General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Ciidammada Dowladda Federaalka oo saakay billaabay inay burburiyaan goobaha ganacsi ee Sharci darrada oo ku yaalla inta u dhexeysa..,, MAY 8. 2007 Radiofreesomalia.com Inta u dhexeysa Isgoyska Al-Baraka iyo Isgoyska Baar Ubax ayay ciidammada Dowladda ka billaabeen inay ka burburiyaan goobaha ganacsi ee ku yaalla wadadaas dhinacyadeeda iyo weliba bartamaha waddadaas. Burburintaan ayaa waxaa la sheegay inay qayb ka tahay bilic soo celinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadweynihii lahaa ganacsigaas ay billaabeen saakay inay ka gurtaan alaabadooda goobahaas, isla markaana ay gacmahooda ku burburiyaan, iyagoo ka baqaya in khasaare ay kala kulmaan haddii ay diidaan inay burburiyaan. Ciidammo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliiska ayaa waxay gaaf-wareegayaan waddooyinkaas dhinacyadooda, iyagoo dhowraya howlaha ay wadaan dadkii ku ganacsan jiray wadada bartankeeda iyo hareeraheeda, iyagoo sidoo kale ugu baaqayay dadka inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qaataan alaabadooda goobahaas. Dhawaan ayay ciidammada dowladdu ka burburiyeen goobo ka tirsan Muqdisho sandaqo ganacsi oo ku yaallay goobo sharci-darro ah, waxaana maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inuu burburinayo goob walba oo ganacsi oo aan ku oolin goob sharci ah. Tan iyo intii uu dalka burburay ayaa goobaha ganacsiga waxay ahaayeen kuwo laga dhiso goobo aan sharci ahayn sida dhinacyada waddooyinka, bartamaha waddooyinka, jidadka waaweyn ee xaafadaha iyo goob kasta oo bannaan iyadoo aysan cidna cidda kale wax xushmad ah aysan siinayn.
  2. Howl-gallo lagu burburinayo dhismayaal oo ka socda wadada 30 ka Click here to find this article in english Mogadishu 08, May.07 ( Sh.M.Network) Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee ku ganacsata hareeraha wadada 30 ka ayaa bilaabay in ay iskood u fujiyaan Jiingadahooda. Wadooyinka caasimadda Somalia ee Muqdisho oo horey u ahaa cariiri isla markaana sandaqado ay ka dhisnaaayeen hareeraha wadooyinka ayaa waxaa soo baxaya Isbadalo, ka dib markii maamulka gobolka Banadir uu soo saaray wareegto lagu farayo ganacsatada yaryar ee wax ku iibsata hareeraha wadooyinka in ay baneeyaan. Ganacsatada ayaa waxa ay muujiyeen in ay u hogaansamayaan maamulka gobolka, waxaana talaabadii ugu dambeysay ay aheyd saakay oo lagu arkayay isgoyska Baar Ubax ilaa Black sea qaar ka mid ah ganacsatada yaryar oo si iskood ah uga qaadanaya sandaqadahooda wadada Laamiga ah dhexdeeda, halkaasi oo in muddo ah ay ku ganacsanayeen. Xubno ka mid ah ganacsatadaasi ayaa sheegaya in tani ay tahay talaabo horumar leh ila markaana ay doonayaan in goobta ay baneeyaan, hasa ahaatee ay is weydiinayaan halka loo qorsheeyay in ay tagaan marka ay ka guuraan goobta ay ku ganacsanayaan iminka. Waxaa lagu arkayay wadooyin kale oo ka mid ah caasimadda Gawaari cagaf cagafyo ah oo qaadaya walaxaha culus ee yaala wadooyinka sida Containerada oo qaarkood laga durjinayay goobaha laamiga ah. Wadooyinkii ugu ciriiriga badnaa ee magaalada Muqdisho ayaa qaarkood haatan laga dareemayaa firaaqo dheeri ah, isla markaana gawaarida ay helayaan meelo baarkin ah, waxaana ka mid ah goobaha laga dareemayo in howl muhim ah laga qabtay agagaarka Isgoyska Zope, KPP iyo meelo kale, iyadoo goobahaasi ganacsatada ay si iskood ah uga qaateen sandaqadahooda iyo kuwo kale oo xoog ay ciidamada dowladda uga burburiyeen.
  3. Ciidamada Booliska ee Dowlada oo Maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabay Hawlo lagu Bur Burinayo sandaqadaha sida sharci darada ah looga dhisay wadooyinka Magaalada. Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ee iskugu jira Booliska iyo kuwa Military-ga ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii waddooyinka Muqdisho oo cariiri xoogan loogu bartay dadka ku dhex ganacsada looga qaadi lahaa. Isgooysyada KM4, Zoope ilaa Banaadir ayay ciidamada ka xaaqeen dhamaan goobihii sandaqadaha ahaa ee ku yaalay laamiyada dhexdooda kuwaaso 16-sanno lagu ganacsan jiray. Waddooyinkaasi ayaa haatan noqda kuwo waa weyn oo ay gawaarida heli karaan inay is gudbaan iyo goobo Barking ah oo gawaarida la dhigto. Saakay ayay ciidamada Dowlada howl-galo ka sameeyeen inta u dhaxeysa Isgoosyada Baar Ubax iyo Black Sea ee waddada sodonka, halkaaso ay ku yaaleen goobo sandaqado ah oo laamiga dhexdiisa lagu dhex ganacsan jiray. Ganacsatada qaarkood ayaa ku andacoonayeen inaysan heysan goobo ay u guuraan iyagoo ugu baaqayay Dowlada KMG ah ee Somalia inay dajiso goobo ay ku ganacsadaan. Ammarkaan lagu xaaqayo goobaha sandaqadaha ah ee dhex yaalay waddooyinka Muqdisho ayaa waxa uu kasoo baxay Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobalka Banaadir. Isku soo duuboo, arrintaan ayaa dib usoo celin karta bilicsamida caasimada Somalia ee Muqdisho. Guutaale yare Allmudug.org Muqdisho
  4. Guns banned from Somali streets Last Updated::2007-05-07 15:31:23 The new mayor of the Somali capital, Mogadishu, has banned people from carrying weapons on the streets. Former warlord Mohamed Dheere announced the ban at his inauguration ceremony, following his appointment last week. The move is seen as a big step forward in the process of restoring stability to Somalia, which has not had a working government in 16 years. The government last week ended a six-week operation against Islamist and clan fighters in the city.
  5. MUQDISHO: Daawo sawirrro ku saabsan qaabkii ay u dhacday burburintii goobaha sharci-darrada ah ee Muqdisho Posted to the Web May 08, 14:03 Muqdisho (PP) - Iyadoo ciidammada Dowladda ay si rasmi ah saakay uga billaabeen howlagallo ay ku nadiifinayaan Muqdisho iyagoo burburiyay dhismayaal ganacsi oo sharci-darro ah kuna yaalla hareeraha waddooyinka iyo goobaha kale ee jidadka ah. Haddaba, waxaa u suurogashay Shabakadda Wararka ee Puntlandpost inay idinkaga soo qaado sawiro sida ay u dhaceen burburinta goobahaas sharci-darada ah ee lagu ganacsanayay, waana kuwan sawirradii ee daawasho wacan.
  6. ^^^They really have it bad, in France there is no real opportunity for these people. Many of them move to London to seek better opportunities. Sarko is gonna have a difficult time I tell ya. But he is strong.
  7. ME. I am for peace now the war is over. SEconomist, I hand it to you, they all are running around but are making no points beyond the usual "His uncle" and "Massacre of the looters Inc" and so on. The time has coem for peace and wishing for suicide bombers and a Baghdad like scenario wont do.
  8. Kismayu is a minor issue and will be tamed like any other area of the country.
  9. ^^^An emotional outburst. Great men are known to bring such emotions from people. Yusuf legacy will not be written by you saxib. It will be writen by the Somali people. Till then, he is a hero to those who want a functioning state. He is loathed by those who want to keep the status quo going. So far he is a head of his enemies and has thus tamed mogadishu, the method many might not like. But those who live in comfort in the west have the pleasure to criticise. Those who live in the hell known as Somalia hope the President continues to deliver.
  10. The militia that left Kismayo to attack peaceful Kudhaa Island have learned their lesson and will never forget. They lost many boys in that Kudhaa battle and the rest were either injured, scaped back to Kismayo, or captured. Now the Puntland clan elders in Kudhaa have decided to release those prisoners after "odeyaal" delegation left Kismayo to negotiate their release. Good move I say. Actions such as these bring communities together. Peace is the best option for all Somalis. Maxaabiistii Dagaalka Kudhaa oo la sii daayey (Widhwidh.com)07-05-74 ka mid ah maxaabiistii lagu qabqabtay dagaaladii dhawaan ka dhacay jaziiradaha Madhaba ee Jubada hoose ayaa maanta ooda laga qaaday iyada oo ragaasi afrata ahi uu mid ka mid ahi yahay dhaawac ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay jaziiradaha madhaba todobaadkan. Sii deyntan ayaa timi ka dib wadahalo socday maalin oo ay wada yeeshen dhinacyadii ku hardamay jaziiradahaasi taasi oo markii dame la isku afgartay in la sii daayo maxaabiistaasi iyada oo ay wadahalada lagu sii deynayo uu dhexmaray maamulka degmada badhaadhe, waxgarad ka soo jeeda degaankaasi badhaadhe iyo odayaal dhaqameed ka tagay kismaayo. Maxaabiistan oo saaka hiirtii waabari laga soo dajiyay xeebta calanleey ee kismaayo ayaa waxay saxaafada u shegeen in aysan jirin wax dhib ah oo loo geystay uuna caafimaadkoodu fiican yahay si fiicana loo la dhaqmay intii ay ku sugnaayeen jaziirada madhabo. Cali Buraale Aadan oo aan Khadka Fooniyaha ee Hollow hollowga aan kula xiriiray ayaa ii sheegay in ay maxaabiistaasi ay sii daayeen ayna haatan ku sugan yihiin gudaha kismaayo ayna ku wareejiyeen odayaasha dhaqanka ee beesha ay ka soo jeedaan, waxaana uu sidoo kale uu sheegay in xalada jaziiradaha madhabo ay haatan ay degan tahay iyada oo ay jiraan kulamo la rabo in lagu xakameeyo xiisadihii dhawaan ka dhacay degaanka jaziiradaha madhabo. Dagaaladii dhawaantan ka dhacay jaziiradahaasi ayaa waxay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka iyada oo inta badan deegaanadaasi ay noqodeen kuwo aysan dadku aadin sababo laga cabsi qabo in halkaasi dagaal ka dhaco iyada oo maxaabiistan ay ahaayeen kuwo lagu qabtay dagaaladii dhawaan ka dhacay jaziiradaha madhabo. Maxaabiistan ayaa hada ah kuwo xornimadoodii loo soo celiyay iyada oo waxgaradka jubada hoose ay xusul duubayaan sidii arinta wada xaajoodka loogu soo dabar gooyn lahaa. Inta badan madhabo iyo buurgaabo waxa ay yihiin meelaha laga dhoofiyo dhuxusha tan iyo intii ay mamnuucday dhuxusha iyada maamulada ka dhisan degaanadaasi ay beeniyaan arintaasi ayna ku tilamaamaan kuwo aan wax ka jirin. Dagaalada had iyo jeer ka qarxa degaanadaasi ayaa ka dhasha dhuxusha iyada oo maleeshiyo beeleedyo halkaasi ku sugan ay weydiistaan in wax laga siiyo cashuuraha laga qaado dhuxusha isla markaasina ay taasi ku gacan seyraan maamulka degaanadaasi taasi oo marka dame isku badasha gacan ka hadal dhaliya in dad fara badani ay ku dhintaan. widhwidh.com
  11. ^^^Warlords are a thing of the past. For one who accepted IndaCade as a reformed individual, I say lets accept all those who are willing to work within the system. And who can bring change, Dheere and Qaybdeed are such men. Camir thanks for the article saxib, it was wonderful. The shift has already begun and people are speaking out against all the fake anti-governemnt groups, who have no vision, or basic tactics to get us any where.
  12. ^^^Pardon for the error it was not done on purpose. As for the resoloution ts simple really. The admin will return to do its job and the clan militias will have to vacate the city. The law shall prevail.
  13. Xaaji Cabdi Iimaan oo ah ninka saxaafadda la hadlay seegayna in laga been abuurtay ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ey iyagu markii horaba is magacaabeen balse ey jirin cid u dhiibatay jagooyinka ey hayaan ee beelaha ******. Th truth always comes out in the end.
  14. Odayaashii Beelaha ****** Oo Isku Dhacay - Muqdisho(Calanka.com) 07-May-2007 Odayaashii beelaha ****** ee dagaalka ka waday magaalada Muqdisho ayaa lagusoo waramayaa in uu soo kala dhex galay qilaaf xoogan kadib markii ey isku fahmi waayeen qaabka siyaasadeed oo ey u wajihi lahaayeen xubnaha dowladda kadib markii ey ku fashilmeen dagaalkii ey kula jireen dowladda federalka lagagana awooda roonaaday. Odayaashan ayaa isku eedeynaya hadeer in ey iska masabiteen oo qaarkood been laga sheegay kadib markii Xaaji Cabdi Iimaan oo ka mid ahaa odayaashaas uu sheegay in war uusan dhihin ama sixiixin loo gudbiyay qoraal ahaan madaxweynaha dowladda federalka. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa dib u dhac ku imaanayay kulanka ey odayaashan kula qaadan lahaayeen madaxweynaha Somaliya xarunta Villa Somaliya, kaasoon dib u dhac uu ku yimid ilaa 2- maalmood. Qilaafkan ayaa odayaasha qarsan waayeen, waxaana mid ka mid ah odayaashan oo sheegay in laga been abuurtay uu isugu yeeray saxaafadda si uu ugu sheego in laga been abuurtay. Xaaji Cabdi Iimaan oo ah ninka saxaafadda la hadlay seegayna in laga been abuurtay ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ey iyagu markii horaba is magacaabeen balse ey jirin cid u dhiibatay jagooyinka ey hayaan ee beelaha ******. Siyaasadda odayaashan ayaa dhicisowday kadib markii laga awooda roonaaday wiilashii ey dagaalka soo galiyeen kuwaasoo ey u xirnaayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
  15. MUQDISHO: Wareegto lagu amrayo in laga baxo xarumah Milateriga ee Muqdisho oo ka soo baxday Xafiiska Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Posted to the Web May 07, 13:59 Muqdisho (PP) - Wareegto ka soo baxday xafiiska Abaanduulaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye-gaas: C/llaahi Cali Cumar ayaa lagu sheegay in shacabka deggen xarumaha Milateriga dalka ay uga guuraan muddo 5-casho ah. Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in goobaha ay leeyihiin ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee laga guurayo ay kala yihiin: Waxaaradda Gaashaandhigga, Xaruntii Shiirkole, Xarunta Villa Baydhabo, Warshaddii Tolmada Millateriga, Guriyihii Saraakiisha Ciidammada, Kulliyadii Jaalle Siyaad, Kulliyadii Ciidammada ee 77, Kuliyadda Ciidammada ee Axmed Gurey, Xarunta Istiraatiijiyada ee Ciidammada, Xaruntii Ciidammada ee Horseed, Xero Ruush, Isbitaalkii Xoogga dalka Soomaaliyeed, Guryaha Saraakiisha ee ka dambeeyay Warshadda Caanaha, Talisyada Ciidammada Cirka, Dhulka iyo Badda. Wareegtadaan ayaa waxaa lagu xusay in ciddii aan uga guurin xarumahaas ay mudan karto ciqaab aad u daran, iyadooa dadkaas horay loogu diiday inay ku laabtaan xarumahaas kaddib markii ay ka qaxeen dhawaan. Dadkii deggenaa xarumahaas oo cabashooyin ka muujinayay sababaha looga celiyay inay ku laabtaan xarumahaas oo ay sheegeen inay deggenaayeen ayaa waxaa ku soo beegmay wareegtadaan. Dadkii deggenaa xarumahaas ayaa waxay qaarkood dib ugu laabteen xarumahaas iyadoo dadkaas qaar ka mid ahna ay weli ku maqan yihiin goobihii ay u qaxeen, iyagoo sheegay in loo soo diiday inay ku laabtaan xarumahooda. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  16. Sarkozy gets ready for office Sarkozy plans to take over power from Jacques Chirac, the outgoing president, on May 16 Sarkozy plans to take over power from Jacques Chirac, the outgoing president, on May 16 [AFP] Nicolas Sarkozy, the winner of France's presidential elections, has travelled to Malta in order to prepare himself for taking office. "These few days rest were planned to put him more in the mindset of a president after the tumultuous battle," said Claude Gueant, his campaign director told France's RTL radio from Paris on Monday. Speaking before Sunday's vote, Sarkozy said that if he won he would go into retreat "in order to immerse myself in the office, take the measure of the heavy responsibilities that will weigh on my shoulders, and rest after the clamour of the campaign." Sarkozy plans to take over power from Jacques Chirac, the outgoing president, on May 16, Fillon said, not long before France votes in parliamentary elections on June 10 and 17. Sarkozy has promised to enact a series of tough reforms to tackle France's mounting economic and social problems. But he will only be able to pass his proposed reforms if his UMP party retains its parliamentary majority. Final results Your Views "With Sarkozy as president, there will be a new France ... aligned on the US foreign policy, very close to Israel and less concerned with international legality" al_morro, Mexico Final results gave Sarkozy 53.06 per cent of Sunday's vote against 46.94 for Segolene Royal, his rival Socialist candidate. Analysis of the results showed that Sarkozy had won critical numbers of votes in areas where he had been predicted to do relatively badly. Around 52 per cent of women supported Nicolas Sarkozy, while only 48 per cent of women voted for Royal, according to an Ipsos poll conducted on Sunday. In addition, some 46 per cent of blue-collar workers - traditionally leftist voters - also chose Sarkozy, according to a separate Ipsos/Dell poll. The poll also found that 44 per cent of people of modest means voted for him, as did 32 per cent of people who usually vote for the Greens and 14 per cent who normally support the far-left.
  17. ^^^He is going to have a difficult time with the trade unions and other groups who will oppose his agenda od liberalising the economy. Sarko a son of an immigrant is the fisrt post war leader of France quite historic.
  18. Maxamed Dheere oo mar kale billaabay saakay inuu magacaabo Guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada Degmooyinka G/Banaadir MAY 7 . 2007 Radiofreesomalia.com Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka baanadir ayaa bilaabay inuu maanta magacaabo mar kale guddoomiyeyaasha degmooyinkii haray ee Gobolka Banaadir, isagoo socod ku marayay deegaannada uu u magacaabayo xilalka Guddomiyenimo iyo ki xugee nnadooda. Degmada Xamar Jajab ayuu Maxamed Dheere ku soo maray socod isagoo halkaas u magcaabay Guddoomiye, ku xigeen iyo weliba 5-xubnood oo kale oo ka shaqeynaysa howlaha Degmooyinkaas. wuxuuna Guddoomiye ugu magacaabay degmada Xamar Jajab Axmed Sheekh (Axmed Qoor-leex) oo isagu horayba u ahaa Guddoomiyaha Degmada, waxaana sidoo kale uu ku xigeen ugu magcaabay: Cismaan Yuusuf Cabdi. Sidoo kale Maxamed Dheere ayaa socodkiisa ku maray Degmooyinka Waaberi, Hodan, H/wadaag iyo degmooyin kale oo Gobolka Banaadir ka tirsan, waxaana degmo walba marka uu gaaro uu u magacaabayaa xilal kala duwan. Degmo walba ayaa waxaa lagu wadaa inuu u magacaabo Guddoomiye, ku xigeen iyo 5-xubnood oo kale oo howlaha degmadaas kala wada, waxaana uu ku sheegay inay yihiin maamulladaan kuwo samir-siin ah, balse ay shacabka Degmo walba soo dooranayaan ruuxii ay ku kalsoon yihiin. Khudbooyin kala duwan oo uu ka jeediyay Degmooyinka uu illaa iyo hadda maray ayaa wuxuu ku sheegay in laga doonayo maamulka cusub ee loo magacaabay deegaannadaas inay howlahooda si wanaagsan u gutaan ayna dhici doonin in ruuxii howshiisa gudan waaya lagu cafiyo arrintaas.
  19. ^^^Again stop the boasts dear lads. Think it through you can not keep a city by force, thats utter rubish as for the claims. Thats what the groups in Mogadishu who were a hundred times more powerful and braver than your militia claimed and we have seen how they have changed their tune. Stop with this nonsence Kismayu is not yours nor mine nor any clans its a Somali city. Live in their peacefully or keep criying for injustice.
  20. Cheering crowds hail Sarkozy's triumph Angelique Chrisafis in Paris Monday May 7, 2007 The Guardian Nicolas Sarkozy celebrates with his supporters. Photograph: Christophe Ena/AP Nicolas Sarkozy was last night handed a mandate to change France after a massive turnout in one of the most divisive presidential election campaigns in the country's history. As rioting broke out at Bastille, on the other side of central Paris, the rightwing former interior minister promised to make France love itself again. Mr Sarkozy, who was criticised for exploiting racial and social divisions in his campaign and accused of brutality by his opponent, the Socialist Ségolène Royal, declared: "Tonight is not the victory of one France over another." He vowed would represent "all of France and leave no one by the side of the road." But as he talked, there were reports of car-burnings in the suburbs and trouble flaring in Lyon, with police firing flashballs after skirmishes between leftwing activists and Sarkozy supporters. In a master stroke of political showmanship, Mr Sarkozy staged a huge celebration rock concert to launch his "economic revolution" in Paris's Place de La Concorde, where heads rolled from the guillotine during the first French revolution. But last night, he promised no less than a national resurrection built on hard work. "I want a France where everyone has a chance - but chance comes for those who work for it," he said, echoing his campaign slogan that he would represent the silent France "that wakes up early". There would be a national reconciliation based on everyone, no matter what background, being given equal "dignity and respect". Thousands had rallied, inspired by his calls to "liquidate the legacy of May 1968" ending the nanny state, "political correctness gone mad" and breaking the power of the unions and the 35-hour-week. After a campaign fuelled with hardline rhetoric that unashamedly courted the far-right on immigration and national identity, Mr Sarkozy last night struck a more inclusive tone, but urged to be France to be "proud of its history" and unashamed of its past. Flanked on stage by his idol, the ageing French Elvis, Johnny Hallyday, and his wife Cecilia, whose long absences during the campaign fuelled gossip of another rift in their relationship, Mr Sarkozy savoured the moment he had been working towards all his life. The son of a minor Hungarian aristocrat, his unstoppable ambition had been driven by his sense of victimhood as a child made to feel an outsider because of his foreign name, his height and his parents divorce. His victory by 53% to 47% of the vote was the third consecutive presidential defeat for the Socialist party, which within moments of the first results had already begun tearing itself apart, even though it faces parliamentary elections within a month. Dominique Strauss-Kahn, the social democrat moderniser who had been beaten to the candidacy by Ms Royal, said the party had failed to learn the lessons of its last catastrophic defeat to the far-right Jean-Marie Le Pen in 2002. However, Ms Royal showed no signs of stepping aside and vowed to stick it out and rally the battered party. His foreign policy is likely to break the mould of French diplomacy and be more supportive of the US and more pro-Israeli than any previous French leaders. In his first statement last night, he said the United States can "count on our friendship", but added, "friendship means accepting that friends can have different opinions." He urged the United States to take the lead on climate change and said the issue would be a priority for France. Within minutes of the polls closing, Mr Blair and the US president George Bush called him to congratulate him. Mr Sarkozy inherits from Jacques Chirac a nation deeply ill at ease with itself, a stagnant economy, growing debt, acute youth unemployment which has exacerbated serious social unrest in the run-down suburbs. Although he has successfully styled himself as a "clean break" with the past, he has served in government for over a decade, presiding over the finance and the interior ministry during the 2005 riots, the worst unrest in 40 years. The country saw its biggest street demonstrations in a decade last year over the government's plans for a new labour contract. But those confrontations may only be a taster of the clashes to come, with even his own party admitting it may face an autumn and winter of discontent as it tries to push through their ambitious reform programme. Mr Sarkozy hopes next month's parliamentary elections will strengthen his party's majority in the national assembly. Already he has planned an extraordinary parliamentary session in the summer to push through reforms including loosening the 35-hour week, tightening immigration laws and limiting strike powers.
  21. Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka oo saakay howl gal xoogan wada May 7, 2007 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Ciidamada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dowlada Itoobiya ayaa saakay howl gal balaaran ka bilaabey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho. Intii aanu baryid waaga waxaa saakay ciidamadan ay qaadeen howl gal ay isku balaarinayeen, ayna ku baarayeen gobo cayiman oo ciidamada u calaamadeysnaa. Ciidamada ayaa howl galkooda ka bilaabay isgoyska SOS ee degmada Heli waa, iyaga oo u dhaqaaqey dhinaca suuqa xoolaha, isla mar ahaantaasina degey gobo sida la sheegay ay ka mid yihiin warshada Nac-naca Banaadir iyo Shirkada S, kuwaasi oo Suuqa xoolaha ku yaala. Ciidamada ayaa gooyay wadad aada Suuqa xoolaha, iyaga oo baaris halkaasi ka wadey, waxaana jirin ganacsigii goobahaasi ay dadka ku lahaayeen. Dhinaca kale, Ciidamada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa saakay iyaguna howl gal baais ah ka wadey goobihii ay shalay dageen ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee ay ka midka ahaayeen Ifka Xalan, Xero Jarmalka iyo xaruntii dhul bixinta. Waxaa la arkayay ciidamo aad u faro badan oo ah kuwa dowlada federaalka oo taagan hareeraha wadooyinka, isla markaasna baarayay gaadiidka halkaasi marayay, iyaga oo ka hor baaris ku sameeyay dhismayaal halkaasi ku dhowaa. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo shalay maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan amaanka gobolka, shalayna la magacaabey 8- ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka. Maxamed Cali Madka Xafiiska Markacadeey Muqdisho
  22. Qarax is miidaamin ah oo dekadda Muqdisho lala doonayay oo la fashiliyey {Somaaljecel News Network} Muqdisho:- Ciidamada dowladda KMG ee ilaalada ka ah Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu isku soo xirxiray waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu isku qarxiyo dekedda dhexdeeda. Sida warku sheegayo ninkaas ayaa markii la qabtay waxaa laga qaaday rimuutkii qarxin lahaa waxyaabaha qarxa ee uu isku rakibay, kadibna waxaa loo geeyay oo gacanta loo Ciidamada Yuganda oo iyagu heysta waxyaabaha lagu baaro miinooyinka qarxa, kuwaasoo baaritaan ku haya ninkaas iyo waxyaabaha uu ku miineysan yahay. Warkan oo aanu ka soo xiganay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan dekadda weyn ee magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in ninkan ay arrintiisa haatan la wareegeen Ciidamada Yugandha ee ka tirsan kuwa AMISOM ee Muqdisho howlagallada nabadeed u jooga. Ma jiraan warar dheeraad ah oo ka soo baxaya xaaladda ninkaas, waxaana loo diiday in la tusiyo sxaafadda, iyadoo sida la sheegay ay su’aalo weydiinayaan saraakiisha Ciidmada Yugandha oo arrinkiisa la xil wareegay. Waa markii ugu horreysay oo la qabto ruux isa soo miidaamiyey, iyadoo horey dhowr nin oo is miidaamiyey ay ciidamada Itoobiya xarumahooda qaraxyo dhimasho iyo dhaawac badan ka dhacay ay ka fuliyeen, balse ma dhicin in ilaha muhimka u ah shacabka Soomaaliyeed sida dekadda iyo Ayraboorka qaraxyo is miidaamin ah lala soo maago haatan ka hor, iyadoo aysan dekaddu haatan ku sugnaydn ciidamo Itoobiyaan ah.
  23. ^^^I second that. She disected his arguments well. Though Mr Red Sea is not an easy man to deal with.