General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^ The agenda of the ignorant.. No need to take some here seriously they are just blowing with the wind. But the source of the story is well known Shabbele, i.e. the mouth piece of the gangsters and occupeirs of lower shabbele..
  2. Afhayeenka waxa uu soo dhaweeyay in wada hadal nabadeed uu dhex maro golaha maxkamadaha islaamka iyo waliba dadka reer Puntland, isagoo ku eedeeyay maamulka Puntland in si qaldan uu u fahamsiiyay shacbigiisa golaha maxkamadaha islaamka ee walaalahooda. "I love it when a plan comes together" dave chappell.. In the minds of the slow, Cade Muse, X.D.Af-Qurac, A/Yusuf, Xabsade, Xasan Abshir Farax want to dumb toxic waste in their home state of Puntland killing their people.. While Xasan Dahir Aways,A/Qasin,Galaal, IndaCade,Sharif Ahmed, Seeraar, Goobanle want to save the poor folks in Puantlan
  3. Mogadishu 16, Oct.06 ( Sh.M.Network) Shirkadaha shirsheeye ee maamul goboleedka Puntland uu dhowaan kula soo heshiiyay shidaal baarista ayaa lagu eedeeyay in ay damacsan yihiin in ay sun ku aasaan deegaanada ay shidaalka ka baarayaan ee Puntland. C/naasir Guure Faarax,..who??? Afhayeenka xisbiga Ramaas Political C/naasir Guure Faarax Jeer oo ah afhayeenka Xisbiga Ramas Political Party ....based where???? ayaa waxa uu sheegay in baaritaan fara badan, ka dib ay soo xaqiijiyeen in shirkadaha heshiiska la galay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse ay doonayaan in ay ka baaraan shidaal ay yihiin kuwo aan sharci aheyn oo burcad ah oo doonaya in ay sun ku aasaan gobolada Puntland. Afhayeenka waxa uu sheegay in shirkadahaasi ay yihiin kuwo ku caan baxay meelaha ay tagaan in ay sameeyaan sun iyo waliba in ay dhacaan qeyraadka dalka uu leeyahay. Waxa uu sheegay in xiriiro kala duwan ay la sameeyeen dadka iska leh shirkadahaasi, isagoo sheegay in aysan ka diwaan gashaneyn dalalka ay hadda sheeganayaan oo ay yihiin kuwo iska socda oo aan meelna laga aqoon. " Waanu ka soo horjeednaa heshiiska Cadde Muuse uu la galay shirkadahaasi" ayuu ku celceliyay afhayeenka...so what? Mr. C/naasir waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse in uu lacago horumaris ah oo gaareysa ilaa 5 milyan oo doollar uu ka qaatay shirkadahaasi si ay uga howl-galaan gobolada Puntland. Waxa uu ugu baaqay dadka deegaanada Puntland in ay ka soo horjeestaan oo ay deegaanadooda u diidaan in lagu dhibaateeyo oo lagu shubo sun. Afhayeenka waxa uu soo dhaweeyay in wada hadal nabadeed uu dhex maro golaha maxkamadaha islaamka iyo waliba dadka reer Puntland, isagoo ku eedeeyay maamulka Puntland in si qaldan uu u fahamsiiyay shacbigiisa golaha maxkamadaha islaamka ee walaalahooda.
  4. Dear All, not long ago Yusuf Garad made up the infamous story about lesbians in Bossaso. That story was proven to be untrue and without merit. Today his group are inventing stories about toxic waste dumb projects in Punttland. This also will e proven to be false insha Allah. Wednesday, February 21, 2001 - 04:21 am -------------------------------------------------------------------------------- Lesbians sentenced to death in Somalia for unnatural behaviour' MOGADISHU Two lesbians who passed themselves off as husband and wife have been sentenced to death by a court in Somalia's northeast port city of Bossasso, the Qaran daily newspaper reported yesterday. The two, whose names have been withheld by the court, were convicted of "exercising unnatural behaviour", the paper said. The pair were tried under Somali criminal punishment law, which is loosely based on Islamic Sharia law. Bossasso is located in Puntland, a region that declared itself autonomous from Somalia in August 1998 and has since set up its own administrative infrastructure. Capital sentences have rarely been carried out in Puntland. When they are, a firing squad is used. Sapa-AFP.
  5. ^^^Its a made up story. Remember Paragon used to talk about a war, what happened? There is and was no war. Now he talks about Toxic waste, another lame excuse.. Also to Xoogsade, there are no toxic dumbs in Bossaso and Garowe and A/Yuusf did not take part in any such activities. But alas you cover up the drug farms of Inda cade and co, and make up stories.. Like Yusuf Garad;s lesbians in Bossaso story..
  6. lol. That was the funniest thing I ever heard, the oil companies are going to bury toxic waste. Who brought this information? A persona non grata like Paragon. Without any evidance the whole thing has been turned into a conspiracy to kill the people of Nugaal. The fact that Shabbele radio reported this, must make it true. Since they love the people of Puntland who they refer to as Ethiopians. Its a sign of desperation on the part of those against the state.
  7. Maamulka Gobolka Bay oo soo afjaray xiisado soo kala dhex galay Aadan Saransoor iyo General Cali Madoobe Baydhabo, Maamulka Gobolka Bay ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan buuq aan sidaas u weynaynoo xalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta dowladda FS,kadib markii maleeshiyaad ka amar qaata Aadan Saransoor ay soo buuxiyeen ilinka hore ee Daarta magaalada Baydhabo uu ka degan yahay General Cali Madoobe. Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Baydhabo ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib ay isla garteen maleeshiyaadkii Saransoor ay kasoo baxaan deegaankii ay tageen,inkastoo wax war ah uusan kasoo bixin dhanka Generla Cali Madoobe oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda FS. Shiino Macallim Max'ud oo kamid ah maamulka gobolka Bay ayaa tibaaxay in maleeshiyaadka Aadan Saransoor iyo kuwo Cali Madoobe ay isku hor fadhiyeen banaanka hore ee guriga Generaalka oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo,waxaana maamulka Gobolka Bay uu sheegay in xiriiro kala duwan ay la sameeyeen labada dhinac. Xaaladda magalaada Baydhabo ayaa saakay degan,inkastoo wali xaaladii u dhaxeysa labada dhinac si rasmi ah aan loo qaboojin,arrinta kasoo cusboonaatay Baydhabo ayaa lala xiriirinayaa dhacdadii ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 7 kamid ah maleeshiyaadkii deegaanka markii Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen Air Porka. Arintaan ayaa horay waxaa loogu saaray guddi uu madax ka yahay R/wasaare Cali Max'ed Geedi waxaana malayshiyaadkaas shalay lagu qanciyey in dhawraan heshiiskii horay loo gaaray taasi oo khasabtay inay meesha ka tagaan. Dhanka kale wararka aanu ka helay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuusan shaqo ku lahayn oo uusan arintan ka danbayn Adan Saransoor. Si kastaba ha ahaatee arita ayaa hadda u muuqata mid degan oo, waxaa magaalada Baydhabo u muuqataa mid degan oo shaqadedu caadi u kala socoto. Jibriil Nuur Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya
  8. Weerar lagu qaaday maleeshiyooyinka Maxkamadaha ee Jilib ku sugan oo ay dad ku dhinteen Last Updated::2006-10-16 12:36:31 Jilib:- Dabley hubeysan ayaa rasaas la beegsaday qaar kamid ah maleeshiyooyinka Maxkamadaha ee ku sugan degmada Jilib ee G/J/Dhexe. Labo ruux ayaa ku geeriyootay isku dhacaan ayadoo hal qof kalena uu dhaawacmay. Iska horimaadkan ayaa dhacay kadib markii ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha isku dayaan in ay hubka ka dhigaan koox hubeysan oo ku sugnaa gudaha magaalada Jilib. Dhinaca Maxaakiimta ayaa sheegay in ay kooxda hubeysan rabeen in ay isbaaro dhigtaan. Rasaasta la isweydaarsaday ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah Maxaakiimta iyo mid kamid ah kooxda hubeysan. Iska horimaadka ayaa joogsaday kadib markii ay kooxdii hubeysnaa halkaasi isaga baxeen, waxaana la sheegay in sidoo kale uu hal qof oo rayid ah ku dhaawacmay tacshiiradii halkaasi ka dhacday. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  9. LOL. That news is hyped up. As usual. What happened to all the Ethiopians in the city, why did they not stop this happening? Gen.Cali Madoobe oo Baydhabo soo gaaray Last Updated::2006-10-16 12:28:03 Baydhabo:- Taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed Cali Xasan Looyaan (Cali Madoobe) ayaa shalay galab soo gaaray magaalada Baydhabo. Jenanka ayaa in muddo ah ku maqnaa dalka Kenya, tan iyo intii uu iska horimaad ku dhexmaray ciidamada Booliiska iyo maleeshiyooyinka deegaanka 4tii bishii September Airporka Magaalada Baydhabo. Iska horimaadkaasi oo ay ku dhiteen 7 ruux ayey eedeeda dusha uga tuureen qaar kamid ah mas'uuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle Taliyaha ciidamada Booliiska. Xiisadaasi oo in muddo ah lagu jirey xalinteeda, ayaa waxaa lagu go'aamiyey in ciidamada maleeshiyada ee lagu dilay Airporka Baydhabo la bixiyo magtooda, isla mar ahaantaana amaanka Airporka lagu wareejiyo Booliiska kasoo jeeda deegaanka. Taliyaha Booliiska ayaa asagu shalay dib ugu soo noqday, ayadoo horey loo sheegay inuu magaalada Baydhabo uga baxay arrimo la xariira amnigiisa. Maleeshiyooyin kamid ah kuwii horey ugu sugnaan jiray Airporka ee ka amar qaata Wasiirka gaadiidka Maxamed Xaabsade ayaa ayagu shalay bilaabay shaqaaqooyin ay uga cabanayaan imaanshaha Taliyaha ee magaalada Baydhabo. Arrintaasi ayaa hada weli degen ayadoo ay socdaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisadan si uusan mardanbe dhiig u daadan. Hussein Farah HorseedNet.com
  10. Saraakiisha Barre Hiiraale oo sheegay in ay ka go'an tahay dib u qabsashada Kismayo Baardheere 16, Oct.06 ( Sh.M.Network) Saraakiisha horkaceysa Ciidamada Barre Hiiraale oo gaaray qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka sida ay sheegteen ayaa ka dhawaajiyay in ay ka go'an tahay weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo. Max'ed Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha horkaceysa ciidamada wasiirka G/dhigga Barre Hiiraale oo Shabelle u waramay xalay ayaa waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay in ay tagaan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka. Kaliil oo ah taliyaha ciidamada degmada Ceelwaaq ayaa waxa uu sheegay in ciidamo dheeraad ah ay u direen deegaanka Beer-xaano oo uu sheegay in iminka ay fariisin KMG ah ay u tahay ciidamadooda. Mar wax laga weydiiyay in ciidamo Ethiopian ah ay la socdaan ciidamadooda ayaa waxa uu sheegay in aaney wax dhibaato ah ku jirin xitaa hadii ay la socdaan ciidamo Ethiopian ah, balse iminka aaneey la socon Waxa uu sheegay in ay duulaankooda uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo oo haatan ay maamulaan maxkamadaha islaamka oo kal hore ka fara maroogsaday Col. Barre Hiiraale
  11. DIINSOOR: Cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka oo maata gaaray Degmada Diinsoor Posted to the Web Oct 15, 18:39 Diinsoor (PP) - Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo wata in ku dhow 20-gawaarida dagaaalka ah ayaa maanta gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, iyagoo halkaas ku soo sameeyay indho-indheyn. Ciidammada Gaaray Diinsoor ayaa waxaa la sheegay inay u kuurgaleen xaaladda ammaan ee degmada Diinsoor oo xad la leh Gobolka Shabeellada Hoose halkaasoo ay ku sugan yihiin Maxkamadaha Midoobay dabley ka amarqaadata. Waxaa la sheegay in socdaalka ciidammada qalabka sida uu ahaa mid sahan ah, waxaana dhowr jeer oo hore ay ku tageen sahammo noocan oo kale ah deegaanno ka tirsan Gobolka Bay sida Degmada -dheere iyo Degmada Buur-hakaba oo labaduba ka tirsan Gobolka Bay. Dowladda Federaalka ayaa waxay ka dhigatay degmada Baydhabo ee Gobolka Bay fariisin KMG-ah tan iyo sida ay markii horeba sheegeen inta laga nabadeynayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay xilligaa gacanta ku hayeen hoggaamiyeyaashii dagaalka ee laga eryay Magaalada Muqdisho. Wararka ka yimaada qaybaha kale ee dowladda ka soo horjeeda ayaa waxay sheegaan inta badan in ciidammada Dowladda ay wehliyaan kuwo Ethiopian ah inkastoo ay madaxda Dowladda Inkiraan sheegashadaas oo ay ku tilmaamaan inay tahay mid la mala awaalay. Maxamed Xuseen Jantiile wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandposmog@hotmail.com
  12. BU'AALE: Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee maamulkii Barre oo bilaabay inuu urursado Malleeshiyooyin Posted to the Web Oct 16, 10:20 Bu'aale (PP) – Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee Magaalo madaxda Gobolka Jubbada Dhexe Ducaale Ganaane ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay urursiga Malleeshiyooyin uu ku biiriyo kuwa Barre Hiiraale oo damacsan inay dib ula wareegaan maamulka Gobollada Jubbooyinka. Ducaale Ganaane oo ay si weyn isugu dhawaayeen xagga fikirka Col. Barre Hiiraale oo laga eryay Gobollada Jubbooyinka ayaa billaabay isagoo ku sugan degmada Bu'aale inuu urursado Malleeshiyooyin isaga ka amarqaata oo ku biira kuwa Col. Barre Hiiraale. Guddoomiyaha Degmada Bu'aale intii uu jiray maamulkii Col. Barre Hiiraale intii uu xoogga ku haystay Gobollada Jubbooyinka ayaa la sheegay inuu goostay inuu ku biiro gulufka kacdoon ee uu wado Col. Barre Hiiraale, waxaana lagu soo warramayaa in goobta uu ciidammada ka urursanayo ay ku sugan yihiin Maxkamadaha. Arrintaan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo si toos ah uu uga soo horjeesto ruux ka tirsan maamulkii la shaqeyn jiray Col. Barre Hiiraale Maxkamadaha, waxaana la sheegay inuu ka baqay inay Maxkamaduhu ka eryaan deegaanka uu Madaxda ka ahaa sida ku dhacday Guddoomiyihii Degmada Jilib ee isla Gobolka Jubbada dhexe. C/llaahi Macallin Xuseen oo ahaa guddoomiyihii Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe oo xabsiga laga sii daayay dhawaan ayaa lagu amray inuu isaga baxo Degmada oo uu deegaan ahaa u degenaa, waxaana qasab ku noqday inuu isaga baxo degmada, taasoo la sheegay inay cabsi ku keentay xubnihii la shaqeyn jiray maamulladii hore. Isku soo wada duuboo Gobolka Jubbada dhexe ayaa ah goobta ugu weyn ee ay isaga soo horjeedaan Malleeshiyooyinka Maxkamadaha iyo kuwa Barre Hiiraale lagana cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal kii ugu xoogga badnaa ee dhex mara labada dhinac oo isku haysta gacan ku haytan Gobollada Jubbooyinka. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntladnpostmog@hotmail.com
  13. Ciidamo Dowladda Federaalka K/meel gaarka oo gaaray Degmada Diinsoor Last Updated::2006-10-16 12:20:53 Diinsoor:- Ciidamada DFGM oo wata ilaa 20 gaari oo tikniko ah ayaa shalay gelinkii danbe gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay iyaga oo ilaa hada la garaneyn in u gudbi doonaan Kismaayo iyo in kale. Ciidammada Gaaray Diinsoor ayaa waxaa wata Saraakiil ku dhashay degmada Diinsoor iyaga oo sida lagu wado taageero siin doona Col.Bare Hiiraale oo Maleeshiyo daacad u ah ay ku sugan Yihiin Saakoow. Xaalada Jubooyinka ayaa iminka kacsan iyada oo Maxaakimta Islaamiga ay ciidamo ku soo daabulayaan Agagaaarka Saakow halkaas oo ay difaac Adag Uga Jiraan. HorseedNet.com
  14. The police chief is by far the most effective member of the national security forces and of the whole government. I tried to get some info on this story but so far nothing more than that..
  15. what ever uu sameeyo..ulajeedadu waxey tahay in uu wadanka nabadeeyo maxkamedna soo saaro dadki wabiga iyo maasaajidka canshuurta ka qadayay.. hadana shaati kale gashatay... lol.....
  16. Baydhabo: C/raxmaan Diinaari oo sheegay in booqashada madaxwaynaha ay la xiriirto arrimo ku aadan sidii uu madaxda IGAD ugala hadli lahaa xaaladda dalka. Axad, October 15, 2006 Print This Article | Daabaco warkaan Baydhabo (AllPuntland)- Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Nuur Diinaari ayaa waxa uu shaaca ka qaday in booqashada madaxwaynaha dawladda Soomaaliya uu ku tagay dalka Itoobiya ay la xiriirto sidii uu madaxda wadamda IGAD ugala Soo hadli lahaa arrimo ku aadan xaaladda haatan dalku uu marayo. Mr. Diinaari ayaa waxa uu sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu casumaad ka helay ra`iisul wasaraha dalka Itoobiya Atto` Malez sanawi. Afhayeenka xukuumadda ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda wadanka Ittoobiya ay saaxiib la tahay wadanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in xukuumadda Addis ababa ay difaacayso dalka iyo dawladda Soomaaliya. Diinaari ayaa waxa uu cadeeyay in ay dalka Soomaaliya joogaan ciidamo ka socda wadanka Itoobiya oo gacan siiya xukuumadda Soomaaliya, isaga oo intaasi raaciyay in ay jiraan ciidamo ajnabi ah oo ka garab dagaalama maxkamadaha magaalada Muqdisho. Waxa uu intaasi raaciyay in golaha xukuumadda Soomaaliya ay maalinnimada birrito ah ay kulan ku qaadan doonaan kaasoo ay uga wada hadlayaan arrimo ku aadan sidii loo dhamaystiri lahaa wasaradaha dawladda Soomaaliya. M. J. Koronto AllPuntland
  17. Wiilo, you dont even know what a governemnt is. Ethiopia you say, I rememebr the whole process was one that everyone agreed upon, including Shiekh Abdiqasin, Cadow and when they lost the election it became an Ethiopian porcess?? Dont put your views down our throats sister.
  18. MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF OO LA KULMAYA DANJIRAHA CUSUB EE MARAYKANKA U FADHIYA ITOOBIYA Abdikarim Ibr. Aadan E-mail: ampacalin@hotmail.com Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayay wararku sheegayaan in saacadaha soo socda marka uu soo gaba gaboobo kulanka Golaha Amaanka Qaarada Afrika ee xaruntooda Addis uga socda uu la kulmi doono Danjiraha cusub oo ay dowladda Maraykanka u soo magacawday dalka itoobiya ayna hoos imaanayaan safiirada dalalka Geeska Afrika oo dhan, laguna magacaabo Ambasador Yamamoto. Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in uu danjirahan cusub ay horey ugu kulmeen magaalada New york markaasoo uu ahaa Mr. Yamamoto kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan Qaarada Afrika, waxaana la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimaha dalka Soomaaliya iyo xoogaga Maxaakiimta islaamiga ee ay isku hayaan siyaasad ahaan dalka Soomaaliya.
  19. Madaxweyne Yuusuf Addis abab kulamo kula leh Madaxda Midowga Africa. Addis abab, Xafladii loo dhigayay Sanad guuradii 2aad ee kasoo wareegatay Caleema saarkii Madaxweynaha Dowladda FS C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay la baajiyay kadib markii Madaxweynaha uu lasoo gudboonaaday safar deg deg ah oo ugu kicitimay dalka Ethiopia. Sida lagasoo xigtay Xafiiska Madaxwtooyada waxa socdaalka Madaxweynaha uu ka danbeeyay casuumaad uu ka helay qaar kamid ah Masuuliyiinta Midowga Africa iyo Xukuumadda R/wasaare Melez Zenawi,si loogala hadlo xaaladaha kusoo kordhay Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in magaalada Adis Ababa uu kula kumo Guddoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabad galyada Midowga Africa Saciid Djinat,isagoo kala hadli doona sidoo dowladda FS ay ku heli laheyd ciidamo shisheeye oo soo gala dalka Soomaaliya. Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu ula jeedkiisu yahay sidii ciidamo ka socda IGAD ay kusoo gali lahayeen dalka Soomaaliya,si gacan loo siiyo dowladiisa oo amnigeedu aad u liito. Dowladda Ethiopia ayaa la sheegaya in kulanka dhex maraya Djinat iyo Madaxweyne Yuusuf ay soo abaabushay,waxaana suura gal ah in dowladda FS ay saanad Milatari oo hordhac u ah ciidamo ka socda IGAD ay ka hesho Midowga Africa. Socdaalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli saan saan colaadeed dalka ay kasoo cusboonaatay,kadib markii Ciidamo dowladdu ay taageereyso ay kusoo wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo xoog ay ku qabsadeen malayshiyaadka Maxkamadaha. Sidoo kale Ciidamo taabsan maamulkii hore ee Hiiraan oo gacan ka helay Ciidamo Ethiopian ah ayaa kusoo wajahan gobolkaasi,sida ay sheegeen masuuliyiinta Maxkamadda Beledwayn. Arrimahaasi oo idil ayaa niyad jab ku ah yididiiladii Nabadeed ee shacbiga Somaliyeed ay ka sugayeen Maxkamadaha iyo dowladda FS,iyadoo dalka uu ka daalay dagaalo sokeeye oo daba dheeraaday. Jibriil Nuur Waayaha.net,Addis ababa, Ethiopia
  20. Maleshiyo Ka soo fakatay Maxkamadaha oo ku soo Biiray Cabdi Qaybdiid. Posted on Sunday, October 15 @ 04:31:32 PDT by muuse {Gaalkacyo}15-10-06 Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gareen maleshiyo ka soo fakatay Maxkamadaha kaddib Marki.............. Maleeshiyaad ka tirsan ciidamada Maxakamadaha islaamiga ee ku sugnaa deegaanka Gelinsoor ee gobalka Galgaduud ayaa kasoo goostay. Maleeshiyadan oo tiradoodu gaaraysay sodomeeyo ayaa ayaga oo wata qoryahoodii ay kala soo fakadeen Maxakamadaha waxayna soo gaareen koonfurta magaalada Gaalkacyo. Maleeshiyadan oo saxaafadu su'aalo dhowra ku waydiiyeen oo la xiriirta ******adooda ragaani kasoo goostay Maleeshiyaadka Maxakamadaha ayaa waxaa ka muuqatay diif aad u daran taasoo ay sheegeen inay sabab utahay habka ay ula macaamileen madaxda Maxakamadahu. Ciidamadaan ayaa sheegay in ay ku khaldanaayeen go'aankii ay markii hore uga mid noqdeen maleeshiyaadka Maxkamadaha waxayna sheegeen in ay haatan ******** in maxakamaduhu yihiin mashruuc uu wato qabiil, waa say hadalka u dhigeenee. Mar la waydiiyey sodomeeyadan nin ee kasoo goostay maxakamadaha inay arintani tahay mid xeeladeed oo ay wadaan maxakamaduhu islamarkaana ay ayagu qudhooda loo soo diray xog iyo basaasnimo ayey si wayn gaashaanka ugu dhufteen. Ciidamadan ayaa ugu dambayn sheegay inay ku biirayaan ciidamada Col.Cabdiqaybdiid oo ku sugan deegaanka Bandiiradley waxayna sheegeen inay ladagaalami doonaan ciidamada maxakamadaha ee ay ka soo goosteen. Rabiile Cabdi Kariin Gabanow Radio Nugaal Galkacyo.
  21. ^^^You comparison is valid. Though while Allpuntland is a Puntland based media. Radio Shabble, serves the interest of the occupiers of the lower Shabbele region. Its all in the name.
  22. ^^^Ignorance is bliss. Adis Ababa is the HQ for the AU. Last week the President of Nigeria was there does that mean he is a servent of Melez? Come on give us a break. How come Shabbele could not even name one of the alleged officers who were arrested? They used to make lies for Abdiqasin and the warlords of Mogadishu now they lie for their clan courts. Typical.
  23. lol. Shabbele does make up nice stories, to keep motivating the troops..
  24. ^^^ I have contributed to this forum long before there was such a thing as clan courts.. News is news, no matter who makes it.