A_Khadar

Nomads
  • Content Count

    4,252
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by A_Khadar


  1. Xaaji Xunjuf;952672 wrote:
    who said he was an caaqil

    XX when you searched the Twitter, didn't you find this?

     

    Hot Video Sverige ‏@hotvideose 19h

    Caaqil 18 may Borama laga xoogay Microfonka Video http://goo.gl/fb/LKX2P #caaqil #may #borama #laga #xoogay #microfonka #videos #video

     

    Mohamed Gorod ‏@khader_2020 18 May

    Xuska 18 May Caaqil Reer Borama Oo laga xoogay Microfonka Kadib Markii .................: http://youtu.be/Xtqeg7E6QbM?a via @YouTube

    Expand


  2. Xaaji Xunjuf;952661 wrote:
    ^Maybe they want to clean hargeysa to , people need to understand that Somaliland is not against cleaning day its good it shows only that they are patriotic it just shows that the Khatumites in the afternoon after the sl party in ceerigaabo cleaned ceerigaabo wa ariin fiican.

    XX, you so desperate. At one point you argued the city is completely controlled by your militia, but his shows not so. The city is divided and this area is known Suuqa hoose where non-successionists reside. So no May 18th of your clan's so called independence day happened there..


  3. Xaaji Xunjuf;952633 wrote:
    Well thats good the sultan wants the movement of people between Somalia and Somaliland. If the political problems are solved there is no reason for the 2 shacabs in anay waxba wada qabsanin. HAG are always good entrepreneurs and their ideas are always welcome in Somaliland and investment to. Dahabshil and indhodeero and somcable want to invest in Somalia 2.

    Maxaad isu yeel yeeshaa?


  4. Suladanka Guud ee S/land “Xamar kama Maaranyo, Guryaha Hargeisa Koofurians, as XX calls, baa leh

     

    suldaan.jpg

     

    Suldaanka guud ee Beelaha Waqooyi Galbeed (Somaliland) Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa shaaca ka qaaday inaanay Maamulka Somaliland wax kasta oo ay samayso iyo gooni-isu-taag kasta oo ay u durbaan-tunto ka maarmi karin midnimada Soomaaliyeed iyo inay qaadato nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya ka socda.

     

    Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ka sheekeeyey taariikh dheer oo illaa xornimadii iyo midnimadii Soomaaliya uu kagaga sheekeeyey. Waxa kale oo uu ka sheekeeyey Xukuumadaha kala dambeeyey ee Maamulka Somaliland soo martay tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland 18/May/ 1991-kii. Isaga oo sheegay in caddaalad-darro badani ka jirto dhulka Maamulka Somaliland ka taliyo meelo badan oo ka tirsan.

     

    “Calankani wuxuu ku dhamaystirmi karaa waxaynu dafirsanahay ama xukuumaddeenu diidan tahay waa marka aynu runta ku wada hadlayno, haddii aan miiska wadahadalka la isugu iman wax aynu gooni u goosan karnaa jiri-mayso, shuruudaa jira, qoraalo iyo heshiisyo ayaa jira, adiga ayaa maanta lagaa rabaa inaad shuruuddii la timaado oo aad xukunto ciddii 53-kaa sanadood ku xukumaysay.” Sidaa ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo shalay hadal ka jeediyey magaalada Sallaxlay oo ah degmo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex oo uu dadweynaha ku dhaqan oo xusayey 18 May hadal u jeediyey.

     

    Suldaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yiri; “Maaha inaynu cidlo uun durbaan ka garaacno, haddii aan u soo noqdo xukuumadda Somaliland, wax alaale iyo wax ay u qabatay beelaha Somaliland ma jirto ilaa maantana biyaha ayaa dhabarka lagu dhaameeyaa oo biyo malaha, dadna biyihii dadka ka dhexeeyay ee maalinba xaafad loo furayey ayay ka dhargeen, dadna jirikaamadii Dulcad iyo Kaam-abokor ayay sidii u sidaan.”

     

    “Waxaan leeyahay Xamar waanu ka go’nay hadal maaha, anigu been idiin sheegi maayo, miyeynu ka maarmaynaa Xamar, Ganacsatadeenii Xamar-bay tagaysaa, kuwoodii Hargeysa ayay imanayaan, saraha (Fooqyada) ugu dhaadheer Hargeysa waxa leh niman ****** ah, markaa waxa miiska wadahadalka loo diidayaa inyar ayuunbaa doonaysa inay nimcada cunto, taasina wax umaddu ku dhaqmi karayso maaha.”ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

     

    Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir mar uu ka hadlayey sababta Calanka Somaliland meel u gaari la’yahay waxa uu yiri; “Calankani wuxuu ku dhamaystirmi karaa waxaynu dafirsanahay ama Xukuumaddeenu diiddan tahay waa marka aynu runta ku wada hadlayno, haddii aan miiska wadahadalka la isugu iman wax aynu gooni u goosan karnaa jiri-mayso, shuruudaa jira, qoraalo iyo heshiisyo ayaa jira, adiga ayaa maanta lagaa rabaa inaad shuruuddii la timaado oo aad xukunto ciddii 53-kaa sanadood ku xukumaysay, maaha inaynu cidlo uun durbaan ka garaacno, haddii aan u soo noqdo xukuumadda Somaliland.

     

    “Wax alaale iyo wax ay u qabatay beelaha Somaliland ma jirto ilaa maantana biyaha ayaa dhabarka lagu dhaameeyaa oo biyo malaha, dadna biyihii dadka ka dhexeeyay ee maalinba xaafad loo furayey ayay ka dhargeen, dadna jirikaamadii Dulcad iyo Kaam-abokor ayay sidii u sidaan, waxaan leeyahay Xamar waanu ka go’nay hadal maaha, anigu been idiin sheegi maayo, miyeynu ka maarmaynaa Xamar.”

     

    Waxa uu Suldaan Maxamed sheegay in Ganacsatada Somaliland aanay marnaba ka maarmi karin Xamar waxaanu yiri; “Ganacsatadeenii Xamar-bay tagaysaa, kuwoodii Hargeysa ayay imanayaan, saraha (Fooqyada) ugu dhaadheer Hargeysa waxa leh niman ****** ah, markaa waxa miiska wadahadalka loo diidayaa inyar ayuunbaa doonaysa inay nimcada cunto, taasina wax umaddu ku dhaqmi karayso maaha.”