-
Content Count
30,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
President Silanyo Meets British PM David Cameron (video)
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
Che -Guevara;939269 wrote: Xaaji. Doesn't he carry Waraabe like purse to every meeting? I have more faith in wadani ciiro and gaboose , to set him straight -
President Silanyo Meets British PM David Cameron (video)
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
^^ The opposition will still reject it , and it will make silanyo look very bad , if he does what on earth will he get in return if he attends a conference chaired by hassan sheikh maxamuud? -
President Silanyo Meets British PM David Cameron (video)
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
Somaliland is not going to attend the London conference. -
Somaliland: Ministry of Foreign Affairs Official Statement on the Ankara held Somaliland/Somalia Talks Wednesday, 17 April 2013 19:03 Public statement on the outcome of the Somaliland/Somalia talks in Turkey on 13 April by the Press Office, Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Republic of Somaliland Somalilandsun - On 13 April, Presidents Ahmed Mohamed Silanyo and Hassan Sheikh Mohamud met in Ankara to resume the Somaliland/Somalia Dialogue that was initiated at the London Conference in February 2012 and endorsed at presidential level in Dubai in June 2012. The Somaliland Government is grateful to the Government of Turkey for facilitating the talks. The meeting achieved its aim of re-launching the Dialogue after the change of government in Mogadishu. The parties committed themselves to continuing their Dialogue, and endorsed the agreements reached in Chevening and Dubai in June 2012. The Government of Somaliland welcomes the commitment of the government in Mogadishu to the continuation of the Somaliland-Somalia dialogue. The Somali Government has agreed to encourage international aid and development for Somaliland. Somaliland will of course continue to engage directly with the donor community on its own development needs, including through direct contact with diplomatic and other interlocutors in Hargeisa. Cooperation on security was an important part of the discussion. Somaliland believes that sharing intelligence and training will help the security forces of both countries to fight the scourge of terrorism, jihadism and piracy, and to address illegal fishing, toxic waste dumping, and maritime and serious crime, which have a detrimental impact on the lives of the people in the Horn of Africa. Somaliland hopes that in the future, the Dialogue can widen its focus beyond security issues to examine trade and investment as well. In addition, the dialogue is mandated to clarify the relations between the two countr ies, in line with the Final Communiqué of the London Conference on Somalia. Somaliland's view is that the dialogue's initial phase should focus on issues of practical cooperation, and to building trust between the parties before addressing the more fundamental issue of the two countries' sovereign relations. Somaliland looks forward to the next round of talks, due to be held in Istanbul within 90 days. Press Office Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation Hargeisa, Republic of Somaliland
-
DIIRADA LUGHAYA: Guusha Heshiiska ANKARA Ma Siilanyo Ayaa leh Mise Siyaasada Xasan Sheekh Ee Intan Danbe Dardartay Somaliland Added by saylac on April 14, 2013. Saved under Faalo, News Tags: featured Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 27-kii August 2010 markii uu la wareegay tallada dalka oo uu u soo galay kifaax dheer iyo juhdi siyaasiya, ka dib waxa uu ILAAHAY ku ilhaamiyay inuu si geesinimo leh ku waajaho siyaasadda dibada Somaliland oo liigaysay isla markaana maraysay heer huursan oo aanay fagaareyaasha adduunka si rasmi ah loo horgeynin. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu abuuray siyaasad fur-furan oo qeyb ka ah yoolkiisa ku wajahan in la iib-geeyo qaranimadda Somaliland oo uu aaminsanaa inay xukuumadiisu ku filan tahay inay difaacdo Madax-banaanida Somaliland. Xiligaas xukuumadiisu cusbayd waxa xarakaadkii faraha badnaa ee laga sameeyay siyaasadda dibadu ay shaki ku abuurtay dad badan oo ka soo saaray aragti taban oo ah in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay haadaan dheer ka sii tuurayso madax-banaanida Somaliland. Hase yeeshee waxay qaatay muddo in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay rayul caamka Somaliland baraan in maslaxadi ugu jirto inay la hadlaan Somalia, taasi oo markii dambe loo soo noqday. Qodobadii Somaliland lagula Soo dhici waayay: Weftigii xulka qaranka ee uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, waxay beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba u xaqiijiyeen inay leeyihiin awood adag oo ay ku difaaci karaan madax-banaanida Somaliland. A) Waxay dawlada Ankara ee gogosha dhigtay ay xog iyo macluumaad dheeraad ah ka siiyeen israacii lixdankii iyo Himiladii dheerayd ee ay shacbiga Somaliland dhiigooda u hureen inay mideeyaan shantii Soomaaliyeed, abaal ka dhicii Soomaaliya, xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay dalka, sooyaalkii halgankii dib u xoraynta dalka, la soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, dhismihii qaranka iyo heerka maanta Somaliland gaadhay. B) Waxa weftiga madaxweynuhu ay Taariikhda Somaliland dhacsiiyeen Hoggaamiyeyaasha Turkiga sida madaxweynaha dalkaasi Abdullah Gül iyo Raysal wasaarihiisa Recep Tayyip Erdogan oo aan horeba xog baaxad leh aan ka haysay Somaliland iyo maraaxilkii ay u soo martay qaranimadii ay ka hor-heshay Soomaaliya iyo 22 sanadood oo Soomaaliya dambaska ahayd oo ay noqotay laambad ka bidhaamaysa mandaqad dogob colaadeed ka oogan yahay. C) Warbixinta dheer ee Madaxweynuhu siiyay Hoggaamiyeyaasha Turkiga waxay fure u noqotay in lagu dhiiran waayo in badka la soo dhigo wixii la odhan jiray midnimadii Soomaaliya. D) Bogga Internet-ka ee Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül ayaa warbixin uu ka qoray kulankii uu Axaddii la yeeshay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku micneeyeen in is af-garadkii u horeeyay laga sameeyay siday hadalka u dhigeen “xalinta dhibaatooyinka u dhaxeeya labadan dal ee Afrikaanka ah.” E) Dawladda Turkiga oo ah dalkii sadexaad ee is hor-fadhiisiya Somaliland iyo Soomaaliya, waxay yaqiinsadeen in qadiyada labadan dhinac aanay ahayn mid u dhaxaysa hal dal oo qudha balse ay tahay laba dal oo kala duwan wada hadaladooduna ay u dhaci doonaan hadda iyo mustaqbalkaba iyagoo laba dawladood kala ah. F) Waxa waaqica dhabta ahi uu sababay in Dawladda Muqdisho ee Soomaaliya ay candhuuftooda dib uga liqaan inay dood ka keenaan aragtida caalamka ee ah in loo wada hadlo laba geesood ama laba dawladood oo ay Tamaniyayeen inay intii suurto-gal ah ka gaws qabsadaan. Ahmiyadii Qodobbadii Heshiiska. Wada hadalada ay Ankara ay ku yeesheen Hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ahaayeen qaar, laga taxadaray caqabad kasta oo tumaatiyi karaysay in miiska lagu kala kaco.waxase labada dal ay ku heshiiyeen heshiis ka kooban todoba qodob oo dulucdoodu la xidhiidhay in la sii wado wada xaajoodka iyo in albaabada loo furo iskaashi ay labada dawladood ka sameeyaan dhibaatooyinka ka taagan mandaqadda ay ku wada dhaqan yihiin iyo inay abuuraan jawi ay ku wadaagayaan deeqaha qaadhaan-bixiyeyaasha. Qodobadan qalinka lagu duugay waxa xeel-dheereyaasha odorosa siyaasadu ay ku doodeen inaanu ku jirin heshiiskan Ankara qodobo cusub. Hase ahaatee ay tahay uun kulankii u horeeyay ee ay yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya tan iyo markii dawlada cusubi ka dhalatay Muqdishada Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland waxa guul u ah inay garnaqsigeedii iyo xaqa ay u leedahay madax-banaanideeda ay hor-dhigtay Hoggaamiyeyaal miisaan ku leh caalamka, kana mid ah daneeyeyaasha mandaqada Geeska Arika oo Somaliland iyo Soomaaliyaba ku yaalaan. Weftiga madaxweynuhu waxay indhaha u fureen oo ay qodob-qodob ugu warameen Madaxweyne Gül iyo Raysal wasaare Erdogan, taasina waxay dhabada u xaadhaysaa in Turkigu ka fikiro sidii uu wax ula qabsan lahaa Somaliland oo nabad-gelyadda iyo horumarka ku tanaaday, halka dalka Soomaaliya oo ay si naxariis leh u gacan qabteenna ay xukuumadda Muqdisho tahli wayday inay ku guntato sugida ammaanka dublamaasiyiinta Turkiga, iyadoo la xaqiijiyay Axadii maanta laba hawl-wadeen oo ka tirsan safaaradda Turkiga ay ku dhinteen qarax ka dhacay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Sidaasi darteed, waxay Somaliland go’aansatay in qadiyadda aqoonsi raadinta lagu gaadhi Karin siyaasad ka go’doonsan caalamka, balse ay u baahan tahay dhiiranaan iyo in laga dhigo mawduuc siyaasiya oo adduunku taxliil ku sameeyo, kana doodo.
-
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Si Mug Leh Uga Hadlay Doodii Madaxweyne Siilaanyo Kula Garnaqsaday Madaxweynaha Somaliya Muuse Biixi, oo isagoo jooga dalka Imaaraadka Carabta, shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in ..... Hargeysa (GNS)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay doodii dhex martay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay dhawaan kulanka fool-ka-foolka ah ku yeesheen dalka Turkiga. Muuse Biix, goobjoog ayuu ka ahaa kulankaas, waxaanu la socday weftigii Somaliland. Muuse Biixi, oo isagoo jooga dalka Imaaraadka Carabta, shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in doodaas oo uu dhagaysanayay wasiirka arrimaha dibadda Turkigu, uu madaxweyne Siilaanyo ku soo bandhigay dhibaatooyinka kala duwan ee ay Somaliland kala kulantay midnimadii burburtay ee Somaliya, isagoo hadalkiisa ku soo gunaanaday in wixii aan laba dal ahayni yahay dagaal mar kale dhex mara Somaliland iyo Somaliya. Waxaanu Muuse Biixi, sheegay in Madaxweyne Siilaanyo khudbadda uu jeediyay uu ku soo jiitay dareenka wasiirka khaarajiga Turkiga. Ugu horayn, isagoo guddoomiye Muuse Biixi, ka hadlaya shirkaas wuxuu yidhi “Shirkaasu waxa uu ahaa mid aad u adag qolada Turkigana waxaad moodaysay in aanay Somaliland waxii gaadhay ee dhib hayd ee xasuuq ahayd ee dil hayd in aanay u warhayninba, markii shirkii la soo fadhiistay waxa shir gudoomiyay wasiirka arimaha dibada ee Turkiga, khudbad ayaanu akhriyay uu ku amaanayo midnimada isaga oo si diblamaasiyadaad u hadlaaya oo leh anigu idima qasbaayo waxaad doontaan ku heshiiya ama kala goosta ama midooba.” Muuse Biixi, wuxuu intaas ku daray “Markii dambe waxa la yidhi labada oday ha hadlaan ( Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ) waxaanu Xasan Sheekh yidhi Siilaanyo ayaa iga weyn ee ha hadlo, madaxweyne Siilaanyana waxa uu yidhi isagu ha hadlo.” Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isagoo si toos ah u gudo galaya weedhihii uu Madaxweyne Siilaanyo kulankaas ka jeediyay uu yidhi “Dabadeedna Siilaanyo ayaa hadlay waxaanu nasiib wanaag helay fursad uu afartan sano daydayaayay inuu sheekadiisa taariikheed ee ay ta Somaliland isku maran yahiin uu ka sheekeeyo waxaanu ka bilaabay “1955-kii ardaybaan ahaa bulshadu xoolo dhaqato ayay ahayd anagaa fikir u noqonay wax walbana u hurnay oo hawshii nagu dhacday, walaaladayo waanu u tagnay dulmiga intaas leeg ayaa nagaga dhacay oo xogagaal ayaan ahay siyaasiyiintii u horeeyay ayaan ahaa.” Waxaanu ka waramay dhibaatooyinkii dhacay ilaa 50 kun oo qof oo dhintay intaa in ka badan oo dhaawacantay waxaanu soo qaatay diyaarada hadda Hargeysa saaran ee ina rushaysay, waxaanu yidhi “ walaaladayo intaas oo dhan intay noo gaysteen haddana maalin ka may garaabin. Shantii Soomaaliyeed haddii la midaynaayo waadigaas arkaaya oo dawlado ayay yahiin oo Kiiniya, Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Somaliland waa ahlan wasahlan haddii islaamku imanaayo iyada oo dawlado la yahayna waxba ka ma qabno, laakiin waxaanu leenahay sida dadka kaleba xuquuqdooda u leeyahiin ayaanu u leenahay, waxii kale ee laysku raacaa waa aynu is dilno oo dagaalkeena iyo dhibaatadeenu ha badato, walaaltinimaduna waxay ku jirtaa maanta way inaga dhimatay midnimadii oo waxii dhacay waad ogtahiine inaad xaqiiqada waajahdaan weeye.” Muuse Biixi, wuxuu ka hadlay dareenkii wasiirka arrimaha dibadda Turkiga iyo go’aankii uu ka qaatay hadalka Madaxweyne Silaanyo, waxaanu Mr. Biixi sheegay in wasiirka khaarajiga Turkigu balan qaaday inuu ka soo qayb geli doono xusaska ay Somaliland u samayso shuhaadadii ay dawladii Somaliya xasuuqday, waxaanu Muuse yidhi “Markaas nuxurka halkaas ka soo baxay waxa weeyaan ninka wasiirka arimaha dibada Turkiga, ahaa ayaa hadalkii markuu Siilaanyo dhigay qaatay waxaanu yidhi “ Aad ayaan uga xumahay waxii dhacay runtiina xog badan ayaa iga maqnayd” waxaanu yidhi “ meelo badan ayaan soo maray oo tan kale soo martay Falastiin,Boosniya iyo meelo kale oo wada hadlaaya mar haddii arintaas oo kale dhacdo waa in cagta loo dhigaa oo waxa ugu horaysa in la aqoonsado dilka iyo xasuuqa intaas leeg ee dhacay anigu waxaan diyaar u ahay inaan diyaarad halkan ka qaato oo maalinta aad xusaysaan dadkii la laayay aan idinkala qaybgalo si adduunka loogu bandhigo oo loo ictiraafo waxii dhacay Xasana ( Madaxweynaha Somaliya ) inuu sidaas yeelo ayaan kula talinayaa ayuu yidhi oo amar ayuu siiyay.”Waana markii ugu horaysay ee shir weyn lagaga hadlo waxii Somaliland ku dhacay.” Gunaanadkii doodda labada Madaxweyne, wuxuu Muuse Biixi, ka yidhi “Ka bacdi waxa hadalkii qaatay madaxweynahaas Somaliya Xasan Sheekh waanu ka garaabay oo waxa uu yidhi “ Waa uu jiraa oo markhaati ayaan ka ahayn waxaas dhacay, waxaanu yidhi waxaan diyaar u ahay inaan qiro oo si cadaan ah looga cudur daaro xasuuqoodii oo dadka la yidhaadho waxaas ayaa idinku dhacay oo looga garaabo.” Guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu ka hadlayaa gunaanadkii kulankaas, “Horta nuxurka ugu weyn ee ka soo baxay kaas ayuu ahaa. Markaas doodii waxay ku dhamaatay in Siilaanyana yidhi “ waar tani way dhimatay oo waxii aan laba dal ahayn waynu isku dilaynaaye,” isaguna ( Madaxweynaha Somaliya ) intuu hadal wanaagsan akhriyay waxa uu ku soo gabo gabeeyay “ kala lulasho ayaa kala go’a dhaanta waanan ognahay waa laydin dulmiyay oo waanu idiinka garaabaynaa inaan imika sharciyad samayno oo aynu midawno ayaanu soo jeedinaynaa.” Taasina ma suurtoobayso ayaa lagu dhameeyay, sababta sagaashanka cisho dib loogu dhigayna mid halkaas ka soo baxday ayay ahayd.” Aragtida dawladda Turkiga ee madashaas, ayuu Muuse ka hadlayaa, waxaanu yidhi “Waxa uu Turkigu si cad u yidhi “anagu waxaanu diyaar u nahay waxii aad ku goosataan laba dawladood ama mid, idinka ayaa yaqaan midna riixi mayno, waxaanuse diyaar u nahay inaanu walaalahiin ahaano oo aanu gogasha idiin fidino oo aanu idin qaban-qaabino oo waxii aad u baahataan aanu idinku garab galno walaalahiin oo idiin heelan baanu nahay.” Waxaanu tusaale u Soo qaatay oo uu yidhi “ wiigii hore waxa yimi halkan xoghayaha arimaha dibada Maraykanka John Kerry waxaana la kulmay aniga oo kaliyaata, laakiin maanta waxa halkan idiin jooga madaxweynahii,raysal wasaarahii iyo aniga waxaanan u arkaynaa in aad tihiin umad maanta u baahan in la taageero.” markaas nuxurku sidaas ayuu ahaa Markii danbena odayaasha ayaa gaar gaar u arkay.” Muuse Biixi, isagoo ugu dambayn ka hadlaya toddobadii qodob ee war-murtiyeedka, wuxuu yidhi “Todabadan waxa wasiirada loogu riixay arintii weynayd ayaa laysku mari waayay arinta mucdeeduna waxay ahayd waar niman yahaw laba dal oo walaalo ah oo is kaashada aynu ahaano taas oo iyaguna ka war wareegayaan oo ay kala lulasho ku wareegayaan. Qodabadana waxa ka mid ah in Turkigu laba dawladood oo isku mid ha oo isku miisaan ah inoo qaabilaayo, waxii mucaawino ah ee aanu idin siinaynona mid walba si gaar ah ayaanu u siinaynaa.”
-
Somalia Best Presidential Palace Competition. PICS. VOTE BOYS
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
To be honest they all look sh!t This is what you call a Presidential palace Sudan Egypt Uganda Somalida siday xashiiska u cunayeen bay dunida oo dhan u haystaan marka laba cariish la dhisto wa palace loool -
“Soomaaliya ayay talladu hor taalaa inaynu noqono laba dawladood oo walaalo ah iyo inaynu colowno” April 17th, 2013 Hargeysa, (Somaliland.Org)- Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaah wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa weftigii Somaliland uga qayb galay shirkii Turkiga ee Somaliland io Soomaaliya ayaa ka waramay faa’iidooyinka Somaliland ugu jira waada hadalada Soomaaliya. Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo waraysi siiyay wargeyska Dawan, isaga oo ku sugan xarunta golaha wakiilada ee magaalada Hargeysa ayaa mahad-naq u jeediyay dawladda Turkiga iyo masuuliyiinta ay la shireen ka socday dalka Soomaaliya, waxaanu yidhi. “Waxaan marka hore halkan ugu mahadcelinayaa dawlada Turkiga oo iyadu kulankaa inuu qabsoomo inagu taageertay. Waxa kale oo aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhamaan weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo ahaa rag si wayn ula socday sida ay arrintani xaga shacabka Somaliland xasaasi uga tahay oo afkooda intii shirku socday uga ilaalinayay hadalo xaalad abuuri kara.” Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlaya faa’iidooyinkaa shirkaas ugu jiray Somaliland waxa uu yidhi. “Faa’iidooyinka Somaliland ugu jira wada-hadallada Turkiga iyo kuwii ka horeeyeyba waxa weeye in dawlado badan oo markii hore aan waxba kala socon inay jiraan laba dawladood oo midna uu Talyaani guumaystay, midna uu Ingiriis guumaystay oo ka wada koobnaa dawladii burburtay ee Soomaaliya oo la dhan jiray ayaa imika ogaaday inay jiraan laba dawladood oo la kale yidhaa Somaliland iyo Soomaaliya, faa’iidada ugu wayni waa taas, waxa markii hore dhici jiray inay dawlado badani odhan jireen is-raaca mar haddii aad isku af tihiin oo isku diin tihiin, taasi maanta waa laga soo gudbay oo waxaynu dunida u cadaynay in Somaliland waxay beesha caalamka ka sugaysaa ay tahay in aqoonsi la siiyo. Dawladaa aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya ayay taladu hor taalaa inaynu noqono laba dawladood oo walaalo ah oo is-caawiya iyo in aynu noqono laba dawladood oo colaadi ka dhaxayso.” Guddoomiye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. “Somaliland waa dal xoriyadiisa la soo noqday wada-hadalo kasta oo danta Somaliland ku jirtana diyaar ayay u tahay, wada-hadaladu waa bilow wax dagdag ku dhamaadaana ma jiraan shirkana sida aad arkayseen waxa loo wada hadlayay laba dal oo siman Somaliland faa’iido balaadhan baa ugu jirtay.” Waxa kale oo uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa weftigii Somaliland ee shirka Turkiga ka qayb galay uu sheegay in Somaliland faa’iido ugu jirto qodobadii lagu heshiiyay dhamaantood, haddii ay tahay kuwa ka hadlaaya inay qaybsadaan caawimada iyo tabobarka dibada ama dawladaha shisheeye bixiyaan.
-
SHOUT OUT to all the Somalilanders/Somalians out there ...
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Masaai are not as enlightened and dont have a rich civilization and history as the afro hashimite people of the horn Somalilanders. They are bunch of half naked Kenyans jumping up and down. Hellow you dont have what it takes. -
Cali Khaliif Galeydh oo Sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somaliland u Aqoonsaday Dowlad Ka Go’day Soomaaliya Kadib Shirkii Ka Dhacay Turkiga Barlamanka Soomaaliya-na Ugu Baaqay Inay Arintaa Si Deg-dega Kulan Uga Yeeshaan. Isagoo ka hor hadlayay barlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh waxaaa uu sheegay in shirkii Turkiga ka dhacay ee ..... Muqdisho (GNS)- xildhibaan ka tirsan barlamanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Somaliland Oo Lagu Magacaabo Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Somaliland u aqoonsaday dal ka madax banaan Soomaaliya kadib shirkii ka dhacay caasimada dalka Turkiga ee Ankara. Isagoo ka hor hadlayay barlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh waxaaa uu sheegay in shirkii Turkiga ka dhacay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia uu u dhacay sida labo dal oo kale arintaasina uu aad uga soo horjeedo Isgoo barlamanka ugu baaqay in uu kulan deg deg ah ka yeesho. Waxaa uu sheegay Cali Kahliif Galaydh in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku cambaareynayo kagana soo horjeedo in shirkii ka dhacay Ankara uu la galay Somaliland uu ahaa mid sida dal la siman Soomaaliya oo kale waa sida uu sheegaye isla markaana heshiiska ay kala saxeexdeen laba wasiir oo labo dal kala matalaya. Isagoo hadalkiisa sii wato kana hor hadlayay barlamanka Soomaaliya ayuu sheegay hadii si wanaagsan loo qeexo heshiiskii ka dhacay Turkiga uu u egyahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somaliland ugu aqoonsano dal ka go’ay Soomaaliya ama madaxbanaani uu siiyay. Si kastaba ha ahaa qab qable Cali Khaliif Galeyr ayaa barlamanka Soomaaliya ugu baaqay in arinkaani ay ka yeeshaan kulan deg deg ah si looga hortago in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somaliland u aqoonsado dal ka go’ay Soomaali weyn sida waa uu sheegaye.
-
What comes out of their mouth and what is in their heart is fundamentally different Just read http://www.shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=1680:warqadii-lagu-aqoonasaday-somaliland-oo-shaacbkamedia-ku-guuleystay-inuu-helo-akhriso-kadibna-ogoow-in-madaxweyne-xasan-culusoow-uu-yahay-nin-qiyaamay-qarankii-soomaaliya&catid=1:warka-gudaha&Itemid=3
-
They are not singing they are rapping wax ay dadka mad madow samayaan.
-
SHOUT OUT to all the Somalilanders/Somalians out there ...
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
DP -
SHOUT OUT to all the Somalilanders/Somalians out there ...
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Long live -
Caruurti daqanceliska hargeysa wa waleen " frameborder="0" allowfullscreen>
-
At least professor samatar has his hiil qaran organization it has much more supporters than the khatumo project. Also Professor samatar is not really an opportunist. He was just in love with the Koonfurians and very naive. But you are right professor galaydh is not useful for hassan culusow and co and was completely sidelined.
-
Tallaabo;938960 wrote: I think now the Koonfurians will have a political crisis when they realise that a lot of their law makers are foreign agents:cool: Tallaabo not all koonfurians are the political enemies of SL , the Somalilanders do have friends in Somalia, Mr culusow so far so good , as for the Parliament based on 4.5. i do not worry to much about that ethnic Somalilanders including the Djiboutians have close to 38 seats. Not to forget the koonfurian allies or the neutral voters.
-
"Dawladda ayaa aqoonsatay Somaliland waana arrin culus"Prof Galaydh 16. april 2013 APL Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof, Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya ayaa dhaliilay hishiiskii 13,April,2013 ay magaaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga ku dhexmaray Dowaladda Federaalka Somaaliya iyo maamulka Somaliland. Prof,Cali khaliif oo ka hadlayey kalfadhiga Baarlamaanka Somaaliya Muqdisho uga socda ayaa shaagay in hishiiska la gaaray loo dhigay sidii labada dawladood oo isku meeqaama ama siman oo hishiis kala saxeexday. "Waxaan u soo jeedinayaa mudanayasha Baarlamaanka iyo Guddoonka Baarlamaanka inay arintan si miyir qabta u egaan waa arin culus,waxaana muuqata in aqoonsigii 20 sano ka badan ay Somaliland caalamka ka dawarsanaysay inay u soo wareegtay Xamar o dawladeenu ay ictiraaftay"ayuu yiri Cali Khaliif Galayr. Hadalka Galaydh ka dib ayaa buuq yimid oo xildhibaanada qaar sameeyeen ayaa Guddomiyaha Baarlamaanku soo jeediyay in Baarlamaanku uusan qodobkaas int laga soo waafajinayo qoobka 26-aad ee xeer hoosaadka kaas oo dhigaya in qodobka kasta oo Baarlamaanka looga doodayo ay soo saxiixaan ugu yaraan 10 xildhibaan.
-
Chaos in Somaliland, intelligence chief killed, clashes in Burco
Xaaji Xunjuf replied to Somalia's topic in Politics
^^ source -
New Admin will soon be established in Mudug region
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Adigu imisa meelod baad ka timid Mudug xamar ,sawdigi shalay laha xamar unuka leh -
Chaos in Somaliland, intelligence chief killed, clashes in Burco
Xaaji Xunjuf replied to Somalia's topic in Politics
Its not in burco it looks like Xiiinfanin is excited The topic of galkacyo was not even made by Carafaat but by the HAG community aka Oba hiloowle.