
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Kornel C/risaaq Af-gaduud oo sheegay inay sagaal Tekniko ah kala wareegeen Maleeshiyaddii joogtay Buur-hakabo. Mogadishu, Sabti, Okt. 21, 2006 Radio Simba Taliyaha Cutubka Koowaad ee Ciiddamadda DFKMGS, Kornel C/risaaq Af-gaduud, ayaa sheegay inay Ciiddamadooda la wareegeen Sagaal Tekniko oo ay lahaayeen Ciiddamadda Deegaanka ee Degmadda Buur-hakabo ee Gobalka Bay. Taliyaha, oo isagoo ku sugan Magaalladda Baydhabo u waramayey Idaacadda Simba, ayaa sheegay inay Ciiddamadda DFKMGS si nabad ah ku tageen Degmadda Buur-hakabo, wuxuuna beeniyey inay dagaal la galeen Ciiddamadda Deegaankaasi. Taliyaha Cutubka Koowaad ee Ciiddamadda DFKMGS, waxa uu sheegay inay Ciiddamadda la wareegeen Sagaal Tekniko ah oo ay lahaayeen Ciiddamo ka mid ah kuwa Deegaanka. Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya hadalka Kornel C/risaaq Af-gaduud ku sheegay inay la wareegeen Teknikadaasi. Dhinaca kale, wararka ugu daambeeyey ee naga soo gaaray Degmadda Buur-hakabo, waxay sheegayaan inay Ciiddamadda DFKMGS ee saakayto la wareegay gacan-ku-haynta Degmadaasi inay haatan ku kala sugan yihiin gudaha Degmadda Buur-hakabo iyo Tuulladda Jameeco oo 10-Km u jirta Buur-hakabo. Sidoo kale, Ciiddamadda Deegaanka ee Buur-hakabo, ayaa la sheegay inay haatan abaabul-dagaal ka wadaan Tuulladda Qardho oo 10-Km u jirta Buur-hakabo, si ay dagaal rogaal-celis ah ugu qaadaan Ciiddamadda DFKMGS ee ku sugan Buur-hakabo. Degmadda Buur-hakabo, ayaa ah Degmo Istaraatijiyad u leh dhinaca Milliteriga, waxayna 60-km dhinaca K/bari kaga toosan tahay Magaalladda Baydhabo oo farriisin dhexe u ah DFKMGS. Simba Media Center , Mogadishu -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baydhabo: Xukuumadda iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay qabsashada magaalada Buur hakaba. Sabti, October 21, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Cali C/laahi Jaamac (Jaangali) ayaa shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo waxa uu uga hadlay tagitaanka ciidamada dawladda ee magaalada Buur Hakaba. Jaangali ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada dawladda Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay in ay sugaan amaanka guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya sidaasi daraadeedna ay tagaan meel waliba oo dalka ka mid ah. Wasiirka warfaafinta ee dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu shaaciyay in ciidamda dawladda ay halkaasi ku soo dhoweeyeen dadkii deegaanka iyo maamulkii ka jiray degmadaasi. Sarkaalka arrimaha warfaafinta ee maxkamadaha C/kariin Cali Muudeey ayaa isna waxa uu shaaciyay in deegaanka Buurhakaba ay soo galeen ciidamada dawladda oo gacan ka helaya xuukuumadda Ethiopia. Waxaa ka soconaya deegaanadaasi abaabul dagaal oo ay wadaan maxkamadaha iyo xukuumadda Soomaaliya iyada oo ciidamada dawladdu ay ku sugan yihiin meel 15 Km dhanka Koonfureed kaga began magaalada Buur hakaba ee gobolka Bari. M. J. Koronto AllPuntland -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowladda FS oo difaacday weerarkii ay ku qabsatay Buur Hakaba iyo Maxaakiimta oo hadfal kale kasoo saaray. Baydhabo, Dowladda FS ayaa faah faahin ka bixisay qabsashadii Ciidamada dowladda FS ee degmada Buur Hakaba,oo saakay dagaal ay kula wareegeen iyagoo taageero ka helaya Ciidamo Ethiopian ah sida Maxaakimta ay sheegayaan. Wasiirka Warfaafinta dowladda FS Cali C/laahi Jingili oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa sheegay in dowladda FS ay adkeysay amniga degmada Buur Hakaba. ‘’Buur Hakaba waxaa joogay Maleeshiyo daacad u ah qolo la yiraahdo Midowga Maxaakimta,waxaana ciidanka Federaalka ay adkeeyeen amniga degmada’’ayuu yuiri Jangili. Waxaa sidoo kale uu sheegay Wasiirka Warfaafinta dowladda FS in Degmada Buur Hakaba maalmahaan ay ka socdaan dhaq dhaaqyo ay wadeen maleeshiyaadkii halkaasi laga saaray oo ay ku doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amniga magaalada Baydhabo sida uu sheegay Jangili. Dhanka kale Madaxa Waaxda Warfaafinta oo isaguna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib kulan balaaran oo ay yeesheen Golayaasha Maxaakimta ayuu ku sheegay in ciidamo Ethiopian ah ay qabsadeen degmada Buur Hakaba,waxaana wacad uu ku maray in halkaasi laga saari doono ciidamada Cadowga uu ku tilmaamay. ‘’Amxaaridii baa qabsatay Buur Hakaba,waxaana dadka deegaanka ay u geysteen dhibaatooyin,taasina ciidamada Tikreegu loogama hari doono’’ayuu yiri Muudeey. Masuliyiinta Maxaakiimta waxaa ay ugu baaqeen shacbiga Somaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan sidii ay dalka uga difaaci lahaayeen Cadowga ay sheegeen in uu kusoo duulay. Dagaalka saaka ka bilowday degmada Buurhakaba ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo mid dayn oo daana u gaysta labada dhinac ee iska soo horjeeda, tan xiligii la la soo doortay dawlada FS ayeysan waxa dagaal ah qaadin waxaase jiray inta badan daan daasi ka imaanayey dhinaca maxaakiimta oo isku fidiyey deegaano badan oo ay ka midtahya degmada Hakaba oo saakay laga qabsaday. Jibriil Nuur Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
BUUR-HAKABA: Gacan ku haynta Degmada Buur-hakaba oo ay la wareegeen Ciidammada Dowladda Federaalka Posted to the Web Oct 21, 11:27 Buur-hakaba (PP) - Xoogagga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xoog kula wareegay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay, waxaana la sheegay in halkaas ay kula dagaalameen Malleeshiyo gacansaar la leh Maxkamadaha. Wararka ayaa waxay sheegayaan in gacan ku haynta Magaalada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ay haatan gacanta ugu jirto Dowladda Federaalka, isla markaana ay ka talinayaan, waxaana la sheegay in dagaalka ay kula wareegeen uu ahaa mid socday xilli yar oo daqiiqado ah , inkastoo aan la xaqiijin weli khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaas. Xasan Aadan Buulloow oo ka mid ah Maamulka Degmada Buur-hakaba oo haatan ku sugan deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose gaar ahaan Deegaanka Leego ayaa u sheegay saxaafadda qaarkeed in ay dowladda Federaalku la wareegeen gacan ku haynta Degmada Buur-hakaba. Magaalada Muqdisho oo ah xarunta weyn ee Maxkamadaha ayaa waxay sheegeen in ay Malleeshiyooyin u dirayaan degmada Buur-hakaba, waxaana ay sheegeen in Buur-hakaba ay la wareegeen ciidammada Dowladda oo ay gacan siinayaan kuwo Ethiopian ah, waa sida ay hadalka u sheegeene. Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abu Mansoor) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas lagula wareegay Buur-habaka uu dhacay isla markaana ay iyagu aamisan yihiin in ciidammada dowladda ay taageerayeen kuwo Ethiopian ah, balse ma jiraan wax caddeynayo eedeynta Dowladda oo ay heshay ilaa hada Puntladpost. Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ciidammada dowladda ay soo buuxiyeen meel ku dhow Degmada Buur-hakaba iyadoo la sii sheegay inay doonayaan inay gacan ku haynta Buur-hakaba la wareegayaan, kaddib markii dhowr jeer ay halkaas gaareen xubno ka tirsan Maxkamadaha oo sheegtay inay gacanta ku hayaan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowlada FKMG iyo Maxaakiimta oo ka hadlay Xaalada Buur Hakaba Last Updated::2006-10-21 14:20:11 Muqdisho:- Wasiirka Warfaafinta ee DFKMG Md.Cali Jaamac Jaangeli ayaa ka hadlay qabsashadii magaalada Buurhakaba ee saaka gacanta ku dhigeen ciidamada Dowlada Federaalka. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay halkaasi hawlo amniga lagu sugayo ay ciidamadooda u tageen, kadib markii ay halkaasi soo galeen maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Warsaxaafadeed Maxaakiimta Muqdisho Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Midowga Maxaakiimta Muqdisho Shiikh C/raxiim Cali Muudey ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay kusoo duuleen magaalada Buur hakaba, waa suu hadalka u dhigayee. Shiikh Muudey ayaa sheegay in ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ay xasuuq badan geysteen, walow uu ka gaabsaday inuu sheego dadka la xasuuqay tirada ay dhamaayeen. Afhayeenka Maxaakiimta Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid keenayo dagaalo balaaran isla markaana ay ka qaadan doonaan tilaabada ku haboon. Wasiirka Warfaafinta DFKMG Wasiirka Warfaafinta DFKMG Md.Cali Jaamac Jaangeli ayaa sheegay in ciidamada Dowlada Federaalka ay galeen magaalada Buurhakaba kadib markii ay halkaasi weerar kusoo qaadeen maleeshiyooyinka Maxaakiimta Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in maleeshiyooyinkaasi oo todobaadkan isku aruursanayey degmada Wanlweyn ay gudaha usoo galeen magaalada Buurhakaba, ayagoo halkaasi ka bilaabay arrimo amniga wax loogu dhimayo ayuu yiri Md.Jaangeli wasiirka Warfaafinta DFKMG. Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamada ay amniga sugeen isla markaana ay magaalada ka saareen ciidamada xooga kusoo galay ee maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Wasiirka ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay in ciidamada Dowlada ay wehliyaan ciidamada Dowlada Itoobiya sida ay sheegeen maxaakiimta Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay wararkaasi in ay yihiin kuwo kutiri kuteen ah oo la buun buuninayo ayuu yiri Cali Jaamac Jaangeli. Maxamed Cabdi -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada Dawlada oo ugu awood sheegtay Buurxabaka Maleeshiyada maxaakiimta taageerta. Allmudug.com 21-10-06 Ciidamo aad u xoogan oo ay leedahay Dawlada Federaalkaa kuna hubaysan gawaarida gaashaaman iyo Madaafiicda goobta ayaa saaka waa barigii la wareegay Degmada Buurxakaba iyadoo maleeshiyadii maxaakiimta gacansaarka lalahayd isaga carareen goobtaas kadib markii madaafiic lagu garaacay intaysan galin ciidanka Dawladu. Madaxa maleeshiyaadka Deegaanka oo ay maxaakiimta Gacan saarka lahaayeen ninka lagu magacaabo Xasan Aadan Buulow oo xalay u waramayay idaacadaha Muqdisho intaan laga qabsan saaka magaalada oo sheegay in ciidamadoodu ay kawar hayaan inay ku soo fool leeyihiin wuxuu ku sheegay ciidamada Tigreega ayna siin doonaan cashar lama ilaawaana ayaan la ogayn sababta ku kaliftay inuu isagaga cararo dagaal la aan Magaaladii uu sheegay inuu ujihaadi doono. Ilo madax banaan oo shabakada allmudug laxariirtay ayaa sheegaya in ciidamada Dawladu aysan la kulmin wax iska caabina iyagoo markay magaalada kusii dhawaayeen riday madaafiicda ka dhacda qoryaha la jiido kadibna ay argagaxeen maleeshiyada deegaanku isagana carareen halkaas. Ciidamada Dawlada ayaa xalay ka soo dhaqaaqay deegaanka Daynuunaay iyadoo la sheegay inay ku wajahan yihiin Garoonka balidoogle oo ah meesha kaliya ee laga quudiyo maleeshiyaadka maxaakiimta wallow ciidamo xoogan oo maxaakiimta ka tirsan ay horfadhiyaan ciidanka dawlada kuna sugan yihiin deegaanka Qordho oo udhexeeya leego iyo Buurxakaba. Dadbadan ayaa filaya in galitaankaan uusan ahayn kii hore oo kale balse uu daba joogo hadalkii uu Madaxwaynaha Somalia ka sheegay Nairobi oo ahaa inuu qaadayo weerar adag oo ka dhan ah maxaakiimta muqdisho oo uu ku sheegay kooxo Argagixiso ah Cabdinuur Mohamed Seeraar Xafiiska Allmudug Galkacyo -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaal u dhaxeeya Dowladda iyo Maxaakiimta oo ka qarxay Buur Hakaba,iyo Ciidamada dowladda oo la wareegay Buur Habaka. Published: 21 October, 2006 11:42 Ciidamada dowladda FS ayaa saakay la wareegay degmada Buur Hakaba,xilli ciidamo ka socda Golaha Maxaakiim ta islaamka ay ku sugan yihiin meelo ku dhaw dhaw degmadaasi. Dagaal qaraar ayaa la sheegayaa in haatan uu ka socda degmada inkastoo aan la sheegin khasaaraha dagaalkaasi uu geystay,waxaana lagu qasbaya ciidamada taageersana a Maxaakiimta islaamka in ay ka baxaan degmada Buur Hakaba. Dagaalka ayaa la sheegayaa in haatan si goos goos ah uu u socdo,waxana wararka qaar ay sheegayaa in ciidamada dowladda FSD ay taageero ka helayaan kuwo ka socda dowladda Ethiopia. m Golaha Maxaakiimta Islamka ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqay Jihad alka lagu difaacayo,waxaana bilowday in la daabulo ciidamo kor u dhaafaya kumanaan waxaana haatan xarumaha Golaha Maxaakiimta ka socda dhaq dhaqaaq Xoog leh. Jibriil Nuur Alghamidi Xafiiska MarkaCadey Muqidisho - Somalia -
TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
news, Burhakabo taken. -
Ciidanka FS oo gaaray leego iyo Kuntuwaaray oo….! Leego, Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidanka Dawlada FS ay ka gudbeen degmada Buurhakaba oo ay saakay ku waabaristeen, islama markaasna ay gaareen tuulada Leego oo Buurhakaba u jira 45 KM dhinaca koonfur bari. Dagaalkii saaka ayaa ciidanka dawlada wax iska cabin weyni aysan ka hor imaan waxaana la sheegay malayshiyaadka gacansaarka lalaahaa maxaakiimta ee halkaas ku sugnaa inay isaga carareen, lama soo sheegin ilaa hadda wax dhimasho iyo dhaawac ah. Ciidanka Dawlada ayaa hadda la sheegayaa inay ku sii jeedaan dhinaca garoonka diyaaradaha ee degmada Bali-doogle, oo ah meel ku haboon xagga istiraatiijiyada. Dhinaca kale warar aan xaqiiqdooda la hayn oo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in la qabsaday tuulada lagu magacaabo Kuntuwaaray, waxaana la sheegayaa in ciidanka qabsaday uu ka yimid dhinaca diinsoor, waxaana ciidankaasi kala jarayaan baa la leeyahay malayshiyaad maxaakiimtu leeyihiin oo ku sugan Jilib iyo Bu,aale. Warkaan Kuntuwaaray weli ma cadda wixii ka soo baxa anaga ayaa idin la soo socodsiin doona. Xarunta wararka waayaha.net
-
^^^Second time the TFG troops go to But-Hakabo. What happened to all the millitias of the unbeatable courts. Also who started this? Who attacked Kismayu and moved into Bur-Hakabo? Who tried to assasinate the old man? Who used force first? Remember this is the first time the TFG troops advanced on any town.
-
Markii Ugu Horeysay Golaha Maxaakimta Islaamka Oo Shaaciyay In Ay Hayaan Maxaabiis Ithobiyan Ah. Posted to the MOL October 20, 2006, 8:58 am Muqdisho(MudugOnline)Guddoomiyaha Fulinta ee Golaha Maxaakiimta ayaa laga soo xigtey isaga oo u warramayey warfidiyeenka in ciidamada maxaakiimtu ay gacanta ku soo dhigeen oo ay maxaabiis ahaan u hayaan 2 ka mid ah ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku soo xad gudbey degaannada Soomaaliya. Sida ay sheegtey Idaacadda BBC-da Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa warqadihii aqoonsiga ahaa ee maxaabiista Itoobiyaanka ahaa tusuyey weriye ka tirsan BBC-da, warqadahaas ayaa la sheegey in ay ku qornaayeen af-Amxaari. Guddoomiyuhu ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan ciidamdaas uu ku sheegey inay yihiin Itoobiyaan ee la soo qabtey, halka laga soo qabtey iyo weliba waqtiga ay soo qabteenba. Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa xalay arrintaas sheegey mar uu ka hadlayey mawqifka ay Golaha Maxaakiimta ka taagan yihiin hadalkii uu shalay Madaxweyne C/hi Yuusuf ka jeediyey shirkii Nayroobi oo uu ku tilmaamey mid lagu mijaxaabinayo shirka Khartuum. Sh. Shariif ayaa u muuqda inuu qiil u raadinayo hadal shalay ay sheegtay Mrs Frazer oo ah qubsanaha Maraykanka arimaha Afrika oo sheegtay inay hayaan xog cad oo aan la inkiri karin in dawlada Eretariya ay hub iyo ciidan u gudbisay maxkamadaha Muqdishu. Cismaan Fantastic cusmanfantastic@hotmail.com Mudugonline.com, Muqdisho
-
Even the Lion cries sometime . Adeer Adulahi and his lies
General Duke replied to bambo's topic in Politics
^^^lol.. The man you knew has not fired a shot yet, so do not get excited. The attempt on his life did take place his own brother and two officers were murdered by a suicide bomber sent from Mogadishu. He stated that he will make a move soon, so wait, he is in Baidoa right now. -
^^^No, my point is strightforward, Eritrea is not a Muslim country, it has even less Muslims than Ethiopia. Some people are trying to fool the Somali's by branding this nation as "Islamic" as they brand themselves as "Islamic courts". You are right 70,000 died and Eritrea lost, so if I had to get arms I would bet on Adis than on Asmara..
-
clashes in Buaale + Build up in Bur-Hakabo.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I remember the question it was put in a different way and recieved a suitable response unlike the one above. -
Ersalam, who are you kidding? Eritrea is ruled by a Christian coptic...Here is a profile.. Isaias Afewerki (born 2 February 1945) is the first president of Eritrea. Born into a prominent Eritrean family of the Hamasien Latos (Judaic-Christian) aristocracy, Isaias Afewerki was the nephew of Dejazmatch Solomon, who served as the administrator of Wollo province for Ethiopian Crown Prince Asfaw Wossen. Isaias was a member of one of the more influential Eritrean families during the rule of Emperor Haile Selassie of Ethiopia. He became an engineering student in Addis Ababa, and left to join the forces fighting for Eritrean independence in the mid 1960s after the federation of Eritrea with Ethiopia was dissolved.
-
Roobabkii Dayrta oo kacurtay Deegaanada Gobalka Gedo
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Toghdeer and now Gedo alhamdulilah.. A good Eid insha ALLAH. -
clashes in Buaale + Build up in Bur-Hakabo.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
A good question. The TFG troops number roughly 8000-15000 men. By all accounts they are well armed and experienced. Their top comanders that I know of Include Sacid Dheere and A/Rizq fgaduud. They hail from various regions of the country. Yes they get regular pay, sometimes not on time. They have been organised since the move to Jowhar. They have not fought anyone so far apart from little skirmishes in Baidoa. -
Strange times: TFG meets Somaliland in Adis?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Is it me or are we seeing Mr. Red Sea agreeing with Herr General Duke? Aduunyo dheh. It seems that all the supporters of injustice are joining hands. First they started a coalition against 'terror', while they were the real terrorists. Then when they were defeated they ran to Baydhabo. When Kismayo was taken they ran to Baydhabo. Puntland is shaking they look at Baydhabo. Somaliland is giving birth to a revolution and yes they too are looking at Baydhabo for help. Mr. Red Sea, how times have changed heh? You and herr General on the same side I think that was terrible of you, to lower yourself to such depth. I and Red Sea are not enemies and never were. We disagreed allot but everyone disagrees. You talk of injustice, I never belived Somaliland was unjust, nor should you belive all of the ICU is rightous. -
clashes in Buaale + Build up in Bur-Hakabo.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale oo fooda is daray Baardheere 19, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo Sahan ah oo daacad u ah sida la sheegay wasiirkii G/dhigga dowadda KMG ah ee Somalia oo dhowaan laga fara maroojiyay Gacan ku heynta magaalada Kismaayo iyo kuwa Maxkamadaha islaamka ayaa iska horimaad uu ku dhex maray duleedka degmada Bu'aale. Iska horimaadkaan oo tacshiiradiisa ay socotey daqiiqado ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee uu geeystay, inkastoo labada ciidan ee dagaalamay ay ahaayeen labo sahan sida ay xaqiijinayaan wararka Shabelle ay ka heshay deegaanka Salagle ee gobolka J/dhexe. Lama soo sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay iska horimaadka labada dhinac Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Axmed Cumar Saalixi -
clashes in Buaale + Build up in Bur-Hakabo.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bu`aale: Dagaal muddo socday oo dhex maray ciidamada maxkamadaha iyo ciidamda Col, Barre Hiiraale. Khamiis, October 19, 2006 Bu`aale (AllPuntland)- Ciidamo ka kala socda maxkamadaha magaalada Muqdisho iyo Col. Barre Hiiraale ayaa waxa uu dagaal aan sidaa u sii buurnayn ku dhex maray agagaarka magaalada Bu`aale. Sida ay AllPuntland u xaqiijiyeen ilo madax banaan oo ka dhow dhow deegaanadaasi rasaan muddo daqiiqado ah socotay ayaa waxaa is waydaarsaday laba sahan ciidan oo ka kala socota maxkamadaha iyo Barre Hiiraale. Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in aysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah midna iyada oo haatan ay labada ciidanba nabeeyeen deegaannada ay isku gacan sareen. Xiisadda deegaannada ku heeran degmada Bu`aale ayaa kacsan iyada oo labada ciidanba ay wadaan diyaar garoow aad u ballaran oo ay u qaadayaan dhanka dagaalka. M. J. Koronto AllPuntland Related Articles -
clashes in Buaale + Build up in Bur-Hakabo.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dawlada Federaalka Somaliya oo Ciidan iyo Tagniko Ku siyaadisay Ciimadeeda ku xaraysan Xarada Daynuunay ee Duleedka Magalada Baydhabo Posted to the MOL October 19, 2006, 12:13 pm Baydhabo:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heegankii ugu sareeyay gelisay Ciidamadeeda ku sugan Xerada Daynuunay ee ku taal Duleedka Magaalada baydhabo. Ciidamo iyo Gaadiidka Dagaal oo hor leh ayaa la geeyay Duleedka Magaalada Baydhabo, iyadoo xaalad heegan ahna la geliyay. Arrintan ayaa timid ka gadaal markii Ciidamada Maxaakimta ah ay fariisin ka dhigteen Deegaanka Qardho oo u dhow Magaalada Buur Hakaba. Difaaca ugu horeeyay ee Ciidamada Dowladda ayaa la geeyay meel ka baxsan Xerada Daynuunay, iyadoo si foojigan ula socda Dhaq dhaqaaqyada gaadiid ee ka imaanaya Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in la baarayo gaadiidyada soo galaya Magaalada baydhabo. Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku jira xaalad foojignaan ah, iyadoo ay isha ku hayaan wadada aada dhanka Muqdisho halkaasi oo ay kaga cabsi qabaan in ay soo maraan ciidamada maxaakiimta Midoobay. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com -
clashes in Buaale + Build up in Bur-Hakabo.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
BAYDHABO: Dowladda Federaalka oo ciidammadeeda gelisay heegan buuxa, kaddib markii Maxkamaduhu ay fariisin... Posted to the Web Oct 19, 11:51 Baydhabo(PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo fariisin u ah Dowladda ayaa waxay sheegayaan in ciidammada dowladda la geliyay heegan aad u ballaaran. Heegangelinta Ciidammada dowladda ayaa waxay ka dambeysay kadidb markii Malleeshiyooyin ka tirsan kuwa Maxkamadaha ay fariisin si ku meel gaar ah uga sameysteen deegaanka Qardho oo ku dhow Degmaeda Buur-hakaba, waxaana la sheegay in ciidammada dowladda ay iyaguna fariisin ka dhigteen meel ku dhow Buur-hakaba. Dowladda Federaalka ayaa waxay wacad ku martay in haddii Malleeshiyooyinka Maxkamadaha ay u soo dhaqaaqaan dhanka Deegaanka Buur-hakaba ay la geli doonaan dagaallo aad u culus, waxaana dhanka kale ay Maxkamaduhu sheegeen inaysan diyaar u ahayn xilligaan inay dagaal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxkamadaha ayaa waxay inta badan ku cel-celiyaan inaysan doonayn inay weerar ku qaadaan xarrumaha dowladda iyo goobaha ay ka taliso, balse waxaa soo shaac baxaya in Maxkamaduhu ay billaabeen inay ku dhawaadaan goobaha ay dowladdu maamusho iyagoo sheegaya inay baacsanayaan ciidammo Ethiopian ah. Dowladda waxay diyaar u tahay inay dagaal la gasho Maxkaamdaha marka loo eego xaaladaha dhaqdhaqaayada ciidan ee ay wadaan, iyadoo dhanka kalena ay Maxkamaduhu doonayaan inay weeraraan xarumaha dowladda sida ay ku socdan waqtigan hada ah. Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowr mar ay la hadleen qaybo kamida xukuumadiisa iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha inuu wax ka qabto dhulbalaarsiga ay wadaan maxaakiimta , taas oo uu Madaxweyne yuusuf uu ka gaabsaday dhowr jeer kuna Jawaabay " Waxaan dhamaystiray Ciidan qaran oo Awood iyo tayo leh difaacina kara goobaha dowlada , waxaase ila quman in laga war dhowro go'aanka dagaal ee ay qaataan maxaakiimtu , taasna waxay suura gelinaysaa inaan galno dagaal ka dhana maxaakiimta oo ku salaysan mid dowladeed oo aad u agaasiman". Si kastaba , Waxaa marnaba la dhayalsan karin dhaqdhaqaayada ciidan ee ay wadaan Maxaakiimtu,waxayna tani fure u tahay in Maxaakiimta aysan ka go'nayn Nabadgelyo waarta oo Soomaaliya ka dhalata , waxaana arrimahaas daaha ka furidoona shirka la doonayo inuu ka dhaco 30-ka bishan magaalada Khartuum waa hadii uu jawi wanaagsan ka soo baxo shirka ka socda magaalada Caasimada ah ee Nairobi oo maanta ay ku wada sugan yihiin Madaxeyne Yuusuf iyo Masuuliyiin kale oo ka socota Maxaakiimta. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Ciidamadaa dowladda FS oo la soo dhoobay wadaa isku xirta Buur Hakaba iyo Baydhabo Buur hakaba, Dowladda FS ayaa ciidam fara badan soo dhoobtay wadada isku xirta degmada Buur Hakaba iyo Baydhabo,kadib markii Ciidamada Maxaakimta islaamiga ah ay fariisimo ka sameysten deegaanka Qardho oo u dhexeeya Degmada Buur Hakaba iyo leego. Magaalada Baydhabo ayaa saakay laga dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan,waxaana ciidamo lagasoo qadayay Xerada Daynuunaay ee duleedka Baydhabo,waxaana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in dowladda FS ay ka hortageyso ciidamada Maxaakiimta. Ciidamada dowladda ee la geeyay Wadada Buur Hakaba ka timaada ayaa waxaa ay gaarayaan kumanaan sida uu xaqiijiyay wariye ku sugan magaalada Baydhabo,waxaana ciidankaasi ay ahaayeen kuwii gaaray degmada Buur Hakaba dhawaan. Madaxda dowladda FS ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa diiday in ay sharaxaad ka bixiyaan daabulkaasi ciidan oo la sheegay in ay ka wadaan gudaha magaalada Baydhbo. Dowladda FS ayaa hore uga digtay dhaq dhaqaaqyada ay Golaha Maxaakimta Islaamka ka wadaan gobollada ay joogto dowladda,waxaana qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda ay ku tilmaameen daan daansi. Jibriil Nuur Waayaha.net,Buur hakaba,Soomaaliya
-
Somali contact group meets: Pres Yusuf Prof Cadow in attendence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
C/laahi Yusuf::: Waxay isku dayeen in ay i dilaan, wax badan baanu Nabad isku daynay balse... Last Updated::2006-10-19 22:39:10 Nairobi:- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta khudbad xasaasi ah kasoo jeediyey kulankii kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ka dhacay Nairobi. Kulankii maanta ee magaalada Nairobi ku yeesheen Guddiga uu Maraykanka dhisay ee lagu magacaabo Kooxda Xiriirka Soomaaliya (Somali Contact Group), ayaa looga hadlay waan waanta nabada iyo sidii loo hirgelin lahaa shirka Khartuum ee Jaamacada Carabtu daadihineyso. Shirka oo Saaka ka furmay magaalada Nairobi ayaa si rasmi ah u furay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya, Mr.Raphael Tuju, waxaana madasha ku sugnaa xubnaha kamid ah guddiga Kooxda xiriirka Soomaaliya oo ay ku jiraan diblumaasiyiin kasoo jeeda dalalka Talyaaniga, Ingiriiska, Norway iyo Tanzaniya. Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa halkaasi yimid, balse waxaa shirkaasi aysan u suurto gelin in ay kasoo qeyb galeen wafdigii Maxaakiimta Muqdisho oo ayagu kasoo daahay shirka. Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Somaliya Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa khudbadiisa uga hadlay shirka Khartuum ee lagu waday inuu dhaco wareegiisii 3aad 30ka bishan Oktoober. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay waxa uu ku tilmaamay dhex dhexaad la'aanta Jaamacada Carabta, asagoo markaasi sheegay in dowladiisa ay codsaneyso in arrimaha waan waanta Somaliya lagu wareejiyo urur gobaleedka IGAD. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliiceyn weyn dusha uga tuuray Maxaakiimta Muqdisho oo uu sheegay in ay wadaan dhul balaarsi ayna qabsadeen magaalada Kismaayo. C/laahi Yusuf ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in ay Maxaakiimta taageero ka heystaan koox argagaxiso ah oo shisheeye oo ka yimid dalal kala gedisan. Wuxuuna sheegay in ay xiriiro la leeyihiin Al Qaida Calankii Talibanka Afghaanistaana ay sitaan. Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in ay Maxaakiimta Muqdisho ay bilaabeen in ay tababaraan kooxo loogu talo galay in ay dilaan mas'uuliyiin sar sare oo dowladiisa kamid ah oo uu asagu ku jiro iyo waliba Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi. Madaxweynaha oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo ay soo maleegeen Maxaakiimta ayaa sheegay in Maxaakiimta ay wadaan falal aan loo dul qaadan doonin, asagoo xusay in ay calankii Somaliya ay badeleen. Khudbada Madaxweynaha Soomaaliya oo ayadoo qoraal ah halkaasi xubnihii ku sugnaa loo qeybiyey ayuu ku sheegay in Dowladiisa in ay wax badan nabad isku dayday in ay NABADA ka shaqeyso, hase ahaatee lala garan waayeyay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in markan ay Dowladiisa qaadi doonto tilaabada ku haboon xaalada uu dalka Soomaaliya hada ku sugan yahay. Kulankii Maxaakiimta Wafdigii Maxaakiimta ayaa kasoo daahay shirka ayagoo Makhribadii magaalada Nairobi kula shiray guddiga kooxda xiriirka Soomaaliya. Wafdiga Maxaakiimta ayaa la kulmay guddiga kooxda xiriirka Soomaaliya ayagoo isla markaasi arrimo dhawr ah isla soo qaaday. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay shirka Khartuum iyo sida ay u arkaan Maxaakiimta Muqdisho. Maxaakiimta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tagaan shirka Khartuum, waxay sidoo kale carabka ku dhufteen in aysan dooneyn in ay dagaal ku qaadaan Dowlada balse ay nabad rabaan. Qabsashadii Kismaayo ayey ku tilmaameen wafdiga Maxaakiimta mid ay shacabka rabeen, isla markaana uusan wax dagaal ah ka dhacin halkaasi. War murtiyeed ay soo saareen kooxda xiriirka Soomaaliya, ayaa lagu xusay in la taageero nabada Soomaaliya oo laga fogaado wixii dagaal keeni kara. Shirkan ayay kooxda xiriirka Soomaliya ku tilmaameen inuu ahaa mid xog is dhaafsi ah, iyo in laga wada hadlo sidii looga hortagi lahaa waxa amniga wax u dhimi kara. Ahmed Musse HorseedNet.com Madaxweynaha Somaaliyaâ€Maxkamaduhu Waa Argagixiso waa idiligaareen Calankii Somaaliya waa gubeen dhulbalaarsibay wadaan Qudbadiisi Shirkii Nairobi ee Manata iyo Warar kale oo xiiso leh. Nairobi:- Magaalada Nairobi ayaa Maanta waxaa kadhacay kulan ay wada yesheen Kooxda Xariirka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maraykanka shirkaas ayaa Arimobadan oo Somaaliya Quseeya looga wadahadlay Shirkaas Ayaa intii uusocday Amaanka si adag loo adkeeyey iyadoona Shirkaan ay qudbado kala duwan kasoo jeediyeen Masuuliyiinstii kasoo Qayb gashay. Madaxweyne c/laahi.Danjire Afey iyo Madaxkale oo kaso baxaya Shirka Midawga maxaakiimta islaamka Somaaliyeed ayaan iyagu shirkaan goob jog ahayn iyagoona ay lasoo daahday diyaradii Muqdisha kasoo qaaday Balse shirka waxaa dhex fadhiyey oo car cartiisa qabay madaxweynaha Somaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed. Shirkaan ayaa ahaa maanta mid aad uga gadisnaa shirarkii hore isagoona Ahaa shiray maanta lagu wada casuumay Labada Awoodood ee Somaaliya kajira eek ala Ah maxkadaha Midoobay iyo dawlada qaranka Somaaliya. Madaxweynaha Somaaliya oo kasoo dagaya gaari danjire Afey midig Waxaa Shirkan maanta Qudbad aad ukululayd kajeediyey Madaxweyne C/aalhi Yuusuf Waxa uu yiri madaxweynuhuâ€Maxkadaha islaamigaa Waa Argagixiso waxa ay wadaana Dhulbalaarsi waxa ay qabsanayaan Magaalooyin Nabdoon Aniga Ayey isoo weerereen oo idiligaareen Balse Nasiib Wanaag waan ka bad baaday. Madaxweynaha oo qudbadiisa sii wata Ayaa yiri’maxdkamadaha Waxa ay gubeen Calankii Somaaliya iyagoona doonaya in ay badalaan oo ay kubadalaan Calan u eg kii kii Afgaanistaan Maxkamadaha waxaa ku jira Dagaal yahano kasoo kala Jeeda Afgaanistaan Pakistaan Eretereeya iyo Wadama kale oo Carbeed. Wafuud kala Duwan oo Shirka Kaqaybgalaya oo hortaagan Albaabka Hotelka Madaxweynaha ayaa yiri Shirka Nabadaynta ee Khartuum Dawlada wa ay ogoshahay waxaanse Codsanaynaa in shirkaas lagu soo wareejiyo Dawladaha Kubahoobay urur Goboleedka IGAD jaamacada Carabta halaga soo wareejiyo ayuu Madaxweyhnuhu ku Dhawaaqay isagoo sii raacshay Dhex-Dhexaad Kama ahan ururka Jaamacada Carabta Arimaha wadanka Somaaliya. Goor ay saacada wadanka Kenya Ku beegnayd 12:20 Daqiiqo ayaa Waxaa soo gaaray Magaalada Nairobi wafdigii Maxkadaha islaamigaa ee kasoo kicitimay Magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Wafdigana oo aan iyagu kasoo daahay Shirkii manta ayaa loogeeyey Nuqlo kamida waxii laga wada hadlay iyagoona laweydiiyey Su’aalo ay kamid yihiin sida ay u arkaan nabadaynta Nairobi iyo shirka Khartuumba. Balse wafdigii Maxkadaha ayaa wax kasta si firfircoon u ogoladay iyagoona ugu danbayntii lasiiyey waqti nasasho waxaana lafilayaa in Nairobi laguqabto shir la is ku horkeeno Madaxweynaha iyo wagdiga Maxkamadaha ee Nairobi ku sugan. Wafdigaan Maxaakiimta Islaamigaa kasocda ayaa mar ay indahaygu qabanayeen waxa ay ka koobnayeen 5 Xubnood waxaana horkacaayey Madaxa waaxda Arimaha Dibada Prof.Ibrahim Xasan Cadow. Jamaal Mahamuud Ahmed Shuuriye HorseedNet.com -
Diiradda WC:- Joogitaanka Sheekh Cali Warsame ee Muqdisho iyo Shakigga Xukumadda Somaliland!! Muqdisho, Khamiis, Oct. 19, 2006 Waagacusub.com Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Xukumadda Somaliland ogaatay inuu Muqdisho ku sugan yahay Wadaadka Reer Burco ee lagu Magacaabo Sheekh Cali Warsame waxaa cirka isku sii shareerayay shakigga iyo xasaasiyadda Xukumadda Somaliland ka qaaday socdaalkiisa ku beegan xilli Golaha Maxaakiimta ku sii fidiyaan Goboladda dalka Somaliya,ayna gacanta ku dhigeen inta badan goboladda koofureed, taas oo riixday inay aad u hadal heeyso Warbaahinta Somaliland ,laguna faafiyo warqad ku qoran Af Carabi oo Madaxtooyadda Somaliland qaybisay. Warqadaas laga qaybiyay Madaxtooyadda Somaliland oo lahayd Looggadda gaarkaa ee Golaha Maxaakiimta ,waxaa ku qornaa go-aan ay wada jir u saxiixeen Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Sheekh Cali Warsame,laguna qaarijinayo 13 Mas'uul oo ka tirsan Xukumadda Somaliland,qaarkoodna ah Wasiiro xilkii laga qaaday ,laakiin Warqadaas Saxiixyadda ku yiilay Saxaafaddu way cadeeyn wayday inay yahiin Saxiixyadda Sheekh Aweys iyo Sheekh Cali,balse Wasiirka Madaxtooyadda ayaa tibaaxay in saxiixyaddu yahiin kuwa labadaas Mas,uul ayna heleen Sirdoonkoodda dhinaca Maxaakiimta. Inkastoo Sheekh Cali Warsame isku difaacay inuu Muqdisho u degan yahay Reer, oo uu bil walba oo Ramadaan tago,hadana qiilkiisa sanadkaan dhinaca Somaliland kama dhaadhacayo sinaba,waxayna qabaan inuu Abaabul ugu jiro sidii Golaha Maxaakiimta ugu luga fidsan lahaayeen dhinaca Somaliland,iyagoo waliba rumeeysan inuu gacan dhaqaale iyo mid maskaxeed ku lahaa Cajaladii muuqaalka ahayd ee lagu faafiyay Internet-ka laguna muujiyay wax u dhigma Sheekh Maxamed Ismaaciil oo la jirdilaya.taas oo qudheedda Somaliland u aragto marmarsiiyo Maxaakiimta ay u soo marayaan weerar ay dhinaca Somaliland ku qaadaan. Sheekh Cali Warsame oo ah Sheekh da'diisa xilligaan lagu qiyaasi karayo 62 jir ,waxaa uu xidid la yahay Gudoomiyaha Golaha shuuradda ee Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed Sheekh Xasan Dahir Aweys oo uu qabo gabadh la dhalatay,waxaana Muqdisho u degan caruur ay u dhashay Aafadiisa la dhalatay Sheekh Aweys,laakiin mudada uu jooga Muqdisho oo la qiyaaso inaysan ka badneeyn 29 cesho oo qura,ma ahayn nin ka soo muuqda Fagaarayaasha Xafladaha iyo kulamadda Maxaakiimta,waxaana markii ugu horeeysay lagu arkay xaflad abaalmarin tartan Qur-aan akhrisa oo ay soo qabanqaabisay Shirkadda Xawaaladda Qaran Express laanteedda Muqdisho,isagoo jeediyay khudbad ka nasahan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ,aadna u koobneed oo uu kaga sheekeeynayay qiimaha barashadda qur-aanka kariimka ee caruurta iyo waayeelka iyo dhiirigelinta abaalmarinadda la siiyo ahlu qur-aanka, xaafidka ah. inkastoo Sheekh Cali Warsame lagu tirinayo inuu degan yahay Burco una dhashay Beesha Reer Sheekh Isxaaq ee Somaliland,hadana lahjad ahaan marka uu hadlayo waa nin Reer Koofur ah,oo ay adag tahay sida lagu rumeeysto inuu yahay Reer Somaliland,marka la isbar bar dhigo qaab lahjadeedka Culumadda kale ee Somaliland sida , Sheekh Mustafe Haaruun iyo Sheekh Maxamed Dirir,waxaayse taasi Marqaati u tahay sheegashadiisa ku saleeysan inuu isagga waligii ka mid ahaa Mashaa’iqda Reer Muqdisho ,uuna inta badan noloshiisa deganaa . Dad Reer Burco ah ayaa Waagacusub.com u sheegay in Sheekh Cali Warsame ,labadii sano ee ugu dambeeysay Xukumadda Somaliland ilgaara ku eegeeysay,iyadoo rumeeysan inuu ka mid yahay madaxda sare ee Ururka Al Itixaad,hasseyeeshee Sheekhu wuxuu ahaa beey leeyahiin Reer Burco,mid ku kooban masjidka iyo gurigiisa oo xitaa kama mid ahayn culumadda Muxaadirooyinka u qabta shacabka,waxaase tuhunka ugu badan ee dhinaca Somaliland abuuray baa la leeyahay Sheekh Cali Warsame oo mar soo noqday Gudoomiyaha Ururkii burburay ee Al Waxda Al Itixaadiya. Eedeeynta Somaliland u jeedineeyso Sheekh Warsame iyo is difaacidiisa qunyar socodnimadda lagu laray,waxaa basiin ku sii shubaya warar duul duul ah ,hadana marka la eego loo qaateena oo sheegaya in Sheekh Cali Warsame Muqdisho loogu diyaariyay afartan gawaaridda dagaalka iyo lix boqol oo Ciidamadda shabaabka Maxkamadaha,kuwaas oo bacdul ciid u galbin doona dhinaca Burco si ay fariisin uga dhigtaan degaankaas. Shakigga Somaliland ee ku saleeysan weerar qorsheeysan oo dhinaca goboladda koofureed looga qaado,ma ahan oo kaliya mid ay ku tuhmayaan inuu horjooge u noqon karo Sheekh Cali Warsame ,hasse yeeshee Saraakiishoodda dhinaca Ciidamadda iyo nabadsugidda ayaa aaminsan in weerar Maxaakiimtu ku qaado Somaliland ay horkici karaan Rag ay ka mid yahiin Ibraahim Faarax Meecaad Afakhani iyo Axmed Cabdi Aaw Maxamud Godinle,oo labada la sheego inay ku jiraan Maxkamadaha gaar ahaan Quwaatul Amnigga guutadda shabaabka. Marka la isku soo xooriyo Sheekadda ,lama ogga in Sheekh Cali Warsame qorsheeynaya weerar uu ku qaado Somaliland iyo inuu eedeeymaha nuucaasa ka nasahan yahay,hasseyeeshee wuxuu u muuqdaa Sheekh Cali,Hogaamiye wayn oo masraxa hogaanka sida bisha oo kale uga soo dhex muuqda,isagoon waligii sheegan inuu yahay nin siyaasadda ku lug leh,sidoo kalana la arag isagoo qori sito ama saaran gaari Ciidan,balse waxaa hogaamiye nuucaaya ka dhigay Warbaahinta oo aad u buunbuunisay iyo Xukumadda Somaliland oo u jiibisay buunbuunintaas lagu beegay waqti uu bisha Ramadaan ku sugan yahay Muqdisho. Dahir Abdulle Alasow