General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Codka Beesha iyo wararkii ugu dambeeyay ee dalka Somaliya , waxaana idiin soo tebinaya wariye Shaafici Muhuyadin audio
  2. Uganda's leaders will be remmebered for their courage.
  3. Uganda oo Ciidamo Dheeraad ah u direysa wadanka Soomaaliya Last Updated::2007-05-21 16:03:14 Kampala:-Wadanka Uganda ayaa Shaaca ka qaadey in ay diyaar u tahay in ay Ciidamo dheeraad ah u direyso wadanka Soomaaliya. Warkaan ayaa waxaa sheegtey maalintii shaley Wasiirada Gaashaandhiga ee wadanka Uganda Ms.Ruth Nankabirwa, waxaana ay sheegtey in Uganda ay ciidamo dheeraad ah u direyso wadanka Soomaaliya, waase hadii uu midawga Afrika uu codsado Ciidamo dheerad ah. Ms Ruth oo shaley wareysi uu la yeeshey wargeyska Daily Monitor sharaxeysey sida ay ugu dirayan Ciidamada ay soomaaliya u dirayaan, ayaa sheegtey in ay haatan Gacanta ay ku hayaan Ciidamo u tababaran Nabad ilaalinta. Isla shir saxaafadeed ay qabatey Ms. Nankabirwa ayaa waxaa ay ka dalbatey wadamada Afrika in Ciidamo ay u soo diraan wadanka Soomaaliya, Ciidamaas oo si deg deg ah ku yimaada gudaha wadanka Soomaaliya. Ms. Ruth Nankabirwa waxaa ay sheegtey in Ciidmada Uganda aysan ka soo baxeyn Gudaha wadanka Soomaaliya, tan iyo inta uu dhamaanayo Hindisaha Dib u nabadeynta wadanka Soomaaliya ee AMISOM, oo ay sheegtey in ay qeyb ka yihiin wadamada Ghana, Nigeria, Malawi, iyo Burundi. Waxa ay sheegtey in Ciidamada Uganda aysan madi ku ahayn hanaanka Soomaaliya ee nabad ilaalinta ah hase yeeshee waxaa ay sheegtey in AU’da iyo UN’ta labaduba ay shegeen in Ciidamada Itoobiya aysan ka baxayn gudaha wadanka Soomaaliya tan iyo inta ka imaanayaan Ciidamada AMISOM oo idil. Waxaa ay sheegtey Ms. Nankabirwa in Ciidamada Uganda la siiyey 1.8 Malyuun oo Doolarka Maryekanka ah, maalintii Jimcaha ahayd waxaana ay sheegtey in guud ahaan aysan helin kharashaad ku fulin Ciidamada Uganda bilahii la soo dhaafey, taasina waxa ay sheegtey in aysan baajineyn hawlaha ay u joogeen wadanka Soomaaliya. Wadanka Uganada ayaa waxaa haatan ka jooga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Ciidamo Gaarya ilaa iyo inka badan 1000 Askari inkasta oo ay horey u balan qaadey Ciidamo intaas ka badan. Wadamo kale ayaa Balanqaadyo Sameeyey waxaana ka mid aha wadanka Burundi oo balan qaadey ilaa iyo 1,500 - 1,600 Askari; Nigeria 8500; Ghana 3500; iyo wadanka Malawi oo aan cara baabin inta ay keeneyso Ciidamo wadanka Soomaaliya. Mohamed Ali (Dalmar) mohamedali11@gmail.com
  4. Our moral: Vive la Revolution! Vive Egalité! Vive Zizou! Allez les Bleus! World Champion European Champion Fifa player of the year 3 times
  5. Its a real shame, why come to the party if you will start a fight. ******
  6. Canshuur uruuin ay dowladda hoose ka bilowday maanta qeybo ka mid ah G/Banaadir Ciidamo ku lebisan dareyska ciidamada dowladda hoose ee Soomaaliya oo watay gaadiid u gaar ah ayaa maanta markii ugu horeysay lagu arkayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdish oo ay ka qaadayaan lacago lagu sheegay canshuur. Ciidamadan ayaa lagu arkayay maanta markii ugu horeysay Suuqyada ganacsiga ee G/Banaadir, gaar ahaana Suuqyada Maanoboolyo iyo Siinaay ee Waqooyiga Muqdisho, waxayna ciidamadani lacago ka qaadayeen goobaha ganacsiga sida, qeybta lagu iibiyo Qudaarta, Dukaamada, qeybtaha kale ee gaanacsiga, Qaadka iyo weliba gaadiidka BL-ka ah oo ay ku canshuurayeen Boostoojinka laga raro. Dadweynaha ku ganacsatada suuqyadaasi iyo goobihii maanta laga qaadayay canshuuraha ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qaadista canshuurahan balse ay doonayaan in dowladda hoose ay sugto ammaanka goobahooda ganacsig, isla markaana ay lacagtooda ku bedeshaan amni. Cabdishakuur Cilmi Xasan abdishakuurelmi@hotmail.com
  7. In ka yar labo sano jawhar waxay noqotay xero amaan ah oo ku taal wadan ay dadkiisii ka noogeen dagaal ahli ah iyo madaafiicda codkooda , waxaad cawayn kartay ilaa aroortii adoon ka baqin amni xumo, waxuu qaaday dhamaan Isbaarooyinkii ay mileeshiyaadku ku baadi jireen dadka kagana qaadi jireen canshuurta. Magaaladii ayuu sdi fiican u qabtay, waxuuna ku qaabilay dhamaan wafuudii u imaanaysay , xili uu Madaxwaynihii hore ee C/qaasim salad uusan ka bixi jirin Viladiisa ku taalay Moqdisho.
  8. Max'ed Dheere Duqii aan Seexan Profile: Maxamed cumar xabeeb: hogaamiye kooxeed hore hadana ah Duqa caasimada Soomaaliya kuna caan baxay mowqifkiisa isbedbedla xaga dawalada. Goor hore oo subaxii ah ayuu ku toosaa telefoono uu ka helayo kaaliyayaashiisa si loo siiyo warbixinta xaalada amaanka ee magaalada magaalo uu ka noqday duq ama gudoomiye,geeriduna ay tahay cinwaanka jidadkeeda, Inkastoo ay ciidamada kumeelgaarka ahi iyagoo ay caawinayaan kuwa itoobiyanku ay xaalada hayaan sida muuqata, shaaha uu ku bismileeyo subaxii waxuu la kulmaa warar aan farxad lahayn balse aanan lahayn ilmo. Maalmo ka hor ayuu safxafayiinta hortooda ka cadeeyey in dawladu aysan ka horjedin indhoshareerka dumarka ,dhacdadii indhashareerku fiiro gaara ayay siisey,isagoo isu rogey mas’uulka amaanka magaalda ka dib markuu ahaa qabqable dagaal, Muqdishona waa wajigii wadanka iyo madaxii magaaooyinka waawayn. Xabeeb waa 57 jir, waxuuna ku shaqeeynayaa duruuf aan caadi ahayn, waxuuna si cad u sheegey mar uu la hadlayey warfidayeenada qaraxii (UN) Unka agtiisa ka dhacay waxuuna yiri”Mushaar ma jiro la siiyo ciidanka amaanka qalab casri ahna ma jiro waxba ma jiraan see baan marka u sugi karnaa amaanka “ kalmahaas ayuu ka dhawaajiyey balse uma muuqan mid quustay “Tani waa hawl qaran lanagana rabo inaan u istaagno”isagoo milicsanaya wajiyada kaaliyayaashiisa bal inuu arko wax madaxa u ruxa ama rumaysta hadalkiisa. Booskiisa ah gudoomiyaha Gobolka Banaadir subax walba hawsha waxuu ku bilaabaa tirakoobka maydka iyo qaraxyada kaasoo loo tiiriyo inta badan Maxkamadaha Islaamka oo diidan Itoobiyaanka iyo Maamulka C/laahi Yusuf. Indho shareerkii waxuu u ahaa fursad uuku muujiyo inuusan ahayn ninkii hore ee ay yaqaaneen ,waxuu balan qaaaday in cidii lagu helo xadgudub iyo xuquuqda qofka Soomaaliga ah meel uga dhaco inay sharciga la tiigsanayaan,lacag ayuu u balan qaaday cidii soo sheegat hub guri lagu qariyey. Subax waagiisu baryaba tuhun ayuu dhabarka uga tuuraa Maxkamadihii Islaamka kuwaasoo uu dagaal kula jiro lafa jebis ah ,kuwasoo isga soo horjeedaaan aragti ahaan. Ra’iisaul wasaare Geedi abaal ayuu u hayaa ninkan haduusan jirin maba fariisteen kursigan,ka gadaal markuu ka dalbaday Yusuf inuu kursiga u baneeyo Profisor Geedi Khabiirka Xanaanda Xoolaha ahna raga lagu tiriyo Itoobiya aadna ugu kalsoon yihiin. Waxay ahayd arin lal socday Geedi haduu marba noqdo xubin barlamaan waxaa ku xigtay waxay ahayd in uu C/laahi u taagi doono Ra’iisul wasaare Xabiibna waxaa loo balan qaaday boos u qalma dadaalkiiisa. “Siyaasada ayaa in badan la galgaladay” saas waxaa yiri mas’uul Soomaaliyeed isagoo ka hadlaya Xabiib ,”waxuu ahaa nin dhiirin oo dadaal badan aana oglolayn guul wax ka yar balse manta waxuu wajahaya arin adag. Maanta waxuu haystaa kalsoonida Yusuf iyo Geedi labadaba,Maxaa dhacay waaba ninkii u furay Jawhar oo 90KM u jirta Moqdisho kuna soo dhaweeyey meeshaa xili aysan haysan meel ay cagta dhigaan. Jawhar waxay ahayd Xaruntii kumeel gaarka ay degtay ka dib wadahadalo marathon ahaa oo ka dhacay Kenya 2004 . Waxaa la yaab leh in Jawhar aysan ku jirin xisaabta Xabiib kaasoo lacag fiican ka sameeyey ganacsiga, shirkad dhoofinta iyo dejinta ayuu lahaa ,Laakinn markaad tiraahdo ganacsi,waxkastaa soo galaya sida ganacsiga daroogada iyo hubka ,laakin nin u dhow Xabiib waxuu u sheegay Sh/aawsat,in uu ahaa ganacsigiisu Xoolaha iyo Dalaga soo baxa Khaliijka ayuuna aadi jirey si uu ula sameeyo heshiiyo ganacsi. Kooxo hubaysan oo waxdhaca ayaa ku dhaliyey duqaydii Jawahr inay u yeertaan Xabiib iyagoo ka faa’iidaysanaya khibradiisa malateri iyo dhaqaalihiisa inuu bal wax ka qabto magaalda ,balse ma hoojin dalabkooda waxuuba u arkay waxuu ku riyoonayay uu dhawaaday taasoo ahayd bal in uu maalin noqdo madaxwaynaha dalka. Xabiib Jawhar ayuu soo galay gabigeedna waa la waregey nidaam ayuu sameeyey waxuu joojiyey hubkii oo idil waxuu diidey hub lagu qaato magaalada waxuu hubkii ku koobay ciidankaiisa. Waxuu arkay in maamulkani u yahay imtixaan oo kale lagu fiirinayo awoodiisa siyaasaded iyo melateri waxuu xiriir fiican la sameeyey dhamaan hay’adhii ka shaqeynayey magaalada,taaso nolol fiican u horseedey magaaladaas. Waxuu ku celcelin jirey Xabiib in hawshoodu tahay mid qaran ,saas ayuuna ku oran jirey dad badan oo soo booqday. In ka yar labo sano jawhar waxay noqotay xero amaan ah oo ku taal wadan ay dadkiisii ka noogeen dagaal ahli ah iyo madaafiicda codkooda , waxaad cawayn kartay ilaa aroortii adoon ka baqin amni xumo, waxuu qaaday dhamaan Isbaarooyinkii ay mileeshiyaadku ku baadi jireen dadka kagana qaadi jireen canshuurta. Magaaladii ayuu sdi fiican u qabtay, waxuuna ku qaabilay dhamaan wafuudii u imaanaysay ,xili uu Madaxwaynihii hore ee C/qaasim salad uusan ka bixi jirin Viladiisa ku taalay Moqdisho. Isbedel wayn ayuu ka waxeeyey Magaalda xitaa uu yiri Dr,ka shaqaynayay Jawhar “mudo labo sano ah cind kama daawayn xabad ku dhacday”. Guushaas waxay soo jiidatay dad badan uu ka mid yahay C/laahi Yusuf iasgoo si toosa u sheegey inuu la yaaban yahay Xabiib hawshuu ka qabtay Jawhar kalana mid dhigay tii uu ka qabtay Puntland 1998 uuna ka dhigay meel degen amni ahaan iyo siyaasi ahaanba xukun hoosaadna leh ka gooni ah dawalada dhexe. Xili uu raadinayay Yusuf meel uu cagta dhigo geed hoostiisba ha noqotee si uu ku guto hawshiisa dastuuriga iyo xukunka ahba, wadan ay fawdadii ka badatay oo meel kastaba kumanaan hubaysani joogaan ,waxa dabiici ahayd doorashii jawhar, waliba xabiib oo marti galiyay aqoonsadayna dawlada. Mudo ka meermeerid Yusuf iyo Geedi yeeritaankaas, iyo culays badan oo ay u jeediyeen dawlado caraba iyo kuwa caalamkaaba inay ka guuraan Kenya ayay waxay noqotay Jawhar xarun ku meel gaar u ah dawlad ku meel gaar ah. Balse xaal waligii sidiisa ma ahaado ,ka dib markay badatay awoodii qabqablayaashii oo ay caawinaysay Maraykanku iyo Maxkamidihii o la wareegey gacan ku haynta Moqdisho Yusuf waxuu arkay inaysan Jawhar ahayn meel la isku halayn karo waxuu go’aansaday inuu u wareego Baydhabo oo u jirta 240Km caasimada. Xabeeb go’aankaas kuma qanacsanayn waxuu iskudeyey in uu Yusuf iyo Geedi qanciyo balse waxuu kala kulmay go’aan ah guuritaan markaas ayuu dagaal warbaahinta qaaday isaguu ku tuhmay inaysan u dhaqmin hab dawlo balse hab kaaba qabiil, meeshaas ayuuna ku jaray xarigii u dhaxeeyey isaga iyo Dawlada isagoo xitaa diiday rag dawlada inay magaalda soo galaan ,magaaladii marti gelisay in kabadan sanad. Xabeeb waxuu ku biirey “Ururkii la dagaalanka argagixisada “ iyadoo niman sirdoonka Maraykanka ahi ay ku qanciyeen arinkaas xoolo badana ka helay Maraykanka oo u soo maray Irida Itoobiya ,balse markaan arinku ma sahlana cadawka ka soo horjeedaa waa Shiikh xasan daahir Aways oo ururkiisa u sheegay inay duugaan waxii la oran jirey qabqable dagaal, habeen iyo barqo dhexdood ayay boosaskoodii ku waayeen ,Xabiibna naftiisii la badbaaday ,isagoo ka fakaday geeri ama xarig, waxay ahayd waqti ku adag ninka ,oo u wax kasta waayay, anan haysan cid iyo meel aan ahayn Kumeelgaarka ,kulan uu la qaatay Madaxwayne Yusuf waxuu ogolaaday inuu dawlada ku biro taagerana ,si taas u muujiyo niyadsamideedana waxuu wareejiyey hubkiisii iyo ciidankiisii. Xisaabtu markan way ka duwan tahay sidii hore Xabiib waxuu ku jiraa hogaanka dagaal lala galay Islaamiyiinta ayna hogaaminayso ciidanka Itoobiya iyo taagero aan la arakayn oo Maraykanku bixinayey goor hore ayay Islaamiyiintu jabeen ,maalmo gudahoodna wax kastay waayeen Xabiibna isagoo dabaabaad Itoobiyaan fuushan ayuu soo noqday isagoo sheegtay inuu soo ceshaday xukunkiisii. Balse kumelgaarka ayaa magacawday maamul cusub ,laakin xabiib markaan waxuu noqday nin siyaasi ah si aan raali ahayn ayuu ku yeelay bedelka isagoo fiiro u leh awooda cusub ee soo korotay. Ugu danbayntiina waxaa yimi xiligii la abaalmarin lahaa xabiib shantii bishan ayaa loo doortay Duqa mid ka mida magaalooyinka ugu khatarsan caalamka,maalintaas ayuu u sheegay Xabiib dadkiisa inay magaaladoodu u baahan tahay nabad ka dib sanado badan oo dhiig lagu daadinayey. Dhamaystirka (new look) isagoo u qasdaya isuna muujinaya nin ma’uul wadani ah ,ayuu xabiib waxuu ku wareejiyey wasarada arimaha gudaha 10baabuurta dagaalkaa ah ,si ay uga qayb qaataan kormeerka magaalda. Daal la’aan ayuu bilaabaa xabiib gelitaanka Imtixaankiisa adag ee maalin- laha ah sidii loo sugi lahaa amaanka Moqdisho ,isagoo og in uun haysto labo arimood: In uu dhaliyo wax aan dhacayn (amaan) amaba uu gees iskataago siyaasada iyo xukunkaba. 14 saac ayuu shaqeeyaa siduu noo sheegay mid ka mida kaaliyayashiisu ka bacdi markuu ka cududaartay waraysi ay ka qaadi lahayd Sh/aawsat isagoo sheegey inuu ku hawlan yahay arimo la xiriira amniga . Waxuu ka soo baxaa kulamo isbabajooga oo la yeesho Madaxwaynaha iyo R/wasaaraha iyo hogaamiyaasha ciidamada si uu ula kulmo hogaamiyaasha dhaqan iyo bulshada si uu ugu qanciyo hubka in laga joojiyo Caasimada wax yar buuna seexdaa. Waxuu leeyahay ninkaan ku soo barbaaray shabeelada dhexe waxaan awoodaa inaan sameeyo wax kastoo aan suurtoobayn hadii la helo dulqaad iyo go’aan. Hadaba ma ku guulaysan ninkan dheeri inuu soo gaabiyo cimriga argagixisada iyo degenaansho la’aanta ka jirta magaalao aanan seexan iyadoon dhabta ku haysan qarax halkan ama halkaasa ? Qaahira : Khaalid Maxamuud Wargayska Sharqul Awsat Tarjume//A.hussein Eid Waayaha.net.LOndon,UK
  9. Canada iyo Booqashada Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya (Sawiro) Posted to the MOL May 21, 2007, 10:23 am Waxaa taariikhdu Markay ahayd 11 May, 2007 ku yimid booqasho 10 Cisho ah Dalka Canada Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Afrax. Wasiirku wuxuu intuu joogay Canada qaabilay madax heer qaran ah sida: Secretary of Multiculturalism and Canadian Identity Hon. Jason Kenney, Senator Hon. Consiglio Di Nino the chair of senate standing of committee on foreign affair and international trade, Senator Hon. Mike Harb, US Ambassador His Excellence David H. Wilkins, Yemen Ambassador His Excellence Dr. Abdulla Nasher, Ethiopia Ambassador His Excellence Cetashew Hamussa, Director of Bilateral Commercial Relations of Foreign Affairs and International Trade Canada, Borys Wrzesnewskyj MP, Elizabeth Leiva of Foreign and Defence Policy Secretariat, Keith Fountain, Colin Lake of Somali desk at DFAIT. Wasiirku wuxuu madaxdaas layeeshay kulamo lagu falanqeeyay xaalada Soomaaliya ay maanta marayso iyo sidii Dowlada Canada ay uga qayb qaadan lahayd dib u dhiska dalka iyo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday arimo xasaasi u ah dhamaan bulsha waynta dunida sida , horumarka, amniga caalamiga ah, iyo calaaqaadka laba dal ee Canada iyo Soomaaliya. Waxaa Wasiirku intii ay socdeen kulamadaan uu la lahaa madaxda dalka Canada lagu wargeliyay in Dowlada Canada ay dhawaan ku dhawaaqi doonto talaabooyin wax ku ool ah kuwaas oo ay faa?iido Somaaliya, talaabadaan oo noqon doonta mid sii xoojisa calaaqaadka iyo saaxiibtinimada labad dal iyo umadoodba. Waxaa Wasiirka kulamaadaas dhaxalgalka ah ku weheliyay madax ay ka mid yihiin Faarax Maxamuud Aw-Cismaan oo ah madaxa Ururka Canadian Friends of Somalia, Mahamed Axmed iyo Hilowle Mahamed oo ka mid ah waxgaradka reer Toronto, iyo Mamaxuud Eebow iyo Zahro Hassan oo iyaguna ka mid ah Jaaliyadda reer Ottawa. Wuxuu wasiirku kulamo khaas ah la yeeshay safiirada dalalka safka hore kaga jira taageerista iyo dowlad ku soo dabaalista Soomaaliya, sida Maraykanka, Yeman iyo Itoobiya, wuxuu dowladahaasi uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay silica uga bixi lahayd dowlad waartana oo cagaheeda ku istaagtana u heli lahayd. Wuxuu safiirku intii uu joogay Magaalooyinka Ottawa iyo Toronto la yeeshay kulamo jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Canada, isagoo warbixin waafi ah ka siiyay xaalada dhaqaale, siyaasadeed, iyo nabadgelyo ee uu maanta dalka hooyo ku sugan yahay, isagoo ku dhiiri geliyay jaaliyadda dibadu inay khilaafka joojiyaan una guntadaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xal ku soo dabaalida , dib u dhiska, iyo dib u heshiisiinta dalka ka socota, isagoo ku dhiiri geliyay jaaliyadda reer Canada inay wixii talo ah kala bakhaylin maamulka dalka isagoo muujiyay inay dowladu diyaar u tahay soo dhawaynta cidkasta oo wada samaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dhamaan Kulamada Jaaliyada ee uu safiirku ka qaybgalay waxaa si wadajir ah u soo agaasimay madaxda bulshada, ururada, haweenka, dhalinyarada, fanaaniinta iyo indheer garadka reer Toronto iyo Ottawa. Waxaa soo dhawaynta Wasiirka iyo isku dubaridka booqashadiisa daadihinayay Madaxda Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Somalia ee ?Canadian Friends of Somalia iyo Xubno ka mid ah madaxda ururada iyo jaaliyadda reer Toronto iyo Reer Ottawa. Salaanta Islaamka Kadib, waxaan idinka codsanaynaa inaan maqaalkan ku saabsan safarka wasiirka ganacsiga ee Somalia Dr. Abdullahi Ahmed Afrah uu ku yimid Canada. iyo waxyaalihii uu kala kulmay safarkiisa, iyo madaxda uu la kulmay. Halkaan ka daawo sawiro kale:
  10. Madaxweyne C/llaahi oo maanta kulan la qaatay beelaha...... iyo ............ audio text
  11. Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG oo la kulmay beesha.........., walow uusan ka soo qeybgelin Maxamed Qanyare. 20. Maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxgarad iyo siyaasiyiinta beesha ......... Kulankan oo looga hadlayey sidii beesha ugu qeyb qaadan laheyd nabad ku soo dabaalida caasimada dalka ee Muqdisho iyo sida beesha ay kaalin muuqato ugu qaadan karto xasilinta gobolka Banaadir. Wasiirka beeraha ee dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/qaadir Nuur Caraale oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in natiijo wax wanaagsan uu ka soo baxay kulanka. Kulankan ayaan waxaan ka soo qeybgelin Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn beesha.........., lamana yaqaan sababta keentay inuu ka maqnaado kulanka ay beeshiisa la yeelatay Madaxweynaha. Kulamada uu Madaxweynaha la yeelanayo beelaha Soomaaliyeed ayaa ah kulamo maalmahan si isdaba joog ah ugu socda xarunta Villa Somalia, iyadoo beel walba oo Soomaaliyeed kala hadlayo sidii ay gacan ugu geysan laheyd nabad ku soo dabaalida magaalada Muqdisho iyo kaalinta looga baahan yahay beel walba. Cali Muxiyaddiin Cali
  12. Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Gud. G/Banaadir Muqdisho(Calanka.com) 20-May-2007 Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho kuna wajahan shacabka reer Muqdisho ayaa lagu sheegay cidii u hogaansami weysa lagu ganaaxi doono lacag fara badan. Wareegtadan oo qeyb ka ah bilicda caasimadda ayaa waxaa lagu sheegay in guri kasta cida dagan ey jarto geedaha ka hor baxay mudadii 16-sano ee dowlad la`aanta isagoo si qaas ah ugu tilmaamay wareegtadan gudoomiyaha geedka loo yaqaan geed Yuhuudka oo isagu ah geed sun ah loona baahan yahay in la cirib jaro. Waxaa sidoo kale ku xusan wareegtadan cid ala cidii gurigoodu dhagax ama ciid u hortaalo laga wareejiyo si eysan u xanibin wadada iyadoo si gaar ah farta loogu fiiqay dadka dagan guryaha saaran laamiyada oo qaarkood laga hor suray biro ama wax yaalo kale laguna bixiyaa sida ugu dhaqsiyaha badan. Wareegtadan maanta uusoo saaray mudane Maxamed Dheere ayaa kusoo beegantay xilli uu maanta shir jaraaid ku qabtay xaruntiisa taasoo uu ugu hadlay isku day dil oo sida uu sheegay lala damacsanaa isaga iyo masuuliyiin kale. Masuulkaan ayaa sheegay in ilaaladiisu ey dileen ruuxii geystay falka qaraxa ee lala beegsaday kolonyadooda kaasoo saarnaa geed korkiisa isagoo ku eedeeyay in ey ka danbeeyaan falkan kooxihii Maxkamadaha ey ka awooda roonaadeen. Gudoomiyaha ayaa yiri "Cadowgu waa gabogabo, dhameystirkiisa ayaana ku guda jirnaa hadeer, waxyar ayaana dhiman oo falal burcadnimo ka geysta suuqa Bakaaraha" wuxuuna intaa raaciyay masuulkan in ey dowladdu la wareegeyso gurigii maanta ey ka hor qaraxday bombka ee lala damacsanaa kolanyaduu la socday. Amaanka guud ee caasimadda ayaa ah mid aad u dagan una kala socdaan howlaha sidooda, waxaana marmarka qaar ka dhaca sida suuqa bakaaraha iyo nawaaxigiisa falal qaarijin ah oo ey geysanayaan kooxo soo xirta dharka ciidamada DF, kuwaasoo ey musuuliyiinka gobolka banaadir ey iminka ku howlan yihiin sidii ey wax uga qaban lahaayeen. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  13. ^^^Why would they not make a difference. 1. The roads which have been closed for 16 years are open now. 2. The gun market has been closed down. 3. The security of the capital has changed for the better .. The newsweek article is just rehashing some past history. The war has ended and Mogadishu is going the route of Jowhar, total peace.
  14. Howlihi Nadaafadda Mag. Muqdisho Oo Si Xowli Ah U Socda Muqdisho(Calanka.com) 20-May-2007 Howlihii nadaafadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ey u soconayaan si xowli ah, waxaana iminka ey ku fideen howlahan nadaafadeed guud ahaan caasimadda Muqdisho oo laga dareemayo. Bilicda iyo nadaafadda ayaa iminka u muuqata in ey kusoo laabatay caasimadda Muqdisho iyadoo ey sidoo kale iyana si habsami leh u socdaan howlihii burburinta sandaqadaha iyo bushashka magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale laga bilaabay qeybo ka tirsan xaafadaha Muqdisho diiwaan gali guryaha ah kuwaasoo lagu qorayo nambaro ukala qeybsan sadex nooc oo ka ah Guduud, Cagaar iyo Madow. Guryaha nambarada Guduudka lagu dhigayo ayaa iyagu ah kuwa ganacsiga sida dukaamada iwm halka kuwa cagaarka iyo madowga lagu dhigayo guryaha caadiga ah ee la daganyahay. Waxaa sidoo kale lagu amray cidkasta oo dagan magaalada Muqdisho in ey guryohooda ka hor qaadaan waxkasta oo wadada xiraya ama yareynaya sida dhagxaan guryaha hor taala ama qashin iwm. Jawiga caasimadda ayaa si aad ah uga badalmay kii lagu yaqaanay mudadii 16-kii sano, waxaana shacabka Muqdisho soo dhaweeyeen howsha nadaafadeed oo ey dowladdu siisay mudnaanta koowaad. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  15. Howlihi Nadaafadda Mag. Muqdisho Oo Si Xowli Ah U Socda Muqdisho(Calanka.com) 20-May-2007 Howlihii nadaafadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ey u soconayaan si xowli ah, waxaana iminka ey ku fideen howlahan nadaafadeed guud ahaan caasimadda Muqdisho oo laga dareemayo. Bilicda iyo nadaafadda ayaa iminka u muuqata in ey kusoo laabatay caasimadda Muqdisho iyadoo ey sidoo kale iyana si habsami leh u socdaan howlihii burburinta sandaqadaha iyo bushashka magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale laga bilaabay qeybo ka tirsan xaafadaha Muqdisho diiwaan gali guryaha ah kuwaasoo lagu qorayo nambaro ukala qeybsan sadex nooc oo ka ah Guduud, Cagaar iyo Madow. Guryaha nambarada Guduudka lagu dhigayo ayaa iyagu ah kuwa ganacsiga sida dukaamada iwm halka kuwa cagaarka iyo madowga lagu dhigayo guryaha caadiga ah ee la daganyahay. Waxaa sidoo kale lagu amray cidkasta oo dagan magaalada Muqdisho in ey guryohooda ka hor qaadaan waxkasta oo wadada xiraya ama yareynaya sida dhagxaan guryaha hor taala ama qashin iwm. Jawiga caasimadda ayaa si aad ah uga badalmay kii lagu yaqaanay mudadii 16-kii sano, waxaana shacabka Muqdisho soo dhaweeyeen howsha nadaafadeed oo ey dowladdu siisay mudnaanta koowaad. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  16. Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa xil iska saaray sidii loo baneyn lahaa waddooyinka sida sharci darada u xernaa iyadoo mudadii lix iyo tobankii sano ee la soo dhaafay qaarkood aan wax gaadiid ah marin. Bilicdii magaalada ay lahaan jirtay ayaa dib u soo noolaatay iyadoo waddooyinka guud ahaan la baneenay walow ay magaalada ka socoto howlo lagu nadiifinayo wadooyinka qashinka daadsanaa iyo carada roobka keenay, waxaana howshaas si iskaa wax u qabso ah ugu howlan haweenka gobolka Banaadir iyo gaadiidka waaweyn oo guddiga gaadiidleyda ay ku tabaruceen maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Max’ed Dheere ayaa inta badan maalintii socod aan kala go laheyn ku mara wadooyinka iyo suuqyada la burburiyay iyo xaafaddaha magaalada Muqdisho isagoo dadka ku amraya in la burburiyo dhismayaasha wadooyinka lagu dhex dhisay. Arinta ugu muhiimsan ee in la xuso mudan ayaa ah Boqolaal Haween Soomaaliyeed oo u istaagay dib u soo celin bilicdii magaalada Muqdisho iyagoo aan wax dhaqaale ah lagu siineyn, waxayna 12-ka saac ee maalinimo ku jiraan nadiifinta wadooyinka Muqdisho. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  17. After 16 years Mogadishu’s arteries and veins are being unblocked. This is a victory for the Somali people everywhere and will insha Allah lead to the capital regaining ist status. Mohamed Dheere his admin and the locals should be commended for the hard work they are doing. Muqdisho: Maamulka Gobolka Banaadir oo ku guuleystay inuu dib u furo Waddooyin 16-kii sano xernaa iyo burburinta dhul sharci daro u dhisnaa.
  18. French president's cabinet team French President Nicolas Sarkozy has unveiled his new cabinet, slashing the number of posts to 15, appointing women to half of them and bringing in people from across the political divide. Alain Juppe - Environment, Sustainable Development, Energy, Transport A close ally of former President Jacques Chirac, the 61-year-old was prime minister from 1995 to 1997. Forced to quit as head of the UMP party in 2004 after being convicted in a party funding scandal, the appointment as number two in Mr Sarkozy's cabinet represents a significant political comeback. Jean-Louis Borloo - Economy and Employment Nicknamed the "social conscience" of the previous conservative administration, former lawyer Mr Borloo transformed the northern town of Valenciennes when he was its mayor, overseeing its revival from a post-industrial slump. As labour minister he won praise for leading a drive to cut unemployment. But that will again be a priority for him, as the jobless rate of 8.3% is among the highest in Europe. Xavier Bertrand - Social Affairs and Work Mr Sarkozy's main spokesman during his campaign because of his closeness to the French people, Mr Bertrand is relatively new to the French political scene. He was first elected to parliament in 2002 and was appointed junior minister for health insurance in 2004, introducing a difficult reform of France's lavish health insurance system. Brice Hortefeux - Co-development, Immigration, Integration, National Identity One of Mr Sarkozy's closest allies for more than 30 years. The son of a banker, Mr Hortefeux, who has been given a newly-created ministry, is the only member of his friend's innermost circle to make it to the cabinet. Xavier Darcos - Education An academic armed with a doctorate in Latin and a second in literature and humanities, Mr Darcos moved from being an education civil servant to chief of staff for centrist Francois Bayrou in the mid-1990s. He held the role of schools minister in 2002 and was later shifted to overseas co-operation and development before being axed in a 2005 reshuffle. Bernard Kouchner - Foreign Affairs Mr Kouchner is an outspoken former socialist health minister and UN governor of Kosovo. Widely admired in France, he founded the medical aid agency Doctors Without Borders (MSF) and is convinced that countries have a moral duty to intervene in humanitarian crises. He supported the US-led war in Iraq and has vowed to put human rights at the top of France's foreign policy. Herve Morin - Defence A defector from Bayrou's team, he made the jump from civil servant to politician in 1989. In the outgoing national assembly, Mr Morin sat on the defence commission. He heads the France-Niger friendship committee. Eric Woerth - Budget, Public Accounts Mr Woerth has a professional background as a consultant and auditor. Analysts say the mayor of Chantilly will need these skills to manage the nation's public purse strings. Rachida Dati - Justice The daughter of illiterate Algerian and Moroccan parents, Ms Dati is one of 12 children. She studied law at university and then accounting, working for oil giant, Elf. She trained as a magistrate from 1997-1999 and joined Mr Sarkozy's interior ministry in 2002, playing a key role in improving relations with immigrant communities in the suburbs. Ms Dati acted as Mr Sarkozy's spokeswoman during his presidential campaign. She is the first person from an ethnic minority to hold a senior French cabinet post. Alliot-Marie - Interior The most experienced of Mr Sarkozy's female appointments, Ms Alliot-Marie has held the post of defence minister since 2002. She is seen as a safe pair of hands and discreetly efficient. The decision to remove immigration from the interior ministry portfolio means the job may be less high-profile. Christine Lagarde - Agriculture Ms Lagarde, named trade minister in June 2005, was involved in difficult world trade negotiations, seeking to maintain France's generous subsidies for farmers. She has, however, admitted that the EU's subsidy system is in need of reform. Christine Albanel - Culture Roselyne Bachelot - Health and Sport Christine Boutin - Social Cohesion Valerie Pecresse - Research, Higher Education
  19. Profile: Rachida Dati Ms Dati's career as a politician began with a letter to Mr Sarkozy Lawyer Rachida Dati, named as French justice minister by President Sarkozy, is the first person of North African origin to hold a top government post in Paris. She was born in 1965 to an Moroccan mason father and an Algerian mother, one of 12 children raised in humble circumstances. At the age of 16, she started working as a carer in a private clinic. The premature death of her mother forced her to look after her younger sisters and brothers. "My mother was the light of my life. When I lost her, I thought I had been punished," she says. My mother was the light of my life. When I lost her, I thought I had been punished French Justice Minister Rachida Dati Guide to new cabinet Working by day, learning by night, she gained degrees in both economics and law, and went on to work for various public and private companies - including a spell working as an accountant for French oil giant Elf. In 1997, Rachida Dati enrolled in the prestigious National College of Magistrates, where she studied for two years. The ties with Nicolas Sarkozy that would eventually take her to the cabinet began in 2002. She wrote to the then freshly-appointed interior minister, expressing her desire to advise him on immigration - Mr Sarkozy accepted. She went on to become a constant figure at his side, taking on the tough job of spokeswoman during his presidential campaign. As his adviser, she played an important role in dealing with the delicate issue of integration. After the 2005 riots in the French suburbs, when Nicolas Sarkozy called the rioters - some of whom were of North African origin - "scum", Rachida Dati worked behind the scenes to limit the damage, as her boss stood accused of racism. Now, Rachida Dati is the highest-ranking person of North African descent in France.
  20. Cali mahdi Maxamed: “1325 ergo ayaa ka qayb gali doonta shirka dib u heshiisiinta” Posted to the MOL May 19, 2007, 12:48 pm Cali Mahdi Max'ed oo ah Gudoomiyaha dib u heshiinta qaran awalna horey mar loogu doortay madaxweynaha Somaliya xiligii dagaalka sokooye ayaa shir jaraa’id uu oo qabtay ka dib markuu la kulmay Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga Patrizia Sentinelli ayaa sheegay in aan waxba laga badalin qoshihii shirkii dib u heshiisiinta oo lagu balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdishu bisha fooda inagu soo haysa. Gudoomiyaha dib u heshiinta qaran Cali Mahdi Max’ed ayaa maanta markii ugu horeysay shaaca ka qaaday tirade ergada ka qayb gali doonta shirka dib u heshiisiinta. Cali mahdi ayaa sheegay in maalmaha talaadada iyo arabaca ee innagu soo aadan guddi ka kooban 28 xubnood loo kala diri doono gobollada dalka si ay casuumaad u gaarsiiyaan ergooyinka ka imanay gobollada dalka Soomaaliya oo dhan. Gudoomiyahu wuxuu sheegay dhamaan beelaha Somalidu lagu casumay shirkaas oo aysan jirin cid ka maqnaan doonta. Cali Mahdi ayaa intaas ku daray in Somaliland ergo ka socota sidoo kale shirka lagu casumay wallow aysan xukuumada Somaliland aqoonsanyn shirka dib u heshiisiinta. Waxuu kaloo sheegay in ergooyinka ka qeybgalay shirka ay soo xulayaan oo kaliya madaxda dhaqanka, salaadiinta iyo dubabka. Waxa uu sheegay in shirka lagu casumay 1325 ergo, Tiradaas oo aad uga yar tii awal la filayay oo ahayd illaa 3000 oo ergo. Cali mahdi ayaa taas ku macneeyay dhaqaalo la’aan soo wajacdahay gudiga oo aysan casumaad u diri Karin ergo intaas ka badan. Haddii shirkaani qabsoomo aya waxaa la filayaa inuu wax weyn ka tiri doono isku soo dhaweynta beelo ay wax kala gaareen intii lagu jiray dagaaladii sokeeye. Waxaa la filayaa in shirkaasn sidoo kale ka soo qayb galaan goobjoogayaal ka socda beesha caalamka si loo hubsado dhexdhexaadnimada shirkaan. Mudugonline.com
  21. MUQDISHO: Cali Mahdi oo ka warbixiyay maanta halka shirka Qaran lagu qabanayo, ergada ka qaybgalaysa iyo Qabsoomidda shirka Posted to the Web May 19, 15:32 Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado in dhawaan lagu qabto Muqdisho Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay shirka goobta lagu qabanayo, tirada ergada ka soo qaybgalaysa iyo halka ay qabanqaabada shirka marayso. Mudane Mahdi oo shirkaan jaraa'id qabtay kaddib markii uu kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Partizio Santinelli oo Muqdisho soo gaartay ayaa sheegay in lagu qaban doono shirka xarunta gaadiidka Booliiska, wuxuuna sheegay in indho-indheyn badan oo ay sameeyeen kaddib ay halkaas u qorsheeyeen. Wuxuu sheegay Mudane Mahdi in shirka aysan kasoo qaybgeli karin 3-kun oo ergo sidii horay loo sheegay balse ay tashiyo badan oo ay sameeyeen kaddib uu go'aan ku gaaray guddigu in shirkaas ay ka soo qaybgalaan 1325-ergo oo ka socda beelaha Soomaaliyeed oo dhan. Cali Mahdi Maxamed ayaa wuxuu sheegay in maalinta Arbacada ah ee soo socota ay u dirayaan Gobollada dalka oo dhan xubno ka tirsan guddiga si ay ergooyinka ka imaanaya gobolladaas ugu geeyaan warqadihii casuumaadda shirka oo uu sheegay inay diyaariyeen. Wuxuu sheegay Mudane Mahdi in shirkaas uu qabsoomayo ayna u ogol yihiin inuu ka soo qaybgalo cid walba oo aysan u fiirinayn qofka shirkaas loo soo wakiisho inuu ka qaybgalo halkii uu ka tirsaan jiray haddii uu ahaa xisbi iyo haddii uu ahaa koox mucaarad ah. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  22. Somalithinker I am talking about the regime in Hargaysa and not people like brother JB. The likes of Faisal Warrabe and Co, hate the notion of a united Somalia which the TFG represents in principle. They also hate the idea that Somaliland delegates will or even should participate in the upcoming reconciliation conference.