Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. I agree with Africa own we don''t need any more political parties and i am against this whole hype of elections , elections are over there will be elections presidential elections in 4 years and Parliamentary elections in 2 years we need to work with this government and continue the hard work as a country and people. More political parties will only create more division its not like we are going to have a religious conservative party.
  2. Somaliland iyo geeljire isku laayey ufeyn maxa iska galay adeer mala waad yara dawakhday anigu faraxsan halkeed igu aragtay adeer anigu warkan uun baan ku so gudbiyey sidad rabtiid u qaado mise waxad leedahay warkani ma jiro
  3. Topica la qabso dee adeer sheekadu wa bari iyo ufeyn Mise waxad leedahay Aqoonsi ba yaala ufeyn ?
  4. War deg deg ah Gudoomiyihi Iyo golihi Khusuusiga ssc oo shirka widhwidh ku so biiray hadeer. Buhoodle (saraarnews) Gudoomiyaha iyo Golihi Khusuusiga kooxda Nabaddiika ahayd eeh ssc oo ay weheliyan saraakiil sarsare oo ciidan iyo wafti balaadhan oo ay hogaamiynayan ayaa hadeer ku so biiray shirka ka furmay degmada widhwidh oo lagu wado inay noqoto xarunta gobolka buhoodle imikana ay ka ocdaan dhismayaashi mamuulka gobolka iyo xafiisyadi laamaha kale eeh dawlada Somaliland. Waftigan ayaa saaka sagaalki Subaxnimo ka so kictimay degmada inteeda badani xadka la shisheeyso eeh buuhoodle waftigan gudoomiyihi Khusuusiga Gudoomiyaha Cabdirisaaq Gacmay, waxa ka mid aha mudane cismaan cali cali iyo nin la yidhaahdo Mohamad case waxayne ka mid noqon doonaan ergooyinka Balaadhan eeh shirku uga soconayo waxana la filaya inay shirka gelindoonaan naf cusub waxana la filaya inay so dhesyo sidii dadka degaankasi wax ula qabsan lahaayeen walalahooda Somaliland. Sidoo jkale waxa laga dareemaya buuhoodle iyo deganada ku xiirayn rabitaanka dadkaasi u qabaan nabada iyo so dhoweynta shirka widhwidh inkasta oo ay jiraan kooxo dumarka iyo caruurta ku baaadha deganadas colaadana aan waxba ka tarin wixi rar ah eeh ka so kordha xalaada ah ka so kordha kala soco saraarnews.
  5. A_Khadar;729581 wrote: NG ku noqo, Kayse never being a commander but say was part of ssc. The point here though is not what Kayse was and is now, but this so called conference is nothing but project to make money from SL since this has no Mijo & Madax. And the player of this game is Kayse now, let us see how far he gets with it. The Khusuusi Chairman just arrived in widhwidh this morning Khusuusi = ssc parliament right
  6. Wafti ka socda Xukuumadda iyo Goleyaasha oo u Amba-baxay Shirka Nabadaynta ee Widh-widh“ waftiga waxa ka mid ah Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Duulista hawada, Xildhibaano agaasimeyaal guud, la-taliyaha Madaxweynaha ee Bariga” Xil. Qabile Burco(Waaheen)-Wararka la helayo Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer aya sheegaya in habeenkii ay xalay ay Magaaladaasi gaadheen Wafti ka socda Xukuumadda iyo Golayaasha Baarlamanka oo ku sii jeeda Degmada widh-widh oo lagaga hadlayo Nabadaynta Bariga (Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle, kaasoo aan ilaa hada la ogayn wakhtiga uu qabsoomi doono,. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Masuuliyiinta ku sii jeeda Widh-widh oo xalay Wargeyska Waaheen kula xidhiidhay Khadka Talefoonka isaga oo ku sugan Magaalada Burco, waxa uu sheegay in aanay ergada Dawlada ka socotaa ka mid ahayn beelaha Gogosha loogu baaqay ee la xaajinayaan, balse cida kaliya ee ay la hadlayaan ay tahay cid ay ka go’do talada Beesha Reer Widh-widh iyo Deegaamada kale ee la halmaala, isaga oo carabka ku dhuftay in shirkaasi aanu noqonayn mid ku koobnaada shakhsiyaad iyo beel gaar ah, laakiin ay doonayaan inay kula fadhsiitaan dhamaan beelaha Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle si mar looga wada doodo tabashadooda dhinacyada Siyaasada iyo dhaqanka labadaba. isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ” waxaanu joogno caawa{Xalay} Burco, waxaana laga yaabaa inaanu saacadaha soo socdo gaadhno jiida Deegaanka widh-widh, halkaasoo aanu u tagayno shirkii Nabada ee uu Madaxweynuhu ugu baaqay beelaha deegaamadaasi, kolay qoladayada Xildhibaanada ahina waanu ogaysiinay shir-gudoonka hawshaasi, markaa shirkaasi oo aan iminka wakhtigiisii aanu cayinayn, lana doonayo in uu noqdo mid aan ku koobnayn Siyaasada ee uu dhaqan lahaado ayaanu u soconaa, waxaanan rajaynayaa inuu noqon doono mid midho dhala” Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” Tabasho hadii ay jirto waxa muhiim ah in laysu yimaado oo shirka laga sheego waayo waxa iminka loo socdaaba tabasho ah, markaa anagu hadii ay reer widh-widh kala qaybsanyihiin cid gaar ah oo aanu la shiraynaa majirto, Kaysena Magaca Beesha uu ka soo jeedo ma wada metelo, markaa taasi waxaan filayaa inaanay ahayn mid suurto geli karta, shirku wuu qabsoomayaa, cida loo qabanayaana waxaa looga baahanyahay inay wixii ay ka cabanayso sheegato, anigoo aaminsan in uu shirkani fursad weyn u yahay oo wakhtigeeda leh, oo balanteeda leh. Golayaasha sharci dejintana waanu u gudbinay oo waxaanu ku nidhi shirku yaanu noqon mid ku koobnaada dhaqan uun e waa in hoos loogu daadego hawshiisa oo siyaadasa qaybteeda la siiyo”. Dhinaca kale Xildhibaanku waxa uu sheegay in Xubnaha Waftiga ay ka mid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Duulista Hawada, la taliyaha arimaha Bariga ee Madaxweynaha,Agaasimaha guud ee Caafimaadka, Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, Afhayeenka Madaxtooyada iyo xubno kale oo aanu magac dhabin balse sida uu sheegay deegaamadaasi ka soo jeeda.
  7. Sadax xubnood Oo Ka Tirsan Golaha khusuusida SSC Oo Ugostay Shirka ay Wadaan Somalidiidku Ee widh Widh Baryihii udan beeyay ayaa waxa laga waday geedaanka widhwidh shir la doonayo in lagu kala jabiyo maaulka ssc shirkaas oo ay wadaan horgalo ka soo jeeda SSC hadaba iyadoo ay la socdaan dhamaan maamulka sare ee SSC iyo shacab waynaha SSC ayaa saaka waxa dhacday in rag ka tirsan maamulka SSC khaasatan golaha khusuusida in ay u gostaan dhankaa iyo maamulka siilaanyo ee doonay in khas iyo fowdo ka dhex bilaabaan maamulka SSC, Waxa saaka cabaara sagaalkii subaxnimo dhankaas iyo widh widh u gostay sadax nin oo lagu kala magacaabo gudoomiyaha khusuusiga cabdirisaaq gacmey, cismaancaali cali , iyo nin layiraahdo mohamed case sadaxdan ayaa waxaa ay ka mid noqon doonaan horgalada cusub ee doonaya in ay kabaha u qaadaan maamulka siilaanyo ee xaqdarada ku jooga deegaanka SSC. Sidoo kale saaka aya waxaa laga dareemayaa gobalada cayn xiisad coladeed kadib markii la soohadal qaaday shirkan lagu qabanayo widhwidh ayaa dhamaan ciidanka SSC ay ku jiraan heegan wayn waxaana la filayaa in dagaal ka bilowdo widhwidh, Wixii war ah ee ka soo kordha xaalad ah ee ka soo kordha kala soco Horufadhi.com
  8. Baar gaal sorry i didn't check horseednet yesterday
  9. Xildhibanada Labada Gole Ee Wakiilada Iyo Guurtida Ayaa Maanta Xilkii Ka Qaaday Guddomiyihii Maxkamada Sarre Oomane. Hargeysa (Waaheen) – Xildhibanada Labada Golaha ee Wakiilada iyo Gurtida ayaa fadhi wada jir ah oo ay yeeshen maanta ayaa waxa ay xilkii ka qaaden Gudoomiyiihi Maxkamada Sarre Maxamed Xirsi Oomane, waxana in xilka laga qaado u codeyay 67mudane, 52 mudanena way diideen, halka 10 mudane ka amuseen, Shirguddoonka laba golena may codeynin, waxa hore Xilka uga qaaday madaxweynaha somaliland Sillanyo labada golena ka codsaday in ay wajibaadkooda Dastuuriga ah ka gutaan. fadhigaasi maanta ay yeeshen xildhibnada labada gole waxa shir gudoominayey Guddomiyaha Golaha Wakiilada C/raxman Cirro, waxa kale oo ku wehelinayey Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Guurtida Sh. Axmed sheikh Nuux Furre iyo labada Guddomiye ku-xigeen 2aad ee Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida, fadhigaasi ayaa waxa ka soo xadiray 130 mudane oo ka tirsan labad gole Wakiiladda iyo Guurtida. Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo shirguddominayey ayaa sheegay in uu u madaxweynah Somaliland ka dalbaday in xilka laga qaaddo guddomiyaha Maxkamada sarre Maxamed Xirsi Oomane, waxa kale oo uu sheegay in madaxweynuhu hor keenay golaha go’aankii ay soo sareen Guddida katalo bixinta fureshada ururada siyasiga ah uu golaha horyaalo, balse Xildhibanada waxay codkoda ku meel mariyeen in xilka ay ka qaadeen Guddomiyaha maxkamada sarre mr. Oomane. Xildhibanada ayaa u balamay in maalmaha soo socda ay guddo galan Arinta ku saabsan furashada ururada siyaasadeed. Jawiga saaka ee Labada gole ayaa waxa ka muuqday dhaqdhaqaaq xoogan oo xildhibanada labada gar ay is kooxo kooxaysanayeen, balse natiijadii ka soo baxaday ayaa Xildhibaano badan oo tageer xukumada ka farixyey.
  10. Dad rayid ah oo lagu laayay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Laba qof oo shacab ah ayaa geeriyooday halka 4-kalena ay dhaawacmeen kadib markii dabley hubaysan ay fal tacshiirad ah ay ku fureen goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Boosaaso. Falkan ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaan agagaarka hotel Al-Naqiil ee bartmaha magaalada Boosaaso. Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay inuu mid ka mid ahaa ganacsade katirsan shirkadda Red Sea oo lagu magacaabi jiray ALLAh u naxariistee Cumar Aw Muuse Maxamed. 4-ta qof ee ku dhaawacmay tacshiiraddan ayaa la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah oo ka ag dhowaa goobta uu falkani ka dhacay oo ahayd goob ganacsi,waxaana qaar ka mid ah dadkaasi oo uu dhaawacoodu culusyahay lagu dawaynayaa isbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso. Dilalkan ayaa la sheegay inay ahaayeen aanooyin qabiil oo daba joogay falal horay ugu dhacay gobolka Bari,waxaana goobta isaga baxsaday dableydii falkan gaysatay. Ma jirto wax hadal ah ka soo baxay dowladda Puntland oo ku saabsan dhacdooyinkan ka dhacay magaalada Boosaaso,inkastoo uu maamulka marar badan falalka amaandarida ah uu ku’eedeey kooxo xiriir la leh Al-Shabaab.
  11. 4-qof oo ku geeriyootay weerar subaxnimadii maanta ka dhacay degmada Ufayn Weerar subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay tuulada Kub-dhexaad oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Weerarkan oo lagu qaaday masjid ku yaala tuulada Kub-dhexaad oo hoostimaada degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodee 4-qof islamarkaana uu dhaawac uu ka soo gaaray 1-qof oo dumar ah oo ku dhowayd goobta uu weerarka ka dhacay. Weerarkan oo ay gaysteen dabley hubaysan ayaa wararka waxaa ay sheegayaan markii weerarkaasi ay gaysteen inay goobta isaga baxsadeen. Wararka laga helaayo deegaankaasi ayaa sheegaya inuu falkan la xariiro aanooyin qabiil oo u dhaxeeyo laba beelood walaalo ah oo wada dega deegaanadaasi,iyadoo heshiisyo horay u gaareen wax garadka labada beelood uu ka dhacay magaalada Boosaaso,hase yeeshee waxaan ilaa iyo iminka aan la’ogayn waxyaabaha keenaya dhibaatooyinka u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah. Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin dhacdooyinka saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano katirsan gobolka Bari.
  12. My question is are somalis even interested in being united?
  13. Taleexi;729656 wrote: Abti naga daa nacnacda ma nabadan kaa dayaa abti
  14. War deg deg ah Wasiiro iyo afayeenka Madaxtooyada Somaliland oo cawa widhwidh so gaadhay Wararka hada naga so gaadhay Magaaalada widhwidh ayaa cawaa ku so waramaya in magaaladasi ay gaadheen wasiiro ka tiirsan Xukuumada Somaliland iyo saraakiil iyo ciidamada wada socda. Waxa lagu soo waramaya in ay kalo kamid ahayeen xubno xildhibaano ka mid ah barlamaanka Somaliland. Wasiirada cawa soo gaadhay Magaalada widhwidh ayaa waxa ka mid aha Wasiirka duulista iyo hawada wasiirka xanaaha xoolaha iyo afayeenka Madaxtooyada Somaliland Cukuse waxa kalo ka mid ah Afayeenka Xisbiga kulmiye Mujahid Maxamad kahin. Xaalada guud eeh magaalada widhwidh ayaa degan oo waxa la filaya in beritoole shirku furmo oo u dhexeysa beelaha degan Degmada Widhwidh iyo buhoodle iyo xukumaada Somaliland wana wejigi koobaad eeh gogoshi nabada eeh u fidiyey Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxammad Maxamuud Siilaanyo Mahana shirki ugu danbeyeey eeh ka dhici doona Degmada widhwidh wa mid taxana wa sidu weftigu u sheegey. Wararku waxay inta ku darayan in Amaanka guud eeh degmada widhwidh gaar ahaaan magaalada widhwidh aad lo sugay.
  15. Showqi;729603 wrote: Shacabka Puntland Dowlada Puntland Madaxwaynaha Puntland Mar dhow waxaynu maqli donaa Passportka Puntland Barlamaanka puntland Calanka puntland
  16. Somaliland Government Calls for African Recognition, Help Fighting Piracy By Mohamoud Ali Mohamed - Jun 20, 2011 Somaliland appealed to African nations to grant the semi-autonomous region recognition as a sovereign state and called for international help to deal with piracy off its coast. “We need more support from African states,” Foreign Minister Mohamed Abdillahi Omar said in an interview on June 15 in the capital, Hargeisa. “We need recognition, cooperation and assistance from African states.” Somaliland, a former British colony, declared independence from Somalia in 1991, following the ouster of former Somali dictator Mohammed Siad Barre. No sovereign state has formally recognized the area as independent. In March, the region opened a maximum-security prison built with United Nations funding to incarcerate pirates convicted of attacks off the coast of Somalia. An increase in piracy, spurred by a 36-fold jump in ransom payments in five years, has threatened vessels carrying 20 percent of world trade and raised expenses for shippers. Costs linked to piracy may reach $13 billion to $15 billion by 2015 as global trade rebounds and pirates operate over wider areas, according to research firm Geopolicity Inc. The impact on Somaliland has been that fewer ships are visiting its main port of Berbera, doubling the cost of its exports, Omar said. He didn’t provide more detailed figures. Somaliland’s economy relies on shipments of camels, cattle, sheep and goats to the Middle East and North Africa, as well as remittances sent home from citizens living abroad, to generate foreign exchange. ‘Hijack Fears’ “Many ships have stopped coming to Berbera Port because of the fear of being hijacked by pirates,” Omar said. “The price of exports has doubled and we need to have more cooperation with the international community to discuss how to handle that burden.” Somaliland’s Finance Ministry currently estimates the size of the economy at $1.2 billion, while the central bank puts the figure at $700 million, Bank of Somaliland Governor Abdi Dirir Abdi said last month. As a step toward gaining recognition, the country has begun working more closely with neighboring countries including Djibouti, where it has opened an embassy, Ethiopia and Kenya, Omar said. “We are hoping to gain a better understanding of our aims in the near future,” he said, without providing further details. Reported by Mohamoud Ali Mohamed in Hargeisa via Nairobi
  17. Dee way fiicantahay hadu tageero baaqi beesha galbeedka burco if they want Cadalaad caladaad wata dadka kala hagta why not Suldaan Yusuuf Suldaan Maxammad xiiray Suldaan Shire Sharmarke Adan the supreme Sultan of beesha bariga Hargeysa says galbeedka Burco wa mid iyaga u taala anagu lama qabno now Somaliland is a democracy each sultan can say what he wants and supports what he want
  18. Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahim Oo Soo Gaadhay Dalka Iyo Dadwayne Tiro badan oo Soo dhaweeyay Dadkan ka hor tagay madaxweynihii hore ee somaliland Daawo Sawiradda Hargeysa(GNS)Madaxexweynihii hore ee somaliland MD Daahir Riyaale Kaahim ayaa maanta si rasmi ah uga soo degay gagida diyaarada ee Egal airport international ee magaalada Hargeysa. Waxana madaxweynaha soo dhoweyay oo ka hortagay wufuud aad ubaaladhan ooay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland hadana ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada, wasiirkii hore ee cadaalada ,wasiirkii hore ee duliista iyo hawada, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryaynta afhayeenka xisbiga udub iyo waliba wufuud aad usaraysa oo isugu jira wasiiro hore iyo xubno muhim ah oo ka socda xisbiga udub waxa sidoo kale soo dhowentan ka soo qayb galay wufuud ka socda xisbiga UCID oo uu hor kacayo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi mudane Aadan Maxamed Mirre Waqaf iyo xubno kale oo xisbiga ucid ah waxa isla madashaas ku sugnaa bulsho weyn aad ufara badan oo ah taageerayaasha xisbiga udub. Dadkan ka hor tagay madaxweynihii hore ee somaliland ayaa sitay boodhadh ,caleemo iyo waliba calamaan kuwaasoo muujinayay shucuurtooda soo dhoweenayd , waxana ay ku dhawaaqayeen eryo ay ku taageersan yihiin madaxweynihii hore ee somalialnd Mudane Daahir Riyaale Kaahim Dhanka kale waxa jiray oo loo diiday in loo ogolaado madaxda sarre ee mucaaradka UDUB in ay galaan gudaha madaarka taasina waxa ay sababtay in laysku dhagxiyo isla markaasna ay raasaas lays weydaarasado , Rasaasta ayaa waxa ridayay ciidanka amaanka halka shacabkuna ay tuurayeen dhagax isla markaasna ay ku qaylinayay ciidanka amaanka ,Wallow aanay wax khasaara ahi ka dhalan arintan, balse waxa ay noqotay meel foodo iyo rabashad kicisay ,balse waxa lagu daddalay isla markaana lagu guuleysat in la dajiyo arintan. Kadib soo degitaankii madaxweynaha ayaa loo galbiyay xarunta guud ee xisbiga UDUB isaga oo Gudoomiyaha xisbiga UDUB Mudane Riyaale uu umahadnaqay dhamaan shacab weynaha somaliland isla markaasna hambalayo iyo mahadnaq usoo jeediyay cid kasta oo soo dhoweysay. Si kastaba ha ahaatee soo dhoweynatan ayaa si weyn looga dareemay gabi ahaanba caasimada somaliland waxana ay noqonaysaa markii ugu horeysay ee intuu xilka wareejiyay Mudane Daahir Riyaale Kaahim uu ku soo noqdo dalka. Reported By Ali-Mahdi Osman Ahmed Khadar Cabdi Muuse Gabiley news Reporters
  19. You will see soon A khadar just watch My dear friend peace will prevail
  20. Che -Guevara;729472 wrote: In other news, Maayarka Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga La Dhigay Maayarka Oo Lagu Eedeeyay In Uu Abaabulay Shirar Ka Dhan Ah Qarannimada Somaliland Laascaanood (Somaliland.Org)- Maayarka magaalada Laascaanood Axmed Aw Daahir Xasan ayaa xabsiga loo taxaabay, isla markaana laga qaaday xilkii Maayarnimo ee uu hayay. Xadhiga Maayarka ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu soo eedeeyay in uu ka dambeeyay oo uu abaabulay shirar ka dhan ah qarranimadda Somaliland, iyo taabo galka nabadgelyada gobolka Sool. Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye oo aanu caawa khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo u xaqiijiyay xadhiga iyo xil ka qaadista Maayarka. “Warkaasi wuu jiraa, waa la xidhay maayarkii xilkii uu hayayna waa laga qaaday, shalay makhribkii ayaa Ciidamada Boolisku xidheen oo ay ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood.” Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, isaga oo hadalkiisi sii watayna waxa uu intaa raaciyay “Maayarka la xidhay waxa lagu soo eedayay falal ay ak mid yihiin in uu uu abaabulay shirar ka dhan ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, amaanka iyo xasiloonida gobolka iyo musuq maasuq baahsan oo ka jira dawladda hoose ee magaalada Laascaanood,” Wararka kale ee naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee la xidhiidha xadhiga Maayarka ayaa sheegaya in tuulada Karin oo 70 Km Laascaanood ka xigta dhinaca magaalada Garoowe uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay guddoomiye ku xigeenka kooxda nabaddiidka ah ee SSC Cali Sabaray iyo wasiirka qorshaynta maamul goboleedka Puntland Maxamuud Bisin. Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan in uu Maayarku magacaabay 21 xubnood oo uu ku tilmaamay guddida nabadgelyada magaalada Laascaanood, kuwaas oo dhawaan si cad ugu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka hadalo ka dhan ah qarannimada Somaliland iyo xasiloonida gobolka Sool. Waxa kale oo lagu eedaynayaa in uu si cad u diiday in uu wada shaqayn la yeesho weftigii ka socday xukuumadda iyo golayaasha qaranka oo ku sugan magaalada Laascaanood. Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa cumarmfaarax@hotmail.com He is lucky he is not executed