General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Guddoomiyaah G/Banaadir Iyo Ganacsatada Muqdisho oo maanta kulan ku yeeshay Hotel Lafweyn (Ganacsatada oo oggoladay in ay bixiyaan lacag dhan 200 oo kun oo dollar Maanta ayaa hotelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay halkaa ku yeesheen guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo dhamaan ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaana kulankaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho. Maanta ayaa hotelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay halkaa ku yeesheen guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo dhamaan ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaana kulankaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho. Kulankaasi oo ay soo wada xaadireen qeybaha ganacsatada eekala ah : Xawaaladaha,shirkadaha Isgarsiinta iyo ganacsatada ku howlan wax soo dejinta iyo dhoofinta ayaa markii uu soo dhamaaday kaddib waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Dheere iyo guddoomiyaha Ganacsatada Gobalka Banaadir maxamuud C/kariin Cali Gabeyre,waxaana labaduba ay saxaafadda u sheegeen in si weyn la isugu afgratya dhamaanba qodobadii kulanak looga dooday. Gudoomiyaha Gobalka banaadir ayaa sheegay in ganacsatadu ay ballan qaadeen in dowladda federalka Soomaaliya ay ku gacan siiyaan dhaq dhaqaaqyada shacabka loogu adegayo sida :sugidda amaanka,dhisidda wadooyinka ku bur buray dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray iyo waliba in ay bixiyaan lacag dhan 200,000 oo doolarka mareykanka ah oo lagu dhiirigelinayo socodsiinta howlaha maamulka Gobalka Banaadir. Waxaa Guddoomiyaha Gobalku uu shegay in ganacsatadu ay iska soo dhex saareen guddi gaar ah oo xubin ka ahaanaya dowladda hoose kalana shaqeynaya howlaha shacabka Soomaaliyeed loo hayo,ayna taasi tahay tallaabo w adaninimo oo horay loo qaaday. Guddoomiyaha Ganacsatada Gobalka banaadir Mudane Gabeyre oo isna halkaa hadal kooban ka Jeediyay ayaa sheegay in ganacsatada iyo maamulku ay isla garteen wax yaabihii ay ka wada doodeen oo dhan ayna diyaar u yihiin in ay meelmariyaan qodobadii laga hadlay oo ay ka mid tahay bixinta lacagaha lagu dhiirrigelinayo howsha maamulka Gobalka banadir. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho Contact:info@carmooyin.com
  2. ^^^You just ruined a funny joke. lool
  3. ^^Abwan, thus you prove that the gun market was never closed, testing and so on, but never closed. But I have come used to people giving false credit to their clan courts.
  4. Abwan the date and order of the closer of the gun market..Simple really.
  5. http://www.somaliaonline.com/cgi-bin/ubb/ultimatebb.cgi?ubb=get_topic;f=9;t=010809 Ganacsadahaan ayaa u sheegay sidoo kale Shabakadda wararka ee shabeeladahoose in hubkaan uu isugu jiray kuwo waaweyn iyo kuwa yaryar, waxaana uu sheegay in rasaas aad u fara badan laga qaatay halkaas. Suuqa Cirtoogte ayaa ah goob hubka lagu kala iibsan jiray muddadii ay dalka ka jireen dagaallada sokeeye ee salfaday dad fara badan, isla markaana baabi'iyay hanti aad u fara badan, waxaana suuqaan cirtoogte loogu bixiyay iyadoo rasaasta laga rido suuqa loo rido inta badan cirka. Last Updated ( Monday, 07 May 2007 )
  6. ^^^Saxin Amin Khasaro a sposkeperson for Chircoole Clan Court is not the point did they close down the gun market?
  7. ^^^Abwan, Mohamed Dheere baned guns in Jowhar, the topic is not Kismayu since it never had a gun market or "business men" armed to the teeth. Did they close Cirtooge? I guess the answer is no the trade was going on then.
  8. ^^^Abwan, brother I was not there but I remmeber in their last month they were calling on the Business community who were armed to the teeth, they were ignored. As for the gun market it never closed, the guns were on sale throught the six months of the courts rule. They never once attempted to close it. The TFG has, and has also demanded the businessmen turn over their weapons as they ahve the warlords. The TFG closed down Ceel Macaan and has set up an admin for the previously occupied Lower Shabbele. The clan courts made some strides ins ecuring Mogadishu, but they failed to set up a single admin, their is history but I find amusing when people pretedn that this sub-clan coalition was a panacea to Somali problems.
  9. ^^^South Korea and India are powerful countries brother, both giants in Asia. Thus the EU has already been named and so has China. These are no small countries richer and more powerful than any in Africa or the Middle East.
  10. ^^^Abwan the clan courts never closed down Cirtoogte. If you have proof please provide it. Forget closing a single market down they never even disarmed the business groups. Also the clan courts never even set up a single admin theirs was clan support on drugs and a media frenzy led by Yusuf Garad, but we covered that before saxib. Again if you can bring evidance to support the alleged clan courts closer of the gunmarket.
  11. Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Canada oo soo dhoweeyey safiirada loo magacaabay dalka South Korea iyo Dalka INdia Xareedo Ibrahim Bolis iyo Abyan Maxamed Saalax (Ladane)oo labaduba ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Canada MAY 10. 2007 Radiofreesomalia.com Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada ayaa siwey u soo dhoweeyay magacaabidii uu shalay ra’isul wasaare Prof. Cali Max’ed Geeddi u magacaabay safiirada dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka India iyo South Korea Marwo Xareedo Ibrahim MAxamed Boolis iyo Marwo Abyan Maxamed Saalax "Ladane" Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada iyo guud ahaan waqooyiga Amerika ayaa waxay qiranayaan in marwooyinkaa oo labduba ka tirsan jaaliyada Canada ay yihiin dad aad u fir fircoon wax badana u qabtay jaaliyada marwalbana kaalin fir fircoon kaga jiray bulshada waxeyna ku ammaaneen iney yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo nadiif ah. Jaaliyada Soomaaliyada ee dalka Canada ayaa waxay aad ugu faraxsan yihiin sida ay kaalin muuqada oo fir fircoon ama door weyn uga ciyaarayaan dib u dhiska dalkii hooyo , nasiibna u yeeshay iney helaan tirada ugu badan ee xubnaha dowlada, sida golaha baarlamaanka oo ay ku leeyihiin 22 xubin , golaha wasiirada 4 wasiir , Agaasimayaasha guud 9 agaasime , safiirada 5 safiir. Jariidad lagu magacaabo Global and Mail ee ka soo baxda dalka Canada ayaa waxay si weyn carabka ugu dhufatay in dowdala Soomaliya ee kMG ay hogaankeeda uga sar sareeya ay yihiin Somali Canadian , sidoo kale ay yihiin dad wax ku bartay dalka Canada , halka dowladihii hore ee Somalia ay ahaayeen kuwo sal ku leh dowladaha Talyaniga ama Raashka. Muse Kulow
  12. Abwan it matters not what position we take however we must not loose sight of the reality. Only a government can bring about real change, this is happening it right now. It will be difficult we have allot of arms in the poublics hands we have some clans who feel they have lost out due to the defeat of their militias. However the course has been charted. Its only the TFG that clsoed the gun market, and who created local admins for every region notably the lower Shabbele. Thus its not one clan or two which benefits but the majority of clans specially those that were once unarmed and treated like slaves in their own country.
  13. ^^^We agree on more points than we disagree brother. Somalia has lost a generation of people and time for nothing other than our own failures. Now its time to move on, insha Allah we will get out of this hole that we dug. One has to build on what ever he has. This government is only tranistional, we need to built upon it.
  14. ^^^Maybe you were wrong about the man. Anyhow call it what you want it is not governemnt policy.
  15. Bokero, how can you defend having kiosks and shops in the middle of a highroad? How can you defend having landmines and RPG's in on sale in the middle of the largest market. Forget guns they had landmines, what for? Like SE stated above the TFG has put together ina few days what no armed groups including the clown courts do, close the gun market, and remove illegal outposts across the city and restore remove the squaters from national institutions and police stations.
  16. Its a shame saxib, that the security of the state is in this type of shape.
  17. Abwan you have some point there, though this is the beggining. Though the Somali's seem not to want to get their hands dirty.
  18. Ciimada Ugandha oo howlo nadaafadeyn ah ka bilaabay magaalada Muqdishu Posted to the MOL May 10, 2007, 11:18 am Ciimada Ugandha ayaa maanta howlo nadaafadeyn ah ka bilaabay magaalada Muqdishu, howlahaas oo dib loogu soo celinayo bilicdii magaalada Muqdishu lahayd. Wararka ayaa sheegaya in maanta isgays km4 lagu arkay ciidamada Ugandha oo wata gawaari waaweyn oo ka guraya dariiqyada qashin. Dadka reer Muqdishu ayaa aad ugu riyaaqay hawl karnimada ciidamada Ugandha oo runtii walow ay yihiin ciidamo yar haddana magaalada ka haya hawlo aad u muhiim ah. Ciidamada Ugandha ayaa u xilsaaran illaalinta Garoonka iyo dekada Muqdishu. Waxay kaloo rondooyin ku soo maraan xaafaha ay masuulka ka yihiin. Ciidamada Ugandha ayaa ugu baaqay shacabka Muqdishu inay kala qayb qaataan hawlahaan bilic soo celinta taas oo qayb ka dadaalka nabadeynta Muqdishu. Dhinaca kale dawlada Ugandha ayaa muujisay sida uga xuntahay daahida ku timid ciidamadii laga sugayay dawladaha kale ee Afrika. Dawlada Ugandha ayaa ku hanjabtay inay ciidamadeeda Somaliya kala noqon doonto haddii aysan Afrika si deg deg ah u keenin ciidamadii ay balan qaadeen. Mudugonline.com
  19. Ganacsato ku howlan burburinta goobahooda Ciidamada dowladda oo dadka ku amraya in ay buburiyaan goobahooda ganacsi
  20. Ciidamada dowladda oo howl-gallo burburin ah ka fuliyay Suuqa Bakaaraha Click here to find shabelle news in english Daawo Sawirada Mogadishu 10, May.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ayaa maanta howlo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah ee Suuqa Bakaaraha waxa ay ka wadaan gudaha suuqa iyo wadooyinka soo gala. Howlahaan lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah ayaa maalintii labaad ka soconaya gudaha Bakaaraha, waxaana horkacaya ciidamada Militariga dowladda KMG ah oo iyagu xoog u adeegsanaya dadka ka dhago adeega in ay fujistaan sandaqadahooda. Ilaa iyo wali qeybaha la burburiyay ee dhismayaasha sharci darrada ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka mid ah wadada isku xirta Isgoysyada Black Sea iyo Bakaaraha iyo qeybta dharka. Qaar ka mid ah ganacsatada laga burburiyay goobahooda ayaa waxa ay ka codsadeen dowladda KMG ah in ay siiso meelo kale oo ay ku shaqeeyaan. Col. C/risaaq Max'uud oo horkacayay ciidamadii howl-gallada ka fuliyay suuqa Bakaaraha oo shabelle ay kula kulantay halkaasi ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka in ay u hogaansamaan awaamiirta dowladda iyo howl-gallada lagu burburinayo dhismayaasha sharci darrada ah.
  21. MUQDISHO: Ciidamamda Uganda oo maanta howlo nadaafadeed ka sameeyay Magaalada Muqdisho Posted to the Web May 10, 15:41 Muqdisho (PP) – Ciidammada Uganda ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay maanta howlo nadaafadeed ka sameeyeen Magaalada Muqdisho qaybo ka tirsan, iyagoo howlaha nadaafadeed ka sameeyay Isgoyska KM4 iyo agagaarkiisa. Ciidammada Uganda oo ka tirsan AMISOM oo ah ciidammo ay Midowga Afrika ku baaqeen inay tagi doonaan Dalka Soomaaliya, balse kaligood xilligaan ka jooga ayaa waxay u isticmaalmayeen fogeynta qashinka gawaaridooda dagaalka. Askariga ayaa qashinka si toos ah uga qaadayay laamiga iy meelaha kale ee uu ku jiro isagoo garabka uu u sugan yahay Qorigiisa, waxanaa lagu arkayay waddada hareeraheeda askar ka ilaalinaysa qowlaysatada ciidammada kale ee qashinka ururinaya. Kumannaan Soomaali ah oo aan waxba ka qabanayn qashinka ayaa waxay ku sugnaayeen waddooyinka hareerahooda iyagoo daawanayay qashinka la qaadayo, waxaase mararka qaar lagu arkayay Dhallinyaro Somaaliyeed oo qashinka wax ka saaraya gawaarida walow ay yaraayeen. Haddaba, Aqriste Shabakadda Wararka ee Puntlandpost waxay ka soo qaadday howshaas sawirro si caddeyn ay kuugu noqdaan, haddana waa kuwan sawirradii ee Daawasho wacan Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.
  22. Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Amisom oo howl-gallo nadiifin ah ka wada caasimadda Ciidamada Midowga Africa oo howlo nadiifin ah ka wada wadada KM4 Ciidamada AMISOM oo qashin dhulka ka qaadaya isla markaana ku qaadaya gaari Militari Mid ka mid ah ciidamada dowladda iyo askar Ugandes ah oo taagan isgoyska KM4
  23. Muqdisho: "Amar aan ku bixinay in dumarka laga qaado indha shareerka ma jiraan" Maxamed Dheere. 10. Maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uusan ka war qabin amar la siiyay ciidamada dowladda oo faraya in haweenka heysta indha shareerka in laga xayuubiyo. "Amar aan ku bixinay in dumarka laga qaado indha shareerka ma jiraan, waxaana farayaa kuwa geysanaya falkaasi in ay joojiyaan" ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho. Maxamed Dheere ayaa sheegay in falkaasi lagula kacayo haweenka asturan ee heysta indha shareerka uusan maamulkiisa ka soo bixin in laga dhigo cidii heysata indha shareerka, wuxuuna ugu baaqay kuwa geysanaya ee ka tirsan ciidamada in ay iska joojiyaan. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan isgoyska Howlwadaag waxay wadeen howlgalo lagula dirirayo haweenka heysta indha shareerka iyagoo ka qaadayey kadibna gubayey, taasoo keentay in dad badan ay caro ka muujiyaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho