
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Abdiqasin + Beledweyne the new Army+ other government news
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baydhabo: Wafdigii Shiikh Aaden Madoobe oo Gaaray Baydhabo - Thursday, February 24, 2005 at 15:14 Baydhabo (AllPuntland)- Wafdigii uu hogaaminayay wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (shiikh aadan madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ka dib markii ay soo dhammaysteen booqasho toddobaad qaadatay oo ay ku kala bixinayeen degmooyinka gobollada gobollada Bay iyo Bakool. Wafdiga Shiikh Aadan Madoobe, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo iyagoo dagay hoteelka la yiraahdo AL-qudus, halkaas oo ay kula kulmeen mas'uuliyiinta magaalada Baydhabo iyo wax garad kala duwan,oo ay uga mahad celiyeen sida ay u soo dhaweeyeen. Wafdiga sheikh Aadan Madoobe, waxaa kaloo ay la kulmeen Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya iyo Wasiirka Hourmarinta Haweenka iyo Qoyska ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya iyo wafdigii ay hogaaminayeen oo iyagu horay ugu sugnaa gobolka Bay iyadoo labada wafdi ay kala qaateen war bixino ku saabsan booqashadoodii degmooyinka labada gobol ee Bay iyo Bakool oo ay mid miro dhal ah ku tilmaameen. Wafdiyada DFKMG ee Soomaaliya ee booqanaya gobolada dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhawaan ku laabtaan magaalada Nairobi si ay golayaasha xukuumada u siiyaan war bixin ku saabsan wax yaabihii uga soo baxay booqashadoodii ay dalka ku tageen. Abshir Gabre Allpuntland.com -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalian leaders head home on fact-finding trip Nairobi, Kenya 24 February 2005 12:17 Somalia's exiled president and prime minister left Kenya on Thursday on their first visits home since taking the helm of the country's transitional government last year, officials said. President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Mohammed Ali Gedi left the Kenyan capital, Nairobi, in separate planes en route to Jowhar, north of the country's lawless capital of Mogadishu, they said. Officials said Gedi and his delegation had arrived in Jowhar at about 10am local time, but residents of the town said his plane had not landed by noon. A crowd of several thousand people, some waving the Somali flag and posters of the president and prime minister, was gathered at the town's airfield to greet the delegation, residents said. Once in Jowhar, officials said Gedi would prepare a reception for Yusuf who was expected to arrive later in the day. Yusuf's itinerary was not immediately known, but Somali officials said Gedi will be visiting at least three other towns on his five-day tour: Beletuuein, Baidoa and Galkayo. They said Gedi will not visit Mogadishu on the current trip because of security concerns. Gedi's departure from Nairobi had been planned for Wednesday but was delayed for logistical reasons, and no rescheduled date for the trip was announced in advance. His trip has been billed as a "meet-the-people" tour to lobby support for the government ahead of its planned relocation from exile in Kenya, where it has been located for security reasons since being formed in October. Gedi had said the relocation would begin on February 21 but although Somali officials insist the move is under way, neither the premier nor any other senior members of his government appear to have immediate plans to base themselves permanently in Somalia. Somalia has been in chaos without any functioning central authority since the ouster of strongman Mohamed Siad Barre in 1991 turned the Horn of Africa nation into a patchwork of fiefdoms ruled by violent warlords. To get a foothold in the capital, Gedi's government has requested and received authorisation from the African Union for the deployment of regional peacekeepers. But their proposed presence has drawn vehement opposition from many Somalis, particularly hard-line Islamic clerics in Mogadishu, who are opposed to the presence of any foreign troops in the country. Just hours after Gedi announced the February 21 start date for the relocation on February 9, a BBC journalist in Mogadishu to cover the anticipated arrival of the government was shot and killed in what analysts suspect was a warning against outside intervention. Last week, an AU delegation in Mogadishu to assess security for the peacekeepers narrowly missed being hit by a roadside bomb explosion that killed two Somalis and wounded five others. In addition to addressing the security situation, the government has said the speed of its relocation will depend on donors covering an initial six-month budget of about $77,3-million. Only about $8-million had been contributed by mid-February. -
Abdiqasin + Beledweyne the new Army+ other government news
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
WASAARADDA GAASHAANDHIGA DOWLADDA CUSUB OO BELEDWEYNE KA WADDA KULAMO LAYSUGU YEERAYO CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED EE GOBOLADA DHEXE KU NOOL BELEDWEYNE, Khamiis 24/02/05 Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka wadda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan dadaalo ay ku uruurineyso ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwooda ku sugan Gobolkaas si ay howl wada shaqeyn ah ula yeeshaan ciidamo ka socda Urur Goboleedka IGAD oo Itoobiyana horkacayso. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) ayaa shalay Hoteel Galbeed ee magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay saraakiisha ciidanka kaasoo mar kale ay maanta ku ballansan yihiin in shir kale ay ciidamada iyo wasiirku ku yeeshaan Hoteelkaas, waxayna ilo wareed oo ku dhow dhow wasiirku tilmaameen in la doonayo in ciidamada laga howlgeliyo Gobolkaas. Sida uu ku soo warramay wariyaha QARAN Nuur Muuse Xuseen (Nuur Inji), wasiir ku xigeenka ayaa la kulmay ciidankaan oo aan ka koobneyn qabiil gooni ah laakiin Gobolka oo dhan ka soo wada jeeda Magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Jowhar ayaa ah kuwo ay si gaar ah u dooneyso dowladda cusub inay shaqada dowlada ka bilowdo maadaama magaalada Muqdisho aaney jecleysaneyn madaxda qaar. (QARAN PRESS) -
MADAXWEYNIHII HORE EE TNG-da OO SHEEGAY IN DAGAALLO AY KA SOO CUSBOONAANAYAAN DALKA HADDII CIIDAMO KA SOCDA DALALKA SAFKA HORE SOOMAALIYA LA KEENO C/QAASIM SALAAD: "Dowladdii rabta in dadkeeda iyo Adduunku ictiraafaan waa in ay Xamar tagto, tii aanan sidaas yeelina sharcinimo ma heleyso, adduunkana aqoosan maayo, hadde markaas kadib Hoggaamiye Kooxeed meeshii uu doono waa tegi karaa" JARAA'ID Khamiis, February 24, 2005 (HOL) @16:00GMT: C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynihii hore ee dowladdii lagu soo dhisay Jabuuti ee TNG-da ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo Soomaalida quseynaya, si gaar ahna waxaa uu uga hadlay labo qodob oo maalmahaan ay aad u hadal hayaan dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah wareejinta Caasimadda Muqdisho iyo keenista ciidamo shisheeye ee dalka Soomaaliya. Madaxweyne C/qaasim Salaad oo aan isagu in muddo ah ka hadlin qalabka warbaahinta, hadalkiisana uu ahaa mid aad loo daneynayay ayaa waxaa uu jeediyay qudbad dheer intii uusan ka jawaabin su'aalo ay weydiinayeen saxafiyiin ka qeybgashay kulankaas. C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in wax badan oo ay ka dagaalamayeen markii uu ahaa madaxweynihii TNG-da ay haatan soo baxayaan, kuwaasoo kala ah in dalka la kala qeyb qeybiyo, iyadoo taasina ay doonayaan qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya oo aan iyagu marna raali ka ahayn in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto oo markaasina ay noqoto qaran awood leh, wuxuuna C/qaasim soo daliishaday hadalkii uu horay u sheegay madaxweynihii hore ee Kenya Mr. Daniel Arap Moi oo isagu ka dhawaajiyay in aaney dalalka deriska la ah Soomaaliya in aysan dooneyn in uu soo noqdo Qaran Soomaaliyeed. Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in aanu shaki uga jirin in ay dalka dib uga soo cusboonaanayaan dagaallo sokeeye oo ahli ah, waase haddii buu yiri dalka la keeno ciidamo ka socda dalalka safka hore ee Soomaaliya la deriska, isagoo soo dhaweeyay in uusan waxba u arkeynin haddii la keenayo ciidamo ka socda urrada kale ee ay Soomaaliya ku jirto, sida Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. "Midnimada dalka iyo Madaxbannaanidiisa waxaa mar walba ka soo horjeeday cadawga dibadda oo adeegsanayay dad Soomaali diirka ka ah balse uu ku adeegto cadawga Soomaaliyeed, si uu ugu fushado qorshahiisa soo jireenka ahaa oo ku saleysan in Qariidada Adduunka laga waayo Qaran Mideysan, madax bannaan oo Soomaaliya la yiraahdo, si uu arrimahaas u gaarana waxaa uu soo siiyay tacbanayaashiisii u shaqeynayay hub iyo qarash intaba, muddo afar sano ah ayaan la dagaalameynay qorshahaas cadawgu wato, hayeshee waxaa dhacay in shirkii ka socday Kenya lagu doortay madax inteeda badan ka mid ahayd kooixihii la baxay magaca SRRC oo lagu aas aasay magaalada Hasawa ee dalka Itoobiya, markaas annaga waxaa nala gudbooneyd labo dhabo in aan mid qaadno (1) in aan gebi ahaanba diidno wixii lagu dhisay shirkaas Nairobi (2) in aan ogolaano annaga oo shacabka Soomaaliyeed u soo jeedineyna in ay arkaan wixii ay la yimaadaan madaxda lagu doortay shirkaas" ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo shirkiisaan jaraa'id maanta ku soo beegay iyadoo ay dalka ku soo laabteen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka. C/qaasim Salaad waa uu sii hadlay, wuxuuna tilmaamay waxa la gudboonaa madaxdaas lagu doortay shirkii Kenya, "aragtidayada madaxdaas waxaa la gudboonaa in ay sii wadaan dib u heshiisiintii dowladdii hore mudada dheer ka soo shaqeyneysay, in ay qorshe u dejiyaan sidii hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka jooga gobollada dalka, in ay tababaraan ciidamadii Qaranka ee ay soo nooleysay dowladdii hore, si ay awood ugu yeeshaan hanashada nabadgelyada dalka, marka laga hadlayo hub ka dhigista, waxaa howl yaraaneysa arrintaas, iyadoo hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray ay dhamaantood xubno ka yihiin xukuumadda iyo baarlamaanka, ayna waajib ku tahay, ballanqaadeena in ay hubka dhigayaan" ayuuna hadalkiisa ku sii daray C/qaasim. Madaxweynihii hore ee TNG-da C/qaasim Salaad waxaa uu sheegay in dowladdii laga sugayay fulinta arrimahaas ay soo baxday in ay muddo lix bilood ah isku mashquulineyso caasimadda in laga raro hay'adaha qaranka, sida Baarlamaanka, Xukuumadda ama Madaxtooyada, loona raro gobol ka mid ah gobollada dalka, iyadoo taasina uu xusay in ay ka soo horjeedo Axdiga Qaranka qodobkiisa 5aad farqadiisa 1aad oo caddeyneysa in caasimadda Soomaaliya ay Xamar tahay. Halkii laga sugayay in ay dib u heshiisiinta sii waddo ayuu hadana C/qaasim ku eedeeyay dowladda Federalka in ay dagaallo hor leh ka hurayaan gobollada Bay, Bakool, Jubada Hoose, Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool intaba, dagaalladaasoo cadawga hub iyo rasaasba ku bixiyay. "Waxaa intaas oo dhan ka sii daran in madaxdii dowladda federaalka ka codsatay dowladaha deriska la ah dalkeena ee colaadda soo jireenka ah naga dhaxeysay qaarkood ciidamo, dowladahaasoo dalka ku soo dal dalayay hub iyo ciidamo si loo sii huriyo dagaallada sokeeye, halkaasna ay ku suusho, Midnimadii iyo Qarannimadii Dalka. Shacabka Soomaaliyeed uma kala harin diidmadiisa ku aadan in ciidamo shisheeye dalka la keeno, gaar ahaan kuwa dalalka safka hore, wuxuuna u diyaargaroobay difaaca dalkiisa, hayeeshee waxaan reebaneyn in la keeno dalka ciidamo kooban oo qorshe cad ku socda oo xilkoodu yahay ilaalinta Xarumaha Dowladda, Dekedaha, Garoomada Diyaaradaha, Tababarana Ciidamada Qaranka, kuwaasoo laga keenayo Dowladaha ku jira labada Urur ee aan ku jirno ee midna yahay Midowga Afrika, midka kalena uu yahay Jaamacadda Carabta oo aysan ku jirin dowladaha deriska nala ah" ayuu mar kale yiri C/qaasim Salaad Xasan oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u guntadaan dhowrista Midnimada dalka iyo Madax bannaanida Qaranka Soomaaliyeed. "Waxaan marna shaki ku jirin in sharcinimada baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu dhisay Nairobi ay ku xiran tahay hadba sida ay u hesho taageerada shacabka Soomaaliyeed, ugana howlgasho caasimadda dalka, annagu dowladdeenii TNG-da waxay sharci ku noqotay in aan caasimadda nimid kuna howlgalnay, taasina aan aqoonsi uga helnay Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo badan" ayuu mar kale yiri C/qaasim Salaad oo intaas sii raaciyay "Dowladdii rabta in dadkeeda iyo Adduunku ictiraafaan waa in ay Xamar tagto, tii aanan sidaas yeelina sharcinimo ma heleyso, adduunkana aqoosan maayo, hadde markaas kadib Hoggaamiye Kooxeed meeshii uu doono waa tegi karaa". Waxaa uu sheegay C/qaasim in aan la go'doomin karin caasimadda Soomaaliya in ay iyadana wax go'doomiso meeyee, waayo ayuu yiri "caasimadda iyada ayay ku xiran yihiin gobollada kale ee dalka sida aad ogtihiina waxaa yaala Caasimadda dhaqaalaha dalka intiisii badnaa, dadka intiisii badnaa iyaduu yaalaa, Dugsiyadii iyo Jaamacadihii iyada ayay ku yaalaan", wuxuuna markaas ka jawaabayay C/qaasim su'aal ahayd waxa ka imaan kara haddii caasimadda loo wareejiyo meel kale isla markaana la go'doomiyo. Xukuumadda iyo Baarlamaanka lagu dhisay Kenya miyay metelaan dadka Soomaaliyeed ayay ahayd su'aal uu weydiiyay C/qaasim wariye Ajnabi oo shirka jaraa'id ka qeybgalay, wuxuuna ku jawaabay "haddii ay gudaha yimaadaan oo ay ka howl bilaabaan waa ay metelaan", Laakin sow qatar maahan in halkaan la yimaado oo lagu howlgalo ayay ahayd su'aal kale oo uu wariyuhu sii raacsaday, wuxuuna mar kale yiri C/qaasim " meel kasta oo adduunka ah qatari wey ka jiri kartaa, Nairobi qudheeda qatar ayaa ka jirta, Yurub meelo ka mid ah ayay qatar ka jirtaa, waayo waxaad xusuusan tahay Dalka Sweden waxaa lagu dilay Wasiirkii Arrimaha Dibadda". C/qaasim Salaad waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed kuwooda hadda dhashay mooyee inta kale ay ogyihiin waxa Soomaali iyo dowladaha deriska ah ka dhaxeeya, "hubka la isku gumaadayo ee dalka yaala meesha laga keenayna Soomaalida waa la socdaan" ayuuna yiri, isagoo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto dal gaar ah oo uu arrimahaas ku eedeynayo, wuxuuna ku af-gobaadsaday in aysan jirin cid ka jecel in ay dowladaha deriska iyo Soomaaliya ku wada noolaadaan derisnimo wanaag. "Axzaab waa la furan karaa haddii waqtigu saamaxo, waana meesha la rabo in looga gudbo qabiilka, hayeeshee ma jiro xisbi aan annagu furnay ama aan ku dhawaaqnay " ayuu kaga jawaabay C/qaasim Salaad su'aal ku saabsaneyd waxa ka jira in ay Xisbi Siyaasadeed furanayaan. Sida uu u arkayo wafdiga Dowladda Federaalka ee Jowhar ka degay ayaa la weydiiyay, wuxuuna ku gaabsaday in la tegi karo meel kasta oo dalka ka mid ah, balse sida uu hadalka u yiri lama huraan waa cows jiilaale ay daruuri tahay in la yimaado Caasimadda oo uu weliba madaxweynaha ku shaqeeyo Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka degay magaalada Jowhar Khamiis, February 24, 2005 (HOL) @16:00GMT: Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi, isla markaana ay tiradoodu ku dhaweyd 50 ruux ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wafdigan oo ka soo degay garoonka degmada Jowhar ayaa waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka. Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid deegaanada hoos yimaada gobolka, isla markaana caleemo qoyan ruxayay ayaa ka qeybqaatay soo dhaweynta mas'uuliyiinta dowladda, iyadoo markii ay ka degeen garoonkana lagu maamuusay 21 madfac oo loo riday. Dabcan, Degmada Jowhar ayaa u muuqata mid meteleysa caasimaddii Soomaaliya, marka loo eego sida loogu maamuusay Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo xubnaha kale ee la socda, iyadoo ammaankana ay sugayeen Ciidamo ku labisan dharkii lagu yaqiinay Ciidamada Booliska, kuwaasoo gacmaha ku heystay Budad, sida wararka naga soo gaaraya Jowhar ay sheegayaana laguma arkayo magaalada gudaheeda cid hubi ku sidata, taasina waxaa saamaxay oo ka shaqeeyay maamulka Shabeelaha Dhexe. Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo garoonka diyaaradaha oo dhowr iyo toban Km u jira magaalada Jowhar looga soo qaaday gaari nooca madaxda ah oo weliba uu ka babanayo calanka Soomaaliya ayaa waxaa la dejiyay guryo horay loogu diyaariyay, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu saacadaha soo socda u baqooli doono deegaanada Puntland. Wafdiga Dowladda Federaalka ee gaaray Jowhar ayaa xubnaha kale ee la socda waxaa ka mid ah Saalim Caliyow Ibrow, Cabdalla Deerow ***** , Mowliid Macaani Maxamuud, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma dheere, Salaad Cali Jeelle, Cali Ugaas Cabdulle, Daahir Maxamed Shiikh (Daahir Dayax), Sahra C/qaadir iyo kuwo kale. Ma ahan wafdigii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Federaalka ee yimaada gudaha dalka Soomaaliya, waxaana horay dalka u soo gaaray wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan, halka haatan ay wafdiyo kale oo ka tirsan dowladda federaalka ay ku sugan yihiin magaalooyinka Baydhabo, Beledweyne, Garowe iyo Gaalkacyo. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafdigii ugu sareeyey ee ka socda DFKMG ah oo maanta cagaha soo dhigey ciidda Soomaaliya SBC Exclusive-24.Feb.2005 Wafdigii ugu sareeyey ee ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya ee abid cagaha soo dhiga ciidda ama arlada Soomaaliyaayaa maanta waxay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Jawhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe. Wafdigan ayaa saaka hiirtii waaberi waxay ka soo duuleen Garoonka Diyaaradaha Wilson ee Magaalada Nairobi waxaana wafdiga ku sii sagootiyey Garoonka Xubno ka socdey Dawlada Kenya iyo waliba DFKMG ah waxaa ka mid ahaa xubnahaas Gudooomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo waliba xubno kale oo ka socdey Golaha Baarlamanka iyo Golaha Wasiirada, sidoo kale waxaa wafdigan ku sii sagootiyey kaaliyaha Wasiirka u xilsaaran arrimaha Africa Kenya Joshua Ojodeh, Kaaliyaha Wasiirka Gobolka Bariga Africa John Nyagha iyo Danjiraha Kenya u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey. C/laahi Yuusuf ayaa intii uusan raacin diyaarada wuxuu sheegay in uu u socdo dalkii, wuxuuna isaga oo dhoolacadeynaya yiri" Waxaan aadayaa Dalkii waxaana u socdaa nabadeyn iyo isku keenida bulshada Soomaaliyeed" “Carradii waa nabad Soommaalidiinna meesha joogtaay fulaynimada iska daaya ee ina keena" ayuu yiri C/laahi Yuusuf oo markaas u sii dhaqaaqey Diyaaradii u soo qaadi lahayd Magaalada Jawhar. Wafdigan waxaa hogaaminayey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geeddi waxayna ka koobnaayeen Xubno aad u fara badan oo ka kooban Golaha wasiirada iyo waaliba Golahan Baarlamanka ayaa waxay ku socdaalayeen 3 diyaaradood oo ay ka soo raaceen Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Wafdigan ayaa waxay soo gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Jawhar iyadoo diyaaradii sidey wafdigii ugu horeeyey oo ka koobnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo Ergooyinkii Shirkii Soomaaliya ay degtay 12:30, Diyaaradii labaad oo sidey Xubno ka mid ah Golaha wasiirada iyo Xildhibaano ayaa waxay cagaha la heshay dhabaha diyaaradaha ee Garoonka abaara 12:35 daqiiqo, halka diyaradii ugu dambeysay oo ay saarnaayeen C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi ay soo degtey 12:45 daqiiqo. Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey dad aad u fara badan oo kumanaan gaaraya kuwaasi oo u hamuuun qabey aragtida iyo soo dhaweynta Madaxweynaha DFKMG ah oo ay mudo sugayeen. Madaxweynaha DFKMG ah ayaa markii uu ka soo dagey Sallaanka diyaarada ayaa waxaa Ciidamo meeshaas lagu diyaariyey oo ka koobnaa Booliis iyo Malateri ay siiyeen salaan sharaf, iyadoo kooxaha Bambayda ay halkaas kaga shanqiriyeen Astaanta Musiga Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta Garoonka Diyaarada si weyn uga dhex muuqdey. Sidoo kale C/laahi Yuusuf ayaa intii uu salaan shafarta ka qaadanayey Cutubyada Ciidamada waxaa loo ridey 21 Madfac oo hab muumuus ahaan cirka loogu ganey, waxaana sidoo kale Dhabaha Diyaarada ilaa iyo markii uu fuuley gaari madow oo loo diyaariyey uu ku dul socdey roog cas oo lagu gogley garoonka diyuuradaha. Wafdigan ayaa waxaa loo soo dhaweeyey si heer sare ah iyadoo min Garoonka Diyaaradaha oo magaalada u jira 13 KM ilaa iyo Magaalada ay dhoobnaayeen dad aad u fara badan oo ay ka muuqatey shacuur wadaniyadeed iyo mid u hamuun qabka Dawladeed. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed,Ra'iusulwasaare Cali Maxamed Geedi,Wasiirka maaliyada ahna ku xigeenka Ra'iuslwasaaraha Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Fedaraalka Cabdalla Deerow ***** , wasiiru dowlaha Baarlamaanka iyo Xukuumada C/rixmaan Adan Ibi,Wasiirka Dhulka iyo Deegaamaynta Moowliid Macaane Maxamuud, Wasiirka Horumarinta Reer Miyaga Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmo dheere, Wasiiru ku xigeenka Wasarada Warfaafinta Salaad Cali Jeele, Af hayeenka Madaxewynaha Yuusuf Bari Bari iyo waliba Cali Ugaasb Cabdulle iyo Daahir Dayax oo ka mid ahaa Ergooyinkii ka qayb galey shirkii lagu dhisey Dawlada, waxaa sidoo kale wafdigan ka mid ah xubno kale oo ka mid ah Golaha Baarlamanka iyo Wasiirada oo aynan helin magacyadooda. Dadweynaha ayaa waxay ruxayeen caleemo qoyan iyo waliba Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay kuujinayaan taageerada ay u hayaan Xukuumada iyo waliba hadalo kale oo fara badan. Xubnihii wafdigan maanta ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb( Maxamed Dheere), Khadiijo Maxamed Diiriye oo wasiir ku xigeen ah iyo Salaax Cali Faarax iyo waliba xubno kale oo fara badan. Wafdigan ayaa waxaa la dajiyey Guriga Gobolka iyadoo amaankooda aad loo adkeeyey waxaana lagu wadaa inay ilaa caawa ay joogaan halkaasi, iyagoo ka soo degi doona maalinmada Beri ah Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland. Wariyaasha Idaacadda SBC ee Magaalooyinka Nairobi Iyo Jawhar(Canab Mumtaax & C/qani Sheekh) Waxaa Isku soo duwey Agaasimaha Eng.Mowliid Haji Abdi. -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Exiled Somali president arrives in homeland on first trip home Posted to the Web Feb 24, 13:46 JOWHAR:- Somalia : Somalia's exiled President Abdullahi Yusuf Ahmed arrived here on his first trip to his homeland since being elected chief of the lawless country's transitional government last year. Yusuf arrived by plane from Nairobi around 12:45 p.m. (0945 GMT) in this town north of the capital Mogadishu shortly after Prime Minister Mohammed Ali Gedi and a delegation of senior Somali officials touched down on the first leg of a fact-finding mission. Several thousand cheering and dancing Jowhar residents greeted the president's plane, waving Somali flags and posters of the president and prime minister as well as placards, the AFP correspondent said. "Welcome to your country," said one sign. "The people of Jowhar welcome the transitional federal government," read another. "Long live the president and the prime minister," another said. Yusuf was expected to travel later to his home region of Puntland in northeast Somalia but was to follow a separate intinerary from Gedi, who was to visit at at least three other towns on his five-day tour: Beletuuein, Baidoa and Galkayo. Neither Yusuf nor Gedi were expected to visit Mogadishu due to security concerns, the officials said. Source:AFB -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-------------------------------------------------------------------------------- Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisul-Wasaare Geedi oo Gaaray Jowhar Caasimada Gobolka Shabeellada Dhexe. Madaxweyne Cabdulllahi Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maantay galinkii hore gaaray magaalada Jowhar ee Caasimada Gobolka Shabeelada dhexe ee bartamaha Soomaaliya waxaana sidoo kale asagun gaaray magaaladaas wafdi kale oo uu horkacayey Ra`iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ah Cali Maxamed Geedi labadaan wafdi oo uun wax yar kale horeeyey ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Jowhar ee uu ka taliyo hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere oo aan asagu ku jirin golaha Baarlamaanka iyo xukuumadda midna, waxaana wafdiga madaxweynaha la dajiyey xarunta Gobolka. Wafdigaan ayaa sida xaqiijinayaan wararka aan ka helayno Nairobi oo ay saakay ka duleeen waxaa madaxweynaha ku weheliya xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda waxayna wararku intaas ku darayaan Madaxweynaha iyo wafdigiisu inay u sii gudbi doonaan magaalada Garoowe, socdaal-kaan Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa uu qaadan doonaa mudo shan casho ah sida ay wararku sheegayaana waxaa kale oo ay tagi doonaan magaalooyin kale oo ka tirsam Soomaaliya. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlayey dadweyne saakay ku sii sagoontiyey garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport ayaa sheegay inuu u socdo sidii uu bulshada Soomaaliyeed iskugu keeni lahaa. Waa markii ugu horeesay ee ay gudaha Soomaaliya tagaan Madaxweyen Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisul-Wasaare Geedi tan iyo markii uu Cabdullaahi Yuusuf uu ku guulaystay madxatinimada Soomaaliya uuna u magacaabay Cali Maxamed Geedi Wasiirka koowaad ee Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya. Gedonet.Com London Uk. -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Indhaha dadka ayaa Maanta qabanayey dad tiro badan oo aad u faraxsan oo soo dhoweeyey waftiga Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaarahaba Posted to the Web Feb 24, 13:27 Waxaa Maanta abaarihii 12:45 Duhurnimo si fiican loogu soo dhaweeyey Garoonka ku yaala Magaalada Jowhar Wafuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya. Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb ayaa si fiican ugu soo dhaweeyey Waftigaas garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar. Maxamed Dheere ayaa waftiga ku soo dhaweeyey Baabuurta Ku gaashaaman hubabka Waaweyn iyo Baabuur khaas ah oo u diyaariyey waftiga DKF Soomaaliyeed. Labada Mas'uul ee ugu waaweyn Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si ay farxadi ka muuqato u gacan qaaday masuuliyiinta Gobolka iyo dad aad u tiro badan oo soo dhaweynayey waftiga. Indhaha dadka ayaa qabanayey Maanta dad aad u tiro badan oo aad u faraxsan oo soo dhoweeyey waftiga Madaxweynaha iyo ra'iisal wasaarahaba, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ardayda Dugsiyada, Ciidanka Booliiska iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed. Maamulka Gobolka Jowhar ayaa saaka aan u kala harin soo dhaweynta waftigan oo Booqasho ku kala bixin doona goobo badan oo kamida Soomaaliya.Booqashadan ayaa saaka ay wafdigu ku yimaadeen Magaalada Jowhar ayaa dhinacyo badan marka loo fiiriyo fikirka Siyaasadeed ee Soomaaliya ah, mid sii xoojinaysa dadaalka ay umada Soomaaliyeed ay ka sugayaan mas'uuliyiinta Dowlada. Dinaca kale Dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelada dhexe ayaa u arka inay tahay booqashada wafdiga an,horumar Siyaasadeed oo ay gaareen bulshada Soomaaliyeed khaas ahaan dadka ku dhaqan Magaa-ada Jowhar oo waayahaanba ka maqnaa muraayada hore ee Siyaasada,Gobolkaas oo ahaa goobihii ugu muhiimsanaa ee wax soo saarka Soomaaliya hodanka ku ahaa. Dhinaca kale Siyaasiyiinta ugu waaweyn Magaalada Xamar oo ay ka mid yihiin Xuseen Xaaji Bood iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa Safarka Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ku tilmaamay mid ay ka xun yihiin arinta ah inay Garab maraan M/madaxda Soomaaliya. Isku soo wada duuboo fakirka Rasmiga ayaa noqonaya Soomaaliya meel kastoo laga tagaaba inay tahay mas'uuliyad Saaran inuu xushmeeyo qof kasta oo Soomaaliya,Wadanka iyo Umaduna ay Maanta uu u baahan yahay Degenaansho rasmiya si ay Umada Soomaaliyeed uga Baxaan dhibkii haystay mudadii 15ka Sano ku dhowaadka ahaa. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Weftigii Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah ayaa si Quman uga Degay Magaalada Jowhar Posted to the Web Feb 24, 11:23 jowhar:-Weftigii Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah ayaa si Quman uga Degay Magaalada Jowhar halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Sar sare ee Gobolka Shabeelada Dhexe. Wafdigan oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaan saaka si qumaati ah aan loogu xaqiijin Saxaafadaha goobta rasmiga ah ee ay ka degayaan, iyadoo looga gaab- saday arimo xaga amaanka ah. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey Magaalada Jowhar soo dhoweyn ku aadan safarka madaxdan iyadoo ay shacabka iyo madaxda gobolkaas ay ku dhaqaaqeen inay wanaajiyaan biicda Magaalada iyo iyadoo Magaalada Faras-cadaheeda lagu qurxiyey Astaantii calankii Jamhuuriyada Soomaaliya. Waftiga iyo Soo dhoweytooda waxaad idinla soo socodsiinaynaa waqtiyada Soo socda. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
C/llaahi Yuusuf & Wafdigiisii oo saacad ka hor ka degay Magaalada Jowhar Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya ayaa waxay saacad ka hor ka dageen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe,iyagoo saaka ka soo kictimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo wafdigii la socday la geeyay Xaruunta guriga ee Degmada Jowhar, iyadoo ay ilaalinayaan sida la sheegay tiro badan oo Baabuurta dagaalka ah. In kastoo horey loo shaacinin in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf tagayo Magaalada Jowhar haddana waxay wax ka yar saacad ka dambeeyen Wafdiga Cali Maxamed Geeddi,iyadoo Magaaladaas si weyn looga soo dhaweeyay Labada Wafdi. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa tan iyo Markii la doortay 10 kii Octobar soo caga dhigan dalka uu madaxweynaha ka yahay, hase yeeshe socdaalkan ayaa waxaa u yahay kii ugu horeeyay oo uu dalka ku yimaado, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda u sii gudbi doona Magaalada Garoowe oo haatan dad badan ku sugayaan. Dadweynaha Magaalada Jowhar ayaa si weyn waxay ugu faraxeen in Madaxweynaha soomaaliya deegaankooda booqasho ku yimaado, sidoo kale dad ayaa waxay dooneyeen inay arkaan Muuqaalka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Waxaa ku soo dhaweeyay Jowhar Wafdiga Madaxweynaha Guddoomiyaha Maamulka Jowhar Maxamed Cumar Xabeeb ( Dheere) iyo Xubno ku socda Maamulka Jowhar. C/llaahi Yuusuf ayaa gacan saf saf ah la dhex maray dadweynihii soo dhaweeyay, isagoo markaasi loo diyaariyay gaari madow oo Calanka soomaaliya ku xiran, waxaana Baabuurka uu saarnaa la raacay Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Maxamed Dheere. Garoonka Diyaaradaha jowhar oo 18 KM u jira Magaalada jowhar ayaa markii uu soo caga dhigtay loo riday hub fara badan oo muujinayso taageerada Maamulka jowhar u haayaan Dowladda KMG. Waxaa la filayaa in Prof. Cali Maxamed Geeddi horey ugu sii raaco Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed una sii raaco Magaalada Garoowe, in kastoo warkaas si dhab ah loo shaacinin, Wafdiga ayaa waxay wataan 3 Diyaarad oo mid ka mid ah daqiiqado ka hor u sii gudubtay Magaalada Garoowe. Wixii warar dheraad ahna waan idin soo gudbin doonaa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafdigii uu hoggaaminayay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo goor dhaw soo caga dhigtay Magaalada Jowhar Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ay soo gaareen Magaaladaas daqiiqado ka hor. Wararka ayaa sheegaya in Wafdigan ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda KMG ah Saalim Caliyow Ibrow, Mowliid Macaan iyo Wasiir kuxigeenka arrimaha qoyska Sahro C/qaadir. Ilaa iyo hadda lama haayo tirada Xubnaha la socda Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Magacyada Wafuuda, waxaase la sheegay in si weyn looga soo dhaweeyay Magaalada Jowhar. Dhawr Baabuurta dagaalka ayaa gaaf wareegayay gudaha iyo Banaanka Magaalada Jowhar, waxaana si weyn loo sugay amaanka Magaalada jowhar, waxaa guud ahaan la joojiyay Baabuurta dadweynaha ama rakaabka ee u kala socda Gobolada dalka soomaaliya. Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa khudbad u jeediyay dadkii soo dhaweeyay waxaa uu sheegay in dowladiisu tahay dowlad dib u heshiisin ah, meel kasto oo soomaaliya ka mid ahna tagi doonan waa sida uu hadalka u dhigay. In kastoo ay adag tahay bay leeyihiin wariyaasha Jooga Jowhar in si dhab ah loo ogaado waxyaabaha salka ku haysa socdaalka Prof. Cali Maxamed Geeddi. Mowliid Macaan Maxamud oo isago ka mid ah Wasiirada Dowladda KMG ayaa qiimo badan waxay u leedahay socdaalka uu hadda ku joogo Magaalada Jowhar, isagoo horey u sheegan jiray in taageeriyaashiisa ku sugan yihiin Jowhar. Ardayda Dugsiyada Waxbarashada Jowhar ayaa waxay muujiyeen kalsooni badan kadib markii ay si la yaab leh u soo dhaweeyen Wafdiga Prof. Cali Maxamed Geeddi, sidoo kale Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya. Dhanka kale waxaa adag ama in yar xumaatay Isgaarsiinta Magaalada Jowhar sidaas darted wararka Wafdiga iyo warar kale waxaa saacadba saacadda ka dambeysa kala socon doontiin midnimo. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com -
Jowhar: Madaxwaynaha iyo Raysul-wasaaraha Soomaaliya oo si wayn loogu soo dhaweeyey Jowhar - Thursday, February 24, 2005 at 12:16 Jowhar (AllPuntland) Madaxwaynaha JFK ee Soomaaliya Md Cabdullaahi Yuusuf iyo wafid ballaaran oo uu kamid yahay Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Jowhar. Wafdiga oo watay sadex diyaarodood ayaa la dajiyey guriga gobolka ee magaalada Jowhar.Soo dhawayn aad u saraysa ayaa loo sameeyey maanta madaxwayanaha iyo wafdiga aadka u ballaaran ee weheliya. Magaalada Jowhar waa magaalo madaxda gobolka Shabeelada Dhexe waxaana Sh/dhexe xad la leedahay gobolka Banaadir. Wararka wafdiga dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii rabi idmo AllPuntland.com
-
Its a good article, relevent and something that must wake us to the situation of our homeland. It makes me helpless when I read such things, for what are those fools fighting for, what future or world are they creating for their own children?
-
Thanks Caamir.
-
Puntland oo isu diyaarineysa soo dhoweynta wufuudda Dawladda Federaalka Soomaaliya Garoowe - 22.February.2005 Waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo laga dareemayaa sida ay mas'uuliyiinta iyo dadweynuhuba isugu diyaarinayaan soo dhoweynta wafdiga dawladda federaalka Soomaaliya, ee deegaannada Puntland ku soo fool leh maalinta Khamiista. Waxaa si weyn u socda qabanqaabada ku aaddan soo dhoweynta wufuudda kala duwan ee dawladda Federaalka ah oo qaybo ka mid ah oo hordhac ay maanta ka soo degeen garoonka diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe. Wafdiga imanaya Puntland maalinta Khamiista ayaa waxaa ka mid ah; Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyo saddexda ra'iisal wasaare, taas oo muujineysa in dhammaan mas'uuliyiinta ugu sarsaraysa dawladdu ay Puntland imanayaan. Dawlad Goboleedka Puntland, ayaa guddiyo kala duwan u saartay soo dhoweynta wafdigaasi, waxaana magaalada Garoowe ka soconaya qaban qaabo so xoog leh u soconeysa, waxana la qiyaasayaa in ay soo dhoweyntani noqon doonto tii ugu ballaarnayd ee abid ka dhacda deegaannada Puntland. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada DKMG ah iyo Ra'iisal wasaare Geedi oo berito u kicitimi doona safar dalka gudihiisa ah iyo Goobaha ay booqan doonaan Posted to the Web Feb 23, 12:16 Nairobi:Wefti balaaran oo ka kooban Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka FKMG ah ,ayna si wada jir ah u hoggaaminayaan Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah ee Soomaaliyeed,Md.C/llaahi - Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Md.Cali Maxamed Geedi ayaa waxay berito socdaal ugu kicitimi doonaan dalka gudihiisa. Weftigaan ayaa waxay wararka xog ogaalka ahi ee ka soo baxaya sheegayaan inay booqasho ku tagi doonaan Magaalooyinka baydhabo,Beledweyne,Garoowe,Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah,iyagoo safarkooda lagu tilmaamay mid la xiriira u kuurgalida arrimaha gudaha ee dalka iyo u bandhigid ku aadaan barnaajimka Dawladda ee Bulshada Soomaaliyeed ee muddada 14 sano ku jirtay kala dambeyn la,aanta. Socdaalka Wafuudaan oo qaadan doona mudda 3 cisho ah ayaa waxay dib ugu soo laaban doonaan Magaalada Nairobi oo fariisin KMG ah u ah Dawladda,iyadoo markaas dib lagu dhaqaaqi doono dhagaysiga Weftiyadii kala duwanaa ee dalka soo maray oo iminka qaarkood uga sii horreeyaan meelaha ay tagayaan,waxaana Baarlamaanka la hordhigi doonaa labo arrimood oo kala ah in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo gacan ku siiya Dawladda dib ugu laabashada dalka iyo halkii noqon lahayd Xarunta KMG ah ee Dawladda inta Magaalada Muqdisho loo arkayo meel laga hawlgali karo,arrimahaas oo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo laga qabo. Dhinaca kale Weftii Baarlamaanka ee uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Shariif Xasan Sh.Aadan ee ku hakaday Dubai ayaa waxaa lagu wadaa inay galabta abaarihii 5:00 galabnimo soo gaaraan Nairobi,ka dib markii ay ka soo laabteen safar 7da cisho qaatay oo ay ku tageen Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga,waxaana socda abaabulo lagu soo dhaweynayo weftigaas. Jaamac Ismaaciil dahrbaaxo Puntlanndpost,Nairobi,Kenya
-
Tacsi : Islaan Maxamed Islaan Muuse: oo Xalay geeriyooday
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
wiil Duco the envoys went for the funeral of the late Islan Maxamed. Its a relevent post. Wafdigan ayaa waxay u socdaan inay soo gaarsiiyeen Qoyska iyo Ehelada Islaam Maxamed Muuse Tacsi ay uga wadaan DFKMG Like you said he was one of the most respected leaders in Somalia. Ilaahoow unaxariiso marxuumka -
Tacsi : Islaan Maxamed Islaan Muuse: oo Xalay geeriyooday
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafdigii ugu balaarnaa ee ka socda DFKMG ah ee abid yimaada Puntland oo berri imanaya Nairobi-21.February.2005 Wafdigii ugu balaarnaa ee ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya ee abid cagaha soo dhiga Deegaanada Puntland ayaa lagu wadaa maalimada beri ay soo gaaraan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland. Wafdigan ayaa ka socda DFKMG ah ayaa waxaa hogaamin doona wasiirka Kaluumayasiga DFKMG Xasan Abshir Faarax waxaana ka mid ah Wasiirka Dakedaha & Gaadiidka Badda Cali Ismaaciil Cabdi Giir Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Qaalid Cumar Cali Wasiir ku xigeenka Lacagta Mire Xaaji Faarax Wasiir ku xigeenada Iskaashiga Gobolada Deeqo Col ujoog. Wasiir ku xigeenka Horumarinte reer Miyiga Saciid Maxamuud. Wasiir ku xigeenka Arimaha Federaalka Maxamed Axmed Kulan. Sidoo kale Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolada Puntland. Wafdigan ayaa waxay u socdaan inay soo gaarsiiyeen Qoyska iyo Ehelada Islaam Maxamed Muuse Tacsi ay uga wadaan DFKMG ah ee Soomaaliya, waxay sidoo kale Wafdigan u socdaan inay gogol xaar u noqdaan wafdi kale oo ka socda Xukuumada oo soo gaara Deegaanada Puntland. Canab Mumtaaz SBC Nairobi. -
Madaxweynaha DFKMG, Ra'isulwasaaraha, Kuxigeenadiisa & xubno kale oo Khamiista ku soo fool leh Puntland SBC Exlusive-21.February.2005 Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay, balse aan si rasmi ah shaaca looga qaadin ayaa Idaacada SBC u sheegay in Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya, Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi, Sadexda Ra'isulwasaare ku xigeen iyo waliba Xubno kale oo fara badan oo ka socda Golayaasha Baarlamanka iyo Xukuumada ay maalinimada Khamiista ah ka soo degi doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe. Wafdigan uu hogaamin doono C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu wadaa in loogu soo dhaweeyo deegaanada Puntland si aad u sareysa waxaana caawa Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Muuse uu magacaabey 3 Gudi oo ka hawl gali doono soo dhaweynta Wafdiga, Amniga iyo Dajinta Wafdiga. Sadexda gudi ayaa kala ah 1. Gudiga Soo Dhaweynta, Abaabulka iyo Hab Maamuska Gudigan oo ka kooban 5 Xubnood ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Dawladaha Hoose & Horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare (waxaana idin soo gudbin doonaa Magacyada xubnaha wararkeena soo socda hadii EEBE idmo). 2.Gudiga Dajinta Wafdiga Gudigan oo ka kooban 5 xubnood waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Maaliyada Dr.Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" (Magacyada Gudiga kale waxaan idin soo gudbin wararkeena soo socda hadii EEBE idmo). 3.Gudiga Nabadgalyada & Amniga. Gudigan oo ka kooban 5 Xubnood waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Cabdi Xaabsade (Magacyada kale ee Gudigan waxaan idiin soo gudbin wararkeena dambe Hadii EEBE idmo. Warar dheerad ah oo ku saabsan Safarka Wafdiga Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo waliba soo dhaweynta looga diyaargaroobayo Puntland ha ka dheeraan SBC Online.net. SBC News Desk.
-
ilaahow unaxariiso.
-
Somali Second Civil War- another 50 years of backwardness
General Duke replied to macalimuu's topic in Politics
^^^^ Oh my way we do have an imagination, a 50 year war, like Rawanda. Clans geared up from North to south.. Wonderful work of fiction. Clap, clap, clap -
Shariif Xasan, " Ma filayo in ay haatan suurta galtahay in dowladda ay u guuri karto Xamar balse waxaa jira ballan qaad ay qaadayaan mas'uuliyiinta dowladda iyo hoggaamiyeyaasha magaalada Muqdisho in ay furayaan dekedda iyo garoonka magaalada Muqdisho ayna sugayaan ammaanka magaalada inta aysan u guurin dowladda Xamar". (Wareysi) Ruunkinet 19/02/05 Waxaan wareysi la yeelanay guddomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan. Wareysigana wuxuu u dhacay sidan. Ruunkinet: Mudane Guddomiya bal ka warran safarkiina magaalada Rooma. Gud. Safarkeena waa safar ku saabsan casumaad aan ka helnay baarlamaanka dowladda Talyaaniga si fiicanna way noo soo dhaweeyeen. Ruunkinet: Ma kala hadasheen dowladda Talyaaniga arrimaha murugsan ee Soomaalida ku nool dalkan Talyaaniga maadaama intooda badan aysan lahayn sharci ay ku joogaan dalkaan wax shaqa ahna ku haysan. Gud. Haa waxaan arrintaasi kala hadalnay mas'uuliyiinta sare ee dowladda Talyaaniga waxayna noo balan qaadeen in ay wax ka qabanayaan. Ruunkinet: Bal ka warran safarkii aad adiga iyo wafdi aad hoggaaminaysay ku tagteen magaalada Muqdisho. Gud. Wuxuu ahaa safar si wanaagsan naloogu soo dhaweeyay waxaanna tagnay maalo badan. Ruunkinet: Ma kula tahay in haatan dowladda ay u guuri karto magaalada Muqdisho. Gud: Ma filayo in ay haatan suurta galtahay in dowladda ay u guuri karto Xamar balse waxaa jira balan qaad ay qaadayaan mas'uuliyiinta dowladda iyo hoggaamiyeyaasha magaalada Muqdisho in ay furayaan dekedda iyo garoonka magaalada Muqdisho ayna sugayaan ammaanka magaalada inta aysan u guurin dowladda Xamar. Ruunkinet: Muddo miyey qabsadeen inay arrintaasi ku sameynayaan mise waa loo qabanayaa. Gud. Aniga waxaan qabaa in loo qabto muddo 3 bilood ah si ay u fuliyaan arrintaasi. Ruunkinet: Xaggeed jeclaan lahayd in laga dhigo caasima ku meel gaarka ah inta Xamar ammaankeeda laga sugayo Gud: Taas waxaa go,aankeeda u dhaafayaa mudanayaasha baarlamaanka Ruunkinet: Dowladda Kenya ma ogolaaneysaa in aad sii joogtaan magaalada Nayrobi 3 bilood oo kale. Gud: Waan ka codsanyenaa dowladda Kenya in ay arrintaasi yeelaan. Ruunkinet: Maadaama aad ka mid tahay 3da nin ee ugu sareysa dowladda, isku aragti ma ka tihiin saddexdiina arrinta ku saabsan u guuridda Xamar. Gud: Dhammaanteed waxaan isaga aragti ka nahay in aysan fashilmin dowladdan maxaa yeelay haddii ayadoo aan diyaar loo ahayn Xamar loo guuro waa la fashilmi karaa danna uma aha dowladda iyo shacabkeeda in ay dowladdan fashilanto. Ruunkinet: Sidee u aragtaa in ay ka mid noqdaan ciidamada dowladda Itoobiya in lagu soo daro ciidamada Afrikaanka ah ee la doonayo in Soomaaliya la keeno si ay hubka uga dhigaan maleeshiyada. Gud: Shacabka aan Xamar ku soo arkay ma rabaan in Itoobiya ciidamadeedu yimaadaan Soomaaliya balse aniga waxa ay baarlamaanka u arkaan dan ayaan raacayaa. Ruunkinet: Dowladda Talyaaniga maadaama aysan aqoonsaneen baasaboorka Soomaaliya xiriirkiina sideebuu u wanaagsanaan karaa. Gud: Waxna waa wax la soo dhaafay waxna haatan ayaa loo baahan yahay in wax laga qabto. Arrintan waa mid haatan u baahan in wax laga qabto. Mahadsanid mudane Guddomiye, Waxaa waresystay; C. Cali, Ruunkinet, Rooma
-
Wareysi aan la yalanay Sarreeye guuto Jenaral Maxamed Cali Samatar ciidan in la keeno waa loo baahan yahay baan qabaa aniga http://www.dayniile.com/Raadiyo/www.dayniile.comsamatar.rm click on the above for Audio Su,aal: Janaralle Su,asha ugu horeysa aan ku weydiinayo waxaa ay tahay, waxaa jirta in 10kii October Sandkii 2004ta , waxaa Dalka Kenya Magaalada Neyrobi lagu soo dhisay Dowlad Federal ah taas uu Madax ka yahay, Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed, see u aragataa adiga Dawladaas? Jawab Jenaral Samatar: waxaan u arkaa, muddo badan uu Dalka Dowlad la,an ahaay marka waa loo baahanaa in ay Dowlad dhalato aniga iyo waxii igu fikir ah waxaan leenahay Welcome waana arki doonnaa sida ay u shaqeyso Dowaladda. Su,aal: Janaralle waxaa jirta in Dowladii aad ka mid aheyd madaxdeeda 15 Sano ay Dalka ka sii maqan tahay Soomaaliya waxaana jirto in uu Dalka soo maray 2 Dowlo xukumadiina ka dib adigana kama aadan qeyb galin shirarkaas lagu soo dhisay Dowaladaas? Jawab Jenaral Samatar: Dowaladahi tan ka horeeyay waa dhismeen laakin hadana mashaqeen waxa ay lashaqeyn wayeena looma wada dhameyn waa lagu beegsanaa oo waa leyska soo wada horjeeday marka tan baa lo wada dhan yahay ama hala yiraa Ragii warlordareska lagu magacabay iyo Mujtamacii dhammaa, marka tan ayaan u maleey nayaa in loo dhan yahay oo ay macquul u egtahay. Su,aal: Janaralle waxaa jirta in Shirka Jabuuti Tuulada Carata lagu soo dhisay Dowalad Sanadka 2000 in lagu soo dhisay Dowalad, Dowaladaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Madax dii hore ee Soomaaliyeed, adiga ma,aadan ka qayb galin Shirkaas taas maxaa sababay janaralle? Jawab Jenaral Samatar: maya maya Dowaladaas waxyaabahi ay la shaqayn kari weysay ahayd in aan loo dhameyn waana wada xasuusannahay go,aan kii Carata, waxa uu ahaay in aan laga qayb galin Nimanka loo bixiyay worlordeska in laga qeyb galinna waxa ay keentay dhibaatada aan wada og soonahay, marka taas aawadaed ma,ayan shaqeynin. Su,aal: Janaralle marka aan uu soo laabano Dalka in muddo ah buu ku sugan yahay xaalad Nadaam darro ayaa ka jirta Dalka ragga adiga kula midka ahna oo Dowladii horena iskala mid ka aheydeen waxa ay ka qeyb galeen shirka Nayrobi sida Cabdi raxaman Jaamac barre oo kale, adiga maka heshay marti qaad inta aad ku sugneyd Dalka Mareykanka? Jawab Jenaral Samatar: maya maya aniga kama qeyeb galin . Su,aal: wax marti qaad ah oo lagu so garsiiyay ma jiraan ? Jawab Jenaral Samatar: maya maya wax Marti qaad ah oo aan ka helay ma jirto shirkaas diyaarna uma ahayn in aan ka qayb galo. Su,aal: Janaralle Dalka waxaa loo dhisay Dowlad xukuumadda Dowalada waxa ay dalabatay Ciidan sida uu ku dhawaqay Madax weyne Dowaladaas Cabdulaahi Yuusuf Axamad in uu dalabaday ciidamo ka socda wadamada IGAD, hadaba sidee u aragataa adiga hadii aa tahay Janaral Maxamed Cali Samatar in muda ahna ku soo dhex jiray Siyasaddi hore ee Soomaliya?. Jawab Jenaral Samatar: Ciidamo in la keeno waa loo baahan yahay baan qabaa aniga maxaa yeelay kuwii hore waxa ay la shaqeyn wayeen waa nabad galyo la,aan, Dalka hadaan Nabad galayadiisa la sugin Dowlad shaqeyn kartana ma jirto Nabad galayadiisa in la sugana waa loo bahan yahay ciidan Wadani ah oo wax ka qaban karana ma jiro arimahaas sida aawadeed waa loo baahan yahay ciidan dibadeed hase yeeshee Ciidan Dibadeed kaligii wax ma qaban karo mana sugi karo nabad galyada hadii uu san ciidan kaas dibadeed uu san kaa shaneynin ciidan wadani ah ciidankii soomaliyeed nuuc kastaba ha ahaadee sida Ciidanka Boliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomliyeed nuucwalbo ba ha ahadee ma wada dhiman kamana wada tagin Dalka in badan waa ay nool yahiin waana joogaan Dalka haddii loo yeerana waxaan qabaa aniga in ay diyaar u yihiin howl Qaran in loo dhiibo marka hadii Ciidamadaas Ajnabiga ah kaashaneen Ciidan Soomaaliyeed waligood waxna ma qaban karaan. . Su,aal: waxaa jirto in Dowladaha Safka hore ay ku jiraan sida Dowladda itobiya oo kale waxaana jirto in banaabaxyo is daba joog ahna ay ka dhaceen Magaaladda Muqdisho taas oo ay dhigen bulsahada Rayidka ah oo kale Maxakamadaha Islaamiga Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed, dhammaan intaba waxa ay ka so horjeesteen in ciidan itoobiyaan ah la keeno Dalka Soomaaliya adiga oo fiiro gaar ah u haya taa in muda ahna xil kasoo hayay soomaliya adiga oo hugan magacii soomaliyeed mu kula tahay in aad taas taageero uu heysid janaral Maxamed Cali Samatar? Jawab Jenaral Samatar: maanta soomali maxay raadineysaa arinta ma waxaan ku wadnaa midi midi ku taag mise xaal baan la raadinayaa ,hadaan xal raadineyno maslaxo rabno nabad galayadii Dalka in la sugo hadana aan ognahay in aan ku filneyn Nabad galayadii Dalka Somaaliyeed ahan waqitagan xaadirka ah waxaan u baahanahay ciidamo dibad laga keeno Ciidamada Dibada laga keenay Ninka wax bobayo oo wax baryayo, asaga go,anka ma laha codsi buu leeyahay oo kaliya haddii uu codsado ciddii markaa u Tabarucdo uunbuu ka qaadanayaa cidda aan diyaar ba uu ahayn waxa uu ka sameen karo ma lahan marka ciidamo isku dhafan oo Africa ama Aduunkalaba ka yimid in la keeno waa lagama maar maan , marka Ciidamada Africa oo Dalka imaanayo kubaas ay ka mid tahay Itoobiyana Africa ayey ka mid tahay haddii ay ka mid naqato Ciidankaasna ay ku soo biirto wax la shareesto oo dhibaato weyn hadda leyska saaro aniga iima muuqato annaga iyo Itpobiyana waan dagaalnay muddo dheerna waa tii aan Dagalameynay Dagaal badanna waa na dhax maray,. marka laso dhaaf tariikhdaas ,Diris wanaag in la sameyana way haboon tahay in maslaxo laga taliyo waa habon tahay Diimadama macana la,aanta ah aniga macna weyn iguma fadhido kaligeed aniga ma lahi Itobiya hala keeno laakiin haddii ciidamo kale oo Ajnabi ah iyo ciidamo kale oo Soomaliyeed ay meesha ku jiraan wax in la shareesta ah ilama muuqdaan aniga. Su,aal: Janaralle waxaa jirta in xukuumadda fedaralka ku meel gaarka ah ay iminka ku kala qeybsantahay dalbashada ciimadama da shisheeye ee soo galay gudaha Soomaaliyeed in ay ku kala qayb san tahay xukuumadda dhaxdeeda ay diidan yihiin sida Muuse Suudi Yalaxaow iyo Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo ka tirsan golaha Wasiiradda xukuumada kumeel gaarka ah oo labadaba ku dhawaaqay in ay ka soo horjeedaan in Dalka la keeno Ciidan shisheeye hadaba sow lama moodo in ay Dowaladaba ay kala qeyb san tahay fikirka Cidan shisheeye? Jawab Jenaral Samatar:Dowlada waxa weeye in ay iida waxayda mideyso aragtideeda mideyso barlamankeeda iyo Xildhibaanadeeda iyo Wasiiradeeda go,aana leyskama qaadan karo in leen waa la doodaye go,aan lees kama qaadan karo hadaanan loo dhameyn go,anka hal ama labo ama sedax waa diidi karaan oo waa ka soo hor jeedi karaan lakin Manjoranti ayaa lagu xisaab tamaa mar haddii ma aragtay Organestaion ay tahay Munadamad Dowladeed waxa mar walbo lagu xisabtamaa xaggee Dadka badan aragtidooda jirtaa marka haddii Shaqsiyaad labo Sadax Afar ay diidan yahiinLabaatan ama Sodan ay ogashahay marka meesha loo badan yahay ayaa la eegaa. Su,aal: Janaralle in mudda ah ayaa ku so dhex jirtay Siyaasadda Soomaaliya iminka maxaa u aragtaa in Soomaaliya ay Xal waara ay ku gaari karto oo ay dowladaas Soomaliyeed na ay ku hana qaadi karto, adiga oo la dar daarmaya Labada Gole ee Dowladda fikir ahaan maxay kula tahay ? Jawab Jenaral Samatar: waxaan qabaa in ma aragtay Dowaladda waa loo baahanyahay in ay dhalato Shacbiga muddo badan buu ku soo jiray dhibaatada ay leedahay Dowlad la,aan wayna iska wada garan karaan haddii aan isku sheeg shegen, marka waxaase loo baahan yahay Dowladda in ay ku shaqeyso yacni is hordhigto marka horeba Barnaamij ah sidee dhibaatoyinka jira aan u xalinaa dhibaatooyinka way badan yahiin hal Sano iyo dhoor bilood wax ku xalismi karana ma aha laakiin wax walba waxay leeyahiin Qorsho iyo Mudanaan ,marka wax yaabaha Mudnaanta kowaad leh waa in la siiyaa mudnaanta kowaad wax Mudnaata kowaad lehna waa in aan la geyn Mudnaanta tobanaad marka waxaa loo baahan yahay ,lobo dhacdo sida ay u kala hoereyaan baa loo kala qaadaa ba la yiri in Dowlada iyo Barlamaankaba yacni ay is xil qaamaan , isku meelna wax ka wada arakaayaan dhibaatooyin waa ween baa horyaala, dhibaatooyinkaasna xalal kooda cid walba waa ay u muuqaneysaa laakiin sida loo kala hormariya weeye, maxa daran marka hore lagu dhaqaaqo marka waxaan qabaa in ayna maraya habaabin qorshahodana uusan qaldamin sida ay u kala culus yahiina howshana loo kala qaado. Su,aal: Janaralle .marka aan ku su,aalo su,aasha ugu danbeyso waxa ay tahay Janaraal Maxamed Cali Samatar in muddo ah ayaa ku soo dhax jirtay Siyasadda Soomaaliya muddo shan iyo toban Sano ah na la guma arag Masraxa Siyaasadeed ee Soomaaliya, marka Siyaasadda maka hartay, mise diyaar ayaa u tahay mar kale in aad isa soo taag to Siyaasadda Soomaliya ? Jawab Jenaral Samatar: Wallaahi waxa markii ay qasmeen Siyaasadiina si kale noqotay baan ka haray, aniga haddii wax hagaagaan leygana baahdo Contorobotion keyga diyaar baan u ahay, laakiin anna waa ikan ma lahi ,waxa weeye haddii Dalka iyo Dadka uu kuu baahanyahay baa wax laga qabtaa anna waa i kan uma socdo. waxaa wareysta Wariye dayniile Al-ustaadMahad Carabow Cali oo Ku Sugan Magaalada Qaahira ee Xaruunta Wadanka Masar.
-
INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN Islaan Maxamed Islaan Muuse: oo Xalay geeriyooday Posted to the Web Feb 18, 07:13 Garoowe:-Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhaxe ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Garoowe Islaan Maxamed Islaan Muuse, oo in muddo ah ay liidatay xaaladiisa caafimaad. Islaan Maxamed Islaan Muuse, ayaa ahaa Issim Caan ka ah guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaamada Puntland. Islaan Maxamed Islaan Muuse, wuxuu ahaa Issin soo jireen ah oo aad da’wayn uguna da’waynaa Issimada Puntland. Mar aan goor dhawayd soo maray guriga uu ku geeriyooday Islaanku ayaa waxaa ku xoonsanaa boqolaal dad ah oo wajiyadooda ay murago ka muuqatay iyo babuur aad u badan Islaanka ayaa salaada Jimcaha kadib waxaa lagu aasi doonaa beer uu leeyahay mid ka mid ah caruurtiisa oo ku taala dhanka barri ee magaalada. Taariikh nololeedka Islaanka dib ayaan idiinka soo sheegaynaa haddii Eebe ogalado Reer Islan Maxamed samir iyo iman Alle Janaaddii ha ka waraabiyo marxuunka. Amin.