me

Nomads
  • Content Count

    4,362
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by me

  1. me

    Deleted

    Deleted
  2. Waryaa Nassir, Hadalkaaga la noqo, Ina Cali shirihii halyeyga ahaa kama hadlayo. Waxaan ka hadlayaa kan Cabdisamad la yidhaahdo ee Puntland pirateweyne ku xigeenka u ah. Marka si khalad ah ayaad ii fahantay.
  3. Originally posted by Che -Guevara: Me....Better option will be to find pro-Somali factions within these entities and defeat them from within. That would be the ideal scenario.
  4. Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Galmudug Iyo Jaaliyadda SSC Norwey Wednesday, June 2, 2010 Waxaa kulan uu dhexmaray jaalliyadda galmudug oo uu weheliyo madaxweynaha maamul goboleedka galmudug mudane:- Maxamed Axmed Caalim. Iyadoo jaalliyadda S.S.C norway ku soo booqatay madaxweynaha guriga oo degen yahay. Daawo Sawirada Soo dhawayn aad u heersaraysa,isbarasho gacaltooyo ku dheehan tahay ka dib waxaa Hadalkii qaatay Mudane C/risaaq dhegeweyne oo ka mahad celiyay booqashada jaalliayadda S.S.C Norway ay ku soo sharfeen Madaxweynaha Maamul goboleedka galmudug. Waxuu mudane dhego weyne sheegay inay labadda jaalliyadood leeyihiin xiriir soo jireen ah,aadna ay isugu dhow yihiin,isagoo carrabka ku dhuftay ka qayb qaadashadii ay jaalliyadda galmudug ka qayb qaateen soo dhaweyntii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaadka Guud Ee SSC, mudadii uu booqashadda ku joogay dalkan Norway,iyo inay ka wada qayb qaataan dhamaanba kullamada looga hadlayo danaha ummadda soomaaliyeed. Waxaa Hadalkii lagu soo wareejiyay Mudane C/laahi jaamac oo ku hadlayay magaca odayaasha jaalliyadda S.S.C norway, waxaanu mudane C/laahi aad uga mahadnaqay wax qabadkii ay dadka iyo maamulka galmudug u qabteen dadka S.S.C taasoo uu ku tilmaamay mid lama ilaawaan ah sidii walaaltinimadda lahayd ee dadweynaha iyo maamulka galmudugba ay u soo dhaweeyeen hogaanka sare ee S.S.C, waana mid taariikhi ah. Intaa ka dib waxaa hadalka la wareegay Dr.Kayse Siciid Cartan oo isna aad ugu dheeraaday xiriirka labada jaalliyadood iyo in la sii adkeeyo,ka gudaha,isagoo Dr. Kayse sheegey in degaanka S.S.C ay ka mid yihiin Dad asal ahaan ku abtirsada Galmudug,oo ay yihiin dad wax kastoo la isu noqon karaba isu ah. Waxaa isaguna hadalka loo gudbiyay Jaamac Yuusuf Ibraahin waa Jaamac Dhawdhawle oo si hufan uga warbixiyay xaaladaha ka taagan degaanadda S.S.C ee ay isu bahaysteen Saddex maamul oo cadow ku ah,kana kala xigaan hareeraha. Wuxuu jaamac ku nuux nuuxsaday in maamul goboleedka gal mudug oo ka mid ah maamuladii ugu da'da yar laga dareemayo soomaalinimo,isla markaana ay dhiirigelinayaan xiriir dhinac walba ah inuu dhexmaro maamulka cusub ee S.S.C iyo hogaankoodaba diyaar u yihiin soona dhoweynayaan. Waxaa intaa ka dib hadalkii lagu wareejiyay Madaxweynaha Maamul goboleedka Gal mudug Mudane Maxamed Axmed Caalim. Madaxweynuhu wuxuu ka waramay sida ay tahay xaaladda soomaaliya,iyo gaar ahaan tan maamulka galmudug,waxaanu aad ugu dheeraaday inay nabadu tahay ta lagu dambaynayo,ayna tahay in laga shaqeeyaa oo ay muhiim muqadas ah tahay. Waxuu madaxweynuhu si hufan u cadeeyey in maamul goboleedka galmudug yahay mid soomaali u dhexeeya cid kasta oo soomaali ahna lagu soo dhawaynayo oo aanay qariib iyo marti ku noqonayn. Wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu soo dhawaynayo xiriir walaaltinimo oo dhex mara dadka kala degga labada degaan ee gal mudug iyo Sool Sanaag iyo Cayn. Wuxuu Madaxweynuhu ka codsaday jaalliyadda SSC ee norway inay salaan ka gaadhsiiyaan dhamaanba Dadweynaha S.S.C gudaha iyo qurbahaba. Waxaanu kulankaasi ku soo afmeermay is afgarasho walaaltinimo ku dheehan tahay iyo gacaltooyo. Daawo Sawirada Horufadhi.com
  5. Malayshiyo reer Puntland ah oo toogtay sarkaal ka soo jeeda gobolka Sool,marxuun Cali Aadan Dhabarey Warkii 07-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS Waxaa malayshiyo hubaysani ay ku toogteen tuulada Tuulo-buuryaqab ee gobolka Mudug sarkaal ka soo jeeda gobolka Sool oo ka tirsanaa ciidamda Puntland,kaasoo magaciisa la yidhaahdo ala ha u naxariistee Marxuun Col Cali Aadan Dhabarey,isaga oo markaa safar ahaa oo deegaankaas ku sugnaa,waxaana xiliga la dilayey safarkiisa ku weheliyey ciidamo kale oo Puntland ah,ilaa iyo hadana lama qaban dadkii falkaas geystey,iyada oo uu ahaa dil la soo abaabulay. Dilka marxuunkaas ayaa laga dareemay magaalada Laascaanood,waxaana dilkaas lala xidhiidhinayaa dilal horay u dhacay oo ku slaysan aano qabiil,iydoon ilaa iyo hada arinkaas la cadayn,dadkii falkaas geysteyna la garanayo haybtooda,aanse ilaa iyo hada maamulkaasi wax talaabo ah ka qaadin falkaas. Ilaahay ha u naxariisto Col Dhabarey,qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iiimaan ha ka siiyo.Aamiin. Afnugaal News Desk. Contact:info@afnugaal.com
  6. Mansa, lol@co-founder, when you entered the deal you had certain collateral. Now you don't have that collateral. 1. You lost real estate. 2. You lost popular support. So ask yourself, what value do you have for Puntland? and what value does Puntland have for you? Puntland is a house of cards that is about to collapse, if you wish to be part of it then be my guest. But then accept that you are no different than those supporting Somaliland such as Xaabsade & Sandule. Ps. I have reached my quota of BS maanta, so waa inoo mar kale.
  7. A man claiming to be from Taleex, yet considering himself to be a Puntlander rather than an SSC'er is nothing short of a traitor of his homeland. Correct me if I am wrong.
  8. Mansa, Erayada af ingriiska micnahooda ma taqaanid ayaan u malaynayaa. 'Subjects & Conquer' kan aad ka hadlaysay maxee ahaayeen? Bal ii fasir waxaad ka hadlaysay boowe. Kolay aniga waxay ila tahay in aadanba garanayn waxaad ka hadlaysid. Originally posted by Mansa Munsa: Xiin PL has the potential to be a vibrant state which can be an example to the rest of Somalia but I'm in doubt whether the path her current admin is on taking us nowhere. Spoken like a true dabadh*lif in the magnitude of Sandule, Xaabsade & Ina Ali Shire.
  9. Mansa, Subjects? Conquer? Lost in Translation I suppose, because I wasn't aware that Faroole or even the Pirates Nest has any subjects or whether they were ever capable of conquering anything. This is beyond threats or remedies, Puntland is history and so are the secessionists. Waraa Oodweyne, adiga baryahan hadal baa kaa soo haray, maxaa cusub? Iiga waran doorashadii?
  10. Oodweyne, In this situation you can see what you wish to see, your political labours, being what they are, you can be rest assured I assume.
  11. Hadalo meel ka dhac ah oo laga sii daayey idaacada BBC & Daljir Saturday, 05 June 2010 08:38 | Written by Buhodle.net “Axmaqnimo wakhtiga kaaga tegay oohin kugu reebye” Waxaa maanta gudaha magaalada Buuhoodle aad looga hadal hayaa noqotayna wax aad iyo aad loola yaabo in shikhsiyaad u xaglinaya maamulada gobolada SSC hareeraha ka xigaa ay soo saaraan wax ay ugu magac dareen war saxafadeed ay ku canbaaraynayaan wufuudii sida diiran maalintii shalay ahayd magaalada loogu soo dhaweeyey ee ay horkacayeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Shikhsiyaadkaas iyo taageerayaashooda oo ah dad aad u yar mushahaarooyina ka kala qaata maamulada Hargeysa iyo Garoowe ayaa iyaga oo ka hadlay idaacadaha BBC iyo tan afka Puntland ku hadasha ee magaceeda la yidhaahdo Daljir maanta ku dhawaaqay in wufuudii shalay magaalada lagu soo dhaweeyey ay si deg deg ah magaalada uga baxaan. Warisiyadaa isdaba jooga ahina waxay noqdeen kuwo fajiciso iyo la yaab ku noqday dad weynaha ku nool magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda. Waana arinta keliya ee maanta gelinkii danbe dadka badankiisu ka wada hadlayaan iyaga oo aaminsan in labada maamul ee Garoowe iyo Hargeysa ay hanti aad u badan ku bixyeen sidii ay saxaafada uga hadli lahaayeen dadkan iyaga magacooda ku hadla ee ku sugan magaaladan Buuhoodle. Labada idaacadood BBC iyo Daljir ayaa iyana markii lala xidhiidhay ka gaabsaday ama diiday in ay waraysi dhexdhexaad ah siiyaan dadka u halgamaya gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ha noqoto hawl wadeeno ama ha noqto saraakiisha iyo Garaadada isu xilqaamay in ay degaanadooda ka xoreeyaan maamulada ku soo duulay. Waxaana xiligan xaadirka ah iyo ilaa gelinkii danbe ee maanta magaalada Buuhoodle ka soconayey shirar gaagaaban oo la doonayo in lagu mideeyo waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan magaalada iyo sida ugu wanaagsan ee looga jawaabi lahaa arintan foosha xun ee maanta laga sii daayey idaacadaha ka soo horjeeda horumarka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Waxaana hubaal ah in dadka ku dhaqan degaanka magaalada Buuhoodle in ay shucuurtooda oo midaysan oo aan wax lacag ah lagu bixin ay sida ugu dhakhsaha badan u muujiin doonaan iyaga oo ka soo horjeeda maamulada Hargeysa, Garoowe iyo dadka u shaqeeyaba. Halgan kasta oo meel ka bilowdana rag baa ka hadha oo ceebtiisa qaata ama nafta ha baxnaaniyeen ama lacag yar oo aan quud ahayn ha xeeriyeene intooda badana taariikhda ayaa si cad u qeexi doonta. Buhodle.net Buhodle.net
  12. Wufuud balaadhan oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo gaadhay Buhodle Friday, 04 June 2010 11:35 | Written by Buhodle.net Garaad Jaamac Garaad Cali Soo dhaweeyn taariikhi ay ayaa waxaa galabta magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyey wufuud aad u ballaadhan oo uu hor kacayo Garaadka guud ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaadka kale ee da'da yar ee isna aad loogu han weyn yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Wufuudan balaadhan ee ay hor kacayeen laba Garaad Jaamac ayaa waxaa magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda loogu soo dhaweeyey si aan hor degaankan loogu arag looguna maqal. Iyada oo ay soo dhoweeyntaasi maanta duhurkii ka soo bilaabatay magaalada Balicad oo wufuudaa loogu qado kariyey. Garaadada iyo wufuuda la socotay oo lagu soo dhoweeyey boqolaal gawaadhi ah oo isugu jirta kuw ciidamada iyo kuwo shiciba ayaa waxaa ku af beeshay garoonka weyn ee kubada cagta ee loo yaqaano Xabado oo ay ku sugnaayeen dadkii magaalada oo goobtaa diyaar ku ahaa mudo dhowr saacadood ah. Garoonkaa oo dadka ku sugani kumaankun kur u dhaafeen ayaa waxaa markii ugu horeysaba halkaa hadal soo dhoweyn ah oo aad iyo aad loogu diirsaday ka jeediyey hogaamiyaha hogaanka xoraynta iyo midaynta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar oo hada in mudo ah ku sugnaa magaaladan Buuhoodle. Hogaamiyaha oo hadalkiisu isugu jiray wacyi gelin, dhiirgelin iyo soo dhaweeyn loogu talo galay wufuuda Garaadada ayaa ahaa mid sidoo kale si toos ah u taabanayey maamulada aynu deriska la nahay ee sida xaqdarada ah ugu tacadiyey dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Hogaanka ka bacadi waxaa hadalkii qaatay Garaadka guud ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali oo si aad u balaadhan ugu mahad celiyey sida heerka sare ah ee loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeedn. Waxaana Garaadku isaga oo hadalkiisa sii wata ku booriyey dadka ku dhaqan gobolada SSC in ay dhowraan adkeeyaana midnimada iyo isku xidhnaata dadka ku dhaqan goboladaas. Waxaa kale oo halkaa iyana qudbado aad iyo aad u xiiso badan ka soo jeediyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Cali Buraale oo iyana aad iyo aad ugu mahad celiyey soodhaweynta habaysan ee ay ugu talo galeen dad weynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle. Garaad Ibraahin Baaruud Guutaale oo ah garaadka gogosha fidiyey ayaa isna goobtaa si wanaagsan uga hadlay isaga oo Garaadada iyo wufuuda la socotaba gacmo furan ugu sheegay in ay ku soo dhawaadaan Buuhoodlena ku tilmaamay guriga umada SSC iyo kan umada Soomaaliyeed oo dhan. Caawana shucuurta dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle waxaad moodaa in uu yahay mid ay dib ugu bilaabayaan kacaankii labaad ee halgankii taariikhiga ahaa ee Daraawiishta oo lagu hanweynyahay in uu noqondoono mid la gaadhsiinyo umada Soomaaliyeed oo dhan meel kasta oo ay joogaanba. Buhodle.net
  13. Hadalo meel ka dhac ah oo laga sii daayey idaacada BBC & Daljir Saturday, 05 June 2010 08:38 | Written by Buhodle.net “Axmaqnimo wakhtiga kaaga tegay oohin kugu reebye” Waxaa maanta gudaha magaalada Buuhoodle aad looga hadal hayaa noqotayna wax aad iyo aad loola yaabo in shikhsiyaad u xaglinaya maamulada gobolada SSC hareeraha ka xigaa ay soo saaraan wax ay ugu magac dareen war saxafadeed ay ku canbaaraynayaan wufuudii sida diiran maalintii shalay ahayd magaalada loogu soo dhaweeyey ee ay horkacayeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Shikhsiyaadkaas iyo taageerayaashooda oo ah dad aad u yar mushahaarooyina ka kala qaata maamulada Hargeysa iyo Garoowe ayaa iyaga oo ka hadlay idaacadaha BBC iyo tan afka Puntland ku hadasha ee magaceeda la yidhaahdo Daljir maanta ku dhawaaqay in wufuudii shalay magaalada lagu soo dhaweeyey ay si deg deg ah magaalada uga baxaan. Warisiyadaa isdaba jooga ahina waxay noqdeen kuwo fajiciso iyo la yaab ku noqday dad weynaha ku nool magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda. Waana arinta keliya ee maanta gelinkii danbe dadka badankiisu ka wada hadlayaan iyaga oo aaminsan in labada maamul ee Garoowe iyo Hargeysa ay hanti aad u badan ku bixyeen sidii ay saxaafada uga hadli lahaayeen dadkan iyaga magacooda ku hadla ee ku sugan magaaladan Buuhoodle. Labada idaacadood BBC iyo Daljir ayaa iyana markii lala xidhiidhay ka gaabsaday ama diiday in ay waraysi dhexdhexaad ah siiyaan dadka u halgamaya gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ha noqoto hawl wadeeno ama ha noqto saraakiisha iyo Garaadada isu xilqaamay in ay degaanadooda ka xoreeyaan maamulada ku soo duulay. Waxaana xiligan xaadirka ah iyo ilaa gelinkii danbe ee maanta magaalada Buuhoodle ka soconayey shirar gaagaaban oo la doonayo in lagu mideeyo waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan magaalada iyo sida ugu wanaagsan ee looga jawaabi lahaa arintan foosha xun ee maanta laga sii daayey idaacadaha ka soo horjeeda horumarka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Waxaana hubaal ah in dadka ku dhaqan degaanka magaalada Buuhoodle in ay shucuurtooda oo midaysan oo aan wax lacag ah lagu bixin ay sida ugu dhakhsaha badan u muujiin doonaan iyaga oo ka soo horjeeda maamulada Hargeysa, Garoowe iyo dadka u shaqeeyaba. Halgan kasta oo meel ka bilowdana rag baa ka hadha oo ceebtiisa qaata ama nafta ha baxnaaniyeen ama lacag yar oo aan quud ahayn ha xeeriyeene intooda badana taariikhda ayaa si cad u qeexi doonta. Buhodle.net
  14. {Buuhoodle} 05-06-10 - Isimada, Khusuusida, iyo Hoggaanka Badbaadada iyo Midnimada waxaa la gudboon inay SSC ku soo rogaan xukun degdeg ah maadaama uu dalku ku jiro xaalad adag oo dagaal ah. Xukunka degdegga ah waxaa lagu dhaqayaa cid kasta oo ka hortimaadda halganka xoraynta iyo midnimada. Xukunka degdegga ah waxaa uu si toos ah u qabanayaa kuwa ka imanayaa Soomaalidiidka, dibindaabyada puntland, iyo cid kasta oo SSC gudaheeda laga adeegsado. Xaaladda noocani oo kale ahi waxay u baahan tahay maamul adag sababtoo ah shacabka SSC ma aqbali karo khiyaamo, carqaladayn, iyo af gembi lala daba taagnaado. Ummaddu waxay u baahan tahay hoggaamin hal adag iyo ficil dawladnimo oo meel mar ah, iyo in aan loo hamran wax kasta oo ka soo horjeeda himilada, masiirka, iyo rabitaanka ummadda SSC ee duudsiga iyo dulmiga lagu hayey waqtiga dheer iyadoo laga faa'iidaystay samirkooda, Soomaali jacaylkooda, midnimo jacaylkooda, iyo horumar ay gaadhaan ka jeclaayeen Soomaali oo is-raacda. Shacab weynaha SSC meel kasta ay joogaan gudo iyo dibedba waxay si weyn u taageerayaan una soo dhoweynayaan xukun degdeg ah Isimadooda xalaasha ah, Khusuusidooda, iyo Hoggaanoodu soo rogaan kuna maamulaan Dhulka SSC muddada xoraynta. Xoraynta kaddib guushana la gaadho waxaa la qaadi doonaa xukunka degdegga ah, xaaladdana waxaa lagu soo celin doonaa caadi. Inta xukunka degdeg ah jiro, waxaa kale oo socon doonta in shakhsiyaadka habowsan ee SSC una adeegaya labada maamul beeleed dhinacyada inaga xiga si macquula loo wado dadaal lagu qancinayo inay dadkooda dhinac ka raacaan, lana fahmsiiyo in danta gaarka ah ay ka weyn tahay danta iyo mustaqbalka guud ahaan ummadda, ayna dhici karin koox yari oo kooban ku ciyaarto, khamaarto, ama ku danaysato waxa dadka oo dhan ka dhexeeya. Farriinta oo cad waxa weeye "Qadiyadda SSC oo xaraash ahi (Auction) dib dambe suuqa uma taal." Waxaa dadka SSC dhawrayaan tallaabadan oo degdeg loo qaado. SSC Guul, Midnimo, iyo Gobanimo
  15. Originally posted by Norfsky: ^so they're freeing themselves from a seccesionist enclave that they feel could gain recognition in the near future? Huh, adga ma gaas baad cabtay maanta? Meesha ka fadhiiso Norf. First you post about Freemasons and now your mumbeling shid, wax walba ma caadi baa maanta? take it easy bro. Drink plenty of fluids and stay away from the sun.
  16. me

    Politics War - clips

    Oodweyne, See this as an exercise in history for your benefit. We can all attach certain interpretations to these clips, but I wouldn't want to force my interpretation on you, as you are fully capable in reaching your own conclusions.
  17. me

    Politics War - clips

    The Assassination of Patrice Lumumba - Pt 1 The Assassination of Patrice Lumumba - Pt 2 The Assassination of Patrice Lumumba - Pt 3 The Assassination of Patrice Lumumba - Pt 4 The Assassination of Patrice Lumumba - Pt 5