Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,109
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. CAIRO, Egypt – Somalia has rejected claims of growing tensions with Egypt over a stalled military cooperation agreement, dismissing media reports of strained ties and a shift in foreign policy as “baseless and inaccurate.”

    Ambassador Ali Abdi Awari, Somalia’s envoy to Egypt and permanent representative to the Arab League, said the relationship between the two countries remains “strong, historic, and unblemished.” He reaffirmed Somalia’s commitment to deepening cooperation with Egypt in security, political, and cultural fields.

    His statement comes in response to a report by The New Arab, which cited unnamed sources claiming that Egypt is re-evaluating its military partnership with Somalia after delays in implementing a security pact signed in August 2024. The agreement had included plans to deploy over 1,000 Egyptian special forces to support Somali operations against Al-Shabaab militants in Middle Shabelle.

    According to the report, Egyptian officials view Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s recent rapprochement with Ethiopia as a sharp departure from previous close coordination with Cairo — particularly on regional issues such as Ethiopia’s growing influence and the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

    The shift, described as a “political shock” by Egyptian sources, has reportedly led Cairo to freeze troop deployment plans, although the agreement has not been officially canceled. Some Egyptian officials are said to now view Somalia as an unreliable partner.

    Tensions were further reflected during last week’s African Union summit in Uganda, where Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi was notably absent. Prime Minister Mostafa Madbouly, who represented Egypt, voiced disappointment in Somalia’s “lack of clarity” on joint priorities, despite reaffirming Cairo’s support for Somalia’s unity.

    Somalia’s ambassador dismissed the report’s claims as unfounded and urged media outlets to avoid spreading misinformation that could damage ties between “brotherly nations.”

    “Egypt has always stood by Somalia, and we remain grateful for its support under the leadership of President Sisi,” Awari said.

    The alleged friction comes as regional dynamics shift rapidly in the Horn of Africa, with Somalia strengthening ties with Turkey and Ethiopia — moves that some analysts say could complicate its relations with Cairo. The arrival of nearly 300 Turkish troops in Mogadishu to assist with security operations has added to Egypt’s unease, according to the report.

    Despite rising speculation, there has been no official confirmation from either side that the military pact has been suspended. Both governments continue to emphasize their longstanding diplomatic partnership.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u baxay safar dibadeed, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhex jirta baarlamaanka.

    Sheekh Aadan Madoobe oo goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa u ambabaxay magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

    Ujeedka safarka Aadan Madoobe ayaa la xiriiro ka qayb-galka shirka guddoomiyaasha baarlamaannada Carabta oo maalmaha soo socda ka furmi doona caasimadda Algiers .

    Sida uu qorshuhu yahay shirka guddoomiyaasha baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha waddamada Carabta gaar ahaan xaaladda dadka Falastiin oo haatan wajahaya xaalad adag iyo weeraro ay weli ku hayso Israel.

    Safarka uu galay Sheekh Aadan Madoobe ayaa kusoo aadayo xilli uu haatan wajayo culeys ka haysta baarlamaanka, kadib markii ay mooshin ka keeneen qaar kamid ah xubnaha Golaha Shacabka oo ku eedeeyay inuu jabiyay sharciga iyo xeerka golaha.

    Arrinta ayaa isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah, kadib markii shalay uu buuq hareeyay kulan ay yeesheen xildhibaannada, kaas oo fowdo kusoo dhammaaday.

    Kadib waxaa sii xigtay in xalay guddoomiyaha uu qaaday tallaabo kale, kadib markii xubno ka tirsan Golaha Shacabka uu ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha, sababo la xiriira amniga, sida lagu sheegay warqad xalay ka soo baxday xafiiskiisa.

    Sidoo kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inay soo gudbiyaan talo-bixin iyo tallaabooyin ku habboon xubnahan, si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

    Dhankooda xildhibaannada ayaa soo saaray go’aan kale oo xasaasi ah, waxayna si adag u cambaareeyeen falkii ‘xad-gudubka’ ahaa ee shalay ilaalada xarunta golaha shacabka ay kula kaceen weriyayaasha Warbaahinta Madax-banaan.

    Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyey in banaanka aysan waxba ka duuba karin saxaafadda, iyadoo laga hortegayo in xildhibaanada careysan ay helaan fursad ay kula hadlaan warbaahinta.

    “Waxaan si cad u cambaareynayaa isticmaalka sharci-darrada ah ee Ciidamada loogu adeegsaday Saxaafadda, waxaana si gaar ah farta ugu fiiqayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo amar ku bixiyay in la caburiyo warbaahinta madaxa-bannaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xildhibaannada, gaar ahaan kuwa guddiga warfaafinta.


  3. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta u ambabaxay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, si uu uga qeyb galo shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta oo lagu wado in uu maalmaha soo socda furmo.

    Shirkan oo sanad walba qabsooma ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee dalalka Carabta, gaar ahaan xasaradda ka taagan Falastiin iyo kaalinta ay baarlamaanada Carabta ka qaadan karaan taageerada shacabka reer Falastiin.

    Socdaalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli uu khilaaf siyaasadeed oo xooggan ka dhex aloosan yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka, taasoo keentay in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ay si cad u muujiyeen dhaliil iyo muran la xiriira hannaanka hogaamineed ee Golaha.

    Khilaafkan ayaa laga dayrinayaa inuu saameyn ku yeesho wada shaqeynta hey’adaha dastuuriga ah ee dalka, waxaana socda dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeed oo lagu xallinayo.

    Inkasta oo uu Guddoomiye Madoobe u dhoofay si uu uga qeyb galo shir muhiim ah oo heer caalami ah, haddana xaaladda gudaha dalka ayaa ah mid u baahan feejignaan dheeraad ah iyo in la helo is-afgarad siyaasadeed si loo ilaaliyo midnimada Golaha Shacabka iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

    Source: goobjoog.com


  4. FB_IMG_1746085809317.jpg?resize=720%2C48

    Maxaabiistii laga soo daayay Somaliland oo shalay soo dhaweyn loogu sameeyay caasimadda Garoowe ayaa galabta ku wajahan magaalada Qardho, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabinta soo dhaweyntooda.

    Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in loo gudbiyo dhinaca magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu ku qaabili doono Madaxweyne Siciid Deni, islamarkaana casumaad khaas ah ugu samayn doono, siday ku wargelisay Madaxtooyada Puntland.

    Raggan oo ka kooban 11 askar iyo saraakiil ah oo ka tirsan ciidamada Puntland, kuwaasi oo ku xirnaa magaalada Hargeysa, kaddib markii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ayaa waxa dowladda Puntland ku beddelatay 15 maxbuus oo ciidamada Somaliland lagaga qabtay dagaalkii Gooja-cadde.

    Dowladda Puntland oo shalay warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa shaacisay in ay heshiis maxaabiis is weydaarsi la gaartay dowladda Somaliland, iyadoo aysan jirin gacan kale oo u kala dab-qaadaysay labada dhinac ee is dhaafsaday 26 maxbuus oo ku kala xirnaa Garoowe iyo Hargeysa.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo Boosaaso casumaad khaas ah ugu samaynaya maxaabiistii Somaliland soo daysay appeared first on Puntland Post.


  5. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay.Charles Ong’ondo ayaa ka baxay xaruunta baarlamaanka wax yar uun ka hor inta aan la weerarin isagoo ku dhex jira baabuurkiisa waddo mashquul badan oo ku taal Nairobi.

    Booliiska ayaa sheegay in gaariga xildhibaan Charles Ong’ondo ay eryadeen labo nin oo watay mooto – mid ka mid ah ayaa istaagay oo dhowr xabadood ku dhuftay.

    Darawalkiisii ​​ayaa ka badbaaday weerarka.Xildhibaanka ayaa ka tirsanaa xisbiga siyaasiga ruug cadaaga ah ee Raila Odinga.

    Booliska ayaa wali wada baaritaanka kiiskan, iyadoo aan wali gacanta lagu dhigin kooxihii falkaasi ka dambeeyay, si rasmi ahna looma oga sababta dilkaasi ka dambeysay.

    Bbcsomali

    Qaran News


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 30-kii April 2025 si rasmi ah u dhaqan gelisay xayiraad cusub oo mamnuuceysa in dalka soo galaan ama transit ahaan u maraan dadka haysta baasaboorada Taiwan.

    Amarkan ayaa kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxaana si degdeg ah loogu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, iyadoo isla markiiba la dhaqan geliyay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si adag u cambaareysay go’aankaas, iyadoo ku eedeysay inuu ku yimid cadaadis Shiinaha ka yimid, islamarkaana ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aankeeda.

    Isla markiiba, Taiwan iyo maamulka Somaliland ayaa si wadajir ah ugu baaqay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee la aragti ah, in ay cadaadis ku saaraan Soomaaliya si loo laalo xayiraadda. Dhanka kale, Taiwan waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya iyo Somaliland labadaba.

    Dhinaca kale, Shiinaha ayaa si buuxda u taageeray go’aanka Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay mid sharci ah oo muujinaya madax-bannaanida qaranka iyo xaqiijinta mabda’a “Hal Shiinaha”.

    Tallaabo muujisay awoodda Soomaaliya

    Xayiraaddan safarka ma aha oo keliya arrin sharciyeed, balse waa tallaabo istiraatiiji ah oo dowladeed oo muujinaysa awoodda dowladda federaalka. Waxay bidhaaminaysaa awoodda sii kordheysa ee Soomaaliya ay u leedahay saameynta siyaasadda gobolka iyo tan caalamiga ah, isla markaana caddayn u ah go’doonka diblomaasiyadeed ee weli haysta Somaliland.

    Amarka dowladda Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay sida ay u shaqeyso awoodda dawlad rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay.

    Iyada oo kaashaneysa xeerka caalamiga ah iyo maamulkeeda hawada, Muqdisho waxay ku qasbi kartaa shirkadaha diyaaradaha inay u hoggaansamaan go’aamadeeda – xitaa haddii Taiwan xafiis ku leedahay Hargeysa ama xiriir dhow la leedahay maamulka Somaliland.

    Tallaabadan ayaa sidoo kale si degdeg ah u beddeshay siyaasaddii socdaalka ee Taiwan, taasoo muujinaysa awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay saameyso dhaqanka caalamka iyadoo adeegsaneysa waddooyin sharci ah oo rasmi ah.

    Go’aankani wuxuu xoojinayaa mowqifka Soomaaliya ee ah:

    • Inay tahay wakiilka kaliya ee sharciyan metela shacabka Soomaaliyeed heer caalami ah;
    • Inay leedahay awood madax-bannaani oo ay ku maamuli karto xuduudaheeda iyo hawadeeda;
    • Inay tahay saaxiib diblomaasiyadeed oo muhiim u ah Shiinaha, taasoo sii kobcineysa miisaanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

    Awoodda xaddidan ee Somaliland

    Inkasta oo Somaliland leedahay maamul iyo nidaamyo amni oo u gaar ah, dhacdadani waxay si cad u muujisay xuduudaha ay leedahay awooddeeda diblomaasiyadeed.

    Baaqii wadajirka ahaa ee ay Taiwan iyo Somaliland u direen beesha caalamka wuxuu ahaa codsi ka yimid laba dhinac oo aan haysan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah. Midkoodna ma leh awood sharciyeed oo uu kaga hortegi karo amarka ka yimid dowladda Soomaaliya.

    Digniinta socdaal ee ay Taiwan bixisay, taasoo labadaba ku saabsan Soomaaliya iyo Somaliland, si dadban ayey u iftiimisay nuglaanta Somaliland ee dhinaca sharciyadda caalamiga ah.

    Inkastoo Somaliland ay xafiis u oggolaatay Taiwan inuu ka shaqeeyo gudaha Hargeysa, haddana ma awooddo inay bixiso dammaanad sharciyeed oo caalami ah ama ay ka hor tagto xayiraado kasoo baxa Muqdisho. Xiriirka ay la leedahay Taiwan wuxuu leeyahay qiime siyaasadeed oo muuqaal ah, balse ma leh miisaan siyaasadeed oo wax ka beddeli kara go’aanada caalamiga ah.

    Qaybta istiraatiijiga ah ee arrintani waa mid xasaasi ah. Sida Soomaaliya ula safatay Shiinaha oo bogaadiyay go’aankaas, waxay sare u qaadayso muhiimada Soomaaliya ay ku yeelan karto isbeddellada siyaasadeed ee caalamka.

    Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadan uga faa’iideysanaysaa:

    • Inay kasbato taageero siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed;
    • Inay hesho dhiirrigelin dhaqaale mustaqbalka;
    • Inay muujiso inaysan ahayn kaliya dowlad la aqoonsaday, balse ay si firfircoon u adeegsanayso aqoonsigeeda si ay u go’doomiso ciyaartoy aan la aqoonsan sida Taiwan iyo xulafadeeda.

    Aqoonsigu waa saldhigga awoodda

    Arrintani waxay si gaar ah u muujinaysaa hal xaqiiqo oo ku saleysan siyaasadda caalamka: aqoonsigu waa halka ay ka dhalato awoodda dowladnimo.

    Inkasta oo Soomaaliya ay wajahdo caqabado gudaha ah, haddana dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa si buuxda waxay u leedahay awoodda matalaadda diblomaasiyadeed iyo sharciyeed ee dalka.

    Awooddaasi waxay u suurta-gelineysaa inay ku soo rogto xayiraado leh saameyn caalami ah – kuwaasoo aan xitaa lagu jebin karin maamul is-maamul ah sida Somaliland.

    Dhanka kale, aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa xaddidaysa awooddeeda, xitaa gudaha dhulkeeda. Xayiraaddan ayaa muujisay daciifnimada xiriirkeeda dibadda iyo xannibaadaha diblomaasiyadeed ee hortaagan illaa ay hesho aqoonsi rasmi ah.

    Soomaaliya, tallaabadan waa muujin xeeladaysan oo ku saabsan madax-bannaanideeda. Somaliland, se, waa xasuusin dhab ah oo muujinaysa in dariiqa aqoonsiga caalamiga ah weli fog yahay.


  7. 1-da bisha Maajo oo maanta ku beegan waxaa sanad walba dunida laga xusaa maalinta Shaqaalaha Adduunka, ayadoo howlwadeenada lagu dhiirigeliyo waxqabadkooda iyo firfircoonidooda shaqo.

    Maalintan caalamiga h waxaa markii ugu horraysay la asteeyay sanadkii 1889kii, waxaana laga xusaa inta badan dalalka dunida, ayadoo dowladaha badankooda u ah maalin fasax qaran ah.

    Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa ku dhawaaqay inay maanta fasaxyihiin shaqaalaha rayidka ahi, ayagoo ku hambalyeeyay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka.

    Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa la dalaadhacaya duruufo adag oo isugu jira xuquuqda ay qaataan oo aad u yar, saacadaha shaqada oo badan, iyo loo shaqeeyeyaasha oo intooda badan aan u hoggaansanayn sharciyada hawl-gab.

    Source: goobjoog.com


  8. FB_IMG_1746076888502.jpg?resize=720%2C48

    Shir ku saabsan dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo ku soo xirmay magaalada Garoowe ayaa waxa ka soo baxay baahida deg deg ah ee loo qabo kordhinta hannaanka maalgelinta Waxbarashada Puntland.

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo bah-wadaagtooda oo shirkan qabtay ayaa ku heshiiyay hirgelinta sanduuqa Horumarinta Waxbarashada, si loo maalgeliyo hannaanka Waxbarashada Puntland oo dhawaanahan wajahaya dhaqaale-xumo iyo dib u dhac baahsan.

    Mas’uuliyiinta wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo bah-wadaagtoodu ma sheegin halkay ka imaanayso iyo cidda bixinaysa maalgelinta Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada, si looga soo kabto dhaqaale-xumada haysata horumarinta adeegyada Waxbarashada Puntland oo dib u dhac wajahaya.

    Shirka waxaa sidoo kale ka soo baxay in la horumariyo Dugsiyada Sare ee Farsamada Gacanta, waxbarashada dadka waaweyn iyo xarummaha xirfadaha, si looga jawaabo baahiyaha suuqa iyo shaqo laáanta dhallinyarada, taasi oo sababtay in dhalinyaro isaga tahriibaan Puntland.

    PUNTLAND POST

    The post Maalgelin loo raadinayo Waxbarashada Puntland oo wajahaysa dhaqaale xumo baahsan appeared first on Puntland Post.


  9. Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ay meel marisay heshiis ganacsi oo dalka Kuwait looga iibinayo qalabka iyo adeegyada lagu taageerayo nidaamka gantaallada ee Patriot.

    Heshiiskan ayaa ku kacayaa $425 milyan oo dollar, waxayna Kuwait ka mid noqanaysaa dhawr oo ka tirsan dowlaha gobolka bariga dhexe, kuwaas oo haysta hannaanka difaaca hawada ee Patriot.

    Taniyo markii uu xaafiiska yimid Donald Trump Mareykanku wuxuu sare u qaaday hubka uu ka iibinaya dalalka carabta, waxayna dhowaan Washington shaacisay in qalabka militari oo qeymihiisu gaarayo $ 100 bilyan oo dollar ay ka iibinayso dalka Sucuudiga.

    Source: goobjoog.com


  10. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 20 xubnood ka tirsan Golaha ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, ayadoo sababta lagu sheegay arrimo dartood, asiga oo sidoo kale Guddiga Xeer-hoosaadka ee Golaha ka codsaday in uu talo bixin iyo tallaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahaan.

    Mudaneyaashan ayaa kamid ahaa xubno ku luglahaa buuq hareeyay kulankii ugu dambeeyay ee golaha, ayadoo gacan qaad iyo fowdo ay ka dhacday xarunta golaha shacabka oo warbaahintu ay si toos ah u tebinaysay.

    Buuqa ayaa billowday ka dib markii uu guddoomiyaha golaha shacabku isku dayay inuu badelo go’aan uu horay uga soo saaray mudane ka tirsan golaha, balse xubno waday mooshin ka dhan ah guddoomiyaha laftiisu ay kulanka carqaladeeyeen.

    Mundaneyaasha laga mamnuucay kulamada golaha shacabka ayaa kala ah:

    1) Xil. Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore)

    2) Xil. Saadaam Maxamuud Cabdi (Jubeer)

    3) Xil. Daahir Amiin Jeesow

    4) Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan yare)

    5)Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir”

    6)Xil. Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan)

    7) Xil. Axmed Maxamuud Jamac (Buux)

    8)Xil. Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi)

    9) Xil. Saadaq Cabdullahi Cabdi

    10) Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Xayle)

    11) Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud

    12) Xil. Maxamed Cali Cumar “Caana-nuug”

    13) Xil. Faysal Axmed Maxamuud (Wahaabi)

    14) Xil. Cali Mahdi Maxamed (Qalato)

    15) Xil. Xasan Cabdinuur Cabdi

    16) Xil. Cabdirashiid Jire Qalinle

    17) Xil. Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gurey)

    18) Xil. Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed

    19) Xil. Dr. Cabdirashiid Maxamed Nur (Jilley

    20) Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig

    Source: goobjoog.com


  11. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u dhacay shirkii madashada watashiga Qaranka ee uu horay ugu dhawaaqay madaxweynuhu, kaas oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

    War qoraal ah oo ay soo saartay DFD ayaa lagu yiri ” Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho 1-da bisha Maajo, ayaa kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranku waxa ay ku go’aamiyeen in shirku qabsoomo maalinta Isniinta ee 5ta bisha Maajo 2025″.

    Inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaan weli imaan magaala-madaxda Muqdisho, halka qaarkoodna ay ka caga-jiidayaan inay shirkan ka qeyb-galaan, taas oo keentay inuu dib u dhaco shirku, waxaana madaxtooyada Soomaaliya saaraan cadaadis gudaha ah iyo dibedda ah oo ku aaddan qabsoomidda kulan loo dhanyahay oo ay yeeshaan madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyadu.

     

     

    Source: goobjoog.com


  12. 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

    Hargeysa, 30.04.2025

    Fadhigii 18-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:

    𝟏) Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka. Dhinaca kale, Wasiirku, isaga oo shirar iyo wada-tashi buuxa la yeeshay dhammaan Hay’adaha Amniga ee ay khusayso, waxa uu Golaha u sheegay in uu soo saaray go’aan ah in dhammaan Dadka Ajaanibka ah ee dalka Somaliland sharci la’aanta ku joogaa ay muddo 3 maalmood gudahood ah kaga baxaan dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in wixii muddadaa ka dambeeya ay laamaha Amnigu ay dalka ka saari doonaan Dadka Ajaanibka ah ee Somaliland sharci la’aanta ku jooga.

    (𝟐) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka kobcinta Dakhliga Qaranka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay Talooyin iyo Qorshe wax ku ool ah oo lagu kobcinayo Dhaqaalaha Dalka oo ay soo diyaariyeen Guddi Farsamo iyo Aqoonyahanno ay Wasaaradaha ka soo xuleen Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada. Guddida Farsamadu waxa ay si gaar ah hoosta uga xarriiqeen in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis iyo dib-u-habaynba lagu sameeyo Siyaasadda iyo Xeerarka saldhigga u noqon kara Kobcinta Dhaqaalaha Dalka muddo xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Intaa kadib, Xubnaha Golaha Wasiirrada waxa ay dood dheer ka yeesheen qaabka iyo istiraatijiyada ugu habboon ee lagu awoodayn karo kobcinta Dhaqaalaha Qaranka JSL.

    𝟑) Warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Arrimaha Bulshada oo la xidhiidha Xaaladda Abaaraha dalka ka jira iyo saamaynta xun ee ay ku yeelatay nolosha Dadka, Xoolaha, Beeraha iyo Degaanka: Wasiiradda Arrimaha Bulshada, Waxbarashada, Biyaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha ayaa si mug leh uga warbixiyey saamaynta ay abaaruhu inagu yeesheen. Sidoo kale Wasiiradu waxa ay Golaha u soo jeediyeen in loo baahan yahay gurmad abaabulan iyo Qorshe Qaran oo abaaraha soo noqnoqday wax lagaga qabanayo.

    𝟒) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa Golaha Wasiirradda ku soo bandhigay Hindise lagu hirgelinayo Siyaasadda Dal-ku-galka ku xidhan Imaanshaha (Somaliland Visa On Arrival Policy- VOA), waxa aanu faah-faahin ka bixiyey muhiimadda ay arrintani u leedahay Adeegyada Duulimaadyada, Dalxiiska iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

    Wasiirku waxa uu sharraxay Wadamada ku yaalla Gobolka Geeska Afrika iyo kuwa Caalamka ee hirgaliyay Siyaasadda Visa On Arrival iyo sida ay u saamaysay dhaqaalahooda, dalxiiska, Hoteel-lada, gaadiidka, gaar ahaan wadamada Rwanda, Ethiopia, Kenya, Oman, Srilanka iyo Ghana iyadoo cel-celis ahaan wadamadaasi uu kobcay dhaqaalahooda dalxiiska iyo isu socodka dadku inta u dhaxaysa 20% ilaa 25%.

    𝟓) Qaybinta Qabyo-Qoraalka Xeerka Horumarinta Warshadaha ee JSL. Xeerkan oo ay wadajir u soo diyaariyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha ayaa waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaraddaasi isaga oo sheegay muhiimadda uu kobcinta iyo kor u qaadidda maalgashigu u leeyahay horumarka iyo dhaqaalaha dalkeena.

    𝟔) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ee muddo ka badan 80 cisho Gobollada Bariga ugu maqnaa Nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ayaa si miisaaman uga warbixiyey qaabka iyo hannaanka ay hawlahaasi u waajaheen, caqabadaha ka hor yimid, sida ay u xalliyeen iyo sida ay ku soo af-meereen Guushaa Taariikhiga ah ee ay u soo hooyeen Qaranka JSL.

    𝟕) Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey in Arrinta Qaramaynta Ciidamada Maddaniga ay soo gabagaboobay, taasoo ah Guul weyn oo u soo hoyatay Qaranka JSL, maadaama aynu mar kale xaqiijinay dun wanaagga iyo dadnimada wacan ee ay leeyihiin ummadda reer Somaliland.

    Madaxweynuhu waxa uu si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo arrinta Nabadaynta Gobollada Bariga iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ku hawlanaa ilaa bishii labaad ee sannadkan 2025-ka.

    Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu mahad naq milgo leh u diray salaadiinta, cuqaasha, wax-garadka, haweenka, dhallinyarada, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay Guushaa taariikhiga ah ee muhiimadda weyn u leh Qaranka Somaliland JSL.

    𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

    𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
    𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

    Qaran News