-
Content Count
30,068 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland Interior ministry to train Anti Terror - Troops
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Taleexi;710916 wrote: War maanta khaldaamiintii rajo bay muujiyeen. Gaboose is not khaldaan he is from mudug your more khaldaan then him -
Somaliland Interior ministry to train Anti Terror - Troops
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Well done Mr gaboose -
Somaliland grenade attack hits southern laascaanood
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Taleexi;710642 wrote: That is what I am talking about. Talking about what Taleexi xaafada madareemin ma idinka so weeraray? -
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Part two keyse abdi yusuf in his home town -
oba hiloowlow;710626 wrote: ^^ ciidanka waa ogeyd awal hore markii qabiil qabiil dhufeysyada loogu jiray waxaa la maqli jiray heer hebel iyo heer hebel ayaa isku heysto degmadaas ee banaadir ama isku rasaaseeyay, marka ciidan qabiil horumar lagu gaaraaya aayasan jirin dhibaatooyin iyo neceyb mooye.. Marka Shariifka madaxweyne soomaaliyed waa, ciidankii jubbooyinka lagu talogalay oo xamar la keena wax dhib uma arko ileen halbowlahii waaye xamar.. Oba hiloowlow bal tada an ku raaco Ciidanka xooga TFG aad ka sheekeneyso may xoreyaan Jubooyinka ileen Jubooyinka ba so umadax maha marka gandi hada isago keeney fikirka inu ciidamo lugu so tabbo baray kenya lugu xoreyo goobooyinka gedo iyo lababa jubba wax xun maha isla wax baad rabtin laakin kalo wado baad rabtiin inad u martan.
-
Very nice pics i see hormar dere.
-
^^ Madaxweyne kasta walo abtirin 4.5 bu ku yimi Somalinimo kuma iman
-
Prof. Gandhi fallout with president Sheik Sharif over the deployment of the troops, Sharif wanted the troops to be deployed to Mogadishu to help him repel Alshabab, but Gandhi refused that, insisting that the troops were recruited from Juba and Gedo Provinces and there is no way they should go to elsewhere very interesting
-
It rains in many parts of Somaliland Mashallah
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
It rains in many parts of Somaliland Mashallah
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
It rains in many parts of Somaliland Mashallah
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
It rains in many parts of Somaliland Mashallah
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Roob Lagu Qabowsaday Oo Ka Da’ay Magaalada Hargeysa April 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Roob lagu qabowsaday oo biyo dhigay wadooyinka ayaa galabta ka da’ay magaalada Hargeysa. Roobkaasi oo dadweynuhu aad ugu farxeen ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee curashada xiliga gu’ga ee ka da’a caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay ka jirtay biyo yaraan sababtay in xaafadaha qaarkood biyo dhaamis loo sameeyo. Roobkan galabta ka da’ay Hargeysa ayaa dhalinyarada iyo carruurtu qadar isku dhigayeen, waxaana daad ka dhashay roobkan uu qul qulay wadooyinka magaalada Hargeysa. Xaafadaha ay qasadaha wakaaladda biyuhu ugu jiraan guryaha iyo kaalmaha biyaha ee dadweynaha ayaa inta badan xiliga gu’ga biyo ku filan hela. Halka xiliga jilaalkana ay biyuhu adkaadaan. Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa dhawaan shir jaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa wuxuu ku sheegay in abaaraha kulul ee ka jira dalka ay saamayn ku yeelatay caasimada Hargeysa, isagoo ku dooday in booyadihii biyaha u dhaamin jiray xaafadaha cidhifyada magaalada ay u wareegeen miyiga si ay uga helaan macaash ka badan kii ay ka heli jireen gudaha Magaalada Hargeysa. -
Muuse Biixi Oo Madaxweyne Geelle Ku ******tay Horumarka Uu Gaadhsiiyay Jabuuti April 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee tallada Somaliland haya Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Jabuuti ku ******tay kuna ammaanay wax uu ku tilmaamay horumarka uu gaadhsiiyay dalkiisa. Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xisbigaasi oo uu dhambaal Hambalyo ah Guddoomiyuhu ugu diray madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo markii sadexaad loo doortay ka dib markii uu ka adkaaday murashaxii madaxa banaanaa Maxamed Warsame Raagge ee kula tartamayay doorashadii dhacday jimcihii 8-dii bishan. War-saxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-“Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxu isagoo ku hadlaya magaca Hogaanka, Guddiga Fulinta, kan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo kiisaba hamalyo iyo salaan u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaacill Cumar Geele doorashada loo doortay mar seddexaad Madaxtinimada dalka Djbouti ee ka dhacday dalka Djibouti maalintii Jimcaha ee bishan April 8, sannadka 2011, isagoo ku guulaystay aqlabiyad aad u sareysa. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxuu sheegey in guusha uu Mudane Ismaaciil Cumar Geele ka helay shacabka reer Djibouti ay tusaale u tahay sida niyad samida ah ee reer Djibouti ugu kalsoon yihiin Madaxweynahooda. Mudane Ismaciil Cumar Geele wuxuu muddadii uu Madxweynaha ka ahaa dalka Djibouti uu gaadhsiiyey dalka horumar dhinaca walba gaar ahaa dhinaca adeega bulshada, wuxuuna ku xidhay Djibouti wadamo badan oo ka tirsan qaaradaha adduunka. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa kale mudadii uu xilka hayey aad u wanaajiyey xidhiidhka uu la leeyahay wadamada ay deriska yihiin sida Somaliland, Ethiopia, Kenya iyo Yemen. wuxuu u rajeeyey Madxweyne Ismaaciil Cumar Geelle caafimaad, dalka iyo dadka reer Djiboutina horumar.”
-
Somaliland Government showcased last 3 months accomplishments
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ i smell udub:D -
Somaliland Government showcased last 3 months accomplishments
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ Indeed well done to the Somaliland govt -
Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashadii Jabuuti Iyo Xidhiidhka Labada Dal April 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Jimcihii dalka Jabuuti, taasi oo uu markii sadexaad ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynuhu wuxuu qaabkii ay doorashadaasi u dhacday iyo natiijadii ka soo baxdayba uu kaga hadlay dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu saaka soo saaray Afhayenka Madaxtooyada Cabdilahaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga Jamhuuriyada Jabuuti, Guushii ay ka Gaadheen Doorashadii Madaxtinimada Dalka. Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa oo Qoraala ku yidhi:-“Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kuuga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti. Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kale oo aan aaminsan nahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta. Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehan tahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada. Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar.”
-
Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Iyo Guubaabin Isugu Jira U Diray Madaxwaynaha Djabuuti Ee Marka Saddexaad Ku Guuleystay Madaxwaynenimada Dalkaas. Hargeysa (Ramaas) Apr 10,2011- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo iyo guubaabin ah u diray Madaxwaynaha dalka Jamhuuriuyadda Djabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle oo mar saddexaad ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii todobaadkii hore. Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya Magaca dawlada iyo shacabka reer Somaliland waxa uu Madaxwayne Geelle iyo shacabka reer Djabuutiba u rajeeyay inay ku waraan nabadgalyo iyo barwaaqo isaga oo rajeeyay in xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djabuuti sii xoogeysto. War-saxaafadeed kooban oo mar dhawayd laga soo saaray Madaxtooyadda kuna saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla-markaana soo gaadhay xafiiska wararka ee Ramaasnews ee Magaaladda Hargeysa ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti. Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kaloon aaminsanahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena Dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta. Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada. Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar" Ramaasnews Desk Hargeisa
-
Guul azania Guul;)