
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Wakhtigii Maxaaakiimta oo gaba gabo ku dhaw iyo laba qaraxa dawlada Federaalka:- Kadib markii ay midowga maxaakiimtu la wareegeen caasimada somaliya dagaal lagu hoobtayna ay kalagala wareegeen qabqablayaashii ashahaada la dirirka waxaa dad badan ay ku noqotay lama filaan in awood aan lagu sii xisaabtamin kasoo baxdo Koonfurta Somalia iyadoo soo dhawayn aan loo kala harin lagu soo dhawayeey Somalia Midowga maxaakiimta dadkuna u arkeen inay tahay fursadii ugu qaalisanayd ee abid soo marta dadkii dhex dabaalanayay badwaynta dhiigaa ee aan lahayn meel looga baxo. Midowga maxaakiimtu waxay qabsadashadii Muqdiso kadib bilaabeen hadalo aad umacaan oo ku salaysan dhamaantood diitna islaamka dadkuna aad madaxa ugu ruxeen maadaama ay tahay meesha kaliya oo dadka somalidu ugu nugul yihiin in laga soo galo. Waxayse soo baxday sirtii dad badan hoos uga jeedeen ee ahayn inay waxani yihiin urur kii USC oo xirtay shaar diimeed wax is badalana aysan ka jirin K/Somalia markii ay ka dhul bilaabeen sadexdii goobood oo uu ka dhul bilaabay Gen. Caydiid Xiligii uu helay fursada dahabiga aahayd kuse dhamaatay hoog iyo hungo uu kala huleelay damaciisii ahaa inuu awood ku muquuniyo shacabka somaliyeed. Gen Caydiid markuu gacanta ku dhigay Caasimada Somalia iyo wixii hanti qaran taalay wuxuu isla markiiba weeraro aan kala go’lahayn ku qaaday sadex magaalo oo kala ah sadexda hada maxaakiimtu ka dhulbilaabeen Kismayo,Baydhabo,Galkacyo sadexdan goobood waxay ahaayeen xudunta dagaaladii ahliga ahaa iyadoo ugu dambayn tii sadexdaba awood ciidan uu kaga huleelay Gen. Caydiid Reer tolkina uu ku dhameeyay dagaalo aan wax danihi ugu jirin. Hada waxaad moodaa inay maxaakiimtu qaadeen dhabihii geerida iyo gabagabada siyaasadooda maadaama ay ciidamadooda iyagoon awood yeelan udaad gureeyeen sadexdan magaalo siday gacanta ugu dhigi lahaayeen. Dawalada Federaalka. Dhanka kale dawlada Federaalka ah oo dad badan ugu yeeraan dawlada taagda daran marka xaqiiqada laga hadlana aan ahayn dowlad taag daran waxay hada isu diyaarinaysaa dagaalo lagu hoobto oo ay ku qaado siyaasada diin ku gabadka ah iyadoo hada dawladu dul fadhida goobo muhiim u ah qabashada dalka dhamaystirtayna awoodeedii ciidan ee ay ugu babac dhigi lahayd siyaasiyiinta diin ku gabadka ah waxay dad badan iswaydiinayeen waa maxay sababta dawladu isha un uga eegayso waxa dalka ka socda markaadse dhexgasho siyaasada jirta ama caqabadaha jira aad ufiirsado waxaad moodaa inay ugu wacnayd laba arimood. Maadaama ay dawladu ahayd Dibu heshiisiin waxaa dasduur keedu qorayay inaysan labada sano ee ugu horaysa wax dagaala qaadin ilaaa inay is daafacayso maahee taasoo haday fuli lahayd ahaan lahayd jabin dasduurka dalka uyaal dabin kaasna ay la doonayeen maxaakiimtu balse ay hada ka gudubtay maadaama labadii sano ee dibu heshiisiintu ku eg tahay 14/10/06. Dawladu waxay ku jirtay wakhti khilaafaad hareeyay wax qabad kasta oo ay samayn lahaydna waxay ku cuntay arintaas hadase waxay awood buuxda uleedahay inay fuliso waajibaadka ka saaran wadanka kuna xaliso awood ciidan maadaama sheekadii qori caaradiis isu rogtay taasoo la dhihi karo maanta way ubabac dhigi kartaa Dawaladu weerar iyo difaac labadaba maadaama ay hada ciidamadeedu ku sugan yihiin goobo badan oo dalka kamida sugayaana amarka oo qura. Ugu dambayn tii marka la eego goobaha ay hada dawladu ciidamada ku daad guraynayso sida Kismayo,Bu’aale,Bandiiradle,Hiiraan.Buurxakaba,waxay muu jinaysaa in sadexdii bilood ee maxaakiimtu dhamaadeen sadexda soo socotana ay tahay sadexdii dawlada Federaalka taasoo sida hada muuqata ay awood buuxda uleedahay dawladu dhanka kale midowga maxaakiimta waxaad moodaa inay ku socdaan siyaasad aan xeel dheer ku fadhiyin oo ku salaysan iska yaac un iyo hadba in magaalo la galo ciyaar cimaamado iyo rigniko la ordayaana ka khudbeeyaan iyadoon la eegayn maxaa dana oo ku jira maxaase khasaare ka iman kara dad badan ayaa aaminsan in siyaasada ay dawaladu la shaxday maxaakiimtu muujinayso sida aysan wali khibrad uyeelan dadka maxaakiimta hogaaminaya oo aad moodo in hogii 1992 laga qaniinay markale laga qaniini doono. Iyo Dadka hogaanka u haya dawlada oo aad uga fiirsanaya talaabooyinka ay qaadayaan iyo kasbashada shacabka iyadoo ay muuqato inay u fudadahay inay gali karaan gobolka banaadir amaba ay qabsan karaan Garoonka balidoogle taasoo haday gacanka ku dhigaan wax maalin ka yar awooda maxaakiimtu ku baabi'i karto maadaama awoodoodii ay u kala direen gobolada fogfog ee dalka ayna ku adkaan doonto soo laabashadooda haday dawladu qabsato Marka ama Balidoole maadaama aysan jirin meel gurmad uga baxo ama ay ka soo gali karaan. Cabdinuur Mohamed Seraar qalay2005@hotmail.com
-
^^^The clan courts days are numbered. there are enough Somali arms to take care of them no need for Ethiopia, Uganda or Kenay. All this speculation is based on the wrong assumption that the courts is an all powerful millitary force. It is not. Mudug/ A/qaybdeed is enough. Jubaland: Hiiraale and his forces are enough. Lower Shabbele: The TFG forces are enough. In the coming months we expect a shrinking of their area to around Mogadishu area no more...
-
Kismayu: Courts fail in Beerxani, Hiiraale build up continues..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^You can read right? The sources are on the posts. Shariah should be applied to the end the occupation, punish the criminal gangs, drug lords, charcoal merchants and stop aggression against the poor unarmed clans. It should not be an excuse to keep the occupation of your clan in place. No one is against Shariah, but everyone knwos who is behind this whole project and why the likes of you are waffling away. -
^^^You do protest too much. The UN have left other areas before due to threats and what not. Also blaming the government for the clan courts aggression is another matter. It seems the courts are losing the plot, fake Jihad calls and confused statements have become the order of the day. Do not blame others for your own problems.
-
Ubahane and Horn, you guys made me laugh wallahi..
-
Kismayu: Courts fail in Beerxani, Hiiraale build up continues..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
tell your uncle stop hiding come out like men, shaaydan wanna be will be the first warlord captured life Who's my uncle? As for the courts they need to stop the lies. Either they went there and got rid of the troops there or they found no one there? They need to present a consistent story. Beerxani is still full of millitia loyal to Hiiraale. -
Mise sidii Morgan No brother Morgan is a warrior, who now lives in peace in Mogadishu of all places. If you need a reference ask Abshir Bacadle. I am more skilled than any of the officers in the phantom army of Somaliland who have taken 4 years and are still moving on Las-Canood Ubahane is a cool dude, why try to get between us?
-
Maxkamadda Al-bayaan oo isaga baxay Midowga Maxaakimta Khilaaf soo kala dhexgalay darteed Oct 12. 2006 Radio Free Somalia (RFS) Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Maxkamadaha Al-bayaan oo ka mid ah Midowga Maxkamadaha Soomaaliyeed ayaa sheegaya in guddoomiyihii Maxkamaddaas iyo Madaxda Midowga Maxkamadaha uu soo dhex galay Khilaaf aad u xooggan. Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kaddib markii Maxkamadda Al-bayaan oo damacsanayd inay howlgallo nabadeed ka sameyso Deegaanka Buur-hakaba lagu qasbay inay joojiyaan nabadda ay wadaan isla markaana ay maxkamaduhu doonayaan inay dagaallo ku qaadaan xarumaha Dowladda. Ila wareedyada oo codsaday inaan magacyadooda la sheegin ayaa u xaqiijiyay Shabakadda wararka ee Puntlandpost in guddoomiyaha uu haatan baxsad ka yahay xrunta Maxkamaddiisa ay ku taallo isla markaana uu ku jiro duurka deegaanno ka tirsan Gobolka Bay, waxaana la sheegay inuu go'aansaday inuusan dib ugu soo laaban xaruntiisa tan iyo inta laga dhameynayo khilaafka xooggeystay ee u dhexeeya isaga iyo madaxda Maxkamadaha. Sidoo kale ilo wareedkaan waxay sheegayaan in guddoomiyaha Maxkamadda Al-bayaan Maxamed Ibraahin Bilaal uu ka badbaaday shirqool la doonayay in lagu qaarijiyo isaga, taasoo lagu sheegay inay keentay inuu baxsad ku noqdo howdka Gobolka Bay. Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-bayaan ayaa la sheegay in gawaari uu leeyahay laga reebtay isla markaana lagu wargeliyay inuusan howlgallo nabadeed ka sameyn karin gobollada uu ka soo jeedo, waxaase wararka qaarkood ay sheegayeen inuu xilligaas doonayay inuu kulammo la yeesho Madax ka socota dhanka dowladda si ay heshiiyo ula gaaraan. Mas'uuliyiin si qarsoodi ah ugu hadlay maxkamadda ayaa waxay daboolka ka qaadeen inay ka bixi doonaan Midowga Maxkamadaha haddii aan si deg-deg ah lagu xallin khliaafaadyada u dhexeeya iyada iyo Midowga Maxkamadda mas'uuliyiinteeda. Radiofreesomlai.com
-
Kismayu: Courts fail in Beerxani, Hiiraale build up continues..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cabsida laga qabo dagaallo ka dhaca Magaalo xeebeedda Kismaayo oo aad u soo kordhaysa Oct 12.2006 Radio Free Somalia (RFS) Magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ayaa waxaa weli ka taagan cabsi la xiriirta inay ka dhacaan dagaallo dhex mara Malleeshiyooyin kala taabacsan Maxkamadaha iyo Col. Barre Hiiraale oo horay looga eryay magaalada. Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa waxay qeexayaan inay jiraan cabsiyo laga qabi karo inay dagaallo si kaddis ah uga dhex qarxaaan labada dhinac oo isku haya gacan ku haynta magaalada dakadda ah ee Kismaayo. Col. Barre Hiiraale iyo kooxaha raacsan ayaa waxay wacad ku mareen inay dib ula soo noqon doonaan deegaanka Kismaayo oo laga barakiyay, waxaase jirta in dhanka Maxkamadaha ay iyaguna ka imaanayaan warar sheegaya inay doonayaan inay ka difaacaan kooxaha isku dayaya inay soo galaan Kismaayo magaaladaas oo ah mid istiraatijiyadeed. Dadweynaha Degmada Kismaayo ayaa waxay qabaan cabsiyo aad u xooggan waxaana iyagoo ka baqo qaba inay isku kor hertiyaan kooxaha ku loolamaya gacan ku haynta magaalada Kismaayo oo kala ah Maxkamadaha iyo Col. Barre Hiiraale oo ahaa guddoomiyihii isbahaysigii laga bixiyay Kismaayo. Radiofreesomlai.com -
A Busnessman arrested in Hargeysa for......being from the wrong clan?
General Duke replied to me's topic in Politics
Red Sea wants "justice" only in the south. So long as no one talks about his clan area. We had Samsam, then Shiekh Mohamed, now this guy? If you are from the wrong clan Hargaysa is rough I guess. -
UN pulls staff out of Somalia Somalia has been wracked by fighting since June The United Nations has pulled out its international staff from parts of Somalia controlled by Islamic fighters, after receiving what it described as "direct written threats". The threats were issued shortly after an Italian nun and her bodyguard were gunned down in the capital, Mogadishu on September 17. The president of Somalia's weak interim administration, Abdullahi Yusuf Ahmed, narrowly escaped a suicide car bombing a day later. Although no-one has claimed responsibility for the attacks, suspicion has fallen on the Islamic militias currently controlling wide swathes of the south and centre of the country, which deny involvement. "Given the insecure environment and the subsequent direct written threats against UN staff, a decision was taken to temporarily relocate all UN international staff members from southern and central Somalia until further notice," the organisation said in a statement. The UN said it had also pulled its global staff out of the autonomous state of Puntland, while all UN missions in Mogadishu had been suspended until further notice. Stability risk No details were given of the nature of the threats, nor the numbers of staff or when they were withdrawn. "The rapid expansion of the influence of the Islamic courts... has posed a serious challenge to the status quo" UN statement on Somalia The organisation said it is assessing the security situation in the country to see when its international staff can return. Operations using Somali staff, meanwhile, are continuing, it said. The UN also warned that the growing power of the Islamic militias, who have seized control of large swathes of the country from US-backed secular warlords in recent months, was posing a risk to the country's stability. "The rapid expansion of the influence of the Islamic courts ... has posed a serious challenge to the status quo, the consequences of which could have serious access and security implications if responded to militarily," the UN report said. It added that it was making contingency plans with other relief agencies to carry on humanitarian work in Somalia "given the possibility of wider conflict, which could pull in neighbouring countries". The Islamic militia group has recently declared a holy war on Ethiopia, after Ethiopian forces reportedly helped Somali soldiers to seize control of a town in southern central Somalia. Meanwhile, a group of clerics in the breakaway republic of Somaliland urged its government on Thursday to apply Islamic sharia law and to stop promoting itself as a secular state, Somaliland's Awdalnews agency reported. Agencies
-
Maxkamadaha oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Q.M Mogadishu 12, Oct.06 ( Sh.M.Network) Maxkamadaha islaamka Somaliyeed ayaa go'aanka Q.M ku tilmaamay mid ka dhan ah horumarka umadda Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in awalba hay'adaha Q.M aanu waxba u qaban jirin shacabka Soomaaliyeed. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha gudiga fulinta Maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inaaneey garan karin ujeedada Q.M ay go'aankaan u soo saartay, isagoo sheegay in Maxkamadaha islaamka ay u arkaan go'aankaasi mid ka soo horjeeda horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinaca amaanka, isla markaana uu yahay dagaal aan la fahmi karin oo lagula jiro Maxkamadaha iyo shacabkooda oo hortaagan. Sheekh Shariif oo wax laga weydiiyay waxa ka jira hanjabaadyo Q.M ay sheegeen in shaqaalahooda ay Maxkamadaha kala kumeen ayuu gaashaanka ku dhuftay arinkaasi, isagoo sheegay in haddii xitaa ay jirto arinkaasi ay aheyd in madaxda Maxkamadaha islaamka ay la socod siiyaan ka hor inta aanu go'aan laga qaadan. Sheekha waxa uu sheegay in wax qabad balaaran aysan hay'adaha samafalka u sameyn shacabka Soomaaliyeed, iyadoo go'aankaasina uu yahay mid aan laga fiirsan oo wax badan keeni doona. Gudoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif oo wax laga weydiiyay arimaha Q.M ay ku sheegtay in dilkii Soora Lionella iyo qaraxyadii Baydhabo ay sababtay in howlahooda Somalia ay si KMG ah u joojiyaan ayaa waxa uu sheegay in dillkii soorada dad loo qabqabtay, walina baaritaan lagu hayo, qaraxyadii Baydhabo ka dhacayna aanu ka dhicin goobo ay maxkamaduhu maamulaan. Dhinaca kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyay warar sheegaya in Maxkamaduhu heleen decuenti sir ah oo Maxkamaduhu heleen oo sheegaya in ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Somalia, 15-20 ka bishaan ay weerar saf balaaran ku soo yihiin magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho ayuu sheegay in maantaba howlahaasi ay maanta ka bilaabeen deegaanada Puntland, ka dib markii ciidamo fara badan ay soo galiyeen magaalada galkacyo, isagoo sheegay in dadka ay kula talinayaan in ay dagaalamaan, puntland na ay diyaarisay ciidamo Ethiopianka kala qeyb qaata howlahaasi. Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha gudiga fulinta Maxkamadaha islaamka ayaa ku soo beegmay xilli maanta Q.M ay sheegtay in si KMG ah shaqaalaheeda caalamiga ah ay ugala baxday gudaha Somalia gaar ahaan meelaha ay maamulaan Maxkamadaha islaamka.
-
Q.M oo si KMG ah shaqaalaheeda ugala baxday meelaha ay maamulaan Maxkamadaha Mogadishu 12, Oct.06 ( Sh.M.Network) Q.M ayaa maanta sheegtay in si KMG ah ay shaqaalaheeda ugala baxday qeybaha ay maxaakimtu ka taliyaan ee dalka Soomaliya ka dib markii ay heleen hanjabaado qoraal ah, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee AP. Sida lagu sheegay warbixinta bil ah ee Q.M ay kaga hadasho xaalada Soomaaliya oo maanta la soo saaray, ka dib markii la dareemay xaalad amaan daro iyo qoraal hanjabaado toos ah oo ka dhan ah shaqaalaha Q.M, waxaa Q.M ay qaadatay go’aan si KM G ah shaqaalaha caalamiga looga saaray koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedka Puntland. Waxay kaloo Q.M joojisay dhamaan howlaha Q.M ee magaalada Muqdishu ilaa amar dambe. Sarkaal ka tirsan Q.M ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in khataraha ay uga yimaadeen maxkamadaha islaamiga. Halisaha amaan daro ayaa soo baxay wax yar ka dib markii sooro Talyaani ah iyo ninkii ilaalada u ahaa lagu dilay magalaada caasimada ee Muqdishu 17-kii bishii hore, iyadoo maalin ka dibna madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo si dirqiya uga badbaday isku day shirqool oo la damacsanaa in lagu qaarijiyo. Wax faahfaahin ah lagama bixin hanjabaadaha iyo tirada shaqaalaha iyo goorta laga daad gureeyey Soomaaliya. Bayaanka ay soo saartay Q.M ayaa lagu sheegay in shaqaalaha caalamiga ay ku soo laabteen Puntland oo ah goob aanay haysan maxaakimta islaamiga oo iyagu hadda gacanta ku haya badi koonfurta Soomaaliya. Inkastoo ay jirto in shaqaalaha laga saaray Soomaaliya, haddana Q.M waxa ay weli fulinaysaa howlaha bani’aadnimada iyadoo loo marayo shaqaalaha Soomaalida. Q.M waxa ay hadda qiimeenaysaa xaalada amaan ee wadanka ay dagaaladu kala gooyeen ee Soomaaliya si loo hubiyo waqtiga ay shaqaalaha caalamiga ku soo laaban karaan wadankaasi. Warbixinat bilaha ee Q.M ayaa sidoo kale lagu sheegay in awooda sii baahaysa ee maxkamadaha ay soo rogtay xaalado khatar ah, waxayna Q.M ka digtay suurtagalnimada dagaal lagu hoobto. Soomaliya horey waxa ay u wajahday xaalad bani’aadnimo oo daran, iyadoo 1.8 milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar sababo la xiriira roobabka oo ku yar gobolka. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
-
NEW YORK: Qarammada Midoobay oo sheegtay inay kala baxeen shaqaalahooda goobaha ay maamulaan Maxkamadaha Posted to the Web Oct 12, 15:48 New York (PP) - War ay soo saartay Qarammada Midoobay ayay ku sheegtay in dhammaan goobaha ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Midoobay ay isaga baxeen shaqaalaheeda si ku meel gaar ah. Warkaan oo ka soo baxay xarunta Qarammada Midoobay ayaa lagu sheegay in hanjabaadyo aad u fara badan oo loogu sheegayo in la dili doono ay heleen, taasna ay keentay inay isaga baxaan goobaha ay Maxkamaduhu ka taliyaan. Qarammada Midoobay ayaa waxay sheegtay inay wadayso howlaha bani'aadamnimo ee ay ka wadaan goobaha ay Maxkamaduhu madaxda ka yihiin, waxaana ay sheegeen inaysan joojinayn marnaba howlaha ay u qabanayaan shacabka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka bani'aadamnimo. Sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee AP balse magaciisa qariyay ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay hanjabaaduhu kaga yimaadeen dhanka Maxkamadaha Midoobay, waxaana uu sheegay sarkaalkaas in hanjabaaduhu ay ahaayeen kuwo si toos ah uga soo baxayay madaxda sarsare ee Maxkamadaha qaarkood, inkastoo uusan carrabka ku dhufan kuwa ay yihiin. Wuxuu sarkaalkaan sheegay in hanjabaadyada ay yihiin kuwo lagu sheegya in lagu dili doono shaqaalaha shisheeyaha ah ee Qarammada Midoobay, waxaana uu sheegay in hanjabaadyadaan ay qayb ka ahaayeen dilkii Sooradii Talyaaniga ahayd ee lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho, isla markaana ay cabsida sii xoogeysay qaraxii lala beegsaday Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo 18-kii bishii hore ka dhacay Magaalada Baydhabo. Ma jiraan wax war ah oo ku saabsan go'aanka ay qaadatay Qarammada Midoobay oo ka soo baxay dhanka Maxkamadaha Midoobay, waxaase jira in lagu wado in Maxkamaduhu ay ka soo saaraan go'aan hadalkaan ka soo baxay xafiiska Qarammada Midoobay ee New York. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Qaramada Midoobay oo Shaqaalaheeda kala baxday deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamiga Last Updated::2006-10-12 16:07:06 Nairobi:- Qoraal maanta oo Khamiis ah kasoo baxay Xafiiska UN/ta ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay dhamaan shaqaalaheeda Ajnabiga ah kala soo baxday deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamiga ah. Tilaabadan ayaa lagu xusay warbixinta Bisha ee Qaramada Midoobay oo maanta lasoo saaray. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha Ajanabiga ah ee ku sugnaa magaalooyinka ay joogaan maleeshiyooyinka Maxkamadaha in halkaasi laga daadgureeyey. Warbixintan maanta soo baxday ayaa lagu sheegay in arrintan ay la xariirto dhinaca Amniga. Mid kamid ah Shaqaalaha QM ee xafiiska Nairobi oo war siiyey Wakaalada Wararka ee Assotiated Press ayaa sheegay in hanjabaad ay shaqaalaha Ajnabiga ah uga timid dhinaca Maxkamadaha magaalada Muqdisho, waa suu hadalka u dhigayee. Ninkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in ay horey u jireen qoraal lasoo gaarsiiyey Xafiiska Nairobi oo loogu hanjabayo shaqaalaha Ajnabiga ah in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya. Muqdisho Warbixinta sida rasmiga ah uga soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in la joojiyey hawlihii hay´adaha UN/ta ee magaalada Muqdisho si kumeel gaar ah, illaa iyo amar danbe. Dhamaan shaqaalaha ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa la go´aamiyey in laga saaro dalka sida ku qoran warbixintan. Hanjabaadyo Hore Waxaa horey u jiray qoraalo hanjabaad ah oo loo diray Xafiiska QM ee Nairobi, ayadoo ay taasi keentay in bishii lasoo dhaafay bartamaheedii ay QM shaqaalaheeda kala baxdo deegaanada Puntland. Arrintaasi oo ay si caro leh uga jawaabay maamulka Puntland, ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey raali gelin ka timid Qaramada Midoobay iyo in shaqaalaha dib loo soo celiyo. Macada in go´aankan cusub ee ku jihaysan Muqdisho iyo gobalada dhexe ay la xariirto hanjabaadyadii hore ama in ay tahay mid cusub. Ahmed Musse HorseedNet.com
-
Kismayu: Courts fail in Beerxani, Hiiraale build up continues..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cabsi xooggan oo laga qabo dagaallo ka qarxa Degaanka Beerxaanno ee duleedka Kismaayo Last Updated::2006-10-11 13:26:43 Kismaayo:- Wararka naga soo gaaraya saaka kismaayo ayaa ku soo waramaya in Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ee ku sugan Kismaayo ay ciidamo horleh u direen degmada Beerxaanno sida uu sheegay Masuulka Amniga iyo Nabadgelyada u qaabilsan Maxkamadaha ee C/llaahi Warsame Ejka. C/llaahi Warsame Ejka ayaa sheegay in tallaabo milatari ay ka qaadayaan haraadiga maleeshiyaad taabacsan maamulkii bur buray ee dooxada Jubba oo haatan isku uruursanaya deegaanka Beerxaano ee duleedka magaalada Kismaayo, isagoo xusay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada maleeshiyaadkaasi ay ka wadaan deegaankaasi. Maleeshiyaad fara badan oo ka tirsanaan jiray maamulkii isbahaysiga dooxada Jubba ee bur buray ayaa maalmihii laga soo gudbay isku uruursanayay deegaanka Beerxaano si ay uga qeyb qaataan dagaal rogaal celis ah oo maamulkii hore uu dib ugu qabsanayo gobollada Jubooyinka. C/llaahi Ejka oo saxaafada la hadlayay ayaa tilmaamay in uu bur buray dadaalo ay wadeen qaar ka mid ah waxgaradka ay isku heybta yihiin kooxaha ku sugan Beerxaano isagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah odayaal dhaqameedyada in aaney daacad ka aheen hub ka dhigista maleeshiyaadkaasi ka soo haray maamulkii bur buray ee Dooxada Jubba. [...Ciidamo ayaan u dirnay deegaanka Beerxaano si ay tallaabo uga qaadaan maleeshiyaadkaasi isku uruursanaya deegaankaasi oo dhibaato weyn ku ah nabada gobolka...] ayuu yiri C/llaahi Ejka oo dhaliilay qaar ka mid ah waxgarad ay isku heyb yihiin maleeshiyaadkaasi oo doonayay in ay degaan masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga ee qabsaday Jubooyinka. HorseedNet.com -
Kismayu: Courts fail in Beerxani, Hiiraale build up continues..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
latest in Kismayu: Gedonet -
Kismayu: Courts fail in Beerxani, Hiiraale build up continues..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Beerxaani : Dagaal galinkii danbe ee shalay ka dahcay deegaanka Beerxaani. Khamiis, October 12, 2006 Beerxaani (AllPuntland)- Saraakiil ka tirsan ciidamda Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in habeennimadii xalay degaanka Beer xaani uu dagaal ka dhacay kaasoo dhex maray maxkamadaha magaalada Muqdisho iyo ciidamo taageersan Col. Barre Hiiraale. Saraakiishani ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in dagaalkaasi kaga dhaawacmeen dad gaaraya 3 ka mid ah ciidamdooda ku sugnaa deegaankaasi Beerxaani. Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in looga awood roonaaday ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ee duulaanka ku aadan deegaankaasi Beerxaani. Arrintani ayaa waxa ay soo baxaysaa iyada oo maxkamadaha magaalada Muqdisho ay shaaca ka qaadeen in deegaankaasi Beerxaani ay tageen kuna soo arki waayeen wax ciidamo ah oo halkaasi ku sugan. Isku soo wada duuboo lama oga inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray dhanka ciidamada maxkamadaha, inkasta oo ciidamada maxkamaduhu ay dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo, taasoo siyaabo kala duwan loo macneeyay. M. J. Koronto AllPuntland -
Maxkamadaha Gobalada Jubooyinka Oo Ku Hungoobay Duullaankii Dagaal ee ay Ku Qaadeen Beer-xaano, Dibna Ugu soo Laabtay Kismaayo. Posted to the Web Oct 12, 07:05 Kismaayo-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamadii maxaakimta ee shalay weeraray deegaanka Beer-xaano oo ay abaabul dagaal ka wadaan ciidamo ka tirsan isbahaysigii D/jubba ay dib ugusoo laabteen magaalada. Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ay ciidamada maxaakimta jubooyinka ay kusoo hungoobeen weerarkooda oo aanu wax dagaal ah ka dhicin deegaanka Beer-xaano. Afhayeen u hadlay golaha maxkamadaha islaamiga ee Jubooyinka ayaa isna qiray in ay tageen Beer-xaano balse aysan cidna kusoo arag sidaa aawadeedna ay isaga soo laabteen. Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamadii Beer-xaano ku sugnaa ee abaabulka dagaal ka wada ay haatan ku sugan yihiin galbeedka isla deegaanka Beer-xaano, iyagoona wali ku guda jira sidii ay duullaan xooggan ugusoo qaadi lahaayeen Kismaayo oo ay golaha maxaakimta gacanta ku dhigeen 25-kii September. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho
-
^^^I dont dine with foreign Females..
-
2. Major General Duke at your service. Political propogansist. Ready to dish dirt on those Ethiopian evil doers. To my advantage and that of the Somali people I have read Futuh-Al Habasha...
-
am sure you love the death of Sh. Shariif and Sh. Daahir Aweys Never. That would be a sad day, they are Somali leaders after all. Thats not my wish at all. I might disagree with their aims, but I respect them allot. your detectable hatred for reer hebel, Actually I love the clan of, Aways, Aydeed, Furux/ More than you can imagine. I hate the actions of a few. We must all go against opression. I never met people better than members of this clan which you sometimes use to justify them as terrorists? No, I tend to avoid the Somali attribute of giving titles, Dr, Prof, Shiekh, Gen, so on. I never ever called any Somali terrorist let alone these men.
-
Somaliland iyo puntland oo Noqday labo mamul oo ka tiirsan ETHIOPIA kiliil 6 iyo kiliil 7 Warkii 11-Oct-2006 iyo Qormadii: Abdirizak A.Kaneec Shaki kuma jiro in Riyaale Kaahin iyo Cadde Muuse ku mashquulsan yihiin qaabkii ay uga hortagi lahaayeen doonitaanka xalaasha ah ee ay ka hortaagan yihiin walaalaha waqooyi iyo bari ku nool oo doonaya inay la midoobaan Dadka ay isku jinsiga, Diinta iyo Dhaqanka yihiin ee ku abtirsan jirey MAXA LAGUDBON SHACABKA WALAALAH EE LA KALA DIILAY Gudaha maamul goboleedyada kabo qaadka u ah addis-ababa waxaa ka socda olole baaxad weyn kaasoo si sharaf leh isaga fiiqaya diir iyo maqaar beena oo 16sano ku abtirsanayey "haddii aan nahay reer Somaliland ama reer Puntland" balse dhinaca kale muwaadiniintii Soomaaliyeed ee qadiyadda qabiil lagu soo ooday meel cidla ah soo istaajiyey una dheer tahay in dakhligii iyo wixii raasamaal ay lahaayeen lagu biilo tigreega cudurka iyo cadaawadda dalka u soo dhoofiyey. Afgambi lagu suubiyo Riyaale Kaahin iyo Cadde Muuse waa mid ka macno dhigaya in la hirgaliyo 2 qodob oo muhiim ah: 1. IN LAGA BAXO DULIGA + DAXALKA ITOOBIYAANKA OO FARO KULUL KU HAYA GUUD AHAAN SOOMAALI BALSE SI GAAR AHAANEED KA DUULA HARGEYSA IYO BOOSAASO/GAROOWE OO U AH XARUMAHA AY KU UGAADHSADAAN JINSIGA SOOMAALI. TUSAALE AHAAN CAJALADDII JIR DILKA EE XABSIYADA HARGEYSA LAGA SOO DUUBAY IYO kuwii laga qabtay boosaso ,galkacayo ee tiigreega lagu qancinayeye WALIBA KUWO KA DARAN OO AAN WALI SOO BIXIN BAA KA MARKHAATI KACAYA 2. QODOBKA KALE EE UGU MUHIIMSAN SABABNA U NOQONAYA IN LA AFGAMBIYO KABO QAADKA TIGREEGA WAA TIIRKA LA XIRIIRA IN XIRIIR GANACSI IYO MID DHAQAALE OO DHINAC WALBA LEH DHEX MARI DOONO MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED EE WAQOOYI IYO BARI KU NOOL. WAXAA AY KA BIXI DOONAAN CUNAQABATEYNTA LAGU SOO ROGAY EE KU SOO KOOBTAY DEGAANO GO'DOON AH OO AAN MACAAMIL LA LAHAYN SOOMAALIDDA KALE. WAXAA NAGU FILAN XAYIRAADDA XAGGA DHULKA IYO CIRKA EE KA DHANKA AH DADWEYNAHA SOOMAALIYEED EE KU NOOL KILILKA RIYAALE IYO CADDE INAAN KU QUUS QAADANNO Sheekh Max'ed Ismaciil oo ku xiran xabsiyada mamulka la magic baxay ee Somaliland ayaa sida ku cad cajalad laga soo duubay Sheekha waxaa loo geeystay jirdil ka baxsan bani'aadnimada, Gabar uu dhalay wadaadka la yiraahdo Seekh Max'ed Ismaciil ayaa ka deyrisay xaaladda aabaheed oo ay xabsiga ku jir dileen booliska Somaliland, iyadoo xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo ka soo Wadaad ka ayaa dadka bari jiray diinta Islaamka iyo sunada Nabigeenii udgoonaa, ayaa waxaa jir dib fool xun loogu geystay xabsiga Hargeysa. Sida laga daawaday cajalad sir ah oo laga soo duubay xili wadaadka ay qoolal iyo biro ku garaacayeen niman ka tirsan maamulka Hargeysa ee qabqable Daahir Riyaale waxaa ciqaab aan yareyn loogeystay Sheekhan. Sheekh Max'ed Ismaaciil ayaa wuxuu Daahir Riyaale ku soo eedeeyey inuu wax ka sheegay dowlada Itoobiya oo uu maamulka Daahir Riyaale aaminsan yahay inay saaxiibo aad isugu dhaw yihiin. Maamulka Daahir Riyaale ee Hargeysa ayaa wuxuu ku caan baxay ku xadgudubka xuquuqda aadamiga iyadoo adeegsata tabo ciqaabeed oo ka mamnuuc ah dunida caalamka maanta. Cajaladan sirta ah ayaa muujineysa xadgudubyada uu ku kaco maamulka Daahir Riyaale isagoo wadaadada dadka bara diinta Alle uu bartilmaameedsanayo si uu u raaligaliyo taliska Addis Ababa. Arinta wadaad gaadka iyo Sheekh u gaarsiga ah ayaa horaan waxaa eedey qabqablayaashi Koonfurta Soomaaliya iyadoo abaalkeedi aduunka loogu keenay tii aaqirana ay u dhiman tahay. arintan markay soo baxday aaya waxaa mamulka labaxay Somaliland ka codsaday dad aad looga ixtiraamo hargaisa in ay soo daayaan Sheekhaasi. Amaal Sheekh Max'ed Ismaciil maxay ka tiri xariga aabaheed Amaal Sheekh Max'ed Ismaciil oo ah gabar uu dhalay wadaadka u xiran maamulka Daahir Riyaale ayaa waxa ay walaac ka muujisay xaaladda Aaabaheed oo website yada laga daawaday filim laga duubay jirdil booliska Somaliland ay u geysanayaan isagoo ku jirta xabsi ku yaala magaalada Hargeysa. Amaal Sheekh Max'ed Ismaciil oo Muqdisho ku nool waxa ay sheegtay in ka sokoow aaminsanaantiisa kitaabka quraanka oo baheed tafsiir uu ka jeedin jirey goobo ku yaala magaalada hargeysa iyo wacdiyo in loo xirey in ay jirto awood sheegasho aan ka marneyn habka xarigiisa ay sheegtay in jirdilka lagula kacay ay muujineyso. Jirdilka lagula kacay iyadoo murugo ka muujineysa maqalka su'aalaha aabaheed ee booliska Somaliland weydiinayaan ay ku jirto waxyaabaha uu ka aaminsan yahay Ethiopia iyo Mareykanka ayaa Amaal waxa ay ku ooysay in loo baahan yahay in la sii daayo aabaheed oo xaqdarro ugu xiran maamulka Somaliland. Amaal waxa ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in aabaheed uu waayo xukun cadaalad ah, iyadoo sheegtay in aabaheed loo xirey alle ka cabsigiisa, iyadoo ka codsaday ururada bulshada iyo xuquuqda aadanaha in ay arkaan tacadiga maamulka Riyaale uu u geysanayo culuma udiinka. Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay hadii aabaheed Maxkamad la soo taagayo in la helo qareeno madax banaan oo arinkiisa ay arkaan. Xildhibaan Cabdalle Xaaji Cali oo ka soo jeeda beelaha W/galbeed Somalia kana mid ah Baarlamanka Somalia ayaa waxa uu ka hadlay xarigga iyo jirdilka lagu hayo Sheekh max'ed oo uu sheegay in ay tahay mid aan laga hari doonin hab dhaqanka maamulkaasi uu ku hayo culuma udiinka, isagoo sheegay in taasi uu ku doonayo aqoonsi iyo saaxiibtinimo uu ka helo dalalka reer galbeedka ee qabo saska argagagixisada. Xidlhibaanka ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay dib u dhaca doorashooyinka dowladaha hoose iyo dastuurka maamulka Somaliland in lagu soo daray mamnuucista xisbiyo diimeed in laga furo dhulka Somaliland. UGU DANBAYINTII OGAYSIIS Waxanu dadweynah ku nool labada mamul ee Somaliland iyo puntland warkan kor ku qoran fakarkiinana ku soo diira si aanu u so bandhiigno FADLAN CAYDA IYO AFLAGADADU WAY REEBANTAHY KU SO HAKAAJI WWW.AFNUGAAL@GMAIL.COM WWW.INFO@AFNUGAAL.COM WWW.CALIYARE75@HOTMAIL.COM