
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
DAGAAL CULUS OO MAANTA KADHACAY SANAAG (GROOWE NEWS REPORTS)
General Duke replied to Garyaqaan2's topic in Politics
^^^ I dont think we should rush to condemn the news. Wiil Duco and Horn thanks for the reports and keep it up. I hope the situations is brought under control as soon as possible. All blame will lie with the adminstrtion , a close eye will be on then in regards to how they handle the situation.. May Allah bring peace to all of us. -
^^^ I agree with the above statement, it would be tragic if it is played out as the warlords want.
-
^^^ Mr Oodweyn, a reasonable man when he wants to be.. I still differ on a number of small point wiht you.The Courts have yet to come out of the shadows, ditch the bogymen in their midst. The Inda Cade's Co who are no more then journey men have reduced the Courts support bases in many quarters of the city. However the courts and the new armed groups in terms of comand are led by individuals outside Mogadishu, battle hardened men who fought in Bari, Gedo and who found sactuary in the city. They have played a low key role andtried not to antagonise the warlords, until recently they chose to look away. The question is can they now find quite in Mogadishu? Also I never for once belived the warmongers and clan supermen had the destiny of Mogadishu in their hands. For one they were very weak militarily as well as politically they never trained nor equiped their men for war but for gang land activities. They Qaynyare, Musa, and Co have never had military training and despised the old officers. Now the Courts have amongst them highly experinced and well trained individuals. So when it came gangs were no match for veterans. Now we are in a unique situation, we have some of the most famous warlords on the back foot, the only card left to them is to declare a clan war which they probably will...
-
MMA where do you leave Abdiqasin in your reasoning. He has close ties with JVA, Inda Cade and Ina Aways? Are you still giving him the benefit of the doubt even though he has not spoken out against the battles? Horn, what do you know of news that JVA are directly involved in this latest clashes with Goobanle at the head?
-
^^^ Good points indeed. On the point of difference I belive there is some major differences between the traditional clan warlords such as Qaynyere, Sudi and Co and the Courts. For one the courts are made up of different clan groupings [dominated by one] if their supporters are to be belived they have several comanders who hail from outside Banadir. The argument here is that they are ideoloical driven but to weak for now to rid themselves of the Inda Cade's and other gangsters in their midst. They do like order and security and are against many vices which the warlord militias flaunt. The other difference is that they have a long term vison or goal which is to bring about an Islamic state. What goal to the warlords have? The question is can they transform themselves quickly enough to take advantage of the weakness of the Mogadisu strongmen?
-
^^^ Nor did I expect you to defend them.. Now let me ask you and others here how do you see this playing out? It seems the warlords for the fisrt time are on a back foot..
-
^^^ Horn Afrik & Shabele do have a tendency to side with their kinsmen in all issues. However I do not dispute that their [shabele] coverage of recent events has been competent.
-
^^^ Horn, Puntlandpost did not report a victory for Raage, only that his men reclaimed their areas... It seems conclusive that the Banadir company has gained an advantage..So Shabele wile biased has not been inaccurate in their reporting.
-
Horn Afrik i think this will support your argument concerning Bootaan.. Bootaan Ciise oo beeniyay inay beeshiisa heshiis la gashay Maxkamadaha Muqdisho (YOL 26, Maarso 06) Bootaan Ciise Caalin oo ka mida xubnaha asaasayaasha isbaheysiga argagixiso la dirirka wasiirna ka ah dowladda Federaalka ayaa beeniyay inuu jiro wax heshiis ah oo uu la galay Maxkamadaha, wuxuuna caddeeyay inay weerar ku soo qaadeen ciidamadiisa, kuwo maxkamado sheeganaya wax heshiis ahna aanu jirin. Wuxuu sii raaciyay inuusan ka war heynin heshiiska la shaaciyay ee beeshiisa Duduble ay la gashay, wuxuuna caddeeyay in iyagu weerar lagu ahaa oo difaac ay ku jiraan weli, dagaalada istaagayna ay u joogsadeen iskood markii tabar la isku waayay oo la isku riiqaday sida uu sheegay. Isagoo u warramayay Idaacadda Banaadir ayuu sheegay Bootaan Ciise inuu diyaar u yahay nabadda iyo in la joojiyo dagaalka, isla markaana xaaladda nabad lagu soo dabaalo, isagoo si cad u sheegay inuu ka mid yahay Isbaheysiga, oo weerar aanay ahayn balse la soo weeraray. Waxaa soo ururiyay Shariif Macallin Muqdisho-Somalia
-
Garabka Abuukar C. Cadaan oo saxaafadda u ogolaaday in ay arkaan goobihii ay qabsadeen. Mogadishu 26 March. 06 ( Sh.M.Network) Garabka Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa maanta saxaafadda shir jaraa'id ugu qabtey goobihii ay gacanta ku dhigeen ee Ceel-Cadde, Ciisaleey iyo Galgalato, ka dib dagaalka qaraar oo socday 4 maalmood oo shalay soo gabogaboobay. latest news
-
Dowladda Federaalka oo guddi nabadeed u mgacowday dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho Golaha Baarlamaanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa shalay fadhi uu yeeshay ka soo saaray baaq uu ku dalbanayo in dagaalada ka socda Muqdisho la joojiyo, isagoo dhinacyada isku hayana ku booriyay inay nabadda adkeeyaan una turaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegay in dhinacyada dagaalamaya ay xabbad joojin ogolaadaan, si ergada nabadeed ay fursad ugu hesho sidii ay damin lahayd xiisada ka dhalatay dagaaladaasi socday mudada afarta maalmood ah, waxaana halkaasi lagu magacaabay guddi nabadeed oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumada Federaalka, kuwaasoo intooda badan ku sugan magaalada Baydhaba. Xubnaha guddiga uu Baarlamaanku u magacaabay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada nabadeed ee loogu jiro sidii uu u istaagi dagaalka Muqdisho, ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: Axmed Diiriye Maxamed, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Xasan Dhimbil Warsame, Cali Baashi Cumar Rooraaye, C/Casiis Ibraahim Cusmaan, Maxamed Xuseen Raage, Ibraahim ***** Ceymooy, Bashiir Maxamed Aadan, Caamir Axmed Shakeeti, C/weli Ibraahim Muudey iyo Feysal Cumar Guuleed. Dhinaca kale ilaa iyo iminka lama oga wakhtiga ay ku soo beegan yihiin Guddiga uu Baarlamaanku u magacaabay nabadeynta dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho, inkastoo tallaabada Baarlamaanka uu qaaday tahay mid yididiilo gelineysa shacabka Muqdisho oo iyagu si weyn uga niyad jabay in mar uun dagaaladi soo afjarmayaan, waxaana ilaa iyo iminka socda dhaqdhaqaaq laga abaabulay Mowlaca Sheekh Muxyaddiin oo ay wadaan Culumaa’udiin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo waxgarad ku dhaqan magaalada Muqdisho.
-
Mogadishu 4 day : 120 dead contradictory reports....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Abu Jamal, there are two sides to every story.. The news posted are from sites that might support one side or another, it would be unfair if I just posted what one said without the other.. Xaaladda Magaalada Muqdisho oo Degan (Muqdisho}26.03-06 Xaalada magaalada muqdisho ayaa maanta degan kadib markii afar maalmood ay soconayeen dagaalo faraha lagaga gubtay oo u dhexeeyey milayshiyaadka taabacsan ganacsade abuukar cumar cadaan oo ay taageero la garab taagan yihiin qaar ka tirsan maxaakiimta islaamiga ee magaalada muqdisho iyo ganacsade bashiir raage oo ay taageero la garab taagan yihiin ururka la dagaalanka argagixisada.................... Dagaaladan ayaa waxay gaysteen khasaaro naf iyo maalba leh oo laga dareemayo deeganadii ay dagaaladu ka socdeen taasoo saaka laga dheehanayo in saaka dib loo furay iskuuladii iyo dugsi quraanadii iyo waxyaalihii adeega bulshada ayaa dib usoo noqday iyadoo aad ku arkayso baabuurta gaadiidka dadweynaha oo saaka shaqadoodii dib u bilaabay kadib markii mudodii afarta maalmood ee dagaaladu soconayeen ay wax shaqo ah qaban deeganada ay kamid yihiin gubadleey, waxara cade ,suuqa xoolaha iyo deegaanka kaaraan ilaa galgalato . Sidoo kale ma jiraan wax waan waan iyo xabad joojin lagu heshiiyey oo ay kala saxiixdeen kooxaha dagaalamaya waloow ay kala itaal roonaadeen oo ay deeganada qaarkood ay gacanta ku dhigeen kooxaha abuukar cumnar cadaan iyo maxaakiimta islaamiga ah ,balse warar qaarkood ayaa waxay sheegayaan in laysu hub urursanayo oo aysan jirin wax soo gabagaboobay sida uu noo xaqiijiyey sarkaal u hadlay ururka la magac baxay la dagaalanka argagixisada oo magaciisa la yidhaahdo xuseen guutaale rooble. Si kastaba ha ahaatee dagaaladan oo ahaa kuwo lagu riiqday ayaa waxaa degan goobihii ay ku dagaalamyeen dhinacyada is hayay Yaasiin maxamed cali (faytin) Yaasiin2006@hotmail.com Magaalada muqdisho -
^^^ MMA you are right to a certain extent howevr the main players are all from the same clan, Mohamed Dheere +Raage Vs Cadani + Shiekh Sharif. Its a very complex situation but this has been a struggle between the two alliances with the warlords coming of bad again.. check dayniile.com The news in both roups have both agreed to stop hostalities ...
-
Garab ka mid ha garabyadii Mudisho ku diriray oo ka ogolaaday Ergo u timid xabbad joojin maanta billaabatay Posted to the Web Mar 26, 14:47 Muqdisho (PP) - Guddi isugu jira cuqaal iyo culummo kana soo jeeda beelaha Mudullood isla markaana dhexdhexaadinayay labada garab ee dagaallada culus ay maalmihii la soo dhaafay ku dhex mareen Muqdisho ayaa sheegay inay la kulmeen garabka Bashiir Raage Shiiraar ayna is afgarteen. Xubnahaan ayaa sheegay inay la kulmeen odayaal ka socda dhanka Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar uuna ka mid ahaa Madaxda Dekedda Ceel-cadde Cali Muxyadiin iyo xubno kale, waxayna sheegeen guddigaan inay ka ogolaadeen in xabadda la joojiyo isla markaana ay ogol yihiin in heshiis ay la garaan garabka ka soo horjeeda ee Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan. Guddiyada loo kala diray labadan dhinac oo ka koobnaa min 7-xubnood ayaa la sheegay in dhinicii Sheekh Abuukar Cumar Caddaan inaysan weli ka helin wax hadallo ah oo ku saabsan inay gaarayaan heshiis, welina waxaa la sheegay inay ku maqan yihiin dhanka ganacsade Abuukar Cumar Caddaan. Dagaalladii ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay labada ganacsade Sheekh Abuukar Cumar Caddaan iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar ayaa ahaa mid socday muddo 4-casho ah isla markaana geystay dhibaato dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaraya in ku dhow 350-ruux sida qiyaasyadii la sameeyay ay caddeynayaan. Dagaalkaan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno aan ahayn labada dhinac iyadoo dhinac walba uu gacan ballaaran ka helayay xubno ay isku fikir yihiin sida Maxamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada, waxaana labadan garab ay isku adeegsadeen markii ay dagaalamayeen rasaasta noocyadeeda kala duwan iyagoo ku kala qabsaday dagaalka gawaarida dagaalka oo aad u fara badan. Kulanka xubnaha isku dayaya inay heshiisiiyaan labada garab ee dagaalku u dhexeeyo ayaa la sheegay inay ku kulansan yihiin weli xarunta Sheekh Muxyadiin Celi ee magaalada Muqdisho, iyadoo kulammo ku saabsan heshiisiinta labada dhinacna ay ka socoto xarunta Sheekh Muxyadiin Celi. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlnadpost - Mogadishu - Somalia puntlandpostmog@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Ciidammo ka amarqaata Bashiir Raage Shiiraar oo dib ugu laabtay goobo muhim ah oo maanta laga qabsaday Posted to the Web Mar 25, 18:23 Muqdisho (PP) - Gallinkii dambe ee maanta oo uu ka dhacay duleedka Muqdisho dagaal aad u xoog badan oo u dhexeeya malleeshiyooyin kala taageersan labada ganacsade ee Bashiir Raage Shiiraar iyo Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa ciidammada taageersan Bashiir Raage waxay dib u qabsadeen goobo laga qabsaday. Warar ka soo baxay ilo ku dhowdhow Bashiir Raage Shiiraar oo soo gaaray Puntlandpost ayaa sheegaya in ciidammadii taageersanaa Ganacsade Bashiir Raage oo galabta laga qabsaday deegaanno badan oo ay horay u haysteen oo uu ka mid ahaa jirdka sida tooska ah u taga Dekedda Ceel-macaan ay dib gacantooda ugu soo celiyeen. Xubnaha aan wararka ka helnay ayaa sheegaya in aanay jirin warar uu sii daayay Maxamuud Cumar Caddaan oo ay walaalo yihiin Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo ahaa in Garoonka diyaaradaha ee Cisaley ay la wareegeen isla markaana ay iyagu ka taliyaan, waxayna xubnahaan warka na soo gaarsiiyay ay sheegayaan inay iyagu weli ka taliyaan garoonka diyaaradaha ee Cisaley oo aanu dagaal ka dhicin agagaarka Garoonka Cisaley. Sidoo kale warar madax bannaan oo aan ka helnay dad deggen deegaannadii maanta lagu diriray ayaa u xaqiijiyay Puntlandpost in maanta laga qabsaday ciidammada Bashiir Raage jidkii aadayay garoonka Diyaaradah ee Cisaley iyo Dekedda Macmalka ah ee Ceel-macaan, waxaana dadkaas oo goobjoogayaal ah ay sheegeen in dagaal xoog badan oo galabta dhacay dib ay ugu qabsadeen goobihii horay looga cayriyay Ciidammada Bashiir Raage haddana ay xasilloon tahay deegaannadaas oo uu dagaalku ka durtay xaafaddooda. Dhanka Maxkmadaha Islaamiga ah ayaan iyagu hadal ka soo saarin dagaalkii galabta ka dhacay deegannadii maanta lagu dagaalamay, iyagoo sheegay inay iyagu meesha ku sugan yihiin oo qura, balse aan wax hadal ah oo dheeraad ah ka bixinayn dagaalkii galabta oo ahaa mid qaraar. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia Contect: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Wararkii ugu danbeeyay: Dhowaan ayaa rasaas xoog leh ay ka dhaceysaa goobihii dagaalka ee labada dhinac isku hayeen, waxayna wararkii ugu danbeeyay ee hadda uun soo dhacay sheegayaa in dagaalku ka socdo duleedka Galgalato. Ciidamada sida weyn u dagaalamaya ee soo rogaal celiyay dhinaca Bashiir Raage ayaa ah maleeshiyo raacsan Muuse Suudi oo Balcad ka timid, maleeshiyo raacsan Maxamed Dheere oo Jowhar ka timid iyo maleeshiyo taabacsan ganacsade C/rashiid Ilqeyte. Wadadda Bari ee tagta Dekadda Ceelmacaan ayaa dagaalka ugu weyni ka socdaa oo qolo waliba ay dooneysaa inay qabsato, iyadoo saaka u gacan gashay dhinaca Maxkamadaha ayaa wararka soo dhacaya ka waramayaan dagaalo qaraar oo ka socda. Wixii soo kordha waad la socon doontaan YOL =Muqdisho=
-
^^^ I think the reports are accurate. It seesm for all the talk Bashir has gone the way of Qaynyare. However as you said the peopel are the ones who are losing.
-
Mogadishu 4 day : 120 dead contradictory reports....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho oo sheegayana inay guulo ka soo hoyiyeen dagaalkii maanta iyo is bahaysiga kasoo horjeeda oo arintaasi diiddan - Saturday, March 25, 2006 at 14:30 Muqdisho(AllPuntland)-Dagaalkii ka soconayay magaalada Muqdisho oo xaaladdiisu sii aadkaatay , walina ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho Maxamuud Cumar Caddaan oo kamid garabka Maxaakiimta Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho. Maxamuud wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay inay dagaalkii ugu danbeeyay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku awood roonaayeen oo ay gacanta kusoo dhigeen Dekedda Ceel Macaan , Ceel Cadde iyo Garoonka Cisaley. Maxamuud wuxuu sheegay in kooxihii dagaalka uga soo hor jeeday ee la daagallanka argagixisada oo uu Maxamed Cumar Xabeeb kamid yahay inay dagaalka uga guulasyteen oo aan la garanayn meesha ay iminkada kusugan yihiin. Dhinaca garabka la dagaallanka argagixisada oo uu u hadlay afhayeen ay dhawaan samaysteen oo lagu magacaabo Xuseen Guutaale ayaa sheegay in dagaalku uu wali soconayo , aysanna jirin khasaare loo gaystay. Wuxuu sheegay Guutaale inay dagaalka sii wadi donaan inta ay magaalada Muqdisho ka saarayaan kooxda kasoo horjeedda ee maxaakiimta Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jirto cid dhex dhexaad ah oo xaqiijinaysa khasaaraha ka dhashay dagaalkii ugu danbeeyay ee maanta , cidda guulaysatay iyo waxyaabaha la kala qabsaday toonna. Wararkii ugu danbeeyay ee AllPuntland kasoo gaaraya Muqdisho waxay sheegayaan in dagaalku uu si xooggan uga soconayo deegaannadii uu ka bilowday ayadoo hadba xabbadu ay dhinac u durkayso. CCC Farayaamo AllPuntland -
Mogadishu 4 day : 120 dead contradictory reports....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garabka Cumar Caddaan Oo Sheegtay In Ay La Wareegen Degada Ceelmacaan Iyo Garabka Bashiir Raage Oo Beeninaya. Posted to the MOL March 25, 2006, 8:43 am Muqdisho:- Iyadoo mid kamidah garabyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho uu maanta shaaca ka qaaday in dagaalku u joogsaday ayaa haddana dhawaaqa hubka nocyadiisa kala duwan laga maqlayaa Muqdisho. Afhayeen u hadlay dhanka Ganacsade Cumar Caddaan ayaa waqti sii horeeyay oo rasaastu ay u muuqatay mid yara joogsatay uu shaaca ka qaaday in ay la wareegeen gacan ku hayenta Degadaha dabiciga ah ee Ceelmacan, Cel Cadde iyo garoonka Cisaley. Afhayenka lagu magacaabo Maxamud Caddaan ayaa ku nuux nuuxsaday in dharbaaxo xoogan ay ku dhufteen garabka kale. Xuseen Gutaale oo isna ah afhayeenka dhanka kale ayaa isna carabka ku dhajiyay in aan laga itaal roonaan ayna dagaalka ku xoog badan yihiin iminkana dagaalku uu yara istaagay. Mr Gutaale waxa uu sheegay in dagaalkaani ay ku jiraan maleshiyooyin daacad u ah wadaad dimeedka Soomaaliyed Xasan Dahir Aweys, Yusuf Indha Cadde gudoomiyaha gobalka Shabelada Hoose iyo Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ah taliyaha cidamada isbaheysiga dooxada jubba. Iyadoo uu socdo dagaalkani ayaa waxaa dhanka kale bar bar socda bara kac aad u xoogan oo an Muqdisho soo marin sanadihii ugu dambeeyay. Xiliga warkaani uu ka baxayo Shabakada Mudugonline waxaa la maqlayaa dhawaaqa rasaasta inkastoo aysan la mid ahayn dagaalkii shalay. Cismaan Xasan Cali (fantastic) Xafiiska Wararka Mudug Ee Muqdisho -
Warbixin ku saabsan dagaalkii ka socday Magaalada Muqdisho... Dagaalkaan waxaa ku dhintay saddexdii maalmood ee uu socday dad gaaraya 120 qof... Maalinii saddexaad ayuu galay dagaalkii u dhexeeyay isbahaysiga la magacabacay la dagaalanka Argagixisada iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana dagaalkaan lagu waramay in uu yahay kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Muqdisho waaydaaan iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Haddii aan warbixin kooban idinka siino kii dhacay Maalintii Khamiista ahayd waxa uu xooggiisu ka dhacay Waxara-Cadde, Cali Tucaaye, Geed Timir iyo Baqalo waxaana dagaalkaas isna uu ahaa mid aad u xooganaa waxaana Maxkamadaha Islaamiga ah u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan bar koontarool oo ku taalay halkaasi oo tagta Dekedda Ceel Macaan. Dagaalkaas ayaa waxaa soo galay dhowr Tikniko ah oo uu leeyahay Max’ed Dheere waxayna la sheegay in gacanta looga dhigay labo Gaari oo Tikniko ah, iyadoo Maleeshiyooyinkii kaga dhaawacmay dagaalkaasi loo qaaday Magaalada Jowhar, dagaalkaan waxaa kalloo ku lug lahaa wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise Caalin, oo isagu xubin ka ah Isbahaysiga la dagalanka Argagixisada, waxaana la sheegay in hal gaari oo Tikniko ah looga qabsaday dagaalkaasi, balse waxay gubeen gaari ay lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah. Odoyaal ka tirsan beesha uu ka soo jeedo Wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise ayaa iyagu heshiis xabad joojin ah la galay dhinaca Maxkamadda, taasin waxay suuragelisay in dagaalku ka is taago dhinaca Waxara-Cadde. Dagalkaan shalay (Jimacdii) oo xoogiisu ka dhacay Deegaanka Galgalato, Kaawooyinka iyo Mowlacaha Shiikh Cali Cabdule ayaa waxaa la isku adeegsaday hub culculus waxaana si aad ah looga maqlayay hubkaasi Magaaalada Muqdisho oo dhan waxaana la sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah oo gacan siinaya Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani ay u suuragashay in ay la wareegaan deegaanadii saddex bilood ka hor dagaalku ka dhacay. Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay saddexdii maalmood ee uu socday dad gaaraya 120 qof, wadaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, iyadoo Isbitaalada Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad dhaawac oo laga keenay goobihii uu dagaalku ka dhacay. Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada waxaana ka mid ah nin ay walaalo yihiin Bashiir Raage oo lagu magacaabo Cabdi Raage, waxaa kalloo ku dhaawacmay Ibraahim Jeebe, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay C/qaadir Beebe.
-
MMA, tragic pics man. I heard a four yearold speak on the Radio . She said I was shot, damn makes you wonder...... Horn, I ask you kidnly, dont reply to this individual he is neither here nor there...
-
I am flattered that a third of your two page post was about my person. Now lets return to the topic at hand. "....The sight of my Two Enemy fighting each to the finish, must be the answer of all those prayers that I and my blind supporters have offered to heavens for the last several years...." Over looking your attempt at humour, one has learned from the past 15 years that these types of battles will not result in any clear winners or losers and it is the people who will pay a lasting price and the city that will have new scars. The lasting effect of these battles on the progress of the TFG is not clear. Even though the publics appetite for war will not be increased through such actions. Nor will the WARLORDS arguments against peace keepers or reconstituting the national armed forces be enhanced. that every warlord in Mugadisho, could easily see, that they were gradually loosing ground to this Islamic Court, including Mr. Qanyare and Mr. Suudi Yalahow; consequently, they decided to add together their collective interests and military muscle, in-order of winning against the Islamic Courts to that of Mr. Bashiir Raage, who is also loosing ground to the Mr. Cadaani(in northern Mugadisho); as well as given the fact that Mr. Cadaani is one of the most prominant Al-Itaxaad Members in that constituency - i.e., North Mugadisho's Sub-Clans . You seem to be at a loss again deciding if this is an ideological war as you claimed earlier or one based on personality. Is it a war about safeguarding personal institutions such as the air strips and natural ports. Or is it as you claimed a Taliban style whole sale takeover of by the courts? Qaynyare, Raage, and others belived they were speaking from a position of strength when they declared their own version of the war on terror. Qaynyare confidently spoke out on the media as a man who had an ace up his sleeve. Consider also that the courts were the first to sign up to a ceasefire brokered by the cities elders. This highlights that it was not in the interest of the courts and their supporters for a full scale battle, maybe they knew the damage and that they were not capable of winning easily. Consequently, what we have is the convergence of collective interests, namely, on one hand we have all the warlords(i.e., From Mr. Suudi Yalhow, to Mr. Qanyare, to Mr. Mahamed Dheere) all frighten of the shrinking size of their fiefdom as well as the gradual increase of the influence of the Islamic Court in Mugadisho. No what we have is another monumental miscalculation by the warlords of their own positions and power, their arrogant belief that they could ignore the public or mislead them once again as they did with their fake roadblocks removal project and their cries of “Ethiopia is comingâ€. They wrongly assumed that they could carry their respective support bases with another cry of wolf, this time not a clan or a neighbouring state but “Terrorists in our midstâ€. The warlords power in my opinion has never been that great however the courts will not be able to overcome them quite so easily as this would again turn into a question of clans. In the short term the warlords will survive however the power of the Islamic movements will become stronger as time grows and will outlast the current TFG, that’s where we differ, you are looking at a very narrow time line of two or three years or within the life time of this TFG. Look beyond that and one can see these Islamic groups becoming ever more powerful in the Somali politics as the day goes and not only in Mogadishu but the whole of the republic including Hargaysa-Burco-Berbera triangle. Because what they are presenting is an alternative to the failed secular formula. Now Mr Oodweyne lets reason together shall we. Suppose the courts do come out on top. Suppose they unite Mogadishu transform their operations and represent Islam, open the sea and airport and bring an end to the TFG. Let’s suppose then that they become the next power in the country and through their message unite the whole republic, as I know there is no room for division in their ideology. Could you live with that eventuality, because I can guarantee you I can. Salaam to you brother..
-
DADAAL NABADEED OO LAGA WADO MUQDISHO C/qaadir M Cusmaan Shinbir Nabdeeed Waxaa Maanta dhacay dagaal aan ka yareyn kii hore, Dagaalkuna wuxuu xooganaaday duhurkii ka dib iyadoo la moodayay inuu yaraaday, warar hoose oo goobjoog.com u suura gashay ayaa sheegay in arinka labada dhinac uu ahaa guul ama guul daro, khasaaraha uu dagaalkan sababayo ayaan yareyn Cusbitaalada waxaa buux dhaafiyay Dhaawacii. Dadaal Nabadeed ayaa waxaa Bilaabay Sheekh Shariif sheekh Muxidiin isagoo ugu baaqay qeybaha iskula hardamaya magaalada muqdisho iney joojiyaan Xabada , Balse ilaa iminka ma jiraan war ka soo baxa labada dhinac oo muujinaya ogolaansho, gudiga Nabada u ololeeynayo oo uu sheekhu Hormuud u yahay ayaa u muujiyay Goobjoog.com in ay Berito ku rajo weyn yihiin in kooxaha dagaalamaya ay u dheg raariciyaan Baaqa sheekhu u soo jeediyay. Waxaa iska soo daba dhacaya Baaqyo loo jeedinayo in ay joojiyaan dagaalka, iyadoo ay ugu badneyd hogaamiyayaasha bulshada rayidka ee ku sugan Muqdisho, Xildhibaano, wasiiro ku sugan baydhaba, iyadoo Gud. Baarlamaanku ku Biiriyay codkiisa in la joojiyo dagaalka
-
Heshiis lagu dhameynayo khilaafaadkii soo kala dhex galay Labadii ganacsade ee Xamar ku dagaalamay oo socda Posted to the Web Mar 24, 19:40 Muqdisho (PP) - Iyadoo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay maagaalada Muqdisho ka socdeen dagaallo gu dhexeeya Ganacsadayaasha kala ah Sheekh Abuukar Cumar Caddaan iyo Bashiir Raage Shiiraar geystayna khasaarooyin naf iyo maalba leh ayaa waxaa ka billowda Muqdisho waan lagu dhexdhexaadinayo. Kulan maanta ka dhacay xarunta Sheekh Muxyadiin Celi ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu go'aamiyay in la dhiso laba guddi oo ka kooban min 7-xubnood oo ay kala hoggaaminayaan Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabadulle iyo Yaasiin Maxamuud Jilacow ayaa waxay kulammo la yeesheen Sheekh Abuukar Cumar Caddaan iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar, waxayna xubnahaas sheegeen inay ka ogolaadeen waawaanta ay dhex dhigeen. Xubnahaan oo dib ugu soo laabtay maqribnimadii maanta ayaa sheegay inay labada dhinacba ka ogolaadeen inay xabbadda joojiyaan isla markaana ay isku yimaadaan si ay wada xaajood uga gaaraan waxa ay isku hayaan oo aan illaa iyo hadda caddeyn loo hayn. Dagaal xoog badan oo salaaddii jimcaha kaddib ka billowday aaggagii ay horay ay ugu dagaalameen kooxihii labada maalmood uu dagaalka u dhexeeyay ayaa ahaa mid culus, waxaana dagaalkaas uu ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Gallinkii dambe ee maanta ayuu dagaalkaasi iskii isku taagay, mana jiraan cid kala dhex gashay marka laga reebo waawaanta ay billaabeen odayaasha ka socda beesha mudullood, waxaana lagu wadaa in odayaashaan ay berri u howlgalaan inay xabbadda joojiyaan isla markaana dhexdhexaadin dhex dhigaan labada Ganacsade ee uu dagaalku dhex maray. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia
-
Ra'iisal wasaare Geeddi oo Markii ugu horeysay si cad shaaca uga qaaday in uusan taageersaneyn Isbaheysiga Ladagaalanka Argagixisada. (Wareysi Reuters) Nairobi (AOL 19, Maarso 06) Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa rajo ka muujiyay kalfadhiga Baaralmaalka uga socda magaalada Baydhaba, wuxuuna sheegay inay taasi caddeyn u tahay dhamaanshaha khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya. “Aad ayaan ugu rajo fiican uga qabnaa in natiijooyin guul leh ka soo bixi doonaan kulanka Baarlamaanka†ayuu yiri Ra'iisal wasaaraha oo sheegay in la soo dhammeeyay is faham la'aantii iyo khilaafaadkii siyaasadeed ee ku dhex jiray Golayaasha dowladda Federaalka. Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in joogitaanka Baarlamaanka ee magaalada Baydhaba ay xoojisay nabadii halkaas ka jirtay, isla markaana ay dhiirigelin u noqotay dib u heshiisiinta beelaha degaanka ee iska horjeeday iyo isku socodka dadka. “Waa astaan nabadeed in la arko dadka Soomaaliyeed oo isaga gooshaya Baydhaba, Muqidsho iyo Gobollada kale†ayuu yiri Ra'iisal wasaare Geedi oo caddeeyay in xildhibaannada Baarlamaanka ay iminka dib u heshiiyeen ayna dhiseen dhibaat ola'aan 14 guddi, xukuumadiisuna ay degdeg u soo gudbin doonto baahiyaha kharasheed ee degdegta loogu baahan yahay sida dhinacyada Dhaqaalaha iyo amniga. “Marna kama joogsanayo waxaanan diyaar u ahayn inaan nafteyda u huro dadkeyga iyo dalkeyga dartood†ayuu yiri Ra'iisal wasaare Geedi oo 54 jir ah, isla markaana aabe u ah afar caruur muddo laba jeer ahna isku day oo lala beegsaday kaga badbaaday magaalada Muqdisho. “Qorshaheena ayay ka mid tahay inaan caasimadda marka hore diyaarino inta aanan halkaasi guurin†ayuu yiri Md. Geedi oo aan wax xilli ah u qaban arrintaasi, wuxuuse sheegay inaysan xukuumadiisu taageereynin Isbaheysi siyaasadeedka cusub ee muranka ka taagan yahay oo ay dhiseen hogaamiyeyaasha Muqdisho kuwooda ugu waaweyn, wuxuuna Geedi sheegay in 10-ka Milyan ee Soomaalida ah ay diidan yihiin argagixisenimada. Ra'iisal wasaare xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo maxkamadaha islaamiga Muqdisho iyo Isbaheysiga argagixiso la dirirka ee Muqdisho ay ka dhiseen hoggaamiye kooxeedyo wasiiro ah iyo ganacsato. “Maxkamadaha islaamiga loolama jeedo argagixiso†ayuu yiri Ra'iisal wasaare Geedi oo sii raaciyay: “Waxaan dareensanahay in argagixiso ajnabi ah ay ku dhumaaleysaneyso Soomaaliya, laakiin fursaddu hadda waa dhammaatay, dhaqanka Soomaalida ayaanba ogolaaneynin oo aqoon wax la yiraahdo argagixisoâ€. Ra'iisal wasaare oo hore u sheegay inay jiri karaan kooxo argagixiso ah oo Soomaaliya joogta ayaa wareysigan uu wakaalada wararka Reuters siiyay ku sheegay inaysan suuragal ahayn marka dhaqanka Soomaalida la eego inay argagixiso sii joogto Soomaaliya. Isha + Reuters + Allbanadir