ay ummadda ay aayahooda uga tashan lahaayeen. Ummadda soomaaliyeed waxaa maanta u muuqda ifafaallo iyo rajo wanaagsan oo aan ku badbaadin karno calankeena, sharafteena, midnimadeena iyo dowladnimo waarta. Waxaan halkan rabaa inaan u mahadceliyo geesiyaasha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed oo difaac adag iyo heegan joogta ah kujira oo maanta dagaal kula jira kooxaha nabad diidka ah ee hortaagan shacabka soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan. Xukuumadeyda waxaa ka go’an in mudnaanta koowaad ay siiso amniga, si loo soo celiyo kala danbeyntii, sharaftii iyo dowladnimadii. Waa in dhammaan shacabka soomaaliyeed ay nagala qeybqaataan halgankan aan ku soo ceshaneyno sharaftii iyo qaranimadii dalka. In kasta oo 51 guuradii xorriyadda aan u dabbaal-dageyno, haddana dalkeennu waxa uu caawa ku jiraa xaaladdo aad iyo aad u adag, oo carruur fara badan, ciroole iyo haween-ba ay saacaddan aan hadleyno la il-daran-yihiin gaajo. Ummadda Soomaaliyeed waxaa maanta isagu darsamay dagaalo, macluul, gaajo, barakac iyo abaaro dabo-dheeraaday. In badan baa qaxooti si joogta ah ugu qaxaa waddamada aan deriska nahay sida xerada Dhadhaab ee dalka Kenya oo 10,000 oo qaxooti ah ay bil walba gaaraan, halka ay ilaa 6,000 oo qaxooti ah ay iska diiwaan geliyaan xeryaha Doolow ee dalka Ethiopia. Maalmahan danbe waxaa iyana soo kordhay tirada dadka ka soo cararaya goobaha ay Al-Shabaab ka taliyaan oo u soo cararaya magaalada Muqdisho oo ay ka muuqato macluul aad u baahsan. Shacabkayaga waxaa isagu darsoomay abaaro iyo Al-Shabaab oo ka hor istaagay gargaarkii bani’aadanimo. Sidaas daraadeed, Waxaan dhammaan ganacsatada, qurbojoogta iyo shacabka soomaaliyeed ugu baaqayaa inay wallaalahood dhibaateysan la soo gaaraan gurmad deg-deg ah. Sidoo kale, beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah ay ummadda soomaaliyeed u soo gaaraan si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed ee u dhimanaya gaajo iyo abaaro joogta ah. Burburkii dowladda dhexe waxuu keenay in burcad-badeed iyo argagaxiso oo caalamka u taag waayey inay dalkeena ku dhibaateeyaan shacabkii soomaaliyeed. Sidoo kale in badahii dalka laga xaalufiyey kheyraadkii badda, isla markaana lagu shubo qashin iyo sun waxyeelo u keeni kara shacabka soomaaliyeed. Ugu danbeyntii waxaan aad ugu mahadcelinayaa qabanqaabiyeyaashii xafladdan quruxda badan ee aan ku dhigeyno Muqdisho, annagoo rajeyneyna in sanadkan kiisa kale aan goob fagaaro ah isagu wada nimaadno. Ilaahoow Calanka, Dhulka Iyo Maatada Nooga Badbaadi Cadawga. Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh.
  3. ^^^The peace of Mogadishu would send a shock to the secessionist hence the extra work being put in today.
  4. ^^^Its becoming like Liberia and Siera Leon, where African troops ended the long wars. This might be bad for the secessionists after all.
  5. nothing major, the muslims will be the majority of the whole world. Two secesionist discussing Ethiopia on Somalia's independence day. Nice
  6. ^^^ Don’t cry so much my boy. Its July 1st, the 51st anniversary of the nation called Somalia. The Somali's after years of civil war, mistrust, death and destruction are still hopeful and in love with their country and their nation. Somalia can become much better, and by the grace of Allah it will I hope that one day you start to love Somalia, instead of hating it. You work for the unity of Somalia instead of dividing it. That you accept and reaffirm the truth that the Somali child born in Mogadishu is closer to you, than the Habashi one born in Addis...