
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
PRESS RELEASE :Somalia: Government Press Release Posted to the Web May 12, 17:23 Nairobi:-The President of the Transitional Federal Government of Somalia called an extra ordinary Parliamentary Session that was held on May 11 2005, at Kenyatta International Conference Center, Nairobi Kenya. The First Deputy Speaker, Prof. Mohamed Omar Dalha, chaired the session attended by 152 members of Parliament. After the opening speech at 3.30pm, Prime Minister Ali Mohamed Gedi tabled before the Parliament the cabinet approval of previous bills namely: 1. Cabinet resolution of May 9, 2005 approving the deployment of African Union and Leagues of Arab States peace support mission. 2. Cabinet resolution of March 21, 2005 regarding the Government relocation. The Parliament started debating Bill No.1 and thereafter, the Deputy Speaker requested that the raise of hands take a vote. The vote count registered 145 majorities in support for deployment of troops. 1. The phase one deployment of troops will consist of Ugandan and Sudanese. 2. The other remaining forces of IGAD states will provide logistics, equipments, emergency assistance and training of the Somali Police and Military. 3. The second phase will consist of IGAD counters including those nations that not participated in phase one. 4 The Sudanese and Ugandan support forces will be deployed in Mogadishu first and spread later to other cities and regions in the country. 5. The Parliament also approved the deployment of League of Arab States and African Union peace support mission. The Parliament went into debating the second Bill of the relocation of the Government to Somalia. After the debate was over a vote of 141 majorities were registered in favor of relocation. 1. The Parliament approved that the Government will relocate to Jowhar and Baydhabo until the situation in Mogadishu is pacified. 2. It was also approved that a Government liaison office will be opened in Mogadishu. Deputy Minister of Information Hon. Salad Ali Jeele
-
US supports establishment of Somali transitional govt WASHINGTON, May 11 (Xinhuanet) -- The United States on Wednesday offered its support to the transitional federal government of Somalia, saying "it's time to bring the Somali people out of a very long period of civil conflict." Announcing a joint statem ent with the European Union, the StateDepartment spokesman Richard Boucher said the US "strongly supportthe establishment of a functioning central government in Somalia." The United States is joining hands with the EU "to reestablish effective government for Somalis, so that they can live in peace and prosper. And we'll continue to work together with them in thatregard," Boucher said. The United States is the largest bilateral donor to Somalia -- 30 million dollars in the last year, according to Boucher. Boucher made the remarks after Somalia's parliament in exile approved on Wednesday the deployment of Ugandan and Sudanese peacekeepers to the troubled Horn of Africa nation, and also authorized the government's relocation plans. Somalia has been without a functioning government since 1991, when the administration of Mohamed Siad Barre was toppled. The newtransitional government was formed in Kenya last year, but has so far been unable to move back to Somalia because of security considerations. Enditem Source: Xinhua, May 12, 2005
-
Africa backs Somali peace force Thousands of gunmen still operate in Mogadishu The African Union has approved a controversial move to send peacekeepers to Somalia - which has split the exiled government. But the AU said they do not yet have the $10m funds needed and troops will only deploy when it is safe. President Abdullahi Yusuf wants peacekeepers but the warlords who control the capital oppose them. The rift between the two sides widened after the exiled parliament backed Mr Yusuf in a vote boycotted by 100 MPs. Somalia has been wracked by violence and anarchy for 14 years. The AU said the force will protect the government wherever it is based, help safeguard humanitarian aid and train a new security force. It will be composed of 1,700 Sudanese and Ugandan troops after plans to include Ethiopian soldiers were dropped. Relocation The MPs in Kenya approved the idea of relocating to Baidoa and Jowhar until the capital, Mogadishu, is considered safe enough to host a government. But this idea is also strongly opposed by the Mogadishu warlords, who have all been given posts in Mr Yusuf's cabinet. The Somali reconciliation process is at a critical stage US, EU statement Somali peace under threat A similar vote in March was declared null and void after MPs fought in parliament - but parliamentary speaker Sherif Hassan has said the latest vote was also unconstitutional because he did not call the meeting. More than 100 members of the 275-strong parliament are in Somalia, including the warlords who control the capital, and have refused calls to return to Kenya. Warlords unite In Washington, the United States and the European Union released a joint statement voicing their concern at the lack of progress. "The Somali reconciliation process is at a critical stage. There is an urgent need for a viable agreement on relocation and security," it said. Facts and figures about life in Somalia At-a-glance BBC Somali section editor Yusuf Garaad Omar says the government could end up relocating to different towns, formalising the split. Foreign donors, who have bankrolled the long peace talks, are pressing the transitional government to relocate to Somalia. Mogadishu warlords Mohammed Qanyare Affra, Osman Ali Atto and Muse Sudi Yalahow, who have spent years fighting each, said that they would this week start withdrawing their forces from the capital and setting up a single militia force. They say this will restore security in Mogadishu and remove the need for peacekeepers. But some government officials fear that the force could be used against them, if relations continue to deteriorate.
-
GOLAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MAANTA ANSAXIYEY IN CIIDAMO KA SOCDA SUUDAAN &UGANDA IYO IN DAWLADDU KUSII HAKATO MAGAALOOYINKA BAYDHABO &JOWHAR Somaliweyn(Nairobi ,May 11 ,2005 ) Golaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya waxaay maanta Aqbaleen labo goáan oo dawladdu usoo gudbisay oo kala ahaa ciidamaad Soomaaliya la keenayo iyo Magaalooyinka dawladdu kusii hakanayso inta Caasimadda laga Nabadaynayo. Ugu Horreyn Waxaa Golaha Baarlamaanku u codeeyeen in Wajiga koowaad ee hawlgalka Ciidamada IGAD aay ka koobnaadaan dalalka Suudaan iyo Uganda iyo in isla wajiga koowaad qaybtiisa kale aay ka soo qaybgalaan ciidamo ka tirsan IGAD iyagoo ka kaalmaynaya ciidamadaas dhanka saadka ,farsamada iyo iagoo tababar siinaya ciidamada xogga dalka Soomaaliya iyo booliska Soomaaliyeed waxaa mowshinkaan u codeeyey 145 xildhibaan . Codkaas kaddib waxaa loo gudbay Mowshinkii labaad oo ahaa Magaalooyinka dawladda iyo Baarlamaanku ku hakandoonaan inta Muqdishow amnigeeda la sugayo waxaana baarlamaanku goáamiyey in lagu sii hakado magaalooyinka Baidhabo iyo Jowhar .qodobkaasna Golaha Baarlamaanku wuxuu ku ansaxiyey 141 cod . Mudaanyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Maxamed Cumar Dhalxa, ayaa maanta fariistay ka dib markii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed uu isugu yeeray baarlamaanka. Arrintani waxay ka dambaysay, markii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan, ay isku af garan waayeen taariikhda uu baarlamaanku fariisanayo. Shirka maanta ee Golaha baarlamaanka waxaa Guddoominayey ,Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof . Maxamad Cumar Dalxa. Intaan shirku furmin iyo gabagabadiisiiba waxaa khudbad ka jeediyey Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka in Goáankii dhacay 17kii Maarso in uu kaligiis goáan iska gaaray iyadoo Baarlamaanka dhexdiisa uu dagaal ka socdo ,wuxuu kale oo uu ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu diiday in uu u hoggaansamo goáankii 100 Xildhibaan oo doonayey in shir la qabto . Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu iku tilmaamay mid sharci darro ah shirka Baarlamaanka oo maanta dhacay . Xarunta Warbaahinta Somaliweyn /Gothenburg /Sweden Somali Information Center Gothenburg/sweden
-
Nairobi: Xildhibaano shir jaraa'id oo ay qabteen wax kama jiraan ku tilmaamay go'aankii ay shalay baarlamaanku gaareen - Thursday, May 12, 2005 at 12:15 Nairobi(AllPuntland)-Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Chester House oo ku yaal magaalada Nairobi xildhibaano gaarayay ilaa 17 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya. Xildhibaanadaan ayaa wuxuu shirkooda jaraa'id ku saabsanaa diidmo ay diidan yhiin go'aankii ay shalay baarlamaanku ku ansixiyeen in dalka la keeno ciidammo ka socda dalalka Suudaan iyo Ugaandha iyo in dawladdu ku sii hakato magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo,taasoo ay ku tilmaameen wax kama jiraan. Kulankii shalay ayay ku sheegeen inay ka qaybgaleen xildhibaano gaarayay ilaa 124 xubnood ,taasoo aan sharci ahayn fadhigoodu maadaama inta ugu yar ee uu fadhi baarlamaan ku ansixi karaa ay tahay bay yiraahdeen 139 xubnood. Xildhibaanada shirka jaraa'id qabtay ayaa sheegay in fadhi aan caadi ahayn oo uu yeelanayo baarlamaanku marka madaxweynuhu dalbado uu isugu yeeri karo guddoomiyaha baarlamaanku sida ku cad bay ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda farqada 2aad ,qodobka 34aad ee Axdiga,sidaa darteedna fadhi caadi ah ayuu yeelan lahaa bishan May baarlamaanku markaana looma baahnayn codsi madaxweynuhu ku dalbado fadhi aan caadi ahayn ,iyadoo bay intaa raaciyeen cidda isugu yeeriraanka baarlamaanka xaqa u leh sida Axdigu qabo ay tahay guddoomiyaha. Waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in guddoomiye ku xigeenka baarlamaanku uusan sharci u lahayn inuu guddoomiyo kulan baarlamaan iyadoo uu caafimaad qabo goobtana ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanku,sdiaa darteedna bay yiraahdeen go'aankii shalay lagu gaareey fadhigii baarlamaanka waa sharci darro iyo wax kama jiraan. Waxayna beesha caalamka,golaha nabadda iyo ammaanka Afrika iyo Qarammada Midoobey ka codsadeen inaysan fadhigii shalay waxba ka soo qaadin ,haddii ay arrintaas iska dhegatiraan oo ciidammo u diraan Soomaaliyana waxay irdaha u furaysaa bay yiraahdeen wareeg cusub oo dagaallo sokeeye oo mar kale Soomaaliya ka dhaca,waxayna goobtaas ku faafiyeen magacyada xildhibaano gaaraya ilaa 100 xubnood oo ay ku sheegeen inay ku maqan yihiin meel dibedda ka ah magaalada Nairobi ,taasoo ay ku muujinayaan inaysan suurtoobi karin sida ay yiraahdeen kooramkii uu ku furmi lahaa fadhiga baarlamaanku. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
-
Guddoomiyaha baarlamaanka oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo Sebtida Muqdisho ku soo fool leh Nairobi Sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa maalinta Sebtida ah magaalada Muqdisho soo gaari doona wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo, iyadoo wararka ka soo baxaya socdaalka Muqdisho ee guddoomiyaha baarlamaankuna sheegayaan in xildhibaanada uu soo hor-kici doono Shariifka tiradoodu in ay gaari doonaan ilaa 57 xildhibaan. Socdaalka xubnahan ee Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha & ra'isul wasaaruhu ay abaabuleen shir aanu soo xaadirin guddoomiyaha baarlamaanka, iyagoo ku guuleystay in shirkaasi uu u guddoomiyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Prof. Max'ed Cumar Dalxa. Wararka aanu ka heleyno Muqdisho & Nairobi ayaa sheegaya in laga yaabo marka wefdiga guddoomiyaha baarlamaanka & xildhibaanada la socda ay soo gaaraan Muqdisho oo ay horay ugu sugnaayeen xildhibaano ku dhow dhow 100, in la abaabulayo shir baarlamaanku ku yeesho Muqdisho, lagana soo saarayo qodobo xasaasi ah oo xilka lagaga qaadayo mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda, waxaase loo baahanayaan haddii ay noqoto xil ka qaadis in la helo xildhibaano gaaraya 184 xildhibaan (2/3)
-
Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah iyo wefti uu hoggaaminayey oo saaka u kicitimay Addis Ababa Posted to the Web May 12, 13:37 Nairobi:-Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah iyo wefti uu horkacayo,ayna ka mid ahaayeen Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid iyo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamig ah C/risaaq Cismaan Xasan(Jurille) ayaa waxay saaka 9:00 Subaxnimo ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi,iyagoo ku sii jeeda Addis Ababa oo ah Caasumadda dalka Itoobiya. Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo weftiga socdaalkiisa ku weheliya ayaa waxay halkaasi uga qaybgalin doonaan kulan Madaxda Afrika uga furmi doona,kaasoo arrrimaha looga hadli doona ay tahay xaaladda Soomaaliya,waxayna wararka hoose ee ka soo baxaya safarka Geedi tilmaamayaan in Ururka Midawga Afrika loo gudbin doono Go,aankii baarlamanku gaaray shalay si markaasi ogolaansho buuxda loo siiyo Ciidamada Afrika ee dalka soo gali doona. Kulankaas oo qaadan doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu wadaa in Ra'iisal wasaare Geedi ay isarkaan Madaxda Dalka Itoobiya iyo Kuwa ka tirsan Afrika,waxayna isla soo qaadi doonaan arrimaha Soomaaliya. Dhanka kale Warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxaya Xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan qaban doono beri subax shir jaraa'id oo ka dhici doona Grand Regency,isagoo ku dhawaaqi doona inay Xildhibaanadu Sabtida u socdaali doonaan Muqdisho,islamarkaasna kulankii 17kii bishaan baarlamaanku isugu imaan lahaa Mbagathi ka dhici doona Muqdisho. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya
-
Taageero go'aankii xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ay ku ansixiyeen labada qodob ee taariikhiga noqday. Anagoo ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaan tahniyad iyo taageeraba udiraynaa shirkii taariikhiga ahaa ee ay ku badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed May,11-2005 Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaas oo ahaa mid ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ku diirsadeen soona dhaweeyeen, maadaama uu ahaa mid lagu badbaadinayey shacabka Soomaaliyeed ee dawladanimada uhamuun qaba. Labadii qodob ee ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliyeed ayaanu ku ayidaynaa sacab iyo farxad anagoo xubnahaasna usheegayna inay taariikhdu qori doonto badbaadintii ay dawlada ka badbaadiyeen kuwa ku riyoonaya inay dumiyaan mirihii ka dhashay shirkii labada sanno loo fadhiyey dalkaasi Kenya. Waxaad na tusteen hadaanu nahay shacabka dawladnimada jecel wax aanu ku faraxno oo ah in aad rabtaan in aad dalka uguurtaan dhakhso iyo inaad shacabka hubaysan aad usaro kacdeen sidii hubkaas aad uga dhigi lahaydeen. Waxaan idinku taageeraynaa maskax fayow oo ka fog nin jeclaysi, iyo dano gaaraba. Waxaan idiin la taaganahay taageero dhan walba ah hadaanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dibada gaar ahaan kuwa jooga Minnesota, USA. Waxaan hubnaa eebana ka rajaynaynaa in inta rabta nabada, kala danbaynta, horumarka iyo nidaamkii dawladnimo inay soo noqoto inay ku diirsatay go’aamadii golaha baarlamaanka iyo kuwa golaha wasiiradaba ee ah in dawladu hore usocoto oo dalka uguurto, dalkana la keeno ciidamo dawlada garab gala oo hubka la gura nabadana la suga dawlda sidii ay usal dhigan lahaydna kala shaeeya. Waxaan hambalyo gaara udiraynaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo muujiyey wadaniyad iyo geesinimo kadib markuu ka dulqaaday shacabka Soomaaliyeed isbaardii ay shacabka udhigteen kuwa qaran dumiska ah. Waxaan leenahay Prof: Maxamed Cumar Dalxa, waxaa ku xusi doonta taariikhda shacabkana waxaad ku leedahay abaal aan duugoobayn insha allaah waadna heli doontaa aduun iyo aakharaba. Waxaan salaan iyo bogaadin markale usoo diraynaa dhamaan xubnaha baarlamaanka ee geeray go’aankaas wax ku oolka ah allahana idin la garab galo. Waxaa halkan ku lifaaqan magacyada taageerayaasha go’aanka baarlamaanka ee maalintii taariikhiga noqotay May 11,2005:
-
Nairobi:Kulankii Baarlamaanka maanta iyo Khudbadihii ay ka jeediyeen Madaxweynaha ,Ra'iisal Wasaaraha iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanku - Wednesday, May 11, 2005 at 22:14 Nairobi(AllPuntland)-Kulankii baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo maanta 4:00 galabnimo ka furmay hoolka shirarka ee KICC ee magaalada Nairobi ayaa waxa uu soo gabagaboobey caawa 8:00 fiidnimo ee waqtiga Afrikada Bari. Shirkaan oo ay fadhiyeen xildhibaano gaaraya 152 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa waxaa dalabkiisa lahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isagu ka codsaday baarlamaanku inay ka doodaan oo go'aan ka gaaraan qorshihii xukuumadda ee keenitaanka dalka ciidammo ka socda Ugandha iyo Suudaan iyo weliba halka dawladdu u guurayso,waxaana kulankaan maanta goob joog ka ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ,Ra'iisal Wasaare Geeddi iyo Ra'iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid,iyo xubno ka socdey beesha caalamka,Midowga Afrika,Jaamacadda Carabta iyo safiirada dalalka Kenya u fadhiya qaarkood. Kulankaan oo uusan soo xaadirin guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dalxa ,oo isagu markii uu shirka furay cadeeyey in maadaama caddadkii ansixitaanka fadhiga baarlamaanku buuxo uu shirku furan yahay ,isagoo markaasna ku soo dhoweeyey Madaxweynaha si uu u yiraahdo oraahdiisii maadaama uu kulankaan degdegga ah codsaday. Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa markaa hadalka qaatay ,salaan guud ka dibna waxa uu sheegay in maadaama baahi weyn loo qabo in ummadda Soomaaliyeed dhibaatada laga saaro oo aan arrintaa u dhaarannay inay jirto 3 arrimood oo uu sharciga iyo axdiga ku jebiyey guddoomiyaha baarlamaanku. Midda kowaad markii baarlamaanku ku shiray Grand Regency 17kii March oo iyadoo baarlamaanku bakoorado iyo feer isku wado uu sheegay Guddoomiyuhu in cod la qaaday oo 156 xildhibaan ay u codeeyeen inaan dalka la keenin ciidammo ka socda dalalka safka hore ,taasoo markaa ka dib aan isugu yeeray sharci yaqaano arrintaa ka soo baaraan dega sharci ahaanteeda kuwaasoo soo caddeeyey inaysan sharci ahayn arrintaasi si sax ahna ku dhicin. Markaa ayaan sida axdigu qabo waxaan u soo qoray qoraal aan kaga codsanayo inuu maadaama uusan si nidaam ah u dhicin codayntii in muddo 14 casho gudahood ah inaan dib ugu celiyey baarlamaanku inay iyagoo xasiloon go'aankii ay doonaan ay qaataan,markaasoo aan safar aadey dabadeedna markii aan soo noqday waxaan arkay qoraal uu guddoomiyuhu ii soo qoray oo leeyahay qoraalkii afka Ingiriiska ku qornaa ku soo bedel af Soomaali ,taasina waxay ahayd diidmo cad maadaama xafiiska Guddoomiyaha ay ka shaqeeyaan dad aqoon u leh luqaddaas oo ay tarjumi karaan,taasoo ahayd diidmo cad ,balse maahan cidda wax diidi kartaa guddoomiyaha ee waa baarlamaanka. Midda labaadna waxay ahayd xildhibaano gaaraya 100 xubnood ayaa waxay guddoomiyaha u qoreen qoraal ay kaga codsanayaan inuu isugu yeero baarlamaanka si ay uga doodaan barnaamijka xukuumaddu soo gudbisey ,taasna waa uu ku gacan sayray. Midda 3aadna waa tan hadda loo fadhiyo ee iyadoo ay jirto arrin degdeg ah oo fadhi lagaga wadahadlayo arrimaha Soomaaliya uu berito ka dhacayo magaalada Addis Ababa ayaa golaha ammaanka iyo nabad gelyada Afrika waxay khamiistii hore ka codsadeen Ra'iisal Wasaaraha oo Muqdisho jooga inuu kulankaas ka soo qaybgalo ,markaasoo uu Ra'iisal Wasaaruhu ka codsaday in dib loogu dhigo ilaa khamiista berito ah sidaa darteedna markii uu Ra'iisal Wasaaruhu soo laabtay wuxuu kulan isugu yeeray golaha Wasiirada oo markii ay go'aan qaateen ka codsaday guddoomiyaha baarlamaanka inuu 24 saac gudahood isugu yeero kulan baarlamaanka ,taasoo uu iyadana diidey aniga ayaana isku deyey inaan dhexgalo oo xalay oo isugu kaaya danbeysey wuu diidey inuu wax fadhi ah baarlamaanka isugu yeerayo ilaa 17ka bishaan ,haddaba idinkoo ah baarlamaanka Soomaaliya Ilaahay ka sokow idinkay idinku xiran tahay inaad ka talisaan sidii Soomaaliya qarannimadeedii iyo sharafteedii ula soo noqon lahayd ,baarlamaankuna qof jeebkiis kuma jiro,aniga iyo isagaba haddii aan wax sharci ah idinka diidno oo idinka hor nimaadno iska kaaya dhiciya,waxaana la idinka sugayaa sidii aan go'aan uga gaari lahayn ciidammadii dalka imaan lahaa iyo guuritaankii dalka gudihiisa. Markaa ka dib Madaxweynuhu waxa uu ka baxay hoolkii shirarka isagoo ku sugnaa isla dhismaha dhexdiisa si uu uga warsugo go'aanka baarlamaanka,markaa ayaa waxaa hadalkii qaatay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo isagu ugu horraayn tacsi udiray dadkii eheladii dadkii dhibaatadu ka soo gaartey qaraxii Muqdisho ,waxna uu maanta hadalkiisu u badnaa sida uu uga xun yahay maqnaanshaha guddoomiyaha baarlamaanka isagoo tilmaamay inaan ujeedadiisu ahayn inqilaab uu ku samaynayo guddoomiyaha xaqa ah ee sida sharciga ah loo doortay balse uu qadarinayo codsiga madaxweynaha iyo xukuumadda iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee iyagu doonaya inay dhibaatada mar uun ka baxaan,waxana uu bogaadiyey shaqada ay Muqdisho ka wadaan xubnaha ka tirsan labada gole ee halkaas ku sugan ,waxana uu markaas ku soo dhoweeyey hadalkii Ra'iisal Wasaare Geeddi. Ra'iisal Wasaaraha ayaa ugu horrayn warbixin kooban oo la xiriira safarkiisii Muqdisho ka dib iyo tacsi uu diray eheladii dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Stadio Muqdisho waxa uu soo jeediyey barnaamijka xukuumaddu soo gudbisay ee Madaxweynuhuna markaas codsaday in baarlamaanku ka doodo kaasoo ah. -In go'aan laga gaaro imaatinka dalka ee ciidammo ka socda dalalka Ugandha iyo Suudaan oo ay weheliyaan kuwo ka socda Jaamacadda Carabta iyo Dalalka kale ee Afrika. -In dawladdu ku sii hakato Jawhar iyo Baydhabo ,isagoo markaas codsaday in ajendaha 2aad (Baydhabo iyo Jawhar)dib loo dhigo ka doodistiisa muddo labo ilaa 3 maalmood ah taasoo ay codsadeen xubnaha beesha caalamka ee ku sugnaa goobta maanta taasoo ay xildhibaanadu ka diideen oo weliba mar hakad gelisay codayntii iyagoo ku adkaystay inaan la kala qaadi karin labadaa qorshe ,ugu danbayntiina waa laga gudbey arrintaas markii baarlamaanka la mari waayey oo codsiyo dhowr jeer Ra'iisal Wasaaruhu soo jeediyey ay ka diideen. Dabadeedna labo jeer oo kala duwan ayaa loo kala codeeyey qorshihii xukuumadda iyadoo la hormariyey dhinaca ciidammada oo ay 145 xildhibaan u codeeyeen in sideeda loo qaato oo ah in dalka la keeno ciidammo ka socda Ugandha ,Suudaan,Jaamacadda Carabta iyo Afrika,mana jirin cid ka aamustay iyo cid diidey toona ,waxayna ahaayeen intii markaas codaynta ka qaybqaadatay oo ka mid ah 152dii xubnood ee fadhigu ku furmay oo inta kale ay bannaanka hoolka ku maqnaayeen markii codayntu dhacaysey. Qodobkii 2aad ee goobta dawladdu ku sii hakanayso inta magaala madaxda laga xasilinayo ayay 141 xildhibaan waxay u codeeyeen in sideeda loo qaato oo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo ay dawladdu ku sii hakato ,iyadoo uu hal xidhibaan ka aamusay,markii qorshahaas xukuumadda sidiisii loo ansixiyey ayaa waxaa hal mar hoolkii isqabsaday heestii caanka ahayd ee calanka ee Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsada ee,waxaana markaa goobtii dib ugu soo laabtay madaxweynaha oo mahadcelin iyo waano u soo jeediyey baarlamaanka isagoo ku ammaanay muujintooda ay muujiyeen inay wax diidi karaan waxna ansixin karaan,waxana uu markaa ka dib sheegay inuusan ahayn Madaxweynihii ugu horreeyey ee kulan isugu yeera isagoo tusaale u soo qaatay xilligii dawladdi ra'yidka ahayd oo mar uu guddoomiyihii waagaas diidey inuu fadhi isugu yeero baarlamaanka uu madaxweynihii xilligaas Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) uu kulan isugu yeeray baarlamaankii oo ugu danbayntiina xilkii ka qaaday guddoomiyihii,marka waxaan idin leeyahay haddii aan sharciga ku xadgudbo ha i aqbalina ,haddii aan idinka diidana waad i bedeli kartaan sia sharcigu qabo idinkoo 2/3 cod ah ku ansixinaya ,(markaasoo sacab aad ah loo garaacay).,waxana uu intaa ku daray walaalkeen Shariif Xasan Shiikh Aadan waan u caqli celinaynaa ,haddii uu ina diidana hal qof oo shaqsi ah iyo Soomaaliya waxaan dooranaynaa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa waxa uu u mahad celiyey guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mudane Dalxa guddoomintiisa shirka ,waxana uu sheegay in taariikhdu qori doonto ciddii Soomaaliya danteeda si mintidnimo ah ugu guntata ,waan ognahay oo dad baa meelaha kaga hadla hebel waa XABASHI iyo hebel waa AMXAAR iyadoo aan filayo in maalin dhowna qolo lagu sheegi doono ISRAA'IILIYIIN marka waa la kala ogaan doonaa cidda Soomaali dhab ah iyo cidda ay afka baarkiisa ka saaran tahay ayuu yiri madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxana uu sheegay inuu dhowaan safar baaritaan caafimaad u bixi doono isagoo u soo noqon doona sida ugu gaaban ,sidaa darteedna loo sii diyaar garoobo geeddi iyo bixitaan. Markaa ayaa waxaa kulankaas soo gabagabeeyey Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo isagu ka codsaday madaxweynaha inuu intii awoodiisa iyo khibradiisa iyo odaynimadiisa ah isugu geeyo sidii uu u midayn lahaa golayaasha dawladda oo khilaafaadka looga dhex saari lahaa. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
-
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah oo u coddeeyey inay Dawladdu ku sii shaqayso Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar Posted to the Web May 11, 19:42 Nairobi:-Xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah ee kulankoodii maanta uga doodayey barnaamijkii Xukuumadda FKMG ah u soo gudbisay ayaa waxay gabagabadii u coddeeyeen inay Dawladda FKMG ah ku sii shaqayso si ku meel gaar ah Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta laga xasilinayo Muqdisho,iyadoo 141 Xildhibaan ogolaadeen inay ku sii hakato Magaalooyinkaas,waxaana ka aamusay hal Xildhibaan,wuxuuna kooramku ku furmay sida uu ku dhawaaqay Dalxa 152 Xildhibaan. Kulankaas oo daqiiqado ka hor soo gabagaboobay ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa oo isagu kulanka maanta shirgudoominayey,isagoo ka codsaday Madaxweynaha Jamhuuriayda FKMG ah inuu ku dedaalo sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Xubnaha labada Gole ee isafgaranwaagu ka dhexeeyo. Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah oo labadu khudbado dheer ka jeediyey markii uu soo afjarmay coddeyntii baarlamaanka dib ayaan idiinku soo gudbin doonaa,iyadoo faaahfaahasan,wuxuuna kulankaasi ku soo irdo xirmay heestii calanka oo si wada jir ah loo qaaday iyo waji farxad ka muuqatay Xildhibaanadii iyo Madaxdii kale ee halkaasi ku sugnaa,hase yeeshee Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan ayaan ka soo qaybgalin kulankii baarlamaanka ee maanta,isagoo si toos ah u qaadacay inuu ka qaybqaato,iyadoo sidoo kale ay jireen Xildhibaano ku sugnaa Nairobi oo aan iyaguna imaanin shirka baarlamaanka. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya -
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^ Long time coming. WAR might happen, but at this moment I have a big doubt that it will. Lets refelct on today and the simple truth, the Parliment by a good marjin and following its own rules has endorsed the plans of the government. The talk of a split or a majority in Xmar has evaporated. Another key point is that there was no chair throwing or fighting as well as no Sharif and warlords a coincidence, perhaps. Diinaari interview Radio Daljir -
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baarlamaanka Soomaaliya oo go'aamiyey in Dowlada ku hakato Baydhabo iyo Jawhar Nairobi :- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo soo gebo gabeeyey kulan ay maanta ku lahaayeen magaalada Nairobi ayaa codbixintoodii labaad 141 xildhibaan si buuxda u taageereen in aan lagu hormarin magaalada Muqdisho. Kala-fadhiga Baarlamaanka oo maanta ka dhacay Nairobi oo ayna kasoo qeyb galeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa isla maanta lagu ansixiyey mooshin kale oo qorayey in Ciidamada Yugandha iyo Sudaan ee IGAD la keeno dalka Soomaaliya. Mooshinka labaad oo hada lasoo xiray ayaa ahaa mid uu soo gudbiyey Rá iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo sheegay in xukuumadiisa go'aansatay in dowlada ay kusii hakato magaallooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta la sugayo amaanka magaalada Muqdisho. Mooshinkan ayey si qoto dheer uga doodeen 152 xildhibaan oo ayagu maanta kasoo qeyb galay kala-fadhigan uu guddoominayey G/kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xildhibaan Prof.Maxamed Cumar Dalxa. Sida ay HorseedNet u xaqiijiyeen qaar kamid ah xildhibaanada shirkan ku sugan ayaa sheegay in 141 xildhibaan ayaa si buuxda u taageereen mooshinkii 2aad ee dowlada ayadoo codbixinta labaad ay tahay guushii labaad ee Xukuumada Prof.Geedi uga soo hooyatay kala-fadhigan muranka uu ka taagan yahay. Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan oo hada ku sugan hoygiisa magaalada Nairobi ayaa sheegay in go'aanadan ay yihiin kuwo aan waxna ka jirin oo aan sharci ahayn. Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey sababta uu u diiday in horey kulankan u dhaco ayaa sheegay in shalay uu soo saaray qoraal qoraya in kala-fadhiga la qabanayo 17ka bishan May. Guddoomiyaha oo iska fogeeyey in uu caqabad ku yahay hawlaha dowlada iyo kulamada Baarlamaanka ayaa ku nuux nuuxsaday in Prof.Dalxa oo ah kuxigeenkiisa uusan guddoomin karin shir uu asagu raali ka ahayn. Md.Shariif Xassan ay ku adkeysanaya in 17ka bishan uu dhici doono Kala-fadhiga Baarlamaanka ayadoo arrintani ay tahay muran dheer oo soo jiitamayey balse hada maraya heerkii ugu sareeyey. Beesha Caalamka oo ayadu waday dhex dhexaadinta Hogaamiyaasha dowlada Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ayagu ka qeyb galay kulankii maanta lagu ansixiyey labada mooshin oo ay xukuumada soo gudbisay taasi uu eg in ay IPF-ta ka daashay diidmada qayaxan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka oo diiday in wax shir ah la qabto inta ay maqan yihiin hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha oo maanta ka hadlay kulankan ayaa iska fogeeyey warar sheegaya in uu doonayey in kulankan la qabto 17ka bishan si markaasi uu dib uga dhaco kulanka lagu wado inuu dhexmaro Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Addis Ababa. Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa horey loo sii saadalinayey in uu u bixi doono magaalada Addis abab hadii mooshinadan ay ansixiyaan xildhibaanada. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya -
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyey in dalka la keeno Ciidamada Yugandha iyo Sudaan Nairobi :- Baarlamaanka Soomaaliya ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ayaa saacad kahor cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in dalka la keeno ciidamada IGAD ee Yugandha iyo Sudaan. Xildhibaano gaaraya 152 ayaa maanta isugu yimid Nairobi, kadib hakadyo soo galay kalafadhigooda maanta oo ay ka horyimaadeen xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Shariif Xassan. Kala fadhigan ayaa waxaa Guddoominayey Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa. Kala-fadhigan ayey kasoo qeyb galeen inta badan Xildhibaanada Federaalka ayadoo uu kulankan ka maqnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan wax cudur daar ah soo dirin. Sidoo kale xildhibaano gaaraya 118 xildhibaan ayaa ka maqnaa kulankan ayadoo intooda badan ay ku maqan yihiin dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Dooda Baarlamaanka ee maanta lagu dheeraaday ayaa ah labada qodob ee sida weyn khilaafka ugu dhex abuuray Baarlamaanka iyo dowlada. Qodobka 1aad ayaa ahaa in la ansixiyo ama la diido Qoraalkii Wasiirada IGAD ee 17kii bishi Maarso ee lagu qeexay in dalka Soomaaliya la keenayo Ciidamo ka socda dalalka Sudaan iyo Yugandha oo matali doona ciidamada IGAD, qoraalkaasina waxaa ku qoran in dalalka safka hore ay ay kaalintoodu ku ekaan doonto dhanka saadka. Qodobkan oo dood dheer ka dib cod loo qaadayey ayey taageereen 142 xildhibaan taasi oo ah Aqlabiyada Baarlamaanka oo laga rabay ugu yaraan 138 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa hada u gudo galay qodobka labaad ee laga doodayo ee ah Mooshin uu soo gudbiyey hogaamiyaha xukuumada Federaalka Ra'iisul Wasaare Prof.Cali Maxamed Geedi oo la xariira go'aankii Xukuumada ee ah in si kumeel agaar ah dowladu u degto magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo. Dooda labaad ayaa weli socota ayadoo ay kala-fadhigan kasoo qeyb galeen xildhibaano si weyn uga soo horjeeda qorshaha dowlada Prof.Geedi walow si weyn maanta looga cod badiyey. Wixii War ah oo kusoo kordha gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa Haduu Alle idmo Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya -
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nairobi: 141 Mudane ayaa u Codeeyey in Xukuumadda FKG Somaliya ay Fadhiisin ka Dhigato Baydhabo & Jawhar - Wednesday, May 11, 2005 at 18:37 Nairobi(AllPuntland)- Dood dheer oo u muuqatay in aan laysku mari doonin kadib, waxaa saacado ka hor golaha baarlamaanka Somaliya ay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Geedi ay si ku meel gaar ah fadhiinsimo ay ka hawlgasho uga yagleesho magaalooyinka Baydhabo & Jawhar ee Koonfurta Somaliya; muddadaas oo labada gole ee dawladda ay tahay in ay u hawlgalaan sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimada Somaliya, loogana saari lahaa hubka iyo dablayda kala taabcsan hogaamiye kooxeedyada ka arimiya Muqdisho. Tani waxaa ay ayidaysaa go'aankii golaha wasiirada xukuumada FKG Somaliya ay maalmo ka hor ku ansixiyeen isla qodobkan. Muran badan oo ka dhashay in qodobkan loo codeeyo iyo in kale ayaa dhaliyey in Ra'iisal Wasaare Geedi uu ku adakaysto in labada qodob ee uu soo hordhigay golaha baarlmaanka sida ay yihiin loogu codeeyo. Xubno ka mid ah xildhibaanada baarlmaanka oo iayagu soo jeediyey in dib loo dhigo cod u qaadida qodobkan ayaa ku celceliyey in aanay munaasib ahayn in labada qodob isku fadhi loogu codeeyo, ayna tahay in la kala qaado labada qodob, sidaa darteedna ay tahay in fadhi kale uu goluhu isugu yimaado, una codeeyo qodobka ku saabsan ka hawlgalka xukuumadda ee Baydhabo & Jawhar. Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa khudbad uu u jeediyey golaha baarlamaanka ku bayaamiyey sababaha ay la tahay in mudnaan la siiyo u codaynta labada qodob ee uu hor keenay golaha wakiilada, isla markaana ka codsaday mudanayaasha goluhu in ay qadariyaan codsida golaha wasiirada. Iyada oo ay u muuqatay in aan laysku mari doonin u codaynta iyo dib u dhigista codaynta ayaa waxaa shirka ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dawladda FKG Somaliya Md. Cabdullahi Yusuf Axmed oo halkaasi khudbad uu kula hadlayo xildhinaanada federaalak Somaliya ka jeediyey, kana codsaday in gahayrnimo iyo dhabar-adayg siyaasadeed la mujiyo, lagana gudbo laactanka shakhsiyadeed iyo is-fiirsashada, loona gudbo weji danayn aayaha ummadda iyo danta qaranka. "Kuligeen waxaa inala gudboon in aan u caqli celino xubnaha qaldan ee inaga midka ah. Hadii ay arintu taagan tahay in aynu kala doorano qof iyo qaran, waxaa waajib ah in aynu doorano qaran." ayaa ka mid ahaa hadaladii Md. Yusuf. Sida uu ku soo waramayo weriyahayagu intii uu Madaxweynuhu khudbada jeedinayey waxaa xildhibaanadu si dhextaal ah u qaadayeen heeso wadani ah oo ay ka mid tahay heesta caanka ah ee "Somaliyey toosoo, toosoo isku tiirsada e, hadba kiina taag daran, taageera abidkiineey." "Aan is weheshano walaalayaal" ayaa uu ku soo gunaanaday hadalkiisii, halkaas oo deetani hoolkii shirka oo dhami uu sawaxan hal mar is qabsaday iyada oo xildhibaanadu ay qaadayeen heesta "Aan is weheshano walaalayaal, aan is gacan qabano walaalayaal". Intaa ka dib ayaa waxaa bilawday codaynta qodobka labaad ee ah in xukuumaddu ay si ku meel gaar ah fadhiisimo ay ka hawl gasho u yagleesho Baydhabo & Jawhar. 141 mudane ayaana sidaa ugu codeeyey in xukuumada FKG Somaliya ay ka sii hawlgali karto Baydhabo iyo Jawhar inta laga sugayo ammaanka Muqdisaho, halka hal xildhibaana uu ka aamusay. Sidaa ayaanad moodaa in lagaga gudbay carqalad aad u adkayd oo bilihii la soo dhaafay ay la farganayeen xubnaha labada gole ee dawladda FKG Somaliya, keentayna in ay fikir ahaan aad u kala fogaadaan labada gole. AllPuntland.com -
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nairobi: Baarlamaanka Somaliya oo cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Ciidamo Nabad Ilaalineed oo ka Socda IGAD in ay yimaadaan Somaliya - Wednesday, May 11, 2005 at 17:20 Nairobi, AllPuntland - Sida uu ku soo waramo weriyaha AllPuntland ee Nairobi Iimaan Cali Cabdi waxaa saacado ka hor bilaabmay shir wadastashi ah oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda FKG Somaliya ee ku sugan Nairobi. 145 mudane ayaa u codaysay in la keeno Somaliya ciidamo nabad illaalineed oo ka socda wadamada IGAD halka tobaneeyo kalena ay ka aamuseen. Shirka ayaa waxaa ka soo xaadiray 157 xildhibaan taas oo buuxinaysa kooramka uu u baahan yahay golaha baarlamaanku si uu uga doodo qodobada hor yaal ee ay tahay in ay xildhibaanadu go'aan ka gaaraan. 138 xilhdibaan, ama 51% mudane ayaa ay tahay in ay xaadir yihiin si fadhiga iyo go'aanada ka soo baxa fadhiga goluhu ay u noqdaan kuwa waafaqsan dastuurka, lana meel mariyo. Sida uu sheegay Af-hayeenka Xukuumadda Somaliya Cabdiraxmaan Diinaari oo u waramay Radio Daljir waxaa shirka maanta lagu falanqayn doono laba qodob oo kala ah keenitaanka ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda wadamda IGAD iyo qorshaha dawladdu ay ugu guuri lahayd gudaha Somaliya. Maalmo ka hor ayaa shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada xukuumada FKG Somaliya ay ku ansixiyeen labadaa qodob iyaga oo ka duulaya go'aandii Golaha Wasiirada IGAD. Wararka ayaa intaas ku daraya in doodo kululi ay ka dhex socdaan mudanayaasha baarlamaanka ee iyagu ku kala duwan fikirka iyo go'aan ka qaadashada qodobada horyaal golaha; waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda cod loo qaadi doono qodobka ah halka ay xukuumaddu saldhig ka dhigan doonto inta laga sugayo amniga caasimadda Somaliya ee Muqdisho. Shirka ayaa waxaa gudoommiyey ku xigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa; iyada oo sida la xaqiijiyey aanu shirka ka soo xaadirin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Md. Shariif Xasan Adam oo la sheegay in uu aanu raali ka ahayn in uu qabsoomo fadhiga goluhu, sidaa darteedna uu ku go'aansaday in uu bannaanka ka joogo fadhiga golaha ee maanta. AllPuntland.com -
145 Xildhibaan oo u codeeyey in dalka la keeno Ciidamo ka socda Ugandha iyo Suudaan b>Nairobi-11.may.2005 145 Xildhibaan oo ka mid ah 152 fadhidey kulan deg deg ah oo ay xildhinaanada Baaralamanka KMG ah ee Soomaaliya ay ku leeyihin Kenyatta International Confrence ayaa si rasmi ah ugu codeeyeey in dalka la keeno Ciidamo ka socda Wadamada Ugandha iyo Suudaan. Kulanka ayaa wali socda waxaana xildhinaano ay ka soolaabteen haatan qadar fasax ah, waxayna u codeynayaan oo ay iminka galayaan qodobkii kale ee Ra'salwasaare Geedi uu soo jeediyey ee ahaa in Xukuumadu degto Magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo. Warar dheeraad ah ha ka dheeraan SBC Online.net Canab Mumtaaz SBC Nairobi.
-
Good news, agreement reached Clap for the PM Musa Sudi Yalaxow
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Prof.Geedi oo maanta soo xiray Siminaarkii u socday Maleeshiyooyinka Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyey Muqdisho :- Waxaa maanta xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay qorshaha lagu rabo in magaalada lagu nabadeenayo ayadoo ciidamo badan loo qorsheeyey in ay Muqdisho nabadeeyaan. Munaasabada ka dhacday maanta xarunta xisbiga ayaa ahayd mid lagu soo bandhigayo qorshaha kama danbeysta ah oo lagu fulinayo nabadeynta magaalada Muqdisho. Xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wafdigii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo halkaasi warbixin uga dhageystay sarakiil uu hormuud u ahaa Gen.Galaal oo ayagu soo dejiyey qorshaha ay maleeshiyooyinka ku hawl galayaan. Ra'iisul wasaaraha ayaa bilowgii xaflada halkaasi kusoo xiray siminaar u socday hogaamiyaasha maleeshiyooyinka oo todobaadkii lasoo dhaafay loo furay siminaar gaaban oo la xariira qaabka ciidamada. Kadib intaasi waxaa halkaasi ka bilowday warbixinada ay soo gudbiyeen saraakiisha soo diyaariyey qorshaha lagu nabadeenayo Muqdisho. Saraakiisha qorshahan soo diyaariyey ayaa u sheegay Xubanaha labada gole ee goobtaa ku sugnaa iyo Ra'iisul wasaaraha in ciidamo gaaraya 3953 laga soo dhex saari doono maleeshiyooyinka la aruurinayo. Ciidamadan ayaa la sheegay in ay noqon doonaan kuwo si khaas ah uga hawl gala magaalada iyo degmooyinka ka tirsan Muqdisho. Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono gawaarida tiknikada loo yaqaan isla markaana ka hawlgeli doono 4 goobood oo loo kala qeybiyey magaalada. Magaalada Muqdisho ayaa sida lagu xusay warbixinta lasoo diyaariyey loo qeybiyey 4 soone oo kala ah: Waqooyiga, Koonfurta, Bariga iyo Galbeedka. Qeyb walba ayaa waxaa la sheegay in ay hoos imaan doonaan xaafado kala gedisan oo laga sameyn doono xarumo saldhig u ah ciidamadaas. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay baahida hada jirta ee ciidamada, oo isugu jira Dhanka dareeska ama dharka, mushaharka, tababarada iwm. Maleeshiyooyinka la aruurinayo ayaa la sheegay in loo furi doono tababar socon doona lix bilood. Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu si weyn usoo dhaweenayo hawlaha nabadeynta ah oo la wado asagoo niyad wanaag ka muujiyey in ay suurto gal tahay in uu miro dhalo dadaalka lagu jiro. Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Xubanaha labada gole sida uu u taageerayo hawsha ay wadaan asagoona sheegay in magaalada Muqdisho nabadeynteeda u wada taal soomaalida oo dhan. Prof.Cali Geedi ayaa u sheegay dadkii halkaasi ku sugnaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu imaan doono magaalada Muqdisho isla markaana la dhameyn doono wixii ka dhiman dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Prof.Geedi oo si weyn usoo jiitay inta badan xubnaha labada Gole ee halkaa ku sugnaa ayaan weli ku guuleysan inuu helo taageera Hogaamiye kooxeedka oo banaanka ka fadhiya inta badan shirarka ka socda Xarunta xisbiga oo hada goobta ay ku kulmaan xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho kusugan. Waxaan la ogeyn sababta ay uga gaabsadeen dhaq dhaqaaqii ay wadeen hogaamiye kooxeedka ayadoo hada uu Ra'iisul Wasaaruhu noqday ninka horboodaya hawlaha ka socda Xarunta Xisbiga. Qaar kamid ah dadka dhaliiceeya hogaamiye kooxeedka ayaa ku sheegay maqnaanshaha inta badan hogaamiye kooxeedka in ay tahay mid ay ku diidan yihiin in ay miro dhalaan wixii ay ayagu bilaabeen waa sida ay hadalka u dhigeenee. Cusmaan Caato oo kamid ah hogaamiye kooxeedka sida weyn uga soo horjeeda qorshaha dowlada ayaa hada u eg hogaamiyaha kaliya ee ka qeyb galay labadii shir ee ugu danbeeyey ee ka dhacay xarunta xisbiga. Maxamed Qanyare Afrax ayaa asagu diidan inuu la kulmo Ra'iisul Wasaaraha Cali Geedi oo hadda wada olole si xawli ah ku socda oo lagu doonayo in magaalada Muqdisho laga soo dhaweeyo Dowlada Federaalka. Muuse Suudi Yalaxow ayaa asagu markii ugu horeysay maanta kasoo qeyb galay kulankii ka dhacay Xarunta Xisbiga, balse weli diidan inuu si gaar ah ulla kulmo Ra'iisul Wasaaraha. Hogaamiye kooxeedka ayaan weli kulan gaar ah la yeelan Ra'iisul Wasaaraha oo labadii maalmood ee uu joogay kulamo badan ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuuna Prof.Cali Geedi soo booqday shalay xarumaha Ciidamada Booliiska, Raadiyihii Xamar iyo Xaruntii Villa Soomaaliya goobahaasi oo si weyn looga soo dhaweeyey Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya -
Good news, agreement reached Clap for the PM Musa Sudi Yalaxow
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
XUBNAHA LABADA GOLE EE MUQDISHO OO KU KALA QEYBSAMAY LA KULANKA KARA'IISAL WASAARE GEEDI Somaliweyn- Muqdisho- Somalia 03/5/05 Waxaa kala qeybsanaan soo kala dhex gashay xubnaha labada Gole ee hore Muqdisho u yimid inay nabadeeyaan, iyadoo maanta ay kulamo yeesheen Ra'iisal Wasaare Geedi iyo inta badan xubnaha labada Gole, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyo xubnaha sare ee Dowladda, iyo sidoo kale arrinta Muqdisho iyo sidii ay Dowladda ugu soo guuri lahayd. Kulankii ay la yeesheen Ra'iisal Wasaaraha xubnahan waxaa ka maqnaa Wasiirka Amniga Dowladda Maxamed Qanyare Afrax, oo isagu warbaahinta ka sheegay inuu Ra'iisal Wasaaraha la kulmayo oo kaliya marka uu Ra'iisal Wasaaruhu ogolaado fulinta afar qodob oo u qoran hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho, iyadoo qodobadan ay ka mid yihiin: In Dowladdu u soo guurto caasimada Soomaaliya, inaan la keenin Ciidamo ka socda dalalka safka hore, hase yeeshee dadka Muqdisho ayaa arrinta uu ka dhawaajiyay Maxamed Qanyare u fasirtay in hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday uu weli damac uga jiro inay xoog ku sii heystaan dadka Muqdisho. Kulankii ay maanta yeesheen xubnaha labada Gole iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa ahaa mid aad xasaasi u ah, bacdamaa hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday iyo Ra'iisal Wasaaraha uu khilaaf ba'an u dhaxeeyay, iyadoo maanta xubnaha labada Gole ay qirteen inay si amar la'aan ah u yimaadeen Muqdisho, halka dhinaca kale Ra'iisal Wasaare Geedi dhinaciisa ka sheegay inuu ka tanaasulay qorshihii uu xubnahan dib ugu celin lahaa, isagoo maanta booqday dhowr goobood oo uu ka mid yihiin qaar ka mid ah Iskuulada, isla markaana maalmaha uga haray safarkiisa ayay sheegayaan warar soo baxay inuu Ra'iisal Wasaaruhu booqan doono inta badan xarumaha ay bulshadu leedahay, sida Isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo meelo kale. Khilaafka soo kala dhex galay xubnaha labada Gole ayaa caddeyn u ah kaddib markii Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Muuse Suudi Yalaxow oo hareer fadhiyay Ra'iisal Wasaare Geedi dadkii halkaasi isugu yimid ka dalbaday intaanu Ra'iisal Wasaaraha khudbad jeedin ay sacab u tumaan, markii ay bilaabeenna ku yiri "Weli Sacab fiican ma jiro, maxaa dhacay Ra'iisal Wasaaraheena u sacbiya", iyadoo Xaaji Muuse ka mid ahaa xubnahaha labada Gole ee maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ka waday howlaha nabadeynta ah, iyadoo dhinaca kalena ay soo baxayaan kulamo aan la shaacin oo dhex maray Ra'iisal Wasaare Geedi iyo Cusmaan Caato fiidnimadii xalay, kuwaasoo soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay. Somaliweyn Media Center Mogadishu Somalia -
Ra'iisul Geedi iyo xubnaha labada Gole ee horay u joogay Muqdishu oo Heshiis wada gaaray Isniin, May 02, 2005(HOL)@15:00GMT: - Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi iyo Xubnaha Labada Gole ee horay u joogay Magaaladda Muqdisho ayaa Heshiis ku gaaray inay Iska Iloobaan Khilaafkii Isfaham la'aan ee ka dhaxeeyay ayna u Istaagaan Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed. Heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Xisbigii Hantiwadaaga ee hore, waxa ay ka dambeysay,mar uu soo jeediyay Ra'iisul Wasaare Geedi Xiraayay Seminaar loo xirayay Saraakiisha Maleeshiyaadka oo u socday Maalmihii tagay,kadib markuu weydistay Is-cafin iyo in leeska Iloobo wixii horay u dhacay. Mudane cali Maxamed Geedi oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay inuu la qaatay Qorshihii ay soo jeediyeen xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee ku wajahnaa hub ka dhigista iyo Xareynta Maleeshiyaadka Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in loo bahan yahay in ficil laga dhigo Howshan oo la xareeyo Ciidamada maleeshiyaadka,Hubkana leeska dhigo. Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cali maxamed Geedi wuxuu intaa raaciyay in sida uu sheegay Wasiirka ganacsiga Mudane Muuse Suudi Yalaxow ay Dowladda Soo guuri doonto dalkeedana ku soo laaban doonto,wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay Howshan wax ku oolka ee ay Xubnaha labada gole qabteen, maanta ay Ummadda soomaaliyeed ka sugeyso inay mid ahaadaan oo ay si wadajir ah wax ugu qabtaan Ummadda soomaaliyeed oo maanta u baahan dowlad wax u qabata oo ka saarta dhibaatada ay k soo jireen 14-sano ee la soo dhafaay. Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka KMG Mudane Xaaji Muuse suudi yalaxow oo isna munaasabaadasi ka hadlaayay ayaa caddeeyay in Howshan ay sii wadi doonan ilaa ay ka gaaran Horumar la taaban karo,iyadoo uu tilmaamay ay isku tashadeen haddii ay helaan kaalmo ay sii wadi doonaan howshaasi isagoo intaa raaciyay in ay sii dhameystiri doonaan ka soo qeybgalinta dadka haray. Wasiiir ku xigeenka Iskaashi Gobaleedka Kenya Joseph Nyaga oo isna ka hadalay ayaa aad usii dhaweeyay kulankooda,isagoo sheegay in uu darsaayay maalmahan in Shacbiga Soomaaliyeed ay doonayaan Dowlad, isagoo tilmaamay in uu taasi ka arkay Ardaydii,Waxgaradkii ,aqoonyahankii uu la kulmay shalay iyo maanta. Mr.Joseph Nyaga, wuxuu uu weydistay Xubnaha Labada Gole,Xubnaha saraakisha sare iyo maleshiyaadka inay is cafiyaan ay u midooban sidii ay wax u qaban lahayeen,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in Beesha calamka u caddeeyaan inay mid yihiin,wuxuu kaloo ka dalbaday inay iska dayaan Qab weynida iyo is riixriixa. Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Femi Badajo wuxuuna sheegay in arrintan ay tilmaameyso in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyo labada Gole, Madaxwynaha, raisul wasaaraha, wuxuuna amaanay howsha ay qabteen, isagoo caddeeyay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay Qaramada Midoobay siiyaan Dalka soomaaliya isagoo intaa raaciyay in uu rajeynaayo in Xoghayaha guud inta aanu xafiiska ka tagin uu rajeynayo in uu soo booqdo Caasimada dalkan Soomaaliya. Raiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane cali Maxamed geedi wuxuu kaloo maanta soo booqaday Dugsiga dhexe iyo Sare ee Alfajri, Jaamacadda Muqdisho, Machadka Simad oo uu kula Kulmay Ardayda,Macalimiinta waxayna dhamaantood Raiisul Geedi u balanqadeen inay Taageero Hiil iyo Hooba ay sii doonaan. Mudane Geedi wuxuu kaloo soo kormeeray Cusbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo Dhalaanka, wuxuuna ku soo wareegay qeybaha uu Cisbitaalka ka kooban yahay, wuxuuna halkasi dhaliil uga soo jeediyay Hay'adaha Samafalka oo aan taagero wax ku ool ah siinin. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
MAXAA DAWLADDA CUSUB U QABSOOMAY? - Sunday, May 01, 2005 at 07:32 MAXAA DAWLADDA CUSUB U QABSOOMAY? (Dawladnimada Soomaaliya Ha Hir-gasho) *Tabaabulshaha siyaasadda dibedda* *Qorshe dejinta siyaasadda gudaha* *Yagleelidda Dhaqaalaha* Qaybta 1aad W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP GOGOL-DHIG Dad badan oo hannaan dawladnimo oo hir-gala u jibbaysan ayaa is weydiinaya dawladdii Kenya uga dhalatay halka ay hawlaheedu marayaan. Waxaa la leeyahay dawladdii ma fadhiid bay noqotay? Ma tashi qaran iyo sahan baa ku dheeraaday? Mise deeq xagga Alla ka timid oo ay Soomaali oo dhani ka hirqan doonto ayeey ku garba beeshay oo la soo socotaa?. Ma dibad wareeg bay ku dal xiistay? Ma tabaabulshihii ay hogaanka dalka ku hanan lahayd ayuu qorshihiisii iyo ka baraandegiisii ku dheeraaday oo maantana far baa maydh la’ baa imaatinkeedii dib u ridey? Ma iyagii baa isku buuqsan oo boqonta is heerayana waa la lahaa oo waa guux ay dadku maalmo hadal hayeen. Beeneey lagu barey ee minankayaga dhaaf!. Waa gar ee gardarro ma aha inay ummadda soomaaliyeed wax iska weeydiiso Dhaanka dawladnimo ee u maqani xaaladda uu ku sugan yahay, hawlihiisu halka ay marayaan iyo goorta uu bulshada dhawraysa ku soo beegan yahay. Waa sidaase shacbi weynuhu dhinacooda ma dareensan yihiin inay dawladda lafteedu xiise weyn u qabto la noolaanshaha dadkeeda iyo hanashada maamulka iyo fulinta adeegyada ay ka sugayaan. Laba kala bariday kala war la’. Mar walba, niyadda wanaagsan iyo dareenka diirran ee shacbi weynaha Soomaaliyeed ee ay dagaalada sokeeye iyo dawlad la’aantu daashadeen waa kuwo si toosa ugu soo wajahan xarunta ay dawladda cusubi ku sugan tahay ee Nairobi. Jabaqdii xagga dawladda ka soo yeedhaba waxaa loo wad-wadaa oo la isugu tebiyaa si xamaasadaysan oo ay caadifad wadaninimo iyo dawlad jacayl ku dheehan tahay. Taasi waa daw oo wax loo baahan yahay iyo wax la jecel yahayba waa la hadal hayaa oo la saadaaliyaa. Mararka qaarkoodna hamuunta waxa la sugayo loo qabaa waxay dadka ku dhalisaa samir la’aan iyo in waxa la jantay ee loo jeel qabo la raagsado. Siday doonaanba dawladda iyo dadkeedu jaanta ha isula heleene, nidaamka Mbagathi ka dhashay wuxu ifka u soo baxay isagoo dhan loo eegaba ka qaawan wax kasta oo aysan dawladi adeegsigiisa ka maarmin. Isla markaana baaxadda iyo ballaca hawsha culus ee hor taal wax ka qabshadeedu ka weyn tahay wax si fudud loo maarayn karo. Dhismihii dhibka badan laga soo maray ee xukuumadda iyo baarlamanka Soomaliyeed ka sokoow, Dawlad aan wax dhaqaale ah haysan oo maaliyaddii ay shaqadeeda ku meel marin lahayd inay baadi doonto laga sugayo. Maamul dal aan wax nidaam ah lahayn u dhashay ee inuu wax kasta abuuro looga fadhiyo. Dawlad u dhalatay waddan aan hayadihii nabad gelyada iyo ciidamadii qaranka lagu arag oo laga dhawrayo inay dalka oo dhan ka hir geliso jawi nabddoon oo damaanad qaadi kara amniga iyo xasiloonida dalka ay dawladda u tahay. Xukuumad aan xitaa dalka gudihiisa ku lahayn xarumihii iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahayd oo inay wax kasta eber ka bilowdo ku khasban. Dawlad aan caalamka ka haysan aqoonsi ay ku meel marto oo sidii ay ictiraaf ku heli lahayd inay ka shaqayso ku gawracani, waxay u baahan tahay inay wakhti ku filan u hesho dejinta iyo isku dubba ridka barnaamijkii ay baahiyaha intaas baaxadda le’eg ku fulin lahayd. Sidaa awgeed, iyadoo aan marnaba laga boodin in wax walba ka fiirsigiisa iyo ka fekerkiisa muddada la siiyo iyo sida looga baaraan-dego ay faa’iidadiisu le’ekaato. Sidoo kalana laga gaashaantay qaababkii ay nidaamyo hore ku khasaareen ee ahayd markii dawladda la dhisayba dal aysan nabad gelyo xumada ka taagan iyo nolol xumida dadka haysata waxba ka qaban karin in si aan qorshaysnayn la isugu miidaamiyo, ayeey dawladdu gashay tabaabulshe siyaasadeed, yagleel maamul, qorsho dejin dhaqaale. Maxaa yeelay tegitaanka gudaha dalka oo aan cilmi iyo caqli lagu salayn, iyo in bilaash xaytanimo lagu sifoobaa waa sifayaal aysan danta ummaddu ku jirin oo khayru masluunimo xad dhaaf ah xambaarsan. Isla markaana fashilaad iyo ceeb dawladda cusub u soo jiidi lahaa. Waa middaas arrinta kaliftey inay dawladdu inta ay hawlaheeda sida ugu macquulsan uga baaraan degeyso oo ay wax Soomaali u cuntami kara ula guryo noqonayso Nairobi muddo ugu negaato. Si ay haddaba shacbi weynaha soomaaliyeed ula socdaan oo u fahmaan waxqabadka bilowga ah ee ay dawladda Soomaaliya dadkeeda ugu abuurayso nidaam iyo maamul joogtaysan oo dawladnimo iyo nabad gelyo waarta lagu gaadhi karo, waxaa lagama maarmaan ah in si guud looga xog warramo arrimaha yagleelka, tababulshaha iyo qorsho dejinta u badan ee ay dawladdu ilaa iyo hadda ku talaabsatay. Maxaa qabsoomay?. TABAABULSHAHA SIYAASADDA DIBEDDA Dawladdu waxay ku dhalatay madal ay hareeraha ka taagan yihiin beesha caalamka oo ilaa iyo biloowgii shirka taageero aan caadi ahayn shirka nabadynta iyo natiijadiisaba la garab taaganayd. Caleema saarkii iyo dhaarintii madaxweynaha waxaa ka soo qayb galay masuuliyiintii ugu tirada badnaa madaxweynayaal ka soo qayb gala dhaar madaxweyne soomaaliyeed. Diblumaasiyiin ka kala socda dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah iyo ururada caalamiga ah ayaa iyana xafladaas si heer sare ah u soo camiray.Taasina waa astaan rejo qaranimo oo muujinaysa sida ay beesha caalamku hiil iyo hoo’ba dawladda cusub ula garab taagan yihiin ee ay ula jiraan. Mar kasta madaxda sar-sare ee dawladda waxaa hor taaley xaqiiqda ah haddaysan dawladdu wadamada dibedda taageero wax ku ool ah ka helin inay fulinta hawsha culus ee laga sugayaa ku adkaan doonto, sidaa daraadeed madaxweynaha iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa socdaal shaqo u aaday dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Yaman, Aljeeriya, Saudi Arabiya, Naigeria, Imaaraadka Carabta, Uganda, Masar, iyo Liibiya. Madaxweynaha iyo weftigiisu madaxdii ay wadamadaas kula kulmeen waxay u sharxeen inay Soomalaiya 15 sano kaddib, dib u dhalatay, ayna dadka Soomaaliyeed maanta nabad iyo dawladnimo diyaar u yihiin. Isla markaana ay walaalohooda Carbeed, walaahooda Afrikaanka ah iyo saxiibadooda beesha caalamkaba ka sugayaan gacan dhaqaale iyo mid farsamo si ay dawladdu amniga iyo kala dambaynta dalka u hanato. Socdaaladaas waxaa la odhan karaa waxay ahaayeen kuwo ummadda soomaaliyeed guul u ahaa oo baahida haysata ka turjumayey. Wuxuuna madaxweynaha jamhuuriyaddu mar kasta ku dadaalayey sidii uu xiriirka dalalka aynu saaxiibka nahay iyo kuwa aynu walaalaha nahayba u xoogaysan lahaa. Wada hadaladii uu madaxweynuhu la yeeshay madaxdii dalalka uu soo maray waxay dhinacooda ka soo dhoweeyeen dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay oo ay ku tilmaameen nidaam muhiim ah oo rabitaanka dadka ku yimid. Waxaana la odhan karaa muddo yar ayeey dawladda soomaaliyeed ku soo noolaysey xiriirkii ay Somaliya la lahayd ururada caalamiga ah, urur goboleedyada, iyo dawladaha madaxa banaan ee dunida ka jira. Waayo aragnimadii laga dhaxlay dawladihii hore u fashilmay waxaa ka mid ah inaysan dawladdu waajibaadyadeeda gudan karin, isla markaana ay fulinta hawlaheedu caqabad gelayaan haddii aan ciidamo shisheeye oo hub-ka-dhigis dalka oo dhan ka sameeya la helin. Sidaa awgeed markii la doortayba Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu ururka midowga Afrika ka dalbaday in ciidamo nabad ilaalin ah oo amniga suga Soomaaliya la geeyo. Taas oo ay badiba madaxda afrikaanku si niyo ah u ogolaadeen. Wadamada Yaman, Tuuniisiya, Suudaan, Uganda, iyo Aljeeriya ayaa ilaa iyo hadda ajiibey baaqii madaxweynaha Soomaliya waxayna diyaariyeen ciidamo leh istiraajiyad qorshaysan oo ay Soomaliya kaga hawl gelayaan. Iyadoo ay saadka iyo baahiyaha deg-degga ah dalalka kale ee IGAD qaabilsan yihiin. Waxaa kaloo jira waddamo kale oo ciidamo hor leh Soomaaliya u qorshaynaya oo ka dambaynaya ciidamada hor dhaca ah ee dhowaan dalka gelaya. Tabaabulsha siyaasadda dibedda ee dawladdu wuxu iminka marayaa heer guul ku dhow oo gebi ahaanba ujeedadii laga lahaa laga gaadhey. Waxaa iyana jirta safaro ay xubno labada gole ka tirsani wadamo caalamka ka mid ah ku soo mareen oo looga gol lahaa in siyaasadda dibedda ee dalka lagu dhiso oo dhamaantood guulo iyo is afgarasho ku soo dhamaaday. Waxaa kaloo waxqabadka dawladda ee siyaasadeeda dibedda laga sheegi karaa inuu maanta fagaarayaasha caalamka calankii Soomaliya ka babanayo oo inay Soomaaliya dawlad tahay caalamku aqoonsaday. Taasina waa midhihii ka dhashay safardii shaqo ee uu madaxweynaha cusub ee hirgelinta dawladnimada Somaliya daacadda ka ahi isagoon marnaba hawsha culus ee loo doortay ka daalin waddamo badan si hawl-karnimo ah ugu soo maray. Isku soo wada duuboo, haddii ay dawladdu caalamka aysan ka maarmin aqoonsi iyo ictiraaf lagu shaqayn karo ka diyaarisay oo ciidamadii nabad ilaalinta ee aan la’aantood ammaan iyo nabad lagu laabandoodo la haweysan karin horumar weyn oo la taaban karo ka gaadhey. Waxaa lagu dhiirran karaa inay dawladda cusubi tabaabulshaheeda siyaasadda dibedda si muuqata uga soo dhalaashay oo ay waxa ka dhimanna dhowaan ka meeqaan gaadhi doonto. Taasina waa mid dadweynaha amniga iyo dawlad u shaqaysa oo la aqoonsan yahay niyeystey dareenkooda kalsooni meel-mar ah ku abuuri karta. “Dawladnimada Somaliya ha soo noqoto†waa hal-hayska iyo hal-ku-dhegga Soomaalida cusub ee xilligan kala guurka. LA SOCO QAYBTA 2AAD: Qorshe dejinta siyaasadda gudaha iyo gebo-gebo.
-
important meeting between puntland president n sharjah emirate ruler
General Duke replied to Sky's topic in Politics
Well done to Pres Cade Muse. A good man who seems to be what Puntland needs at this moment. Anyhow here is another interesting story. From Puntlandpost.com Business Attraction in Puntland, Somalia Posted to the Web Apr 30, 18:18 Puntland:-Bossaso city has become a magnet for foreigners who want to invest in Africa. This week alone, there are about half a dozen business people representing Chinese and South Korean corporations in the city. These representatives and others who frequent Puntland want to invest in the region and expand their business to this part of the world. Interested people include wealthy business men from the Middle East. Puntland (North Eastern Somalia) has not been touched by the country’s civil war and has remained stable after the fall of Somalia’s central government in 1991. It lies on the tip of East Africa and borders Indian Ocean and Red Sea. -
Somali PM seeks tribal cooperation Posted to the Web Apr 30, 19:04 Somalia:-Somali Prime Minister Ali Muhammad Gedi appealed to the tribal chiefs controlling the country's capital to cooperate with his government, currently exiled in Kenya, to pave the way for its safe relocation home. "It is time to work together for the wellbeing of Somalia," Gedi told thousands of Somalis in northern Mogadishu during his first visit to the capital since taking office last year. "It is time to accept the conclusion of a long peace process that was negotiated by regional countries," Gedi said in a speech apparently aimed at the chiefs who occupy positions in the transitional institutions and who have opposed his plans to relocate the government to the regional towns of Baidoa or Jowhar. Earlier in the day, Gedi told the thousands who turned out waving banners to welcome him at the K-50 airport about 50km from Mogadishu that he was delighted with their reception. Armed guard "This shows your desire (to see) the transitional federal government of Somalia working. You are people who deserve good leadership and I appreciate your goodwill to my government," he said. The motorcade of the prime minister, who was accompanied by several African Union and Arab League diplomats, was escorted by dozens of armed men and more than 30 pickup trucks mounted with machine guns. The airport was surrounded by armed men as Gedi's plane touched down and armed units were stationed the whole length of the road into Mogadishu. Gedi's trip is an attempt to heal a rift within his cabinet over when and where to move the government. Relocating to Mogadishu? He and President Abdullahi Yusuf Ahmad favour relocating to the towns of Baidoa and Jowhar owing to continued insecurity in Mogadishu, a proposal that has drawn heavy criticism from their opponents, many of whom are adamant that any relocation must be to the capital. Yet Gedi himself did hint on Friday, for the first time, that his government might in fact relocate to Mogadishu, telling the assembled crowd the capital "must be peaceful and able to accommodate the transitional federal government as a whole". Somali lawmakers came to blows over the relocation issue last month and scores of them embarked on unilateral missions to Mogadishu in a bid to sort out the mess. Last week, Yusuf, backed by the United nations, appealed to those in Mogadishu to return to Kenya for a final meeting on the relocation issue, but the appeal fell on deaf ears. Bullet-scarred Mogadishu has long been a hub of instability in Somalia which has been ruled by warring tribal chiefs since the Horn of Africa nation was plunged into anarchy after the 1991 ouster of clan leader Muhammad Siad Barre. Source: AFP
-
Muqdisho: Ra'iisal wasaare Geedi oo la kulmay Xubnaha labada gole ee Muqdisho joogay iyo Muuse Suudi oo... - Sunday, May 01, 2005 at 22:26 Muqdisho (AllPuntland)- Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa kulanka uu maanta la yeeshay xubnaha labada gole oo aad xasaasi u ahaa ayaa xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka warfaafinta Maxamuud Jaamac C/llaahi Sifir, Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo xildhibaano kale waxaana halkasi lagu dhageystay warbixin ay kaga hadlayeen arimahii ay ka hayeen gobolka Banaadir iyo muhiimada joogitaankooda Muqdisho ay u leedahay Dowladda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Geedi oo kulankaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu mahad celiyay xubnaha labada gole talaabooyinka wax ku oolka ah oo ay horay ugu qaadeen dhinaca nabadeynta gobolka Banaadir, isagoo sheegay in howsha shaqo ee labada gole ay kala duwan tahay isla markaana golaha Wasiiradu uu yahay howl fulinta sidaas darteed waxa uu xaqiijiyay in uu taageersan yahay howsha Muqdisho laga qabtay isagoo ku hadlayey magaca xukuumadda ayuu Ra’iisul Wasaaruhu cadeeyay in arintaasi ay tahay guulo dowladdu ay gaartay. Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa codsaday in ka hadalka khilaafaadka siyaasadda ay si gaar ah ugu hadlaan xubnaha labada gole maadaama ay kulankaasi koob joog ka ahaayeen ergooyin ka socday Qaramada Midoobay, IGAD iyo qeybaha Saxaafadda, intaa kadib ayaa Ra’iisul Wasaaruhu iyo xubnaha wafdigii la socday ay u baqooleen dhinaca Madaxtoooyada Villa Somalia iyagoo soo booqday qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi, Raadiyo Muqdisho waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay taageerayaasha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid halkaasoo khudbad uu ka jeediyay ugu mahad celiyay soo dhoweynta iyo diyaar u ahaanshaha dowladda Soomaaliyeed la shaqeynteeda, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu halkaasi ka balan qaaday in dowladdiisu dayactir ku sameyn doonto Xarunta Warfaafinta ee Raadiyo Muqdisho iyo qeybaha Madaxtooyada. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Taageerayaasha Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka oo maanta si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Geedi Axad, May 01, 2005(HOL)@20:00GMT: Taageerayaasha Ra’iisal Wasaare ku xigeenka labaad, ahna wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay Xaruntii Villa Somalia Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi la socday oo ay ku jireen wakiillada Beesha Caalamka iyo Safiirada dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya. Abuukar Cusmaan Shiikh (Abuukar Ganey) oo ah Ku simaha Xuseen Maxamed Caydiid ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku soo dhaweeyay Xarunta Villa Somalia , wuxuuna u sheegay Ra’iisal Wasaaraha in ay Taageerayaasha Isbaheysiga SNA ay ku soo dhaweynayaan Xaruntii Qaranka Soomaaliyeed (Villa Somalia), isla markaana ay diyaar u tahay dowladda Soomaaliyeed in ay ku howlgasho. Abuukar Ganey waxaa uu intaas ku daray in ay soo dhaweeyeen maanta Ummad uu ugu yeeray Umaddii Xoriyadda iyo sharafta jecleyd, kuwaasi oo sida uu yiri jecel in ay dowladda federaalka dalka timaado, isla markaana ka howl bilowdo, isagoo codsaday Ra'iisal Wasaaraha in uu khilaafka ka dhex jira xubnaha labada gole uu ku dhameeyo safarka uu ku joogo magaalada Muqdisho, isagoo weliba caddeeyay in uu maanta wixii ka dambeeyo uu ku wareejiyay Ra’iisal Wasaaraha Furaha Xarunta Villa Somalia isagoo ka wakiil ah Taageerayaasha Isbaheysiga SNA iyo madaxdiisa. Ra’iisal Wasaaraha ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, wuxuuna ugu horeyn baray dadkii isugu soo baxay Villa Somalia xubnaha Wafdigiisa, wuxuuna yiri "Wafdigeyga waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenka Iskaashiga Dowladda Kenya, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka Jaamacadda Carabta, Safiirka Dalka Aljeeriya, Safiirka Dalka Kenya, Safiirka Dalka Yemen, Safiir ku xigeenka Uganda, Safiirka Jabuuti iyo saraakiil ka socota Xafiisyada Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ee magaalada Nairobi". Intaas kadib Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu maanta Taageerayaasha SNA la joogo saldhigga Qarankii Soomaaliyeed ee Villa Somalia, isagoo dadkii uu la hadlayay gaarsiiyay salaan uu kaga siday madaxda dowladda Federaalka ee Nairobi ku sugan oo ay ku jiraan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo weliba Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid. Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu ka sheekeeyay dhibaatada Soomaaliya gaartay oo Soomaalida lafteeda ay isu geysatay, taasi oo ay ku naf waayeen dad badan, isla markaana ay ilin badan ku daadatay hayeeshee waqti dheer kadib maanta Soomaaliya ay u dhisan tahay dowlad federaal ah oo loo dhan yahay, kuna dhaqmi doonta shareecada Islaamka, "Waxaan idiin sheegayaa dowlad Soomaaliyeed waa dhalatay, xisaabta ku darsada in ay leedahay dowladdaas cadaw gudaha ah iyo mid dibadda ah, waxaana la idinka doonayaa in aad ka difaacdaan" ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in Soomaali aysan u baahneyn dagaal sokeeye oo dambe balse ay baahan tahay kaliya nabadeyn, xasilin, maamul qaran iyo dib u dhis. "Ma dhici karto in la iloobo dadkii u soo dagaalamay, u soo halgamay guusha maanta la joogo, waxaan hortiina ka ballanqaadayaa in maleeshiyooyinka hubeysan ee mujaahidiinta ah iyo ciidamadii hore Qaranka in aan dhamaantood xareyno, isla markaana aan ka dhigno ciidamo qaran" ayuu mar kale Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay in ay sahlan tahay in guul la dhaliyo, balse ay dhidid badan iyo dadaal u baahan tahay in la hantiyo oo guushaas lagu sii negaado. Ra’iisal Wasaaraha sidii uu maalmahaanba lahaa wuxuu ku ballansaday dadkii uu maanta la hadlayay munaasabad kale oo intaan ka ballaaran, isagoo carrabka ku dhuftay in uu halkaasi ku beenin doono in aan magaalada Muqdisho la imaan karin, "Dowladda aan Ra’iisal Wasaaraha ka ahay, C/llaahi Yuusuf Axmedna uu madaxweynaha ka yahay waan hubaa haddii ay heshi taageerada shacabka iyo mujaahidiinta iy o ciidamada in ay cagta dhigi doonto, dalkana dejin doonto, taariikhda ay u geli doonto" ayuu yiri Prof. Geedi oo dhanka kale u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay. Intaas kadib Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdigiisa waxay booqdeen Xaruntii Raadiyo Muqdisho, halkaasi oo uu isha ku soo mariyay Studiyayaasha iyo Keydadka, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay Agaasimaha Raadiyo Muqdisho ninka lagu magacaabo C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi). Prof. Geedi intaas kadib waxaa uu ballanqaaday in uu dayactir ku sameyn doono qeybaha kala duwan Idaacadda Raadiyo Muqdisho, si ay u noqoto Idaacaddii Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna wafdigu dib ugu soo laabtay Hotelkii uu ka baxay saakay ee Hotel Ramadaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
PM Geedi meets MP's and visits Villa Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Geeddi Iyo Caato Oo Kulmay Iyo Qanyare Oo Sheegay Inuu Soo Dhawayn Lahaa Geeddi Haddii... Ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaliya iyo wasiirka howlaha guud iyo guriyaynta dowladda kmg ah Cusmaan Xasan Cali Caato ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntii hore ee xisbiga oo haatan ay ku shiraan xubnaha labada gole ee Muqdisho jooga. Waa kulankii ugu horreeyay ee dhex mara ra'iisul wasaare Geedi iyo Caato tan iyo markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray maalintii Jimcihii iyadoo wasiirrada saddexda ah ee Muuse Suudi, Caato iyo Qanyare aanay soo dhawantiisa ka qayb qaadan. Kulanka maanta xarunta xisbiga ku dhex maray wasiirka howlaha guud iyo guriyaynta Caato iyo ra'iisul wasaare Geeddi ayaanay jirin cid xog ogaal ah oo bixisay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waxa ay kaga wada hadleen iyo in ay is af garteen iyo in kale. Dhinaca kalena wasiirka ammaaka qaranka dowladda kmg ah ee Smalia Maxamed Qayare Afrax ayaa sheegay isaga in aan laguba soo war galin arrinta la xiriirta imaatinka ra'iisul wasaaraha oo uu tilmaamay in uu ka qayb qaadan lahaa haddii si toos ah loola soo xiriiri lahaa, laguna war galin lahaa in ra'iisul wasaaruhu uu dhankooda soo hayo. Safiirka dowladda keya u qaabilsan arrimaha Soomalia Maxamed Cabdi Afey ayaa isna hadalka Qanyare ku tilmaamay mid aan cudur daar noqon karaynin isla markaana ay waajibkiisa isaga iyo wasiirrada kaleba ahayd in ay hormuud ka ahaadaan soo dhawaynta wasiirka koowaad ee dowladdoda. sidoo kale Muuse Suudi Yalaxow oo maalmihii la soo dhaafay la tilmaamay in uu xanuunsanayay ayaan wali laga haynin wax hadal ah, maantana isaga iyo Qanyare midkoodna ma iman xarunta xisbiga si ay ra'iisul wasaaraha ula kulmaan ama fadhiga xubnaha labada gole u soo xaadiraan. Liibaan cabdi cali, Goobjoog, Muqdisho hayaan_8@hotmalil.com