
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Caleema Saarka BAASHE Cabdullahi Maxamud Aw-Cusman
General Duke replied to Gheelle.T's topic in Politics
-
Caleema Saarka BAASHE Cabdullahi Maxamud Aw-Cusman
General Duke replied to Gheelle.T's topic in Politics
Puntland State welcomes the Bashi.. -
Caleema Saarka BAASHE Cabdullahi Maxamud Aw-Cusman
General Duke replied to Gheelle.T's topic in Politics
All hail the new Bashe (Pasha) of Puntland Somalia.. -
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
Puntland oil is not in dispute. When it will come out is in dispute. -
Caleema Saarka BAASHE Cabdullahi Maxamud Aw-Cusman
General Duke replied to Gheelle.T's topic in Politics
I agree with Gheele T, your name is Bashi but not thee Bashe. -
Caleema Saarka BAASHE Cabdullahi Maxamud Aw-Cusman
General Duke replied to Gheelle.T's topic in Politics
-
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
Carafat is having a real hard day. No one ever claimed drilling started before. Only exploration and tests now it's exploitation and drilling. -
Caleema Saarka BAASHE Cabdullahi Maxamud Aw-Cusman
General Duke replied to Gheelle.T's topic in Politics
Masha Allah. I am happy that one of the oldest titles of Somalia has been at last filled. I congratulate the Diaspora for the handwork and for uniting the community. Congratulations to the new Bashe. -
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo ku dhawaaqay inay bilaabatay howlaha baarista shidaalka ee Puntland Fri, 13 Jan 2012 08:58:13 -0500 am -05:00 -18000** Bosaso,Jan 13 -Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo waraysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa waxaa uu sheegay inay bilaabatay howlo lagu baarayo shidaalka ku jira deegaanada Puntland. Madaxwyne Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu sheegay mudo badan inay qaadatay shirkadaha dowladda ay la gashay inay shidaal ka baaraan deegaanada Puntland,inay keenaan riigii qodi lahaa ceelasha shidaalka Puntland,waxaana uu sheegay shirkadaha inay keeneen riiga islamarkaana ay socoto howlaha qodista shidaalka ku jira deegaanada Puntland. Waxaa uu sheegay madaxwayne Faroole inay xiligaan qodista shidaalka ay ka socoto Dooxada Dharoor ee gobolka Bari,ayna ku rajo waynyihiin dhawaan inay u sii gudbaan dooxada Nugaal oo ka mid ah goobaha la rumaysanyahay inay ku jiraan jiraan shidaalka. Madaxwaynaha ayaa waxaa uu xusay shidaalka laga soosarayo deegaanada Puntland uu dhaqaale badan uu soo galin doono dalka,islamarahaantaana ay dhaqaalahaasi ay ku horumarin doonaan adeegyada caafimaadka,dib u dhiska garoomada iyo wadooyinka Puntland. Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa xiligii uu ahaa madaxwayanaha Puntland waxaa dowladiisa ay heshiisyo shidaal baaris ah la gashay shirkadaha Range Resources iyo African Oil,heshiiskaasi ayaa waxaa mar kale dib usoo cusboonaysiisay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Diiwaanka Wararka Daljir Boosaaso. -
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
The drilling has started lad. Listen to the interview. The rig is in Ufain drilling right now. -
President Farole Tells BBC We Are Drilling Oil Soon
General Duke replied to Dr_Osman's topic in Politics
Carafat will vanish when the Oil is found. He reach for a connection to Puntland a lost grandmother and a cousin next door. -
President Farole Tells BBC We Are Drilling Oil Soon
General Duke replied to Dr_Osman's topic in Politics
It's a great leap forward. I know some will lose the remaining hair on their head. -
Faroole: “ Ceelal Shidal ayaa laga qudayaa Puntland”
General Duke replied to walaalkis's topic in Politics
It is long overdue. -
SNM media and the Talex conference an update!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Marqaan Suladn needs to stop calling for war. -
SNM media and the Talex conference an update!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Oo Ka Dayriyey Maamulka Goboleedka Taleex Lagaga Dhawaaqay, Shacabka Awdalna Ugu Baaqay Isku Soo Bax Ay KagaSoo Horjeedaan Qurba Joogooda Somaliland Diidka Ah “Waa In Talaabo Cad Oo Ciidan La Qaado, Cid Kasta Oo Ciidanka Ahaan Jirtay Iyo Jabhadii Dib* Loo Hubeeyo, Waayo Marxalad Adag Baa Halkaa Inaga Soo Waajahday, Waxaan Leeyahay Hal Naaskeed Ninkii Gaadha Inaan Qorigiisa Laga Waayin” Hargeysa, January 11, 2012 (Haatuf) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka dayriyey Maamulka Goboleedka shirkii Taleex ee beelaha *********** uga socday deegaankaasi shalay lagaga dhawaaqay, kaas oo uu ku tilmaamay inuu colaad iyo qalalaase uu u horseedayo mandaqada, waxaanu xukuumada ugu baaqay inay talaabo cad oo ciidan ka qaadato arintaasi. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan gobolka Awdal u soo jeediyey inay sameeyaan isku soo baxyo ay kaga soo horjeedaan qaar kam id ah qurbajoogooda Somaliland diidka ah ee maalintii shalay ka dagay Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay fidmo iyo Somaliweyn aan jirin ay wadaan. Suldaanka Guud ee Beelamaha Somaliland ayaa intaasi ku daray in Maamulka Taleex lagaga dhawaaqay ay ku timid Cadho ay xukuumadihii hore ee Somailand ay ka tirsanayeen Beesha ***********, ilaa hadana aan waxba laga qaban, balse xaaladani ay tahay mid aan loo fadhiyin loona dul qaadan Karin. Suldaan Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, isagoo sidoo kalena ku taliyey in shacabka Somaliland ay u guntadaan sidii qaranimada loo difaaci lahaana ee loo wajihi lahaa xaalada ka soo cusboonaaday darifyada Somaliland. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya Maamul Goboleedka lagaga dhawaaqay shirkii Taleex ee beelaha *********** ayaa waxa uu yidhi “Maan filayn arintaa Taleex ka soo baxday, runtii waxa weeyi inagu hadaynu nahay Somaliland waynu isku daynay inaynu ergo iyo gogol nabadeed fidino, hadana si ay noqotay ba waynu arkaynay wixii dhacay, laakiin Soomaaliduna waxa ay tidhaahdaa caano daatay dabadeed la qabay in shir dambe la isugu yimaado oo gogoshii nabada ee la soo ajiibay ayaan ogaa anigu xukuumaduna ay la socotay. Waxaa lagu dhawaaqayna kolay waa cadho ka kacday uun quudhisigii hore ee xukuumadii hore ee Mujaahid Axmed ka horeeyey ee loo geystay, laakiin anigu waxaan qabaa dadka Laascaanood degan maxaa Caasimadii Sool Laascaanood bay ahayde shirka loogu qaban waayey waa cabsi uun, laakiin xukuumadu shirkaasi qodobada ka soo baxay iyo wiixii go’aamo ka soo baxa barito ha soo shaacbaxaan (Maanta). Xuduudii Ingiriiska ee Somaliland lahayd in cidii ka baxaysaa dhul ka raacayo, shakhsiyaad waa laga yaabaa inay Koonfur iska jecel yihiin oo ay qabtaan meeshaasi, dawladda Federaalka ay ku biiraan, iyadeediibaa maanta dhibteedii iyo arimaheediiba ay taagan yihiin, markaa anuu waxa aan odhan lahaa yaanay nin meel ka tagay oo meel madhan tagay ayay aniga iigu muuqataa. Waad ogtahayoo Xamar nabadbaa ka dhacday baa la yidhi maalin walbana ragbaa lagu laynayaa dadbaa lagu laynayaa, waxaan ku talin lahaa tii la imariyey hadaan cid la marinayn inaynu dee kolay siddii aynu waxan u burburin lahayn uun taladeeda la qabto oo talaabo cad oo ciidan oo lagu xoojinayo goobahaa la sheegay oo maanta la soo celiyo cid kasta oo ciidanka ahaan jirtay iyo jabhadii dib loo soo hubeeyo, waayo marxalad adag baa halkaa inaga soo waajahday waxaan leeyahay Hal naaskeed ninkii gaadhaa in aan qorigiisa laga waayin. Sidoo kale Suldaan Maxamed Mar uu ka hadlayey qaar ka mid ah Qurbajooga gobolka Awdal oo maalintii shalay ka dagay magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay fidmo dalka ka abuuraan ayaa waxa uu yidhi “Ninka qurbajooga ah ee Afkaar kale xambaarsan ayuunbaa arinkaasi ku dhiiran kara, reer Awdalna waxa aan leeyahay magaciina in cambaar la saaro ama reer Selel waxa ay dhagxumo ku tahay wax aanad la qabin oo qof dheg xumo inta uu iska samaysto uu ka hadlayo oo uu leeyahay sidaasi ayaanu ku gaadhnay in saddexda degmo oo uu leeyahay sidaasaanu talo ku goosanay waxaan jecelahay in arinkaasi sidii aad u cambaarayn lahaydeen ee ay uga hor iman lahaydeen in shaaca ka qaadaan. Ta kale cidii ka go’aysa Somaliland ee doonaysa inay ka goosato iyo shakhsiyaadka doonaya inay ka go’aan cidina qasbi mayso, laakiin in aan dal sidaa ku raacayn oo aanu Federaal ku tagayn oon Koonfur tagayn ha ogaadaan, waayo anaga tii na soo martay cid waliba way xusuusan tahay runtii aadna waanu uga damqanaynaa”. Suldaan Maxamed oo aanu waydiinay xidhiidhka ka dhaxayn kara Maamulka lagaga dhawaaqay Taleex iyo Raga uu sheegay inay Muqdisho ka dageen ee qurbajooga Awdal uu ku tilmaamay ayaa waxa uu yidhi “Dee ma joogno barigii 1964-kii ee la isku odhan jiray USB maanta maaha wakhti casriya ayaynu maraynaa markaa anuu isuma nisbayn karo waa arin haddii ay dhacdayna qurbaha inagaga timid, dadkaasi qurbuhuna inta ay shiraan ayay waxa ay ku shiraan isula tagaan sidii loo soo celin lahaa arintii ahayd USB-da ee ka dhaxaysay beelaha ******** iyo beelaha ***********, laakiin anuu ma qabo dadka reer Somalialnd inay la qabaan fikirkaasi wax dhibaato ahna ma keeni karto taasi. Dadka Gobolka Awdalna waxa aan ugu baaqayaa in ay midnimadooda iyo Somaliland Nimadooda ku muujiyaan Mudaharaadyo iyo Media-ha labadaba sida ay uga soo horjeedaan waxaa lagu dhawaaqay ee ninkaasi Muqdisho tagay uu wado.” * -
SNM media and the Talex conference an update!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
“Maamulka Jira Waxaynu Ku Boorinaynaa Inay Siyaasad Cad Oo Umadda U Cuntada Ay Ku Qaabisho Taleex” Muj. Xasan Ciise Jaamac Hargeysa, January 11, 2012 (Haatuf) – Madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa walaac ka muujiyey tiradda badan ee ururada siyaasada ee dalka ka furmay, waxaanu sheegay in ilaa hadda xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo aanay qorshe cad ka yeelan sidii looga taxadari lahaa dhibaato ka iman karta tirada badan ee xildhibaanada u tartamaya golayaasha deegaanka. Xasan Ciise waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay inay siyaasad cad oo umadda u cuntada ka qaadato shirka ka socda degmada Taleex, isaga oo Ilaahay ka baryey in wax khayr lihi ka soo baxo, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey Munaasibad ay ururada UDHIS iyo Waaga Cusub ka furteen Hargeysa, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Xaalada dalku sida ay tahay waynu ognahay, shirkaa Taleex-na waxaynu Ilaahay waydiisanaynaa in wax khayr leh ka soo baxo, maamulkana waxaynu ku boorinaynaa inay siyaasad cad oo umadda u cuntada ay arintaa ku qaabisho oo midho dhala”. Mujaahid Xasan Ciise isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Haddii aanay ururadu midoobin doorashadu waxay noqonaysaa dhako-faar waayo 18 urur marka lagu dhufto 25 waa 450 musharax oo sida loo kala dooranayaa ma sahlana, waxaana halkaa ka cad in ummad badan codkeedu khasaaro haddii aan wax laga qaban”. waxaanu intaa ku daray “Maamulkuna waxa qorshe ah oo uu arintaa ku qaabilay ma jirto, haddii markaa maamulkii qorshe keeni waayeen waa in ururada lafteedu qorshe la yimaadaan, maanta Islaamaheena iyo odayaasheena 80% waxba ma akhriyaan sidee ayay u kala dooran karaan 450 musharax oo Hargeysa oo kaliya ah”. -
SNM media and the Talex conference an update!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
(London-HNW) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inu yahay hadal afka laga yidhi balse aan ficil loo samayn Karin, hadalka ka soo yeedhay (London-HNW)* Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay hadal afka laga yidhi balse aan ficil loo samayn Karin, hadalka ka soo yeedhay kooxda ku shiraysa Taleex. Sidaana waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo u waramaayay Ilaacadda BBC´da laanteeda Afka Somaaliga ku hadasha. Wasiirka arrimaha gudaha oo la waydiisay su´aal ahayd siday u aragto Xukuumadda Somaliland kooxda sheegtay inay maanta Maamul Goboleed ku dhawaqayaan wuxuu ku jawaabay. "Runtii Wax maamul ah oo laga samayn karaa marka la eego caqliga fayow Goboladaas aad sheegtay ma jirto, dhawaaq afka ahi waxaa wax fudud oo waa laga odhan karaa, lakiin fulintiisu waa wax adag wax laga samayn karaana ma jirto, sababtu waxaa weeye Goboladda aad xustay waa Gobolo maamul Somaliland la yidhaahda uu ka jiro oo uu ka taliyo oo uu gacanta dee ku hayo.* Markaa mar haddii maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo ah oo nabadda uun wax u dhimaaya, *waana eray aan afka dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin." Wasiir Duur oo markale la waydiiyay su´aal ahay, in dadka meesha iskugu tagay in kasta oo aanay beeli meel ku dhammaan Karin haddana ay yihiin Saladiin iyo Siyaasiyiin, ma xoog ayaad ku muquninaysaan wuxuu ku ja waabay markale. * "Dadka waa la eegidoona oo dhawaaqyada kan hadda kasoo daba bixidoonana waa la arki doona, adiguna waad la xidhiidhi doonta, lakiin waxaa weeye bulshada in meel isugu tagta oo* afar qof iyo 20 qof iyo in qol qaado bulshada masiir keeda ma matasho. Ummaddu wixii ay ku tashato cidi ma diidi karto lakiin intan dibadda ka timi ee barina dibadda uun tagaysaa ee qurbaha ku noqonaysa, kana yaaci doonta Taleex, dee ma matalaan ummadda, waxaa masiirka xaq u leh inta hadhaysa ee ciida ku hadhaysa ee dalka joogaysa, ku waas ayaa xaq u leh, lakiin koox dib u noqonaysa ummadda ma matasho." * Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa noqonaaya dhawaaqii ugu horreeyay ee ka soo baxa Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ee ku saabsan kooxdan shegaysa inay ku dhawaqeen maamul goboleed aan lagaranayn halkuu fadhiisan doono,*Waxayna tani noqonaysaa ama uu Wasiirku muujiyay in hadalkaasi yahay wax Afka uun laga yidhi ficil cid u samayn kartaana aanay jirin. Muniir Axmed Cigaal Hadhwanaagmedia England/Uk. -
“Waa Hadal aan af dhaafayn oo aan marna ficil loo rogi Karin, goboladaasina waa Somaliland” January 10th, 2012 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaan marnaba ficil loo rogi Karin wax loogu yeedhay maamul goboleed lagaga dhawaaqay magaalada Taleex ee gobolka Sool, oo sida la sheegay ergada shirkaasi ka qeyb gashay ay isku waafaqeen inay samaystaan maamul goboleed. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur (Caraalle (Duur) oo caawa ka hadlayay aragtida xukuumadda ee maamul goboleedka la sheegay in lagaga dhawaaqayo shirka Taleex, waxaanu “ Runtii dee wax maamul ah oo laga samayn karaa marka caqliga la eego dhawaaq waa laga odhan karaa oo in wax la yidhaahdaa waa wax fudud, laakiin fulintiisu waa wax adag wax laga samayn karaana ma jirto, sababtuna waxa weeye waayo goboladaasi la sheegayaa waa gobolo Maamul Somaliland la yidhaahdaa uu ka jiro oo uu ka talliyo.” Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya, laakiin waxa weeye waa erey aan af dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin marnaba sidaan u arko.” “Dadka waa la eegi doonaa oo dhawaaqyada dambe ee ka soo baxa waa la arki doonaayoo, laakiin waxa weeye bulshada afar qof iyo labaatan qof oo meel iskugu tagta iyo in qol qaadaa bulshada masiirkeeda ma matasho, ummaddu waxay ku tashato ee ay goosato lama diidi karo, laakiin intan imika dibada ka timid ee baritana dibada uun ku noqon doona ee ka yaaci doona Taleex ummadda ma matelaan. Inta ciida ku joogaysa ayaa xaq u leh inay masiirkooda ka tashato xaq u leh iyagaana nabadooda ka tashanaaya,”ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraalle (Duur), oo caawa u waramayay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da. Weriye Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa cumarmfaarax@hotmail.com
-
President Rashiid Aw nuur Xirsi of Awdal State in Mogadishu,
General Duke replied to Akash's topic in Politics
Big news. -
Puntland Sheikhs declare war on Alshabab idealogy
General Duke replied to Samafal's topic in Politics
It's good that the Culima are waking up from their long slumber. I find it amusing though that Colonel Xasan Dahir is talking some sense. Well the pressure is mounting on the old man. -
It's a good move from the admin and a very big contrast to the Hargaysa Warlord Siilanyu's stance. Better much better.
-
Ah the deer in the Garowe park. Brings back memories.
-
As long as you found your blue flag & Somalinimo everything else will be solved in due time.