
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Nice report, another developed countrty not wanting to be left out of the new Somalia. Viva the third republic.
-
^^^I dont think the US policy now can be categorised as wait and see, the US has gotten involved in the Somali issue directly, we all know without their consent we would not have had a change in the US security council as well as the support of the Ethiopians and the Ugandan troops. Indeed things have changed we have a US governemnt supporting the TFG, the national reconciliation conference, and the national elections of 2009. All things which Somaliland does not like. JB: The security of Mogadishu is improving, its a given it will take some time. But we already have many powerful countries such as Russia & China receiving our newly appointed Ambassadors to those nations.
-
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Wafdi Talyaani ah kii ugu balaarnaa oo yimaada Somaliya wixii ka dambeeyay Burburkii ayaa soo gaaray Muqdishu Posted to the MOL May 19, 2007, 10:09 am Wafdi balaaran oo ay hogaamineyso wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli ayaa maanta ka soo degay garoonga caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. Wafdigaan oo ka kooban 9 xubnood oo uu ka mid ahaa Ambassador cusub oo Talyaaniga u soo nagacaabay dalka Somalia oo la yiraahdo Stephen Dijack ayaa isla maantaba waxay kulamo gooni gooni la qaateen madaxda ugu sareysa dawlada KMG ah sida Madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo gudoomiya baarlamaanka. Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli (midig) oo uu soo dhaweynayo wasiir ki xigeen arimaha dibada Somaliya Hussein Elabe Fahiye Waftiga ayaa sidoo kale kulamo la qaatay gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi oo waftiga ka siiyay warbixin la xiriirta qorshaha shirka dib u sheesiinta iyo meesha ay u wax marayaan iminka. Kulankaas ka dib ayaa wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee Talyaaniga Patrisa Sentinelli oo la hadhashay saxaafada madaxa banana waxay sheegtay inay dawlada Talyaaniga ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahayd hawlaha dib u heshiisiinta iyo soo celinta amniga iyo kala dambeynta. Madaxweyne Yuusuf iyo ra'iisal wasaare Geedi oo isku diyaarinaya inay soo dhaweeyaan waftiga Talyaaniga. Wasiir K/xigeenka ayaa sheegtay in dawladu talyaani hadda u qorshaysay qarash ay ku caawin doonto qabsoomida shirka dib u heshiisiinta iyo wlaiba arimaha lagu sugayo amniga oo ay gacan ka gaysan doonaan sidii loo maal galin lahaa in Somaliya la keeno ciidamo Afrikaan oo badala kuwa Itoobiya oo kooxaha qaar ka soo horjeedaan. Wasiir K/xigeenka ayaa ugu dambeyntii ku baaqday in loo badaxbaneeyo howlaha dib u heshiisinta gudiga qaran ee uu madaxda u yahay Cali MAhdi. Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli (midig) oo uu soo dhaweynayo wasiir ki xigeen arimaha dibada Somaliya Hussein Elabe Fahiye Isku soo duuboo safarka wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli ayaa mid guul ku dhamaaday lana isla wada fahmay waxyaabihii laga wada hadlay. Waxaana moodaa in dawlada Talyaanigu ay iminka boorka ka jafayso doorkeedii taariikhiga ahaa ee Somaliya. Mudugonline.com -
^^^The US is for once behind the restoraqtion of the state. We already have many countries who named their ambassadirs to Somalia all the neighbouring countries have notably Ethiopia, Kenya, Yemen, and Uganda the Italians have also named an Ambassador. The US being the sole super power has taken a forward step and got itself involved in supporting this governemnt. Which gives further advantage to the TFG.
-
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Mss. Santinelli ayaa sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay inay Muqdisho timaado markeedii ugu horreysay, waxayna sheegtay inay walwal ballaaran ka qabtay Muqdisho intii aysan imaan, balse ay hadda dareemayso in xaaladdu ay ka duwan tahay sidii ay filaysay oo ahayd mid walwal badan. "Waxaan filayay in xaalad kacsan aan ugu iman doono Muqdisho, balse waan faraxsanahay hadda, waxaana u mahadcelinayaan Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaan rajeynayaa in Soomaaliya ay noqoto mid wanaagsan oo dunida laga dareemo wanaaggeeda" ayay tiri wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Mss. Pertizia Santinelli oo hadal siisay saxaafadda. Madaxda Dowladda ee kulanka ay la yeelatay ayaa waxay dhankooda sheegeen in dowladda Talyaaniga ay si weyn u daneynayso arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in talyaaniga uu si weyn ugu ololeynayo in Dowladda Soomaalyia ay ku guulaysto himiladeeda. Dhanka kale, Santinelli oo ka hadashay shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in Talyaaniga uu shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya ku bixinayo lacag fara badan uuna si weyn u raneynayo inay ka soo baxaan go'aanno wax ku ool ah oo ummadda Soomaaliyeed dariiqa hagaagsan. Xigasho Puntlandpost.com -
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Saddexda mas'uul ee ugu sarreeya dawladda oo qaabilay Patrisia Santineli Saddexda mas'uul ee ugu sarreeya dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga gabadha lagu magacaabo Patrisia Santineli. Wafdiga ay hoggaamineysey wasiir kuxigeenku ayaa waxaa qaabilay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe, waxana ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga. Patrisia Santineli, ayaa sheegtay in Talyaanigu uu dhirri gelinayo isla markaasna taageerayo shirka dib u heshiisiinta qaran ee dhowaan lagu qabanayo caasimadda isla markaasna dawladda Talyaanigu ay su buuxda u taageersan tahay dawladda federaalka Soomaaliya. Patrisia Santineli ayaa sidoo kale sheegtay in Talyaanigu uu gacan weyn ka geysanayo sidii xasilooni iyo nidaam loogu soo dabbaali lahaa waddanka Soomaaliya. Cabdi-Jamaal Macallin Axmed SBC Muqdisho -
Keep counting Muqdisho:Gudoomiyaha gudiga diyaarinta Shirweynaha qaran oo ka hadlay qaabka shirka dibuheshiisiinta qaranka Cali Mahdi Maxamed. 19. maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)-.Gudoomiyaha diyaarinta Shirweynaha qaranka Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa wuxuu maanta ka hadlay arimo ku aadan qabanqaabada shirka dibu heshiisiinta qaran ee dhawaan ka furmaya caasumada Soomaaliya ee Muqdisho Mudane Cali Mahdi Maxamed wuxuu sheegay in shirka ay ka qeybgalayaan dad gaaraya 1,325 xubnood oo ka kala socda beelaha kala duwan ee Somaaliyeed. Waxa uu xusay Gudoomiyuhu in maalmaha talaadada iyo Arbacada ay magaalada muqdisho ka ambabaxayaan ergo gaaraysa 28 xubnood kuwaas oo kala beegidoono gobalada Soomaaliyeed. Xubnahaasi 28 gaaraya waxaa lasheegay in ay deegaanada ay booqanayaan ay gaarsiidoonaan caasumadaada shirka dibuheshiisiinta qaran ee ka furmaya Magaalada Muqdisho bisha June oo ay naga xigaan maalmo kooban. Cali Mahdi Maxamed oo wax laga weydiiyay in ay Somaliland shirkaasi ka qeybgalayso iyo inkale ayaa wuxuu sheegay in ergo ka socota Somaliland ay shirka ka qeybgalayaan. Gudoomiyaha shirka dibuheshiisiinta qaranka ayaa wuxu sheegay in dadka ka qeybgalaya shirkan ay soo xulayaan madaxda dhaqanka, salaadiinta iyo dubabka oo loo madax banaaneeynayo soo xulitaanka ergooyinka ka qeybgalaya kulankan,isagoo sheegay in xubnaha dibada ka imaanaya ee ka qeybgalaya shir in aysan ahaan doonin kuwa qaab beeleed lugu soo xulo. Md.Cali Mahdi wuxuu sheegay in shirka lugu qaban doono xaruntii hore ee gaadiidka Booliska ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho. Hadalka Cali Mahdi Maxamed ayaa soo baxaya xili guud ahaan Magaalada Muqdisho tahay meel ay gacanta ku heyso dawlada Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
I get ya saxib. Nice pics by the way
-
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaniga oo la kulantay madaxda sare ee dowladda KMG ah Click here to find this article in english Mogadishu 19, May.07 ( Sh.M.Network) Wafdi balaaran oo ay hogaamineyso wasiir K/xigeenka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrisia Santineli oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaadatay madaxda sare sare ee dowladda KMG ah ee Somalia. Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga Patrisia Sentinelle oo u warantay warbaahinta Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Somalia oo ku soo dhaweeyay Airaporka wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga Sentinelli Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi oo ka soo baxay goob ay kulan kula qaateen Sentinelli, wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga -
^^^JB: I just found this article quite funny saxib. As for the celebration I never contradicted that they took place in those areas where the secessionist movement is strong. Just reporting on the feelings of the other half. Rudy, I am from Puntland State and SSC are am itegral part of the state.
-
They showed clips of it on CNN, that was disturbing enough for me.
-
^^^You seem to be here on duty with me ..lol
-
MUQDISHO: Cali Mahdi Maxamed: "Ciddii diida inay shirka dib u heshiisiinta Qaran ka soo qaybgasho waa cid aan doonayn nabadda Soomaaliya" Posted to the Web May 18, 13:53 Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaailya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado in bartamaha bisha soo socota lagu qabto Muqdisho ciddii diida ay tahay mid diidan dowladnimo Soomaaliyeed. Mudane Mahdi oo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in shirka Qaran uu yahay mid lagu dhemeynayo khilaafaad soo jiray muddo 16-sano ah oo dagaallo sokeeye ay socdeen, ayna cid walba oo Soomaali ah ay uu u furan yahay inay ka soo qaybgasho shirka lagu wado in 14-ka bisha soo socota uu ka dhaco Muqdisho, wuxuuna sheegay in ciddii isku dayda inaysan shirkaas imaan loo aqoonsanayo inay tahay mid aan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya. "Waxaan caddeynayaa in cid walba oo Soomaali ah ay ka soo qaybgeli karto shirka, mana jirto inaan kala soocayno dadka, waxaanse u sheegaynaa cid walba inay kaga soo qaybgalayso qoraal ay ka sidato cuqaasha beeshooda" ayuu yiri Cali Mahdi oo sheegay in aanay u kala saarayn dadka mabda'a ay aamisan yihiin. Mudane Mahdi ayaa wuxuu sheegay in cuqaasha Soomaaliyeed ay u gudbinayaan qoraallo ay ku caddeynayaan ergada ay shirka u soo dirsan karaan iyo qaabka ay noqonayaan, wuxuuna sheegay in ciddii ay cuqaasha soo wakiilato uu shirkaas ka qaybgali doono. "Cid aanay cuqaasho beelaha Soomaaliyeed u soo wakiilan kama qayblayso shirka dib u heshiisiinta qaran, mana dhacayso in cid walba oo socoto ah ay shirkaas ka soo qaybgasho" ayuu yiri Mar kale Cali Mahdi Maxamed. Mar la weydiiyay Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha Shirka Qaran ee Soomaaliya in Sheekh Shariif uu sheegay inaysan Maxkamado ahaan ka qaybgalayn shirkaas, wuxuuse sheegay Mudane Cali Mahdi in Maxkamadaha haddii aysan shirkaas ka qaybgalayn ay yihiin kuwo u muuqda nabad diid, waxaana uu sheegay in Maxkamad ahaan aan shirkaas looga qaybgalinayn, balse ciddii ka tirsan oo doonaysa inay shirka ka soo qaybgasho ay soo maraan Beelahooda oo ay magac beeleed ku yimaadaan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
-
^Saxib it was never that simple, but I commend you for trying.
-
"It does not matter how slowly you go so long as you do not stop. " Confucius Sool, Sanag & Cayn had nothing to do with the secessionist day, again highlighting the gulf between them and those in Hargaysa-Burco-Berbera traingle ,that this "Somaliland" a clan thing and they need to stop claiming these regions who are pro Somalia.
-
-
audio
-
Laascaanood Oo Si weyn looga Xusay Maalinta 18 May (Laascaanood}18.05-07Dowlada hoose ee magaalada laascaanood iyo boqolaal shacab ah oo uu horkacaayo duqii hore ee degmada C/rashiid barkhadle oo siweyn maanta u xusay maalinta kor uqaadida nadaafada iyo bilicda magaalada. Ka dhageyso Radio WidhWidh Online Dawlada hoose ee Magaalda Laascaanood oo kaashanaysa dad weynaha magaalada ayaa maanta bilaabay hawlgalo lagu banaynayo dariiqyada iyo korna loogu qaadayo nadaafada magaalada. Maayirkii hore ee magaalada laascaanood C/rashiid Barkhadle oo ahaa maayirkii ugu horeeyay ee ee bulshada gobolka sool u horseeda in maanta loo aqoonsado maalinta nafaada iyo kor u qaadida bilicda magaalada laascaanood, ayaa shaaca ka qaaday in hawshan aysan ahayn mid bilow ah basle ay saaka ugu muuqato mid dadku xoog saareen dad weynaha xaafadaha ayaa iyana dhinacooda hawsha bar barka ka hayey iyada oo ay dhinacooda ka gurayeen qashinka iyo dhagaxaanta wadooyinka xidhay. Maayarku wuxuu dadwaynaha uga digay inaanay lacagtoodu ku bixin meelaha loogu tala galay adeega bulsha wadooyink iyo suuqyadana gabi ahaanba labaneeyo. Maayirkii hore ee magaalada laascaanood C/rashiid Barkhadle oo isagu ku Gudo jiray hawshaa Ololahaas oo aanu wax ka waydinay sida ay hawshu usocoto ayaa waxaa u sheegay inay ilaa iminka si wanaagsan hawshu u socoto aanay gacan wanaagsan ka sinayaan Gudiyada xaafadahu Waxaana duqu xusay inay jiraan duruufo dhaqaale hase yeeshee intii karaankooda ah wadayaan ololaha wad banynta Maayirkii hore ee magaalada laascaanood C/rashiid Barkhadle iyo boqolaal shacab ah ayaa ugu danbayntii socod kusoo maray guud ahaan magaalada laaascnood iyagoo cagta soo mariyay goobo ay kamid ahaayeen saldhiga garoonka kubta iyo dhamaan wadooyinka magaalada duqii hore ee degmada C/rashiid barkhadle
-
Maalinta nadaafada ee 18-ka May oo si weyn looga magaalada L/caanood iyo SSCayn (WYNET)L/caanood:- Waxaa maanta si wayn looga xusayaa maalinta qashinka iyo nadaafadda SSC gaar ahaan Gobolka Sool oo si wayn looga xusay maalintaas oo ah maalin ay dadka ku dhaqan deegaanadaan si wayn u tixgaliyaan. Maanlinta 18 may waxaad ku arkaysaa meel kasta oo kamid ah magaalada Laascaanood Boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin halkudhigyo lagu maamuusayo maalinta qashinka iyo wado furista ee Gobolka Sool oo ah maalin dadka shacabka ah ee ku dhaqan sscayn ay si wayn ugu dheer tahay marka loo eego wax qabadkii la qabtay maalintaasi. Cabdirashiis barkhadlle oo ah Duqii hore ee Degmada Laascaanood oo maalin-tan soo qaban qaabiyey ayaa waxaa uu hadal kooban ka jeediyey munaasibadan isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin qiimo weyn u leh deegaanka,ahana sadex guuradii ka soo wareegtey Maalintii Nadaafadda , Wado furista iyo ka hortaga waxyaalaha deegaanka dhibaateeya ee Degmada Laascaanood Duq Barkhadle iyo boqolaal shacab ah ayaa ugu danbayntii socod kusoo maray guud ahaan goobihii qashinka laga nadiifiyay iyagoo cagta soo mariyay goobo ay kamid ahaayeen saldhiga, garoonka kubta iyo dhamaan wadooyinka magaalada Laascaanood Jees cabdi Warsame (jees nasrullaah) jees1999@hotmail.com laascaanood Waayaha.net,L/caanood,Soomaaliya
-
Bashir Goth on Somaliland’s Independence Bid!
General Duke replied to xiinfaniin's topic in Politics
“The woods are lovely, dark, and deep, And we have promises to keep, And miles to go before we reap” with full apology to Robert Frost. Those are nice few lines I must add. Enjoyable piece. -
Eritrea might get taken down, but thats neither here nor there.
-
Cade will leave when his term ends. Though I agree we need to reform the state. Those who wanted and prayed for its destruction and supported its greatest enemies should not pretend to care one bit now. Also blaming everything on Cade is quite childish. Those in the dispora who do not help in anyway and those who are just hungry for political power with no alternatives are just as bad as the top leaders.