
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Latest on rising tension..Government Vs Courts.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gurmad lixaad leh oo Muqdisho iyo Baydhabo uga kala tagay dhinacyadii shalay Buur Hakaba ku diriray ayadoo cabsi dagaal degmadaasi ayka jirto October 22, 2006 Markacadeey Xaalada degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay ayaa iminka u muuqata mid degan inkastoo dhinacyadii shalay halkaasi ku diriray ay wadaan abaabul dagaal oo baahsan waxaana degmada haatan ay gacanta ugu jirtaa ciidamada dawlada federaalka. Ciidamo iyo gawaari dagaal oo gurmad ah ayaa labada dhinac uga kala tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayadoo cabsi dagaal oo baahsan ay ka jirto degmada Buur Hakaba waxaana dadka deegaankaasi ku dhaqan ay iminka qaarkood bilaabeen in ay isaga hayaamaan si ay uga baxsadaan hubka labada dhinac ay is dhaafsanayaan. Ciidamada dawlada federaalka ayaa la sheegayaa in haatan ay ku suganyihiin deegaanka Jameeco oo 30 kilomitir u jira degmada Buur Hakaba halka kuwa maxkamadahana ay ku suganyihiin deegaanka Qardho. Wararka ka imanaya deegaanadaasi ayaa sheegaya in gurmad xoogan labada dhinac uu u imanayo waxaana laga cabsi qabaa in dagaal qaraar uu qarxo waqti kasta ayadoo aysan jirin id labada dhinac waan waan ka dhex wada. Gawaari dagaal iyo ciidamo lixaad leh ayaa ka tagay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku biiray ciidamo dhawaan gaaray xadka kala qeybiya Baay iyo Sh/hoose iyo kuwiii deegaanka ee shalay Buur Hakaba laga soo saaray ayadoo dhinaca Baydhabana sidoo kale gawaari dagaal iyo ciidamo xoogan ay kasoo dhaqaaqeen. Labada dhinac ayaa haatan waxaa ka go’an in ay khilaafaadka ka dhaxeeya ay ku dhameeyaan dagaal ayadoo ay muuqato in la iska indha tirayo baaqyada nabadeed ee lagu dalbanayo joojinya dagaalka ee ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Maxamed Carab Xafiiska Markacadeey Muqdisho -
Puntland State convey reaches Caabudwaaq district in Galgaduud.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
CAABUD-WAAQ: Ciidammo uu hoggaaminayo Col. Cabdi Qaybdiid iyo taliyaha Daraawiisha Puntland oo gaaray Caabud-waaq Posted to the Web Oct 22, 14:19 Caabud-waaq (PP) –Degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in halkaas ay soo gaareen ciidammo iyo tikniko fara badan oo uu wato Col. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka tirsanaan jiray isbahaysigii laga awoodda badiyay. Ilo wareedyo ku sugan Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Malleeshiyooyink iyo tikniada uu wato Col. Cabdi Qaybdiid aan loo hayn tiro cayiman oo la sheegi karo, waxaase ilo wareeyo ay Puntlandpost la xiriirtay ay sheegayaan in ay daggeen ciidanka banaanka degmadaas gaar ahaan halka lagu magacaabo Rabiiciyada oo ay daggan yihiin Culummmo Soomaaliyeed oo aaminsan Dariiqada Rabiiciyada. Suxufiyiinta ku sugan Degmada Caabud-waaq ayaa waxay sheegayaan in loo diiday gabi ahaan inay tagaan goobta ay ku sugan yihiin Malleeshiyooyinka iyo tiknikada, waxaana lagu wadaa in Col. Cabdi Qaydbiid iyo Saraakii la sheegay inay ka tirsan yihiin Puntland ay kulammo la qaadanayaan Dariiqada Rabiiciyada culummada aaminsan. Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in xubnaha Saraakiisha ah ee la socda Col. Cabdi Qaybdiid uu ka mid yahay Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland, inkastoo aan la xaqiijin halka ay u socdaan iyo sababta dhabta ah ee socdaalkooda. Sida ay tibaaxayaan warar hooseedyo ay helayso Puntlandpost waxaa lagu wadaa in saraakiishaan iyo ciidammada ay wataan ay gaaraan deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo lagu wado inay xoojiyaan ciidammada Dowladda ee ku sugan gobolladaas oo laga cabsi qabo inay dagaallo isaga horyimaadaan Qoryooley taageersan Maxakamadaha. Wararkaan oo aan isku dhan u socon ayaa qaarkood waxay sheegayaan in Col. Cabdi Qaybdiid lagu wado inuu ku biiro Malleeshiyooyin ay wataan Maxamed Dheere iyo xubno kale oo ay iskula jireen Isbahaysigii burburay, Saraakiisha kale ee Puntland ka socdana ay u gudbaan dhanka xarumaha dowladda si ay u xoojiyaan kuwa Dowladda. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
BU'AALE: Iska horimaad aan sidaa u sii xoog badnayn oo ku dhex maray duleedka Bu'aale Malleeshiyooyinka Barre iyo Kuwa Maxkamadaha Posted to the Web Oct 22, 14:18 Bu'aale (PP) – Warar is burinaya ayaa sheegaya in degmada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe ay ka jiraan dagaallo u dhexeeya Malleeshiyooyinka Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo kuwa Maxkamadaha oo halkaas isku horfadhiya. Wararkaan is diiddan ayaa sheegaya in Malleeshiyooyinka oo xalay si weyn isugu soo dhawaaday uu isku dhac yar oo dhex maray ka dhacay duleedka bari ee degmada Bu'aale halkaasoo la sheegay inay uga baxeen magaalada Malleeshiyada Maxkamadaha, waxaana wararkaan ay sheegayaan in kuwa Barre Hiiraale ay horay u galeen gudaha Degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. Mar ay Puntlandpost isku dayday inay xaqiijiso wararkaan is burinaya ayaa waxaa inoo suurogeli wayday inay noo baxaan isgaarsiinta magaaladaas oo la sheegay inay tahay mid haawanaysa, waxaana wararka ka imaanaya Jilib ay sheegayaan inaysan xaqiijin Karin dagaallo ka dhacay halkaas oo u dhexeeya Maxkamadaha iyo Col. Hiiraale. Degmada Saakoow oo ka tirsan isla Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaal aan sidaas u sii xoog badnayn uu ka dhacay saakay aroortii hore degmada Bu'aale, balse ma jiraan wax xaqiijinaya inta uu le'eg yahay khasaaraha halkaas ka dhacay. Warar kale oo ka soo baxaya dhanka Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Malleeshiyooyinka Maxkamadaha iyo kuwa Col. Barre Hiiraale ee isku horfadhiyay Gobolkaas ay si weyn isugu soo dhawaanayaan isla markaana laga yaabo inay dagaallo ka dhex qarxaan. Isku soo wada duuboo dagaallo ka qarxa Gobollada Jubbooyinka ayaan ahayn kuwo la baciidsan karo, waxaana labada dhinac ay horraantii bishan illaa saakay isku horfadhiyaan qaybo kala duwan oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
clan courts to defend the lower shabbele from its Government [prize]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thats not the case. The courts came through the gun. Horn is correct these areas are part of the districts of bay&bakool the armed groups who were ther were proxies for Inda Cade and the clan courts. they got the technicals and wepons from the clan courts with a view of protecting the lower shabbele froma precieved invasion. It was an extension if their power much. They kept theatening the government every other day so this was to be expected. -
clan courts to defend the lower shabbele from its Government [prize]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Saxib of course they are locals, like Inada CADE and Duxulow being locals to lower Shabbele. The millitia was being supported by the courts hence all the noise coming from Mogadishu and the build up in Balidoogle and other parts of the Shabbele. There is no difference between Baidoa and Bur they are both in Bay region and hence if the TFg troops want to move there they can. Saxib there are Somali troops in the are, their comander is Agdaduud and they have more arms and men than you want to know. Somali's will get to know each other soon. As for keeping calm all I am doing is putting the news forward as usual. -
Latest on rising tension..Government Vs Courts.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The Mogadishu clans have this thing where they belive only they have the millitary means to wage war. They think everyone else is weak. Which is their greatest weakness. -
Latest on rising tension..Government Vs Courts.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
latest HORN AFRIK -
Latest on rising tension..Government Vs Courts.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Buur hakabo : Xukuumadda Federaalka oo cadaysay in ay qabteen gawaari dagaal oo ay maxkamaduhu leeyihin. Sabti, October 21, 2006 Buur hakabo (AllPuntland)- Warka soo baxay taliska ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamda dawladdu ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah gawaarida dagaalka oo ay lahaayeen taageerayaasha maxkamadaha magaalada Muqdisho. Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidamada dawladda Soomaaliya C/risaaq Afguduud ayaa waxa uu saxaafadda uu Radio Gaalkacyo u sheegay in ciidamada dawladdu ay qabteen 11 gaari oo ah nooca dagaalka iyo ciidamdoodii. Waxa uu afguduud sheegay in ciidamadani lagu qabtay dagaal aan sidaasi u sii waynayn oo dhacay saacado ka hor, iyada oo ciidamadani ay ku dhuumaalaysanayeen duleedka magaalada Buur hakabo. Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa haatan waxa ay ku sii siqayaan gobolada Shabeelooyinka iyada oo ay magaalada Buur hakaba dhanka Koonfureed uga baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda. M. J. Koronto AllPuntland -
^^^Indeed
-
Maxakiimta oo gurmad u diray Buur 21 Oct 21, 2006, 18:04 Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Buur Hakaba ayaa iminka mareysa meel xasaasi ah iyadoo maxkamaddaha Islaamiga ay abaabuleen maliishiyooyin fara badan iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo gurmadkii ugu xooganaa ay gaareen deegaanka Qardho oo raaca koowaad ee maxkamaddaha difaac adag ugu jira. Dhinaca kale ciidamada dowladda KMG ayaa u soo dhaqaaqay caawa fiidnimadii dhinaca wadada Muqdisho iyadoo ay afka isku saran yihiin ciidamada labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa in subaxnimada beri dadka deegaanadaasi ay ku waabiriistaan dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac. Waxaa xirmay wadada dheer ee isku xerta gobolka Bay iyo magaalada Muqdisho taas oo ay isticmaalaan gaadiidka labada dhinac u kala gooshta iyadoo ay ka cabsi qabaan dagaal ka dhaca halkaasi. Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada dagaal ee Buur Hakaba kala soco Garowe Online. Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho Garowe Online
-
^^Eritria are Tigray, The regime in Adis are Tigray. They won their freedom because their brethren became leaders in Adis. No one is doubting their skill at warfare, but there is not much difference between the two Tigray. Also they are led by Christain leaders..
-
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Col: Sacid Dheere interview. -
Maxaakiimta oo ka hadlay qabsashada Buurxakaba. Allmudug.com 21-10-06 Afhayeenka midowga maxaakiimta muqdisho C/raxmaan Mudeey ayaa sheegay inay qabsadeen Degmada Buurxakaba ciidamo uu ku sheegay inay yihiin Ethiopian afhayeenka ayaa si cad usheegay in midowga maxaakiimtu ku jihaadi doonaan ciidamada qabsaday magaalada buurxakaba. Isagoo sheegay in maleeshiyadii deegaanka iyo ciidamo maxkamada albayaan ka tirsan ay hada ku sugan yihiin meel aan ka fogayn degmada buurxakaba wallow ilo madaxbanaan xaqiijinayaan in ciidamadii horay ujoogay degmada buurxakaba isaga carareen aagaas. Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya aagaas ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo uu hogaaminayo Yusuf siyaad Indhacade ay ku soo jeedaan deegaanka Leego oo ku dhaw Degmada buurxakaba si ay difaac adag uga galaan maadama la sheegay in ciidamada Dawladu ku jihaysan yihiin Garoonka Balidoogle. Cabdinuur Mohamed Seeraar Xafiiska Wararka Allmudug
-
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
BAYDHABO: Wasiirka Warfaafinta: "Ciidammada Dowladdu waxay u tageen Buur-hakaba sidii ay nabadda ku sugi lahaayeen" Posted to the Web Oct 21, 17:55 Baydhabo (PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta uu magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa'id Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali, waxaana uu kaga hadlay shirkiisaas jaraa'id Magaalada Buur-hakaba. Wasiirka ayaa sheegay in ciidammada dowladda ay u tageen Buur-hakaba sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaaladaas, waxaana uu sheegay inay jireen dhibaatooyin ay ka geysteen Maxkamadaha deegaankaas, isagoo sheegay inay jiraan jidgooyooyin ay dhigeen iyo waxyaabo kale oo ay dadka dhibaatooyin ugu geysanayeen. Jangali ayaa daboolka ka qaaday in ciidammada dowladda ay sii joogayaan Magaalada Baydhabo oo ay sii wadi doonaan howlaha ay nabadda ku sugayaan, waxaana uu sheegay in Magaaladaas ay tahay magaalo ay dowladdu maamusho isla markaana aysan ahayn meel ay sidii ay doonaan ka yeeli karaan Maxkamadaha. Dhanka kale, Maxkamadaha ayaa waxay sheegeen in taageerayaashooda ay isaga soo baxeen magaalada, kaddib markii ay dagaal ku soo qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda oo kaashanaya Ethiopia, balse ma jiraan wax caddeynaya inay kaashanayeen Ethiopian. Buur-hakaba ayaa haatan xaaladeeda lagu soo warrramayaa inay hagaagsan tahay isla markaana aysan ka jirin wax dhibaatooyin ah oo ganacsigeedu si caadi ah u socdo, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in cabsi gelin lagu hayo shacab, kuwaasoo loogu sheegayo in lagu soo weerarayo magaalada si uu Puntlandpost u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka Buur-hakaba. Degmada Buur-hakaba ayaa waxaa saakay gacan ku haynteeda la wareegay ciidammada Dowladda, mana jiraan wax khasaare ah oo halkaas ka dhacay, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen inay jireen rasaas aan sidaas u badnayn oo la isku weydaarsaday bannaanka magaalada gaar ahaan dhanka buundada Magaalada Buur-hakaba. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Faah faahin dagaalkii maanta ee Buur hakaba Buur-hakaba, Dagaalkii maata ka dhacay degmada Buur hakaba ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen 6 ruux 3 kalena ay ku dhaawacmeen. Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegayaa inay soo gaartay dhinaca midowga maxaakiimta, ka dib markii gaariigii ay saaraayeen oo ahaa kuwa qoryaha xamaara,oo ah nooca loo yaqaan Suu uu la gadoomay. 3da qof oo dhaawca ah ayaa la sheegayaa in lagu daawaynayo magaalada Buur hakaba. Waxaa iyana laga qabsaday malayshiyaadkii taabacsanaa midowga maxaakiinta 3 baabuur oo ah nooca qoryuhu saran yihiin. Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cali ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen ciidan uu horkacayo hogaamiyihii laga taagta roonaaday ee Max’ed Cumar Xabeeb max’ed dheere oo isaguna doonaya in dib ula soo noqdo degaamadii horay looga eryey. Xarunta wararka Waayaha.net -
^^^Saxib, why is the Mogadishu media so scared, making up stories about Ethiopian invasion/ Why are they [clan courts] trying to make a wedge between the people and their government. As for the courts they claimed their men were in Burhakabo only a few days ago.. They now claim it is local millitia? Saxib the courts started this war.
-
Even the Lion cries sometime . Adeer Adulahi and his lies
General Duke replied to bambo's topic in Politics
^^^You do talk allot of nonsence, do not belive everything you hear and if you happen to, do not repeat it like a child. Bambo, the suicide bomber by all acounts was sent from Mogadishu, there is evidance to that and was sent by the clan courts.. -
^^^A country that can sacrifice 120,000 is a dangerous foe to have right? Also the Ethiopian army is 640,000 and more.
-
^^^Yeah an ID used in Mogadishu to spy on Somali's with Anharic texts? They must be rubish spies or it is another lame lie in the ver growing portfolio naked baseless bable from the courts..
-
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
interview.. -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shir Jaraa'id: Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Dowlada Federaalka kmg oo gacanta ku dhigtay Degmada Buurhakaba Ciidamada dowladda Federaalka kmg ah oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigtay magaalada Buurhakabo oo ka mid ah Gobolka Bay iyadoo wax qasaare dhimasho iyo dhaawac ah aan halkaasi ka dhicin iyadoo Ciidamada deegaanka oo xiriir la leh Maxaakiimta ay isaga baxeen markii ay maqleen in lagu soo fool leeyahay. Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada dowlada oo watay ilaa 21 gaari oo kuwa dagaalka ah, isla mar ahaantaana ay gacanta ku dhigeen saaka subaxnimadii magaalada Buurhakaba oo 60km u jirta magaalada Baydhabo iyadoo halkaasina aan wax dagaal ihi ka dhicin, Ciidamada Dowlada ayaa ku hakaday meel la yiraahdo Jameeco oo dhowr iyo tobon km u jirta magaalada Buurhakaba dhanka Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka kmg ee Somalia Md. Cali Axmed Jaamac "Jangali" oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in qabsashada ay qabsatay dowlada federaalka inay ku timi ka dib markii ay Maxaakiimta dhaqdhaqaaq ka wadeen deegaanka Buurhakaba taasina ay sababtay buu yiri in Dowlada Federaalka ay la wareegto. Wasiirka Warfaafinta oo sii hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Federaalka kmg ah ay u dul qaadan waayeen carqaladaynta ay ka wadeen ciidamada deegaanka Buurhakaba oo taabacsan Maxkamadaha Islaamiga Waa sida hadalka uu u dhigaye taasoo sababtay buu yiri in guud ahaan lala wareego degmada Buurhakaba. Wasiirka Warfaafinta Mr. Jangalli ayaa iska fogeeyey in ciidamo Ethiopian ah ay la socdaan kuwa Dowlada Federaalka waxa uuna sheegay inaysan jirin ciidamo Ethiopian ah oo lasocday markay Buurhakaba Qabsanayeen. Arrintani ayaa keeni karta isku dhac Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo kuwa Dowlada Federaalka iyagoo kala jooga meel isu jirta ilaa 10km, rajadii laga qabay in waanwaanta laga dhex waday dowlada iyo Maxaakiimta ay sii yaraanayso. -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maliishiyo beeleedka C/llaahi Yuusuf oo xoog kula wareegay Buurhakaba Posted to the Web Oct 21, 05:24 Xiisado dagaal ayaa ka bilowday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib markii ay waabarigii saakay maleeshiyo beeleedka Korneyl Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidamo Xabashi ah xoog kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Buurhakaba. Maleeshiyo beeleedka Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa Itoobiyaanka ee la socda ayaa la sheegayaa in ay dhanka Muqdisho usoo dhaafeen magaalada Buurhakaba, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Melez Zenawi amar ku bixiyay in weeraro lagu qaado dhamaan goobaha ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamka. Korneyl Cabdullaahi Yuusuf oo dorraad khudbad ka jeediyay magaalada Nairobi ayaa waxaa hadaladiisa laga dhadhansaday in ay ka go'an tahay dagaal uu la galo Maxkamadaha Islaamka. Cabdullaahi Yuusuf oo khudbadda Nairobi kahor magaalada Adis ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Melez Zenawi ayaa lagu waramayaa in khudbadda uu Cabdullaahi Yuusuf ka jeediyay magaalada Nairobi ay aheyd mid ka timid maskaxda ra'iisul wasaare Melez Zenawi. Maxkamdaha Islaamiga ayaa ciidamadii ugu badnaa u diray deegaanka Buurhaba, iyadoo ciidamada Maxkamadaha oo ku hubeysan gawaarida dagaalka iyo hub aad u fara badan ay ku dhaqaaqeen magaalada Buurhabakaba. Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow) Aayaha.com, Muqdisho nuurdiin007@hotmail.com