General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Siyaasiyiin iyo wax garad reer Somaliland ah oo xukuumadda federalka ka dalbaday in ay kasooq eybgalaan kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran (Dowladda Soomaaliya oo arrinkaa oggolaatay) Xukuumadda federalka dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay ka dhawaajisay in kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee bisha dambe dhici doona ay kasoo qeyb geli doonaan siyaasiyiin ka socda gobalalda waqooyi galbeed Soomaaliya ee la baxay Somaliland Xukuumadda federalka dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay ka dhawaajisay in kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee bisha dambe dhici doona ay kasoo qeyb geli doonaan siyaasiyiin ka socda gobalalda waqooyi galbeed Soomaaliya ee la baxay Somaliland Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaaa sheegay in mamulayaasha Somaliland ay xiriir la sameeyeen dowladda federalka Soomaaliya,islamarkaana ay dalbadeen in ay kulan weynahaa kasoo qeyb galaan,si ay kaalin ugu yeeshaan talaabada lagu soo dhameynayo hanaankii dib uheshiisiinta Soomaaliya ee Kenya kasoo bilwoday. Waxaa wasiirku uu intaa ku daray in dowaldda federalka dalka Soomaaliya ay kulankaa ku casuuntay in badan oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland iyo wax garad intabada. “Hogaamiye dhaqameedyo iyo siyasiyiin reer Somaliland ah intuba way lasoo xiriireen madaxda dowladda waxaana ay dalbadeen in ay kulankaa kasoo qeyb galaan oo kaalintooda beel ahaaneed ay qaataan,waaana laga oggolaaday"ayuu yiri Maxamed cabdi xayir Maareye. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho
  2. ^^^Yup its all an advert for how peaceful Mogadishu is becoming.
  3. Olole lagu nadiifinayo xarunta shirka dib u heshiisiinta oo ka socota Muqdisho Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/05/07 Waxaa olole nadaafadeed ka bilowday xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ka socoto nadaafad isla markaana qashinka ay ka qaadayaan gaadiid, waxaana qabanqaabada ololahan oo ay wado dowladda Hoose la sheegay inuu soconayo muddo afar maalmood ah. Ku xigeenka duqa arrimaha bulshada ee duqa magaalada Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo xubno kale oo ka socday D/hoose ayaa iyagu wada howsha nadaafadeed ee ka socota gaadiidka Booliska. Dhinaca kale waxaa markii ay bilaabatay howsha lagu nadiifinayo xarunta gaadiidka Booliska ku soo xoomay dadweyne fara badan oo iyagu iskood isku xilqaamay si ay uga qeyb qaataan ololaha nadaafadeed, waxaana markii ugu horeysay la arkayay in halkaasi ay tageen madax ka tirsan Dowladda Federaalka. Sidoo kale diyaar garowga loogu jiro qabashada shirka dib u heshiisiinta ayay sheegeen warar ku dhow dhow Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed in waqtiga loo qabtay uu dhici doono. Somaliweyn Media Center (SMC)
  4. Somalia: Location of June meeting revealed Tue. May 15, 2007 08:00 pm.- By Mohamed Abdi Farah. - Send this news article (SomaliNet) The chairman of the Somali reconciliation conference Ali Mahdi Mohamed revealed on Tuesday the location where the June meeting will be held. Mr. Mahdi said the former compound of police transport maintenance in Mogadishu will host the national reconciliation meeting which is due to take place in mid June. “There are now preparations in the compound which is enough to accommodate the delegations,” added Mahdi. He said his reconciliation committee will send delegations to all regions in Somalia to invite the traditional leaders into the conference. Mr. Mahdi noted that international delegates will observe the meeting but he declined to clarify whether representatives from Puntland and Somaliland would participate in June conference. He said the meeting will be inclusive and aimed to end the clan conflict in Somalia. Ali Mahdi, former president in Somalia, said the Islamic leaders can attend the meeting if they are representing their clans. He indicated that the reconciliation committee will guarantee the safety of all attendees.
  5. Somaliland oo ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Qaran Mogadishu 15, May.07 ( Sh.M.Network) Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegay in ergo ka tirsan maamulka Somaliland ay la soo xiriireen dowladda KMG ah si ay uga qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta Qaran oo dhowaan lagu wado in uu ka dhaco caasimadda Somalia. Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha, Max'ed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka oo wareysi siiyay idaacadda shabelle, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaabka shirka dib u heshiisiinta qaran uu ku bilaabanayo iyo ergooyinka lagu casuumay, waxaana uu sheegay in xiriiro ay la soo sameeyeen isimada iyo boqorro ka soo jeeda W/galbeed isla markaana ay ka codsadeen in ay ka soo qeybgalayaan shirka. Maareeye waxa uu sheegay in dowladda KMG ah aan lagu fara galin doonin shirweynaha dib u heshiisiinta, isla markaana ujeedka uu yahay in ay isku yimaadaan qabaa'ilada Somalia. Waxa uu sheegay in guddiga dib u heshiisiinta qaran ay u madax banaan yihiin shirka dib u heshiisiinta isla markaana aan lagu fara galin doonin. Maareeye waxa uu sheegay in ergada ka soo qeybgaleysa kulanka ay soo xuli doonaan qabaa'ilada isla markaana kulanka uu ahaan doono mid lagu dhameeyo khilaafaadka soo kala dhex galay qabaa'ilka 16 kii sano ee la soo dhaafay. Shirka dib u heshiisiinta qaran ee kal hore uu iclaamiyay Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo bartamaha bisha June ee soo socota. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  6. Fraser oo muujisay cawrada Shekh Shariif.... W/Q: A. Dirir Posted to the MOL May 14, 2007, 4:24 pm Waxaan aad ula yaabay wareyysiga ay siisay naagta la yiraahdo Fraser VOA ayna ku qarxisay sida daciifnimada aheyd ee loo keenay Sheekh Shariif magaalda Nayroobi.Taasna sida ay sheegtay waxay ku timid goortuu la soo xiriiray gaaladii ay lahaayeen ha lala jihaado , uuna si gaar uga codsaday in laga soo gaaro argagixisada kuwa uu ku tilmaamay ay markii hore saaxibka ahaayeen , markaas oo ay wada joogeen Daahir aweys, Ceeroow, Turki xadka Keenya , laguna wareegsanaa. Waxaana , yaabka yaabkiisa ah , qof aan wada araganay isagoo qori wata , kuna dhaartay in uu dagaalamayo ilaa uu ka dhinto , dartiisna qaxooti badan ay u dhinteen, in tiisa markii la gaaray uu cagaha wax ka dayey, mar labaadna qiyaameeyey saxiibadiisii la cadilnaa ee duurka wada joogeen. Maanta marka isagoo calool weyne cid ka dageeysaneeysa lama arko waxyaabaha ka socda Somaaliya, nin isagiiba sidaas u dhqmay, gaal kalena maciinsaday. Ee somaalidu ha garato danteeda, wax aan micno laheryna yaan nafta, maalka iyo wakhtigaha looga luminin...' A. Dirir
  7. Xiriirka K/Koleyga Oo Qabtay Tartan Ciyaareed Lagu Maamuusayay Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed 15 May Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/05/07 Waxaa garoonka 1-da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho ka dhacday tartan ciyaareed lagu xusaayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May , waxa lagu soo badhigay garoonka ayaa waxaa ka mid ahaa oo wacdaro ay soo bandhigay ardayda dugsiga Jaabir oo sida Ubaxa u tababaran , dhinaca kale ciyaar saaxiibtinimo oo lagu maamuusaayay K/Koleyga ayaa waxay dhexmartay wiilasha K/Koleyga Heegan vs Jaabir Bin Xayaan waxayna soo bandhigeen labadan kooxood ciyaar aad u sareysay oo ay ku dheehnayd ciyaar wanaag Jaabir ayaa 59-57waxay si dirqi ah ku dhaaftay wiilashii ku ciyaarayay magaca Heegan . Maadaama ciyaartan lagu xusaayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi ka hadlay G/X/1-aad ee G.O.S Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) ahna Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga ,G/X/Arrimaha Bulshada G/Banaadir Maxamed Cusmaan (Dhagax tuur) Guddoomiyaha G.O.S C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Mowliid Macaani Maxamed , waxayna dhamaantood tilmaameen in loo baahan yahay in la weyneeyo maalinta qiimaha badan ee dhallinyarada waxayna kula dardaarmeen dhallinyarada inay ku dadaalaan horumarinta dhinaca isboortiga . Iyadoo koobkii loogu talagalay Munaasabadan uu bixiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen: Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyadoo koobkaasina la guddoonsiiyaya Captan-ka kooxda Jaabir Cusmaan dheere . Daawashada Ciyaartan waxaa ka soo xaadiray mas`uuliyiin ka tirsan dowladda ,maamulka gobolka Banaadir , G.O.S iyo madax ka tirsan xiriirada hoos yimaada ee isboortiga iyo dadweyne aad u tiro badan oo aad u xiiseeya ciyaaraha wiilasha K/Koleyga. Somaliweyn Media Center (SMC)
  8. ^^^Considering these people are from the regions n question. Some are even related to Riyaale who is no more effective nor important than the leader of Puntland which has been as peaceful as Somaliland and has developed quite well like Somaliland throug the civil war period. Yet these North Westerners will never admit to this simple fact.
  9. Somaliland oo codsi u dirtey DFKMG ah 15 May 15, 2007 - 3:15:25 AM Ergo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland ayaa la soo xiriiray wasaaradda dib u heshiisiinta dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyadoo ergadaasi codsatay in laga qeybgeliyo shirka dib u heshiisiinta Qaran. Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Jaaliyaddaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa saxaafada u sheegey in ergadaan ay codsi u soo gudbiyeen. Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha ayaa sheegay in shirka nabadeed ee dib u heshiisiinta uu u madax bannaan yahay guddiga dib u heshiisiinta Qaran ee Cali Mahdi Madaxda ka yahay, wuxuuna tilmaamay in qabaa'ilada Soomaaliyeed la isugu keenayo shirkaan. Shirka ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho 14-ka bisha Juun ee soo socota. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
  10. Somaliland admin have been in contact with the TFG from the day Mogadishu fell. The TFG controls 15 out of the 18 regions of the republic, Somaliland can not even step into half the area they claim. Thus the advantage lies with the TFG. As for stress if the report of Duale being in Adis for a month is true. Then they are not getting what they want. Anyhow a gradual approach should be taken, with an undertsanding that the 2009 elections should be participated by those in Somalilan as well.
  11. Somaliland's Foreign Minister, Abdillahi Mohamed Duale, is currently in Addis Ababa. He left Hargeysa about a month ago to an undisclosed destination. The Somaliland government has placed a news blackout on Mr. Duale's whereabouts. This is interesting, Duale has been away for a Montha, doing what? As for reunification, nothing of the sort, the Somaliland entity will come under Mogadishu, they will get a good position and so on, but no more than any other region. The game is about to end. Viva Somalia.
  12. A great development, and even pro secessionist sites are covering it. http://www.somaliland.org/ns.asp?ID=07051509
  13. ^^Pardon saxib, but the Sharif Ahmed is a mere stooge who by all accounts was recued by the US. He says that Yemen and Kenya helped him. Does he want us to belive they are less supportive of the the US than Ethiopia? Come on he is talking rubish as usual. Oh was the topic opened elsewehere, so why did you respond to this thread?
  14. Robleh, listen to the interview saxib, the TFG leadership needs to change can mean many things. Also the TFG wontd stand was in the context of security, she went on to refer to the fact that the armed forces needs a great deal of help, which is a fact. Again the interview was good for the TFG hence the complaints from Sharif Ahmed and no one else.
  15. Yusuf oo u dhoofey Uganda 14 May 14, 2007 - 9:30:13 AM Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u duulay magaalada Kampala ee dalka Ugandha. Madaxweynaha oo casuumaad ka helay Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyo sidii loo soo dhameystiri lahaa qeybaha kale ee harsan. Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ciidamada AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho howlo hubka ay ku aruurinayaan, waxayna maanta qarxiyeen hub fara badan oo xaafaddaha Muqdisho ay ka soo aruuriyeen. Cali Muxayadiin Cali,GO
  16. She even states we work well with President Yusuf, that all those invited must attend the meeting to be held in Mogadishu. She is also clear on Sharif Ahmed who she says is no longer considered as a moderate and she is scathing on Sharif Xasan and the Asmara group, who the US suspects are in cahoots with extremist grousp hell bent on creating trouble for the Somali people. All in all this was a very posative interview for the TFG, of course it needs to change so does any adminstration. We [TFG] supporters get from this, is a commitment for the US adminstation to flagship projects of the TFG. 1. The national reconciliation conference as well as 2. the upcoming national elections for 2009 insha Allah. The secessionists get nothing, not a mention of Somaliland. The antigovernment groups led by Sharif Ahmed & Sharif Xasan get nothing more than to be put on the terror list and furthered isolated in their hole in Asmara
  17. WASHINGTON: Mss. Jandayi Frazer: "Sheekh Shariif waxaan moodday qunyar socod, haddase waxaan ku darnay liiska..." Posted to the Web May 14, 08:59 Washington (PP) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Arrimaha Afrika Mss. Jandayi Frazer ayaa sheegtay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ku dareen liiska kooxaha mayalka adag ee ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ee dhawaan laga itaalka roonaaday. Mss. Fraser oo wareysi dheer siiyay Idaacadda VOA-da qaybteeda Afka Soomaaliga ayaa waxay carrabka ku adkeysay in Mareykanka uu markii hore u haystay in Sheekh Shariif iyo rag kale oo fara ku tiris ahaa oo ka tirsanaa Maxkamadaha inay yihiin kuwo qunyar socod ah ay u soo baxday in aanu Sheekh Shariif ahayn qunyar socod. "Xilligaan ma jirto wax aan ku kala soocno Maxkamadaha inkastoo ay jiri karaan weli kooxo qunyar socod ah oo ka tirsan, waxaanse xusi karaa in ragga mayalka adag ee ku jira maxkamadaha weli ay ka mid yihiin Aadan Cayroow iyo Ciise Cismaan Ciise, balse hadda waa isku mid sida aan qabo dhammaantood" ayay tiri Jandayi Frazer. Mss. Jandayi Frazer ayaa la weydiiyay su'aal ahayd in Sheekh Shariif ay ku dareen liiska kooxaha argagaxisada ah ayaa waxay ku jawaabtay: "Haa... waan ku darnay, waayo xagaagii dhaweyd ayaa waxaa la kulmay Safiirkeenna ku sugan Nairobi, waxaana uu u muuqday mid aan niyad-jabin Maxkamadaha" Mss. Frazer ayaa waxay intaas ku sii dartay: "Sheekh Shariif wuxuu noo sheegay isagoo ku sugan Howdka fog ee Koonfurta Soomaaliya mar aan la xiriirnay inay ku hareeraysan yihiin kooxo xag-jirro ah oo uu doonayo in la caawiso si uu uga baxsado... waan caawinnay, waana ka soo saarnay, waxaan geynay Nariobi, wuxuuna naga codsaday taleefoon uu ehelkiisa kula xiriiro, waan siinnay, balse wuxuu billaabay inuu la xiriiro Al-Jazeera oo uu halkaas hanjabaadyo ka billaabo, isagoo ku baaqay Jihaad". Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Arrimaha Afrika Mss. Jandayi Frazer waxay carrabka ku adkeysay inay la socdaan in Maxkamadihii Madaxdooda ay ku sugan yihiin Eritrea ayna maleegayaan qorshayaal ay ku doonayaan inay dagaallo kale uga abuuraan gudaha Soomaaliya, balse waxaa noo qorsheysan inaan ka hortagno. Mar ay ka hadashay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay sheegtay Frazer in Dowladda lagu dhisay qaab 4.5 ah, ayna muhim tahay in laga gudbo heerkaas loona gudbo heerka doorashada, iyadoo sheegtay in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Muqdisho ka dhacaya uu arrintaas daah-fur u noqon doono, balse ay iyagu la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  18. “ Kulanka ayaa lagu soo gabageeyey in dowlada la taageero wixii dhibaato ah ee beesha dhextaalana la dhameeyo mas.uuiyiintaa halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa Iimaam Maxamed Axmed Yalaxow (Maxamed dheere). gudoomiye ku-xigeenka golaha guurtida iyo dhaqanka iyo dib u heshisiinta wuxuuna ku gaabsaday hadii ay jiraan wax cabasho ah ama dhaliil laga qabo xaga dowlada in ay odoyaasha dhaqanku uga danbeeyaan xildhibaanda beesha iyo wasiiradda oo uu sheegay in ay yihiin kuwo ay ku kalsoon yihiin bulshada karanle C/qadir Nuur Caraale oo ah wasiirka beeraha ee dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo guntii iyo gabagabadii halkaa kala hadlay xubnaha beesha ee shira ka soo qeyb galay wuxuuna si faahfaahsan uga warbixiyey kulankaa wuxuuna sheegay in shirkani uu ku soo aaday xili lagu gudo jiro dagaal ahli ah oo dhibato badane geystey uu ka dhacay magaalada muqdisho wuxuuna intaa sii raciyey in shirkani yahay fursadii ugu horeysay ee ay isla helaan xubnaha ugu muhiimsan ee beesha sida xubnaha dhaqanka ,siyaasiyiita ,in ay wada kulmaan isla markaana ay ka wada hadlaan arimaha danta u ah beesha karanle iyo sidii ay beeshu ula jaanqaadi laheyd dowlada fadaraalka KMG somaliyeed , C/qadir nuur caraale wasiirka beeraha ee dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed.