-
Content Count
30,089 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Breaking News - 123 ONLF killed in Deegaanka Shabeelleey inside Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Che you do know Melez is not amxaar but tigray -
Breaking News - 123 ONLF killed in Deegaanka Shabeelleey inside Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: Rag waaweyn baad tihiine cayda ha la daayo ...... war ramadanti wey dhamaatay wala ciiday , -
Breaking News - 123 ONLF killed in Deegaanka Shabeelleey inside Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
jacaylbaro ma barigay lahayeen laaya laaya laaya dabar gooya ummada reer somaliland , Bariga dee adeerkood Maxammad siad bare xukunka u hayey isna wali so daahiray bay u haysteen. Shacabku afweyne leynaye mala geed bay ka so baxeen mala somali may ahayn. umada tan dhagahooda iyo afkoodu is ma maqlan. -
Yeah like that other hilarious story I heard at the maqaaxi today apparently isisyas afarwerki is good friends with jamac maxammad qalib who is a close friend of The president AMM and Jamac he was behind the whole Connection sheeko fadhi ku dirir walayaal ma iska dayna
-
Haye sheekoyinki conspiracies theories ba bilaabay iyo abdi salan cabdulle oo Jiin u waramo
-
Somaliland UN delegation arrive in hargeysa Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxwayne Siilaanyo oo qaabilay Wafti Heer Sare oo ka socday UN Hargeysa (Jam)- madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayahaGuud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqalisaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo dhignaa sidan. War-Saxaafadeed Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta qasrigaMadaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayahaGuud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqalisaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Madaxa Weftiga Mme Kyung-wha kang ayaa MarkaHoreba Madaxweynaha u gudbisay Hambalyo ay ka sido Madaxa Komishanka Sare eeXuquuqal isaanka UNka Madaxaweftigu waxay Madaxweynaha Si aada ugu Amaantay Go’aankii uu ku sii daayeyDadkii Siyaasada u xidh-xidhnaa isla markii uu talada la wareegay waxanay ku tilmaantay Madaxweyne ku dayashoMudan. Madaxa Weftigu Mme Kyung-wha kang waxa kale oo ay Madaxweynaha u balan qaaday in uuKomishankeedu Somaliland kala Shaqayndoono Horu-marinta Xuquuqal Isaanka. Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa isaguna Weftiga u bal-balaadhiyey siyaasada Xukuumada eeDhinaca Xuquuqal Isaanka Waxaanu Madaxweynuhu u sheegay Weftiga inay SomalilandMabda u tahay ilaalinta Xuquuqal isaanku Xukuumaduna ay sidaa ku shaqaynayso. DhinacaSomaliland waxa Madaxweynaha ku Wehelinaayey kulankan Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof:Ismaaciil Muumin Aar. Xubnaha Weftiga waxay kala ahaayeen:- MmeKyung-whakang DHC(VIP) ScottCampbell, OHCHR-Geneva, Africa Division FionaAdolu, UNPOSHRO JoachimSchmitz, UNPOSSecurity Chief SandraBeidas, Head of Human Rights, UNPOS/OHCHR ALLAA MAHAD LEH AF-hayeenkaMadaxtooyadda JSL. Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Jamhuuriya Online -
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Wefti Balaadhan Oo u Hogaaminaayo Kaaliyaha Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobeyþ BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND SDWO (Hargeisa 14/09/2010) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}Ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Wefti Balaadhan Oo u Hogaaminaayo Kaaliyaha Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobey isla Markaana Ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqal isaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Qasriga Madaxtaoaoyada Uu Uu Ku Saxeexan Yahey Af Hayeenka Madaxtooyada Somalialnd C/laahi maxamed Daahir {Cukuse} Ayaa waxaa uu idhignaa Siddan: Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqal isaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Madaxa Weftiga Mme Kyung-wha kang ayaa Marka Horeba Madaxweynaha u gudbisay Hambalyo ay ka sido Madaxa Komishanka Sare ee Xuquuqal isaanka UNka. Madaxa weftigu waxay Madaxweynaha Si aada ugu Amaantay Go’aankii uu ku sii daayey Dadkii Siyaasada u xidh-xidhnaa isla markii uu talada la wareegay waxanay ku tilmaantay Madaxweyne ku dayasho Mudan. Madaxa Weftigu Mme Kyung-wha kang waxa kale oo ay Madaxweynaha u balan qaaday in uu Komishankeedu Somaliland kala Shaqayndoono Horu-marinta Xuquuqal Isaanka. Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) ayaa isaguna Weftiga u bal-balaadhiyey siyaasada Xukuumada ee Dhinaca Xuquuqal Isaanka Waxaanu Madaxweynuhu u sheegay Weftiga inay Somaliland Mabda u tahay ilaalinta Xuquuqal isaanku Xukuumaduna ay sidaa ku shaqaynayso. Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha ku Wehelinaayey kulankan Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof: Ismaaciil Muumin Aar. Xubnaha Weftiga waxay kala ahaayeen:- 1. Mme Kyung-whakang DHC (VIP) 2. Scott Campbell, OHCHR- Geneva, Africa Division 3. Fiona Adolu, UNPOS HRO 4. Joachim Schmitz, UNPOS Security Chief 5. Sandra Beidas, Head of Human Rights, UNPOS/OHCHR ALLAA MAHAD LEH AFhayeenka Madaxtooyadda JSL. Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
-
Somaliland and Ethiopian forces clash with ONLF rebels
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^The Ethiopians were only involved at their side of the border -
ku dhaqan degaankaasi ay ku arkeen qalab Millatari iyo qasharrada rasaasta loo isticmaalo qoriga Baasukaha loo yaqaanno oo ay kooxahani kaga tageen iyo raad cad oo muujinaya xaddiga iyo qalabka ay wateen. Gudoomiyaha Gobolka Selel Maxamed Muuse Bucul (Buuni) oo Wargeyska HargeisaStar khatka taleefanka wax kaga waydiiyey jiritaanka wararka sheegaya in Ciidammo Jabuuti ku lid ah la keenay deegaanka iyo dhaqdhaqaaqa Itoobiyaanka iyo Somaliland, ayaa sheegay in Ciidammadda Qaranka, Xeebaha iyo Booliska Somaliland ee source tvsomalilandeurope
-
Mr somalia aha nimanki wa la qa qabtay hubkoodi na gacanta lugu dhigay Ciidanka qarranka ayaa gacanta ku haya qeybta gobolka selel.
-
Waaheen Monday, September 13th, 2010 | Posted by Maxamud Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka oo shaaca ka qaaday Ciidamadda soo galay Buuralayda Galbeedka Somaliland inay yihiin ONLF (Sawiro) Muuqaalka Labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre Hargeysa(Waaheen) Labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday Ciidamo hubaysan oo soo galay Buuralayda Galbeed ee Somaliland ee Gobolka Salal ee la garan la’aa inay yihiin Ciidamo loo soo tababaray Jabhada ONLF ee la Dagaalanta Dawladda Itoobiya Labada Taliye Ciidan shirkoodaasi Jaraa’id waxay ku soo Bandhigeen Qalab Qalab Milatari oo ka Koobnaa Sunta loo adeegsado Qaraxyada, Rasaasta Baasuukayaasha iyo Qori AK47 ah Milatari oo ka Koobnaa Sunta loo adeegsado Qaraxyada, Rasaasta Baasuukayaasha iyo Qori AK47 ah, Buugaagtii ay Tababarka ku qaadanayeen oo ku qoran farta Amxaariga iyo lacagta Dalka Eratariya kuwaasoo ay sheegeen inay ka markhaati kacayaan inay Ciidankaasi yihiin niman dalkaasi u soo tababaray Jabhada ONLF oo doonayay inay u taalaabaan dhinaca Itoobiya Muuqalka Hub Kala Duwan oo Jira Joonyado Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre waxa ay shirkoodaas Jaraa’id ku sheegeen inay Amar ku haystaan Hawl-gal qaadanaya muddo laba Maalmood ah oo ay ku soo qab-qaban doonaan nimankaasi oo ay sheegeen mid iyo laba kamid ah inay durtaba qabteen, kuwa kalena ay ku hareeraysan yihiin Sidoo kale waxa ay sheegeen gabi ahaanba inay qab-qabteen gaadiidkii iyo Dirawaliintii Ciidamadaasi hawsha u fududeeyay ee u Xeebta uga soo qaaday alaabta isla markaana u gaadhsiiyay Buuralayda, waxaanay sheegeen inay ku daba jiraan dad kale oo la shaqeeyay Labada Taliye Ciidan oo ka waramayay sida ay u ogaan waayeen nimankaasi iyo waxyaabaha u sahlay Ciidankaasi inay ka soo degaan Xeebtaasi,una gudbaan Buuralayda ayaa sheegay meeshu inay tahay Xeeb balaadhan oo aanay awood u lahayn inay gabi ahaanteedba Ciidamo dhigaan , sidaasi darteed ay kooxdan u sahashay inay ka faa’iideystaan fursadaasi iyagoo gacan ka helay dadka deegaanka qaarkood, inkastoo dadweynaha deegaankaasi qaarkood soo sheegeen nimankaasi markii ay ku arkeen Buuralayda
-
Emperor they are nationalist but they are against the goverment , there word i was looking for was Djiboutian nationalist Anti goverment group any how its either them or the onlf.
-
One thing is for sure we dont have attam flu , These guys are either those anti Djiboutian or onlf, Any how somaliland will deal with it. I say it again No alshabaab or anything in that direction
-
These are not onlf where did u guys get this news These are probably anti Djiboutian nationalist.
-
Naftayda, Maalkayga iyo Waxaan Aqoon Leeyahay Waxaan u Hurayaa in aan Kula Dagaallamo Al-shabaab” Sheekh Aadan Siiro oo dhaliilo iyo ammaan isbarkan u jeediyey xukuumadda Siilaanyo, wadaada Somaliland-na ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan dagaal-diimeed Hargeysa (Jam)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siiro), ayaa wacad ku maray inuu naftiisa iyo maalkiisaba u huri doono sidii uu Somaliland uga difaaci lahaa kooxda xagjirka ah ee ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab. Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu ugu baaqay culimada Somaliland inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa dagaal-diimeed laga dhex bilaabo Somaliland, isagoo culimada waaweyn ee dalka u soo jeediyey inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan dagaal-diimeedka ka socda Soomaaliya. “Dagaalka diimeed ee ka socda Muqdisho ee nimanka loo yaqaan Al-shabaab hoggaaminayaan maaha dagaal sax ah ee waa dagaal khaldan, waxaan is leeyahay waa dad soofdaro-habaabay oo dariiqii saxda ahaa meel allaale meel ay ka hayaan aanay jirin, caalimkii, aqoonyahankii iyo taajirkii bay dilayaan, qof kasta oo nin-door ah oo yidhaahda waar arrinkaasi wuu khaldan yahay aye dilayaan. Waxaan leeyahay culimada Somaliland arrintaa mowqif cad ha iska taagaan, Somaliland nabadgelyo buuxda ayey haysataa oo waad ogtihiin 4 habeenimo ayuu qofku soconayaa in kuwaa la gala dagaalamaa waa waajib. Naftayda, maalkayga iyo waxaan aqoon leeyahay waxaan u hurayaa in aan kula dagaalamo kuwaas [Al-shabaab] Somaliland in aanay dumin wax kastoo ay igu qaadanayso, culimadana waxaan ugu baaqayaa yaanay noqonin waa aragti wadaadka Aadan-siiro leeyahay, laakiin ha noqoto aragti ay taagan yihiin culimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa looga fadhiyaa inay Somaliland difaaceeda mowqif cad iska taagaan, waxa looga fadhiyaa dagaal diimeed oo Somaliland laga abuuro mowqifka ay ka taagan yihiin, waxaan kula talinayaa kuwa maanta Hargeysa hantida badan ku haysta ee wadaadada ah, kuwa baabuurta cadcad ku haysta ee dadka ugu muuqda ee wax ku noqday Somaliland ee ka hor intii aanay Somaliland jirin baabuur cad, guryo iyo muuqaal badan aan lahayn waxaan leeyahay waar dalkiina ka difaaca dagaal diimeed oo yimaad oo intaynu hadhaw is qoomamayn lahayn,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo khudbad u jeediyey kumanaan qof salaaddii Ciiddul-fidriga ku tukanayey garoonka xaafadda Xawaadle ee degmada 26-ka June. Sheekha oo khudbdiisa kaga hadlay qodobo kala duwan, waxa uu ammaanay Nadaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dadka aqoonta iyo wanaaga la bidayo, hase ahaatee waxa uu dhaliilay qaab-dhismeedka xukuumaddiisa oo uu sheegay inay wax badan laga tabayo, waxase uu shacabka ugu baaqay in la taageero oo fursad ay wax ku qaban karto la siiyo. Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la tabanayaa in dad badan oo aqoon iyo karti leh oo dalka qiimo ku leh aanay ku jirin xukuumadda, sidaa daraadeed waxaynu aad u faraynaa in dadkaasi laga qaybgeliyo. Waxaynu ku dhaliilaynaa xukuumadda maanta jirta tiro yaraantii in aanay jirin oo la magacaabay xukuumad 50 xil ah, isla markaasi haddana beelihii qaar badani dhiman yihiin, dadku waa qabaa’il, kala gobolo iyo kala degaan, waxaynu kula talinaynaa xukuumadda in dadka la ururiyo oo aanay dadku iska waayin kol haddii tiradii la badiyey, si dadka la isugu hayo. Walaalayaal xukuumaddaas aynu is barbartaagno. Waxaan kula talinayaa beelaha Somaliland waar nin walowba afmiishaarkaaga ka adkaw sannad oo dawladdaasi aynu fursad siino oo dacaayadda ha laga daayo, toosintu waa halkeeda oo waa ta aynu taaganahay, laakiin warkeena Madaxtooyada yaalaa ha asturnaado oo yeynaan suuqa keenin.” Aadan-siiro waxa uu xukuumadda kula dardaarmay inay culayska ugu wayn saarto shaqo-abuuris loo sameeyo dhallinyarada oo uu tilmaamay inay yihiin xoogga dalka, balse haddaanay shaqo helin dibadad uga bixi doona. “Waa in dhaqaalaha la kobciyaa, laakiin dhaqaalaha oo la kordhiyaa maaha in Wasiirka Maaliyaddu dadka ku soo rogo cashuur saa’id ah iyagoo bakhtiyaya oo aan shaqo hayn, waxaannu leenahay cashuurta ha la dhimo si dekedda Berbera u noqoto meel Geeska Afrika oo dhan dhaqaalihiisu ka soo dego.” Sheekhu waxa uu soo jeediyey qorshe lagula dagaallami karo faqriga, waxaannu yidhi, “Walaalayaal ina farayaa in aynu isku naxariisano. Dalkeennu waa dal yar oo faqiir ah. Waxa loo baahan yahay in 20 guriba is abaabulaan oo shanta guri ee ku dhex bakhtiyaya ha caawiyaan, muxuu ku yeelanyaa kiiloo bariis ah haddii aad rufuc soo qaadato, muxuu ku yeelanaa kiiloo sonkor ahi haddii aad rufuc soo qaadato in aad bixiso, sidoo kale kiiloo daqiiq ah, markaad bal 20 guri oo min saddex kiiloo bixiyey waa 60 kiiloo wax bay u tarayaan shanta guri eek u dhex nool.” Ugu dambayn, Sh. Aadan-siiro waxa uu si kulul u cambaareeyey baadiri Maraykan ah oo dhawaan sheegay inuu gubayo nuqulo ka mid ah Kitaabka qu’aanka kariimka ah. Jamhuuriya Online
-
Somaliland: Police Officers Graduate from Gollis University
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jb do you have more pics neverless good work -
Sanaag Gets the Second University -- Welcome to Maakhir University
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
very nice good progress -
Faroole really needs to solve this issue
-
This is indeed good work and a good step in the right direction for the somaliland port the investment from these kind of venture will improve berbera and saaxil province as a whole and also the somaliland economy i welcome this this will surely improve the infrastructure of the country and also gain more employment of the somaliland people, berbera city will be transformed in to a industrious working transportation this is indeed good work well done
-
Originally posted by General Duke: ^^^Somaliland independence is not sure thing and every year that passes it becomes unlikely. Thus the real alternative are strong states and a weak center. ans these states must be large enough to sustain themselves.. Good luck indeed, we are all stuck together regardless. Ever year passes by and Somalia falls into deeper anarchy and more insurgents and foreign fighters keep coming to Somalia to add the fuel to its status failure. Is not going anywhere with the 4.5 clan formula and no new constitution will solve or safe it from further destruction or more clan states in mid Somalia.
-
Dukey Somaliland’s independence is not even Negotiable, so you can exclude them from your list. However you if you insist in having a federal Somalia from raskambooni to raas caseer I advise you to get rid of the 4.5 Clan formula federalism and 4.5 Don’t go hand in hand , after that you need to combat the Extremist groups alshabaab and all the other insurgents . after done all of that you can start Planning drawing a map possible federal states . In your Somalia. Good luck
-
ciyaaraha somaliland oo si casri ah loogu qabtay jigjiga
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ciyaar seylici in jiga