General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. AbdiWeli is by far the most educated man to ever run any office in Somalia. I welcome his appointment however we have to wait untill the cabinet is named before things are clear.. A good move..
  2. ^^I remember he met a few head of state and took part in talks in the UN security council, something no secessionist leader has ever achieved..
  3. Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo ku dhaliilay xukuumada M/weyne Faroole in ay ku fashilatay arrimaha gudaha & amniga. Mon, 20 Jun 2011 18:00:24 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Garowe, June 19- Qaar ka mid ah xildhibaanada baalamaanka Puntland ayaa maanta si kulul u dhaliilay waxqabadka dawladda, islamarkaana su’aalo arrimahaasi la xiriira waydiiyey M/weynaha Puntland oo maanta furay kal-fadhiga 26-aad ee baarlamaanka Puntland. Inkasta oo la sheegay in siyaasada dibedda wax badani ka hirgaleen ayaa lagu dhaliilay xukuumada M/weyne Faroole in ay ku fashilantay arrimaha gudaha, ayna Puntland ka dhaceen falal-dambiyeedyo aad u fara badan, ay luntay kalsoonidi ummadda ee maxada iyo hay'adaha dawlada, ayna heerkii u hoosaysay gaartay mdnimada shacabka Puntland. Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan dawladdu si buuxda wax uga qaban muddadii labada sano iyo barka ahayd ee jirtay arrimaha ammaanka, siyaasadda gudaha, cadaaladda iyo garsoorka, wax ka qabashada gobolada maqan iyo arrimo kale. Xildhibaan Max’ed Cali Guuleed ‘Indhobuur’ oo ka mid ahaa xildhibaanadii M/weynaha su’aalaha waydiiyey ayaa markii uu M/weynaha weydiinayey arrimaha ammaanka tusaale u soo qaatay dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland, dagaalkii ka dhacay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, dhacdooyinka gobolka Mudug iyo arrimo kale. M/weyne Faroole ayaa si cadho leh uga jawaabay dhaliisha mudanayaasha baarlamaanka, difaacay waxqabadka xukuumadiisa, sheegayna in dawladdu ay si fiican wax uga qabatay hawlihii loo igmaday. Axmed Sh. Tallman Radio Daljir.
  4. Talexi, not sure what you are on about lad. Puntland has its own State Flag, State Parliment, State Capital but its part of the Somalia Republic with the Blue flag and National capital being Mogadishu.. Nothing major here..
  5. Showgi, Puntland State of Somalia. Its part of the Republic of Somalia. Nothing more or less.
  6. Shacabka Puntand Oo la yaabay Jawaabo Madaxwaynuhu Maantey u jeediyey Xildhibaan Su’aalo ka dhexwaydiiyey Furitaankii Baarlamaanka Garowe (RBC Radio) Kalfadhigii 26-aad ee Baarlamaanka Puntland ee ka furmey Maantey Garowe waxaa furey madaxwaynaha dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyadoo halkaasi ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin badan kooramka Baarlamaankuna uu ahaa mid aqlabiyad ah. Baarlamaanka oo maantey aan ajandayaal lasoo hordhigin ayaa hadana ahaa mid furitaankiisu uu xiiso badan yeeshay kadib markii Baarlamaanku ay Su’aalo waydiiyeen Madaxwaynaha dowladda Puntand kuna aadan xaalada dalka. Su’aalaha Madaxwaynaha la waydiiyey waxay ahaayeen kuwo culculus oo xasaasi ah waxaana madaxwaynuhu uu uga jawaabay si adag isagoo adeegsaday hadalo kharaar oo ay mamnuuc tahay in Baarlamaanka loo adeegsado oo aan ahayn erayo Madaxwayne. Xildhibaanadii Su’aalaha waydiiyey Madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa Xidhibaan Maxamed Guuleed oo laga soo jeeda Gobalka Sanaag waxaana uu madaxwaynaha waydiiyey sababta loo cunaqabateeyey shacabka Gobalka Sanaag ee looga xayirey wadooyinkii sahayda iyo daawadu u maraysay isla markaasna dadka xanuusan la marinayay, iyadoo uu xildhibaankaasi uu madaxwaynaha ku dhaliilay qaabkii hawshaas looga go’aan gaarey iyadoo uu sheegay in dadka deegaanka iyo maamulka deegaankaas ee dowladda Puntland inaan lagala tashan isagoo sidoo kale dhaliilay saraakiisha ciidanka ee amaradaas adag bixiyey ee dadka wadooyinka halbowlaha u ah nolashooda lagu xirayo, madaxwaynaha ayuu xildhibaankani ka codsaday in arintaas dib loo eego si dhakhso ahna loo furo wadada oo aysan dadku u adkaysan karin wadooyinka wareega dheer ah.
  7. He brought a more competent approach to the way things were done. His cabinet has been the best in the last 20 years. His populist approach and common man touch became quite popular with many ordinary Somali's. While I don’t buy into most of the manufactured success stories of Farmaajo. He was much better than the fake Ala Shiekhs, warlords and other ****** we have become accustomed to.
  8. ^^^lol. The people of Minnesota The Government of Monnesota The Governor of Minnesota- they are at loggerheads as we speak.. and the passport of the USA ... Nothing difficult to comperehend
  9. Shacabka Puntand Oo la yaabay Jawaabo Madaxwaynuhu Maantey u jeediyey Xildhibaan Su’aalo ka dhexwaydiiyey Furitaankii Baarlamaanka Garowe (RBC Radio) Kalfadhigii 26-aad ee Baarlamaanka Puntland ee ka furmey Maantey Garowe waxaa furey madaxwaynaha dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyadoo halkaasi ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin badan kooramka Baarlamaankuna uu ahaa mid aqlabiyad ah. Baarlamaanka oo maantey aan ajandayaal lasoo hordhigin ayaa hadana ahaa mid furitaankiisu uu xiiso badan yeeshay kadib markii Baarlamaanku ay Su’aalo waydiiyeen Madaxwaynaha dowladda Puntand kuna aadan xaalada dalka. Su’aalaha Madaxwaynaha la waydiiyey waxay ahaayeen kuwo culculus oo xasaasi ah waxaana madaxwaynuhu uu uga jawaabay si adag isagoo adeegsaday hadalo kharaar oo ay mamnuuc tahay in Baarlamaanka loo adeegsado oo aan ahayn erayo Madaxwayne. Xildhibaanadii Su’aalaha waydiiyey Madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa Xidhibaan Maxamed Guuleed oo laga soo jeeda Gobalka Sanaag waxaana uu madaxwaynaha waydiiyey sababta loo cunaqabateeyey shacabka Gobalka Sanaag ee looga xayirey wadooyinkii sahayda iyo daawadu u maraysay isla markaasna dadka xanuusan la marinayay, iyadoo uu xildhibaankaasi uu madaxwaynaha ku dhaliilay qaabkii hawshaas looga go’aan gaarey iyadoo uu sheegay in dadka deegaanka iyo maamulka deegaankaas ee dowladda Puntland inaan lagala tashan isagoo sidoo kale dhaliilay saraakiisha ciidanka ee amaradaas adag bixiyey ee dadka wadooyinka halbowlaha u ah nolashooda lagu xirayo, madaxwaynaha ayuu xildhibaankani ka codsaday in arintaas dib loo eego si dhakhso ahna loo furo wadada oo aysan dadku u adkaysan karin wadooyinka wareega dheer ah. Madaxwaynaha dowladda Puntland waxa uu uga jawaabay xildhibaankaasi si hufan isagoo sheegay in hawshaasi ay ku dhacday arin amaan isagooo tibaaxay in wadooyinkaas laga xirey kooxda nabad diidka ah ee Shiikh Maxamed Siciid Atam oo uu sheegay inay khalkhal galinayaan amaanka, madaxwaynuhu waxa uu sheegay in arintaas xalinteeda uu galayo isla markaasna aysan kaligiis u ooline xildhibaankuna uu doorkiisa leeyahay isagoo madaxwaynuhu uu Xildhibaankaas ku qanciyey inay isaga yimaadaan hawshaas. Dhinaca Kale Xildhibaan Saleebaan Yuusuf (Indhagaduud) oo Baarlamaanka kasoo gala Gobaka Cayn ayaa ahaa xildhibaankii su’aalaha adag waydiiyey Madaxwaynaha dowladda Puntland iyadoo su’aalaha Xildhibaankani ay xasaasi ahaayeen isla markaasna dareenka madaxwaynaha badalay intii uu hadalka ku jirey. “Muddadii labada sano iyo barka ahayd ee aad hogaanka Puntland haysay ee laguu doortey wax badanbaad siyaasadda dibadda ka qabatey, waxbadana waxay ka dhumeen siyaasadda gudaha waxaa abuurmay maamul la yiaahdo Casayrland oo Gobalka Bari ah, waxaa abuurmay Galgala oo wadooyinkii imminka loo mari la’yahay, waxaa abuurmay Burcad badeed oo goosatey baddihii oo aan meel la maro lahayn, waxaa amaankeedee faraha ka baxay Gobalka Mudug oo aan meelay ku sugan tahay aan meelna loo hayn, waxaa dhacay xasuuqii Kalshaale ee Gobalka Cayn oo imminka Widhwidh loo dhiganayo Gogol nabadeed anigu dadkii la laayay si gogol nabadeed loogu dhiganayo garanmaayo oo Somaliland gacanta ku hayso, Waxaa dhacay dilalkii Garowe oo ilaa Baarlamaan iyo ilaa shaqaalihii hay’adaha iyo Shacab intaba lagu laayay oo ilaa iminka cidloo hayaa ayna jirin, waxaa dhacay tabashadii ciidamada Puntland oo waxaan qabano oo dalka kaga shaqeyno mahayno yiri oo ay mushaar la’aan ka cabanayaan oo aan waxba laga qaban oo lasoo sheegayo xitaa kuwii dhaawacmay in la ruqseeyey, waxaa dhacay Xiriirka Caalamiga ah oo baarlamaanku inuu wax kaalo ogaado ay ahayd oo safarada inaan kuula baxno ay ahayd oo guddiyaal u leenahay oo waxaad naga ogaysiiyo iyo cid kaala baxday aysan jirin, waxaa dhacday siyaasadda garsoorka oo aan daganayn illaa maalinkii aad xilka qabatey oo uu murug ka jiro intaas oo dhami markii ay ka jirto Puntland gudaheeda ciidamadiina ay shaqeyn la’yihiin ee aanu ognahay qof walba waxay imaanaysaa in gurigiisa loogu soo galo, waxaanu ognaha mudadii Puntland ay dhisnayd wax tabobar ah oo saraakiisha loo sameeyey inaysan jirin oo aanu oganahy inaanu CID lahayn dalkeenana cidii doontaa ay soo gali karto ciddii doontaana ay ka bixi karto, mudane madaxwayne intaas oo dhan oo ay wax ka xumaadeen intii aad dalka hogaankiisa haysay hadda wax makaaga qorshaysan yihiin inaad wax ka qabato” Ayuu Xildhibaanku yiri Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu ka hadlay oo su’aalo waydiimo kulul ka waydiiyey Gobalka Sool ihyo balanqaadyada madaxwaynaha oo marka Baarlamaanka uu horjoogo fiican hayeeshee aysan waxba kasoo bixin. “waxaa iisoo hartey marnaba maadan taaban Gobalka Sool oo si xun gacanta loogu hayo 35 km ayaa todobaadkan todobaadkii ka horeeyey lasoo durkay adiguna mar qura maadan soonqaadin, waxaad balan qaaday inaad Gobaka Sool talaabo ka qaadi doonto oo aan la haysan doonin haseyeeshee wax raad ah oo aad arinkaa ka samaysay oo aanu haynaa majirto balanqaadkaagu aadbuu u fiican yahay mar waloo aad Baarlamaanka hor timaadid iyo markii lagu dooranayayba haseyeeshee fulintoodii waanu tabaynaa intaa kadib mudane madaxwayne Geela ninka 99 ka halaad leh iyo ninka hasha lihi labadii nin ee geela lahaa wada weeye, Soomaaliya Puntlandbaa inoogu jirta haddaan hogaankeeda iyo hormarkeeda iyo ilaalinteeda iyo midaynteeda hadii aan Puntland la sugin Soomaaliya waxaynu ku darsanaynaa iyo waxaynu a hortagaynaa midna ma jidho mudane Madaxweyne aniga mucaarad maahan hadalkaygu waxaase caado ah ninka danta guud ka hadka xilka iyo waajibaadka umaddiisa uu u hayo ninka ka hadla waxaa loo aqoonsadaa inuu mucaarad yahay oo uusan kadimada kasoo galin, markasta Madaxwayne waxaan kaa doonaynaa rebootyada aan kuu keenayno iyo dalka xogtiisa aanu ku siinayno inaanu xor u helno inaanu kuusoo galikarno kuu imaan karno xildhibaanadu wax kuu sheegi karaan Wasiiradu ku sheegi karaan, isimadu wax kuu sheegi karaan, waxgaradku kuu sheegi karaan, aqoonyahanku wax kuu sheegi karo , siyaasigu wax kuu sheegi karo nin furan albaabadiisu aad tahay, marka albaabadaadu ay furnaadaan ayaad siyaasadda dalka heli kartaa, xogta dalka heli kartaa, ninka muwaadinka ah aad heli kartaa, khaa’inul wadanka heli kartaa, ninka kula shaqeynaya aad heli kartaa, mucaaridka iyo mu’ayidka aad kala gartaa, haddii dhagtaada ay haystaan kuwii dalka duminaayey nasiib daro weeye aadbaan uga xumahay” ayuu hadalkiisa kusoo gabobeeyey Xildhibaan Saleebaan Yuusuf (INDHABUUR). Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa wajigiisu isbadal laga dareemey intii uu xildhibaankani arimaha xasaasiga ah ee liddiga ku ah madaxwaynaha uu ka hadlayay, iyadoo madaxwaynaha caro laga dareemayay guud ahaan wajigiisa iyadoo jawaabtiisiina ay noqotey sida laga dareemayay oo ahayd mid xanaaq iyo caro ay ku dheehnayd. “Hadaanan aqoon Xildhibaan Indhabuur hadalkiisa waan dhibsan ahaa laakiin aqoonta aan u leeyahay darteed uma dhibsanayo, maxaayeelay shaqsiyadiisaan aqaan waxa uu ka ciilqabo oo uu ka hadlayaan garanayaa waxa uu meesha ka sheegay in golahan hortiisa laga sheego ku haboon maahan, wax xaqiiq ahna maahayn, Goomay mushaar ciidan qaadan jireen anaga ka hor?, goormaa dhaawacooda la daryeeli jirey anaga ka hor? goomaa sida aan ahda u shaqenayno kohor ay u shaqeyn jirtey kal saddexaad markii halkan nalaka doorte, waan ogeyn meesha aan wax ugu nimid, waxa aad sheegaysid waxaan tafaasiishooda halkan ka sheegi karo maahan ama aan ka ficil qaadan karayo, Mucaarad maan ihi baad tiri midka u xun oo waliba doqon ah baad tahay intaas baan kuu sheegayaa” ayuu madaxwaynaha Puntland ugu jawaabay Xildhibaankii su’aalaha waydiiyey ee ahaa Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Indhabuur. Hadalka jawaabta ah ee Madaxwaynaha Puntland uu Baarlamaanka hortiisa uga jawaabay xildhibaanka su’aalaha waydiiyey ayaa tan iyo galabtey waxaa looga sheekaysanayay meelaha lagu qaxweeyo iyadoo lala yaabay sida uu madaxwaynaha Puntland ugu jawaabay Xildhibaanka waliba iyada oo saxaafaddu duubayso oo uu kulanku yahay mid furan, dadweynuhu waxay ka naxeen hadalada jawaabta ah ee Madaxwaynaha iyadoo dhanka kale ay Xildhibaanka ku tilmaameen geesi kasoo hana qaaday Baarlamaanka Puntland oo dadku ku xanto inaysan waxay ku fadhiyaan aysan jirin, baarlamaanka ayaa mararka shacabku ay waydiiyaan waxa ay la aamusan yihiin ayay kaga gaabsadaan in xaalad amni darteed aysan jawaabo u bixin karin iyadoo ku gaabsanaya oo kaliyaha allaha sahlo iyo waa gaari doonaa waqti aan xor u hadalno oo aysan jirayn caburin iyo cagojugleyn. RBC Radio
  10. ^^^Its part of the war my brother. These masked men dont grow on trees, they are there to kill, maim and cause mayhem as in Mogadishu. However they have failed to takeover the city or any other city. However the response to this issue is a testement to his failure. Thats why we need a drastic change, the younger generation should be brought to power..
  11. Puntland has worked for more than 12 years and survived against great odds. The system needs updating but its idea was and is still relevant. Today I disagree with the President of the State. However the important thing to note is that there is a State, it works, and it can be transformed for the better. Those who support Al Shabaab & even worse make belief entities can not be taken seriously. Also the Tolka someone mentioned have built this state from scratch, they don’t take anything from you or anyone else. Thus try again.
  12. Gudoomiye Cuuke Oo Sheegay In Shaqaale Tayeysan Oo Aqoon Leh Ay Qaadan Doonaan Gaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa ka hadley shaqaale cusub oo ay doonayaan in ay ka howlgeliyaan xafiisyada dowladda ee Degmada Gaalkacyo. Mudane Cuuke waxaa uu sheegay in ay doonayaan in ay helaan shaqaale tayeysan, aqoon leh oo weliba daacad u ah ka shaqeynta horumarka shacabkiisa, wuxuuna intaa ku daray in jago kasta oo degmada ka banaan loo tartami doono iyadoo la qadarinayo qofka shaqada u tartamaya ee aqoonta leh. Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada Gaalkacyo xarumaheeda ay ka howgeli jireen dad aan aqoon u laheyn shaqada ay hayaan isla markaana musuq maasuqi jiray hantida shacabka laga qaado, haatanse ay isbedel muuqda ku sameyn doonaan isla markaana la keeni doono boosaskaasi rag aqoon iyo daacadnimo lagu soo xushay oo aan qabiil meesha ku imaaneyn. Mudane Cuuke ayaa tusaale u soo qaatey in mid ka mid ah shaqaalaha uu sheegay in uu mushahaar ahaan u qaato 2,000,000 Sh.So (Laba milyan Sh.So.) hase ahaatee bishii ay ku baxdo 30,000,000 (Soddon milyan Sh.So.) taasi oo lagu ogaadey baaritaan lagu sameeyay, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad noocaasi ah oo ku tagri falaya hantida shacabka laga soo aruuriyo. Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Cuuke waxaa uu sheegay in shaqadii ugu horeysay ay haatan soo dhejiyeen isla markaana ay warbaahinta ka xayeysiiyeen, waana jagada Agaasimaha Arimaha Bulshada kaasi oo la doonayo in dadka u tartamaya aqoontoodu ay gaarsiisan tahay dugsi sare ilaa iyo heer jaamacadeed. Isbedelka uu wado maamulka gobolka Mudug ayuu ku doonayaa in dhamaan shaqaalaha degmada ka howlgalaya ay noqdaan kuwa tayeysan oo aqoonta shaqada ay qabanayaan leh isla markaana aysan ka iman isdabamarin, musuqmaasuq iyo waxyaabo la mid ah, wuxuuna Gudoomiyuhu balan qaadey in fursadaha shaqo ee degmada ay u furan yihiin wiilasha iyo gabdhaha waxbartey ee aan shaqeyn. RBC Radio.
  13. Well done Cuuke, you have made us proud thus far..
  14. ^^^Its a pity that your hate for Puntland and its people has never diminished.
  15. Umar Samatar High, one of the best schools in all of Somalia..
  16. Hirarka Isbadal Ee Aayakatalinta Gobolka Mudug Taariikhdu markay ahayd 27/05/2011 ayaa waxaa ka dhacay magaalada gaalkacyo isbadal taariikhi ah oo ku salaysan in labaddalo muuqaalka murugada leh ee fooshaxun ee ay yeelatay Gaalkacyo ee ku salaysan dilka, cabsida, horumar la’aanta, laguna badalo nabad, cabsi la’aan iyo horumar, in laga guuro kala qaybsanaanta gobolka aafaysay loona guuro wadajir, wax wadaag iyo waxwada qabsi, in la joojiyo nindoorka iyo labeenta bulshada ee la ugaarsado laguna Laayo macne la`aan, in la difaacdo sharafta iyo karaamada ummadda, in wax laga qabto burburka baahsan ee ku dhacay arrimaha bulshada. Waxaa kale oo la go’aansaday in laga faa`iidaysto awoodaha la haysto sida aqoonta, dadnimada, dhaqaalaha, iyo ciidanka, waxaa la La isla qaatay in maamul iyo shacaba lawada asteeyo oo dhexda loo xirto sidii arintaas looga wada mira dhalin lahaa oo loo wada shaqayn lahaa. Kadib waxaa is abaabulay dhalinyada gobolka oo lafdhabar u ah mustaqbalka ummadda waxayna go,aansadeen inay qaataan kaalinta ay ku leeyihiin isbadalka waxay qabteen 10/06/2011 shirwayne dhalinyarada gobolka mudug waxay soo bandhigeen aqoontooda iyo kartidooda waxay balan qaadeen inay dalkooda ugu shaqaynayaan iskaa wax u qabso, inay ka qayb qaadanayaan xasilinta nabadgalyada lana shaqaynayaan laamaha kala duwan ee dawladda, inay ka shaqaynayaan nadaafadda, in ay canshuurta wax ka uruurinayaan iyagoo mutadawacnimo ku shaqaynaya, inay jidadka wax ka dhisayaan, inay bukaanada iyo isbitaalada caawinayaan, inay dadka aan waxbarashada fursadda u helin waxbarayaan iyo in ay maamulka wax walba oo wanaagsan ku garab istaagayaan. Waxaa isbadal taariikhi ah sameeyay bahda saxaafadda gobolka mudug waxay mideeyeen wax qabadkooda, waxay bulshada usoo bandhigeen wacyi galin aan horay loo arag waxayna muujiyeen dadaal iyo xilkasnimo iyo wadaninimo aan caadi ahayn taariikhda ayaana xusi doonta doorka bahda saxaafaddu ka qaadatay aaya ka talinta gobolka mudug. Kulamo joogto ah kadib dhalinyaradu waxay doorteen guddi ka kooban 13 xubnood oo dhaliyarada heer xafadeed iyo laan laan ka soo dhisa kadib waxay la kulmeen xubnaha sare ee maamulka waxayna usoo bandhigeen in saddex iyo tobanka laamood ee ay ka koobanyihiin sadexda xaafadood le magaaladu ay ka diyaarinayaan kun iyo saddex boqol oo dhaliinyaro ah oo diyaar u ah inay dalkooda iyo dadkooda ugu sheqeeyaan iskaa wax u qabso. Waxaa la oran karaa Maxamuud C/raxmaan Cuuke waa ninkii ugu nasiibka badnaa ee xukuma mudug maxaa yeelay wuxuu helay taageerada shacabka oo dhamaystiran shacabkuna waxay ka sugayaan inuu amni iyo horumar u horseedo caddaaladna u sameeyo siduu u balanqaaday Waxaa Qoray:- Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey
  17. Che, its funny that we have not heard from Fuad Shangoole, Godane for a while and your clownish Al Shabaab have failed to capture any Puntland city, with all their hot air. Faroole will have to change or held accountable. You on the other hand can hate Puntland all the way to the grave.
  18. Talexi, with all due respect. Puntland even with all the issues highlighted is still standing strong. Garowe is a city on the rise, Bosaso economic power, Qardho, Carmo and Mudug are all moving forward. We need to extend this to the Eastern regions and to SSC. Faroole needs to do more, and he needs to at least name capable men to the Eastern regions development and put together a commission on SSC. However with all his failures he is much better leaders than some who have been AWOL in the Diaspora after calling for a war.