- 
				
Content Count
30,096 - 
				
Joined
 - 
				
Last visited
 - 
				
Days Won
79 
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
- 
	Madaxweynaha Somaliland Oo ku soo guryo noqday dalka kana hadlay socdaalkiisii November 28th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal qaatay muddo bil ku dhow uu dalalka Ingiriiska, Itoobiya Iyo Jabuuti. Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii oo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa waxa madaarka ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiiladda iyo Guurtida), Wasiiro, Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, iyo Dadweyne kale. Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo saxaafadda ugu waramayay Qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa ka warbixiyay socdaalkiisii oo iskugu jiray fasax iyo socdaal shaqo. “Farxad weyn ayay ii tahay Aniga iyo weftiga ila socdaba inaanu ku soo laabano dalkii hooyo, waxaanu muddo bil ku dhow dhow aanu tagnay dalalka Itoobiya, Ingiriiska iyo Jabuuti oo aanu saaka ka nimid,dibadaasi aanu u baxnay may ahayn marti qaadyo, manay ahayn casuumado iyo shirar aanu ka qeyb galaynay waxaan ku tagay sifo shakhsi ah oo fasax ah. Wadamadaasi aanu soo marnay oo dhan waxaanu iska arkaynay madax iyo masuuliyiin.” “Dalka Ingiriiska waxaanu iska aragnay qaar ka mid ah Wasiirradda iyo Baarlamaanka Ingiriiska. Waxa kale oo aanu Itoobiya kula kulanay Raysal Wasaare Males Zanawi,”ayuu yidhi Md. Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu dalka Jabuuti kula kulmay shalay madaxweynaha dalkaasi. “Meeshii aanu tagnaba si aad iyo aad ah ayaa naloogu soo dhaweynayay, waxaana aanu mid walba kala hadlaynay danaha Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaasi ku daray “Magac iyo qiimo weyn ayaa Somaliland u yaala dibada iyo meelihii aanu tagnay.” Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay dalka Ingiriiska kula kulmeen Jaaliyada Somaliland ee wadankaasi ku dhaqan oo uu tilmaamay inay uga xog warameen xaalada guud ee dalka. Madaxweynuhu waxa uu madaarka salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammadda qaranka, waxa wadada wadnaha ee Madaarka illaa Maxtooyada tubnaa dad aan u badan oo u gacan haadinayay soona dhaweynayay Madaxweynaha. Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirradda Madaxtooyada, Arrimaha dibada, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada iyo maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa.
 - 
	Waxaan U Imid Somaliland Siddii Beelahayaga Xuduuda Cidhifka Bari Ay Dalkan Wax Ula Qabsan Lahaayeen, Dhaawacyada La Keenay Hargeysana Waa Dadkayagii Ku Soo Dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacayo” Suldaan C/casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud Hargeysa, November 28, 2011 (Haatuf) - Suldaanka beelaha xuduudaha Cidhifka bari ee Somaliland Suldaan C/casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud, ahaana afhayeenka nabadoonada maamul goboleedka Puntland oo dhawaan caasimada Hargeysa soo gaadhay ayaa sheegay inuu uga soo digo rogtay Isirkii dhalasho ee ka dhexeeyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, isla markaana tilmaamay in aanay shaqayn doonin Isirka dhalasho oo uu ku beerlaxawsado maamulka Faroole beelaha dega cidhifka bari ee Somaliland. Suldaan Afguduud ayaa Faroole ku tilmaamay inuu leeyahay habdhaqanadii kalidii taliyihii Liibiya ee Qadaafi ee shacabku khaarajiyeen. Suldaan Cabdicasiis ayaa sidoo kale xukuumada iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyay dadka ku dhaawacmay dagaaladii ciidanka Puntland iyo maleeshiyada beesha Leel-kase ku dhex maray magaalada Gaalkacayo ee Somalia, oo qaar ka mid ah Caasimada Hargeysa la keenay Sabtidii todobaadkan halka qaar kalena maanta la keenayo. Suldaan Afguduud waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf ugu xogwaramay Hargeysa, ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya dadka ka soo jeeda beesha Goldogob dhaawacyadooda la keenay Hargeysa oo lagu dawanayo mid ka mid ah Cusbitaalada ayaa waxa uu yidhi “Afar qof oo ka soo jeeda beesha Goldogob oo ku dhaawacmay dagaalkii u dambeeyay ee ciidanka Faroole iyo beesha laale kase ku dhex maray Gaalkacayo, oo loo qaaday markii magaalada Muqdisho ee Somalia, balse waxba lagaga qaban kari waayay, waxa kale oo iyagana dhaawacyadooda maanta la keenayaa afar qof oo kale oo iyaguna ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii ciidanka faroole ku qaaday xaafada garsoor ee beeshani dagto, sidaa darteed waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xukuumada iyo shacbiga dalkani kaalinta Bani’aadanimo ee ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka calaadeed ku haystaan Somalia, dadka dhaawacyadooda maanta la keenayo Hargeysana masuuliyiinta hay’adaha amaanka Somaliland waanu ku wargalinay, halkana waxa dagan ehliyadoodii oo ku sugan” Suldaanka oo aanu waydiinay ujeedooyinka socdaalkiisa Somaliland uu ku yimid iyo hawlaha uu la xidhiidho, waxa uu yidhi “Safarkayga Hargeysi waxa uu ku yimid wada hadal na dhex maray wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo ku saabsan in la gaadho deegaanda cidhifka bari ee xuduudaha Somaliland ee beesha aan suldaanka u ahay ay dagto iyo sidii wada hadal ay kaga qaybgalaan xukuumada Somaliland loola furi lahaa, ayna uga soo guuri lahayn, Isirnimo iyo hayb wadaaguna soo guuri lahayn wax la qabsiga qaranimada Somaliland oo ah dal iyo dad xuduudaha Somaliland naga dhexeeyaan, maamulka faroolena xuduudahooga ku eekaadaan, sidaa darteed Isirnimadii haybeed shaqayn wayday, waxaanay beelahayaga ku jira xuduuda Somaliland diyaar u yihiin in la dardar galiyo wax wada qabsiga bulshada Somaliland ee ku abtirsata xuduuduhii 1960-kii, waxaanu safarkaygu ka mid yahay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u fidiyay beelahayaga bariga Somaliland” Suldaan C/casiis Afguduud oo aanu su’aalnay maadaama ay isku beel ka soo jeedaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxyaalaha xilligan keenay inuu Somaliland ugu soo dogo rogto, waxa uu yidhi “Faroole waa shakhsi macangag ah, waxaanu ku kala fogaanay kali talisnimada uu wax ku wado waxaanu noqday Faroole Qadaafiga Puntland,sidaa darteed shaqayn mayso isir haybeed oo nin dan lihi ku shaqaysto, dawlada Itoobiyana waxaanu u balanqaadaynaa inaan cid cadow ahi uga soo talaabin xuduudaha cidhifka bari.
 - 
	Wasiir Ka Tirsan DKM Ah Ee Soomaaliya Oo Ictiraafay "Somaliland" Lasanod Online.*Sunday, November 27, 2011 Maqaal:- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud oo idaacadda Codka Mareekanka {VOA} waraysi la yeelatay.. taariikhdu markay ahayd 13/11/2011 ayaa isagoo ka jawaabaya su'aal Hargeysa laga soo weydiiyey cadeeyey inaanu u qalmin xilka uu u hayo dalka Soomaaliya. Waxa su'aasha qof reer Hargeysa ahi wasiirka weydiiyey ahayd: "Mudane Wasiir, maadaama koonfurta Soomaaliya dagaal iyo dhibaato ka bixiweyday Somaliland-na tahay meel nabad, horumar iyo dimoqraadiyadi ka jirto, miyaanay kula ahayn in Dawladda ku Meelgaarka ahi ictiraafto madaxbanaanida Somaliland si ay adduunweynaha ictiraaf uga hesho? Halkii laga filayey in wasiirku ka hadlo midnimada dalka oo u caqli celiyo dadka shaydaanku dacarta u mariyey midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxa jawaabtii wasiirku noqotay: " Anigu waa taageersanahay waana ku faraxsanahay in Somaliland goonni isu taagto laakiin arrinta ictraafku waa mid u taal golayaasha dawladda Soomaaliya". * Sannadkii 1967 ayaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Soomaaliya waxa lagu eedeeyey inuu bixiyey sir qaran. Wasiirkaas oo ahaa Axmed Yuusf Ducaale waxa maxkamadi ku xukuntay 20 sano oo xarig ah ka dib markii eedayntii ku cadaatay. Wasiirka xarigaas dheer mutaystay dalka ma kala goy'nayn ee sir qaran ayuu u gudbinayey dawlad kale markii la qabtay. Hadaba Axmed Yuusuf Ducaale iyo Cabdisamad Macalin Maxamuud koodee dembi weyn? Wasiir Cabdisamad ma lagu eedayn karaa inuu galay khiyaamo qaran? Ma istaahilaa ninka sidaas u hadlay oo muujiyey inuu ka qaawanyahay wadaninimada inuu hayo xil qaran? Su'aalahan jawaabahooda waxa ummadda Soomaaliyeed xaq ugu leedahay Madaxweynaha , Wasiirka Kowaad iyo Barlmaanka Soomaaliyaa. * Laga soo bilaabo January, 1991 nooc walba oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah cid ayaa ka soo qabatay jago wasiir. ********, qab qable dagaal, qof aan wax qorin waxna akhriyin iyo mid dugsi galay: qayb kasta oo bulshaweynta ka mid ahi jago wasiir iyo mid ka saraysaba soo martay labaatankaas sano. Dadkaas kala nooca ah oo kala heerka aqooneed ah weli qof ka mid ah lagama maqal wax u dhigma ama u dhaw khaa'in-nimada Wasiirka Arrimaha Gudaha ee hadda xilka haya. Kaaga darane waa "aqoon-yahan". * Waxa kale oo iyana aqoon-yahano lagu sheegaa Wasiirka Kowaad, Cabdiweli Maxamed Cali iyo golihiisa wasiirada. Madaxweyne Sheekh Shariif qodhiisu jaamicad soo caga-cagee. Ilaa maalintii wasiir Cabdisamad oraahda xaaraanta ahi afkiisa ka soo yeertay oo ahayd 13/11/2011 waxa ummadda Soomaaliyeed sugaysay bal waxa DKM arrintaas ka yeesho. Ilaa maanta oo taariikhdu tahay 22/11/2011 cid xil ka haysa DMK oo arrintaas ka hadashay ma maqal. Ma loo qaadan karaa in waxa wasiir Cabdisamad ku hadlay ay tahay arrin Golaha Wasiiradu la ogyahay? Ma la ogyahay Sheekh Shariif? Muxuxuu barlamaanku arrinta ka qabaa? * Haddii wasiir Cabdisamad jagada laga qaadi waayo oo maxkamad la soo hortaagi waayo, waxa cadaanaysa in barlamaanka, madaxweynaha iyo golaha wasiiradu khaa'in-nimadan qaran la ogyihiin kulana jiraan wasiirka. Ummadda Soomaaliyeed ayay markaas arrintu u taal
 - 
	
	
				Prof. Abdiwali Somali PM arrives on an official visit to Qatar
Xaaji Xunjuf replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Is qatar sending troops to somalia two - 
	Maxamaad cabdilahi cumar maaa xaaji adaan afqalooc baa loooool
 - 
	
	
				In Answer to Carafaat's Somali Pan-Nationalism
Xaaji Xunjuf replied to Mintid Farayar's topic in Politics
I can understand carafaats point of view but the question is will it work somalis can agree drinking shaah chewing qaad making love doing gabay and making music together whether they are from garisa djibouti or bosaaso but the question will they agree on politics the point carafaat is raising is let's do all things that makes us Somali and not talk about politics maybe it will create a new healthy relationship - 
	Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Alabaabaddu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulankoodan ku soo hadal qaaday sidii ay.... Jabuuti (GNS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan balaadhan maanta la yeeshay Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliand Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) oo maalmihii u danbeeyay hawl shaqo ku joogay magaaladda Jabuuti ee Dalka Jabuuti. Kulanka Labadda Madaxweyne Oo Ka Dhacday Qasriga Madaxtooyadda Dalka Jabuuti ayaa ahaa kulan y albaabaddu u xidhan yihiin, waxana la sheegay in ay labadda madaxweyne ka wadda hadleen Arimaha Nabadgelayadda ee Labadda Wadan, xidhiidhka ganacsi, waxana ay wararku sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Geelle si adag u naqdiyeen siddii loo dhamaystiri lahaa Hashiiskii ay Sanad ka hor labadda dal ka wadda hadleen. Madaxweynayaasha Somaliland iyo Jabuuti ayaa kulankoodan la sheegay in ay ku soo hadal qaadeen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen labadda wadan Budhacad badeednimadda iyo Argigixisadda. Warar ku agdhow kulanka labadda madaxweyne ayaa sheegaya in ay isku afgarteen Hashiiskan, isla markaana ay wasiirro ka tirsan labada dal loo xil saari doono hirgelinta iskaashiga labada Wadan. Si kastaba ha ahaatee kulankan uu madaxweyne siilaanyo la yeeshay madaxweynaha dalka jabuuti ayaa noqonaya kii labaad tan iyo intii uu hayay xilka madaxtininmo.
 - 
	
	
				Awdal State Iyo SNM State Maxey Isku Hayaan Gardarada Yaa Wada?
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
This is even more than bacaac wa budhudhuq caadi ah - 
	Kuma necbeen eeh kursiga ku qabso baan is lahaay eeeboow looooooooooooooooooooool
 - 
	They are in denial because there is no occupation the only problem is some of their folks are still allied to the garowe clan state.
 - 
	
	
				Somaliland - Recognition - No Downsides - Congratulations!
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I can't see the video I am on my phone jb gaalku muxu leeyahay - 
	The Abyssinians will never rest untill they are given a proper asswhoop but that said we are not in shape of doing anything close to that iskada waxaso iyagi ba la ino baryaya allow maxay umadi sharaf beeshay Beri na Aarka Geeska Africa laa ino Yaqiinay allow alleh. Ninki garanaya garanaya Somali waxay beri ahayd tallow dhasheenu ma inaga rumeysan doonaan in aynu mar Nazareth dusheeda joogi jirnay.
 - 
	He needs to eat what a skinny farax
 - 
	Jumca wanaagsan yaa Muslimiin and today is the new islamic year
 - 
	At least the ssc people use Kh instead of the Q gob iga dhe
 - 
	^^ No But Somaliland Patriotism
 - 
	" frameborder="0" allowfullscreen>
 - 
	Regional Summit Urges Ethiopia to Send Troops to Somalia Heinlein | Addis Ababa, Ethiopia Ethiopia's Prime Minister Meles Zenawi arrives at the 16th Extra Ordinary Summit of IGAD Heads of state meeting on Somalia, in Addis Ababa, November 25, 2011. A Horn of Africa regional summit has given its blessing to the return of Ethiopian troops to Somalia, but the force will remain outside African Union command. The Inter Governmental Authority on Development, or IGAD, Friday officially asked Ethiopia to support the campaign by Kenyan, Somali and African Union forces against Somalia's al-Shabab rebels. At the end of a one-day regional summit, IGAD Secretary General Mahboub Maalim said Ethiopia had agreed to help. "The members of the summit did request the Ethiopian government to come in and assist peace and stabilization activities that are going on in Somalia, and there was a promise from the Ethiopian government to help," he said. It was not immediately clear how Ethiopian troops would contribute to the campaign against the al-Qaeda linked rebels. But African Union Peace and Security Commissioner Ramtane Lamamra said the Ethiopian force would not be under the command of the AU mission known as AMISOM. "The IGAD summit was ready to even consider the possibility of Ethiopian troops to be included in AMISOM, but it is the wish of the Government of Ethiopia to continue to support, to assist in any way possible both AMISOM and TFG [Transitional Federal Government] troops without being integrated into AMISOM," Lamamra said. Officials Friday said Ethiopia has not begun operations in Somalia, though news agencies have quoted witnesses saying Ethiopian troops have taken up positions several kilometers inside the border. Ethiopian foreign ministry spokesman Dina Mufti said Addis Ababa would respond to the IGAD call “as soon as possible”. Diplomats say the Kenyan troops that entered Somalia nearly six weeks ago are expected to become part of the AMISOM force as soon as the United Nations Security Council approves an increase in the size of the mission. AMISOM currently has an authorized strength of 12,000, but the Security Council is considering a request to increase it to 20,000. Commissioner Lamamra said Kenya's inclusion in AMISOM would provide the force with much-needed “force enablers” to upgrade the military campaign. "Once Kenya is re-hatted, [wearing caps of AMISOM] already you have enablers on the ground. Helicopters are there, aircraft are there, warships are there, so there will be be a need to make proper arrangements for those enablers to be usable by the etire opeations across the entire territory of Somalia." The communique issued at the end of the summit condemns regional outsider Eritrea for supplying ammunition to al-Shabab. Eritrea denies the charge. Eritrea suspended its membership in IGAD a few years ago, but its recent attempt to rejoin has been rebuffed. The summit also took the opportunity to admit Southern Sudan as its newest member. The regional economic community now includes Kenya, Somalia, Ethiopia, Sudan, Southern Sudan and Djibouti. Four heads of state attended the summit; Kenya's President Mwai Kibaki, Somalia's President Sheikh Sharif Ahmed, Djibouti's President Ismail Omar Guelle, and the host, Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi.
 - 
	Valanteenah he must have got that impression from knight of wisdom the fallen soldier
 - 
	Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii oo caawa si Meeqaam Sare ah Loogu soo dhaweeyay Jabuuti November 25th, 2011 Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa caawa fiidkii si meeqaam sare loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti ee aynu dariska nahay. Weftiga Madaxweynaha oo ka degay madaarka Magaalada Jabuuti 6:15 daqiiqo, waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta, Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo boosaha Md. Cabdi Xuseen Axmed iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Cali Cabdi Faarax. Sidoo kale, waxa madaarka iyaguna ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Wasiirradii Somaliland ee maalmihii la soo dhaafay ku sii sugnaa dalka Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen Madaxtooyadda, Kuluumaysiga, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), Md. Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis. Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu qadar nasasho ah oo ay ku qaateen qolka nasashada ee madaarka Jabuuti waxa lagu qaaday Baabuur khaas ah oo loogu tallo galay in lagu galbiyo Madaxda sar sare ee dalkaasi booqashada ku yimaada. Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo khamiistii soo gaadhay dalka Itoobiya oo ay xalay u hoydeen waxay ka soo kicitimeen maanta iyadoo ay la socdeen diyaarad khaas ah oo ay leedahay dawlada Itoobiya. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo socdaal shaqo iyo fasax ku tagay dalka Ingiriiska waxa ku weheliya booqashadooda Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Faysal Cali Sh. Maxamed. Weftigu waxay kulamo kula yeelan doonaan dalka Jabuuti madaxda sar sare ee dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan dhamaystirka heshiisyadii iskaashi ee ay labada dawladood kala saxeexdeen kal hore iyo sidii loo sii balaadhin lahaa cilaaqaadka labada dal.
 - 
	Happy islamic new year ilahay caafimad iyo wanaag hanugu gaadhsiyo sanadka danbe
 - 
	i prefer ssc Hotel over Ngonge and his predicament but political confusion comes when people scream unity but can't unite their own Clan they scream tol unity but Can't share a single administration with their closest tribesmen ,there must be something really wrong there.
 - 
	Hence, so long the south political mantra is: "territorial sanctity" of the the then erstwhile Somali republic in "nonnegotiable", then, I fear, whatever communal engagement that Somaliland is prepare to indulged in with Somalia will be something is done at arm's length, indeed. i've been telling him this for weeks but he seems to ignore this point
 
