
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Uthman, a good question, though the control is only based on millitia seazure and not the will of the peoople. The TFG never control millitarily any of these areas, all they did was build local admins. Thus the point is that the TFG has yet to release its war on anyone while we have seen IndaCade's millitia runninga round attacking village after village for headline purposes. PM Geedi is the legitimate leader of Somalia and has more support in Mogadishu than IndaCade , Xasan Dahir or any of their lackeys. Thus if Baidoa was in danger he would not have arrived today, he would have made a dash for it.
-
^^^I do love the folks behind the Clan Courts and their media.They are always confident of the event before is smacks them in the face. Uthman. 1. I rememebr how confident this media was, on the noght before the election 10 October 2004, it was " Abdiqasin or Cadow". 2. I remmeber when the warlords and Sharif Xasan went to Mogadishu "the end of the TFG" they said then. 3. I even remmeber the Galkacyu invasion " Only 19 killometers from the city" they said. 4. We all know how the outcome of the UN arms embargo " the EU and arabs will stop it". This attack on Baidoa will be yet another shock and set back to you guys. The TFG is here to last insha Allah.
-
MAXKAMADUHU WAXAY WALI JOOGAAN TUULADA QAAWANE [12/12/06] Waxaan maqlay in reer miyi ahaa oo degannaa degaanka Hawd loo yaqaan oo aan waligiis tuulo iman, magaalo iska daayee, in uu maaliin ciid ah yimid tuulada la yiraahdo ”Qaawane”. Ninku wuxuu aad ula yaabay faraha dadka meesha joogay. Waligiisna dad intaas la ek oo hal meel isugu yimid muusan arag. Markay in muddo ah ka soo wareegtay maaliintii ciidda ahayd ee uu Qaawane tagay, laakiin aysan maskaxdiisu wali ka bixin dadkii fara badnaantiisii, ayuu amin casar ah la soo istaagay koox rag ah oo idaacadda BBC-da meel ku dhagaysanaysay. Wararkii idaacadda waxaa ka mid ahaa; “In waddanka Shiinuhu uu noqday waddadanka ugu dadka badan adduunka oo ay tirade dadkiisu gaartay kun milyan”. Ninkii aad buu ula yaabay waxa ay BBC-du sheegayso wuxuuna u arkay inaysan BBC-du adduunkaba war ka hayn, oo ay meelo yaryar uun ka soo warranto. Deedna intuu goobtii ka dhaqaaqay ayuu yiri;- “Wagar! Kun malyan aad?!. War Qaawane oo maalin ciid ah laysugu soo baxay baydaan arkin, ee kun milyan kamaydaan sheekayseen, mana aydaan buunbuuniseen” Haddaba waxay sheekan qosolka iyo xikmaddaba leh igu soo dhacday markii aan ka daawaday Universal TV mudaaharaadkii ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, kaas oo looga soo horjeeday qaraankuu cuno-qabatayn ka qaadkii hubka Soomaaliya ee ay gaareen QM. Waxaana raggii madaxda ahaa ee mudaaharaadkaas ka qayb qaatay ka mid ahaa Sheekh Yuusuf “Indha-cadde” oo ah madaxa amaanka maxaakiimta. Sheekh Indha-cadde wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo qaraarka QM iyo inay diyaar u yihiin inay difaacaan diintooda iyo dadkooda iyo dalkooda. Taas wuu ku saxsanaa. Xaqa buuna u leeyahay inuu diintiisa iyo dadkiisa iyo dalkiisab difaaco. Lakaiin waxaan u yaabay markii aan maqlay Sheekh Indha-cadde oo leh;- “Maraykanka halkanaa lagu xabaalayaa. Meydkoodaana dhulka lagu jiidayaa. Anigaan ka mid ahaa dadkii meydkooda dhulka ku jiiday” Cajiib iyo amakaag. Waxaa wax lala yabao ah inuu Sheekh Yuusuf si caddan ah u qirto danbi aad u weyn. Taasoon diinta Islaamka ku bannanayn in ruux meyd ah dhulka lagu jiido ama la suurad xumeeye. Laakiin waxaa iska cad:- 1.Inuusan Sheekh Yuusuf ka fikirin cawaaqib xumada ay u yeelan karto guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo hareeraheeda ku nool. 2.Inuusan ka fikirin inay Maraykanku awood u leeyihiin inya meesha uu taaganyahay hal gantaal oo baabi’iya ku soo ridi karaan, labo Calina aysan iska weydiinayn. 3.Inuusan ka fikirin ummadda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa Maraykanka ku nool inay dhibaato u keensan karto. 4.Inuusan ka fikirin ummadda Soomaaliyeed waddamada reer galbeedka ah jooga ee kaalmada iyo taageerada har iyo habeyn ula taagan maxaakiimta iyo kacdoonka shacabka ee ka dhacay koonfurta Soomaaliya. Intaas aan soo sheegayba kamuusan fikirin markii uu khudbaddaas godobta iyo qirashad danbiga xanbaarsan jeedinayay. Wuxuu arkay uun sida ay hareerihiisa u taaganyihiin ragga iyo dumarka ay isku heybta yihiin. Kuwaas oo kala badnaaday kun milyan. Wuxuuna la mid yahay ninkii tuulada Qaawane yimid uun. Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” haldhaa35@hotmail.com Chairman of The Somali Social Democrats’ Party (SSDP) Borlänge, Sweden
-
^^^Give me another joke, that one was not funny. Though I love how all of a suden a tribalist political warrior like yourself has become a religious Mujahid? Funny that.
-
Geedi oo ka war bixiyay safarkiisa, Eedeeyn na u jeediyay Maxkamadaha Baydhabo 12, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ra'isulwasaaraha Somalia oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kuna laabtay galabta magaalada Nairobi ayaa waxa uu ka war bixiyay socdaaladii uu ku tagay dalalka Nigeria, Kenya iyo Ethiopia. Ra'isulwasaaraha Somalia Cali Max'ed Geedi ayaa saxaafadda uga war bixiyay safaradii uu ku tagay dagalkaasi, isagoo sheegay in kulan uu uga soo qeybgalay magaalada Abuja ee dalka Nigeria, oo uu sheegay in looga hadlay arimaha Somalia, iyadoo kulankaasi ay ka soo qeybgaleen Madaxda dalalka Koonfurta ameerica iyo Africa. Geedi waxa uu sheegay in uu soo maray magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia, isagoo sheegay in kulamo uu kula soo qaatay halkaasi Madax ka tirsan ururka Midowga Afrika iyo Ra'isulwasaaraha Ethiopia, oo uu kala soo hadlay arimaha amaanka geeska Africa. Geedi ayaa waxa uu sheegay in galabta uu dib ugu laabanayo magaalada Nairobi ee dalka kenya si uu uga qeybgalo kulan ay ka soo qeybgaleen madaxda dalalka Harada weyn, iyadoo safarkiisa uu ku wehlin doono wasiirka arimaha dibadda Somalia Ismaciil Hurre Buubaa. Geedi ayaa waxa uu sheegay in safarkiisa uu uga war bixiyay Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo K/xigeenka labaad ee Baarlamanka Somalia Cismaan Cilmi Boqorre. Ra'isulwasaaraha Somalia waxa uu soo hadal qaaday xiisadihii dhowaan maxkamadaha islaamka iyo dowladda Somalia ku dhex maray magaalada Diinsoor, isagoo ku eedeeyay maxkamadaha islaamka in ay duulaan gardarro ah ku soo qaadeen magaaladaasi oo dowladdu maamul ay u sameysay uu ka shaqeynayay. Waxa uu sheegay in beesha caalamka aanu indhaha ka qabsan doonin gardarada Midowga maxkamadaha ay ku hayaan deegaano ka tirsan gobolka iyo waliba magaalada Baydhabo. Ra'isulwasaare Geedo ayaa waxa uu ku eedeeyay maxkamadaha islaamka in ciidamo shisheeye ay soo galiyeen magaalooyinka Buur-hakaba iyo Diinsoor, ayna ku doonayaan in ay ku soo weeraraan dowladda Somalia xarumaheeda. Ra'isulwasaaraha Somalia mar wax laga weydiiyay qariirad ay soo bandhigeen xildhibaanada baarlmanka oo laga tirey Magaca dalka Somalia, taasoo laga helay xafiiskiisa sida ay sheegeen Mudanayaasha ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay arinkaasi, isla markaana ay yihiin wax aan sal iyo raad laheyn. Geedi mar waxuu soo hadal qaaday xayiraadda hubka ee saaraan Somalia, isagoo sheegay in arintaasi ay soo dadajineyso xasilinooni ka abuurmata gudaha Somalia, isagoo ka gaabsaday xilliga ay imaanayaan ciidamada shisheeye, balse uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gaari doonaan magaalada Baydhabo. Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa waxa uu ku laabtay galabta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo uu ka soo kictamay maanta, iyadoo amaanka magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyay. Max'ed Caddaawe Shabelle Media Network Baay E-mail us: info@shabelle.net
-
Ra'iisul Wasaaraha, ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, isaga oo isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo xildhibaanada halkaasi ku sugan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhaba, waxaana la sheegayaa inuu ku guuleystay inuu xubno badan oo xildhibaano ah uu ka dhaadhiciyo inay usoo raacaan Magaalada Baydhaba. Another political victory and further isolation of the few MP's and Sharif Xasan in Mogadishu.
-
Prof. Geedi oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo. Baydhabo, Talaado, 12 2006 Simba Radio. Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhaba, isaga oo iminkana wada hadallo ay albaabadu u xiran yihii la leh Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay ilaa 32 xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Somalia kuwaasi oo kasoo raacay Magaalada Nairobi. Ra'iisul Wasaare Geeddi, ayaa markii soo gaaray Magaalada Baydhaba, waxa uu durbadiiba u dhaqaaqay xarunta Madaxtooyada Dowladda KMG ah ee Somalia, oo uu iminka wada hadallo albaabada ay u xiran yihiiin uu kula lee yahay Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalia Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Kullankaasi, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in Ra'iisul Wasaaraha uu kaga warbixinayo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf socdaalkiisa iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay dalal dhowr ah oo uu soo maray. Waxa kale oo lagu warramayaa in labada Mas'uul ay ka wada hadlayaan Xaaladda iminka dalka uu mariyo iyo xiisadaha dagaal ee jira. Ra'iisul Wasaaraha, ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, isaga oo isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo xildhibaanada halkaasi ku sugan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhaba, waxaana la sheegayaa inuu ku guuleystay inuu xubno badan oo xildhibaano ah uu ka dhaadhiciyo inay usoo raacaan Magaalada Baydhaba. Simba Media Center , Mogadishu
-
Maxkamadaha oo 7 maalmood u qabtay in Ethiopia ciidamadeda kala baxdo Soomaaliya ama ay dagaal u diyaar garowdo. (Muqdisho) Masuul ka tirsan Maxkamadaha Islaamka magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in mudo 7 maalmood ah hadii ay ciidamada Ethiopian-ka kaga bixi waayaan Soomaaliya ay weerar ku qaadi doonaan meel alaale iyo meeshii ay joogaan. Masuulkaasi oo hadal gaar ah siiyay TV-ga Al Jazeera isla markaana aan magacisa la shaacin ayaa ku hanjabay in Maxkamadaha Islaamka ay diyaariyeen ciidamo aad u fara badan kuwaasi oo diyaar u ah dagaal in ay la galaan ciidamada Ethiopian-ka ee ku jira dalka Soomaaliyeed. ''Waxaanu u siinay 7 maalmood in ay kaga baxaan dalkeena hadii kale waxaanu ku qaadi doonaa weerar cirka iyo dhulka iyadoo taageero aanu ka heleyno Alaah''ayuu yiri masuulkaasi. Waxaa sidoo kale Maxkamadaha Islaamka ay sheegeen in ciidamada Ethiopian-ka ay sii kordhiyeen ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya taasina ay muujineyso sida ay ugu diyaar garoobeen dagaal ay kusoo qaadaan Soomaaliya. Goor danbe ayaa la shaaciyey qofka Aljazeera la hadley inuu ahaa Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde. Dhanka kale Golaha Maxkamadaha Islaamka waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Kenya in ay dalkeeda marin uga dhigtay ciidamada Ethiopian-ka si ay usoo galaan Soomaaliya. Hadalka kasoo yeeray masuulkaasi Maxaakimta katirsan ayaa muujinaya ifafaale dagaal oo cusub,iyadoo hore dhowr masuul oo ugu horeeyaan kuwo amaanka Maxkamadaha Islaamka ay shaaciyeen hadallo dagaalo abuuri karaya. Jibriil Nuur Waayaha.net,Muqdisho,
-
Muqdisho: Maxkamadaha oo markale dagaal ku dhawaaqay. Talaado, December 12, 2006 Muqdisho (AllPuntland)- Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay mar kale cadeeyeen in ay isku diyaarinayaan in ay dalka Soomaaliya ka ka bilaabaan dagaal ay ku sheegeen in ay la galayaan ciidamo shisheeye oo dalka ku sugan. Shir jaraa`id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Yusuf Indhacade oo ka mid ah madaxda maxkamadaha ayaa waxa ay ku sheegeen in ay dagaal la gali doonaan xukuumadda Soomaaliya iyo ciidamada ka socda urur goboleedka IGAD. Waxa ay shirkooda jaraa`id ku sheegeen in ay dagaal qaadi doonaan muddo 7 cisho gudahood ah, kaasoo sida ay sheegeen ay la beegsanayaan ciidamado Itoobiyaan ah oo ay sheegeen in ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya. Maxkamadaha ayaa waxa ay marar badan ku cel celiyeen in dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay gaashaanka u duruurtay arrintaasi. Dhowaan ayaa golaha amaanka ee QM waxa ay ogolaadeen in dalka Soomaaliya ay galaan ciidamo ka socda midawga Afrika ku waasooi ka qayb qaadanaya nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya. Sidoo kale maxkamadaha ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay dalka keensanayaan dagaal yahano shisheeye oo ka garab dagaalama. Isku soo wada duuboo arrintani ayaa waxa ya miijinaysaa in maxkamaduhu ay doonayaan in ay sameeyeen is balaarin wayn oo ay dalka ku wada qabsadaan. Mahad Jama Koronto AllPuntland
-
Maxaakiimta Muqdisho oo 7 maalmood u qabtay Ciidamada Itoobiya in dalka Somaliya uga baxaan Last Updated::2006-12-12 13:15:38 Muqdisho:- Hogaamiyaha u qaabilsan Maxaakiimta Muqdisho dhinaca Amniga Yusuf Siyaad indhacade ayaa warsaxaafadeed ku qabtay Muqdisho. Shirkan Jaraa'iid ayuu ku sheegay Yusuf Siyaad Indhacade in ay 7 maalmood u qabanayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya in ay halkaasi isaga baxaan. Indhacade ayaa sheegay in ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ee ku jira gudaha Soomaaliya hadii ay bixi waayaan ay dhicidoonaan dhibaatooyin culus. Hanjabaadan ayaa kusoo aaday xili ay jiraan xiisado iyo saan saan colaadeed oo u dhaxeysa DFKMG iyo Maxaakiimta Muqdisho. Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ayaa dhaq dhaqaaq ka wada deegaanada Diinsoor ( G/Bay), Teygloow (G/Bakool), iyo gobalada Jubooyinka. Yusuf Siyaad Indhacade ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ciidamada Itoobiyaan ah oo ku sugan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Somaliya, asagoo sheegay in ay dowlada Kenya uga digayaan in dalkooda loo adeegsado goobo looga soo duulo dalka Soomaaliya. Digniintan ayaa lagu sheegay mid jidka loogu sii xaarayo dagaalo laga cabsi qabo in ay dhacaan gudaha dalka Soomaaliya. Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo beegay saacado kahor intuusan magaalada Muqdisho ka bixin Shariif Axmed oo ah guddoomiyaha Golaha Fulinta oo kusii jeeday dalka Yemen. Shariif Axmed ayaa lagu wadaa inuu dalka Yemen u tago arrimo la xariiro waan waan laga dhex wado Dowlada Soomaaliya iyo Maxaakiimta Muqdisho. Shirkan Jaraa'iid oo uu qabtay Yusuf Siyaad Indhacade ayaa ah mid caqabad ku noqon kara waan waanta la wado isla markaana sare u sii qaadi kara xiisada colaadeed ee laga dareemayo guud ahaan dalka Soomaaliya. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
RW.Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Baydhabo Last Updated::2006-12-12 15:25:07 Baydhabo:- Waxaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubno kamid ah Golahiisa Wasiirada oo dalka dibadiisa ku maqnaa. Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa Airporka Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey xubno kamid ah Xukuumada iyo Golaha Wakiilada oo uu horkacayo kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Cismaan Cilmi Boqore. Cali Maxamed Geedi iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale ayaa booqasho ku tagay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweynaha DFKMG MD.C/laahi Yusuf Ahmed. Kulankaasi ka dhacay Madaxtooyada ayey Ra'iisul Wasaaraha iyo mas'uuliyiinta safarkiisa ku wehliya uga warameen Madaxweynaha arrimihii ay lasoo kulmeen tan iyo intii dalka ka maqnaayeen. Waxaa lagu wadaa inuu dhawaan dalka dibada uga dhoofo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo la sheegay inuu ka qeyb geli doono shir caalami ah. Waxaa lagu wadaa inta uu Baydhabo Joogo Ra'iisul Wasaaraha in uu Madaxweynaha iyo Dowlada kala tashado arrimaha la xariira Shirkii Khartuum oo lagu wado inuu furmo 15ka December, kaasi oo la hadal hayo inuu dib u dhici karo. Waxaa sidoo kale jira wadatashiyo la xariira dhinaca Xaalada Amniga ee dalka oo ay xukuumada Federaalka si weyn uga manaaqashooneyso. Amniga magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyey ayadoo la arkayey Ciidamo aad u badan kuwaasi oo isugu jira ciidamada Booliiska iyo militariga oo si weyn u sugaya amniga jidadka waaweyn ee magaalada iyo xarumaha dowlada. Hussein Farah HorseedNet.com
-
BAYDHABO: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay Baydhabo Posted to the Web Dec 12, 13:15 Baydhabo (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prog. Cali Maxamed Geeddi ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo ah xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra'iisul wasaaraha Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo markii uu maanta ka soo dagay wasiirro ka tirsan dowlada iyo xildhibaanno, waxaana soo dhaweyntiisa ka qaybqaatay oo kale dadweynaha Degmada Baydhabo. Socdaal laba toddobaad qaatay ayuu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kaga maqnaa Magaaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo haatan ah xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana socdaalkiisa lagu wadaa inuu uga warbixiyo saxaafadda dalka. Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa socdaallo kala duwan ku soo maray intii uu dalka ka maqnaa Dalalka Kenya, Nigeria iyo Ethiopia, waxaana halkaas uu kulammo kula soo qaatay madaxda dalkaas, isagoo kaga qaybgalay dalka Nigeria kulankii dalalka Afrika iyo kuwa Koonfurta Ameerika. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo laabtay iyadoo ay taagan yihiin xiisado colaadeed oo u dhexeeya Maxkamadaha iyo Dolwadda Federaalka Soomaaliya, lagana cabsi qabo inay mar kale dagaallo culculus dhex maraan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
The map attempt was a nice try. Cheers Juje.
-
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Red Sea, the TFG has gained the support of the entire security council. No other entity in Somalia has managed this before. This is a fact brother. It has set up local districts in Baidoa chosen by its people. What stands in its way are an armed group being pushed by special interest and not the people. Look when Geedi came to Mogadishu, he drew a bigger crowed than Sharif Ahmed, Xasan Dahir even forced. The treets where packed by people who waited the whole day. -
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Red Sea, it took Somaliland a while to acknowledge Puntland, or even call it Puntland. I remmeebr many SOL, members from the North West not long ago used to call Puntland by the clan name of the old Kingdom of North East. Thus they have come along way and so have we. The stance of Somaliland today will also change when the realities of the ground change. Thus when the South as NN put it has local adminstartion chosen by the people and united with Central regions and Puntland then belive me things will change. I have never been an enemy of SL. Though I am against the secesionists idea, I respect the progress and the people are my kinsmen. Thus Somaliland are to be respected and taken seriously when the time for engement comes Insha Allah. I will be against attacking them or undermining their peace as I am now. Red, are you running out of questions, or was your concern just centred on SL? -
TFG informatin ministry press release + governemnt radio pic
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Radiyaha Dfkgm oo dhawaan hawada soo gali doona -
TFG informatin ministry press release + governemnt radio pic
General Duke posted a topic in Politics
Afayeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Fkmg oo sheegay in kumanyaal Ajnabi iyo Shixnado hub ah ay si xad dhaaf uga imaanayaan Dalka Ereteria iyo meelo kale Afahayeenka Wasaarrada Warfaafinta Md. Maxamed Axmed Cabdulqaadir Axmed, (Maxamed Deeq) ayaa shir jaraa'id ku qabtay Xarunta idaacada dowlada Federaalka oo aan wali hawada soo galin balse goor dhow ay shaqeyn doonto ayaa waxa uu afayeenku ku qatay Shirjaraa'id uu kaga hadlayo eedeeyn uu usoo jeediyey Midowga Maxaakiimta iyo Dowlada Ereteriya iyo dowlado kale. Warqad qoraal ah oo uu ka hor aqriyey Sufiyiinta kasoo qeyb gashay ayaa qoraalka waxa ay u qornayd sidan: - Warsaxaafadeed Dowlada Federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxay si feejigan ula socotaa dhacdooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan gardarada joogtada ah ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo wali u hamuun qaba dagaal iyo argagixisada ajnabiga ah oo ku soo qulqulaya gobolada koonfureed ee Soomaaliya. Kumanyaal ajnabi ah oo ka jawaabaya baaqii "Jihaadka" ahaa ee MMI ayaa kusoo qulqulaya gobolada ay MMI gacanta ku hayaan. Xogaha hay'adaha sir doonka amniga waxay muujinayaan in shixnado hub ah ay si xad dhaaf ah uga imaanayaan dalka Ereteria iyo meelo kale oo dibada ah. Waxaa intaasi dheer, aragtida dowladda ee weerarka maleeshiyada maxkamaduhu kusoo qaadeen degmadda Diinsoor oo ka mid ah degaamada dawladdu maamusho, waa isku day cad oo muujinaya isbalaarinta maxkamadaha ee ku wajahan gobolada saldhigga u ah Dowladda ee Bay, Bakool iyo Gedo, Sidoo kale arrintani waa mid lagu sii hurinayo xaaladda xiisadeed ee haatanba ay ka abaabulayaan gudaha iyo agagaarka magaalada Baydhabo, Sidaasi darteed aya MMI ugu soo daadguraynayaan maleeshiyaadkooda degmada Buurhakaba oo 60km barri ka xigta Baydhabo iyo Diinsoor oo 120km dhanka koonfureed ah. Dowladda Federaalka KMG waxay soo dhaweynsay Qaraarkii cusbaa ee Golaha Ammaanka QM ee tirsigiisu yahay 1725, kaasoo uu goluhu ku oggolaaday in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad-ilaalin iyo tababarayaal ah, isla markaana MMI ugu baaqayay inay joojiyaan isballaarintooda Militari. Golohu waxa kaloo uu ku guubaabinayay DFKMG iyo MMI inay dib isugu soo laabtaan, siina wadaan wada xaajoodkii iyagoo u hogaansamaya mabaadi'dii lagu gaaray Khartuum I iyo II dowladda fadaraalka KMG iyadoo raacaysa arrintaas, wasay soo dhaweynaysaa sii wadida wada hadalada nabadda ee ku qotoma mabaadi'dii Khartuum I iyo II, wasxayna ku boorinaysaa qeybaha kale ee Soomaalida inay dib ugu laabtaan wada xaajoodka nabadda. Midowga Maxkamadaha Islaamiga halkii ay ka joojin lahaayeen Isbalaarintooda, dibna ugu laaban lahaayeen wada xaajoodka nabadda, Waxay sii kordhiyeen dhaq dhaqaaqooda isbalaarinta ciidamada ah iyo kor u qaadida cadaawad cusub, taasoo markhaati cad u ah xad gudubka ay ku sameynayaan Qaraarka 1725. DFKMG waxay dareenka bulshada caalamka tusinaysaa xaaladda khatarta xun ee haatan jirta oo wax u dhimaysa nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka, waxay danaynaysaa in arrintaas si deg deg ah wax looga qabto Wasaarada Warfaafinta Baydhabo 11-ka December 2006 Qoraalkan ay soo saartay dowlada Federaalka ayaa lo qeybiyey dhamaan saxaafada oo dhan dal iyo dibad taasoo su'aalo lagu weydiyey masulka oo ahayd bal inay hayaan cadeyn ah inay joogaan dalka soomaaliya ciidamo Ajnabi ah ayaa wuxuu ku jawaabay in ay hayaan Cajalado Video ah oo muujinaysa ka qeyb galkooda dagaalo uu ku tilmaamay inay ka dhaceen markii lala dagaalayey hogaamiye kooxeedyadii looga itaal roonaaday magaalada Muqdisho. -
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Fire away, I like to enlighten my fellow Somali's when ever I can. As for Somaliland, they do not occupy any major city or town in Puntland. The reality of those areas came about due to the fact that Puntland was created a number of years after Somaliland. Thus the few boys stationed in the middle of no where can not be compared to the aggression of the Calan Courts. Somaliland and Puntland have proved they can live together and this is encouraging for the future inter Somaliweyn talks. -
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^First, Somaliland has not attcked anyone and captured any city outside its control through force. This is a point they must be commended for. The issue of Mogadishu, it is in the hands of the Clan Courts, thus if they attack Baidoa, with the aim of destroying the TFG. The TFG has a right to reply and thus destroy the Clan Courts and rest control of the territory they control. I hope you are not disapointed. -
^^Juje, you dont want to be cursed like Amin Ammir man, this is news is from ( Qaadisiya.com) a holly website.
-
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I get you bro. They lack any reasoning and thus resort to pretendint to be "more Muslim" than fellow Muslims. -
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I am not going into hypotheticals and I can not honestly speak about a plan B for a future option without having the right information. There will be no millitary option, or even starting and supporting internal conflict in Somaliland. The area peace is too important to play with. -
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib, your point is nothing and you are not more religious than any of us. This is the politics section, either stick to your guns or stop taking nonsence. -
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Cade and Yusuf I know about, Riyaale is non of my business, if he is good or bad thats an issue for you to decide. As for the two leaders from Puntland both are legends in their won right and have our support. The TFG on the other hand their programm si quite simple. The areas under the Clan Courts control will be taken either by force or through negotiations. These areas are by far ruled by a small group that does not represent the MAJORITY of the people there. Somaliland, will be through dialogue and never by force. As for Puntland we have chosen Cade, we support him and we will review this support when election time comes. -
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The personal attacks aside. There where protests in Puntland when thousands came out in the streets in support of the lifting of the arms embargo. Also, Puntland has welcomed all the leasders of the TFG and in every major city. The TFG has three years left to complete its job, which is to put the country back together and give it to its people. Marka, Barava, Kismayu, Buaale, and even Mogadishu will be given back Insha Alalh to the people who live there much as Hargaysa belongs to its majority who make its decisions and much like every town in Puntland is in the hands of its citizens. The rest of the Somali;s must get the same rights specially the unarmed clans of the South. The TFG is not going any where, no matter what Xasan Dahir, IndaCade or any group says. Neither is Puntland gonna change for the sake of SL or the Clan Courts. Puntland will change when it choses and how it choses, we have good leaders and they ahve our support.