Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta Cod ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta Qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011. + DHAGEYSI Halkan ka Dhageyso Fadhigii Golaha ee Maanta Hargeysa(Waaheen) Xildhibanada Golaha wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta Cod yar ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011. Fadhigaasi maanta ay yeesheen Xildhibanadu ayaa waxa shirgudoominayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad Md. C/casiis Maxamed Samaale, waxa ka soo xaadiray 67 mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha wakiiladu. Fadhigan ayaa ahaa mid aad u xaasaasi ah iyada oo amaanka guud ee golahana aad loo adkeeyay, waxana iyaguna ka soo xadiray fadhigaasi marti sharaf aad u badan iyo Masuuliyiin ka kala socoday Shirkadaha Somcable iyo Dalkom. Xildhibanada Golaha Wakiilada ayaa cod gacantaaga ah ku Meel mariyey Xeerka Isgaadhsinta Qaranka waxan u codeyay 34 mudan, waxaana diiday 29 mudane, halka ay ka aamuseen 3 mudane, gudoomiyuhuna Mu codeynin, sidaasina uu ku ansaxay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka. Waxanu yidhi Samaale“xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Somaliland Xeer Nomber 50, 2011. waxa uu ka kooban yahay 81qodob, waxa uu xeerkani ka soo gudbay Xukumada, waxana la galiyey Isbedelkii ay guddida dhaqaluhu ay soo sameeyen, waxa madasha ku sugan 67 mudane, 34mudane ayaa xeerkasi u codeyay, 29 mudane ayaa xeerkasi ka soo horjeedsaday, 3mudane ayaa ka aamusay Gudomiyuhuna muu codeyaynin Xeerkasina sidaas ayuu ku ansaxay”.Ayuu yidhi Samaal.
  2. no the news is : granade attack hits southern laascanood Just like it did hargeysa 2 days ago
  3. Hablaha Jaaliyada Deegaanada SSC ee ku sugan Cardiff Oo Deeq lacageed Sogadhsiyay Cusbitalka magaalada laascaanood+ Video) Posted to the web on Apr 09 Deeq lacageed ay maanta soo gaadhsiyeen haweenka udhayshay Gobolada SSC ee ku nool cariga Ingirska Gaar ahaan magaalada Cardiff Cusbitaalka magaalada laascaanood oo ay ku soo hagaajiyeen,wakiilka Xawalaada amal Siciid (LG) ayaa kuwareejiyay agaasimaha cusbitaalka magaalada laascanood Ismaaciil Muuse ciise (ilka case) Wareejintii lacagta oo goob joog ahaayeen masuuiyiin kale oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Ruush iyo Cabdiwali oo ah madaxa shaqaalaha isbitaalka laascaanood ayaa waxaa ka hadalay Agaasimaha Cusbitaala Ismaaciil muuse (ilka case) oo mahad balaadhan u soojeediyay hablaha Deeqdan soo gaarsiyay cusbitaalka magaalada laascanood,lacagtan oio dhamayd kun labaatan iyo shan dolar ,Sidookale waxa uu ugu baaqay Qurbajoogta kusugan Daafa dunida ee udhashay gobolda ssc inay ka qaybqataan u gargaarka bukaan jiifka isbitaaka laascaanood oo aan cidina waxba u qaban.
  4. War Deg Deg ah Qarax Bamgacmeed ah oo lala Beegsaday Saldhiga Wadnaha Magaalada laascaanood on Apr 09 Qarax bam gacmeed ah ayaa Waxaa Caawa lala beegsaday Saldhiga Boliska ee ku yaala Koonfurta magaalada laascaanooda,iyadoo Kooxdii gaystay Werarkan ay baxsadeen Khasaaraha qaraxa bam gacmeedkan ayaa ilo xog ogaal ah ay sheegayaan dhaawaca Taliyihii Saldhigaasi askari ka tirsanaa ciidanka saldhiga iyo wiil dhalinyaro ah oo ku xidhnaa kuwasaoo lagu dabiibayo cusbitaalka Guud ee magaalada laascanood Qaraxan, ayaa ahaa mid xoog badan oo laga dareemay magaalada lamana garanayo cida ka dambaysa Qaraxa sidookalena aan cidloqaban
  5. Saldhiga Koonfureed ee Laascaanood oo goor dhaweyd qarax lala beegsaday iyo dhaawac soo gaadhay sadex qof Laascanood(Waaheen) Koox aan ilaa hada la aqoonsan ayaa goor dhaweyd qarax la beegsatay saldhig Booliis oo ku yaala koonfurta magaaladda Laascaanood, waxaana ku dhaawacmay taliyihii saldhigaasi, askari iyo Maxbuus ku xidhnaa saldhigaas. Wariyaha waaheen ee magaaladda Laascaanood ayaa sheegay qaraxaasi inuu ahaa mid weyn oo gilgilay magaaladda, waxaanu intaa ku daray inaan ilaa hada la ogayn khasaare kale oo intaa ka badan sida uu sheegayna waxa xaaladiisu adag tahay Taliyaha Saldhigaasi oo la yidhaahdo Cali Axmed Shire, waxaana uu ku jiraa koomo iyadoo isla imikaba si deg-deg ah loogu qaado doono dhinaca Hargeysa.
  6. Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Laascaanood . Saturday, 09 April 2011 Laascaanood(Togdhnews)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegayaa in caawo fiidkii qarax bambaano uu ka dhacay saldhiga Boolis oo ku yaala dhinaca koonfureed ee magaaladaasi,halkaasoo ay ku dhaawacmeen Taliyihii saldhigaasi Cali Axmed Muuse,waxa kale oo iyaguna dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid askartii saldhigaasi iyo maxbuus ku xidhnaa . Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdullaahi Jaamac Diiriye ,ayaa xaqiijiyay in falkani qaraxa ahi ka dhacay saldhigaasi,islamrkaana aan lahayn cidii gaystay balse la raadinayo kuwii ka dambayay qaraxaasi. TogdheerNews..Laascaanood.
  7. Waxa magaaladda Hargeysa badhkeed galabta ka da’ay roob kooban oo meelaha qaarkood biyo dhigayHargeysa (Waaheen) waxa magaaladda Hargeysa galabta ka da’ay roob kooban oo magaaladda badhkeed biyo dhigay, kaasoo yididiilo galiyay dadweynaha oo kulayl badani haystay maalmahan. Roobkan oo da’ay salaadii Casar kadib ayaa biyo dhigay xaafadaha Jig-jiga yar iyo Xero Awr, halka xaafada shacabkana uu shuux yari helay. Waa gobolkii sadexaad ee uu ka da’o roob yar oo koobani waxaana la filayaa inuu cirku si rasmi ah u curto maalmaha soo socda
  8. Boqorka Beesha Subeer Awal oo Hambalyo iyo Mahadnaq U Diray Madaxwaynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele. Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee... Uk/Britain (Gabiley News): - Boqorka beesha Subeer Awal ee Somaliland Boqor Muxumed Geele Seed ayaa isagoo ku sugan dalka Ingiriiska Gabiley News soo gaadhsiiyay hambalyo uu u dirayo madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Djibouti, isagoo ugu hambalyaynaya guusha uu ka soo hoyay doorashadii madaxtooyada dalkaasi ee jimcihii ina dhaafay ka dhacday. Baqor Geele waxaa kale oo uu madaxwaynaha jamhuuriyada Djibouti uga mahad naqay kaalmadii badnayd ee uu soo gaadhsiiyay Jaamacada Gabiley ee Timacadde, waxaanu illaahay uga baryay inuu ku asturo xilkaasi culus ee uu u qaaday shacabwaynaha dalka Djibouti. Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee Gabiley News kulasoo xidhiidhay khadka Telefoonka isagoo hawlo shaqo ugu baxay dalka ingiriiska mudana halkaasi joogi doona, sidoo kalena soo mari doona wadamo kale oo Europe ah. Boqorka Geele ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee hambalyeeya madaxwaynaha jabuuti ka dib guushii uu kasoo hooyay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii ina dhaafay.
  9. Xukuumada Somaliland Oo Hambalyo U Qadintay Madaxweynaha Djibouti Iyada Oo Aanay Guddida Doorashooyinka Dalkaas Ku Dhawaaqin Natiijada. Hargeysa (Ramaas) Apr.9, 2011- Xukuumada Somaliland ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo la saadaalinayo in uu ku guulaystay doorashadii maalintii shalay ka dhacday dalkaas, iyada oo aanay guddida doorashooyinka Djibouti weli ku dhawaaqim natiijada doorshada. Afhayeen Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay xukuumadu ku soo bandhigaysay waxqabadkeeda saddex bilood ah, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan guusha Madaxweyne Geelle la sheegay in uu ka soo hooyay doorashadii maalintii ka qabsoontay wadanka Djibouti, isla markaana ay hambalyo u dirayaan Madaxweynaha oo markii saddexaad qabanaya hogaanka dalkaas. Hadalka afhayeenka ayaa imanaya wakhti aan la shaacin natiijada doorashada oo aanay ilaa weli soo saarin guddida doorashadu, lamina garankara sababta ay xukuumada Somaliland u soo qadintay hambalyadan. Mar wax laga waydiiyay sababta keentay in xukuumada Somaliland ay ka hadasho danaha dal shisheeye ah oo ka soo horjeeda jiritaanka dalkeeda, waxa uu ku jawaabay” Wax waa laga sheegi karaa dalka kale oo waanu soo dhawaynaynaa guusha Madaxweynaha” Madaxweyne Geelle ayaa isaga qudhiisa fiirinaya wax ka soo bixi doona natiijada, laakiin waxa ay arrintan u muuqanaysaa ismuujin siyaasadeed oo maamulka talada Somaliland hayaa uu ku doonayo in uu dalka Djibouti tuso sida uu diyaarka ugu yahay meelmarinta masaaliixda hogaamiyaha dalkaas oo saamayn ballaadhan ku leh jaangoynta siyaasadaha Somaliland. Waxa dhawaaqani uu meel ka dhac ku noqonayaa haybada qaranimada Somaliland,iyada oo Madaxweyne dalkaas uu ballanqaaday in aanay Djibouti marnaba Somaliland u aqoonsan doonin wadan madaxbanaan oo deris ah, waxaana uu si cad u diiday in xafiis diblumaasiyadeed uu ku yeesho Somaliland, iyada oo taas cagsigeedana uu Mr Geelle hawgal baxaad leh ugu galay sidii loo soo celin lahaa midnidamadii dhulweynihii Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay. Ramaasnews Desk Hargeisa
  10. Aun to Maxammad yasin Ciise May allah grant him jannah
  11. Jacpher;710355 wrote: Daahir Riyaale didn't make it to the tolka Mujahid list. No Former president rayaale was not part of the Halgan But His Cousin Mujahid Abduraxmaan aw cali Second vp of Somaliland was.
  12. Jacaylbaro;710343 wrote: Ha la hubsado .. waaheen run badan ma sheego
  13. Jacaylbaro;710346 wrote: That is also political ?? ,,,,,,, actually wa diiniyan ileen roobka ilahay baynu ka barinay
  14. Hadhwanaagnews) Saturday, April 09, 2011 Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo waxaa muddo sadex cashoba ah ka da´ayay gobolka sanaag roobab kawaasoo markii ugu horaysay ka da´ay degaanada cal haleena ee degaanka ceerigaabo sidoo kale maraan shalay la xidhiidhay miyaga dhinaca xeebta oo u dhow degmada xiis ayaa waxaa la ii sheegay in roobab ay ka curteen buurta lashiidhe oo qiyasti 20 yee KM u jirta magalada xiis waxaana uu maanta roobku ka da´ayaa meelo ay ka mid yihiin siraadley iyo gudhmaan iyadoo ay ii xaqiijiyeen dad reer miyi ah oo gobahaa ka ag dhowaa
  15. Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Meelo Ka Mid ah Somaliland. iyada oo Maanta galinkii danbe uu roob aan badnayn oo lagu qabawsaday ka da’ay meelo ka mid ah Gobolka.............. Hargaysa(GNS):- Roobka Gu’ga ayaa ka curtay meelo badan oo ka mid ah Gobolada dalkan Somaliland,iyada oo Maanta galinkii danbe uu roob aan badnayn oo lagu qabawsaday ka da’ay meelo ka mid ah Gobolka maroodi-jeex,gaar ahaan caasimada Hargaysa,kaasi oo markii danbe uga sii gudbay dhinaca galbeedka. Cirka ayaa maalmahan danbe si aad ah ay uga muuqdaan daruuraha roobka lagu yaqaano,iyada oo ay Maalmihii la soo dhaafay roobab ka da’een Deegaano ka tirsan Gobolada Gabiley iyo Awdal, waxaana la sheegay in Gobolka Gabiley uu khamiistii todobaadkii hore ka da’ay roob biyo dhigay deegaanada Kala-baydh, Wajaale,Alaybaday, iyo Gabiley, Roobabka ka da’ay jiidahaas ayaa la sheegay in ay si weyn ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanadaasi. Sidoo kale wararka laga helayo magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Maalintii shalay magaaladdaasi Borama uu helay Roob shuux ah oo qaboojiyay dadka magaaladaasi,waxa a kale oo roob weyn oo biyo dhigay ka da’ay tuuladda Magaalo cad oo qiyaastii 30 km dhinaca Koonfureed kaga began Magaalada Boorama. Dadwaynaha ku dhaqan deegaanadaasi ay roobabku ka curteen ayaa si weyn ugu farxay roobabka ka da’ay deegaanadaasi, kuwaasi oo ay saamaysay Abaaro iyo Biyo la’aan baahsan oo dalka soo food saartay kadib markii roobabkii gu’gu ay dib uga dhaceen wakhtigoodii. Curashada roobabkan ka da’ay meelo ka mid ah dalka ayaa ididiilo wayn ku abuuraysa dadka ku nool meelaha miyiga ah,kuwaasi oo ay bilihii u danbeeyay soo food saartay xaalad adag oo biyo la,aan iyo abaar is biirsday ah,waxaana ay roobabkani curteen iyada oo uu dib u dhacay xiligii la filayay gu’ga. Guud ahaanba Geyiga ay somalidu degto waxaa sanadkan ka jirta abaar baahsan oo si wayn u wada saamaysay dadka reer miyiga ah gaar ahaana kuwa xoolo dhaqatada ah,iyada oo ay meelaha qaar kood ka jirto biyo iyo caws la’aan haysata xoolaha nool taasi oo sababatay in ay xoolo tiro badan u dhintaan,halka ay meelaha qaar koodna ak jirto biyo la’aan.
  16. Roobkii Guga ayaa ka Curtay Magaalada Borama Iyo Nawaaxigeeda08/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa goor Dhawayd Magaalada Borama iyo Nawaaxigeeda ka curtay Roobabkii in dhawaalaba la sugayay ee* Guga, roobkan ayaa si habsami ah oo Qabow uga Da'aya Magaalada isaga oo ay dadku ku Qabawsadeen.Roobkan ayaa ah mid Si degan u da'aya taas oo aan lahayn dabaylo, iyo onkod toona waxaana ay dadku isku hanbalyeynayaan Curashada Waqtigan Guga.Si kastaba ha ahaatee Roobkan ayaa imanaya xili ay Maalmihii u danbeeyay Dadwaynaha reer Borama ay illaahay Baryayeen in uu roob u keeno, kaas oo ay kaga baxaan Abaarta iyo Haraadka Ba'an ee soo fool saaray dadka intooda Badan.
  17. Ganacsatada Gobolka Saaxil Oo Qado-sharaf U Sammeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE | | Berbera, April, 09, 2011-(Berberanews)- Qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Saaxil, ayaa munaasibad qado-sharafeed u sammeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ku sugan magaalo-xeebeedda Berbera oo uu u joogay dano shakhsiyadeed. Qado-sharafeedka loo sammeeyey Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu qabtay Hudheelka Xeebsoor waxa ka soo qaybgalay Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeyaha Dekedda Axmed Y. Dirir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Xasan Cawil, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Gadhweyne iyo ganacsato tiro badan. Munaasibadan oo ka fogayd arrimo siyaasadeed waxa laysku weydaarsaday weedho kaftan iyo duurxul u badnaa oo dhexmaray Guddoomiyiyaha iyo qaar ka mid ah ganacsatada uu martida u ahaa oo ku saabsanaa dhacdooyin taariikhiya oo hore u dhacay iyo isdhexgalka xidhiidhka bulshada iyo xadaaradaha deegaannada Somaliland ku kala horeeyaan. Guddoomiye Muuse, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Ganacsatada Berbera ee casuummadda u sammasay iyo maamulka gobolka oo uu xusay inay waxqabad la taaban karo muujiyeen mudadii xukuumadda xisbiga KULMIYE talada haysay. Goor dhow ayaanu idiin soo gudbn doonaa sawiradda warkan
  18. Salaan carabay was one of the best Somali poets of the 20th century I like His Gabay Gooshaash Iyo gabaygu marku Gabadha reer Buhoodle doonanayo eeh lugu odhanyo Waxad no keenta faraska abtiyasha ay leeyihin markasu cuqaasha reer abtigi gabay ka tirinaya goobta faraski bay so siiyeen halki ba inanti lugu siiyey. besides Salaan carabay was one of the few Golle Ka fuul Poets him salax malaydiray and raage ugaas were top 3 Gole ka fuul poets.
  19. Ciidanka Qaranka Oo Degmada Widh-widh Ka Saaray Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Puntland April 9th, 2011 Ciidanka Qaranka Oo Degmada Widh-widh Ka Saaray Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Puntland Iyo Xildhibaano Kale Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida deegaanka Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaa maanta ka saaray degmada Widh-widh Wasiir Ku Xigeenka maamul goboleedka Puntland C/Raxmaan Diiriye Carab iyo Laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Garoowe, kuwaasi oo deegaankaasi ka waday maalmihii la soo dhaafay abaabul lagu carqaladaynayo dedaalo nabadeed oo ka socda deegaankaasi. Kooxdan ka socotay maamulka Puntland oo ka soo jeeda deegaankaasi ayaa Ciidanka qaranku saaka ka saareen degmada Widh-widh ka dib markii Gurigii ay deganaayeen loogu tagay waxaanay u kicitimeen magaalada Buuhoodled, siday maanta shabakada wararka ee Somaliland.Org u sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka magaalada Widh-widh. “Wasiir Ku Xigeenkan iyo Xildhibaanadan maamulka Garoowe, waxay yimaadeen Magaalada afar cisho ka hor, waxaanay u socdeen inay carqaladeeyaan shirar waxgaradka iyo cuqaasha deegaankaasi ay yeesheen oo lagaga hadlayay in waxgaradka Deegaanka Widh-widh ay ka qeyb qaataan gogosha nabadeed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo u fidiyay reer Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari, markaa odayaashuna waxay nimankan u caddeeyeen mowqifkooda,”ayuu yidhi Oday Jaamac Gaydh oo ka mid ah waxgaradka deegaankaasi ee taageersan in laga qeyb qaato wada hadalada nabadeed iyo turxaan bixinta.. Dadweynaha deegaanka Widh-widh ayaa taageeray Xoghayihii Warfaafinta iyo Birmadka ee kooxda SSC Kayse Cabdi Yuusuf iyo saddameeye ka mid ah waxgaradka deegaankiisa oo dhawaan socdaal nabadeed ku yimd caasimada Hargeysa isla markaana kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada waxaanay isla qaateen in deegaanka Widhwidh ay ka qeyb galaan wadahadalada nabada isla markaana kor loo qaado adeegyada bulshada ee degmadaasi.
  20. Berbera:- Muuse Biixi Oo Kulan Qarsoodi ah Hotel Maan-Soor Kula yeeshay Cuqaasha IYO ODayaasha Deegaanka Berbera.‏ Kulankan ayaa waxa uu qaatay mudo laba saacadooda waxaana ka qeyb qaatay Cuqaal iyo Odayaal Tiradoodu aheyd ilaa(25)shan iyo .... Berbera(GNS): Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii ay doorashada ku guuleystay xisbigiisu bishii juun 2010 ayaa markii uhoreysay booqasho ku yimi magaalada berbera ee xarunta G/saaxil waxaanu ku sugnaa berbera labadii casho ee udanbeysay iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada berbera iyada oo aan si saxa loo ogeyn sababaha dhabta ah ee uu xiligan ku yimi magaalada berbera balse waxa laysla dhex maraayay ama ay dadka qaar dareenkooda ku muujinayeen usii golgol xaadhka shir wanaha xisbiga kulmiye ee dhawr jeer baaqday balse dhawaanta la mudeeyay waxa se cadaatay in uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi in uu xog ka helo degaanka berbera iyo arimaha warshadaha shamiitada ee is dhinac socda halka ay ka taagan yihiin bulshada reer berbera. waxaanay taas xaqiiqadeedu soo ifbaxaday caawa markii uu kulan laba saacadood socday uu la kula qaatay Caaqilada iyo odayaasha berbera Hotel maansor halkaas oo uu casho sharaf ugu sameeyay Haddaba sida ay saxaafada usheegeen ilo xogogaala kulankaa ka qeygalay oo ka gaabsaday in ay magacooda sheegan ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen kulankaasi iyo waxyaabaha lagaga wada hadlay iyaga oo ugu horeyn xubnahaasi sheegay in uu horeyn madashaa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixii Cabdi isaga oo sheegay in uu safarkiisani aha mid shaqsi ah balse aan jecleystay i aan la kulmo odayaasha magaalada marhadii aan magaaladii soo gaadhay si aan isu barano ayuu yidhi Muuse biixi gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye maadaama oo aad thiin odayaashii magaalada anagu aanu nahay xisbigii cusbaa ee talada dalka qabtay xidhiidhkeenuna uu cusub yahay waxa kale oo uu intaa kudaray gudoomiyuhu in ay doonayaan xukumad ahaan in ay odayaasha deegaanka berberi si wanaagsan ula shaqeeyaan xukumada xisbiga kulmiye wixii hore ee tageyna layska ilaawo loona tafa xaytu sidii xukumada loola shaqeyn lahaa waxaanu odayaashaa uu la kulmay Gudoomiyuhu ka codsaday wada shaqeyn buuxda in ay xukumada la yeeshaan sida ay xubnahaa shirka ka qeyb galay saxaafada uxaqiijiyeen iyaga oo ka cudurdaaratay in magacooda la shaaciyo. Dhinaca kale odayaasha iyo Caaqilada kulankaa ka qeyb galay oo iyaguna madashaa kulanka hadalo ka jeediyay ayaa waxay iyaguna dhinacooda aad ugu mahad naqeen booqashadaa uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu ku yimi Gobolka saaxil gaar ahaan magaalada berbera balse waxay odayaasha iyo Caaqiladu Gudoomiyaha iyana xagooda ka codsadeen in uu fariin ka gaadhsiiyo Madaxweynaha fariintaas oo ah amaba ku saabsan warshadaha sibidhka ee is dhinac socda ee muranka badanina ayaamahan danbe ka taagnaa waxaanay odayaasshaasi iyo Caaqiladaasi iska daba mareen oo ay madaxweynaha ufareen Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye in uu madaxweynuhu tixgalin siiyo cida ruqsada hore uhaysatay sameynta warashada sibidhka soosaarta waxaanay intaa ku dareen odayaashu in aanay sakaaro laba tun oo laka qalo laheyn ee cida hore ee ruqsada haysatay lagu daba feylo amaba saami laga dalbado si loogu biiro qoladaa ruqsada hore haysatay waxaa odayaasha qaar kamidi si adag uga hadleen in ay xaq uleeyihiin in lagala tashado arimaha sibidhka berbera dadka deegaanka ilaahay ku beeray Waxaana caawa madashaa kulanka dhacay ka muuqatay in ay odayaasha iyo caaqilada madashaa isugu ay meel uga soo wada jeedeen ruqsada labaad ee la soo siiyay labada shirkadood ee dahabshiil iyo telsoom si ay warshada sibidh berbera uga sameystaan waxaanay odayaashaas iyo Caaqiladaasi mar labaad ka codsadeen Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi in uu Badheedhahooda Gaadhsiiyo Madaxtooyada Somaliland una badhiga madaxweynaha fariintaa. Kulankan ayaa waxa uu qaatay mudo laba saacadooda waxaana ka qeyb qaatay Cuqaal iyo Odayaal Tiradoodu aheyd ilaa(25)shan iyo labaatan waxaana wehelinaayay ooo kulankaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirrir.