Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    194,587
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyey in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.
    Wasiir Faarax iyo S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay masuul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka, wax ay sidoo kale fareen in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan, oo aysan khal khal galinin ardayda Imtixaanka ku jirta.
    Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyey in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaasoo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka,  sanadkaan ayaa wasaaraddu sheegtay in Imtixaanka xitaa degmooyinka qaarkood la geynayo oo lasoo fogeynin.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Mogadishu (HOL) - Somalia is pulling out all the stops to regain financial control over its airspace. In an ambitious move to reclaim its lost millions, the Federal Government of Somalia is enlisting the aid of international debt collection agencies to recover an estimated $30 million in outstanding overflight fees. The main culprits are smaller regional airlines, particularly those headquartered in Kenya, which account for over 60% of these unpaid fees.

    Source: Hiiraan Online


  3. Mogadishu (HOL) - Somalia is pulling out all the stops to regain financial control over its airspace. In an ambitious move to reclaim its lost millions, the Federal Government of Somalia is enlisting the aid of international debt collection agencies to recover an estimated $30 million in outstanding overflight fees. The main culprits are smaller regional airlines, particularly those headquartered in Kenya, which account for over 60% of these unpaid fees.

    Source: Hiiraan Online


  4. doodishe.jpg?fit=1280%2C854&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) oo ka qayb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho.

    Wasiirka oo wax laga weydiiyay arrinta xirnaashaha wadooyinka ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay in la qaado dhagxaanta lagu jaray jidadka qaar.

    Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qorshahaan uu hadda socdo, isla-markaana qayb qayb loo furi doono waddooyinka xiran, si ay u isticmaalaan dadweynaha Soomaaliyeed.

    “Marka ka qaadaayo qayb qayb ayaa loo qaadaayaa waxaa la hubsanayaa meeshaan dhagaxa laga qaadaayo shaqadii uu dhagaxa haayay ma dhammaatay? haddii ay dhammaatay waa la qaadayaa waddadiina waa la marayaa,” ayuu yiri wasiir Doodishe.

    Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshahan uu qaadan doono dhowr bilood, balse dadka Soomaaliyeed ay heli doonaan xorriyad iyo nabad ay ku naaloodaan.

    “Waxaan rajeyneynaa dowr bilood kadib inaad magaaladan oo dhagax lahayn aad horay iyo gadaal, habeen iyo maalin aad socotaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

    Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in amniga magaalada Muqdisho uu haatan wanaagsan yahay, isla-markaana la fogeyn doono xeyndaabka haatan yaalla gudaha magaalada, si la’isugu furo waddooyinka oo dhan.

    “Maadaama ay hadda amni noqotay xeyndaabkii waa la durjinayaa magaalada waa la’isku furayaa” ayuu markale yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soonmaaliya.

    Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka jiray xaalad degnaasho ah, marka loo eego marxaladihii hore, waxaana yaraaday dilalkii, qaraxyadii iyo weeraradii ay horay uga geysan jirtay kooxda Al-Shabaab, taas oo ku timid qorshaha ay la timid dowladda dhexe.

    The post DF oo dhagxaanta ka qaadeysa Muqdisho iyo xeyndaabka oo la fogeynayo appeared first on Caasimada Online.

  5. Saxafiyad Bushaaro Baanday, waxa maanta Xabsiga ku booqday wafdi ka socday Safaaradda Uk ee Ethiopia kuwaas oo doonayay in ay ogaadaan xaaladdeeda.
    Sidoo kale waxa la filayaa in berri uu u yimaado Safiirka UK ee Soomaaliya si uu uga war helo xaaladda ay ku sugan tahay maadaamada oo ay tahay mu’waadinad Ingiriis ah.
    May be an image of 1 person and scarf
    All reactions:

    2.1KMuniir Garnayl, Mohamed Guuleed and 2.1K others

    Qaran News


  6. Booliiska dalka Spain ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen cunsurinimo ay kula kaceen cayaaryahanka Real Madrid ee Vinicius Jr. Saddexda qof ayaa da’doodu u dhaxaysaa 18 ilaa 21 jir, sida ay booliisku ku sheegeen farriin ay soo dhigeen Twitter-ka.

    Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil, isla markaana madowga ah, ayaa marar badan xilli ciyaareedkan lagula kacay xadgudubyo noocaan oo kale ah. Dhacdadii ugu dambeysay, intii lagu guda jiray ciyaar ka dhacday Valencia, ayaa caro ka dhalisay labada dal ee Spain iyo Brazil.

    Ciyaarta ayaa la hakiyay qeybtii labaad iyadoo Vinicius oo xanaaqsan uu garsooraha u sheegay taageerayaasha mucaaradka. Ka dib ciyaarta, oo 22-sano jirkaan markii dambe laga saaray, ayaa yiri: “La Liga waxaa iska leh cunsuriyiinta.”

    Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa ku jawaabay bartiisa Twitter-ka isaga oo sheegay in Vinicius uusan laba jeer iman kulan looga hadlayo waxa uu “ka qaban karo kiisaska cunsuriyadda”, isaga oo raaciyay: “Ka hor inta aanad dhaleecayn La Liga, waxa aad u baahan tahay in aad naftaada si sax ah u qeexdo. “

    Laakiin madaxa xiriirka kubbadda cagta Luis Rubiales ayaa sheegay in kubbada cagta Spain ay leedahay “dhibaato halis ah oo sidoo kale wasakhaysa kooxaha iyo taageera yaasha.” Dowladda Brazil ayaa sheegtay in dhacdadu ay tahay “xaalad kale oo aan la aqbali karin”.

    Dacwad oogayaasha Isbaanishka ayaa hadda go’aan ka gaari doona in la sii wado baaritaan dambiyeed iyo in kale. Waxa ay codsatay kulamo deg deg ah oo ay la yeelato wasiirada Isbaanishka, dacwad oogayaasha iyo xiriirka kubada cagta. Horaantii, booliiska Spain ayaa xiray afar qof oo looga shakiyay inay ka soo laalaadiyeen sawirka Vinicius buundada Madrid bishii Janaayo.

    Source: goobjoog.com


  7. Hargiesa (HOL) - The Speaker of the Somaliland House of Elders (Guurti), Saleeban Mohamud Aden, has declared that crises exist in most regions of Somaliland. Addressing a Senate meeting, he stressed the severity of these crises, stating, "There isn't a place untouched by these issues. As some of us gather in the Senate, we must make decisions regarding unresolved problems. Chaos seems to be everywhere."

    Source: Hiiraan Online


  8. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii xaqiijiyey taageerada musharaxa kaalintii saddexaad ee uu ka galay doorashada ay qasabtay in wareeg labaad la aado.

    Codadkii ahaa 5.2 boqolkiiba ee uu helay Sinan Ogan, doorashadii 14-ka May, ayaa Erdogan u diiday guul toos ah markii ugu horreysay muddo 20 sano oo xukun ah.

    “Waxaan taageereynaa musharaxa Isbaheysiga Shacabka, Recep Tayyip Erdogan, wareegga labaad ee doorashada ee 28-ka May,” ayuu yiri Ogan.

    “Waxaan ku casuumayaa cod-bixiyeyaashii na taageeray wareegga koowaad inay taageeraan Mr. Erdogan wareegga labaad”ayuu sii raaciyay.

    Erdogan ayaa dhinaca kale muujiyey in aanu wax ballanqaad ah u sameyn Ogan si uu helo taageeradiisa.

    PUNTLAND POST

    The post Musharrax Sinan Ogan oo taageeray Recep Erdogan appeared first on Puntland Post.


  9. Xadka.jpg?fit=640%2C360&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay xuduuda.

    Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas ay sameyn doonaan howlgallo culus si loo sugo amniga xuduuda, maadaama dhowaan dib loo furayo.

    Ujeedka ay Kenya haatan ciidamada usoo dhoobtay xadka ayaa waxaa lagu sheegay in la xariirto ka hortagga ganacsiga sharci darrada ah, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa guud.

    Ciidamada ayaa sidoo kale xoojin doono dadaalaada laagu xaakameeynayo ganaacsiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha dalkaasi, kadin markii xukuumadda Nairobi iyo Muqdisho ay maalmo kahor ku heshiiyeen in la’isku furo xuduudka labada waddan.

    Heshiiiska ayaa dhigaya in dib loo furo xarumihii xuduudaha Ismaamuladaa Mandheera, Lamu, iyo Garisa, muddada 90-ka Maalmood ee soo socda.

    Sidoo kale hay’adda canshuuraaha Kenya ee loo soo gaabiyo (K R A) ayaa shaqaalaheeda Kastamkaa iyo xakameyntaa xuduudaha u dirtay Lamu, waaxa ay kala shaqeeyneysaa ilaalada xeebaha Kenya si ay u ilaaliyaan qayb ka mid aah Badweynt Hindiya.

    Wararka ayaa intaasi kusii daraya in jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka laga bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu hubinayo gaadiidka, si looga hortago suurta-galnimada weeraro dhaba-gal ah oo ayAl-Shabaab ku qaadaan dadka isaga kala gudbaya is-maamullada ka jira halkaas.

    Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe kordhisay weeraradeeda dalka Kenya, taas oo keentay in Kenya hakiso dhaq-dhaqaaqa xadka labada waddan, si loo yareeyo weeraradaasi

    Si kastaba, hase’aahaatee  dib u furisrata Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sare u qaadeysa Xiriirka Ganacsi ee ka dhexeyaay labada dal.

    The post KENYA oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xadka SOOMAALIYA + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.
    Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa Isku dubaridka maalgelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.
    Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qaybgalaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  11. 1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wad baaritaano la xiriira dadka ku lugta lahaa agab iyo saanad ciidan oo dhawaan lagu qabtay dekedda weyn iyo garoonka magaalada Muqdisho.

    Dowladda ayaa sida ay warisay waxay gacanta ku dhigtay hal asbuuc gudahiisa laba konteer iyo agab kale oo la xiriiray oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, oo lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

    Intaas kadib dowladda ayaa waxay billowday baarista ganacsato u fududeysay kooxda in agabka iyo saanad ciidan uga soo dejiyaan dekedda iyo garoonka, sida ay shaacisay La-taliyaha madaxweynaha ee xakameynta qul-qulka hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse.

    Marwo Mako ayaa waxay sheegtay in dowladda ay wado baaritaano shaqsiyaadkaas la xiriira, islamarkaana la horgeyn doono cadaaladda.

    “Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka makriga u maleegayay umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri usoo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda,” ayey tiri Lataliye Marwo Mako.

    Sidoo kale, waxay soo dhaweysay howl-galka ciidamada hay’adda Nabad-sugidda ay ku qabteen laba konteenar oo kooxda Al-Shabaab kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

    La-taliyaha madaxweynaha ee xakameynta qul-qulka hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa ugu dambeyntiina waxay bogadisay howl-gallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

    Si kastaba, Dowladda federaalka oo horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la-macaamiilka kooxda Al-Shabaab ayaa xilligaan waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado danbiilayaasha iyo qof kasta oo ku kaalmaysa kooxda dhibaatada ay ku haayaan shacabka, ha ahaadaan ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo kamid ah bulshada.

    The post DF oo baaris ku wada ganacsatada Muqdisho qaarkood ‘oo loo haysto arrin xasaasi ah’ appeared first on Caasimada Online.

  12. Wanlaweyn.png?fit=1280%2C720&ssl=1

    Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Wanlaweyn ay maanta ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyaad beeleed oo wada dega halkaasi.

    Xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaneysa Walanweyn ayaa waxa si weyn looga dareemaya duleedka degmada, ayada oo labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

    Arrintan ayaa daba socota dagaal billowgii todobaadkaan ka dhacay deegaanka Yaaq-bariweyne oo ay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

    Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jirto cabsi laga qabo inuu maanta markale qarxo dagaal u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed oo lasoo warinaayo inay is horfadhiyaan

    Dagaal beeleedkan ayaa salka ku haya murun dhuleed, oo la sheegay inuu soo jiitamayey lixdii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo hadda sababay inay dagaalamaan labada dhinac.

    Sidoo kale ma jirto cid kala dhex gashay labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xiisadda colaadeed ee ka jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Maleeshiyo beeleedkan ayaa tiraba dhowr jeer oo hore ku wada dagaalamay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, illaa haddana majirto wax waan-waan ah oo maamulka uu ka galay xiisadda colaadeed ee halkaasi ka taagan.

    Si kastaba, Wanlaweyn ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo laa laabanayay weerarada hubeysan iyo dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha u badan kasoo gaaro rayidka.

    The post Faah-faahinta xiisad dagaal oo maanta ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose appeared first on Caasimada Online.

  13. Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Dawladda Ingiriiska ee Itoobiya, ayaa maanta saldhigga dhexe ee Hargeysa ku booqday Weriye Bushaaro Baanday, oo maalmihii u dambeeyey ku xidhnayd.

    Dublamaasiyiintan, ayaa la kulmay Bishaaro, iyaga ka waraystay xaaladdeed iyo xadhigeeda.

    Sidoo kale waxa la filayaa in berri uu u yimaado Safiirka UK ee Soomaaliya si uu uga war helo xaaladda ay ku sugan tahay maadaama oo ay tahay mu’waadinad Ingiriis ah.

    Source


  14. Mahad-Salaad.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa ku wajahan dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah oo dhowr cisho ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Safarka Mahad Salaad ee Mareykanka ayaa imanaya kadib markii casuumad rasmi ah uu ka helay Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

    Xogaha aan ka helayno socdaalka agaasimaha NISA ayaa sheegay in Mahad uu tegi doono magaalooyinka New York iyo Washington DC, halkaasi oo wada-hadalo kula yeelanayo madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da.

    Kulamadan ayaa waxaa looga hadli doona dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, loona xaqiijiyo xog wadaaga labada dhinac iyo siddii Soomaaliya looga caawin lahaa tayeynta hay’adda sirdoonka.

    Mahad ayaa sidoo kale waxa uu warbixin ka siin doonaa xaaladda amni ee dalka iyo gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo galay wejigii labaad, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamada dalalka deriska.

    Muddo aad u fog ma dhicin in CIA-da ay casuunto taliye Sirdoon oo Soomaali ah, dhowr taliye oo hore iskugu dayay inay Mareykanka wada-shaqeyn dhow la yeeshaan, ayaa dhamaan helin wax kalsooni iyo kulamo ah.

    Maanta in albaabada laga furo Sirdoonka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ay keentay ka go’aanshaha dowladda ee dagaalka Shabaab iyo tallaabooyinka ay u qaaday dhanka xaqiijinta amniga iyo helista xogaha sirdoon.

    Duqeymaha la fuliyay intii uu socday dagaalka Al-Shabaab, oo ay iska kaashadeen hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay sahashay in CIA-da ay casuunto taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugida Mahad Maxamed Salaad.

    Isku soo dhawaanshahan ayay dowladda federaalka ka qabta rejo badan inuu caawin karo Sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, tababarada iyo cilaaqaadka adduunka.

    Si kastaba, Socdaalka agaasimaha hay’adda NISA ee Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli uu Mareykanka duqeyn cirka ah ka fuliyay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo ah xarunta u weyn ee kooxda Al-Shabaab, wuxuuna weerarkan ku yimid iskaashiga labada dhinac.

    The post Mahad Salaad oo ku wajahan Mareykanka iyo xogta safarkiisa appeared first on Caasimada Online.

  15. Deni.jpeg?fit=960%2C895&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka laabtay waaran uu dhawaan u jartay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkooda, kuwaasi oo diidana hanaanka uu maamulka Saciid Deni ku wado doorashada Puntland.

    Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Isimada iyo Nabadoonada gobolka Nugaal ay xal ka gaareen khilaafka ka taagna doorashada, kaasi oo dhawaan isku rogay gacan ka hadal dhaliyay dhimasho iyo dhaawaca, kaasi oo ka dhacay caasimadda maamulkaasi ee Garoowe.

    Kulan ka dhacay hoyga Islaam Ciise Islaam Maxamed ayaa la sheegay in lagu go’aamiyay in siyaasiyiinta mucaaradka ay magaalada ka saaran maleeshiyaadka taabacsan, islamarkaana ay doorashada golaha deegaanka ku dhacdo si nabdoon.

    Odayaashan dhaqanka ayaa waxa lasoo warinaya inay mucaaradka ku qanciyeen in doorashadu si nabad ah ku dhacdo, islamarkaana ay magaalada caasimadda ah ka saaraan maleeshiyaadka lagu carqaladaynayo doorashada iyo amniga caasimadda.

    Mucaaradka ayaa la qaatay isimida iyo nabadoonada in doorashada golaha deegaanka kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.

    Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanada gobolka Nugaal loo daabulo sanaaduqda doorashada golaha deegaanka ee gobolkaas, kadib markii dhinacyada isku hayay arrintaan ay dhamaantood ku qanceen go’aanka dhaqanka.

    Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran ayaa ka laabtay warqaddii soo xirista siyaasiyiin kamid ah mucaaradka, oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha Garowe.

    Waxaa la qorsheeynaya in maalin kadib loo dareeri doono doorashada golaha deegaanka ee 37 degmo ee maamulka, taasi oo lagu tilmaamay “dhacdo taariikhi ah oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, tan iyo burburkii kadib.”

    Arrimahaan ayaa imanaya xilli ay wakiiladda beesha caalamka ay taageero u muujiyeen isku dayga uu madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

    “Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka wakiiladda caalamiga ah.

    Sidoo kale waxaa bayaankas ay ku sheegeen inay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon iyo in miiska wada-hadalka lagu xaliyo khilaafaadka doorashada ka jira, iyada oo loo marayo hanaanka sharciga.

    Si kastaba, Xiisadda Puntland ee ka dhalatay doorashada ayaa hadda u muuqata mid kasoo reynaysa, xilli ay maalmihii lasoo dhaafay xoogeysatay, taasi oo galaafan gaartay amniga guud ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.

    The post DENI oo ka laabtay waarankii soo qabasho ee mucaaradka kadib arrin ay aqbaleen appeared first on Caasimada Online.