
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Iska horimaad dhexmaray Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ee ku sugan Gelinsoor Last Updated::2006-11-06 15:30:02 Gaalkacyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gelinsoor ayaa sheegaya in iska horimaadkii halkaasi ka dhacay uu dhaxeeyey laba kooxood oo kamid ah maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Sida uu noo xaqiijiyey Cabdullahi Asad oo ku sugan degmada Gelinsoor oo aanu la xariirnay iska horimaadka ka dhacay magaalada Gelinsoor ayaa ka dhashay muran la xariira hub lagu wareejiyey Maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Sida uu goobjoogahaasi u xaqiijiyey wariyaheen magaalada Gaalkacyo, dagaalkan ayaa salka ku haya xiisada ka taagan gobalada dhexe iyo dagaaladii dhexmaray beelaha Sacad iyo Saleebaan ee ku wada dhaqan deegaankaasi. Dagaalkan maanta ka dhacay Gelinsoor ayay warar qaar sheegayaan in ay ku dhinteen 2 kamid ah maleeshiyooyinka deegaankaasi kuwada sugan. Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii mid kamid ah beelaha oo horey hubkeeda ugu wareejisay maleeshiyooyinka Maxaakiimta ay dib ugu soo ceshaan hubkooda si ay isaga difaacaan dagaalada beeled ee deegaankaasi ka socda. Murran ka dhashay dib u celinta hubkaasi ayaa la sheegay in ay tacshiirad is weydaarsadeen labo kooxood oo kamid ah Maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Balse mid kamid ah mas'uuliyiinta Maxaakiimta oo asagu ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters, in dagaalkaasi uu ahaa mid u dhaxeeya ciidamada Puntland oo Duulaan kusoo qaaday iyo maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Warkaasi ayay si adag u beeniyeen dhinaca Dowlada Puntland oo sheegtay in aysan ciidamadeed wax weerar ah qaadin, isla markaana ku sugan yihiin degmada Gaalkacyo. Waa markii ugu horeysay oo dagaal noocaan ah dhexmaro maleeshiyooyinka kuwada jira Maxaakiimta ee ku sugan gobalada dhexe. Maxaakiimta Islaamiga ee Xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho ayaa horey u sheegay in ay ciidamo dhex dhigi doonaan beelaha ku dagaalamay gobalada dhexe, inkastoo isku daygaasi aan illaa iyo hada lagu guuleysan. Cabdifutaax Shirwac HorseedNet.com - Gaalkacyo
-
A/Qaybdeed pushes courts further back, limited Puntland support..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowlada Puntland oo beenisay in wax dagaal ah ay ku qaadeen Gelinsoor Last Updated::2006-11-06 15:04:02 Gaalkacyo:- Dowlada Puntland ayaa si adag u beenisay in ay wax weerar ah ku qaaday magaalada Gelinsoor. Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Md.Cali Cabdi Awaare oo Saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyey in Puntland ay wax dagaal ah ku qaaday maleeshiyooyinka Maxaakiimta ee xaruntoodu tahay Gelinsoor. Wasiirka oo la hadlay Saxaafada Caalamiga ah iyo waliba kuwa maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday in been abuur ay tahay wararkii ay faafiyeen Maxaakiimta Muqdisho oo ay ku sheegeen ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen magaalada Gelinsoor. Dowlada Puntland ayaa sheegtay in Ciidamada Puntland aysan marnaba weerarin deegaanada xaduudka ay la leeyihiin, isla markaana ay ku sugan yihiin goobihii ay horey u joogeen. Difaac Dowlada Puntland ayaa sheegtay in aysan ku jirin wax duulaan ah balse ay ciidamadeeda yihiin kuwo is difaac u diyaar ah, aana cidna ku xad gudbeyn. Dowlada Puntland ayaa ugu baaqday Maxaakiimta Muqdisho in ay joojiyaan Xiisada ay abuurayaan iyo wararka been abuurka ah oo ay u gudbinayaan saxaafada Caalamka. Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse iyo Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Madaxweyne Cadde ayaa horey marar badan u sheegay in ay jiraan kooxo doonaya in khal khal la geliyo amniga Puntland, Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in jiraan warar caalamka la siinayo oo la rabo in sumcada looga dilo amniga ka jira deegaanada Puntland oo ay hada ka socdaan mashruucyo kala gedisan oo horumarineed. Cabdifutaax Shirwac HorseedNet.com - Gaalkacyo -
^^^Your comments regarding all things Puntland speak volumes. I expected from some but thought you was a man of principle. Not a big deal though, I have become used to such things.
-
The Puntland dictatorship - No more public gatherings or poltical meetings
General Duke replied to me's topic in Politics
Out of all th systems existing in Somalia Puntland is the best one. Compare it to the clan courts and others, if you must. So please keep the noise down.. -
A/Qaybdeed pushes courts further back, limited Puntland support..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^By who Indacade's clan? I doubt they can capture him in his own country when they could not in Mogadishu, remmeber this man gave them the biggest nose bleed so far. Also the fact that he is outside Galinsoor highlghts the fact that the courts have no leg to stand on. -
Cambaro, sis. Puntland has many nice locations, Bossaso is quite hot but it has stunning beaches. Sanaag is quite beautiful and I am waiting for pics of Eyl, Qandala and Hafuun all on the Indian ocean coast. The state is huge and under developed, we could all do our bit, I intedn to visit real soon.
-
^^^Saxib the Puntland governemnt and people have just begun developing their state. You have a right to oppose even progress.
-
Puntland troops were not involved, this was A/Qaybdeed getting closer to Galinsoor which is the seat of the courts in these areas. They tried to move forward and were met with force. IndaCade keeps making silly statements, and it was him who spoke to the news agencies. Oh and the plane is still stuck in Nairobi.
-
A/Qaybdeed pushes courts further back, limited Puntland support..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ahmed Guree, Col Qaybdeed is fighting those who fought him in Mogadishu, this is personal. As for Puntland here is the states view. Gaalkacyo : Maamulka Puntland oo beeniyay in ay weerar ku qaadeen deegaanka Galinsoor. Isniin, November 06, 2006 Gaalkacyo (AllPuntland)- Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in aysan wax weerar ah ku qaadin magaalada Galinsoor iyo agagaarkeeda. Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare oo saxaafadda la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ciidamada mamulka Puntland aysan wax dhaqdhaqaaq ah ka samayn deegaanadaasi. Waxa uu sheegay in ciidamadu ay ku sugan yihiin meelihii ay hora u sugnaayen. Hadalkani ayaa waxa uu soo baxayaa iyada oo dhowaan xubno maxkmadaha ka agdhow aysheegeen in ciidamda Puntland ay weerar gaad mo ah ku soo qaadeen deegaanka Galinsoor. Goobo badan oo ku yalla gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa isku hor fadhiya ciidamada Puntland iyo ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho. Mahad Jama Koronto AllPuntland Related Articles -
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Camir, many thanks for the pics -
A/Qaybdeed pushes courts further back, limited Puntland support..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
GALLINSOOR: Dagaal aad u xooggan oo ku dhex Maray saakay Maxkamadaha iyo Cabdi Qaybdiid Deegaan ku dhow Gallinsoor Posted to the Web Nov 06, 13:30 Gallin-soor (PP) - Dagaal saocday in ku dhow 30-daqiiqo oo ahaa mid aad u xooggan ayaa wuxuu saakay dhex maray Ciidammo ka tirsan kuwa Col. Cabdi Qaybdiid ee ku sugan Deegaanka Bandiiradley iyo kuwa Maxakamdaha ee ku sugan Deegaanka Gallinsoor. Wararka ka imaanaya Deegaanka Gallinsoor ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaas uu ahaa mid ka billowday halka lagu magacaabo Far-caano oo 15-km u jirta Degmada Gallinsoor, waxaana la sheegay inay foodda isku dareen markii hore laba Malleeshiyo oo sahan ah. Dagaalkaan ayaan la sheegin khasaaraha dhabta ah ee uu geystay balse dhanka Maxkamadaha ayaa waxay sheegteen inay ka gaareen guul isla markaana ay ka dileen kuwa Cabdi Qaybdiid 3-ka mid ah Malleeshiyadiisa. Malleeshiyooyinka Col. Cabdi Qaydiid ayaa iyaguna waxay sheegteen inayu ka gaareen dagaalkaas isla markaana ay ka saareen deegaanka Far-caano kuwa Maxkamdaha, waxaana ay sheegteen inay ka dileen dhanka Maxkamadaha laba qofood isla markaana ay ka dhaawceen ugu yaraan 6-qofood oo kale. Sheegashooyinkaas labada dhinac marka laga soo tago ma jiraan war madax bannaan oo sheegaya khasaaraha halkaas ka dhashay ee dhimashada iyo dhaawaca ah sida ay yihiin iyo cidda si dhab ah haatan dagaalka ugu gacan sarreysa. Warar cusub oo ka imaanaya deegaanka Bandiiradley iyo Gallinsoor ayaa waxay sheegayaan in labada dhinac ay wadaan abaabullo dagaal oo xoog badan, isla markaana aysan jirin wax cid isku dayaysa inay qaboojiyhaan colaaddaas. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan -
Dagaal maanta ka dhacay agagaarka magaalada Galinsoor iyo Mudaharaad balaaran oo looga soo horjeedo gudmoomiyaha baarlamaanka oo ka dhacay Baydhabo Posted to the MOL November 6, 2006, 6:04 am Galkacyo:- Waxaa maanta markii ugu horeysay intii uu burburay shirkii Khartuum fooda isdaray ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qaybdiid oo dhinac ka soo wada jeeda iyo kuwa maxkamadaha Islaamiga Muqdishu. Dagaalkaan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn tuulada Galinsoor ayaa la sheegay inay isku heleen ciidamada Maxkamadaha oo halkaas ayaamahaan dambe fariisimo ka sameystay iyo kuwa Puntland oo sahan ahaa. Wararka laga helayo dhinaca Maxkamadaha ayaa xaqiijiya in ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qaybdiid ay hub culus huwiyiin ciidamada Maxkamadaha. Iyadoo aan wali la ogayn qasaaraha dagaalkaas. Madaxa amaanka ee Maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland inay soo weerareen ciidamadooda. Dhinaca Maamulka Puntland ayaan wali wax wara ka so bixin iyadoo dhawr maalin ka hor uu madaxweynaha Puntland Cadde Muuse ka sheegay magaalada Gaalkacyo oo meesha maanta dagaalku ka dhacay u jirta 90km in maxkamadaha Muqdishu yihiin qabiil gashaday shaati diimeed una socda inay qabsadaan Puntland isagoo wacad ku maray inaysan cag soo dhigi doonin deegaanada Puntland. Cadde Muuse ayaa intaas ku daray in 16-kii sanno ee dagalka sokeeye socday la isbartay, Puntlandna awood buuxda ay ciidankeedu u leeyihiin inay iska difaacaan maleeshiyo beeleedka ku soo bahoobay maxkamadaha Muqdishu. Waxaa jira cabsi laga qabo in Somaliya oo dhan ka dilaaco dagaalo faraha looga gubto oo dhex mara Maxkamadaha Islaamiga Muqdishu iyo Dawlada KMG ah oo kaashanaysa maamulada taageera. Dagaalkaan maanta ayaa ku soo beegmay iyadoo maalintii shalay uu muqdishu soo gaaray gudoomoyaha Baarlamaanka Somaliya SHariif Sh. Adan oo isagu si shaqsiyan ah u yimid Muqdishu isagoon wax wada tashi ah iyo kalsooni ka wadan Baarlamaanka Somaliya. Arintaas oo ka caraysiisay dad badan oo awal horey u taageersanaa gudoomiyaha Baarlamaanka. Maanta ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay Mudaharaad looga soo horjeedo tagida Muqdishu ee gudoomiyaha Baarlamaanka. Iyadoo dad badan oo isugu soo baxay halkaas ay ku dhawaaqayeen kalsooni xumida ay u hayaan gudoomiyaha oo diiday xitaa inuu wada tashi ku yimaado Muqdishu haduuba u socdo inuu la hadlo qolyaha Maxkamadaha oo horey shirkii Khartuum u diiday inay nabad la galaan dawlada KMG ah. Mudugonline.com
-
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Bossaso all they need now is setting up road networks and Urban planning. -
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Galkacyu has made some strides -
^^^Mr Xoogsade some great points and an insight into your thinking at last. 1. The TFG has deep rooted support in Bay and Bakool, much of the former RRA leaders except Xabsade support and are integral part of the TFG, thus Bay and Bakool should remain the seat of government. 2. Minister Aydeed suggested to the President to move to Galkacyu and Mogadishu, I belive it will be Mogadishu in the near future either through negotiation or war. 3. Galkacyu is out of bounds for the courts, south or north, I respect the fact that the courts being a clan entity you supposed they should get a foot hold in their clan area, but the opposition there is too deep, with A/Qaybdeed and Puntland admin not to mention the religious leaders or Sufi's who hold much sway in that area of Mudug. 4. You are right, in that it seems like war, but you seem to over estimate the power of the courts, I trully belive that looking at both sides and their support bases, the fact that the area is not even the clan courts, and should be seen as against them, the locals experience of living under occupation the people of Bay, Bakool and Lower Shabbele have no love for Indacdae, Cirfo, Dhuxulow and their clan courts, I dont see the advantage you give to the courts. Mogadishu will be a tough nutt to crack but not pushing them back up to Afgoyee.
-
^^^I dont have his biography per say, but know enough about the man, most things critics say about him are no more than heresay. The clan court leaders past is not all the same, Sharif Ahmed was a trained as a teacher, Xasan Dahir was a prison warden in the past, Yusuf IndaCade is a well known figure, Abukar Cadan is a well known businessman with his own millitia but there are many with no links to violence.
-
^^^Never been to NY, plan to go soon insha Allah. Yes I have met the old many on a number of occasions. A picture speaks a thousand of words, many on SOL not familiar with Puntland would never take our word for how much things have and still are changing in the state. People say what they want without evidance. A/Yusuf love him or hate him will continue to do what he wants and usually he pulls it of.
-
^^^Now that was funny...
-
Puntland State consists of the following seven regions : 1. Ayn 2.Bari 3. Sanaag, 4. Karkaar 5.Nugaal 6.Mudug 7.Sool Total area of the State of Puntland is 212,510 km2, (roughly one-third of Somalia 's geographical area).
-
-
^^^lol..It was todays theme. Here are more pics from Bossaso
-
Bossaso International Airport Development Project (Terminal) has Reached the Final Stages of Completion Wednesday, 01-Nov 2006 Bossaso international airport development project (terminal) has reached the final stages of completion. Soon the runway construction part of the new airport will start.
-
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
^^^Sakhar I already love the pic you have of Eyl, looking forward to the new ones, insha allah. -
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Badhan, up and coming though I think these are old pics.. A couple more on Badhan, work in progress I am told. puntlandgov.net -
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
I love this pic, Garowe looks amazing..