-
Content Count
30,101 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
81
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Madaxwayne kuxigeenka Somaliland o maanta socdaal ku gadhay Degmada Kalabaydh(Sawiro). Warkii 04-Jan-2009 iyo Qormadii: Afnugal News Desk Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafdi balaadhan oo kamid ah Golaha wasiirada Somaliland iyo labada Gole ee Dawlada ayaa waxa ay socdaal ku tageen Degmada Kalbaydh ee Gobolka Sool taas oo si wayn logoa soo dhaweeyay halkaasi shacabka deegaankasina si wayn farxad wajiyadooda uga muuqatay. Socdaalkan maanta uu ku tagay madaxwayne kuxigeenka Somaliland ee Degmada Kalabaydh ayaa waxa ay ahayd kadib markii Degmada Kalabaydh ay qado sharaf ay ugu sameeyeen masuliyiinta Degmadu madaxwaynaha xilli uu soo gadhay Gobolka Sool gaar ahaan xaruntiisa magaalada isagoo saaka abaaro 09:00 subaxnimo ka anbabaxay magaalada Lascaanood una socdaalay Degmada Kalbaydh. Madaxawyanaha oo ay hor kacayeen masuliyiinta Degmada Kalbydh iyo Degmada Laascanod Canbashe Aw Dahir iyo Mahad Cali Samatar ayaa waxa kamid ahaa Madaxwaynaha Axmed Yuusuf Yaasiin,wasiirka arimah Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali Cirro,wasiirka arimaha Dibada C/lahi Maxamed Ducaale,wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed,wasiirka Cadalada Axmed Xasan Casoowe,Siyaasiga Axmed Cabdib Xabsade iyo wafdi Golaha Gurtida iyo xildhibaanada wakiilada isugu jira. Kadib markii madaxwaynuhu gaadhay magaalada Kalabaydh oo si wayn looga soo dhaweeyay lagagana hor yimi meel dibada ka ah magaalada ayaa waxa u dadkii kala hadlay hoygii loogu talo galay inuu ku nasto hortiisa halkaas oo ay isugu soo uruuren dadwayne aad ufara badan isagoo u madaxwaynuhu uu halkaasi ugu sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay socdalkiisan uu ku yimi magaalada oo ah markii ugu horaysay oo uu Laascaanood dhinac usoo dhafo meel Gobolka kamid ah. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa waxa uu sidoo kale si wayn u amaanay Degmad Kalabaydh oo uu sheegay inay tahay meel aad u wayn hanti badana loo quudhay isagoo intasi ku daray in Degmooyinkii u marayay ee Somaliland uusan arag Degmo baxad le'eg sidaana u wayn shacab ahaana ay dadkeedu ka fara badan yihiin isagoo intaasi ku daray in taasi tahay midda kaliya ee wax u jari doonta wax badana loo qaban doono isagoo dadka ku baraarujiyay inay isdiiwaan geliyaan isagoo si waynaha ugu maanay nabada taal meesha. Madaxwaynaha ayaa hadlkiisa kadib waxa uu socod dheer oo lug ah kusoo maray magaalada Gudaheeda iyo shan goobood oo magaalada ah oo ay ka socotay isdiiwaangelintu isagoo goobahaasi ka dhagaystay sida ay usocoto iyo waxa la kulmay iyadoo mid kamid ah Gudoomiyaha gobahaasi usheegtay inay tahay meel ad u nabad gelyo wacan si wayna looga soo dhaweeyay. Ugu danbayntii ayaa qado sharfta kadib waxa uu madaxwaynuhu la kulmay Odayaasha deeganka Degmada Kalbaydh iyagoo ka wada hadlay xaalada Degmada iyo bahiyeheeda iyagoo madaxwaynaha ka codsaday in guud ahaan Gobolka iyo Degmada Dawladu wax u qabato dhankoodana taageero u hayaan taas oo ugu danbayntii ku dhamaaday farxad iyo is afgarad.
-
Widhwidh Cayn: SNM militias routed by locals
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Maamulkii PL oo Ka Baxay Widhwidh, Somaliland oo La wareegtay & Xiisad Cusub oo Ka Oogantay Ballicad Saturday, 03 January 2009 13:32 xusen Ka dib dagaalkii saaka ka dhacay gudaha widhwidh oo dhaliyey khasaare nafeed oo soo gaadhay SL & khasaare Dhuled oo soo gaadhay Pl aya dhanka kale waxa xiisad colaadeed ka taagan tahay dhinaca Tuulada ballicad oo ku taalla xuduuda u dhexaysa Deegaankaasi & Kilinka shanaad ka dib markii uu halkaasi gadhay badhasaabkii Pl ee ka baxay widhwidh Keyse Cabdi Yuusuf, isla markaana ay ka **** tageen Ciidamadii Sl ee saaka widhwidh gaadhay oo labadii sarkaal ee watayba lagaga dilay gudaha magaaladaasi G/lle Ilbir oo ka soo jeeda Gobolka Hargeysa & Captain Shiine galaal oo ka soo jeeda deegaanka lagu dagaalamay. Ciidamada Sl ayaa la sheegay inay hadda ku sugan yihiin halkaasi, halka sidoo kalena melo aan ka fogayn ay joogaan saraakiil dagaalkana khibrad u leh deegaankaasna hore ugu sugnaa, sida Col. Nadalo saalax maxamed & faarax Nadiif aadan Hawd oo labadoodaba la sheegay inay ku jiraan goobo ku dhow degmadaasi widhwidh iyadoo ay weheliyaan maleeshiyaad deegaankaasi ka soo jeeda oo iskaga baxay gudaha magaalada. Buuhoodle dhinaciisa ayaa la isugu baxay saaka kulan odayaashu yeesheen hase yeeshee waxaa muuqatay inaan lagu gaadhin go'aamo aan ka ahayn in welwel laga muujiyey in ay qaraxdo colaad hoosaad ka dhex dhalata beesha Widhwidh, waxaana la go'aamiyey in odayaal loo kala diro labada dhinac ee iskaga daba tegay ballicad. Allhawd.com -
Somaliland Vice President Visits the Registration Sites in Lasanod
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Diiwaangelintii meel fiican bay noo marraysa. -
loooooooooooooool balayga cass
-
why are the s n m sitting and the ssc standing lol just joking
-
yes he is mujaheed allah says in his quran marka gurigaga lugugu soo doonta is diifaac dar allah iskgaga celli. ilahay nicmal wakiil ka dhigo there for he is mujaheeed
-
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyey Laascaanood January 1st, 2009 Laascaanood (Somaliland.org) – Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta si layaab leh loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood oo maalinta berri ah ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa. Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in kumanaan dadwaynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo sita calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka xisbiga KULMIYE ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa. Soo dhawayntaasi ka dib, Guddoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadwaynahan soo dhaweeyay, isaga oo uga mahad celiyay sida qiimaha iyo qaayaha badan ee ay u soo dhaweeyeen. Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu dadwaynaha gobolka Sool uga waramay socdaalkooda iyo sida ay muhiimka ay u tahay in shacabka gobolka Sool guud ahaan ay u diyaargaroobaan diwaangelinta maalinta berri ah ka bilaabi doonta gobolkaasi. Fagaarahaasi waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Mudane Fu’aad Aadan Cadde oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, iyaga oo dadwaynaha ku booriyay in ay diwaangelinta si wayn uga qayb qaataan. Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa ka waramay qiimaha nabad-galyada iyo degenaanshaha. Isaga oo ka mid ahaa raggii dedaalka badan ka galay nabadayntii beelaha Bariga Somaliland iyo guud ahaanba dalka Somaliland ilaa sannadkii 1991-kii. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo waa masuulkii ugu miisaanka waynaa ee taga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, tan iyo sannadkii 2003. Dhinaca kale, guddoomiyaha guddida diwaangelinta Komishanka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in diwaangelintu si rasmi ah maalinta berri uga bilaabmi doonto gobolkaasi, kooxihii ka hawl galayay diwaangelintuna ay gaadheen gobolka Sool, inkasta oo ay jiraan ‘buu yidh’ kooxo tiro yar oo weli ku sagan magaalada Burco oo ilaa caawa ay dirayaan. Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.
-
Ummad wadda rabta inay wadda madaxweyna noqdaan waleh wa yaab.
-
BBC: Caaqil Cabdi Shire of Dhahar Laba Qabiil isma Tirakoobto
Xaaji Xunjuf replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
where is maakhir in all of this jabril cali salaad mee cardhi ugu horeye isaga qaatatay. -
new shir in 2009 . dawlad cusub same people different place. just like 2000 lugu badalay 2002 eldoret.
-
Evacuating the Xooga Dalka Soomaaliyeed ,,, loool
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
naxar nugaleed whats the attack on somaliland and daahir rayaale, we are talking about madaxweynihi somaliya iyo meeelahsayadkisi ka soo saaraya villa somaliya. U will never hear daahir rayaale oo ka so baxay madaxtooyada hargeysa marka topica ha ka bixin. and correction it used to be gaani house and why should we destroy it , it can be a nice pres palace -
Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Maya adiga kulama sheekaysanayo imika ,,, hee sabab inadeer wa ku siidee Xaajiga ha iska fogayn walaga duceysta
-
this is the last dignin ( warning) for mamuulka yar eeh la naga ag sameeye eeh buntiland
-
jacayl baro xog ogaal baad tahay wa inaynu labadeenu yara wada sheekeysana
-
this is not nice this is great
-
War degdega: Degmada Dhahar oo ay ka bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyayaashu Written by Qaran News Dec 27, 2008 at 10:34 AM Hargeysa(Qarannews)-Wararka naga soo gaadhaya degmada Dhahar oo ka mid deegaamada Beriga Gobolka Sanaag waxa maanta si rasmi ah uga bilaabantay Hawshii diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo hakad galay maamlihii ay hore halkaa uga socotay. Sida uu Shabakada Qarannews u xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka komishanka doorashada Md. Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo) guud ahaan gobolka sanaag ayay haatan si rasmi ah uga socdaan hawlaha diiwaangelinta gaar ahaan deegaamda bariga Sanaag oo ay iyaga dib looga dhigay sababo xagga amaanka ah awgood. Gudoomiye kuxigeenku waxa kale oo uu tibaaxay in ay ilaa hadda si habsami ah uga socoto dadku safaf ugu jiraan goobaha diiwaangelinta si ay u qaataan kaadhadhka codbixinta iyo doorashada, oo ayna jirin wax cilad ah oo goo qudhaata ka taaganina. Degmada Dhahar ayaa ah degaanada ugu bariyeeya gobolada Somaliland ee saaran dhanka xadka aan la wadaagno Somalia sidaa awgeed degmada Dhahar ayaa kamid ah deegaamada aanay hore doorashadu uga dhicin dadkuna wacyi gelin ku filan habka ay isu diiwaangelinyaan ka helin, taasoo komishanka iyo wakiilada axsaabtu qiimayn xoog leh ku soo sameeyeen isla markaana soo xaqiijiyeen in ay dadku u bisil yihiin hamuuna u qabaan inay ka qayb galaan hayaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku jirto si ay caalamka u tusto Rabitaankeeda iyo aayo ka tashigeeda. Dhanka kalena waxa jira ciidamo aad u tiro badan oo ka soo goostay dhanka Puntland kuwaasi oo iska soo dhiibay dhanka Tuko raq, ciidamadaasi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Sool, ciidamdani isu soo dhiibay ciidmada qaranka ayaa watay baabuur tikniko ah iyo hub aad u faro badan kuna wareejiyeen ciidmada qaranka, xiligan ayaa waxa magaalda Laascanood ku sugan Axmed Cabdi Xaabsade oo ugu baaqay in dhamaan reer Sool is diwaan galiyaan isla markaasna ay deegaan ahaan yihiin Somaliland oo ay wax la qabbsadaan gbolada kale ee dalka Somaliland, Xaabsade ayaa xalay soo gaadhay Laascanood isaga oo ka soo kicitimay caasimada Somaliland ee Hargaysa wixii warar ah ee ka soo kordha la soco shabakada qarannews Source Qarannews
-
I dont want the t f g to end like this because if cabdilahi yusuf is gone its going to end. I Want to see cabdilahi yusuf in power till the bitter end And like to see alshabaab attack him in villa somaliya eeh maasha ka eryadaan like usc did with siyaad barre. If he resigns he will go home headshigh i dont want that. Kaas markaasay taarikhu sheekadan gallayaan. Laakin if he leaves and the factions of the islamic groups will fight eachother. then Cabdilahi yusuf won. And so far yusuf is staying in power.
-
He is stil the president of somaliya and he needs to accept hesishki jabuuti and wa inu la shaqeyoo nur cade.
-
Cardki ugu horeeye waxa qaatay jibril cali salaad. the so called president of maakhir state. all the tuuluyin around dhahar bahdhan vote registrationku way ka dhaceen, the somaliland vp is now in sanaag. caamiirow wadankaga ha ka cararin.
-
Kulan Uu Yeelan Lahaa Baarlamaanka Dowladda KMG Soomaaliya Oo Lafilayey Inuu Isku-Casilo Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Oo Baaqday.Iyo Warar Kale -------------------------------------------------- ------------------------------ (Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed ) hadhwanaag 2008-12-27 (Hadhwanaagnews) Mudisho(HWN):-Kulan si aad ah loo wada sugayay oo uu maanta yeelan lahaa Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya, isla markaana lagu waday inuu ka qaybgalo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed si uu istiqaladii is casilaaddiisa u hor dhigo Baarlamaanka Soomaliya ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay xilli lagu jiro qabanqaabada kulankaasi la shaaciyey in uu baaqday. Sida warku sheegayo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Sheekh Aadan Madoobe ka dalbaday in la baajiyo kulankaas. Lama oga xilliga la qabanayo Kulankaas oo aan muddo cayiman loo qabanin, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Yuusuf uu ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu isugu yeero dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka oo ay yimaadaan magaalada Baydhabo si ay goobjoog uga noqdaan kulanka uu yeelamayo Baarlamaanka madaxweynuhuna uu ka qeyb gelayo. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kulan adag oo irdaha la isu xirtay ku yeeshay xarunta Baarlamaanka ayay wararku sheegayaan inay kaga wada hadleen arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay is-casilaada Madaxweyne Yuusuf iyo arrimo kale oo siyaadsada Soomaaliya ku wajahan. Warar hoose oo laga helay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegaya in Madaxweyne Yuusuf ay ka go'an tahay inuu xilka ka tago, isla markaana uu qoraalkii iscasilaadiisa u gudbiyay Sheekh Aadan Madoobe. __________________________________________________ ______________________ =Dhimasho Ka Dhalatay Weerar Lagu Qaaday Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya Muqdisho(HWN):-Kooxo ku hubaysnaa Bam gacmeedyo iyo qoryaha fudud ayaa habeenkii xalay weerar xoogan ku qaaday hoyga Sarkaal ka tirsan ciidamadadowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada ilaalada deegaanka Gobolka Banaadir. Is rasaaseyn socotay qaddar daqiiqado ah ayay isweydaarsadeen kooxaha weerarka ku qaaday hoyga Sarkaalkaasi iyo ciidamo ku sugnaa inta u dhaxaysa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM-4 oo ah halka uu ku yaalay guriga sarkaalka. Lama sheegin wax khasaare ah oo gaaray sarkaalka la weeraray iyo dhinacyadii is rasaaseysay, waxayse wararku sheegayaan in weerarkaas uu ku dhaawacmay Sarkaal ka tirsan Hay'adda UNDP oo rasaastu ay ugu tagtay hoygiiga oo goobta ka dhawaa. __________________________________________________ _________ =Qarax Ay Ku Geeriyoodeen Afar Askar Itoobiyaan Ah Oo Ka Dhacay Gudaha Degmada Afgooye Muqdisho(HWN):-Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa Waabarigii saakar lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya ee ku sugan degmada Afgooye. Qaraxaas ayaa sida la xaqiijiyey sababay dhimashada Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo dhaawaca tiro intaas ka badan, iyadoo la sheegayo in dhimashadu intaas ka sii badnaan karto, maadaama goobta qaraxa uu ka dhacay markiiba ay isku gadaameen ciidamada Itoobiya. Qaraxa kadib ayay ciidamada Itoobiyaanku fureen rasaas xoogan oo qalqal ku abuurtay dadka ka ag dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay, mana la sheegin khasaare soo gaaray dadka rayidka. Ciidamada Itoobiya ayaa xilliga qaraxa lala beegsanayay waxa ay ku sii jeedeen xarun ay ku leeyihiin beerta C/raxmaan Jaamac Barre ee degmada Afgooye iyagoo xalay oo dhan ku sugnaa xaafadaha degmada Afgooye oo ay howlgallo ka sameynayeen. C/raxmaan Dalmar Reporter Hadhwanaagnews.com/Office Muqdisho/Soomaaliya. Email: muqdishonews@gmail.com
-
did he resign yet i was just checking all the somali sites and its Saturday no resign i told you before cabdilahi yusuf is not resigning he will not taa aniga iiga qorra. Cabdilahi yusuf must finish his term till 2009 and let the asmara group get there seats in the T f g. And yusuf need to accept shirki Jabuuti wixii lugu soo heshiyee.
-
Voter Registration Began in Eastern Sanaag Erigavo (JMG) – Somaliland Vice President, Mr. Ahmed Yusuf Yasin and his delegation arrived in Erigavo, Regional Capital of Sanaag Friday morning, at a time when voter registration in Eastern Sanaag began. Voter Registration in fifth region, Sanaag, began on Wednesday in 150 of the 210 stations allocated for Sanaag region. Registration has been so far moving smoothly and peacefully in these stations. There was a misunderstanding of beginning voter registration in 60 remaining stations allocated for East Sanaag.According to our Eastern Regions correspondent, Mr. Keyse Ahmed Digale, registration began at 37 new stations in the far Eastern part of the Region. “There was no voter registration in the towns of Badhan and Dhahar but registration began in almost all the villages surrounding these towns. Registration in the remaining 23 stations is expected to begin either on Saturday or Sunday morning,” said Keyse Digale. Jamhuuriya Online Printable version Email this to a friend
-
Alshabab got beaten in guriceel by ahl suna waljamaca
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Guri ceel oo ay la waregeen Ahlu sunah wal jameeco iyo ciidamo Ethiopian ah oo ku soo wajahan Wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo guri ceel ayaa waxaa ay shegayaan in halkaasi ay iskaga baxeen Xoogagii Al-shabaab ee gacanta ku haye ee saakey ay ku dagalameen kuwa Ahlu Sunah waljameeca oo la sheegey in hada ay ku suganyihiin gudaha magaaladaas. Qasaaraha dadka ayaan la sheegin inta saxda ah ee uu yahey marka laga reebo 4 ruux oo la sheegay in isbitaalka la gaarsiiyey waxaan wararkii ugu danbeyey ee halkaasi laga heyley ay shegayaan in xabadi aysan ka socon oo ay joogsatey ka dib markii ay dib uga gurteen Xoogagii xarakada Al-shabaad oo la sheegay in meel aan ka fogeyn ay hada ku suganyihiin , balse Ciidamadii Ahlu sunah ay hada joogaan isteeshinka iyo xarunta Degmadaasi lana arkayo ayakoo si raxanraxan u dhaxmaraya xiligan. Dhanka kale wararka laga helayo guri ceel iyo balanbalae ayaa shegayaa in ciidamadii Ethiopia ee baryhan ku sugnaa Degmada Balanbal ay u soo dhaqaaqeen dhanka Guri ceel soona faarujiyeen halkaasi lamana oga waxa xiligan ku soo beegay dagaaladu ka dhaceen Degmada Guri Ceel ee Gobolka galagadud, waxaana jira warar kale oo sheegay in dadkii aysan wali ku soo laban degmadaan guri ceel walow ay degantahey xiligaan. Sidoo kale waxaa jira in xarunta gobolka galagaduud dadkii degana oo ay saakey ku soo biireen kuwo ka soo cararey dagalada Guri ceel ay welwel hor leh sii qaadeen markii ay maqleen ciidamo Ethiopian ah oo ku soo fool leh deeganada gobolka ee deriska la ah Dhuusamareeb -
Dagaal Degmada Guriceel ku dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Xoogag ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca Sabti, December 27, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in duleedka Degmadaas uu saaka dagaal ka dhacay, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyo Xoogagga Al-Shabaab iyo Xoogag kale oo ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca. Dagaalkan ayaa wuxuu la xiriiraa dagaallo horay Degmada Guriceel ugu dhexmaray labada dhinac, iyadoo dagaallo midkan ka horeeyay ay ku itaal roonaadeen Xoogagga Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa wuxuu saameeyay dadka ku dhaqan nawaaxiga halka ay dirirta ka dhacay oo ah Tuulo lagu magacaabo Gaban, waxaana tuuladaas gebi ahaanba isaga cararay dad reer miyi ah oo ku sugan. Ilaa iyo haatan laga oga khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay ka soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka iyo weliba rasmi ahaan waxa uu salka ku hayo. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
