General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. NGOON, I must give you credit on the above post. We Somali’s are evolving politically, you are right for some its their region, identity clan or defending their position and the beliefs they hold. On the death of the nation article, I must commend the author. The sister gets high marks on effort but fails on research. As ever its emotive piece of creative writing that fails to arouse any feelings it left me disappointed as I gained nothing outside the talk of the laymen. The nation is not dead nor will it die as long as the Somali’s continue to exist , and exist we do.
  2. Lascaanood: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Saaka Booqday Jiida Hore Ee Ciidanka Daraawiishta - Sunday, April 03, 2005 at 16:38 Laascaanood - Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Goboleedka Puntland Mudane Xasan Daahir Afqudhac ayaa saaka goor hore booqday Aaga hore jiida Adhi-Cadeeye ee ay ku sugan yihiin Ciidaanka Daraawiishta. Madaxweyne ku xigeenka ayaa booqashadiisa ay ku weheliyeen Xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo saraakiisha Ciidamada Daraawiishta oo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenka Koowaad G/Sare Cabdi samad Cali Shire iyo Saraakiil kale, waxaanu la kulmay saraakiisha Aaga hore iyo Ciidamada Daraawiishta.. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxuu xalay shir Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Wasiirada socdaalkiisa ku welehiya iyo Saraakiisha sar sare ee Ciidamada kala duwan ee Puntland, waxayna sheegayaan warar ku dhow dhow shir kaasi in ay ka wada hadleen sii xoojinta Difaaca Aaga hore iyo qabashada Doorashooyinka Deegaanka ee maalmahanba la hadal hayey. Waxaa lagu wadaa inuu mudane Xasan Daahir Afqudhac goor dhow uu shir ku qabto xarunta Dawlada Hoose ee magaalada Laascaanood halkaa soo dadweyne aad u farabadani ay ilaa saaka ku sii qulqulayeen sidii ay uga qayb qaadan lahayeen shirka uu qaban doono madaxwene ku xigeenku oo ah kii ugu horeeye ee uu ku qabto Gobolka Sool tan iyo markii loo magacaabay xilkan 8/1/2005. Faaisa cabdi Dhalac Xigasho: Radoissc.com
  3. POLITICAL LECTURES YOU GIVING JUMA IS TOO ADVANCED TOO COMPLICATED FOR HIM, THESE GUYS ARE ALLERGIC TO LAW AND ORDER maybe, but its a duty to enlighten our brothers here.
  4. ^^^^ ok brother keep living the lie.. Waxaa soo Baxaya Warar sheegaya in Berito Muqdisho ay ku soo fool leeyihiin 50-Xildhibaan iyo Ganacsato Kenya ku dhex ganacsada oo sheegay in ay bixinayaan Qarashka ku baxaya xildhibaanadaas Yesterdays news 50 MP's heading to Xamar ........................................ Maalinta Axada oo Muqdisho ku soo fool leeyihiin in ka badab 60 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka KMG aha ayaa waxaa uu xaruun u noqon doona Xaruuntii hore ee Xisbiga ee ku taalay meel u dhaw Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, halkaas oo daraad lagu wareejiyay Baarlamaanka. 60 MP's coming on Sunday 3/April - another ............................................................... Juma, either blame IPF or anything else, it seems the fiction of a majority of MP's going to Mogadishu has been found out to be a lie.
  5. It is this mentality that is hampering the whole process sxb. Geedi is the PM, due to his position he must be respected, his and the cabinet’s decision are vital they are the executive branch of the government. Indeed the PM needs the support of cabinet colleagues and every decision he has put before the cabinet. For example if 63 out of 73 support his decision then its final, no one minister, MP or speaker can come against this. All we have to take is the example of PM Tony Blair his decisions are respected and implemented, regardless what Clair Short or Robin Cook thought. In this case Ato and Musa should resign and wait it out for who know what may happen tomorrow. It’s the fact that we don’t respect the positions of power or that our Speaker, MP’s do not know their job description, it indeed takes time getting used to a new job.
  6. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo booqday jiidda hore ee Adhi Caddeeye ee gobolka Sool Laas Caanood - 03.April.2005 Wafdigii uu hoggaaminayey madaxweyne kuxigeenka Puntland ee ku suganaa magaalada Laas Canood ee gobolka Sool ayaa waxay maanta booqdeen jiidda hore ee Adhi Caddeeye ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee maamullada Puntland iyo Somaliland. Saacado kooban oo ay wafdigaasi halkaas ku sugnaayeen ayey waxay halkaasi kulamo kula yeesheen saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland, waxanay wafdigu ku amaaneen ciidanka sida kartidu ku jirto ee ay diyaarka ugu yihiin difaacidda dadkooda iyo dalkooda. Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxay ciidanka daraawiishta ee halkaasi ka hawl gala ku war geliyeen in la siin doono dhammaan xuquuqda ciidan gaar ahaan in la bixin doono musharooyinkooda bil kasta iyo qodddob kale oo ay ka mid yihiin in ay dib u habayn ku samaynayaan dhinaca ciidamada. Qaar ka mid ah saraakiisha halkaasi ku sugan ayaa wafdiga uga war bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sool, waxanay dhinaca maamulka ka codsadeen in loo fududeeyo wixii tas-hiilaad ah ee ay u baahan yihiin ciidamadu. Wafidan oo ka kooban qayb ka mid ah golaha xukuumadda ayaa waxaa waxay dib ugu soo laabteen deegaankii ay ka degganaayeen magaalada Laas Caanood kadib markii ay booqashooyinkoodii Adhi Caddeeye ay soo dhammaysteen, waxana deegaanka wafdiga ku sii qulqulayey madaxda maamulka gobolka, isimada gobolka iyo dad kale oo danaynaya in ay la kulmaan. Wafdigan ayaa la filayaa in ay dhowaan meel fagaare ah kala hadlaan dadweynaha iyadoo sidoo kale booqan doona xarumaha dawladda ee degmada Laas Caanood. Nuux Muuse Birjeeb SBC Laas Caanood
  7. Nairobi: Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la sheegay inay Muqdisho Maanta tagayaan oo Beenoowday - Sunday, April 03, 2005 at 14:31 Nairobi (AllPuntland)- Ku dhawaad 70 xildhibaan oo loo liis gareeyay inay u duulaan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa safarkoodii dib u dhacay kadib markii Xildhibaanadii loo liis gareeyay inay baxaan ay sheegeen inaysan meelna u socon oo aysan ka waraqabin socodka la sheegayo. Qorshahan xildhibaanada baarlamaanka lagu doonayay in lagu geeyo magaalada Muqdisho oo ay wadeen hogaamiyeyaal uu ka mid yahay Maxamed Qanyare (Afrax) ayaa fashilmay kadib markii Xildhibaanadii la filayay inay Garoonka Diyaaradaha tagaan ay hawlohooda sii wateen oo aysan imaan garoonka. Dhinaca kale Waxaa jira hogaamiye kooxeedyo doonaya inay sii fogeeyaan khilaafka udhexeeya xildhibaanada iyo golaha wasiirada hase ahatee guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Prof: Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay wadaan waan waan lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo xildhibaanada baarlamaanka. Prof: Dalxa wuxuu intaasi ku daray in beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan midowga Yurub iyo Midowga Afrika ay ku dadaalayaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka u dhexeeya baarlamaanka Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxwaynaha DFKGS iyo Raysulwasaarihiisa ayaa lafilayaa inay si dhaqso ah ugu soo laabtaan dalka Soolaabtaan si ay xal uga gaaraan halka ay caga dhiganasyo DFKGS CCC Farayaamo AllPuntland
  8. Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan oo u bixi lahaa Muqdisho oo la baajiyey kadib digniin uga timid Beesha Caalamka Mohamed Qaynyare and his Tool Sharif Xasan Nairobi :- Waxaa maanta baaqday Wafdi balaaran oo lagu waday in ay u baxaan magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay kamid ahaayeen xildhibaano iyo Wasiiro kamid ah Dowlada Federaalka ahna kuwa lagu sheego in ay kasoo horjeedaan siyaasada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Xildhibaanadan oo ayagu isku mawqif ka ah dhanka u guurida magaalada Muqdisho oo ay si weyn u wadaan qaar kamid ah hogaamiye kooxeedka Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan. Wafdigan oo lagu sheegay inuu qeyb ka yahay rarida Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday kadib markii uu soo shaacbaxay in kala jabweyn uu ku imaan doono Baarlamaanka waa hadii ay xubnahan uu kamid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka ay sii wadaan qorshahooda ah in Muqdisho loo guuro ayadoo aan lagala tashan Xukuumada Federaalka oo hada intooda badan ka maqan magaalada Nairobi. Beesha Caalamka ama IPF-ta ayaa ugu baaqday Xildhibaanada ay kamid yihiin Hogaamiye kooxeedka Muqdisho in aysan bilaabin kala jab ku yimaada dowlada Federaalka isla markaana aysan abuurin is kooxeysi keeni kara in ay dhunto dowladii lagu dhisay dalka Kenya. Digniintan ka imaaneysa Beesha Caalamka ayaa ah midii ugu horeysay oo ay si toos ah ugu beegaan hogaamiyaasha sida weyn ugu jira sidii dowlada loo geyn lahaa magaalada Muqdisho. Dhaq dhaqaaqa xildhibaanadan raba in loo guuro Muqdisho waa mid sidoo kale ka socda magaalada Muqdisho ayadoo todobaadkan xildhibaano ka socda Baarlamaanka lagu wareejiyey xaruntii Xisbiga ee Muqdisho. Balse Xukuumada Federaalka iyo 160 kamid ah 275 xildhibaan ee Baarlamaanka ayaa muujiyey in aysan la mawqif ahayn hogaamiyaasha Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan Shiikh Aadan. Wafdiga maanta baaqday oo lagu sheegay in ay yihiin 70 xildhibaan ayaa waxaa kamid noqon lahaa qaar kamid ah Hogaamiye kooxeedka Muqdisho. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
  9. ^^^ lol@hide away at Boorama. Its not about wiping them out for the people will deal with them. The government must empower the people of Mogadishu, Marka, Barava e.t.c. Those who change will survive, others will be extinct the days of warlord's and I have 20 technicals are coming to an end insha Allah.
  10. Two years of consensus and reconciliation we with the help of the outside world formed a government. The government is made up of every faction, cloan in the country. Every illiterate with a gun gained a position, they all contested an election and they all swore to work in the restoration of the country no matter the result. While Juma and others are trying to be smart, it’s the warlord’s who are making difficult for Geedi, they resent Geedi’s position, they mock him and label him a traitor, when as we all know he is a saint compared to them. It is Geedi who represents, Mogadishu more than any other, he was born, educated and worked there, it should be left to him as the PM and cabinet to decide what the government does, they [warlords] are in a minority, that’s why they are using Inda Cade and Mr Jihad to create further obstacles. No one is planning to destroy the capital, for Qaynyare, Suudi, and Ato are not the capital nor do they represent the good people of Mogadishu.
  11. Asides & Observations: What do Col. Sheikh Hassan Dahir Aweys (Mogadishu – al-Ittihad), Sheikh Yusuf Mohamed Siyad ‘Indhacadde’ (Marka – al-Ittihad), Abdiqasim Salad Hassan (Mogadishu – al-Islah), Col. Yusuf Mohamed Seeraar (Nairobi - parliamentarian), Aden Ayroow (Afghanistan veteran, Mogadishu – al-Ittihad), Osman Hassan Ali Atto (Nairobi - warlord, Somali parliamentarian and a minister), Gen. Mohamed Nur Galal (warlord, Mogadishu), and Yusuf Garaad Omar (London, Head of the BBC Somali Section Desk), have in common? They are all of the same sub-clan, of the same agenda, of the same alliance, and are all vehement opponents of the newly established Somali Federal Government (TFG).
  12. Cade Muuse oo maanta la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ayaa u sheegay inay u diyaar garoowaan la shaqeynta dowladda fedraaliga Soomaaliya. April 02, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntalnd Cade Muuse oo maanta la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo maalmahan lagu uruurinayey magaalada Boosaaso ayaa u sheegay inay u diyaar garoowaan la shaqeynta dowladda fedraaliga Soomaaliya. Ilaa sideed Boqol oo Askari oo ka mid ah ciidankii hore xoogga dalka Soomaaliyed ku xareysan meel yar oo dibadda ka xigta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa maanta kulan afar saacadood ah waxaa la qaatay Jen Cade Muuse. Jen. Cadde waxa uu sheegay inay yihiin cidda ugu horeysa ee looga fadhiyo inay qeyb ka qaataan ammaanka dalka Soomaaliya islamarkaana ay wax ka qabtaan sidii dowladda Fedraaliga Soomaaliya u sal dhigan laheyd goob kasta oo ay degtana ammaankeeda u xasilil lahaayeen. Hadalka Cadde Muuse ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo kordheyso tuhumada sheegaya in ciidamo ka socda dowlad goboleedka Puntland ay ku sugan yihiin qeyba ka mid ah ismaamulka Soomaalida Itoobiya kuwaas oo loogu talagalay inay tagaan meel kasta oo dowladda Soomaaliya sal dhigato. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamadaas ay ku sugan yihiin deegaanka Qurac joome iyo Ceel barde kuwaas oo la filayo inay ku biiraan kooxaha maleeshiyaadka ee ku sugan deegaanka Xudur oo dhawaan magaalada Baydhabo laga saaray. Mr. Cadde ayaa hore u carabaabay in Puntland ay diyaar u tahay in ciidamo kaabto islamarkaana ay u direyso meel kasta oo dowladda ay dageyso. Madaxweynaha dowladda fedraaliga Soomaaliya Cabdulaahi Yuuusf Axmed oo 10-kii October ka hor madaxweyne ka ahaa dowlad goboledka Puntaland ayaa hore u sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay noqota tiirka ugu horeeya ee la doonayo inay xasileyso Soomaaliya inteeda kale. Guud ahaan wararka soo baxaya ee ka soo yeerayo mas’uuliyiinta Puntland ayaa muujinaya inuu jiro dareenka shacabka ay qabaan oo ah in ciidamo ka socda Puntland ay ku sugan yihiin ismaamulka Somaalida itoobiya.
  13. General Duke

    Solace

    Ms Word, wow...Bitter sweet memories for me..
  14. ^^^ an old man's desperate clan pleas can do nothing to us bro. Thats why we dont rage, Sangub must be a heavyweight or our brothers up North must be tempremental. Makes you think though :rolleyes:
  15. So, the Presdient, Xasan Abshir and all of the people who elected Yusuf 186MP’s, the people who danced in the streets in support of his election and welcomed him in places like Jowhar, Beledweyne, Bule Berde, Baidoa and Benderqasim are wrong. And , Aways, Indacade, the vote estimator, tool Sharif the warlord occupied boroughs of Mogadishu and Marka, are right? A simple measure is this, no one outside Warlord areas has ever demonstrated against the government. Also the Government has never lost one confidential vote in parliament or cabinet. 10 out of 73 ministers voted against relocation that includes 4 out of 18 from the dominant clan of Mogadishu. None of the RRA ministers all 9 of them or the 4 ministers from the minority clan supported the warlords. Another fact out of the 13 MP’s including PM Geedi from North Mogadishu, only 2 warlords, Musa and Finish out of the 13 have gone against the government. What does that tell you? Admit one thing Juma, the Somali people support the elected leader more than your warlord hero’s. That’s a fact, your idol’s are so scared they are using force, intimidation and fake claims of “Jihad†to try and unnerve the leadership. They are making up clan biased stories to undermine the unity of the cabinet.
  16. Duke-Iam afraid Yeey is becoming more like Salad.He is forgetting the success of goverment depends on the support of Somalis Masses, not wat some arab, african or european say or does. On the contrary, The president has the support of the masses, local regional stakeholders and the nations and bodies you mentioned. However who is gainst Yusuf? Only those who have the most to lose, Mogadishu warlords, armed factions, fake religious groups, who else? If you are honest and sincere brothers, tell me what region and city is against the President outside the areas the armed faction’s control? Inda Cade, dahir Aways, Suudi Yalaxow, Qaynyare apart who is gainst the government? Who demonstrates. Who’s media are propagating the lie? For example, Qaynyare’s clan are from Ceel Buur, has anyone heard about a mass demonstration in that place, or in Hobyo/Cadaado, Xaradhere against the government? Are the people of Gedo against the President? The “masses†are not against the President or the PM or the cabinet or their aim of bringing security for the “masses†can only gain from this. Also brother, how do you forget that the President already enjoys the support of the administration of Puntland, middle Shabbele and the majority of RRA faction. This coupled with the above mentioned “masses†makes the comparison Che-G made of Yusuf to Abdiqasin both flawd and irrelevant.
  17. The Mogadishu warlord’s are a bunch of conniving, deceitful, desperate, awful human beings. They have wasted the time of a whole generation and undermined the progress of the very people they claim to represent. The issue of frontline, troops or the temporary base of operations is an attempt to rekindle the support of the clan. The defeat of October 10 and subsequent victory of Abdullahi Yusuf has sent shivers through their spine. They did not elect him, it was the parliament that preferred him over these morons, one by one all of these clowns including the hapless Abdiqasin lost the vote. Now I expect nothing but them to lose the upcoming battle for Somalia. The warlords of Xamar, JVA, fake wadaad and their lackeys will lose. They present no alternative, policy, formula or basic plan to that of the president Yusuf. They do not want change, and hide behind fanciful words like “reconciliation†to cover up their naked attempt to rape whats left of the fertile south. The use of the hostage, illiterate Sharif Xasan, the cries of their media only highlights their lack of room to breath let alone manoeuvre. The growing tension in Kimsayu and the rabid like behaviour of the occupier’s of Marka further indicates that things are at a boiling point. Justice, peace security can only come about with the restoration of state power. Somali’s have learned the bitter truth and have tasted the sour fruits of war. An end to the dreams of these cowards and the rehabilitation of our once beautiful nation..
  18. Sudan to send peacekeepers to Somalia - Friday, April 01, 2005 at 22:03 MOGADISHU, Somalia, Mar 31, 2005 (Sudan Tribune) -- Official report from the presidency of the government of Sudan says that the Sudan has approved to send peacekeepers to Somalia to support the new government led by President Abdullahi Yusuf Ahmad. The Somali media Shabelle said Sudanese government has agreed to send some 2,000 troops to Somalia although there was no official confirmation from the government. The AU has authorized IGAD -- which comprises Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda -- to send peacekeepers to Somalia to help the country's transitional government get a foothold there when it relocates from exile in Nairobi. Opposition to troops from Ethiopia and Djibouti is running high in Somalia, where the two countries are seen as having ulterior motives in taking part in the mission. "The United States shares the concerns of the international community and many Somalis regarding the introduction of foreign troops into Somalia ," U.S. State Department spokesman Richard Boucher said earlier this month. Somalia's transitional Cabinet asked the African Union and Arab League last month to send between 5,000 and 7,500 troops with a one-year mandate to protect the government as it organizes a police force and army. Ethiopia, Kenya and Djibouti have said they would not send troops if they are not welcome. Source: Sudan Tribune
  19. ^^^ Was it 60 Mr Abdul and Xasan Abshir lied huh Juma, anyhow we wait and see brothers. Sharifka is in big trouble, but the problem was never that tool but the fool behind him. I assure you lads, take my word for it, read my lips the government has a big majority in the parliment and it got bigger since the money has arrived.
  20. Qaar ka mid ah ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo gadoodey Kismaayo-02.April.2005 Tan iyo toddobaadkii aynu ka soo gudubney ayaa waxaa gadoodsanaa ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo gadoodka ciidanka ayaa salka ku haya musharooyin ka maqan, waxana ciidankaasi maanta loo qabtay kulan ay ku muujinayaan cabashadooda, waxana ka soo galay taliyaha ciidanka C/raxmaan Goobaale iyo abaanduule Cabdullaahi Fartaag. Kulankan oo ahaa mid saxaafadda laga fogeeyey ayaan ilaa iyo haatan la garaneyn waxa lagu go’aamiyey. Dhinaca kale, saraakiisha sarsare ee Dooxada Jubba ayaa sheegay in ay kordhiyeen cashuurta dekedda taas oo lagu daray shan kun oo Shilinka Soomaaliga ah taas oo haatan halkii lawr laga dhigay haatan 10,000 oo shilinka Soomaaliga ah. Dhinaca dadweynaha magaalada Kismaayo ayaan ilaa iyo haatan laga hayn wax jawaab ah oo ku aaddan arrintan, dadka u dhuun daloola arrimahan ayaa sheegaya in kordhinta cashuurta la doonayo in lagu daboolo cabashooyinka ciidamada ee dhinaca mushaharooyinka, warjiraase Cakaaruu iman. Maxamed Jaamac Faarax SBC Kismaayo
  21. The press release of the 160 MP's with six main points and recommendations Kulankan waxaa Gudoominayay Xidhibaan Cabdi Warsame ***** waxaana ka soo qaybgalay wasiiro, wasiiro ku xigeeno & Xidhibaano ka tirsan labada Gole ee Xukuumada ku meelgaarka ah, waana kan hoos ku qoran warsaxaafadeedkii: Jamhuuriyada Soomaaliyeed: Date:01 April/05 War Saxaafadeed Anagoo ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxaanu halkan ku cadaynaynaa mowqifkayaga ku aadan qodobada soo socda:- 1)- dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday kulankii Barlamaanka Soomaaliyeed ku yeeshay Hotelka Grand Regency 17 Maarso 2005 iyo qoraalkii Afhayeenka Barlamaanku soo saaray habeenimadii oo uu ku sheegay in Barlamaanku u codeeyey go’aana la gaaray. Ugu horayntii waxaanu ummadda Soomaaliyeed ee mudada labada sano iyo barka ah ka war sugaysay shirkii ka socday dalka Kenya iyo Dawladii lagu dhisay uga tacsiyadaynaynaa dhegxumadii ka soo yeertay Barlamaankii Soomaaliyeed ee ay u hanka weynaayeen. - Kulanka Barlamaanku wuxuu bilowday 10.00 Subaxnimo iyadoo Ajandaha shirku ahaa in laga doodo qorshaha Xukuumada ee keenista Ciidamo shisheeye oo ka socda Midowga Africa iyo Jaamacada Carabta. - Markii shirku furmay waxaa codbaahiyaha Afhayeenka Barlamaanku ku soo dhoweeyey Raysal wasaaraha Dawlada Soomaaliyeed si uu u sharaxo Qorshaha dawlada, kadibna Raysal wasaaruhu wuxuu soo jeediyey hadal kooban wuxuuna codsaday in qorshaha Dawlada laga doodo go’aana laga gaaro. - Afhayeenka Barlamaanka ayaa hadal qaatay wuxuu Xoghaynta u dhiibay mooshin cusub wuxuuna ku amray in la akhriyo taas oo lala fajacay sharci darana ahayd, markii akhrintii Mooshinka cusub la dhamaayeyna wuxuu amray in dooda laysu qoro lana bilaabo. - Markii la arkay in Afhayeenka Barlamaanku wato mooshin ka duwan kii dawladu keentay ayaa 15 Xildhibaan qoraal ku codsadeen in Mooshinka cusub doodiisa dib loogu dhigo fadhi kale sida uu qabo qodobka 39-aad farqadiisa 2-aad ee Xeer hoosaadka Barlamaanka, codsigaas oo uu Afhayeenku iska dhega tiray. - Markii doodii dhamaatay saacaduna tahay 5;00 Galabnimo wuxuu Afhayeenka Barlamaanku sheegay in lagu codaynayo hab qarsoodi ah, wuxuuna Afhayeenku kaxaystay qaar ka mid ah Xildhibaanadii keenay Mooshinka Dulsaarka ah si ay ula soo diyaariyaan warqada codaynta, isagoo ka tegay gudoonkii Barlamaanka ee xaqa iyo sharciga u lahaa in ay la sameeyaan warqadaha codeynta. - Afahayeenku markiii uu soo noqday wuxuu la yimid warqad codayn oo laba Mooshin oo kala duwan loogu codaynayo, ka dibna Xildhibaano badan ayaa ku dooday in aanay suura gal ahayn in loo codeeyo laba mawduuc oo iska soo horjeeda waxayna codsadeen in codka loo qaado Barnaamijkii dawladu keensatay ee ajandaha shirka ahaa, nasiib daro Afhayeenku wuu diiday wuxuuna ku adkaystay in loo codeeyo mooshinkii dulsaarka ahaa buuqii iyo qayladii Xildhibaanadu waxay isu bedeshey gacan ka hadal, ka dibna Raysal wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in uu la noqday Barnaamijkii dawlada ee uu keenay wuuna baxay, ka dibna Afhayeenka ayaa ku yiri Xildhibaanada mooshinka keenay –WAAR RAGA ISKA CELIYA- waana baxay, ka dibna waxaa bilowday dagaal in mudo ah socday oo hoolkii shirka ka bilowday ilaa Booliska Kenya soo dhex galeen hoolkiina laga baxay oo shirkii sidaas ku xirmay. Waxaa Xildhibaanada, Ummadda Soomaaliyeed, Beesha caalamka iyo Warbaahinta Madaxa Banaan ee shirkaas goob jooga ka ahaa fajaciso, naxdin iyo la yaab ku noqotay markii 8.00 fiidnimo uu Afhayeenka Barlamaanku soo saaray qoraalka taariikhdiisu ahayd 17-3-2005 sumadiisuna ahayd TFP/1/241/05 uu ku sheegayo in Barlamaankii u codeeyey isagoo ku muujiyey inta diiday, ogolaatay ama ka aamujstay, isagoo idaacada BBC-dana u sheegay inuusan tirinin codbixinta lakiin uu ka qiyaas qaatay tiradii Xildhibaanada ee hadashay. Sidaas Awgeed, - Anagoo fulinayna dhaartii aanu ku dhaaranay kitaabka quraanka kariimka ah iyo waajibaadka qaran ee na saaran. - Anagoo Xaqiiqda ka sheegayna dhacdadii 17 maarso 2005 iyo sida ay ku dhamaatay - Iyadoo ay marqaati ka yihiin Xubnihii Beesha Caalamka iyo warbaahinta shirka joogay. - Waxaanu cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin qoraalka uu Afhayeenka Barlamaanku soo saaray fiidnimada 17 maarso 2005 ee uu ku sheegay in Barlamaanku codeeyey go’aana gaaray. 2)- XADGUDUBYADA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA Waxaanu rumaysannahay in Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliyeed uu shaqadii loo doortay oo ay ka mid ahayd ka run sheegida go’aamada Barlamaanka iyo xejinta amaanada uu ka galay xadgudub fara badan mudada halka sano -ka yar ee uu xilka Afhayeenimada hayo, waxaana xadgudubyadaas ka mikd ah:- a) Wuxuu golihii Barlamaanka ee uu Afhayeenka u ahaa u qaybiyey laba qaybood oo iska soo horjeeda oo uu isagu qayb ka mid yahay ama la jaal yahay. b) Wuxuu laba jeer dhiiri geliyey, kuna guubaabiyey xubnaha Barlamaanka in ay dagaalamaan oo dhiig ku daato Barlamaanka dhexdiisa, guubaabadaas oo loo hayo maqal iyo muuqaal halkii uu ka heshiisiin lahaa wixii is khilaafsan, c) Sida ku cad Xeer hoosaadka Barlamaanka qodobkiisa 24-aad farqadiisa 4-aad wuxuu farayaa Afhayeenka Barlamaanka in uu shirka xidho hadii buuqa Xildhibaanadu isu bedelo hanjabaad ama gacan ka hadal qodobkaas oo Afhayeenku dhowr jeer ku xadgudbay fulin la’aantiisuna waxay Barlamaankii Soomaaliyeed soo gaarsiisay dhibaatooyin isugu jira Sumcad xumo, Ceeb, dhaawacyo iyo khasaarooyin kale oo badan. d) Wuxuu isagoo adeegsanaya magaca Barlamaanka isla markaasna luminaya dhexdhaxaadnimada looga baahan yahay ka been abuurtay kuna xadgudbay golaha Barlamaanka isagoo taageeray baaqyo dawlada ka soo baxay Barlamaankuna ka warhaynin. e) Wuxuu ku guuldaraystay dhismaha gudiyada Barlamaanka oo halbowle u noqon lahaa socodsiinta hawlaha Barlamaanka, kormeerida iyo la socodka hawlaha Dawlada, iyadoo aanu Barlamaanku 8-bilood ka dib dhismihiisii aanu lahayn wax Xoghayn iyo Habdhowre oo rasmi ah. f) Wuxuu ugu dambayntii fiidnimadii 17 maarso 2005 been abuur cad ku sameeyey rabitaankii Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliyeed isagoo afduubay soona saaray cod bixin iyo go’aan aan jirin. 3)- BAAQ: - Waxaan ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliyeed in uu raali gelin qoraal ah ka bixiyo qaladaadkaas aan kor ku soo sheegnay isla markaasna uu u guto xilkiisa si daacad iyo dhexdhexaadnimo ah oo danta dalku ku jirto taas oo ah masuuliyadiisa koowaad. - Waxaan ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka iyo labadiisa ku xigeen in ay si deg deg u dhamaystiraan dhismaha gudiyada iyo Maamulkii barlamaanka. - Waxaanu ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka in uu door wanaagsan ka qaato is fahamka iyo wada shaqaynta Xildhibaanda iyo sidii dhamaan masuuliyiinta qaranku gacmaha isu qabsan lahaayeen loona wajihi lahaa dhibaatada ummadda soomaaliyeed haysata ee loo doortay in ay wax ka qabtaan. - Waxaanu sidoo kale ugu Baaqaynaa Dhamaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee jira iyo golayaasha qaranka in shaqadooda u gutaan si Daacadnimo, wada shaqayn iyo wadaniyadi ku jirto kana dheeraadaan wax kasta oo madmadow gelin Karin geedi socodka nabada iyo Dawladnimada. - Waxaanu ugu baaaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto in si deg deg ah u joojiyaan Dagaalo beeleedyada ka socda gobolada qaar isla markaana isgarab istaagaan Dawladooda kana dheeraadaan waxkasta oo kala qaybin kara. 4) TAAGEERO: a)- Waxaanu si buuxda u taageeraynaa una soo dhaweynaynaa go,aankii taariikhdiisu ahayd 18/3/05 kana ka soo baxay shirkii Wasiirada Arimaha dibada ee urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuna saabsanaa in ciidamo nabad taageera la geeyo Soomaaliya. b)- Waxaanu si buuxda u taageeraynaa go’aankii ka soo baxay golaha Wasiirada Soomaaliyeed 21 Maarso 2005 kuna saabsanaa dib u guurista Dawlada iyo in si ku meel gaar ah loogu sii hakado Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar inta xaalada amaan ee magaalo madaxda Dalka (muqdishu) laga hagaajinayo. 5)- CANBAARAYN Waxaanu Canbaaraynaynaa duulaankii gardarada ahaa ee lagu qaaday Magaalada Baydhbo ee gobolka bay, waxaanuna uga tacsiyadaynaynaa dadweynaha gobolkaas dhibaatadii soo gaadhay 6)- CODSI IYO MAHAD CELIN Waxaan Beesha caalamka uga mahadcelinaynaa taageerada hagar la’aanta ah ee ay had iyo jeer la garab taagan yihiin hawlaha dib u heshiisiinta iyo Dawlad gaarsiinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanuna ka codsanaynaa inay sii wadaan taageeradaas iyo gacan siinta dawlada federaalka , sidoo kalena ay urur gobaleedka IGAD kala shaqeeyaan hawlaha nabada ee ku aadan Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Africa. Wa Billaahi Towfiiq ###Dhammaad##
  22. ^^^ lol, I await your report soon.. Garab ka mid ah garabyada Is bahysiga Jubba oo ku hanjabay inuu ciidankiisii kala baxayo Kismaayo Ksimaayo. 2 April 2005. Mid ka mid ah garabyada Dooxada Jubba ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo Jaamac Aadan Dheere ayaa malayshiyadii taabacsanayd ugu baaqay inay iskaga baxaan magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Kismaayo. Arinkani wuxuu ka danbeeyay khilaafaad ka dhashay sida loo maamulo dhaqaalaha laga helo dekada magaalada Kismaayo oo ah laf dhabarta miisaaniyada soo gasha Malayshiyooyinka magaalada gacanta ku haya. Wararku waxay intaasi ku darayaan in khilaaf kalana uu ka jiro taageerada dawlada C/Laahi Yuusuf oo ay ku kala qaybsan yihiin malayshiyadu. Arinkan oo dhabarjab ku ah malayshiyada Dooxada Jubba wuxuu ku soo hagaagay xilli dagaalo cusubi ay kasoo cusboonaadeen gobolada Baay iyo Bakool, iyo shir balaadhan oo ka socda magaalada Afmadow oo ay leeyihiin dadka dega deegaanka Waamo oo wixii ka danbeeyay 1993 lagaga gacan sareeyay siyaada gobolada Jubbooyinka. SomaliTribune
  23. ^^^ Love your country brother, but dont lie to yourself. Most of your leaders for example, Warrabe and Riyaale are a joke. You are just another part of Somalia, no one recognises you, like the rest you "nation" is dependent on the UN rations. As for Juma and Xoogsade [warlord appeasers] Here is a letter to the Kenyan based Standard Group..From a concerned citizen.. Serious action must be taken on Mogadishu -------------------------------------------------------------------------------- The warning issued by the Somali warlords in Mogadishu against the Igaad frontline states of Kenya, Ethiopia and Djbouti is unwarranted, uncouth and devoid of any logical reasoning. The three frontline states in question have been instrumental in the formation of the Somalia Transitional Federal Government now in place after a gruesome two years. These states form SomaliaÕs immediate regional neighbours and are totally committed to the achievement of sustainable peace in the country. I wish to commend the stand taken by the Igaad and the African Union to deploy peace-keeping troops. It is high time these primitive and uncivilised warmongers in Mogadishu city are taught a lesson by the African Union, the European Economic (EEC) and the United States. Hassan Haji Osman, Garissa.
  24. Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maanta Laascaanood Gaaray Posted to the Web Apr 02, 15:17 Laas-caanood:-Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland Mudane Xasan Daahir Afqurac iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saaka barqanimadii waxay gaareen magaalada Laascaanood, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey, waxaana gaadiid aad u tira badani ka soo gelbiyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdiga la socday tuulada Tuqa Raq oo qiyaastii magaalada Laascaanood u jirta 60 Km. Madaxweynaha ayaa la dejiyey guri weyn oo loo habeeyey in uu ku shaqeeyo ayaa la dejiyey,wuxuuna u mahad celiyey dadweynihii sida diiran u soo dhoweeyey. Booqashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee gobolka Sool ayaa waxay ku soo beegantay xili ay taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Maamulada puntland iyo Somaliland ee fadhgoodu yahay deegaanka Ari Caddeeye. Radio Midnimo Daabacaada:Puntlandpost.xom Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan