
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Bandow lagu soo rogey Heliwaa 16 May 16, 2007 - 9:02:13 AM Degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir ayaa maanta bandoow aan la sheegin mudada uu socon doono waxaa kusoo rogay maamulka gobalka Banaadir. Bandowgani lagu soo rogay degmada Heliwaa ayaa lagu micneyay kadib markii mamulku uu arkay xaalada nabadgalyo xumi ee ka jirta Heliwaa iyo dilkii loogaystay gudoomiyihii degmadaasi, oo kooxo hubaysani ay ku dileen agagaaraha gurigiisa iyo sidoo kale marka uu xaqiiyey maamulku weerarkii lagu qaaday saldhigii degmada. Guddoomiyaha gobalka Banadir Max'ed Cumar Xabeb "Max'ed Dheere" oo bandoowgan maanta kusoo rogay degmada Heliwaa ayaa sheegay in wax badan laga qaban doono xaalada degmadaasi oo u ku sheegay inay tahay tan ugu ammaan daran marka loo eego degmooyinka kale ee gobalka. Max'ed Dheere waxa uu sidoo kale sheegay inaan loo dulqaadan doonin kooxaha uu ku tilmaamay argagaxisada oo uu sheegay inay fowdo iyo qalalaaso ka abuuri rabaan magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha waxuu sheegay in bandoowga uu bilaaban doono 6 Marqibnimo xiliga Somalia isagoo ku goodiyay in cidii la arkaa xiligaasi kadib iyadoo socota in talaabo adag oo aan horey loo arag lagu qaadi doono. "Inta aan ahay Guddoomiyaha gobalka Banaadir lagama yaabo inay gobalka joogaan kooxo kasoo horjeeda nabada waana la dagaalamayaa, waxaana ku dadalaayaa sidaan gobalka ugu ciribtiri lahaa kooxahaasi" ayuu yiri Max'ed Dheere. Guddoomiyaha gobalka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb "Max'ed Dheere" ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha Muqdisho ku dhaqan in qof walba uu nadiifiyo iridkiisa isla markaan reerkii lagu arkaa qashin hor yaala la ganaaxi doono. Isku soo duuboo, bandoowgaan lagu soo rogay degmada Heliwaa ayaa yimid kadib markii maalmihii ugu dambeeyay degmadaasi ay ka dhaceen falal ammaan daro ah. Cabdi Fatax Axmad,GO
-
Bandow saaran xaafada Huriwaa ee Muqdisho. Last Updated::2007-05-16 19:04:45 Muqdisho:-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa wareegto uu soosaaray waxa uu amar ku siiyey ciidanka inay bandowsaaraan xaafad Huriwaa oo ayaantaanba uu amaankedo faraha ka siibaxayey. Bandowgan ayaa waxa uu ka bilaabandoonaa 6:00 maqribnimo illaa 6:00 subaxnimo sida lagu sheegey wareegtada Gudoomiyaha. Waxay wareegtadani timid ka dib markii shalay qarax xoogbadani kadhacay xaafadaasi iyadoo maalmo ka horna lagu dilay gudoomiyihii xaafadaasi. Waxa uu gudoomiyuhu wareegtadan ku sheegey inuu gaar u yahay bandowgu xaafadaasi oo qura cid kasta oo isku dayda inay jabiso amarkaasna tallaabo ciidanku ka qaadi doonaan. Wareegtadan ayaa ah tihii ugu horreysay ee Maxamed Dheere uu soosaaro amraysana bandowgan oo kale tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay. Maxamed Maxamuud Welcome Fanaan@gmail.com Horseednet.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi iyo Madaxweynaha Ugandha oo Wadajir Uga hadlay Arrimaha Soomaaliya Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 16/05/07 madaxweynaha Somaliya Cabdullahi Yusuf wuxuu uga mahad naqay madaxweynaha Dalka Uganda Ciidamada Ugandha oo hawl lagamamaarmaan ah ka qabanaya dalka Soomaaliya ,Madaxweynaha dalka Soomaaliya wuxuu dalka Ugandha uga tacsiyeeyey Ciidamada reer Uganda oo iyagoo xilkooda gudanaya lagu dilay dalka Soomaaliya : Wuxuuna yiri: "Waxaan aad uga xumaaday markii askari reer Uganda ah uu geeriyooday isaga oo xaafiiskayga ka daafacaya niman asalraac ah ,mana illoobayno waxa aay noo qabteen Ciidamada dalka Uganda" Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf wuxuu ku Martiqaaday Dhigiisa Museveni in uu Booqasho Rasmi ah ku yimaado jamhuuriyadda Soomaaliya. Uganda waxaay Fulisay ballanqaadkeedii kaddib markii 9-kii March 2007 aay noqotay dawladdii ugu horreysay oo Afrikaan ah oo Ciidan usoo dirta dalka Soomaaliya . madaxweyne Cabdullahi oo arintaan ka hadlaya wuxuu yiri:"Daw ma aha in Uganda ku kaliyeeysato hawsha nabad-ilaalinta Ciidamada Afrika "AMISOM.” wuxuuna intaas raaciyey in la jabshay asalraacii dawladduna ka shaqaynayso imminka in uu tabbogalo Shirka dibuheshiisiinta oo lagu wado in uu dhaco bartamaha bisha soo socota ee June iyadoo doorasho laga samayndoono dalka Soomaaliya bisha Oktoobar ee 2009. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Beeniyey in dawladdiisu xayirayso kaalmooyinka lasiinayo dadka soo barakacay . Dhanka kale Madaxweyne Museveni oo isna ka hadlayey shirkii jaraaid oo labada madaxweyne Wadajirka u samayneeyeen wuxuu sheegay in uu kala shaqaynayo Madaxweyne Sanadeedka Qaaradda Afrika oo ah madaxweynaha Ghana Mudane Kufuor sidii loo soo dhammaystiri lahaa Ciidamada Afrika oo loo qondeeyey in aay dalka Soomaaliya Yimaadaan. Madaxweyne Museveni isagoo hadalkiisii sii ambaqaadaya wuxuu yiri:"Waxaan ku tallabsanaynaa in aanu kaalmo u fidino walaalahayaga Soomaaliyeed sidii aay dalkooda burburay iyo ciidamadooda iyo hanaanka maamul u dhisan lahaayeen".Madaxweyne Museveni wuxuu sheegay in ciidamadiisu dalka soomaaliya u tageen in aay nabad sameeyaan mana aha kuwo ilaalinaya nabadda sababtoo ah ma jirto nabad la ilaaliyo. Madaxweyne Museveni wuxuu ka Codsaday Madaxweyne Cabdullahi in uu dhammaan qaybaha Bulshada oo dhan oo aay ku Jiraan Maxkamadaha Islaamka in aay kamid noqdaan dawladda Soomaaliya. Museveni wuxuu yiri:"Iskahorimaadkii Hubaysnaa waa dhammaaday waxaana la soo gaaray xilligii la isugu imaan lahaa madal dibuheshiisiin si loo dhammeeyo dhibaatada dalka Soomaaliya ." Museveni wuxuu ku booriyey Madaxweyne Cabdullahi in uu u oggolaado Qabaailka Soomaaliyeed in iyagu soo xushaan xubnaha wakiilka ka noqonaya oo shirweynaha qaran uga qaybgalaya si aan Qabiilna looga tagin. Madaxweyne Museveni wuxuu sheegay in uu u magacaabay Professor Sam Turyamuhika iyo Ngoma Ngime in aay xagga Siyaasadda arrimaha Soomaaliya kala Taliyaan iyagoo isku xiraya arrimaha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan iyo Dawladad Uganda. Madaxweynaha Dalka Soomaaliya wuxuu Qasriga Madaxweynaha dalak Uganda kula Kulmay Marwo Khadiijo oo ah aafadii uu ka Geeriyooday Jeneraal Caydiid iyo saddexdeedii ilmood .
-
Cano-Geel. Nothing clever or new about your stance, you seem to be living in an ideal world a utopia of your own making. Somalia today has a transitional governemtn elected governemnt, those who agree with supporting the system might survive those who come against it will not fare well. As for trials and holding people accountable, thats for a future time when the system is strong and the courts are functioning. Now its the time to secure the land. In south africa we had a truth and reconciliation conference, it worked. In Argentina former militiary men were tried after the peaceful takeover of the people. I am for justice, but it must be universal, either we all forgive or we try everyone. Saxib this house[somali TFG] is not built on cards. You will find that out soon.
-
Four Ugandan peacekeepers killed in Somalia blast
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
They were soldiers and died doing their job. Nothing big about this. -
Somaliland oo ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Qaran
General Duke replied to ANWAR's topic in Politics
^^^Funny that Riyaale makes more money than the PM of Britian and the President of the US. Who is he serving but his belly? -
Hiiraale is quite ammusing, the man missed the opportunity to be a national player and instead wanted the fraud taxes and the money he used to get from Kismayu wnt happen.
-
Somaliland oo ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Qaran
General Duke replied to ANWAR's topic in Politics
^^^Buuba is a good man and they are coming as they have done in the pastt there are over 40 MPs's from Somaliland in this parliment we expect a great number to come to Mogadishu for this hot ticket. -
^^^ Seriously, do you not see that there is a no better incentiviced job in somalia than tyranny and mass murder, or, that such actions only water the thirst of the next generation of would be's? Stop trying to be to clever dear lad. Somalia is not a unique place in the world. Every nation has and goes through these dark periods in their history and many have come out stronger, better with more hopeful societies.
-
^^^That last contribution of yours highlightsthe fact that you know nothing much about Mogadishu. Mohamed Dheere made Jowhar an example in southern Somalia and no doubt he will work his magic on Mogadishu because he has the man power and resources supporting him. You also forget that President Yusuf has great experience from Puntland state which was a very peacfeul region the size of Somaliland. Anyhow if Mohamed Dheere is a warlord then Riyaale is not the Presient of Somaliland but an NSS comander hell bent on humuliating your clan. Today Somalia is very peaceful and there are no troubles in Mogadishu, this will continue insha Allah, though I expect your continued awful comments
-
There is no occupation of Mogadishu saxib. In fact the gpovernemnt has predominently more players from Mogadishu than any area. From the PM, Interior Minister, to the mayor, the national police chief as well as the security chiefs. All are from Mogadisu. Thus the Ethiopains supported the TFG in dealing with foreigners like the Oromo, Eritrean and other confused folks who made Mogadishu their base. Thus for a Secessionsits the new love for Mogadishu is just laughable since it was the city those groups used to highlight to foreigners "we are peaceful unlike that dirty hamar".Saxib Mogadishu and Somalia is back and your former claims have gone with the wind. entrance to LA, Capital of SOOL. Oh boy today LA tommorrow Borama[/i
-
^^^Saxib you are right what the people want will prevail, for example the people of SSC which Somaliland claims do not wnat to secede hence the defeats of the Riyaale admin and army when they try to get a foot hold in those regions. I doubt the people of Awdal also want to secede saxib and those in the clan traingle of Berbera-Burco-Hargaysa areas we do not know since they never had an alternative. The Ethiopia of today is an ally today to the legitimate governemnt of Somalia. Thats why the fact that they are trying to bring their friends in Hargaysa to the table for negotiations is a mark of the change towards Somalia that has taken place in Adis.
-
US says, The leadership of the TFG needs to change...Jendayi Fraser
General Duke replied to roobleh's topic in Politics
^ The leadership will change, however the Federal charter and structure will not. This is more important than the men. As for the US their structure will need to change as well and will before 2009 thus change is required from every admin and not just Yusuf. The old man has 2 and 1/2 years left, apart from the event of death he is going no where till then. -
^^^Ethiopia is an ally saxib, it has done a great favour to the TFG and has destroyed the threat coming from Asmara. So if Ethiopia helps in brining in Somaliland or the Burco-Berbera-Hargaysa traingle back its a other posative step. Soem used to sugegst Ethiopia wanted to divide up Somalia, I think this is another reality check.
-
Dowladda Federaalka oo sheegtay inay shirka dib u heshiisiinta u dhisayso meel lagu qabto, ayna dhawaan... MAY 15. 2007 Radiofreesomalia.com Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya Muqdisho halkii lagu qaban lahaa la dhisayo, waxaana ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan Qandaraaska dhismaha goobtaas. Wasiirka dib u hesiisiinta iyo Jaaliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Enginer-rada Soomaaliyeed ay u soo bandhigi doonaan qorshaha dhismaha goobtaas, waxaana uu sheegay in dhawaan la soo bandhigayo arrintaas. Maareeye ayaa wuxuu sheegay in Dowladdu ay dhameystirtay howlaha shirka dib u heshiisiinta laguna wado in laga dhiso Muqdisho, balse wasiirku ma sheegin goobta la dhisayo halka ay noqon doonto. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay horay u sheegtay in goobo badan oo lagu qaban karo shirka ay ku yaallaan Muqdisho, ayna ka mid yihiin Tiyaatarkii hore, Garoonka Kubadda Cagta, Xarunta Xisbiga iyo qaybo kale oo ku yaalla, Muqdisho, waxaase la garan karin sababta keentay in dowladdu ay ku baaqdo in shirkaas loo dhiso goob cusub. Wasiirku wuxuu sheegay in howlaha shirka ay yihiin kuwo u gaar ah Madaxda Shirka loo magacaabay inay hoggaamiyeen ee uu hoggaaminayo Cali Mahdi Maxamed, iyadoo mar uu ka hadlay shirka dib u heshiisiinta Mudane Cali Mahdi Maxamed uu sheegay in shirka uu qabsoomayo ayna howlihiisa wadaan. Mudane Mahdi wuxuu sheegay dhankiisa in shirkaas ay ka qaybgeli doonaan odayaasha dhaqanka beelaha iyo cid walba oo kale oo nabadda Soomaaliya jecel, waxaana uu carrabka ku dhuftay in shirkaas uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid dhaqameed. Talaado, May 15, 2007
-
C/fitaax Ibraahim cumar sebriye ( Shaaweeye) oo ah Wiil uu dhalay shaaweeye ayaa maanta loo caleemo saaray jagadii uu abbihii ka dhintay ee Gobolka Banaadir Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/05/07 Jagada guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinacyada Ammaanka iyo Siyaadda ayaa maanta loo caleemo-saaray Maanta C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo uu aabbahiis ka geeriyooday. Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa maanta lagu qabtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxaana xafladdaas goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere. Sidoo kale xafladdaan oo ka dhacday xaruntii Orietension-ka Degmadaas ayaa waxaa ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta gobolka dadweyne fara badan oo ka tirsan kuwa gobolka iyo sidoo kale kuwo kale oo ka yimid degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo soo dhaweyntana ay ka qaybgaleen Fardo la xardhay. Mas'uuliyiinta ka hadlay halkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Dheere, Caasho Shaacuur, C/fitaax Ibraahim Shaaweeye, Guddoomiyaha degmada Dayniile iyo xubno kale, waxaana Maxamed Dheere uu sheegay in jagadaan C/fitaax loo caleemo saaray maanta ay tahay tii uu ka dhintay Aabbihii, waxaana Maxamed Dheere uu dadka ka codsaday inay taageeraan C/fitaax. C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ah nin dhallinyaro ah oo qiyaastii 25-jir ah oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu go'aan ku gaaray inuu shacabka Soomaaliyeed weli u sii shaqeeyo oo uu isku dayo inuu buuxiyo kaalinta aabbihii uu banneeyay ee maamulka Gobolka Banaadir. Xubnihii kale ee halkaas ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay si weyn u garab istaagayaan Maamulka Maxamed Dheere iyo weliba C/fitaax Shaaweeye, waxayna sheegeen inay ka codsanayaan maamulka inay ka shaqeeyaan nabadda Muqdisho iyaguna ay garab taagan yihiin maalin walba. Somaliweyn Media Center (SMC)
-
Mogadishu: Basketball tournament to mark 15 May..PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^At a basketball game? Also I am no longer a General since the war ended. No titles saxib just Duke. -
Heavy clean up for chosen hall for N-R-Conference: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shabakadda wararka carmooyin.com oo heshay xog ku saabsan goobta uu ka dhacayo kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya bisha inasoo aadan Warar ay shabakadda wararka carmooyin.com ka heshay qaar ka mida xog heynada kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya laguna wado in bartamaha bisha dambe lagu qabto Muqdisho ayaa sheegaya in goobta la doonayo in shirku uu ka dhoco ay tahay Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis. Warar ay shabakadda wararka carmooyin.com ka heshay qaar ka mida xog heynada kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya laguna wado in bartamaha bisha dambe lagu qabto Muqdisho ayaa sheegaya in goobta la doonayo in shirku uu ka dhoco ay tahay Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis. Masuulkan oo ka gaabaabsaday in magiciisa la shaaciyo ayaa shabakaddan u sheegay in masuuliyiintu ay isku raaceeen in kulan weynaha lagu qabto gaadiidka Booliska oo ah halka ugu macquulsan ee qaadi karta tirada ka qeyb galayaasha loo baahanyahay iyo marti sharafta beesha caalamka ee kulanka furitaankiisa iyo gabagabadiisaba imaandoonta. Waxaa wararku ay intaa ku darayaan in Gaadiidka Booliska lagu door biday in uu leeyahay Hoolal waaweyn oo aan u bahnayn dayac tir dheeraada,islamarkaaana qaadi kara tirada macquulka ah ee kulanka ka qeyb gali doonta. Warkan ku saabsan in kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran uu ka dhici doono gaadiidka Booliska ayaa kusoo beeegmaya maalmo yar kaddib markii guddoomiyaha kulan weynahaasi Mudane Cali Mahdi uu shaaca ka qaaaday in la dhimi doono tiradii markii hore loo qorsheeyay in ay kulanka ka qeyb gasho oo ahayd 3000 oo ergo Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:info@carmooyin.com