
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
SICU has been frastrated. Any news is good news for them. Expect them to have a lot of "colonel fartaag moments" from here on. I expect that every day I read news from Mogadishu Radio stations such as Shabbele. An intersting new development is this meeting in Djibouti. There is a clear indication that the Clan Courts want to talk to Adis, desperately. So how will that go down with their gulible supporters?
-
Puntland Vice President returns after State Visit to Ethiopia
General Duke replied to Naxar Nugaaleed's topic in Politics
^^^Bambo. The airpot is under construction and will be one of the biggest in Somalia as a whole. The air strip now used is the old one. As for Bossaso the pictures are already in SOL of the city, it is by far one of the largest cities in Somalia and was built not by a central government or colonial powers but by the people of Puntland. -
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
source -
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
^^^Capital of the Abassid dynasty. However they are both muslim lands so dont play down Baidoa.
-
arms embargo latest: 15 security council nations agree..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
U.S. Submits U.N. Resolution on Regional Force for Somalia Proposal aimed to prevent further bloodshed, U.S. ambassador says By Judy Aita USINFO United Nations Correspondent United Nations -- The United States has presented to the Security Council a draft resolution that would send regional peacekeeping troops to Somalia to help bring stability to the country. "The resolution will call for endorsing the efforts of IGAD (Intergovernmental Authority on Development) states and the African Union to deploy a peacekeeping force in Somalia and support a partial lifting of the arms embargo for the purpose of assisting the force and associated training," U.S. Ambassador to the U.N. John Bolton told journalists December 1. Bolton gave the draft text to the delegations of the other 14 members of the Security Council so that they could consult with their capitals and begin discussions on December 4. "Then we'll proceed as rapidly as we can after that," he said. "What we want to do is introduce this regional peacekeeping force … which many of the African states have called for, in order to provide some measure of stability there to permit a political solution," Bolton said. (See related article.) The United States is making the proposal, the ambassador said, "in the interest of preventing further hostilities and associated displacement of persons and loss of life." IGAD, which is chaired by Kenya, has proposed with the African Union to deploy a training and protection mission to stabilize security and help create conditions for talks between the U.N.-Backed Transitional Federal Institutions (TFI) now headquartered in Baidoa and the Union of Islamic Courts (UIC) movement which controls much of the country. The resolution "is a step toward resolving" a very complicated situation, Bolton said. "We don't pretend to say that this resolution alone will be a complete solution. A lot more work remains to be done." The draft resolution lifts the 1992 arms embargo in order to equip and train the peacekeeping troops. It emphasizes the council's willingness to engage with all parties in Somalia if they are committed to achieving a political settlement through peaceful and inclusive dialogue. The U.S. draft bans the countries neighboring Somalia from sending soldiers. It also warns that the council would consider taking measures against those who prevent or block a peace process, overthrow the transitional government by force, or take action that would further threaten regional stability. The resolution was submitted just days after the Security Council continued for another six months the monitoring group which investigates violations of the arms embargo. The group named ten countries that have violated the embargo by providing weapons, ammunition, equipment and other supplies, or training. For more information, see Africa. -
Reports: Diinsoor: TFG recapture town from Clan Courts...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baydhabo) Mas'uul u hadlay Maamulka Gobolka Baay oo sheegay in gacanta Dowladda ay ku soo noqotay Deegaanka Diinsoor, kadib iska hor imaad halkaas ku dhex maray Dhinacyada Dowladda iyo Maxkamadaha. Warar kala duwan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxaya dagaal la sheegay inuu maanta ku dhex maray Degamada Diinsoor Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Kmg ah. Waxaa aad u adag in la ogaado faah faahin rasmi ah oo ku aadan gacan ku heynta Deegaankaas, iyadoo isgaariisnta Magaaladaas ay tahay mid hawada ka maqan. Xiriiro aanu la sameynay Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Dowladda Kmg ah, ay xoog kula wareegtay Deegaanka Diinsoor oo ay maalintii shalay la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha. Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Baay ayaa sheegay in gacantooda ay dib ugu soo noqotay Deegaanka Diinsoor, wuxuuna qiray in Dowladdu xoog kula wareegtay gacan ku heynta Deegaankaas. Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Kmg ah ay dib u qabsadeen, iyadoo mar aan qadka taleefanka kula xiriiray Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Mr Salaad Cali Jeelle ay isuura gelin weysay, sababo qadka oo ahaa mid mashquul ah. Ilaa iyo hada ma jiro faahin faahin ku saabsan qasaaraha iska hor imaadka maanta ku dhex maray Dowladda Kmg iyo Maxkamadaha Islaamka -
Reports: Diinsoor: TFG recapture town from Clan Courts...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
War deg deg ah:Diinsoor oo dagaal adag kadib, dib ugu soo laabatay gacanta Dawladda Diinsoor,Wararka hadda naga soo gaaraya Diinsoor ayaa sheegaya inuu halkaas uu ka dhacay dagaal kharaar, oo maxaakiimta lagala wareegay gacan ku haynta degmaada Diinsoor, oo ay shalay kula wareegeen soo gelitaan aan dhiig ku daadan. Ciidamada la wareegay magaalada Diinsoor ayaa sida naloo xaqiijiyey waxaa hogaaminayey Col lagu magacaabo C/rasaaq Afguud, waxaana lagu soo waramaya in halkaas lagula wareegay ilaa 16 babuur oo kuwa dagaalka iyo 4 Xamuul ah, waxaa iyana wararku intaas ku darayaan in ilaa 39 maxaabiisa ay qabsadeen ciidanka uu hogaamaniyey Col Afgaduud DFKMG. Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu weli soconayo, waxana guud ahaan magaaladu gacanta u gashay Ciidanka Dawlada, waxaana hadda dagaalku ka soconayaa dhankii shalay ciidanka maxaakiimtu ka soo galeen. Shalaygalab ayaa la sheegay in lagu baxay degmada Diinsoor, waxaana caddayd in halkaas dagaalku ka qarxi doono. Weli dhinaca dawladu ma soo sheegin dhimasho ama dhaawac dhankooda Soo gaaray warkuna waxaa uu ka yimid dhinaca dawlada FS, weli maxaakiimtu dhankooda arintaas wax war ah kama soo saarin. Wixii faah fahina oo ka soo kordha kala soco shabakada wararka Waayaha.net Xarunta wararka Waayaha.net -
DIINSOOR: Ciidammada Dowladda Federaalka oo la wareegay gacan ku haynta Diinsoor Posted to the Web Dec 03, 15:11 Diinsoor (PP) - Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay la wareegeen gacan ku haynteen ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii shalay ay qabsadeen kuwa Maxkamadaha. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Degmada Diinsoor bannaankeeda ay ka dhaceen dagaallo aan sidaa u sii xoog badnayn, waxaana la sheegay inay Ciidamadda Dowladda haatan ku hayaan gacanta Degmada Diinsoor. Sidoo kale ilo wareedyo ku sugan Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Dowladda ay si toos ah haatan gacanta ugu hayso Degmada Diinsoor, ayna saakay aroortii hore aadeen dhanka Diinsoor Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda oo aad u fara badan. Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay inay gacanta ay ku hayso haatan degmada Diinsoor, isla markaana ay tahay xaaladda degmadaas mid haatan daggan, waxaana ay sheegeen in Maxkamadaha ay xoog ku soo galeen shalay balse ay saakay kala wareegeen gacanta Maxkamadaha. Maxkamadaha Midoobay ayaa dhankooda sheegay inaan gacanta Maxakamadaha lagala wareegin Degmada Diinsoor oo ay gacanta ku hayaan, waxaana ay sheegeen inaysan jirin wax ciidammo ah oo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugan haatan Degmada Diinsoor, iyagoo sheegay inay si toos ah iyagu ugu sugan yihiin. Degmada Diinsoor ayaa noqotay shalay mid gacanta u gashay Maxkamadaha Midoobay, waxayna noqontay degmadii labaad oo ka tirsan Gobolka Bay oo ay la Wareegeen Maxkamadaha Islaamiga ah. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Jowhar: Ciidamo tabo bar uga socday Jowhar oo laga waayay xeryohoodii. Axad, December 03, 2006 Jowhar(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya degamda Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo tabobar u socday oo ah kuwa maxkamadaha magaalada Muqdisho ay halkaasi ka baxsadeen. Ciidankan ayaan la sheegin halka ay aadeen , waxaase wararku tilmaamayaan in dhinaca dawladda Federaalka ay u keceen. Ciidankan xeryohooda ka tagay ayaa lagu sheegay tiradooda 120 askari, kuwaasoo isugu jira kuwo hubaysan iyo kuwo aan hubaysnayn. Goob jooge kusugan magaalada Jowhar ayaa AllPuntland u sheegay in ciidankan qaybo kamid ah ay ahaayeen ciidankii guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellada dhexe Maxamed Dheere. Maxkamadaha ayaan wax jawaab ah ka bixin bixitaanka ciidankaasi ay ka tageen xeryihii ay ku xeraysnaayeen. Todobaadkii ugu danbeeyay waxaa magaalada Baydhabo gaaray laba dufcadood oo ciidan ah ,kuwaasi oo ka baxsaday maxkamadaha Islaamiga, waxayna tiradooda marka la isku daro gaaraysay 550 askari. Dhammaan ciidanka baxsaday ayaa ku doodaya inay la sii joogi kari waayeen maxkamadaha oo isticmaalay awood iyo cadaadis xooggan CCC Farayaamo AllPuntland
-
Mixture of Photographs from Puntland State of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
^^^Thats Eyl in Nugaal. Coastal city.. -
Muqdisho: "Gobolada Puntland iyo Somaliland kama jiraan wax maamullo ah oo ay dadku u madax banaan yihiin" Xasan Daahir Aways. Axad, December 03, 2006 Muqdisho (AllPuntland)- Gudoomiyaha golaha shuurada ee maxkamadaha magalada Muqdisho Sh. Xasan Daahir Aways ayaa waxa uu sheegay in maamulada Puntland iyo Somaliland aysan ka jirin maamulo xor ah oo ay dadku u madax banaan yihiin. Aways oo waraysi siiyay idaacadda Daljiri ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin qorshe cad oo ay ku doonayaan in ay xilligaan ku aadaan gobolada Puntland iyo Somaliland, balse ay qirsan yihiin in maamulada ka jiraa aysan ahayn kuwo xor ah oo ay dadku u madax banaan yihiin. Waxa uu sheegay in xilligani qorshayaashooda aysan ku jirin in ay weeraraan, balse ay haboon tahay in ay is badal ka sameeyaan. Waxa uu Aways ka hadalay qabsashadooda magaalada Diinsoor, waxaana uu sheegay in dadka magaaladu ay u yeerteen ayna sidaas ku tageen. Mudane Aways ayaa waxa uu sheegay in magaalada Baydhabo aysan haatan u socon, balse hadii ay dantu ku khasabto ay aadayaan. Xasan Daahir Aways ayaa waxa uu intaasi raaciyay in ciidamadoodu ay tagayaan mel waliba oo ay shacabka joogaahi uga yeertaan, isaga oo ka gaabsaday in uu ka hadlo doonitaankooda ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan gobolada ay maamuladu ka jiraan. Mahad Jama Koronto AllPuntland
-
The Clan Courts are now on their way to destabalise Somaliland.. Here is the latest from Mogadishu media.. source Saraakiil ka soo goosatay ciidamada Somaliland oo ku soo biirey maxkamadaha Mogadishu 03, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ee Aagga Ari caddeeye ayaa ku soo biiray maxkamadaha islaamka Somalia, sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiishaasi ka dib shir Jaraaid oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamadii ka soo goostay Somaliland oo labisan dharka ciidamada maxkamadaha Abu Masnoor iyo Sheekh Fu'aad oo goob joog ka ahaa shirka Jaraa'id Labo sarkaal oo ka mid ah ciidamada Somaliland ee Jiida hore ee Ari cadeeye ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay go'aansadeen ku soo biirida golaha maxkamadaha islaamka. Labadan Sarkaal oo la kala yiraahdo Max'ed Cabdulaahi Cabaas oo ka tirsan qeybta Madaafiicda Goobta ee Somaliland iyo Cabdi Ducaale Abubakar oo isna ka tirsan taliska difaaca cirka ee somaliland, kuna soo wax bartay dalka Ethiopia. Saraakiishaan ayaa waxa ay sheegeen in sababaha ay u soo goosteen ay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ka difaacidda dalka Somalia ciidamada Ethiopia. Max'ed C/laahi Cabaas oo ka mid ah saraaskiishaan ayaa waxa uu sheegay in cilmigii ay halkaasi ka soo kororsadeen ay kala hortagi doonaan ciidamada Ethiopia. waxa uu ugu baaqay saraakiisha ciidamada Somaliland ee tababarka ay isla soo qaateen in ay iyana ku soo biiraan golaha maxkamadaha islaamka si loo difaaco dalka iyo diinta. Waa markii ugu horeysay oo saraakiil ka soo goosatay ciidamada Somaliland ay ku soo biiraan maxkamadaha islaamka Somalia. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
-
Whats wrong with the Speaker- [ A case in Hypocracy]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Hold your horses child, the article posed some serious questions to to this Sharif Xasan, who yesterday was Qaynyares tool and today IndaCades. He is a spent force, the walls are crumbling around him. Since the international comunity is behind the TFG since he left for Mogadishu. So even arguing about him seems to be a waste. PS: The website is Puntlandpost.. -
06 October 2005 That was last year, since then he has declined in stature. While his ertswhile rival Geedi has grown..
-
Another great read from brother Bashi, your contribution has been missed of late. The Clan Courts, the name is due to the fact that I have become more convinced over time that in fact they are not a true Islamic movement in any sense. In fact in my opinion the Clan Courts movement, from the outset has been nothing more than a whole sale clan reaction to the political failures of their “leaders” since 2004. Their many documented actions and their denial of the core issues of the south has proven beyond doubt that this group has no real agenda other than to derail the TFG. Domestically over the past six months, corruption, clan centric politics and the use of fear as a tool to keep the public in check has been the driving force behind this movement. Scratch beneath the service and one sees the same faces occupying the same poor , hapless folks, but now sporting a beard and trimmed moustache. Over time many sympathetic souls have lost hope with the movement and their daily “Jihads” against phantom Ethiopia troops which happen to be at every corner in every engagement. Internationally, Bashi, touched upon their dilemma, their isolation and the fact that they do not listen to anyone and thus play in the hands of their enemies, real or otherwise. I would go as far as to suggest that the Clan Courts have only touched the tip of an Ice berg that in fact, they do not have the support of the majority of Somali people aside from their clan regions. That once the tide begins to turn, the majority who have no voice, website or radio/TV outlets will begin to speak out against them. Two points, it is unlikely there will be any major war, as some predict, also there will be no insurgency after the fall of the Clan Courts. For both you need man power and money, they lack both. Also aside from little Djibouti and isolated Eritrea, no other nation has stuck out its neck for the Clan Courts, thus compounding the situation even further.
-
Djibuti - playing it safe just like the Swiss do in Europe
General Duke replied to Somali_Friend's topic in Politics
Fresh, the Eritrean government had open hostility and even war with all ots neigbours. With Sudan, Yemen, Djibouti, Ethiopia and now its meddling in Somalia. If it concentrated on builring up its nations poor infrustructure it would have achieved much more. Now its no more than a rogue state and a pariah. Thats whats so dumb about it. Sudan is booming with its oil money, aside from Darfur its doing better than ever before. Yemen is stable and its economy is moving forward. Little Djibouti is also doing well. Ethiopia thrashed Eritrea in the war and is the stronger regional player for it. Eritrea is isolated and all because of that tin pot dictator, Isiah. -
arms embargo latest: 15 security council nations agree..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia oo xayiraada hubka laga qaadi doono 2 Dec 2, 2006, 11:10 Dowlada Maraykanka ayaa qaraar cunaqabateynta hubka looga qaadayo dalka Somaliya soo hordhigi doonta Golaha Amaanka asbuuca fooda nagu soo haya. Qoraal hordhac ah oo Marykanka oo ku wareejiyay xubnaha 15-ka ah ee ku jira golaha Amaanka ayaa digniin culus u diraya cid walba oo is-hortaagta xal u helida mushkilada Somalia isla markaana isku dayda in ay af-gambido DFKMG ah oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo. Ka qaadida cunaqabateynta hubka oo Somalia la saaray 1992 ayaa saamaxaysa in wadanka ay soo galaan ciidamo ka socda wadamada Africa kuwaa oo tababar iyo ilaalin siin doona DFKMG ah. Wadamada dariska la ah Somalia ayaa haba yaraatee ka qayb qaadan doonin howl-galkan Milatri sida ay codsadeen wadamada la filayo in ay soo diraan ciidamada nabad ilaalineed. Wadamada qaraarkanu ka mamnuucayo in ciidamadooda ay u soo diraan Somalia ayaa waxa kala yihiin: Ethiopia, Djibouti iyo Kenya. Dowlada Uganda ayaa ilaa hada ku deeqaday in ciidamo u soo diri doonto Somalia inkasta oo qaraarkan uusan ka hor-isaatgeyn wadamada kale ee IGAD oo aysan ku jirin kuwa xuduuda la leh Somalia ay ka qayb qaadan karaan qorshahaan. Diplomasiyiin reer Galbeed ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalinta tiradooda noqon doonto sideed batalyan iyada oo mid walba ay ka koobnaan doonto 800 boqol oo askari. "Waxa u ahaan doonaa howl- gal aad u xadidan" sidaa waxaa yiri safiirka wadanka Ingriiska u fadhiya QM Emyr Jones Parry. "Xaalada Somalia... waa mid aad u adag una cakiran, ma ahaan doonto xalinteeda mid sahlan mana noqon doonto mid lagu xaliyo faragalin Militari oo dibada ka timaada". Safiirka QM u fadhiya dowlada Maraykanka ayaa sheegay "DFKMG ah ay ku sugan tahay xaalad nabad galyo oo aad u qalafsan isla markaana khatar galin karta xasiloonida gobolka oo dhan". Bolton oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Waxaan rabnaa in aan ciidamo nabad ilaalineed u dirno Somalia sida ay horay ugu taliyeen wadamo badan oo African ah si loo helo xasilooni suurta galisa in xal siyaasdeed laga gaaro xaalada Somalia". Afhayeen u hadley DFKMG ah ayaa soo dhoweeyay qaraarka Maraykanka soo hordhigi doono QM asbuuca soo socada. Garowe Online+ Wakaaladaha -
Odeyaasha Baraawe oo Quus Ka Muujiyey Ashtako ay ugu Yimaadeen Midowga Maxkamadaha Magaalada Muqdisho Nabaddoonno ka Socdey Degmada Baraawe ,ayaa waxay magaalada Muqdisho ku Sugnaayeen Muddo 22 Maalmood ah ,wuxuuna Socdaalkoodu ku saabsanaa, ashkato ay ka qabeen Ciidmada iyo maamulka halkaas qabsadey ,bal inay madaxda sare ee Golaha maxaakiimta la Socdaan iyo in kale .Waxgaradka ka socda Degamada Baraawe ayaa sheegey inay la kulmeen masuuliyiinta Golaha maxaakiimta u Sarreeysa qaarkood ,Sida Jinaqoow,iyo Indhacadde,waxayna noo sheegeen inaysan iyagu maamulkaas wax ka dhisin islamarkaasna aysan ogeyn,nabadoonnada oo ka faa’ideysanaya Jawaabtaas ayaa ku doodey in maamulka iyo ciidanka halkaas qabsadey aysan marnaba raalli ka ahayn sida ay wax u wadaan ,islamarkaasna masuuliyiinta ku boorriyey inay wax ka qabtaan. Masuuliyiinta Baraawe ayaa waxay saxaafadda u sheegeen inay aad uga niyad jabsan yihiin waxqabad la’aanta arrinta ay u socdeen ,waxayna sheegeen inay aad hoos ugu dhacdey jaceylkii ay u qabeen Maxkamadaha .Waxgaradkan ayaa sheegey inay la kulmayaan masuulka u sarreeya maxkamadaha Isllaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,waxaan u gudbin doonnaa Bay Yiraahdeen dhammaan wixii Dacwad ah oo ay wadaan ,mar ay ka jawaabayeen so’aal ahayd maxkamadaha soow nabadgelyo idiin ma keenini ?waxay ku jawaabeen haa nabadgelyo way sugeen laakiin ma aha mid kalsooni lagu qabo maxaa yeeley wixii maamul ah ee dadku leeyihiin ayay si xoog ah u maroorsadeen dadkii shaqadaas iska lahaana marti ayay ka dhigeen . Mar aan odeyaasha weydiyey Masuuliyiinta Golaha maxaakiimta iyo maamulka ay ka dacwoonayaan inay iska warqabaan iyo inkale ?Waxay noo sheegeen bay yiraahdeen inaysan waxba kala socon maaulkaas ,arrintaasna ay iyaga ka warsugaan. Odeyaasha ayaa saxaafadda u sheegey inay ujeedada ay magaaladan u yimaadeen ay tahay laba arrimood oo kala ah: 1-Ashakato ay ka qabeen Ciidanka iyo maaulka iska Magcaabey degmadooda oo diidey inuu la tashado dadka Deegaanka, Bal in ay og yihiin Masuuliyiinta u sarreeysa maxkamadaha . 2-Inay ogaadaan Maxkamaduhu inay u baahan yihiin taageerada Beesha Baraawe iyo in kale .Nabaddoonada ayaa waxay ciidanka iyo maaulka halkaas ka arrimiya ku eedeeyeen inay ka horjeedaan jiritaanka Dadka degan Degmada Baraawe,waxayna dooneyeen inay hubsdaan masuuliyiinta Sare ee ‘GMIS’. Dhinaca kale waxgaradkan ayaa waxay eedeyn kale u jeediyeen ciidamada halkaas ka Taliya ,waxaya ku eedeeyeeen inay khaladaad fara badan ka galeen degmada ,waxayna Tusaale u soo qaateen Wiil dhalinyaro ah oo maalin soon ah oo uu wax Cunaayey darteed loo diley kaas oo magaciisa la oran jirey”Xasan Maxamed Cabdi Ilkacase ,Eheladii wiilka dhashey wax illaa hadda la hadlley oo qanciyey ma jirto iyo iyagoo handadaya bay yiraahdeen Culumada Magaalada iyo waxgaradka Degmada iyo iyagoo weli dhoofinta dhuxusha ka wada Degmada ,iyadoo magaalooyinka kale oo dhan laga joojiyey,iyo ayagoo dib u billaabey canshuuraadkii marka hore la joojiyey markii la Eryey C/llaahi Xalane. Intaas ka dib waxaan odeyaasha la weyddiyey dhowr so’aalood oo kala ah: Saxaafadda :Waxaad noo sheegteen inaad la ballasan tihiin shariifka ,kuwii hore ee aad la kulanteenna waxaad sheegteen inaydan ku qancin jawaabaha ay bixiyeen ,haddii shariifka jawaabaha aad ka heshaan idin qancin wayso maxaa idiin Qorsheysan ? Nbaddoonnada:Wax badan ayaa inoo qorsheysan laakiin waxaan jawaabta la sugaynnaa shariifka oo ka hordhaci meynno waxa laga yaabaa inuu shariifka ilaahey waafajiyo. Saxaafadda:Maxkamadaha meelaha ay Qabsadeen nabadgelyo buuxda ayaa laga heley ,ninkii mudada dheer halkaas xoogga ku haystey haddii la idin ka qabtey ,maxaad weli kalsooni u heli la’dihiin? Nabaddoonnada :Waa run nabadgelyo waa jirtaa ,waxaan islahayn haddii ninka sida xaqddarada nagu haystey meesha laga qaado in la nagu wareejinaayo maamulkeeda, balse arrintu waxay noola muuqatey bay yiraahdeen Barakaad u dhiibo Barakaad ka Qaado ,waxaan taas ku xaqiijineynnaa bay yiraahdeen waxaa hadda meeshiisa Fadhiya oo magaalada Maamulaya wiil uu adeer u yahay,Mr Dhuxuloow . Si kastaba xaalku ha ahaadee odeyaasha Baraawe ayaa rajo beel ka sheegey ujeedada Socdaalkooda haddii uu ilaahey wafaajinin Guddoomiaya Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed . dadka bayaanka Soo saareyna waxay magcyadoodu kala yihiin: Aweys Sheekh Muumin –Guddoomiyaha arrimaha Siyaasadda ee Beesha Tunni Abuukar Cumar Maxmad’Gaammeelle’-Nabaddoon Sare ee Beesha Tunni C/raxmaan Maxamed Nuur’Guulwade’. Mahamud Ahmed Hassan xuurshe114@hotmail.com
-
Report: How they [Abdiqasins]Clan divided up Lower Shabbele.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Odeyaasha Baraawe oo Quus Ka Muujiyey Ashtako ay ugu Yimaadeen Midowga Maxkamadaha Magaalada Muqdisho Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 1/12/06 Nabaddoonno ka Socdey Degmada Baraawe ,ayaa waxay magaalada Muqdisho ku Sugnaayeen Muddo 22 Maalmood ah ,wuxuuna Socdaalkoodu ku saabsanaa, ashkato ay ka qabeen Ciidmada iyo maamulka halkaas qabsadey ,bal inay madaxda sare ee Golaha maxaakiimta la Socdaan iyo in kale .Waxgaradka ka socda Degamada Baraawe ayaa sheegey inay la kulmeen masuuliyiinta Golaha maxaakiimta u Sarreeysa qaarkood ,Sida Jinaqoow,iyo Indhacadde,waxayna noo sheegeen inaysan iyagu maamulkaas wax ka dhisin islamarkaasna aysan ogeyn,nabadoonnada oo ka faa’ideysanaya Jawaabtaas ayaa ku doodey in maamulka iyo ciidanka halkaas qabsadey aysan marnaba raalli ka ahayn sida ay wax u wadaan ,islamarkaasna masuuliyiinta ku boorriyey inay wax ka qabtaan. Masuuliyiinta Baraawe ayaa waxay saxaafadda u sheegeen inay aad uga niyad jabsan yihiin waxqabad la’aanta arrinta ay u socdeen ,waxayna sheegeen inay aad hoos ugu dhacdey jaceylkii ay u qabeen Maxkamadaha .Waxgaradkan ayaa sheegey inay la kulmayaan masuulka u sarreeya maxkamadaha Isllaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,waxaan u gudbin doonnaa Bay Yiraahdeen dhammaan wixii Dacwad ah oo ay wadaan ,mar ay ka jawaabayeen so’aal ahayd maxkamadaha soow nabadgelyo idiin ma keenini ?waxay ku jawaabeen haa nabadgelyo way sugeen laakiin ma aha mid kalsooni lagu qabo maxaa yeeley wixii maamul ah ee dadku leeyihiin ayay si xoog ah u maroorsadeen dadkii shaqadaas iska lahaana marti ayay ka dhigeen . Mar aan odeyaasha weydiyey Masuuliyiinta Golaha maxaakiimta iyo maamulka ay ka dacwoonayaan inay iska warqabaan iyo inkale ?Waxay noo sheegeen bay yiraahdeen inaysan waxba kala socon maaulkaas ,arrintaasna ay iyaga ka warsugaan. Odeyaasha ayaa saxaafadda u sheegey inay ujeedada ay magaaladan u yimaadeen ay tahay laba arrimood oo kala ah: 1-Ashakato ay ka qabeen Ciidanka iyo maaulka iska Magcaabey degmadooda oo diidey inuu la tashado dadka Deegaanka, Bal in ay og yihiin Masuuliyiinta u sarreeysa maxkamadaha . 2-Inay ogaadaan Maxkamaduhu inay u baahan yihiin taageerada Beesha Baraawe iyo in kale .Nabaddoonada ayaa waxay ciidanka iyo maaulka halkaas ka arrimiya ku eedeeyeen inay ka horjeedaan jiritaanka Dadka degan Degmada Baraawe,waxayna dooneyeen inay hubsdaan masuuliyiinta Sare ee ‘GMIS’. Dhinaca kale waxgaradkan ayaa waxay eedeyn kale u jeediyeen ciidamada halkaas ka Taliya ,waxaya ku eedeeyeeen inay khaladaad fara badan ka galeen degmada ,waxayna Tusaale u soo qaateen Wiil dhalinyaro ah oo maalin soon ah oo uu wax Cunaayey darteed loo diley kaas oo magaciisa la oran jirey”Xasan Maxamed Cabdi Ilkacase ,Eheladii wiilka dhashey wax illaa hadda la hadlley oo qanciyey ma jirto iyo iyagoo handadaya bay yiraahdeen Culumada Magaalada iyo waxgaradka Degmada iyo iyagoo weli dhoofinta dhuxusha ka wada Degmada ,iyadoo magaalooyinka kale oo dhan laga joojiyey,iyo ayagoo dib u billaabey canshuuraadkii marka hore la joojiyey markii la Eryey C/llaahi Xalane. Intaas ka dib waxaan odeyaasha la weyddiyey dhowr so’aalood oo kala ah: Saxaafadda :Waxaad noo sheegteen inaad la ballasan tihiin shariifka ,kuwii hore ee aad la kulanteenna waxaad sheegteen inaydan ku qancin jawaabaha ay bixiyeen ,haddii shariifka jawaabaha aad ka heshaan idin qancin wayso maxaa idiin Qorsheysan ? Nbaddoonnada:Wax badan ayaa inoo qorsheysan laakiin waxaan jawaabta la sugaynnaa shariifka oo ka hordhaci meynno waxa laga yaabaa inuu shariifka ilaahey waafajiyo. Saxaafadda:Maxkamadaha meelaha ay Qabsadeen nabadgelyo buuxda ayaa laga heley ,ninkii mudada dheer halkaas xoogga ku haystey haddii la idin ka qabtey ,maxaad weli kalsooni u heli la’dihiin? Nabaddoonnada :Waa run nabadgelyo waa jirtaa ,waxaan islahayn haddii ninka sida xaqddarada nagu haystey meesha laga qaado in la nagu wareejinaayo maamulkeeda, balse arrintu waxay noola muuqatey bay yiraahdeen Barakaad u dhiibo Barakaad ka Qaado ,waxaan taas ku xaqiijineynnaa bay yiraahdeen waxaa hadda meeshiisa Fadhiya oo magaalada Maamulaya wiil uu adeer u yahay,Mr Dhuxuloow . Si kastaba xaalku ha ahaadee odeyaasha Baraawe ayaa rajo beel ka sheegey ujeedada Socdaalkooda haddii uu ilaahey wafaajinin Guddoomiaya Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed . dadka bayaanka Soo saareyna waxay magcyadoodu kala yihiin: Aweys Sheekh Muumin –Guddoomiyaha arrimaha Siyaasadda ee Beesha Tunni Abuukar Cumar Maxmad’Gaammeelle’-Nabaddoon Sare ee Beesha Tunni C/raxmaan Maxamed Nuur’Guulwade’. Mahamud Ahmed Hassan xuurshe114@hotmail.com -
arms embargo latest: 15 security council nations agree..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
john bolton..