khalid abuukar maxamed

Nomads
  • Content Count

    53
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by khalid abuukar maxamed

  1. Garoonka magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Raskambooni. Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah xubnihii la socday wafdigii maanta dawlada u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo loo diiday inay galaan magaalada Kismaayo dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa Raxanreeb uga waramay sidii ay u dhacday falkii ishortaaga ahaa ee ay saraakiisha ururka Raskambooni ku sameeyeen maanta. Wafdigan ayaa ka koobnaa toddobo (7) xubnood oo dhanka dawlada Soomaaliya ka socday isuguna jiray ururada bulshada rayidka, saraakiil dawlada ah iyo ganacsato, waxaa sidoo kale wafdiga la socday illaa shan xubnood oo ka tirsan xafiiska AMISOM ee Muqdisho iyo saraakiil dhanka warbaahinta u qaabilsan AMISOM. Mid ka mid ah xubnaha wafdiga oo galabta markii uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho la hadlay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay in saaka abaare 8:30 ay ka duuleen garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana xilli wax yar ka hor duhurkii ah ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, markii ay diyaaradooda caga dhigatayna ay u yimaadeen saraakiil ka tirsan kooxda Raskambooni oo ku wargelisay inaysan diyaarada ka degin ayna dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen. Xubnaha wafdiga la socday diyaarada waxaa ka mid ahaa: 1- Baarliin Maxamed Cali (Baarliin Cadami) – oo ah gudoomiyaha guddi dawlada dhowaan u magacawday arimaha Jubbooyinka. 2- Col. C/laahi Cali Caanood- oo ah taliyaha guutada 2aad ee ciidanka militariga dawlada Soomaaliya. 3- Ganacsade Salaad Gabayre - oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed. 4- Jen Cismaan Subagle - oo ka mid ah abaanduilayaasha ciidamada dawlada. Maxay ahayd ujeedada safarka wafdigan ku tageen Kismaayo? Sida Raxanreeb Baarliin Cadami oo ah gudoomiyaha guddiga loo saaray arimaha Jubbooyinka, ujeedka safarka maanta wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo ay ku gaaraan magaalada Kismaayo, ayna u socdeen saddex arimood oo muhim ah. - Waa marka koowaade in masuuliyiinta ciidamada ku sugan Kismaayo, odayaasha dhaqanka iyo maamulkii dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo ee ku-meelgaarka ahaa ay kala hadlaan sida loo ambaqadi karo dhismaha iyo diyaarinta maamulo heer deegaan ka soo bilawda oo laga hirgaliyo gobolada Jubbooyinka. - In laga tashado sidii xal loogu raadin lahaa dhuxusha ku xaniban magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda taasoo dawlada iyo Qaramada Midoobay ay diideen in dibadda loo dhoofiyo, arintaasoo si gaar ah uu uga hadli lahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga Salaad Gabayre oo wafdiga ka mid ahaa. - Arinta saddexaad ee ujeedka socdaalka wafdiga waxay ahayd amaanka guud ahaan gobolada Jubbooyinka, iyadoo si gaar ah looga tashan lahaa hawlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee hadda hakadka ku yimid. Markii saraakiisha Raskambooni ay amreen in wafdiga ka yimid Muqdisho ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen ayaa waxay diyaaraddii wafdiga siday oo ay iska lahayd shirkadda SKA Air and Logistics ay dib ugu soo duushay magaalada Muqdisho oo ay soo cagadhigatay garoonka Muqdisho. Dawlada Soomaaliya weli kama hadlin wafdiga ay u dirtay Kismaayo ee dib loo soo celiyey. Sidoo kale saraakiisha Raskambooniyiinta gacanta ku haya Kismaayo kama hadlin sababta ay u soo celiyeen wafdiga ka yimid Muqdisho. Wafdigan ayaa noqonayaa kii labaad ee dawlada ka socda ee taga Kismaayo, iyadoo socdaalkii ugu horeeyay toddobaad ka hor magaaladaasi ku tageen wafdi uu hogaaminayey wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee dawlada Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini. Khilaafka Raskambooni iyo dawlada Muran weyn ayaa beryahan ka dhex taagnaa dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaanka ururka Raskambooni ee hadda ka arimiya Kismaayo. Sida ilo wareedyo ku dhow arimaha waxay Raxanreeb u sheegeen in arinta ubucda u ah khilaafka ay tahay labo waxyaabood;- Arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka oo hogaanka Raskambooni, gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe uu doonayo in dadka deegaanka looga dambeeyo, taasoo taageero uu kaga heysto dadka deegaanka iyo dawlada Kiinya oo IGAD ka tirsan, isaga laftiisuna wuuba cadeeyay taasi (AKHRISO). Halka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulufadiisa ay doonayaan in Madaxweynaha looga danbeeyo. Arinta kale ee sii kicisay xiisada ayaa ah muranka ka dhashay mamnuucista dhuxusha Kismaayo taalla taasoo haddii ay dhoofi lahayd dhaqaale soo gelin lahayd maamulka Kismaayo. Dabcan, waxaa intaa dheer in beryihii la soo dhaafay labada dhinac ay isweydaarsanayeen hadalo lidi isku ah, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii saraakiisha dawlada ee booqatay Kismaayo ay Muqdisho ka sheegeen in Raskambooni aysan ahayn urur ay dawladu aqoonsan tahay. Arinmaha ku xeendaaban maamul u sameynta Jubaland ayaa u muuqata mid lagu sii kala fogaanayo.
  2. Taleexi;886711 wrote: Khalid - Ereyo badan oo fiican baa Soomaaliga ka buuxa oo aad fekerkaaga ku gudbin karto ina adeer gacaliye i show no mercy for Moor-yans.
  3. Abwaan;886709 wrote: Aamiin yaa Shiikh Khaald Abuukar Maxamed. Aniga labo aan waxba is dhaamin baa ii muuqata... no ina adeer listen indhacadde is Moor-yaan, known for looting. Xaafidullahi Shiiikh axmed madoobe waa sheikh uu halgamaye gobolkiis
  4. ina adeer abwaan ma moooryan keleb ah ah ayaad la barbar dhigaheeysa Xaafidullahi Axmed Madoobe war ba'aa iska aamuus
  5. War odayan waxaa la taliye uu ah cabdiqasim salaad boy.Xasan shiikh waa Ceydiid cusub .Damjadiid waa HAG, ilma adeerayaal feejignaada
  6. ina lilaahi waa ina ileeyhii raajicuun war yaa inaga ceshta Dowladda HAG Ilma adeerayaal
  7. war ba'aa odayga wallee wax baa qabsaday oo ilma adeerayaal ma dhab baa inuu pedophile yahay?
  8. war abwaan sow wax lala yaaba mahaa? Galgaduud ha tageen halakaas bey wax kuu leyahiine
  9. Wafti dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay Magaaladda Kismaayo oo ay xubno ka yihiin General Goobaale,General Saxardiid iyo General indhacade oo Xasan-Dulmi-Jadiid u magacaabay arimaha Juboland iyo dhuxusha laga dhoofinayo Dekedda ayaa loo diiday inay ka soo degaan diyaaradii ka soo qaaday magaaladda Muqdisho,waana arin laga murugoodo maanta in Madaxweynihii loo hanweynaa uu ******** Indhacade iyo ******** Goobaale Kismaayo u xilsaaro inay wakiil uga noqdaan,waxaana arintan looga shakisan-yahay inuu talo ku soo jeediyay C/qaasim Salaad Xasan oo ka mid ah La Taliyaasha Madaxweyne Xasan. Wefdigaan laga soo diray Madaxtooyadda Muqdisho ayaa ujeedadiisu aheyd inay diyaariyaan saldhigyo loogu tala-galay ciidamo Muqdisho la doonayey in laga soo daabulo si ay ula wareegaan amaanka Magaaladda Kismaayo,balse waxaa shirqoolkan ka warhelay,Ciidamadda Jubaland ee Axmed Madoobe hogaaminayo,iyagoo amar ku-siiyay diyaaradii uu soo diray Madaxweyne Xasan-Dulmi-jadiid inay dib ugu noqoto Magaaladda Mqudisho,waxaana arintan ku farxay soona dhaweeyay Shacabka ku dhaqan Goboladda Jubooyinka iyo Gedo Kismaayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulka magaaladu ku gacan saydhay imaanshaha gudidaas maadama aan lagala tashan imaanshahooda caasimada Jubbooyinka ee Kismaayo. Dawladda Xasan-Dulmijadiid ayaa lagu eedeynayaa inay farogelin ku hayso habsami u socodka maamul u sameynta deeganada Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya, horey ayuu u sheegay Mr: Sheekh in dawladdisu ay maamul u sameyn doonto Kismaayo halka uu sheegay in reer Hiiraan u madax banaan yihiin maamulkooda, haseyeeshee ciidamada isgarabsanaya ee ku sugan Kismaayo ayaa Hangool faraaroleh iskaga haya farogelinta Muqdisho, ayagoo danahooda ka wata halkaasi
  10. konfuuriyiintu waa shacab oo aanay lahayn qadiyad ama wax damiir siinaba qolo seccesionists bey uu dabo dhutinahayaan habar oo aaney xitaa aamiinsaneyn midnimadda baa laga dhigay interior minister, alla hoognaaye
  11. oo ma Al Jazeera tv ayaa laga baafinahayaa?
  12. Ina Adeer Gacaliye nin is faanshay waa ri is nuugtay ee heedhe falxumada aad ku jirtid inaad iska dhaaftid ayaan kugu baaqahayaa
  13. war heedhe ina adeer gacaliye anigu waxan ahay ayaanu ahay sowmaadan garan.
  14. Abwaan;885990 wrote: lol@Lahjadda...belo baan dhacahayaa iyo Mudug ma is galaan? war ina adeer iga durug, adigu waa qofma?
  15. Ina adeer gacaliye anigu nin reer Garsoor baanu ahay waxaase cajiib ila noqotay 3 gobol baa 50 millions helahayaa
  16. ina adeer gacaliye oday khaalid la yidhaa baanu ahay walibana Libaax ka yimid Mudug baan ahayo la iguma ciyaaro hadii kala belo baa dhacahayaa sowmaadan garan
  17. ina Adeer gacaliye divide 158 millions with 18 oo marka ah tirada gobolada dalka kedibna ina adeerow multiply with 3 oo markaa ah mudug,bari iyo Nugaal. 3 gobol ayaa 50 millions aan la doonahayaa 10ka gobol kale ee konfuriya na iyaguna 50 bey helahayaan ina adeerow dee wax socon meyso mahee belada ma naga deysid
  18. 50 is too much ina adeer gacaliye anigu 19.6 millions dollar baanu doonahayaa iney puntland helaan sidee bey 3 gobol ku heli karayaan 1/3 ina adeer gacaliye?