Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. C/laahi Axmed Cadow oo sanado kadib soo gaaray Muqdisho Muqdisho: (Sh. M. Network) Siyaasiga C/laahi Axmed Cadow oo maanta soo gaaray Magaalada Mudisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ururada Haweenka, Dhalinyarada, Fanaaniinta iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Siyaasiga oo gudaha Garoonka ugu horeyn kula hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu u mahaceliyay dadkii ka qeyb gaatay soo dhaweyntiisa iyo shaqsiyaadkii soo abaabulay, isagoo sheegay in tani ay ku beerayso dareen gooni ah, waxaana uu sheegay in shacabka looga baahanyahay inay muujiyaan midnimo si looga baxo dhibaatada. Intaasi kadib ayaa siyaasiga waxa loo galbiyay Hoy uu ku leeyahay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana shir jaraa’id oo uu ku qabtay halkaasi uu ku sheegay u jeedkiisa ku aadan safarka uu ku yimid Magaalada Muqdisho, isagoo ku sababeeyay in uu arko xaaladda ka jirta dalka iyo doorka uu ka qaadan karo samata bixinta shacabka Soomaaliyeed. Prof: C/laahi Axmed Cadow ayaa mar la waydiiyay suurta galnimada in mar kale uu u tartamo xilka madaxtinimo ee dalka ayaa waxa uu sheegay inay dhici karto madaama sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaadkii uu horey ula tartamay aan soo kordhin wax is badal ah, baahidii loo doortana ay wali taagantahay. Siyaasiga C/laahi Axmed Cadow oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dalka ayaa dad badani waxa ay ku xusuustaan xilliyadii uu isku soo taagay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka kala dhacday Magaalooyinka Carta iyo Ildoreed ee dalalka Jabuuti iyo Kenya xilligaasi oo uu la tartamay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya C/qaasin Salaad Xasan iyo C/laahi Yuusuf Axmed.
  2. Wa fiicantahay suldan Maxamad abdilqadir sii wanaagsan bu u hadlay its better to get recognition from the Somaliland sultan instead of getting the approval of TFG Minister of agriculture well done .
  3. Interesting debate the banadiri guy has a point even though an admin in Banadir and xamar as its regional capital is not feasible since its the country's capital.
  4. Ciidamada Liyuu Booliska Dawlada Kilalka Shanaad Ee ETHIOPIA Oo Dib Ugu Baxay Deegaanka Raqda Oo Ay Ku Laayeen Dad Rayid Ah Shalay Iyo Maleeshiyo Taabacsan Qabiilka Uu Isu Diyaarinaya Dagaal Xoog Leh. Raqda (Ramaas) 18, 2012- Ciidamada daacada u ah maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka ETHIOPIA, ayaa dib uga baxay deegaamo hoos yimaada Gaashaamo oo ay dad rayid ku layanayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay,iyaga oo ka cabsi qabo weeraro kaga yimaado ciidan beeleedyo isku abaabulaya dagaalka dhulkooda ku xoraynayaan . Ciidamada Liyuu booliska ayaa xalay u jihaystay dhanka jiida Danood,kuwaasoo qorshaynaya in u guuraan Qaraxay oo aad uga fog goobihii ay dagaaladu ka dhaceen,laakiin waxa aanu la ogayn in ay isoo rogaal celin doonaan iyo in kale,iyada oo dadka ku nool Tulooyinkii shalay la gubay ay ka go’an tahay dagaal qadhaadh oo ay galeen. Ciidamo beeleed gurmad xoog leh ka helay jiidaha kale ee ku dhaw Gaashaamo ayaa soo gaadhay Raqda oo ahayd xuduntii uu dagaalku ka bilaabmay , waxaana ay ciidamadaas ka hawlgeli doonaan aag ballaadhaan,iyaga oo difaaci doona dadka rayidka, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya dhulkaas. Shlay ahayd markii Suldaanka guud ee beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ku eedeeyay ciidamada Liyuu booliska in ay wadaan gumaad aargoosi ah oo ka dhan ah dad gaar, waxaana uu sheegay dadka deegaanka la soo weeraray ay isdifaaci doonaan , haddii ay khatar dareemaan. .
  5. Eritrea can stand their ground like they did in badme a decade ago but right now they are isolated UN sanctions bad relations with neighboring countries like Djibouti Kenya not to mention their arch enemy Ethiopia. Somalia is broken it doesn't make it better for them they are not ready to be on the offensive but they will defend their territory that's for sure.
  6. Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay wefti ka socday dalka Turkiga oo Socdaal ku yimid Somaliland March 18th, 2012 a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/03/turkiga3.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Ha’yada dalka Turkiga u qaabilsan iskaashiga iyo xidhiidhka oo hoos yimaadda Raysal wasaaraha dalkaasi. Waxyaabihii kulankaasi lagu falanqeeyay waxa war-saxaafadeed ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda Dawladda Turkiga u qaabilsan wax-wada qabsiga iyo xidhiidhka oo hoos timaada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Jamhuuriyada Turkiga. Abdulahad Kokdagi oo ah TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR ayaa madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka uu weftigiisu ku yimid dalka waxaanu sheegay inay Dawladdiisu diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga caawin lahayd, Baahiyaha Horu-marineed hadii ay noqon lahayd wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mida. Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda turkiga ku amaanay fir-fircoonida xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale. < Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xidhiidh fac-weyni ka dhaxeeyo Turkiga iyo Somaliland. Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland u qabto kaalmada Turkiga oo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay rummoobi-doonto, wasiiradda, Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta iyo Macdanta, Tamarta & Biyaha, ayaannu u xil-saaray inay weftiga u qadimaan baahiyaha Lama huraanka ah ee ay Dawladda Turkigu ka caawin karto Somaliland.
  7. Mario B;805797 wrote: Good advice from the man from the clan fiefdom of " Besha Dhexe " You do no if you keep saying beesha dhexe eventhough i am not how ever if you keep using that terminology you indirectly support Somaliland and others will call you beelaha hareeraha ama beelaha darafyada:D
  8. NASSIR;805726 wrote: Mario, Do you agree with them that Somalia automatically means Somaliwayn? Somalia +Somaliland = 2 parts of Somaliweyn
  9. Nassir in regards of pl don't you want to be like Pl with you're maakhir? The same with my cousin taleexi who also wants his own clan fiefdom.
  10. The Government of Somaliland should assist its people inshallah they need to be taken care of hadu allah idha amiin allah ha u fududeyo also the communities abroad should send money back home to help.
  11. ^^ nuune mala wuxu mooday in Somaliland la aqoonsaday war mapka waluguu daray Somaliland laakin dee calaamku wali ma aqoonsan wa run taasi.
  12. A high level delegation from the AfricanDevelopment Bank group headed by Dr. Abdirahman Beile and a nine members delegation are in Somaliland to establish working relationship with the government of Somaliland for the first time since 1991. The delegation was received upon their arrival by the Minister of Energy, Mineral and Water Resources Hon. Hussein Abdi Duale and the Minister of Agriculture Mohammud Farah Elmi. Speaking to the press in the VIP lounge at the Egal International Airport Dr. Abdirahman Beile said that his team were in the country to lay the ground work for future cooperation between the bank and Somaliland. He added that after great consideration the bank has opted to work with Somaliland on issues related development such as water, agriculture and capacity building. Dr. Beile said that the bank will hold a series of meetings and consultation with the government so as to figure out how to procede in future engagements he added that since somaliland is recognized internationally it enjoys relatively peace compared to the rest Somalia in this regard however Somaliland has a far better track record of political stability and peaceful democrazy were development can thrive . African Development Bank manages a large portfolio of operations in different sectors and countries in Africa and it ensures that its operations yield results on the ground. The effective implementation of these operations depend supervision but also on the capability of those of manage them. Therefore, to enhance development effectiveness and knowledge sharing in African, the African Development Bank has recently approved a capacity development strategy under when the African Development Institute (ADI) is the focal point in addition, to better respond to the country’s needs in capacity, the strategy provides the African Development Bank Group with a platform to strengthen it international capacities, particularly those related to the implementation of its operations. To achieve these objectives, the institute works in close collaboration with all departments and develops active partnerships with other institutions. Somaliland Minister of Energy and Water Resources hailed the decision by African Development Bank to engage with Somaliland as a move to enhance effective development in somaliland
  13. Dagaal Faraha lagaga Gubtay oo Ka dhacay Caawaysinkii Tuulada Galka Gondo labaax Dhimasho badaniyo daawac uu dagaalkaasi sababay. Published: 17/03/2012 @22:46 Ciidama LYU police ka ayaa markay Galabta cedceedu liiqa sii dhagaysay Weerar gaadmo ah ku soo qaaday Tuulada GalkagondoLibaax halkaas oo ay gacanta ku dhigeen lix nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka halka ay ku dileen ugu yaraan kow iyo toban ruux. kadib markii uu dhacay weerarkaasi ayaa ciidamo gurmad ah oo u yimid ciidamada deegaankaasi ay ka daba tageen ciidamdii Soo weeraray ee LYU police ka halkaas oo dagaal aad u xoogan oo saff balaadhan ahi ka dhacay meel aan ka fogay Tuuladaasi. Daryanka rasaasta ayaa la maqlaayey ilaa cawaysinkii taas oo ay labada dhinacba isku mari la yihiin dagaalka ka socda goobtaasi . Ilaa iyo hada ayaan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dambe ee saffka balaadhan ah . Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Togaherer.com
  14. It's in the interest of the TPLF to create animosity between the various communities in Somali galbeed region and its true the Liyo Police commits crimes in all parts of Somali galbeed for instance yesterday they Killed a young man from Gaashaamo. Reer Gaashaamo retaliated and killed 9 of the Liyo Police today the Liyo police burned down some villages near gaashaamo and also arrested some nomads and killed others. But the addis ababa regime gave abdi Ileey and his administration in jigjiga free pass to do what ever he likes fight clan wars as long as he hunts down ONLF the anti Ethiopian rebel movement in the region,its a sad situation we live in may allah be with us.
  15. I support islam in Somalia i reject suicide bombings killings of innocent civilians and also killings of Somali students and i don't support Alshabaab. Just Because Godane is from Hargeysa that does not mean the wars in gaaashaamo is related to shabaab. There are no shabaaab in gaashaamo so what is you're source?
  16. Nonsense the Ethiopian liyo boolis is fighting local nomads from gaashaamo what is the source?
  17. Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalkii Liyuu Booliska Iyo Dadka Shacabka Ah Ku Dhex Maray Duleedka Gaashaamo, Tuulooyin La Gubay Iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Ka Hadlay Hargeysa (Ramaas) Mar 17,2012 – Deegaanada ay ku yaalaan Tuulooyinka Galka-boodo-libaax, Dhoobo-Guduud, Raqda iyo Cadaada oo ka mid ah deegaanada kililka shanaad ee dalka Itoobiya isla-markaana ay dagan yihiin dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo dagaal ba’an ku dhex maray ciidamada Liyuu booliska Itoobiya iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool ayaa la sheegay inay saaka weerar rogaal celin ah ku soo qaadeen ciidamada Liyuu booliska oo la sheegay in shalay dadka shacabka ahi ka dileen 8 askari. Dagaalkan oo ka bilaabmay nin lagu magacaabi jiray Farxaan Cali Goohe oo ciidamada Liyuu boolisku ku toogteen badhtamaha tuulada Raqda, ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu booliska weerar ay ku qaadeen shacabka deegaankaasi oo is-abaabulay ka dileen 8 askari ayaa la sheegay inay saaka weerar ku qaadeen tuulooyinkaasi, isla-markaana gubeen mid ka mid ah afartan tuulo isla-markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dhaawaceen 15 qof oo shacab ah. Colaadan oo aan ilaa hadda si rasmi ah u joogsan ayaa waxa ka hadlay isla-markaana khasaaraha ka dhashay faafhfaahiyey Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu Liyuu booliska ku eedeeyay inay yihiin askar ka kooban cid gaar ah oo aan u sinayn dadka kililka shanaad ee Itoobiya u sinayn. Suldaanka oo ugu horeyn faahfaahinaya sida waxa u dhaceen waxa uu yidhi “Sida warku nagu soo gaadhay shalay ayaa tuulada la yidhaahdo Raqda ay ciidamada Liyuu Boolisku ku dileen nin la odhan jiray Farxaan Cali Goohe, dadka shacabka ahina dhibaato ayay ka tirsanayeen askarta Liyuu booliska, dilkaasina shalay mid fool xun ayuu ahaa oo nin ayay Magaaladda dhexdeeda isaga toogteen” Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay “Markaas ka dib ayay dadkii shacabka ahaa is-abaabuleen, nimankii Liyuu booliska oo xagga bari u lugeeyay ayay ka daba tageen dadkii, waxayna ku gaadheen meel kayn ah oo la yidhaahdo Xabaale Case, halkaa waxa ku geeriyooday 8 nin oo liyuu booliska ah iyo nin shacabka ah, saddex shacabka ahina way ku dhaawacmeen, dhaawiciina halkan (Hargeysa) ayaa loo soo qaaday.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Saaka waxa la noo sheegay in Liyuu boolisku ay afar tuulo oo la kala yidhaahdo Galka-boodo-libaax, Dhoobo guduud, Raqda iyo Cadaada weerar ku soo qaadeen, wararkuna waxay sheegayaan in tuulada Cadaada la gubay oo Liyuu boolisku gubay, waxaana la sheegay in 15 nin oo dhaawac ah halkaasi laga soo qaaday shacabkuna ay aad isku abaabuleen.” Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxa uu eedaymo u jeediyay Liyuu booliska “Ciidamada liyuu boolisku maaha ciidan dadka kililka shanaad ka dhaxeeya ee waa dad gaar ah waana reer gaar ah, inay dad gaar ah yihiina waxa cadaynaysa sida ay u aar-goosanayaan ee ay u gubayaan tuulooyinka”ayuu yidhi isaga oo maanta la hadlay Warbaahinta.