-
Content Count
30,068 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
A khadar sheekadi aad dadka ku waali jirteen way dhamaatay occupation waxasi ma jirto hada dadki wa is bartay , sheekadu meel fiican bay maraysa
-
^^ wamaxay buranburku lol
-
Somaliland oo Wafti Culus Sanaag u soo diraysa iyo Puntland oo ku Mashquulsan Garsoor 12th September 2011 · Hargaysa:-Wafti balaadhan oo ka Tirsan Somaliland ayaa la sheegayaa inay imanayaa Magaalooyinka Hadaaftimo iyo Badhan,waftigaasi waxa Hogaaminaya sida la sheegay W.Gaashaandhiga Maamulkaasi Coll Axmed Xaaji Cadami waxana la socda xubno Reer Sanaag ah oo Siilaanyo Xayndaabkaasi had jeer lagu Arko. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay waftigaasi waxay la Kulmidoonaan Suldaanka Beesha Suldaan Siciid C/salaan oo Magaalada Badhan Ku sugan walow aan la aqoon ujeedka ay kala hadlidoonaan. In kastoo aan la hubin hadana waxa jira warar laysla dhexmarayo Gobolka Sanaag oo sheegaya in 3-million oo Doolar Lacag gaadhay ay wadaan taasi oo lagu Horumarinayo Gobolka Sanaag, Lacagtaasi Xoogeeda ayaa la sheegay in lagu Fulindoono Ceelal Biyood laga qodayo Gobolka Degmooyin ka mid ah sida Badhan iyo Dhahar Waa markii ugu horaysay oo uu Degmooyinka Hadaaftimo iyo Badhan soo Gaadho W/Gaashaandhiga Somaliland tan iyo markii xilka loo Magcaabay. Lama sadaalin karo wajiga ay kala kulmidoonaan Magaalada Badhan oo dhawaan Golaha deegaanka ay ka hir galisay Puntland ayna ka Joogaan sidoo kale Ciidamo Ka Mushahar qaataa Maamulkaasi.
-
UCID waa Faysal, Faysalna waa UCID, Faysal Waraabe will Prevail.
Xaaji Xunjuf replied to sahal's topic in Politics
Nooloow Suldaan Faisalow Noolow -
lol faroole wa inu heesti qaado let my people go
-
Yes the conference should be held in Laascanood the biggest city in sool
-
Ayoub wait till abtigis comes in and says that Pudhlayn is not on the right track of Somalinimo but they should be rewarded for working with MrShDalxiis. And that actually Abdi iley is the one who reflects pure Somalinimo or was it the Admiral. Abtigis loves his own self determination but he is denying others that same right maybe its because some people take what belongs to them with their Guns and some just will continue to sing with saado cali O'gadeniya way xoroobi.
-
Laascaanood Oo Soo Dhoweeysey Gudida Qaban Qaabada Khaatumo2- Lasanod Online. Monday, September 12, 2011 Laascaanood,(lasanod Online)- Dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood ayaa maanta isugu soo baxay soo dhoweynta Gudida qaban qaabada Khaatumo2.. Iyagoo safnaa marka lagasoo bilaabo meesha loo yaqaan Dhidinka ilaa Kontroolka dhinaca Garoowe. Shacabkan maanta soo dhoweeynayey wafdiga gudida ayan hore loo arag tiro intaas le'eg oo isu soo baxda, dadweyanhan ayaa ku dhawaaqayey eryo soo dhoweyn ah, waxayna ruxayeen caleemo qoyan iyo boodhadh iyo cankii Bluuga ee dalka Somalia. Baabuurtii siday Wafdiga ayaa dadweynhu dhinacayda qabsadeen oo meel ay maraan waayey.. waxaana hadladii dadku ku dhawaaqayeen kamid ahaa " Maanta.. maanta .. maanta waa maalin weyne maanta". Wafdiga waxaa lagu dejiyey guriga qasarka ah ee Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Ku yaala Magaalada Laascaanood. waxaana illa habeenimadii hor dhoobnaa boqolaal dadweyne oo damaashaad iyo ciyaaro halkaas ka qaadayey. Soo dhoweyntan Maanta ka dhacday Lascaanood iyo dadkan kasoo qaybgalay ayaa lagu tilmaamay inay lamid tahay tii shacabkii reer Qaahira ka bilaabay kacdoonkii " Tahriir Square".. Wararku waxay sheegayaan in dad badan oo maanta soo dhoweynayey gudida idhahooda lagu arkayey ilmo, farxad iyo ray reyn awgeed. tasoo ku tusaysa baahida shacabka u qabaan cid wax u qabata.. Wariyaha Lasanod Online ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo xaqijiiey in maamulka Magaalada ka taliya uusan ka qaybgelin wax faro gelina ku samayn soo dhoweynta gudida. Dadweynaha reer laascaanood ayaa maanta muujiey sida ay diyaarka ugu yihiin wafdi ka socda SSC oo u wada xal sidii looga bixi laha dhibta haysata oo talo iyaga dhexdooda ka timaada mooyee cid usoo socotaa aysan jirin. Lasanod Online waxay hadii Alla idmo dhowaan idinsoo tebin doontaa maqal iyo muuqaal sida gudida loogusoo dhoweeey Laascaanood.
-
The AT's Love of Somali Unity Gets Another Stage
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Baligubadle the home of the Mujahidins -
The AT's Love of Somali Unity Gets Another Stage
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Now there will be revenge you messed with the wrong -
Nonsense article this guy wasted my time reading all that crap
-
Ugaas cabdirashid on the way to borama from jigjiga (his headquarter)
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
Carafaat there was never a Awdalite ugaas from Lughaya hadaan taarikh cusub la sameyneyn -
Ugaas cabdirashid on the way to borama from jigjiga (his headquarter)
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
Carafaat this is the historical ugaaz this is not some fictional ugaaz created in the 90s ugaas abdirashid comes from a lineage of the oldest traditional chain of ugaases from Awdal he is a descendant of the legendary ugaaz nuur. I disagree the Somaliland government is responsible for all the citizens of Somaliland including the clan elders the ,,guurti elders are obligated to resolve all clan matters in Somaliland. -
He is the laascanood garaad
-
carafaat did you know Mr Abdirsaaq khalif dawdar is the second cousin of garaad jamac garaad ismacil he paid and organized the inauguration ceremony of the garaad in laascanood in 2009, he also hails from Yaagoori
-
Actually reading it again Liibaan changed the tittle of the report of Jidbaale they didn't say anything regarding gudiga xoreynta lol War liibaanow dadka maxaad u walaysa
-
^^ its jidbaales version of the story
-
Ugaas cabdirashid on the way to borama from jigjiga (his headquarter)
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
ugaas abdirashid is the rightful ugaaz of awdal the historical ugaas of the region he should be able to visit borama his hometown. The Somaliland government supports his arrival -
Reer Yagoori Oo Codsaday Inay Martigeliyaan Shirka Khaatumo2- Lasanod Online. Sunday, September 11, 2011 Yagoori,(lasanod Online)- Xaflad si heer sare ah losoo agaasimay oo lagusoo dhoweeynayey gudidii qaban qaabada Khaatumo2 oo maanta gaadhay.. degmada yagoori ayaa ka dhacday magaaladaasi. Gudida qaban qaabada Khaatumo2 ayaa waxaa laga hortigay meel 20km oo jirta oo magaalada Yagoori oo ah dhinaca deegaanka Jidbaale, halkaas oo lagaga soo gelbiyey Baabuur iyo fardo ilaa intay soo geliyeen magaalada Yagoori. Shacabka ku nool magaalada Yagoori iyo dadweyne kale oo tiro adan kana yimid magaalada laascaanood ayaa safnaa wadooyinka magaalada ilaa inta waftiga Khaatumo gaadhay gurigii loogu talo galay. Nasasho iyo iswaraysi kooban kadib waxaa wafdiga la geeyey goobtii xaflada weyn loogu talo galey, halkaasoo qado sharafna loogu sameeyey. Axmed Maxmauud Sanbalooshi oo isagu ah afhayeenka Gudida Odayaasha 21ka ee Laascaanood oo ka mid ahaa odayaasha la kulmay maanta gudida ayaa Lasanod Online u xaqiijiyey in shacabka reer Yagoori ay aad usoo dhoweeyeen fariintii wafdigu siday ee ahayd qabashada shirka Khattumo, iyagoo weliba ay codsadeen inay magaalo ahaana martigelinayaan. Xubno u hadalay gudida oo xafladas hadalo kasoo jeediyey ayaa u mahadnaqay shacabka Yagoori, iyaagoo xusay in soo dhoweyntan maanta loogu sameeye Yagoori ay wax badan ka bedeshay dareenk gudida ee ku aadan Yagoori, ayna tixgeliyaan codsigaas martigelinta wadatashi kadib. Wafidiga ayaa caawa u hoyday magaalada yagoori, waxaana weli go'aan laga gaadhin goobta kale ee ku tegi doonaan safarkoodan wacyigelinta shacabka SSC. Lasanod Online waxay hadii Allah idmo dhowaan idiinsoo tebin doonaa maqal iyo muqaal xafladii soo dhoweynta gudida Khaatumo2 ee maanta ka dhacday magaalada Yagoori..
-
Madaxweyne Siilaanyo Oo Badhasaab u magacaabay Gobolka Awdal September 11th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Siilaanyo oo Badhasaab Cusub u magacaabay Gobolka Awdal Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Mudane Axmed Xadi Siciid u magacaabay Badhasaabika cusub ee Gobolka Awdal. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed galabta uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaasi oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0172/092011 ku Magacaabay Mudane, Axmed Xadi Saciid inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal. Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Arkay: Baahida loo qabo in Badhasaab loo magacaabo Gobolka Awdal, Markuu Aqoonsaday: Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal, Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan Wuxuu go’aansaday In Mudane Axmed Xadi Saciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
-
Maamul Goboleedka Karkaar State Oo Lagaga Dhawaaqay Qardho- Lasanod Online. Saturday, September 10, 2011 Qardho,(lasanod Online)- Iyadoo mudooyinkii ugu dambeyay ay soo badanayeen ku dhawaaqista maamul goboleedyada guud ahaanba dalka Soomaaliya.. ayaa maanta (10/09/2011) si rasmi ah magaalada Qardho shaaca lagaga qaaday Maamul goboleedka lagu magacaabo Karkaar State. Madaxweynaha Karkaar State Coll. Jaadhig. Madaxweyne ku Xigeenka Karkaar State Mudane Maxamed Aadan Jaamac(Dagaale) War saxaafadda loogu talo galay ayaa lagu sheegay in maamulkani uu yimi ka dib markii loo arkay in uu yahay muhiim ku dhawaaqistiisa. Qoraalka ka soo baxay Madaxda Karkaar State ayaa lagu sheegay in ay ka dambaysay ku dhawaaqistiisa ka dib mudo dhowr bilood ah oo ay kulamo yeelayeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan Karkaar, sida Siyaasiinta,Aqoonyahanadda, Odayaasha,Haweenka,Dhallinyaradda iyo waxgaradka degaanka. Qoraalka Saxaafadda loogu talo galay oo ka soo baxay Karkaar State ayaa u qornaa sidan: Ku: Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Ku: Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya Ku: Xafiiska Siyaasadda Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) Og: dhammaan qeybaha bulshada ee ku dhaqan Karkaar State Of Somaliya Ujeeddo: dhisid Maamul goboleed cusub Sida la wada ogsoon yahay markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxay soomaalidu ay u kala tagtay nidaam isirr iyo degaan ku saleysan taas oo dhashay nidaamka iyo habka kaliya ay soomaalid isugu imaan karto in uu yahay nidaamka Federalka ah. Waana tan dhashay in la dhiso maamul goboleedyo sharci iyo kala dambeyn ku dhisan tasoo lagu baadi gobaayo dowlad dhexe oo federal ah taasoo ay taagertay beesha caalamka. Sida darted bulshadda ku dhaqan KARKAAR STATE waxa ay maamul wadaag la noqdeen Maamulka Puntland kasoo ujeedooyinkii loo dhisay dhammaan la bal maray , dhibaatooyinkaas ay ugu horaysay wada tashi la’aan , amni xumo , dhaqaale burbur iyo in dhammaan meesha laga saaray ujeedooyinkii looyagleelay maamulka Puntland. Haddaba markay wada tashi isugu yimaadeen bulshadda ku dhaqan degaanka karkaar taasoo ay ka soo qeyb galeen Isimadda , Aqoonyahanka , siyaasiiyinta , Culuma’udiinka, Sarkiisha Ciidama iyo bulshadda rayidka ah waxa ay go’aan ku gaareen: In ay xiriirka u jaraan maamulkay horey uga tirsanaayeen ee Puntland. in ay dhistaan Maamul goboleedka ka turjumikara baahiyaha asaasiga ah ee dadka ku dhaqan gobolka KARKAAR STATE. in la helo hogaan dowladeed oo ka kooban a) Madaxweyne b) Madaxweyne ku xigeen c) Golle garsoor d) Golle Baarlamaan oo laga soo dhex xulay ergoyinkii shirka ka soo qeyb galay shirka, iyo tiro wasiiro ah oo kooban kuwaas oo hanan kara kalsoonidda iyo hanaanka shacabka. Intaas ka dib waxaa si Kumeel gaar ah loogu doortay Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen: Madaxweyne…. Col.Maxamed Siciid Jaamac (Jaadhig) M/ ku xigeen…. Maxamed Aadan Jaamac (dagale) Wabilaahi Towfiiq Afhayeenka Baarlamaanka Karkaar State.
-
Walahi wa geesi yaro so korayaa may allah bless him