
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Xarardheere: huge demo against courts tax...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dibad baxyo rabshado wato oo looga soo horjeedo canshuuro ay maxkamadaha ku soo rogeen magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa sababay dhaawac soo gaara laba ka tirsan ciidanka maxkamadaha. Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Okt 17,2006 Dibad baxyadaan, ayaa dhashy ka gadaal markii dadka magaalada Xarar-dheere ay sameeyeen diidmo ku aadan in ay bixiyaan lacago canshuuro ah oo ay maxkamadaha ku soo rogeen goobaha ganacsiga iyo guryaha magaaladaasi. Ciidanka maxkamadaha, ayaa markii uu billawday dibad baxaasi waxa ay isku dayaan in ay kala eryaan dadka isku soo baxay oo iskugu yimid goob ay ku sugnayaan mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadaha ee gobolka Mudug, taasoo keentay in dhaawac fudud uu soo gaaro labo ka mid ahaa ciidanka maxkamadaha oo dhagxaan lagu tuurayey. Ciidamada maxkamadaha oo markii dembe ku guuleystay in ay kala eryaan dadkaasi isku soo baxa dhigayey, ayaa waxa ay xabsiga u taxaabeen ilaa 7 qof oo ka mid ah ganacsatada deegaanka, oo ay mas’uuliyiinta maxkamadaha ku eedeeyeen in ay iyaga soo abaabuleen dibad baxaasi. Mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Xarar-dheere, oo lagu magacaabo Max’ed C/le Tuuryare, ayaa la waxa uu ka mid noqday dadka ay maxkamadaha dhigeen xabsiga. Sacdiyo Sh. Xasan, oo ka mid aha dadka deegaanka, ayaa hobyonet u sheegtay in aysan heysan lacagaha canshuuraha ah ee ay maxkamadaha ku soo rogeen badaacadahooda iyo goobahooda ganacsigaba, iyadoo sheegtay inn dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada uu yahay mid aan sidaa u weyneyn. Mas’uuliyiinta maxkamadaha ee magaaladaas, ayaa waxa ay sheegeen in lacagta la doonayo in lagu sugo amniga magaalada oo qure, oo aysan jirin wax dano kale ah oo laga leeyahay. Magaalada ayaa waxa haatan ka hirgalay bandow ay ciidamada maxkamadaha saareen magaalada, taasoo yareysay xiisadiid ka dhalatay lacagaha canshuuraha. Magaalada Xarar-dheere, ayaa ka hor inta aysan maxkamadaha tagin waxa ay aheyd meel ay saldhig u aheyd burcad baddeedka Soomaalida, taasoo laga nastay markii ay maxamadaha gacanta ku dhigeen. C/wali Yuusuf Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya Maslaha1@hotmail.com -
^^^Saxib I have better things to do, like pray and feed the baby.. see ya.
-
^^^persona non grata, stands for people like you. As for addressing you, that has never been my objective.
-
Banaanbax weyn oo ka dhacay Magaalada Xarardheere Xarardheere 17, Oct.06 ( Sh.M.Network) Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in caawa bandow lagu soo rogay, ka dib markii maanta ay ka dhaceen halkaasi dibadbaxyo rabshado wata. Banaanbax Khilaaf ka dhashay lacago canshuuro ah oo maxkamadaha islaamka ay ku soo rogeen dadka magaalada Xarardheere ayaa kiciyay caro dadka magaaladaasi ay ka qaadeen canshuuraha oo ku riixday in ay sameeyaan isku soo baxyo rabshado wata. Dibadbaxayaasha ayaa todobo ka mid ah loo taxaabay xabsiga, iyadoo magaalada lagu soo rogay bandow Habeenimo oo ku eg ilaa subaxnimada Waabariga. Dibadbaxayaasha rabshadaha sameeyay ayaa waxaa ku dhaawacmay rabshadahooda maanta mid ka mid ah ciidamada Maxkamadaha islaamka oo dhaawac fudud uu soo gaaray. Magaalada Xarardheere ayaa iyadu wararka haatan aanu ka heleyno waxa ay sheegayaan in xaaladdu ay haatan dagan tahay, inkastoo uu xiran yahay ganacsatadii ay ka dhalatay xariggiisa banaanbaxayaasha rabshadaha wata ee maanta ka dhacay magaalada Xarardheere, kaasoo lagu magacaabo Max'ed Cabdulle Tuuryare. Magaalada Xeebta ku taalla ee xarardheere oo horey intii aanu Maxkamadaha islaamka tagin u aheyd meel ay fariisin ka sameysteen kooxo burcad badeed ah isla markaana lagu carqaladeeyo socodka gaadiidka badda ayaa haatan waxaa ka jira amarro adag oo ay ku soo rogeen Maxkamadaha islaamka si loogu soo celiyo magaaladaasi nidaamkii iyo kala dambeynta.
-
Hiiraale captures Bu'aale! Mogadishu group retreats toward L. Shabelle.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Ciidamada wasiirka gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya ee weererka ku ahaa gobolada Jubbooyinka, ayaa gaaray magaalada Bu’aale oo ay agageerkeeda ku sugan yihiin ciidamo ka mid ah maxkamadaha Islaamka. Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Okt 17,2006 Wararka ka imaanaya gobolada jubbooyinka, ayaa tibaaxaya in ciidamo lixaad leh oo uu wato Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, ay saldhig ka dhigteen agaarka magaalada Bu’aale, halkaas oo ay ka taliyaan ciidanka maxkamadaha Islaamka ee dhawaan qabsaday gobolada Jubooyinka. Dadka ku dhaqan deegaanada Saakow iyo Bu’aale, ayaa la sheegay in ay billaabeen in ay ka qaxaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qabo in dagaal xun oo u dhaxeeye ciidanka maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Col. Barre Aadan Shire Hiiraale uu halkaasi ka dhaco. Col. Barre, oo ciidanka uu wato lagu sheegay in ay ka badan yihiin 6 boqol oo maleeshiyo ah, ayaa waxa uu weerar ku yahay magaalada Kismaayo, oo ay 24 bishii hore ciidanka maxkamadaha Islaamka kala wareegeen. Wasiirka gaashaandhigga, oo taageero aad u ballaaran ka helay dowladda federaalka Soomaaliya, dowladda Itoobiya iyo beesha uuka dhashay, ayaa waxa uu sheegay in uusan hadli doonin ilaa uu ka xoreeynayo magaalada Kismaayo sida uu yiri Col.ka Ciidamada midowga maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, ayaa iyaga galay heegankii ugu sareeyey, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu billawdo markii soonka laga baxo. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, ayaa la sheegaa in ay maalmihii ugu dembeeyey ay ka dageen diyaarado aan la garaneyn waxa ay sideen. Maslax Osmaan Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya Maslaha1@hotmail.com -
^^^lol. I would debate or engage with anyone on SOL. But alas not you poor Paragon. For I know it would be a waste of time. Convincing a persona non grata is not one of my aims.
-
Past lies Lesbians in Bossaso story, present toxic waste....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Thanks for the kind words. You made valid points. -
Hiiraale captures Bu'aale! Mogadishu group retreats toward L. Shabelle.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
adiga ayaan bal afkaaga uraacayaaye, ee laakin meesha ma cadaw baa,mise dadku waa dad muslim ah. lol. you ask me that after all the nonsence you guys wrotte about Xasan Turki, is he not Muslim? I have figured you long ago my boy, and trust me the clans from Mogadishu will not hold Kismayu.. Kismayu is not peaceful nor are the people all happy. Kismayu needs a comprehensive solution and not ousting a clan every half decade. You know nothing about Kismayu, or who lives there.. You say Hiiraale is a warlord, what is Dahir Riyaale and Egal and Tuur, how many peple died under their wars, even the one in Burco? -
Past lies Lesbians in Bossaso story, present toxic waste....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Red Sea, the baby is doing well, Alhamdulilah. She encourages me even more to stand up to those who would harm the country, you know fake courts, secesionist and so on. I am giving the news as it is. -
Hiiraale captures Bu'aale! Mogadishu group retreats toward L. Shabelle.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
^^^Horn the man is from the north spare him the explanation he knows nothing. -
^^^First dont get excited the news is there if you can read it. From pro court websites, like hobyonet, midnimo.com etc. Unlike your daily garbage on Puntland from lower shabble occupiers. As for the gedo lads, what poistion did you hold, a week or so ago you was insulting Hiiraale for running away and I warmed you that a man who did not lose in battle was too dangerous. It has been proven, Hiiraale is on the march and has the support of many different groups. Son you have no stance beyond what you are told, your understanding is weak.
-
Past lies Lesbians in Bossaso story, present toxic waste....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Reer Nugaal nor Calmadow dont welcome lol. Dont lumb people together reer Nugaal, reer Qandaa, reer Bari and all other reers in Puntland welcome it and their leaders welcome it. Your evidance from Shabbele wont stick. Your ranting wont make any difference what so ever. -
Saxib Paragon. As ever you seem to be clutching to starws. There are defections in Balcad, Galinsoor and there will be many more as the true face of the clan courts emerges. I have seen how you have turned 180 degrees with regards to Hiiraale,I suggest you show some backbone.
-
Maleshiyad ka baxsadey Hiilwayne saxib here is Garowe website take on the story.. 17 Oct 17, 2006, 12:57 Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maliishiyo k tirsan Maxkamadaha Islaamiga oo taababar ugu socday xerada Hiilweyne ay isaga baxeen maalintii shalay iyagoo laba dhinac wajahay Malishiyadaas. Deegaanka lagu magacaabo Isgoyska oo ka tirsan degmada Balcad ayey qaar ka mid ah maliishiyadaasi ay xalay ku hoyden halka qaar kale ay sal dhigteen deegaanka Maaxaay oo ka tirsan gobolka Sh.Dhexe. Maliishiyooyinka dagey Maaxaay ayaa wararku sheegayaan in ay ku biireen maliishiyada Suudi Axmed Jiis oo fariisin ku leh agagaarka Warshiikh. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedada ka danbeysa in ay baxsadaan maliishiyadan iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah horjoogayaasha maliishiyadan kuwaasi oo markii hore ahaa saraakiishii Muuse Suudi ee markii lala wareegay hubkii Muuse Suudi ka mid noqday Maxkamaddaha. Garowe Online, Muqdisho
-
Past lies Lesbians in Bossaso story, present toxic waste....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Who speaks for the Nugaale people the clan courts of Mogadishu. Who knows their opinion Radio Shabble of Mogadishu? Or the likes of Paragon? Give it up the people of Puntland welcome this deal, who is against it those who have always been against the very existance of the state.. -
LOL. You can not read now huh. But if it was on Shabbele..
-
Hiiraale captures Bu'aale! Mogadishu group retreats toward L. Shabelle.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Col.Bare Hiiraale iyo Maleeshiyooyinkiisa oo gaaray nawaaxiga degmada Bu'aale Last Updated::2006-10-17 16:13:15 Kismaayo:- Waxaa maanta nawaaxiga degmada Bu'aale ee xarunta Gobalka Jubbada Dhexe Soo gaaray Col.Bare Hiiraale Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG iyo Ciidamo uu horkacayo. Ciidamadan ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Saakow, ayagoo hada la sheegay in ay ku sugan yihiin degmada Bu'aale. Magaalada Bu'aale ayey ayaguna joogaan maleeshiyooyinka kamid ah Maxkamadaha gacanta ku haya Kismaayo oo halkaasi dhawaan difaac ka xirtay. Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamadan isku dhacaan, ayadoo wararka kasoo baxaya dhinaca ciidamada uu hogaaminayo Col.Bare Hiiraale ay sheegeen in ay ka go'antahay in ay dib ulla wareegaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe. Dhinaca kale Maleeshiyooyinka ku sugan degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq xoogleh oo ay sheegeen in ay ku sugayaan Amniga. Magaalada Jilib ayey shalay ku dhinteen labo nin oo mid kamid ah yahay maleeshiyada Maxkamadaha, kadib markii ay magaaladaa rasaas isku weydaarsadeen koox hubeysan iyo maleeshiyooyinka Maxkamadaha. Maxamed Cabdi HorseedNet.com -
source
-
The man took it all in his stride. We need more individuals like him..
-
Past lies Lesbians in Bossaso story, present toxic waste....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^So what evidance do you present when talking about the toxic waste that maybe dumbed? Like the story about the supposed lesbians in Bossaso, there is no intention to dumb anything in Puntland. The Range deal is also moving forward, regardless of your cries.. -
Clan courts honeymoon is over.....squeeze will begin.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
BAYDHABO: Gen. Cali Madoobe oo fariisin ka dhigtay Madaxtooyada Somalia diidayna inuu ka baxo Baydhabo isagoo jago haya Posted to the Web Oct 17, 08:32 Baydhabo (PP) - Gen. Cali Madoobe oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa fariisin ka dhigtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu ka biyo diiday inuu isaga baxo Baydhabo. Gen. Cali Madoobe ayaa sheegay inuusan ka baxay Magaalada Baydhabo inta ay dowladdu daggan tahay balse uu ka baxayo markii ay ka guurto ama laga qaado jagada uu ka hayo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. "Waxaan ka baxayaa Baydhabo anigoo ah shibil balse kana baxayo anigoo jago ka haya dowladda federaalka Soomaaliya, taasna waa go'aan aan anigu gaaray" ayuu yiri Gen. Cali Madoobe oo gaashaanka ku dhuftay inaysan dhici karin ka bixitaankiisa Baydhabo isagoo jago haya. Aadan Saransoor iyo xubno kale oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa qaba in Gen. Cali Madoobe uu isaga baxo Baydhabo muddo 24-saac gudahood ah, balse waxaa jirta in kulammo ay la leeyihiin xubnahaas Ra'iisul wasaaraha iyo xubo ka tirsan dowladda si ayuga dhaadhiciyaan inuu Saransoor ka tanaasulo mowqifkiisa. Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan ku sugan Addis Ababa ayaa la sheegay inuu arrinta soo farageliyay isla markaana uu ka codsaday labada dhinac inay qaboojiyaan arrinta inta uu dib ugu soo laabanayo Baydhabo. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Past lies Lesbians in Bossaso story, present toxic waste....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The story was first mentioned on the Somali/BBC section and then taken up by the English section then spread around by various media outlets. As is the case with many English news articles even today. My point is that was a fabrication and this one lagu eedeeyay in ay damacsan yihiin in ay sun ku aasaan deegaanada ay shidaalka ka baarayaan ee Puntland. is also another fabrication. They have no prove apart from what some dude said. They need to do more research..Noh -
Kismayu latest: Buaale, Sakow and Diinsoor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maleeshiyooyin ka amar qaata Wasiirka Gaashaandhiga DFKMGS Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale†ayaa lagu soo waramayaa iney shalay si nabad ah ula wareegeen Deegaan Saakoow ee Gobalka Jubbada Dhexe. Isniin,OCT,16,2006 Gaalkacyo,Somalia(Radio Hobyo) Maleeshiyo aad u fara badan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Barre Hiiraale oo habeen hore ka soo ambabaxay Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa shalay galab la wareegeen gacan ku heynta Degmada Saakoow ee Gobalka J/Dhexe. Maleeshiyooyinkaan la wareegay Degmada Saakoow oo uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa iney si nabad-galyo ah ula wareegeen Degmada Saakoow. Goob Joogayaal ku sugan Degmada Saakoow ayaa Hobyo Radio u xaqiijiyay in Barre Hiiraale uu halkaasi kala hadlay dadweynaha ku dhaqan Degmada Saakoow, isagoo wasiirka dadweynaha u sheegay iney nabada dhowraan isla markaana uu wax badan ka qaban doono ammaan darada ka jirta Gobolada Jubbooyinka, Col. Barre Hiiraale oo horey u sheegay inuu ku laaban doono Magaalada Kismaayo ayaa haatan u muuqda inuu qaaday talaabadii ugu horeysay, iyadoo maleeshiyaadkiisa ay saacadba saacada ka dambeysa ay ku sii siqayaan qeybo ka mid ah Gobolada Jubbooyinka. C/aziiz Afrika-Gaalkacyo,Galmudug State Hobyoradio@hotmail.com -
Ciidamadii ugu tirada badnaa ee Maxkamada Al-Furqaan oo ku biiray ciidamada Col Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ku waas oo isaga Huleelay aaga hore ee Galinsoor. source Hobyonet. Muqdisho. Isniin,Okt 16,2006 Ciidamada Midawga Maxaakiimta ayaa inta badan waxay halkaas kala kulmeen cabsi & Wal wal kadib markii ay isku soo dhawaadeen labada ciidaniyada oo dhulkaas uu horay u ahaan jiray dhul colaadeed. 30kii maalin ee ugu danbeeysay ayay ciidamada maxaakiimtu raxan raxan isugu dhiibayeen ciidamada uu horkacayo Col Cabdi Qaybiid oo ah nin ay maxaakiimta isku hor imaad ku dhaxmaray magaalada Muqdisho. Arinta Ciidamada Maxaakiimta ayaa keentay in Gawaaria dagaalka laga dhigo dhamaan darawaladii Maxkamada Al-Furqaan kadib markii amar ka soo baxay Afhayeenka Maxaakiimta u qaabil san Gobalada dhaxe. Sidoo kale Ciidan ugu badan ee uu horkacayo Col Qaybdiid ayaa ah kuwo horay warqada waaranta looga jaray Magaalada Muqdisho iyaga oo eersaday habdhaqanka Maxkamada Al-furqaan oo ayadu Haybta ay kasoo jeeda culees ku saartay in ay isaga baxaan Magaalada muqdisho wixii aan raacsaneen Maxakamadaas. Mar aan wax ka waydiiyay arimahaas ayuu mas uul sare oo ka gaabsaday magaciisa kana tirsan Maxkamada Al-furqaan ii sheegay in culees ay kala kulmeen shaqsiyaad laga masaafiriyay magaalada Muqdisho ayna ku waayeen taageeradii Jaaliyada beesha.... ee Yurub. M.M Ali Saxafi Madaxbanaan Muqdisho Somali Halkaan ka aqri wararkii HobyoNet ee ku saabsan ciidamada isku dhiibay Col Qaybdiid.(riix)