
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Its been a long time coming. I have no doubt that soon we shall be exporting Oil and that Puntland will be a focal point for the restoration of Somalia. In the heart of Bari today there are heavy machines at work trying to get to the river of black Gold..
-
Che. One must seek truth from facts. Puntland Somalia has large quantities of Oil & LNG and that fact will change the face of Somalia itself. Big things are happening..
-
Dharoor, Jan 16 - Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland (Shabeelle 1) ee dooxada Dharoor. Munaasbad balaaran oo lagu qabtay Dooxada Dharoor ayaa waxaa ka qaybgalay wafdi uu hogaaminayo madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ayna qayb ka yihiin wasiiro katirsan dowladda Puntland iyo madax katirsan shirkadda shidaalka Puntland baaraysa ee African Oil. Madaxwaynaha Puntland oo hadal ka jeediyay xarig jarka ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland Shabeelle 1 ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa uu sheegay,shidaalka laga soo saarayo deegaanada Puntland inuu muhiimad gaar ahaaneed uu u xambaarsanyahay shacabka Puntland iyo guud ahaanba Soomaliya. Khudbadihii laga jeediyey xafladda furitaanka ceelka shidaalka ee Dharoor. Madaxwaynaha waxaa uu sheegay dowladda Puntland hadii ay doonayso shidaalka inuu ku koobnaado ay markii hore ku dhawaaqi lahayd inay ka go'day Sooaamliya,balse waxaa uu yiri "dooni mayno inaan Soomaliya ka go'no, shidaalkana waxaa wax ku yeelan doono guud ahaanbaa dadka Soomaaliyeed. Afhayeenka xukuumadda Puntland Axmed Cumar Xirsi "LibaaxJoore" oo isagoo ku sugan Dooxada Dharoor waraysi siiyay Radio Daljir ayaa ku tilmaamay tilaabadan dhanka soo saarista shidaalka ee la qaaday,inay ahmiyad gaar ahaaneed u noqon doonto guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed. Waraysi: Afhayeenka Puntland: Libaaxjoorre. Madax katirsan shirkadda African Oil ee la filayo inay soo saarto shidaalka,ayaa sheegay inay kusoo saari doonaan shidaalka mudo 3 bilood ama 90 cisho gudahood. Munaasbaada xariga looga jarayay ceelka shidaalka Puntland ee Shabeelle 1 ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi. Diiwaanka Wararka Daljir Boosaaso.
-
-
-
President Cade Muse, the father of Puntland Somalia's oil exploration took part in the opening ceremony. Wonderful stuff..
-
This is the Lord's doing and it is marvellous in our eyes
-
Nah, the locals have a Video where they are walking about Buuhudle, you have a JB written script on Secessionist website. Again we need proof...
-
^^^Calm down lad and dont get angry. You need to bring proof. We are waiting
-
General Duke;775111 wrote: Siilanyu spokesperson is getting real desperate.
-
^^^^loooooooool. The spokesperson of Siilanyu is getting desperate, even your counter attack on SOL is weaker than the SNM militia attack today....
-
[issimada gobollada SSC oo bayaan ka soo saaray dagaalkii Somaliland ku soo qaaday Buuhoodle. Sun, 15 Jan 2012 15:58:20 -0500 pm -05:00 -18000 Taleex, Jan 15 - Issimada gobollada Sool, Sanaag & Cayn ayaa shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Taleex ka soo saaray bayaan ku wajan weerar ay saaka hiirtii hore ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle ciidamo ka tirsan Somaliland. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka hadlay shirka jaraa'id ayaa sheegay in weerarada lagu soo qaaday Buuhoodle ay yihiin gardarro aan geedna loogu soo gaban. Waxaa uu ugu baaqay shacabka gobollada SSC in ay difaac galaan, ayna iska difaacaan weerarada Somaliland. "Ha la dagaalamo ...annagu Issimada haddaan nahay waa horgalanaynaa ciidanka" ayuu yiri Garaad Saleebaan. Waxaa uu intaas ku daray in aanu ciil qabeen haddii uu dagaalku ku dhiman lahaa. Garaad Jaamac Garaad Cali oo isna ka hadlay weerarka saaka lagu soo qaaday Buuhoodle ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka iyo indheergaradka Somaliland in ay ciidamada kala baxaan gobollada SSC. "Waxaan la hadlaynaa madax dhaqameedka *****, culimaadu-diinkooda, wax garadkooda ...waxaanu abhinaynaa markii saddexaad, waxaanu leenahay wiilashiinu inta ay nabad qabaan ee ay nool yihiin kala baxay deegaamayada iyo dalkayaga." ayuu yiri Garaad Jaamac. Garaad Jaamac ayaa sidoo kale baaq u diray Somalida kale, dawladaha dariska ah, iyo ururada caalamiga ah in colaada ay Somaliland ka wado mandaqadu ay cawaaqib xumo reebi doonto, kana codsaday in ugu baaqaan in ay ka baxaan gobollada Sool, Sanaag & Cayn. Garaadka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada SSC in ay u gurmadaan shacabka Buuhoodle ee weerarka lagu soo qaaday. Waxaa uu sheegay in ay iyagu u fasaxeen in ay galaan dagaal, difaacaanna deegaankooda. Dagaalka saaka lagu soo qaaday Buuhoodle ayaa daba socda hadalkii M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee nuxurkiisu ahaa in dawladiisu ay ka soo horjeedo dawlada goboleedka lagu yagleelayo Taleex. Waxaa dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ka socday degmada Taleex shir loogu magac daray Khaatumo II oo lagu go'aamiyey in lagu yagleelo dawlad goboleed. Ma aha markii ugu horeysay ee weerar noocan ook kale ah Somaliland ay ku soo qaado meelo ka mid ah gobollada SSC; sannadkii hore ayaa dagaallo khasaare lixaad leh gaystay ay ka dhaceen Kaldhaale & Maygaagle. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir
-
Poor secessionists are you now name dropping to hide the shame? Are you now after this ********* claiming to have the support of the people of SSC? Look today you reported that the SNM militia captured Buuhudle, it was a "master stroke, bulls eye" and you were all excited and now we know that you got chased out by a few well armed locals.. Now keep name dropping for you know when it comes to it you know deep down that this was a major defeat..
-
The SNM militia like their reps in SOL are full of hot air. Now that the truth comes out they will hide for a few days.. Siilanyu is a clown who attacks poor civilians. Look many of the local leaders and elders are not even in the town at the moment. Yet the SNM got chased out. Well done to the people of SSC and shame on Hargaysa for letting such a thing happen.
-
Ciidamada Soomaliland oo laga saaray magaalada Buuhoodle oo ay gelinkii hore ee maanta soo galeen. Sun, 15 Jan 2012 15:49:54 -0500 pm -05:00 -18000 Buuhoodle, Jan 15 - Ciidamada maamulka Somaliland oo saaka galay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa lagu soo waramayaa in laga saaray magaalada Buuhoodle. Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Cayn Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa Radio Daljir u xaqiijiyay kadib dagaal muddo kooban ka dhacay gudaha magaalada in ay u suurto gashay in ciidamada deegaanku mar kale dib u qabsadaan magaalada. Dagaalka ayaa xiligaan waxaa uu kasoconyaa deegaanka Quraca Buuhoodle oo qiyaastii 1Km u jirta magaalada Buuhoodle. Dagaalka ayaa wali laga dareemayaa magaalada,waxaana uu sheegay gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Cayn in ciidamada Somaliland laga gubay gaadiid dagaal,khasaaro dhimasho iyo dhaawacna la gaarsiiyay ciidamada Somaliland oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo soo duulay. Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin dagaalka saaka kadhacay magaalada Buuhoodle,inkastoo dagaalku uu kusoo beegmay maalin kahor markii madaxwaynaha Somaliland uu ku hanjbay inuusan ogolaan doonin maamulka cusub ee loo samayn doono gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn. Diiwaanka Wararka Daljir Boosaso.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Awdal State oo Muqdisho kula kulmay Mas'uuliyiin ka tirsan DKMG ah Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamul goboleed Awdal State, Avv. Rashiid Ow-nuur Xirsi oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa waxa kulammo la qaateen mas'uuliyiinta DKMG Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Xubnaha wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa mas'uulka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka ee maamulkan, Col. Xasan Xuseen Riiraash. Iyagoo kula kulmay xubno uu ka mid yahay wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh ibraahim xarunta madaxtooyada Soomaaliya. "Wafigan ayaa waxay ku micneeyeen safarkoodan mid lagu muujinayo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo inay soo bandhigaan daraasad ku saleysan habkii iyo dariiqii loo mari iskaashiga iyo wadajir Soomaaliya," ayuu yiri madaxweynaha Awdal State, Avv. Rashiid Ow-nuur oo saxaafdda si kooban ula hadlay. Sidoo kale, xubnaha maamulkan ayaa waxay la kulmeen saraakiil ay ka mid yihiin: Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud, taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir (Saacid), wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda dowladda KMG ee Soomaaliya Prof. Xaamud Marsheeye iyo xubno ka socda dhaqaaqa bulshada rayidka Muqdisho. Madaxewynaha Maamulkan wuxuu sidoo kale warbaahinta u sheegay inay dhawaan socdaal ku tegi doonaan magaalada Hargeysa e Somaliland si ay ugu boorriyaan shacabka ku nool inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, kana fogaadaan wax walba oo wax u dhimi kara. Avv. Rashiid Ow-nuur, ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland inaysan doonayn in dadka ku nool gobolka Awdal ee uu sheegay inuu maamulkiisa ka amrimiyo inay si xog ah uga tashadaan aayahooda. Gobolka Awdal ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ka taliso Somaliland oo ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day horraantii sagaashamaadkii markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Carafaat actually it is in your name. This was done by the SNM clan and by its warlord leader Silanyu. This is Siilanyu trademark, he has attacked and committed crimes against the people of SSC. This is just an extension and it shows just like we told you before that you don't have any strategy other than clan aggression.
-
Wararkii ugu danbeeyey ee Buuhoodle Updated:- 9 hours ago| 22 Commnets Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaalkii saaka ka dhacay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Ugu yaraan 5-qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa inay dagaalkaas ku geeriyoodeen in ka badan 17-qof oo kalena ay dhaawacmeen. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaarey dhinaca ciidamada Somaliland maadaama sida la sheegay ay qaateen meydadka askartii ka geeriyootey iyo kuwii laga dhaawacay intaba. Guryaha qaar ayaa wararka Horseed Media ay Buuhoodle ka heleysaa sheegayaan in hubkii la isku ridayey ay waxyeelo kasoo gaartey. Xaalada guud ee degmada Buuhoodle iyo deegaanada kale ee hoos taga ayaa xiligan ah mid kacsan, saan saan dagaal ayaana laga dareemayaa. Isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa gebi ahaanba hakad galay, waxaana maanta albaabada la isugu dhuftay dhamaan goobihii ganacsi ee degmada Buuhoodle. Dad badan oo rayid ah ayaa magaalada ka barakacay, qaar kamid ah dadkaasina waxay u talaabeen dhinaca xadka dalka Itoobiya. Ciidamda Somaliland iyo kuwa deegaanka oo saaka uu dagaal xoogani dhex maray waxay xiligan isku hor fadhiyaan goob ku taala duleedka Buuhoodle oo qiyaastii 10km bariga kaga beegan, waxaana laga cabsi qabaa in dib mar kale uu dagaal uga dhex qarxo. Horseed Media
-
Galeydh: Siilaanyo Isma Hortaagi Karo Qadiyadda SSC
General Duke replied to Samafal's topic in Politics
Galayr spoke well. He can not ever utter a word of support for the secessionist cause as the people of the region are die hard against anything other than the union. Thus it's game set and match. Political theater at it's best. And secess is not in play. Warlord Siilanyu has no friends in Talex even those he paid can't speak for him. -
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
Nonsense, Why must Puntland Oil be like Nigeria and nor Qatar? Actually Qatar is closer to Puntland in distance terms and culture than Nigeria. Stop wih the hating. The Oil will bring in cash, jobs and development. This will improve the living standard of the region and improve the provision of services. -
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
Posted by Pi on January 13th, 2012 Bosaso(Pi) African Oil oo ah shirkad Canadian ah qandaraasn ku qaadatay soo saarista shidaalka Puntland ayaa dhowaan bilaabaysa inay shidaal hordhac ah kasoo saarto Puntland,Waxayna hada howlgaliyeen Riigii ugu horeeyey ee la dul dhigo mid kamida ceelsha lagasoo saarayo shidaalka ee Dooxada Dharoor. Waxaa tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore 2011 socdey abaabul loogu diyaar garoobayo sidii howshaan loo bilaabi lahaa, iyadoo guud ahaanba lagu guuleystey dhinaca sugida amaanka, keenida qalabkii loo baahnaa iyo shaqaalihii ka howlgali lahaa soo saarida shidaalka. Shirkada Afrikan Oil waxay keensatey dhamaan qalabkay u baahneyd oo uu ugu horeeyo hal Riig,kasoo dhowaan bilaabaya inuu soo saaro shidaalka, Dowlada Puntland iyana waxay fulisey sharuudihii looga baahnaa oo ay u horeeyeen sugida amaanka deegaanka. Ceelka u horeeya ee shidaalka laga soo saarayo wuxuu ku yaalaa Dooxada Dharoor ee Gobolka Bari, waxaana lafilayaa in dhowaan banaanka loosoo saaro shidaalkii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga soo saaro, Shaqaalaha ka howlgalaya hada ceelkaan ayaa ah kuwo isugu jira Soomaali iyo ajnabi. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay idaacada BBC ayaa isna cadeeyey in howshaan bilaabatay. Shidaalka laga soo saarayo Puntland hadii si fiican loogu guuleysto soo saaristiisa wuxuu noqonayaa mid Soomaali oo dhan ay wadaagayso wixii kasoo baxa, inkastoo Puntland ay si gaara uga faaiidaysanayso dhinaca maalgalinta wadooyinka, garoomada Diyaaradaha, Shaqaaleynta, dhismaha, iyo iyadoo Puntland laga dhisi doono dhowr dekadood oo caalami ah. Faahfaahin buuxda iyo warbixin ku saabsan shidaalka Puntland ayaa dhowaan idiin soo gudbinaynaa Puntlandi.com Bosaso -
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
That's what's up!