
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
midnimo.com Now members of the unarmec clans have welcomed the decision by the security council to lift the arms embargo. This highlights that those who are parading women and children with guns.
-
Culimo lagu xiray Somaliland 10 Dec 10, 2006, 01:59 Maxkamadda Somaliland ayaa shalay ku xukuntay mid 20 sano ilaa 25 sano oo xarig ah culumaa'uddiin iyo dhalinyaro kadib markii lagu soo eedeeyay in ay falal agagixiso ah ay ka abaabulayeen Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamaddaha Hargeysa C/raxmaan Jaamac Hayaan ayaa ayaa sheegay in wax danbi ah lagu waayay xubno ka tirsan Maxkamaddaha Islaamiga oo ku jiro Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Aadan Xaashi Ceyrow oo la dhagaystey eedaymo lagu soo oogey. Dhinaca kale Maxakamada ayaa 25 sano ay ku xukuntay Sheekh Axmed Cabdi Godane oo ka tirsan mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ee gobolada Jubbooyinka iyo xubno kale. Xubnaha lagu xukumay 20 sano oo xarig ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Ismaaciil oo caan ka ah Somaliland in mudo ahna ku jiray xabsiga dhexe ee Hargeysa, Axmed Cali Xuseen Keyse, Maxamed Ibraahim Axmed, C/laahi Maxamed Axmed (C/llaahi Gaab) iyo Muuse Yuusuf. Ehelada Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa ku doodaya in Sheekhu uusan wax danbi ah gelin balse diintiisa darteed loo xiray waxayna codsanayaan in ay racfaan ay ka qaataan xariga wadadka, waxaana arintan si weyn ugu xumaday culuma'uddiinka Somaliland, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay ka hortagaan ugaarsiga dadka ehelka u ah diinta. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
GAROOWE : Golaha Wakiilada Puntland o teegeeray qaadista Cunaqabataynta Hubka ee Somaliya Posted to the Web Dec 10, 16:37 Garoowe:-Golaha Wakiiladda DG Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku taageeray qaadista cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee ay QM ka qaadeen dhawaan. Kalfadhigooda maanta ayay uga doodeen qaadista xayiraada hubka ee Soomaaliya waxayna cod-aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen in ay si wayn u taageersan yihiin go'aanka QM. Axmed Cali Xaashi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland ayaa sheegay in ay iyaku ka Wakiilo ahaan ay soo dhawaynayaan ayna u arkaan arin wanaagsan oo loo baahnaa. Qaadista xayiraada hubka ee QM ee Soomaaliya ayaa dalka siyaabo badan looga arkay , DFKS ayaa iyado horay u sheegtay in ay taageersan tahay go'aankaasi uuna yahay mid 2-da Gole ee dawlada ay horay u dalbadeen , Maxkamadaha Muqdisho ayaa iyaku si wayn uga soo horjeedsaday waxayna sheegeen in ay u arkaan imaatinka ciidan shisheeye gumaysi cusub islamarkaasna ay dagaal jihaad ah ay kala hortagayaan meelkasta oo ay ciida Soomaaliya ay ka yimaadaan. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com
-
^^^Saxib, when groups start parading women and children it means they are coming from a position of weakness. The TFG organised marches dont have women with guns or children with guns why? Because they know its wrong, unacceptable and weak stance to take. These courts need to stop prancing around, no one is going to ask them anything, by all means fight, but dont act brave parading the women and children with guns.
-
Horn, I heard a number of this radios interviewing a number of officials, they were feeding reer Mogadishu with the "arms embargo wont e lifted" the past couple of weeks, hence the shock and awe and the anger from their side when the TFG got its way. To be expected though.
-
^^^Ridwaan. You hit it on the nail, the agressors, hiding behind religion are threatened by their own guilt. Since a man who has confidance in one self would not parade women and children with guns and make idle threats. These marches are the same ones the warlords used to make and the threats are the same, the action is like Aydeeds and the target areas are Galkacyu and Baidoa are both the same. The Chnge is now that they are hiding behind the faith. Well the majority of Somali's wont buy it. This clash of clans is bad for the nation, but only the agressor [Clan Courts] will feel the full force of it soon.
-
Galkacyu: Huge Demo in support of the UN decesion
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wararkii gelin danbe iyo Gaalkacayo oo uu ka dhacay muharaadkii ugu ballaaraa oo lagu taageeyo qaraaarkii golaha ammaanka ,Dibad bax balaaran oo lagu taageerayo qaraarkii Golaha Amaanka uu ku ansixiyay ciidamo nabad ilaalin oo la keeno dalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,iyadoo dibad baxaasi ay kasoo qeybgaleen kumanaan qof iyo masuuliyin kala duwan. Dibad baxaasi oo ay soo abaabuleen maamulka Puntland ayaa halkaasi waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo katirsan Maamulka Puntland,oo dhamaan si wada jir ah ay usoo dhaweeyeen talaabada Golaha Amaanka uu ku qaaday xayiraada hubka ee saarneyd dalka Somaliya. Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhankiisa woqooyi C/Rashiid Cali Dhuubane oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qaraarkaasi uu qeyb ka qaadan karo xasilinta dalka Somaliya,isla markaana uusoo afjarayo dhibaatooyinka ka jira dalka ee kamid ah tahay waxa uu ku tilmaamay Falalka Argagixiso. Dhuubane waxaa intaasi uu ku daray maamulka Puntland in uu la shaqeyn doono ciidamada shisheeyaha ee soo gala dalka,isagoo ballan qaaday in maamulkiisu uu gacmo nabadeed kusoo dhawyn doonaan Ciidamada soo galaya dalka. Dibad baxaasi ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu balaarnaa ee ka dhaca Soomaaliya kaasi oo lagu taageerayo Mashruuca qaraar ee QM ay ku ansixisay ciidamo shisheeye oo la keeno dalka taasina ay ka danbeysay markii la qaaqady xayiraadda hubka ee saarneyd Somaliya. Dadweynihii kasoo qeybgalay dibad baxa ayaa sidoo kale ku hadaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Maxaakimta Islaamka ee magaalada Muqdisho,waxaana ay ku tilmaameen Maxaakimta ururo beeleedyo doonaya dhul balaarsi in anay ku yimaadaan dhulka Puntland. -
Baarlamaanka Puntland oo taageeray in la Qaado Cunaqabateynta hubka iyo in Ciidamo la keeno Last Updated::2006-12-10 16:41:32 Garowe:- Baarlamaanka Puntland oo maanta yeeshay kalfadhi ayaa wuxuu ka dooday mooshin la soo gudbiyey oo ka hadlaya go'aankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu qaaday Xayiraada hubka ee saaran dalka Soomaaliya. Kulankii maanta ayey kasoo xaadireen 40 xildhibaan oo kamid ah 66ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiilada ee Puntland. Codbixin loo qaaday in la taageero go'aanka Golaha Amaanka ee ah in la qaado Cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo waliba in ciidamo Nabad illaalin ah la keeno dalka Soomaaliya, ayaa waxaa si buuxda u taageeray 36 xildhibaan. Halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen in ay codkooda dhiibtaan, codeyntaasi kadib ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay natiijada codbixintaasi. Sidoo kale qoraalka maanta kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu cambaareeyey dowladaha Diiday in ay aqbalaan Go'aankii Golaha Amaanka ee cunaqabteynta hubka looga qaaday dalka Soomaaliya, ayagoo ku sheegay dowladahaasi kuwo kasoo horjeeda dadaalka Qaramada Midoobay ee ku aadan dalka Soomaaliya. C/risaaq Shiino HorseedNet.com
-
Galkacyu: Huge Demo in support of the UN decesion
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gaalkacyo: Bannaanbax xooggan oo taagero u muujinaya go'aankii UNka ee Arbacada oo Gaalkacyo ka dhacay Axad, December 10, 2006 Gaalkacyo(AllPuntland)- Isu soo bax aad u ballaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo , isu soo baxaasi oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Mudug ee uu madaxda u yahay C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane), ururada haweenka iyo kuwa dhallinyarada,waxaana kasoo qaybgalay badi shacabka magaalada Gaalkacyo. Kasoo qayb galayaasha bannaanbaxa ayaa watay boorar iyo hal ku dhigyo ay ku taageersan yihiin go'aankii kasoo baxay qaramada midoobay ee Soomaalida u ogolaanayay in dalkooda ay tagaan ciidamo nabad ilaalin ah. Waxaa sidoo bannaanbaxan si xooggan loogu dhaliilay maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya oo la sheegay inay isku ballaarinayaan gobollo nabad ah sida Puntland , waxaana dadku ay si gaar ah u dhaliilayeen qaar kamid ah maxkamadaha oo ay ku sheegayeen inay qaddiyado gaar ah wataan. Guddoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo maanta hadal ujeediyay isu soo baxayasha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in dalka la keeno ciidamo nabad ilaalin ah , kuwaasoo dalka ka bad baadiya in wax ka badan 16 sano dadku ay dhibaato kusii jiraan. Dhuubane wuxuu intaasi raaciyay in muddo lagu taamayay dalka ay ciidamo yimaadaan, haddana ay hirgashay, ayna muuqato saan saan nabadeed . Guddoomiyaha gobolka wuxuu sixooggan u weeraray maxkamadaha Islaamiga , wuxuuna ku sheegay inay doonayaan dhul ballaarsi iyo bur bur iyo barakac ku dhaca shacab Soomaaliyeed. Wuxuu uga digay inay sii wadaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay kawadaan gobolka Mudug , wuxuuna u sheegay inaysan faa'iido kala kulmi doonin arintaasi. Dhuubane wuxuu si cad u weeraryay guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadaha magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay inuu bannaystay dhiigga shacab aan waxba galabsan , wuxuuna ku eedeeyay in shacabka ay mar walba been ku qanciyaan waa sida u hadalka u dhigaye. Bannaanbaxayaashii maanta isugu soo baxay waddooyinka Gaalkacyo ayaa maray waddada laamiga ah, kuna soo gabo gabeeyay kulankooda suugaan Stadiumka Gaalkacyo , halkaasi oo maanta laga soo jeediyay suugaan isugu jirta Gabayo, iyo Buran burro kala duwan oo kusaabsan in midnimada Puntland muqaddas tahay. CCC Farayaamo AllPuntland -
UN ratifies peacekeepers for Somalia, lifts arms embargo- Somalia government celebrates, Islamists mourn Posted to the MOL December 9, 2006, 7:10 pm ADDIS ABABA, Ethiopia- United Nations Security Council on Wednesday approved regional peacekeepers for Somalia to protect the Transitional Federal Institutions threatened by a Militant group who recently took over most of Southern Somalia. - The union of the Islamic Courts. The resolution authorizes a seven-nation regional group, the Intergovernmental Authority on Development, and the African Union to establish a protection force in Somalia for six months. It allows troops from neighboring countries to join the peacekeeping force, but excludes nations thought to have a stake in the outcome: Ethiopia, Djibouti and Kenya. The motion also ratified a partial lift of the arms embargo imposed on the nation in 1992 to allow peacekeepers to take their arms and military facilities. The transitional federal government (TFG) warmly welcomed the decision saying it would help in restoring peace. “The security council’s decision was meant to restore peace and protect the government,” Somalia’s minister of Information Said. In contrast, the Islamic Courts said the decision was unjust and unacceptable, vowing to fight with any foreign soldier on Somalia Soil. The body’s defense secretary, Yusuf Siyad Indha’ade said last week “if the arms embargo was lifted it will help us invite foreign Islamic Militants to join us and fight against our enemy,” Since he was elected in October 2004, Somalia’s President Abdulahi Yusuf was urging for foreign interference to disarm the armed Militias and protect his transitional government. The African union and the Intergovernmental authority on development- IGAD, composed of seven African nations expressed their desire to send peace keepers to Somalia if the arms embargo was removed. The plan was hindered after some governments and western powers seemed reluctant for supporting the lift fearing it would further destabilize the already precarious nation. But after powerful and hard-line Islamists seized control of southern Somalia, it seemed necessary to approve of such plan as Somalia’s Government was in danger after facing verbal and mechanical threats from the UIC. Recently, Suicide bombers targeted the TFG’s temporary seat, Baidabo, which of its latest occurred at government checkpoint outside of Baidabo last week. Somalia’s septuagenarian President Abdulahi Yusuf escaped from such suicide bombing in which his brother and some of his body guards were killed. The former minister of constitution and federal affairs was assassinated in Baidabo when leaving mosque after Friday prayer. Somalia’s prime minister, Ali Mohamed Gedi blamed the Islamists for being behind all these incidents. Addressing Somali community here in Addis Ababa on Monday, PM Gedi accused the Islamists for not having passion for peace and stability, harboring internationally wanted terrorists, emphasizing that war is inevitable. “What we want to fight with are foreigners who want Somalia to be a save haven for Terrorists, after they were expelled from their own country” PM Gedi said. “But the most surprising is that some Somalis are applying to die with these foreigners,” Gedi added referring to the Islamic courts. By Faysal Gabanow The Sub-Saharan Informer - December 8, 2006
-
Banaanbax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo Posted to the MOL December 10, 2006, 8:18 am Gaalkacyo:- Banaanbax weyn oo lagu taageerayo qaraarkii golaha nabadgalyada ee qaramada midoobay ku ansixiyeen inay ciidamo nabad illaalin loo diro Somaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Banaanbaxaan lagu ayidayo Go'aanka ay dhowaan golaha amaanka ee Q.M ku ansixiyeen in la qaado xayiraadda hubka ee saaran Somaliya, lana keeno Somalya ciidamo ka socda Afrikan iyo wadamada IGAD. Banaanbaxaan oo ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen bulshada rayidka ee gobolka Mudug waxaana hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiin ka kala socday ururada bulshada, aqoonyahanada, culumada iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo si diiran u soo dhaweeyay go'aanka golaha amaanka ee Q.M. Dibadbadbaxayaasha ayaa waxa ay socod dheer saacado badan ku ku soo mareen wadooyinka magaalada Galkacyo ee xaafaha magaalada iyagoo ku qeylinayay halku dhigyo ay ku soo dhaweynayaan go'aanka golaha amaanka. Dadweynaha ayaan ukala harin mudaharaadkaas dhinaca waqooyi iyo dhinaca koonfureedba. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland C/rashiid Cali Dhuubane oo ka hadlay dibadbaxa ayaa ku tilmaamay talaabada golaha amaanka uu ku ansixiyay in la qaado cuno qabateynta hubka Somaliya mid soo dadajinaysa in Somaliya nabad lagu soo dabaalo. Banaanbaxaan maanta Gaalkacyo ka dhacay ayaa wuxuu daba joogaa banaanbaxyo badan oo ka dhacay gobolada dalka ee laga taageersan yahay dawlada KMG ah wallow dad badan oo dawlada taageersan xoog ay ku qabsadeen deegaankooda sida magaalada Kismaayo iyo Marka aysan rabitaankooda muujin cabsi ay ka qabaan in taasi dhib uga yimaado dhinaca maxkamadaha Muqdishu oo caburin xun ku haya degaanada ay xooga ku qabsadeen. Mudugonline.com
-
^^^Its to be expected.. This is from the website of the BBC/Somali service...The Clan Court supporters are losing their calm. Dagaalkii Diinsoor oon weli wada damin Ciidamada dowladda KMG ah ee tabarta daran ooy taageerayaan xoogagga Ethiopia ayaa la sheegey iney maalin labaad isku dhaceen kuwa Maxaakiinta Islaamka.
-
The Islamic courts Union victorious..battle of Diinsoor.
General Duke replied to RedSea's topic in Politics
^^^Which story should one deny, The Abu-Mansuur one, Muday one or Shukri's? The courts know the easisest route to Baidoa, so why all the fuss? Bur-Hakabo to Baidoa is less than two hours drive. The powerful courts should not be stuck in that area for so long.. As the day goes past, one realises the fakery of these courts. -
more on the topic
-
Back to the topic, South Africa is a powerful nation within the AU, so its good to get their support as for the violence against Somali's its organised crime and nothing to do with the state. Mbeki oo la kulmey G.Bush 9 Dec 9, 2006, 07:59 Madaxweynaha George W.Bush iyo South Africa Thampo Mbeki ayaa kulan ku dhexmaray aqalka looga arimiyo dalka Mareykanka kaga wada hadlay arrimaha Darfur iyo Somalia. Madaxweyne Bush iyo Mbeki ayaa waxay isku raaceen in lama huraan tahay in la fuliyo qaraarka golaha amaanka ee QM ee ciidamo nabad ilaalineed lagu geynayo Somalia, si loo taageero dowladda Federaalka KMG ah ee isla markaana loo abuuri xasilooni kala danbeyn. Thampo Mbeki ayaa waxa uu yiri "waa in la tageera qaraarka golaha amaanka, si Somalia aaney u noqon hoy argagixiso, waayo dowladu ma heysato ciidamo awood badan oo ay kaga hortagto isballaarinta Maxaakiimta". Madaxweyne Bush ayaa sheegay in dalka Somalia ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah oo xiriir la leh kuwa caalamiga, wuxuuna South Afrika uu ku booriyay in ay gacan ka geysato ka hortaga kooxahaas, iyadoo Madaxweyne Mbeki uu balan qaaday in dowladiisa ay garab siineyso xukuumada taagta daran ee Baydhabo fariisinta ka dhigatay. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlayey arimaha ka taagan dalka Sudaan gaar ahaan gobolka Darfur oo ay sheegeen labada mas'uul in loo baahan yahay in wax laga qabto. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
-
A hospital in Mogadishu arial view of Mogadishu A stunning villa in present day Mogadishu.. Traffick in Mogadishu after warlords fall.. North Mogadishu districts. Radio Mogadishu..Beerxani district. A crowd in present day Mogadishu
-
No women and children with AK-47s. No visable displays of anger, or threats to any nation, region, city or group or even individuals. Somali people marching in peace wearing white with our national flag in hand..Stark
-
-
Banaanbax lagu taageerayo go'aanka golaha amaanka oo ka dhacay Garoonka kubada Cagta ee magaalada Baydhabo Banaanbax aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaa socod waxay kusoo mareen daafaha magaaalada iyadoo marba marka kasii dambaysa ay dadka sii badanayeen iyagoo ku dhawaaqayey inay soo dhaweynayaan go'aanka Golaha amaanka isla markaana ay soo dhaweynayaan Ciidamada nabad ilaalinta IGASOM ee kusoo fool leh Dowladda Federaalka. Banaan baxayaasha oo ka kala yimi afarta xaafadood ee magaalada Baydhabo ugu danbayntiina isugu yimi fagaaraha kubada Cagta ee magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasi uu ka hadlay Wasiir kuxigaha gaashaandhiga ee dfkgm Md. Salaad Cali Jeele isagoo kasoo qeyb galayaasha dibad baxaan uu ugu qudbeeyey inuu aad ugu faraxsan yahay fikirka ay ka muujiyeen rabitaanka dowlada Federaalka iyo go'aanka golaha Amaanka. Mudane Jeele ayaa uga digay cid alaale cidii ay u arkaan argagixiso in lagu soo wargaliyo isaga si buu yiri wax looga qabto amaan darada ay keeni karaan waxa uu ugu yeeray ururka Al-qaacida, sidoo kale waxaa codka shacabka reer Baydhabo ku hadlay gudoomiyaha Gobolka Xaaji Maxamud Maxamed Xaaji Barbaar oo sheegay inay raali ka yihiin Go'aanka golaha Amaanka iyo keenista ciidamo Shisheeye. Dibad baxaan lagu taageerayey Go'aanka Qaramada Midoobay ee golaha Amaanka ayaa kusoo beegantay xili dagaalo ay ka dhaceen Gobolka Bay ama ka socdaan iyo cunaqabatayn lagu soo rogay magaaladda Baydhabo inuusan gaari soo gali karin kana bixi karin iyadoo aanan la ogayn waqtiga laga qaadi doono iyadoo dadka magaalada ay aad uga cabanayaan dhibaatada soo food saartay ee xaga jidgooyada ah.
-
source and full article. Waxgaradka Beesha Mudulood ee ku sugan Dibadda ayaa si weyn u cambaareeyay hadal ka soo yeeray Yuusuf Indha Cadde, kaasoo ay ku tilmaameen mid af lagaado ah oo ka turjumaya qabiil siyaasadeed. Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in ay ka xun yihiin hadalka ka soo yeeray Mas'uul isku magacaaba inuu ka tirsan yahay Maxkamadaha taasoo ay ku micneeyeen inaysan haboonayn inuu sidaa u hadlo. Hadalka uu jeediyay Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa ahaa eedeyn uu ujeediyay Madaxweynaha FKMG Cabdulaahi Yuusuf, Ra'iisul Wasaare Geeddi iyo Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle, taasoo uu ku tilmaamay in ay yihiin askar Tigree ah. "Cali Maxamed Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxay ka mid yihiin madaxda sare dowlada Federaalka, huwana xil soomaaliyeed, gefna uma geysan karo Yuusuf Indha Cadde oo aan garaneyno waxa uu yahay, ayey ku sheegeen xuubnahaas soo saaray qoraal cambaareyn ah oo ay uga soo horjeedaan hadalka uu sii daayay Yuusuf Indha Cadde. Sidoo kale Waxgaradku waxa ay sheegeen in hadalka Indha Cadde uu yahay mid meel ka dhac ah, oo muwaadiniin soomaaliyeed ku tilmaamay jinsi kale oo uusan laheyn taasoo uu ugafay diinteena Islaamka isagoo waliba sheeganaya waxa ay ugu yeereen Midowga Maxkamadaha.
-
Breaking News: Uganda Crusading in Somalia, Says Pres. Guelleh
General Duke replied to Abu-Salman's topic in Politics
^^^saxib, you are living in cloud cucko land. The fact is Mr Gulleh should not speak about foreign troops with him hosting the van guard of the US armed forces of East Africa. Also why should Shariah law implementation be a condition to the war in southern Somalia? Should Djabouti not start setting up clan courts within its dsitrict, as you would have people in Somaliland and Puntland do? Should Mr Gulleh start not start with speaking, Somali, Afar and Arabic in his own parliment and not French. Its appaling that such a man should open his mouth. Its all hypocracy, a tin pot dictator who, inherited the throne from his uncle, and is using US, French troops as protection, should not be lecturing anyone on Shariah law and "Crusades"...