Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Shirkadda Shidaalka ka Qodaysay Puntland oo sheegtay inay joojinayso ceelkii ay ka qodaysay Dooxada Darroor Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Shirkadda Horn Petroleum Corp ayaa sheegtay inay joojisay ceelkii shidaalka ee ay ka qodaysay dooxada Darroor ee Puntland, kaddib markii ay sheegtay inaysan u muuqan in halkaas uu shidaal ka imaan karo. Warbixin ay shirkadda soo saartay ayay ku sheegtay in riiggii ay ka saartay halkii uu ku mudnaa, iyadoo xustay inay horay u qorsheysay in markii ay hoos u socdaan 3800-mitir uu shidaal imaan doono, balse ay gaareen 3,430-mitir balse aysan hayn wax shidaal ah. Shirkaddan oo saldhigeedu yahay dalka Kanada ayaa waxay sheegtay in howsha lagu qodayo shidaalka ay u wareejin doonto deegaanno kale oo Puntland ka tirsan, iyadoo heshiiska shirkaddan iyo Puntland ay galeen uu dhigayo in 51% ay shirkaddu yeelato shidaalka la helo. Howsha lagu qodayo shidaalka Puntland oo billaabatay bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga billaabo shidaal qodis. Puntland ayaan weli ka hadlin joojinta ay shirkadda Horn Petroleum Corp joojisay qodistii shidaalka ee Puntland ay kawadday, iyadoo shirkaddu aysan sheegin halka ay qodidda shidaalka ka billaabayso. Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa horay u sheegay in shidaalkan uu u horseedayo Puntland horumar, isagoo xusay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay shirkaddan u billaabi lahayd howsha qodidda shidaalka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. http://horufadhi.com/2012/05/18/dr-cweli-iyo-faroolle-oo-siyaasadii-beesha-mj-ku-kala-adkaaday/
  3. Dr: C/Weli iyo Faroolle oo Siyaasadii Buuqland ku kala Adkaaday,{Qormo}. Horufadhi.com Ra’iisal wasaaraha Soomaliya Dr: C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo labadu ka soo jeeda beesha ********** *******, ayaa waxaa dhexmaray labadan nin Halgan siyaasadeed oo qaatay mudo 7 maalmood ah. Raysal wasaare Abdi Weli Cali Gaas waxaa ka go’an asaga in dastuurka la meel mariyo, wado kastoo loo marayo, haseyeeshee Faroole oo inta badan caan ku noqday siyaasad aan sal lahayn isla markaana Fudayd badan lagu Ladhay ayaa ka soo horjeestay wuxuuna kala qaybiyey isimadii beesha ********** oo ayagu si talo ah markii hore meesha ku tagay. Haseyeeshee wuxuu ku fashilmay inuu soo wada saaro dhamaantood, taas bedelkeediina wuxuu shirkii ka soo saaray xubno uu ugu magac dheer yahay Suldaan Garaase. Raysal wasaarae Dr: Gaas oo ku guulaystay markii hore inuu la hadho rag badan oo uu ka mid yahay wakiilka Boqorka beesha ********** iyo weliba xubno kale oo isimo ah, sida Beelaha ******** ************ iyo ************, ayaa maanta hawshaas soo afmeeray ka dib markii uu keenay Islaam Bashiir oo asagu ah ninka ugu awooda badan isimada beesha **********. Gaas ayaa wuxuu si heer qaran ah Muqdisho ugu soo dhaweeyey Islaamka, asagoo soo tubay Garoonka ururada dhalinyarada, barbaarta gaashanman iyo weliba Odayaal dhaqameedkii Soomaaliyeed oo uu shalay ka codsaday in ay la weyneeyaan Islaam Bashiir. Arintan ayaa maanta si rasmi ah u soo Afmeertay Loolankii dhinaca Isimada ee u dhexeeyey Faroole iyo Gaas, ayadoo uu si xarago badan koobkaas u qaaday Dr: C/Weli Gaas. Raysal wasaare Gaas ayaa labadii todobaad ee u danbeeyey galka seefta kala baxay, isla markaana waxaad moodaa inuu xaqiiqsaday inuu yahay Mas’uul awood badan leh, wuxuuna sida muuqata ku qancay inuu Faroole ka awood badan yahay , taasoo uusan hada ka hor muujin. Waxaana hada biyo kama dhibcaan ah, in Abdiweli oo taageero ka helayo qaybo badan uu hada wajahay wado cusub oo uu ku meel marin karo dastuurka cusub ee looga baxayo KMG ah.
  4. Xaaji Xunjuf;830296 wrote: Pirates on shore doing their daily activities. Indeed.
  5. http://horseedmedia.net/2012/05/15/gadiid-ay-leedahay-hayadda-save-the-children-oo-lagu-dhacay-duleedka-degmada-isku-shuban/
  6. Gadiid ay leedahay hay’adda Save The Children oo lagu dhacay duleedka degmada Isku-shuban Gaadiid ay leedahay hay’adda Save the Children ayaa lagu dhacay meel u dhow degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Gaadiidkan oo ay tiradoodu 2-tahay ayaa koox Burcad ahi waxay ka qabsadeen tuulada Biikey oo Isku-shuban 30km u jirta. Dableyda gaadiidkan qabsaday ayaa rasaas oodda kaga qaaday shaqaalihii labdaas gaari la socdey oo ay tiradoodu 10 qof tahay. Waxayna intaas kadib gaadiidkan oo ah nooca Landcrusier gaar ahaan kuwa ay soomaalidu Laylo-calaawida u taqaan la aadeen dhinaca xeebta. Duqa degmada Isku-shuban oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxda dhacda kaysatey ay yihiin Burcad-badeed. Wuxuuna intaas ku daray inuu socdo dadaal ku aadan sidii gawaaridaas loo soo celin lahaa kaasoo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka. Ma ahan markii ugu horeyey ee qaar kamid ah gaadiidka hay’adaha samafalka lagu dhaco deegaano hoos taga degmada Isku-shuban. Horseed Media
  7. Maamul Lamagac Baxay Cayn state oo lagaga dhawaaqey cariga Mareykanka shabakada kalshaalenews oo wareysi la yeelatey masuliyiinta Mamulkaas mid kamida wareeysigaas oo dhinacyo badan tabanaya Chif Caqli Jamac Mayal Koreye oo sheegan in ay keentey maamulkan baahi baahday ka dhageeyso hoos wareysigii oodhan Halkan Riix Halkan riix Chif Caqil kooreye
  8. Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka oo ka qayb galay Shirka IGAD ee Addis Ababa. (Hadhwanaagnews) Tuesday, May 08, 2012 AddisAbaba-(HWN)-Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka ayaa Maanta ka qayb galay shir ay ku yeelanayaan Magaalada Addis ababa dalalka ku jira urur goboleedka Igad iyo qaadhaan bixiyayaasha ka taageera arrimaha horumarka. AddisAbab-(HWN)-Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka ayaa Maanta ka qayb galay shir ay ku yeelanayaan Magaalada Addis ababa dalalka ku jira urur goboleedka Igad iyo qaadhaan bixiyayaasha ka taageera arrimaha horumarka. Shirkan oo ahaa mid ay isku wajahayeen Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee maalgaliya urur goboleedka Igad ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo amaan balaadhan u soo jeediyay guud ahaan qaadhaan bixiyayaasha adduunka ee Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed waxaanu sheegay in xukuumada Somaliland ay marwalba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar isla markaana hogaaminayay weftiga ka socda Somaliland ayaa u mahadnaq u soo jeediyay masuuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay , waxa uu wasiirku ka waramay waxyaabihii u qabsoomay dawlada uu ka tirsan yahay mudadii ay hogaaminta qaranka hayeen waxa uu Wasiirka Arrimaha dibadu sheegay inay wada shaqayn dhow leeyihiin urur goboleedka igad isla markaana ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo aragnimo ay uga baahdaan. Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Igad Maxbuub Macalin ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo dawlada Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada horumarka iyo maamul daadejinta waxaanu xusay in aragtida urur goboleedka igad ay tahay mid ay ku sii adkaynayaan waxyaabaha ay ummada Somaliland higsanayso. Kulankan waxaa ka qayb qaadanayay oo kale ku dhawaad labaatan dublamaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Addis ababa isla markaana ah kuwa maalgashada qaaradan afrika . Hadhwanaagnews/Office
  9. Bilicda Hargeysa Oo Maalin Maalinta Ka Dambaysa Talaabo Qaadaysa iyo adeegyo Hore Loo Dhaadanaa Oo Hadda La Kowsaday (Hadhwanaagnews) Tuesday, May 08, 2012 Bilicda Hargeysa Oo Maalin Maalinta Ka Dambaysa Talaabo Qaadaysa iyo adeegyo Hore Loo Dhaadanaa Oo Hadda La Kowsaday Hargeysa (HWN) Bilicda Magaaladda Hargeysa ayaa maalinba-maalinba maalinta ka dambaysa sare u sii kacaysa, ka dib markii ay ganacsatadda waaweyn ee ka dhex shaqaystaa ay keeneen fekrado hore loogu itaal waayay. Shirkadda Milgo Digital Tv iyo KOW Media ayaa mid waliba uu keenay qorsheyaal ganacsatadda waaweyn ku xayaysiisan karaan ganacsigooda. Adeegyaddan ay soo kordhiyeen shirkadahan ayaa ah kuwo bilicda caasimadda Somaliland ee hargeysa sare u qaaday iyada oo ay labadda shirkadood mid waliba jidadka caasimadda ku soo kordhisay adeegyo ay bulshadu si weyn isha ula raacdo. Milgo Digital Tv Milgo Digital Tv hayadd warbaahineed oo baaxad weyn leh, waxaana hadda magaaladda Hargeysa iyo sida igu maqaalo ah goboladda dalka looga isticmaalaa si weyn. Hayaddan oo ay uu iska leeyahay muwaadin reer Somaliland ahi ayaa waxa ay baahisaa adeegyo kala duwan, waxaana ugu horeyn bilicda aynu ka soo qaadan karnaa shaashad weyn oo uu jidadka dhex mara hal bawlaha caasimadda ku rakibay. Waxaana inta ay shidan tahay oo dhan laga dheehdaa kolba adeegyadda cusub iyo kuwii hore ee ku jiray, kuwaas oo isla markaaba ay dadku kala xidhiidhaan. Sidoo kale Milgo Digital Tv, waxa ay u fidisaa shacabka Magaaladda Hargeysa adeegyo ay ku daawan karaan telefishano uu muuqaalkoodu dhif iyo naadir ku ahaa dalka. Kow Media Group: Sida shirkadda Milgo ayaa shirkaddana uu iska leeyahay muwaadin Reer Somaliland ahi, waxaana inta badan ay ka shaqaysaa adeegyo ay ka mid yihiin ururinta taariikhda dalka iyo waliba samaynta filimo dhaxal gal ah. Waa shirkad inta badan ka shaqaysa bilicda caasimadda, waxaanay fidisaa adeegyo casri ah iyada oo gidaaradda ku hareeraysan wadooyinka. Adeegan ayaa sida nagu maqaalo ah marka ay meel ka bilaabaan loo kala dheerayaa, waxaana qolo waliba ay qaydataa meel iyada oo jeclaysanaysa in ay ka degto meel laga wada arki karo. Maxay Reer Hargeysa Ka Yidhaahdeen: Dad Weynaha Ku Dhaqan Magaaladda Hargeysa oo talaabo-talaabo ula socda waxyaabaha kala duwan ee dunida casriga ah Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Ku Soo Kordhaya ayaa si weyn u soo dhaweeyay adeegyaddan. Runtii Waa adeegyo bilicda caasimadda Sare u soo qaadaya, waayo hadii aad marto jidadka oo adiga oo hawlo kala ku foogan ayuun baa mar keliya dareenkaaga ay soo jeedinaysaa waxyaabahan casriga ah ee jidadka lagu xardhay sidaas waxa yidhi wiil dhalinyaro ah oo ku soo koobay magaciisa Ismaaciil. Isku soo wada duubo adeegyaddan ayaa ah kuwo ay Magaaladda Hargeysa muddo dheer tabaysay isla markaana dib u soo celiyay bilicda caasimadda. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office Hargeysa/Somaliland
  10. http://somalilandpress.com/somaliland-to-snub-turkey-conference-on-somalia-2-28236
  11. The self-declared state of Somaliland has ruled out attending a meeting in Turkey called to review progress over Somalia following the London conference in February. The breakaway country’s foreign affairs minister Mohamed Abdullahi Omar said that the planned Istanbul conference in June did not concern it, despite Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo having attended the London meeting. Dr Omar said that the main agenda in Turkey would concentrate on the Roadmap, a document crafted to guide Somalia from transitional status to full government by August. “That Roadmap does not concern us,” said the minister Sunday in Hargeisa, some 1,500 kilometres northwest of Mogadishu. He said that Somaliland had received an invitation from Istanbul over the weekend, but it was not happy with the vast majority of the agenda concentrating on Somalia’s stabilisation. Somaliland unilaterally declared its independence on May 18 1991, following the collapse of Somalia’s central government in January that same year. Since then, its promoters insist that the country was legitimately carved out of the colonial borders of the former British Somaliland Protectorate, which united with the Italy-colonised Somalia on July 1, 1960. Nevertheless, Somaliland has not been recognised by any other country in the world despite intense lobbying. In the final London communiqué, the meeting participants that included 44 representatives from countries and international organisations suggested dialogue between Somaliland and the TFG or its replacement to clarify their future relations.
  12. http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Somaliland-Maanta-In-Lagala-Hadlo-Midow-Ma-Qabbo-Anigu-Xaq-Looguma-Laha-Waana-Nacasnimo-Mana-Qaadan-Karaan-Yey-La-Hadlayaan…-Prof-Axmed-Ismaaciil-Samater.html
  13. “Somaliland Maanta In Lagala Hadlo Midow Ma Qabbo Anigu, Xaq Looguma Laha Waana Nacasnimo Mana Qaadan Karaan" Prof Axmed Ismaaciil Samater Hargeysa (Ramaas) May 7,2012 – Guddoomiyaha siyaasada ee xisbi siyaasadeedka Hiil-Qaran Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ah Muwaadin reer Somaliland ah, balse aaminsan mabda’a Somali-weyn ayaa ka badheedhay inaan Somaliland xaq loogu lahayn in wakhtigan lagala hadlo midnimo Soomaliyeed. Prof Axmed Ismaaciil Samater oo dhawaan safar ku tagay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u soo bandhigay inuu ku daro guddida TFG uga qayb-galaysa wada hadalada Somaliya iyo Somaliland, balse uu ka diiday. Guddoomiyaha Hiil-Qaran oo ka hadlayay Munaasibad uu ku qabtay dalka Holland oo uu dib ugu noqday ayaa waxa kale oo uu tilmaamay inuu Madaxwayne Shariif u sheegay inuu la tartamayo oo uu iska ilaaliyo “Madaxweynaha socodkeygii hadda isma arag, Laakiin bishii March ayaan arkay, su'aal ayuu i weydiiyey uu leeyahay. "Guddiga Somaliland & Soomaaliya dhexdhexaadinaya ee la abuurayo ma kugu dari kara, waxaan ku idhi kaarka iska gubi maayo ee waan kugu soo socdaa ee is ilaali"ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inaan Somaliland xaq loogu lahayn in lagala hadlo midnimo Somaliyeed “Somaliland maanta in lagala hadlo midow ma qabo anigu, xaq looguma laha waa nacasnimo mana qaadan karaan, yey la hadlayaan.?” Ramaasnews Desk Hargeisa
  14. Xaaji Xunjuf;827512 wrote: Walahi way duushay i can even smell the ictraaf wax kale iska dayee eh:D
  15. Somaliland oo vissahooda la aqbalsanyahay iyo Soomaaliya oo aan ka muuqanin wadamada vissahooda la aqbalsanyahay. EUROPE: ASIA: AFRICA: MIDDLE EAST: AMERICA: Russia visa 04 Laos visa 03 Mali visa 02 Iran visa 00 Chile visa 99 Ukraine visa 98 Cambodia visa 03 Senegal stamp 02 Syria 07 Argent. stamp 99 Latvia visa 98 Thailand visa 03 Uganda visa 05 Iraq (Kurdistan) 07 Colombia 08 Slowak stamp 99 Uzbekistan visa 04 Rwanda visa 05 Oman 09 Brazil 11 Belarus visa 05 Kyrgystan visa 04 Ethiopia visa 07 United Arab Emirates 09 United States (Chicago) 11 Albania stamp 06 Kazakhstan visa 04-05 Somaliland visa 07 Israel 10 Bolivia 11 Turkey 07 India visa 05 Sierra Leone 08 Jordan 10 Peru 11 Armenia 08 China visa 06 Guinea Conakry 08 Saudi Arabia 11 Nagorno Karabakh 08 Pakistan 06 South Africa 09 Hong Kong 09 Zambia 09 Macau 09 Malawi 09 Malaysia 10 Mozambique 09 Brunei 10 Swaziland 09 Singapore 10 Egypt 10 Japan 11 Sudan 10
  16. Gudoomiyaha Gobolka Sool Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyey Inay Dhul Balaadhsi Ka Wadaan Deegaaano Ka Tirsan Gobolka Sool. (Hadhwanaagnews) Saturday, April 28, 2012 Laa-Caanood(HWN)-Gudoomiyaha gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali(Xaaji Jeena yare)ayaa maamulka Puntland ku eedeeyey inay dhul balaaadhsi ka wadaan deegaaanka ka tirsan gobolka sool Laa-Caanood(HWN)-Gudoomiyaha gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali(Xaaji Jeena yare)ayaa maamulka Puntland ku eedeeyey inay dhul balaaadhsi ka wadaan deegaaanka ka tirsan gobolka sool, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Laas-Caanood. Gudoomiyuhu waxa uu sheegaay in deegaanka Yoocada iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sool ay maamulka Puntland galiyeen cagafyo si ay uga sameeyeen dhismayaal, waxaanu arintaas ku tilmaamay mid aan suura gal ahayn waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Waxaanu canbaaraynaynaa madaxweyne faroole kaas oo dhulkii gobolka sool ku soo xadgudbay,xad gudubkaas oo keeni kara dhibaato aan dalka looga baahnayn iyo nabadgalyo xumo timaado, waxa naloo sheegay in maamulka puntland ay soo kaxaysteen cagaf cagafyo kuwaas oo dhulka jeexaya . Waxaanu leenahay dhulka ay jeexayaan waa dhul ka tirsan gobolka sool, waxaanan leenahay maamulka puntland laba dawladood oo deris ah ayeynu ahayn anagu dhulkiina kuma soo xad gudubno shacabkinana ma dhibno laakin waxaanu ka war haynaa in dhulka aad ka bilawdeen qoditaanka aydun dhib ugu gaysataan shacabka reer somaliland ee dhulkaa degan. Waxaanu idin leenahay idiin suuroobi mayso arinka ad wadataan waxaanan cid walba u sheegaynaa oo aanu wax garadka reer puntland u sheegaynaa oo aanu leenahay maanta waxa inagu waajib ah in nabadgalyada wadanka laga soo shaqeeyo, waxaanan leenahay madaxweynaha puntland jooji colaada aad meesha ka hurinayso ee aad maalin walba cagafyada iyo colka aad soo galinaysid dhulka ka tirsan gobolka sool. Ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka sool. Waa markii ugu horaysay ee masuuliyiinta gobolka sool ku eedeeyaan maamul goboleedka puntland inay dhul balaadhsi ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka sool ee somaliland, Anagu xukuumad ahaan ka dul qaadan mayno dhulkayagii iyo shacabkayagii oo shaadh dawladeed loo soo gashanayo oo dhibaato loo geysto, waxaaanan aad ugu cel celinaynaa maamulka puntland arinkaa dib uga tanaasulaan Hadhwanaagnews/Office Laas-Caanood/Somaliland.
  17. You know who you are S...........
  18. General Duke;818635 wrote: Again one(General Duke) is quite confident that NW Somalia and its people will be brought back to the union. Quoted for future reference.