Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. bilan;725036 wrote: Cajiib XX, ma xuduudii Buuhoolde laga xiri waayey baa Tukaraq laga raadiyey, XX, bal iswaydii wiilka galbeed iyo shishadii ka yimi muxuu ugu dhimanayaa Tukaraq ama LA hadaysan gardaro ahayn, wax kale oo la idin oran karo ma jirtee Ilaahay Cudurka ha idinka qaado, laakiin for sure you cannot stay in Sool forever. Sow kama fiicna lacagta iyo kharashka aad ku laynaysaan dadka inaad hargaisa qashinka kaga gurtaan. Xuduuda Somaliland ay la leedahay Somalia wa muhim ina la so xidho Ciidamada Somaliland awdal maroodijeex saaxil togdheer sanaag sool wa ka so jeedaan askarta qaranka.
  2. <img src=" Coca Cola factory under construction in Jaleelo, hargeysa http://shaqodoon.org/images/Coca%20Cola%20Picture%203.jpg" alt="" /> Coca Cola factory-view from the outside SBI worker explaining how equipment works Somaliland Government Officials touring the factory
  3. It depends ciidad jeclaatiid koley u cant choose ciidad jeclaatiid Koley anigu naag reer kama uriyo
  4. Somalis Will not fight an Egyptian war the sane Somalis will not.
  5. Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Nabad-diidka Buhoodle iyo Mamuulka beleedka garowe Oo Isgarabsanaya Ay Weerar Ku Soo Qaadeen Ciidanka Qaran, Laguna Jabiyey Tukaraq 7-Ka Mid Ahaa Maleeshiyada Nabad-Diidka Ee Weerarka Soo Qaaday Oo Maydadkooda La Geeyey Garoowe, Gaadiid Tikniko Iyo Maxaabiis Laga Qabtay Hargeysa, May 31, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana ah Afhayeenka dawladda Somaliland ayaa ku eedeeyey maleeshiyada nabaddiida SSC iyo maamul beleedka garowe ay wada jir iskugu soo bahaysteen inay dagaalo ku soo qaadaan Somaliland, isagoo tilmaamayna in weerarkii shalay lagu soo qaaday ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay jiida Gambadha ee deegaanada Sool oo ay soo qaadeen maleeshiyo ka tirsan Nabad-diidku markii ay ciidanka qaranku ay jabiyeen ay maleeshiyada Maamuuul beleedka garowe si rasmi ah dagaalka ula soo galeen. Waxa kale oo wasiirka warfaafintu uu sheegay in ciidanka qaran aanay wax dhimasho ahi ka soo gaadhin. balse uu sheegay in saddex askari ay ka dhaawacmeen, isagoo intaa ku daray in maxaabiis aan tiradooda la cayimin laga qabtay maleeshiyaadka Nabad-diida. Wasiir Xaabsade oo muddo ku dhaw laba todobaad socdaal ku joogay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo xalay khadka telefoonka Haatuf ugu waramay ayaa isaga oo ka hadlaya dagaalka shalay lagu soo qaaday ciidanka qaranka jiida Gambadha waxa uu yidhi “Waxoogaa yar oo ka tirsan kooxda SSC ayaa ciidanka qaranka weerar ku soo qaaday, maalmahana xabado ayay soo tuurtuurayeen, ciidanka qaranku markii ay iska caabiyeen, iskana difaaceen ayay Puntland dagaalka soo gashay, ciidankii qarankuna Gambadha ayay ku sugan yihiin, heegan culusna way ku jiraan”. Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi raaciyey “Wada jir bay inoola dagaalamayeen, waana la iska celin doonaa, ciidamada qaranka Somaliland cid kasta oo soo weerarta dalka difaaciisa way ku filan yihiin, saddex askari ayaa ilaa hada inta aan hubo ciidanka ka dhaawacantay, maxaabiis ay ciidanka qaranku ka qabteena way jiraan”. Dhinaca kale weerarkaasi Maleeshiyada Nabad-diida Buhoodle oo uu hogaaminayey nin lagu magacaabo Cali Sabaray ayaa la sheegay in abaaro 1:00 duhurnimo ay weerar ku soo qaadeen guutada todobaad ee ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Gambadha, taas oo wargeyska Haatuf ay u qaxiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha ciidankaasi eek u sugan jiidaasi in maleeshiyadaasi ay kaga qabsadeen laba gaadhi oo uu saaran yahay qoryaha noocoodu yahay B10 iyo Dhashiike, isla markaana ay ka soo qabteen maxaabiis ay tiradooda ku sheegeen 7 qof, iyadoo ilo wareedyadu ay intaasi ku darayaan in maydad tiradoodu gaadhayso lix qof iyo sided dhaawac ah oo ka tirsan maleeshiyada nabaddiidka oo dagaalkaasi lagu dilay loo daadgureeyey magaalada Garoowe ee maamul goboleedka ******teeniya, waxa kale oo warar aanu ka helay jiida Gambadha xalay ay noo sheegeen in ciidanka Qaranka oo xoojin badani ay u tagtay ay heegan culus u galeen difaaca ciidamo kale oo maamulka ******teeniyada iyo Nabad-diida oo ilaa xalay la soo dhoobay deegaanada u dhawdhaw Tukaraq iyadoo tibaaxuhuna ay intaa ku darayaan in maanta dagaal kale oo horlihi la fili karo inuu ku dhex maro jiida Tukaraq ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul beleedka garowe oo ay la safan yihiin kuwa Nabad-diida.
  6. Xaaladda Deegaanka Tukaraq oo saaka dagan Xaalada deegaanka Tukaraq oo uu shalay iska horimaad socday muddo saacado ah uu ku dhexmaray ciidamo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland,ciidamada dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay saaka tahay mid dagan. Wariye madaxbanaan oo ku sugan deegaanka Tukaraq oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay inay xaaladda deegaanka Tukaraq ay tahay mid dagan,inkasta uu sheegay in dhincayada dagaalamay ay isku horfadhiyaan goobtii uu ka dhacay dagaalkii shalay oo lagu magacaabo Higalada. Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo saxaafadda kula hadlayay galinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ayaa sheegay in markasta la filan karo dagaal dib uga qarxa nawaaxiga deegaanka Tukaraq. Dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Tukaraq ayaa yimid kadib iska horimaad dhexmaray ciidamo ka soo jeeda gobolka Sool oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland iyo maamulka Somaliland taasi oo keentay in ciidamada Puntland ay dagaalkaasi ay si toos ah uga qaybqaataan
  7. Ahlu Sunna oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Shabaab Buulaburde: (Sh. M. Network) Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay galinkii dambe gobolka Hiiraan ay kula galeen Xarakada Al Shabaab. Gudoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna C/casiis C/laahi Cabdi ee degmada Buuloburde oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay galinkii dambe ciidamadooda ay la galeen Xarakada Al Shabaab Dagaalka dhexmaray Ahlu Sunna iyo Shabaab ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaano lagu magacaabo Saylan iyo Bukuroow oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi la sheegay inay qaadeen ciidamda Al Shabaab. C/casiis C/laahi Cabdi ayaa waxaa uu intaasi ku daray in in jab xooggan ay gaarsiiyeen ciidamadii weerarka kusoo qaaday ee Al Shabaab, isagoo sheegay inay dileen 30-dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, waxaana dhankooda uu xaqiijiyay in uusan soo gaarin wax qasaaro ah sida uu hadalka u dhigay. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan guulaha ay sheeganayaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku aadan dagaalkaasi, hase ahaatee dagaalkaani ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dagaalada inta badan Ahlu Sunna iyo Shabaab ku dhexmara qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Aqristayasha waan ka raali galineynaa soo daahida wararka cilado dhinaca intarneetka oo naheysta awgeed
  8. Somaliland will not negotiate in defending its territorial rights”. you got to love the president
  9. Saalax;724839 wrote: The Zack those people need approval from the natives and the Government. Indeed
  10. Naxar Nugaaleed;724830 wrote: Eastern ama Bari is Somalilanderish Dhulboob. Eastern Sool, Eastern Sanaag, they even invented no clans M.bari. Isku xeeshooda its 2011 is tukaraq located in western sool ma la aniga walaan
  11. Cali_Gaab;724907 wrote: Saaxib, ma soomaali ayaa soomaali kalle gumaysata sannadka 2011? slaamuhu lacagta waxa kaga gura dee wala ina gumeysta bla bla bla wax aan jirin dee dadka qurba joogtu na wa iska qiiro meydhan
  12. I don't see what is wrong with this, Somalilanders celebrated their 18 may in Ethiopia ,, Somaliland just returned the favour. Hee awoow maxaad tidhi
  13. Maxaabiis iyo Saanad dagaal oo laga qabtay Ciidanka Puntland iyo Maamulka Puntland oo ka hadlay Monday, 30 May 2011 Lascaanood(Togdhnews)-Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii galinkii dambe ee maanta dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool iyo ciidanka maamulka Puntland,kaasoo ka dhacay degaamada Cadaada oo u dhaxeeya Gambadha iyo Higlada,iyo Waageere oo u dhow Tukaraq, ayaa sida Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ku sugan Jiida hore u sheegay TogdheerNews,waxa ciidanka qaranku ku qabtay dagaalkaasi shan maxbuus oo ka tirsan ciidanka Puntland iyo saanad ciidan, islamrkaana waxa uu sheegay in ciidanka qaranka ay kaga dhaawacmeen afar askari,kuwaasoo uu xusay in dhaawacoodu yahay mid fudud. Waxa sarkaalkani intaasi ku daray in dagaalkii istaagay caawa,labadii ciidana ay isku horfadhiyaan goobtii dagaalku ka dhacay,isagoo tilmaamay in ciidanka Puntland ay weerarka ku soo qaadeen ciidanka qaranka balse ay ku dhufteen dhirbaaxo adag,oo cashar u noqon karta. Sida ay wararka ka imanayaa degaanka Tukaraq ay sheegayaan,ayaa ciidanka Puntland waxa ka dhaawacmay ilaa tobon askari ,oo dhaawacooda la mariyay halkaasi ,iyagoo loo siisido cisbitaalka magaalada Garoowe. Ma jirto ,ilaa hada wax dhimasho ah, oo ay sheegteen labada dhinac ee dagaalku ku dhexmaray degaankaasi,haseyeeshee waxa wararku tibaaxayaan in gurmado ciidan ay ku qulqulayaan labada dhinac,islamrkaana laga cabsi qabo in subaxnimada beri mar kale dagaal halkaasi ka qarxo. Geesta kale,Wasiirka Warfaafinta Puntland,Axmed Cali Askar,ayaa shir jaraajid oo uu ku qabtay magaalada Garoowe,ku eedeeyay xukuumada Somaliland in ay weerar ku soo qaaday ciidankeeda,islamarkaana ay ka dhaawacmeen Sadex askari. Xukuumada Somaliland ayaa ilaa hada ka hadlin dagaalka dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Puntland. Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gobolka Sool ku sugan yihiin wafti ka socda xukuumada Somaliland ,oo uu horkacayo wasiirka warfaafinta ee Somaliland Md.Xaabsade,sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbadiisii 18-Mey,ku cadeeyay in xukuumada Somaliland soo dhawaynayso xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan maamulka Puntland, balse lama taabtaan ay yihiin xuduudaha Somaliland
  14. Cali_Gaab;724807 wrote: Our little sister Garowe is doing a good job trying to get on our good side. Masha'allah. ;);)
  15. Sharif Sakin is now in Djibouti he is Lobbying very hard i don't understand his purpose yet he did not bring another alternative he is just opposing the Mogadisho conference.He did not say what city is suitable to hold the conference,,, war saakinow maxaad rabta?
  16. M/Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Oo Booqasho Gaaban Ku Yimid Magaalada Borama+SAWIRO 30/05/11-Borama-(Bnn) Waxaa Goor Dhawayd Oo Ay Saacada Afrikada Bari Cagacagaynaysay 8 Aroornimo Soo Gaadhay Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Madaxwayne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, safarkiisan oo aan horey loo shaacin Ayaa waxaa noo suura galay inaan ka helno Xogo ku dhaw Dhaw Waftiga Madaxwayne Ku Xigeenka Xiligan waxa keenay uu u yimid Magaalada Borama. Safarkiisan gaaban ee Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Ku yimid Maanta Magaalada Borama ayaa ka danbeeyay , Arimo Gaar oo Xaga Qoyskiisa , isaga oo uu dhintay Mid ka mid ah Ina Adeerkii , Iyo Booqasho sida la sheegayay uu u yimid Aabihii oo isna Xanuunsanaya, safarkiisan ayaa ilaa iminka aan la shaacin arimaha kale ee Qorshaha Ugu Jira inta uu ku sugan yahay Boama Iyo Meelaha kale oo uu booqanayo Iyo Cida sida rasmiga ah ku wehelinaysa Safarkiisa Iyo mudada uu joogi doonaba. Si kastaba ha ahaatee iyada oo ay arooryo horey tahay Waftiguna goor dhawayd uun soo gaadhay Borama, wixii warar ah ee Waftiga Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ka soo Kordha gadaal ayaan idinkula soo socodsiin doona Haduu Alla Idmo."
  17. Polanyi;724764 wrote: We, the true Cushitic Somalis, will liberate puntland and Somaliland from the Ethiopian impostors. I mean, what kind of hitler shyte is this? King Kuush na goormu Somali noqday lolz
  18. where is this imaginary awdal state where should we Look?