Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,068
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Liibaan how can you not care about the Kampala accord it's the accord the Somalia TFG government reached with its different factionaries in neighboring countries it will shape its future if you are willing to be part of Somalia,you should care about that. Its not all is about having you're clan state come out of the village Liibaan.
  2. Wasiirka Daakhiliga oo shaaciyay Magacyada sagaal xubnood oo ku eedeysan inay fuliyeen dilkii Seemaal January 4th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada eedaysanayaasha ka danbeeyay dilkii lagula kacay Sadex qof oo aan waxba galabsan ee ka dhacay deegaanka Seemaal iyo hal qof oo lagu dilay deegaanka Ceel bardaale isla markaana amar buuxa ku siiyay Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Boolisku sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen eedaysanayaashaas si sharciga loo hor keeno. Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu hadalkan ka sheegay kulan balaadhan oo ay la yeesheen madax dhaqameedka Gobolka Gebilay. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibada,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha , labada Taliye Ciidan ee Qaranka iyo Booliska, kulankaas ayaa lagaga hadlay sidii loo soo qaban lahaa shakhsiyaad ku eedaysan dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka gobolka gebiley sidii ay kaalin muuqata uga gaysan lahaayeen in la soo qabto dhamaan eedaysanayaasha ku lugta leh dhacdadaas si cadaalada loo hor keeno waxaanu halkaasi ka xaadiriyay magacyada shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen falkii lagu dilay Sadex qof oo aan waxba galabsan kaas oo ka dhacay deegaanka Seemaal oo u dhaxeeya Baki iyo Gabilay kuwaas oo kala ah 1. Jimcaale Yabaal Xirsi 2. Shucayb Cismaan Xirsi 3. Cismaan Cali Ducaale (Degle) 4. Mukhtaar Maxamed Xuseen (Geney) 5. Dayib Aadan Degel fadhi Af-yuub 6. Yaasiin Axmed Quful 7. Maqas Maxamed Maal 8. Cabdi Cumar Xuseen iyo Odaygooda oo uu wasiirku ku sheegay 9. Cawar Xareed Sidoo kale waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu soo bandhigay Shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen dilka hal qof oo ka soo jeeda gobolka gebilay oo maalin kadib dhacdadii Seemaal la dilay 1. Muuse Qoor Gees 2. Abiib Jaamac Seeraar 3. Carab Faahiye Dhawal 4. Ismaaciil C/laahi Buux Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)waxa uu amar buuxa ku siiyay labada taliye ciidan inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanayaasha loo haysto dilkaas foosha xun. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa bulshada ku nool gobolka gebilay waxa uu hoga tusaaleeyay qiimaha nabadgalyada iyo sida ay waajibka u tahay in laga feejignaado wax kastoo dhaawacaya wada dhalashada iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah ee ku nool Gobolada Gebilay iyo Awdal. Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka General Maxamed Xasan Jidhif oo balan ku qaaday inay u hawl galayaan gacan ku soo dhigista eedaysanayaashaas si sharciga loo horgeeyo, waxaa kale oo taliyuhu u soo jeediyay dadka ku nool deegaanada ay dilalkani ka dhaceen inaan lagu arki Karin cid hub sidata . Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska General Maxamed Saqadhi Dubad iyo madaxda heer gobol iyo mid degmo ee gebilay. Weftiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu waxay markaas kadib u kicitimeen dhinaca gobolka awdal iyagoo haatan ku sugan magaalada Boorama.
  3. Dee isagu wa Amiirka hogaan iyo ciidan kala saar isagu mamuulku hagaya abwaan maad taageersantahay xabashida inay Somalia gudaheeda so galaan oo ciidankooda Somalia u xoog u sheegtaan?
  4. Amiirka Al Shabaab oo jaaliyadaha dibada ugu baaqay in ay kusoo biiraan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya Amiirka Al Shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr ayaa ugu baaqay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada in ay dalka kusoo laabtaan kana bar bar dagaalamaan Al Shabaab si buu yiri ay u wajahaan ciidamada Shisheeye iyo kuwa dowlada KMG. Abu Zubeyr oo la hadlay idaacada Al Andalus ee ku hadasho codka Al Shabaab kana howlgasho deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in dagaalka hada socdaa uu u dhaxeeyo Gaalo iyo Islaam sidaasi daraadeedna ay garab siiyaan Islaamka sida uu hadalka u dhigay. “Jaaliyaadka muslimiinta ee Soomaaliyeed waxaan u dirayaa fariin, ugu horeyn ALLA haka cabsadaan meel kasto oo ay joogaan, waxaan leeyahay dalka kusoo laabta gacmo furan ayaan idinku soo dhaweyneynaa, maanta waxaa jira dagaal gaala iyo islaam ka dhaxeeya oo caalami ah marka waxaa la idinka rabaa oo idinla gudboon in aad safka islaamka soo buuxisaan,” ayuu yiri Abu Zubeyr. Dhanka kale Waxa uu difaacay weerarada isqarxinta ah ee ay fuliyaan dhalinyarada ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo uu ku tilmaamay wax ku banaan shareecada Islaamka. “Arinta calamiyaadka istishhaadiga waa camliyaad barakeysan raad badan waxay ku leedahay jihaadka maanta socda iyo dhamaan saaxafada jihaada caalamiga ah, waa wax aad uga muuqda dalalka Afganstan,Ciraq, Shiishaan iyo Soomaaliya, marka hadii aan milicsano xaga sharciyada waxaan u daliishan karnaa dhinaca shareeca Islaamka ijmaaca culimada oo baneeyey, kuwa culumaa,usii,a waxay leeyihiin ma banaana, marka waxaan dhihi karnaa waa albaabka koowaad ee jihaadka,” ayuu yiri Abu Zubeyr oo magaciisa dhabta ah uu yahay Axmed Aw Godane. Al Shabaab ayaa hada wajaha dagaalo dhowr waji leh oo kaga furan dhamaan gobolada ay maamulaan, dhawaan waxaa gacantooda ka baxday magaalada Baladweyne iyadoo iminkana ay dhaq dhaqaaqyo ka jiraan gobolada Bay, Bakool iyo Gedo kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo dowlada KMG Soomaaliya. Horseed Media
  5. 'Liibaan';770292 wrote: Awdal State, Northwest triangle, Maakhir State , and SSC State are all part of Somalia All of that is Somaliland
  6. War liibaan sawdiga babqaa igu noqday oo kale Maya waxan ka waday Darawiishtad jeceshihid iyo Alshabaab dhoobadooda meel ba laga wada qaaday wa niman isku maba dii ah.
  7. ^ No they shouldn't somaliland should continue to deport these illegal immigrants back to their land of origin.
  8. 'Liibaan';770241 wrote: The whole World knows the Leader of Shabaab is from Somaliland Clan Enclave . Maybe the 2 ladies work for the terrorist Ina Godane. Liibaan Alshabaab are the likes of the Darwiish u love so much
  9. We support the conference reer tashanaya ma wax laga so horjeedaba u malayn mayo ilahoow kheyr ka dhig khaatumo 2
  10. interesting development there in kenya, nimanka azania niman naxaya ba maha
  11. Maya malika waxan is idhi mala inantu qalcada hoosteeda bay ku dhalatay ileen qofkasta tuuladu ka yimi aad bu ula qiirooda lol
  12. Malika are you from taleex or from other parts of sool?
  13. u kaadi Miskiinow dh'ada meel walba lama galiyo lool Arki comes from Arag not adhag loooool
  14. Carafaat;770095 wrote: Siilaanyo and Ali Khaliif Galeyr are very good friends and have a secret agreement. And also very old friends.
  15. Somalia ssc are regions of Somaliland there is no need to work with the garowe clan enclave against our very own countrymen.
  16. Cowke is still there but his partner in crime bushaaro ali bande is leaving Universal tv soon.
  17. Meesha wanaagsan iyada ku geyn khaatuma meel kheyr qabta ku kaxayn doonta inshallah
  18. ^^ hebel nuur ingriis ma qof ba magac noocaas ah la yidha