Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. IMG_9175.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore saxiixay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka oo dhawaan ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxa uu shalay tagay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasi oo muddo sanad laga joogo laga xoreeyay argagixisada.

    Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa wasiirka gaashaandhiga oo eeddo badan ay hareynayaan, wasiirka arrimaha gudaha iyo hoggaamiyaha maamulka Galmudug.

    Xarardheere maxaa ka taagan xilligaan?

    Magaaladan waxay muujisay adkeysi tan iyo markii ay ka adkaatay argagixisada. Noloshadii bulshada ayaa dib usoo laabatay, si gaar ah ganacsigii iyo waxbarashadii, balse dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay argagixisada ayaa culeys badan soo saartay magaalada.

    Waxay dhowr dagaal oo qaraar ka dhaceen deegaano ku teedsan magaalada oo ay argagixisada soo weerartay. Laakiin dadka deegaanka waxay muujiyeen adkeysi iyo isku filnaansho.

    Inay argagixisada magaaladan culeys soo saarto waxaa ugu wacan dib u gurashada ka dhacday deegaanada kale qaar iyo argagixisada oo uusan dhinac kale dagaal uga socon.

    Reer Xarardheere waxay muujiyeen inay weli tabar u hayaan inay deegaannadooda difaacdan.

    Maxay dhali kartaa booqashada madaxweyne Xasan Sheekh?

    Safarka shalay uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Xarardheere waxa uu muujinayaa ahmiyad iyo inay dowladda qaadatay baaqii ahaa in magaalada culeyska haysto loo gurmado weliba si ficil ah.

    Qiimeynta maanta ee madaxweynaha waxay dhali doonta in ciidanka deegaanka iyo midka dowladdaba la xoojiyo.

    Fursada ku noqoshada guud ahaan dagaalka

    Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhawaan Villa Somalia kula shiray xubnaha xisbigiisa UPD. Wuxuu u sheegay in markii howsha dastuurka iska dhameeyo inuu dib ugu laaban doono furimaha dagaalka.

    Wuxuu kale u sheegay in arrimaha siyaasadda iyo maamulkaba uga tegi doono ra’iisul wasaaraha. Habeen hore ayuu madaxweynaha iska soo xiray howshii dastuurka, inuu isla shalay furimaha dagaalka aadayna waxay muujineysa in hadalkii uu kooxdiisa u sheegay uu dhab ka yahay, waana fursad u wanaagsan dalka iyo dowladnimadaba in dib loogu laabto dagaalka.

    Caqabadaha dagaalka curyaaminaya

    Caqabado la xiriira dagaalka ayaa weli jira, waxaa kamid ah hoggaan xumo ay ka cabanayaan askarta, waxaana loo baahan doona xooga isbeddel ah si dhiig cusub loogu helo dagaalka.

    In sidii hore oo ay ka muuqatay qorshe la’aan iyo hoggaan xumo lagu bilaabo dagaalka waxay hoos u dhigi kartaa rejada guusha weyn.

    Madaxweyne Xasan waxaa hortaalla inuu isbeddel sameeyo, dhiig cusub ku biiriyo dagaalka, dibna u hagaajiyo qorshihiisa dagaalka oo ay Soomaalida iyo Ajnabiguba dhaliilo badan ka muujiyeen.

    The post Isbeddelka rejada dagaalka kadib tallaabadda uu qaaday madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.

  2. 283078737_387428473428298_27516959861514

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday wadaddii kooxdii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu tirin jiray mid ku caan-baxday waxa loogu yeero “aargoosi siyaasadeed”.

    Wasiir ka tirsan dowladda Xasan Sheekh ayaa shalay qaaday tallaabo u muuqatay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsaday la-taliye sare oo baraha bulshada ku baahiyay qoraallo ay jeclaysan dowladda.

    Warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Gudaha oo uu ku saxiixna Wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa lagu joojiyay heshiiska la-talinta Samira Gaid ee mashruuca SJGAB, kaasi oo ay maal-geliso Midowga Yurub, sababo la xiriira qoraaladeeda siyaasadeed ee Twitter-ka.

    Qoraallada Samira ayaa loo arkay inay khilaafsan yihiin “madax-bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka la-talinta, sida lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga gudaha.

    Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keenayso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurta-galnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyada oo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay “mid siyaasadeed.”

    Kooxdii Farmaajo ee NN ayaa kal xukunkoodii caan ku ahaa tallaabooyinka noocaan ah, iyada oo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hay’addo ay sidaan oo kale shaqada uga joojiyeen, kadib markii ay is-qaadan waayeen aragtidooda siyaasadeed.

    Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay sheegay in dowladdiisa aysan ku kici doonin “aargoosi siyaasadeed” lamana oga in tallaabadan ay qeyb ka tahay isbeddelka aragti ee waayadan dambe uu caashaqay madaxweynaha.

    The post Dowladda Xasan Sheekh oo qaaday wadaddii kooxda FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.

  3. Shariif-Kheyre-CC.jpeg?fit=2500%2C1500&s

    Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa suurta-gal ah in markii ugu horreysay aanay mucaaradka isku weel noqonin oo aanay u midoobin dagaalka kursiga looga dajinayo madaxweyne Xasan Sheekh.

    Wixii ka dambeeyay sanadkii 2004 marwalba waxaa jiray mucaarad isku mowqif ah, kulma oo ka doodda sida kooxda xukunka joogta loo bixin karo oo gunaanadkana codadka isku biiriya, si uu isbeddel u dhaco.

    Laakiin doorashada nagu soo aadan hanaan midkii hore ka duwan oo mucaaradnimo ah ayaa la arki karaa. Durba laba daraf oo mucaarad ah oo isdiidan ayaa soo ifbaxay.

    Dhinac waxaa taaga laba madaxweyne hore waa Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhinaca kalena waxaa taagan ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo siyaasiga mowqifkiisa guur-guurin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

    Sheekh Shariif wuxuu markii hore la bilaabay garabka Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Laakiin tan iyo markii Farmaajo kula kulmay waddanka Turkiga oo ay soo baxday inay labada dhinac midoobeen, wuxuu Shariif ka xarig furtay garabkii hore wuxuuna ku weel noqday Farmaajo.

    Waxaa la sheegay inuu labadii billood ee lasoo dhaafay dhowr jeer isku dayay inuu dhinacyada oo dhan isku biiriyo oo uu soo saaro mucaarad mideysan, laakiin sidan xogta ku helnay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa diiday inay Farmaajo ku koox noqdaan.

    Isku dayo uu Shariif Sheekh Axmed waday oo aheyd in mucaaradka dhamaan Xamar iskugu tagaan oo ay shir wada-jir ah qabtaan ayaan shaqeynin.

    Marka laga hadlayo in Xasan Sheekh Xamar lagula dhigto, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre waa jilaayal aan la’antood wax badan la nuuxin karin. Sababaha ay u diidan yihiin dhinaca kale in la isku biiro waxaa kamid ah;

    1. Eeddaha Farmaajo oo weli ka badan kuwa Xasan Sheekh

    Si umadda looga iibiyo qaladaadka madaxweyne Xasan Sheekh oo loola gar dhigo waa inay kooxda ka eeddo iyo qaladaad yar tahay Xasan Sheekh. Marka uu Farmaajo ku biiro kooxda micnaheedu waa inuu miiska fadhiyo nin boqol jeer ka badan Xasan Sheekh dhinaca gabood-falka dowladnimada.

    Sidaas awgeed kooxda diidan in la isku biiro waxay aaminsan yihiin inay mucaaradnimadooda xalaal noqon karin haddii Farmaajo ku lamaanan yahay.

    2. Cudur la’aanta Farmaajo

    Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo haysto muddo kororsi sharci darro ah, inuu dastuurkii dalka iska tuuray, inuu muwaadin Soomaali ah cadow u dhiibay, inuu Muqdisho dagaal geliyay, inuu isku dayay inuu dilo madaxweynayaal hore, inuu cuna-qabateeyay gobollada qaar, inuu argagixisada cayiliyay iyo dad nolol iyo geeriba lagu waayay muddo xileedkiisi ayaa weli cafis weydiisan umadda Soomaaliyeed.

    Dhinaca diidan in la isku biiro waxay soo jeediyeen inuu Farmaajo umadda cafis weydiisto si looga fikiro in wada-jir Xasan Sheekh loo wajihi karo. Isaguna hadda taas diyaar uma ahan, oo waxaa la sheegay inuu rabo in isagoo eedahaasi loo haysto inuu markale xukunka u tartamo.

    3. Fursadda xukunka

    Dhinaca diidan isku biiridda waxaa la fahamsan yahay inay aaminsan yihiin in haddii ay madaxweynayaal hore wax ku darsadaan in laga qaadanayo hoggaaminta mucaaradnimada iyo fursadaha imaan kara.

    Sidaas darteed waxaa muuqata inay tijaabinayaan inay gaar u dagaalaman.

    Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale noqon kara dheri kale oo gooni u shidan, maadaama uu leeyahay damac federaal ah.

    Waxaana dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda isweydiinayaan waxa Xasan Sheekh faa’iido ama khasaare ugu sugan mucaarad iyaguna is-diidan kadibna isaga diidan.

    The post Mucaaradka DF oo laba garab u kala jabay iyo arrimaha ay isku diidan yihiin appeared first on Caasimada Online.

  4. 434676096_442201585007683_28733369597699

    Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi.

    Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

    Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta.

    “Puntland iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligaan u muuqata mid maqaam midkii hore ka sarreeya siineysa xiriirka maamulka Puntland.

    Tallaabadan cusub ee ay qaadeen Puntland iyo Ethiopia ayaa imaaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa xukuumadda Addis Ababa.

    Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii wada-shaqeyneyd kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.

    Hoggaanka Puntland oo markaas meel adag iska taagay ansixinta dastuurka ayaa tan iyo markaas ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay.

    “Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay.”

    434676096_442201585007683_28733369597699

    435003736_442201591674349_21278463639784

    435073867_442201625007679_17544854347821

    434731105_442201648341010_23281426928079

    The post Sawirro: Puntland oo heshiis la gaartay Ethiopia xilli ay taagan tahay xiisada badda appeared first on Caasimada Online.

  5. IMG-20240403-WA0001.jpg?resize=1000%2C11Dr Ali Said Faqi: “This is a regrettable situation, especially in Somalia where accountability is virtually non-existent.”

    Mogadishu (PP News Desk) — Dr. Ali S. Faqi, a Federal MP from South West State of Somalia, criticised amendments to Somalia’s provisional constitution motivated by a desire to address what proponents of the constitutional overhaul view as an abuse of representation privileges by parliamentarians and senators, a subtle reference to monetising MPs’ and Senators’ votes whenever Villa Somalia wants to dismiss a Prime Minister. This situation creates a vicious circle of No Confidence Motions against a Prime Minister who falls out with the President.

    On 30 March 2024 the bicameral legislature of Somalia ratified 4 amendments to the provisional constitution into which President Hassan Sheikh Mohamud has signed into law. Puntland State government, former Presidents and Prime Ministers denounced the amendments as unilateral and in violation of the established guidelines that stress bottom-up consensus and credible consultations with the civil society.

    “This is a regrettable situation, especially in Somalia where accountability is virtually non-existent. As a result, Somali politics now finds itself in uncharted territory. The future role of the parliament remains uncertain, leaving us to ponder what lies ahead. Whether this change will ultimately benefit the country is uncertain, but one thing is undeniable: the parliament has effectively rendered itself powerless” tweeted Dr Faqi.

    © Puntland Post, 2022

    The post Dr Ali Said Faqi: “The bicameral legislature has effectively rendered itself powerless” appeared first on Puntland Post.


  6. FB_IMG_1712144263335.jpg?resize=720%2C44

    Shir ku saabsan iskaashiga dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa magaalada Addis Ababa uga furmay Puntland iyo dowladda Itoobiya.

    War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada dhinac uu u furmay wada-xaajood ku saabsan iskaashiga dhanka ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

    Shirka waxa dhinaca Itoobiya hogaaminaya wasiiru dowlaha arrimaha dibada Mesganu Arga, halka dhanka Puntland uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga dardar gelinta ganacsiga.

    War-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada dhinac isla garteen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ganacsiga, amniga iyo sare u qaadidda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

    FB_IMG_1712144154817.jpg?resize=702%2C96

    PUNTLAND POST

    The post Shir ku saabsan iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo Addis Ababa u furmay Puntland iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.


  7. Somalia-Kenya.jpeg?fit=1080%2C720&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) – Sagaal bilood kadib illaa hadda weli ma fulin heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee furista xuduudka labada dal, xilli ay Kenya soo saartay amar sii dheereynaya inuu waqti dhow dhaqan-gal noqdo.

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin in mardhow dib u furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, ayadoo walaac ka muujisay saameynta amni ee ka dhalan karta howl-galka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya.

    Raymond Omollo oo ah Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya oo la hadlay Nation Africa ayaa shaaciyay in go’aankan uu yimid kadib markii “ay qiimeeyeen baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka ee dhamaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.”

    Go’aankan sii dheereynaya furista xuduudka labada dal ayaaa kusoo beegmaya sagaal bilood kadib markii ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku dhawaaqeen in dib loo furayo xuduudka kadib wada-tashiyo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Nairobi.

    Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa uu xiran yahay muddo ku siman 12 sano.

    Soomaaliya ayaa hadda waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysata gudaha Kenya, oo ayadu feejignaan dheeraad ah ku jirtay tan iyo markii ay howl-gallada tooska ka bilowdeen Soomaaliya.

    Kenya ayaa ka cabsi qabta in dagaalamayaasha kooxda qaarkood ay usoo gudbaan dhankeeda, ayaga firxad ka ah howl-gallada lagu beegsanayo ee ay iska kaashanayaan ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka hubeysan ee Macawiisleyda.

    The post Sababta uu weli u fuli la’yahay heshiiska Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.

  8. Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu albaabada isugu dhufan doono xafiiska uu Telefishanka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar, ku leeyahay gudaha Israa’iil.

    Netanyahu ayaa raacaya sharci cusub oo ay soo saartay Israa’iil, kaas oo xukuumadda awood u siinaya inay tallaabo ka qaaddo hay’adaha warbaahineed ee ajnebiga ah ee halista ku noqda amniga qaranka ee dalkaas.

    Source


  9. CC-Shakuur.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  y Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB, kadib markii la eryay.

    Xildhibaanka ayaa sheegay in ka hor inta aan shaqada laga joojin gabadhan uu u hanjabay wasiirka Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kadib qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter-ka), waxaana ku xigtay in shaqadii laga joojiyay Samira, kadib warqad ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

    “Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey” ayuu qoraalkii ku yiri xildhibaanku.

    Sidoo kale wuxuu ku baaqay xidhibaanka in baarlamaanka looga yeero wasiirka u hanjabay gabadha iyo kan ka joojiyay shaqada, si wax looga waydiiyo arrintaasi.

    “Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

    Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

    Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

    Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey. Waa sariig la’aan in dadkii shalay ku eedayn jiray rajiimkii ka horreeyey in ay muwaadinka ku bartilmaamsadaan ra’yigiisa, ay maanta falkii oo kale ku kacaan.

    Caddaalad dari ka xanuun badan ma laha in ruux aan si kale kaaga itaal roonayn uu magaca dowladda kuugu awood sheegto, gaar ahaan haweenka iyo beelaha loo tirada sheegto.

    Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay.

    Bulshada Rayadka ah iyo Warbaahinta madaxabannaan waa in ay falkan canbaareeyaan, si uusan u noqon mid sii socda oo qof walba bawdkiisa ugu soo dhaca.

    Caburrintu waa hubka ugu culus ee Rajiimka fulayga ee ka baqa ra’yiga kale, waa xeeladda lagu qariyo kalsooni darrida iyo karti xumida.

    “Haddaan diintu qabanayn

    Sharci kaa dabbaalayn

    Dabar kaa celshaa jirin

    Dalka maamulkiisii

    Sida loogu dabar go’ay

    Ninkii doonayoow maqal”.

    Abwaan Cabdi Qays.

    The post CC Shakuur oo dalbaday in BF looga yeero wasiirro ku kacay gabood fal loo gaystay… appeared first on Caasimada Online.

  10. Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay xeebta koofureed ee Taiwan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof.

    Dhulgariirkan oo cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa sababay in dhismooyin badan ay ku burburaan Hualien, oo ah magaalada ugu dhow ee xuddunta u ah, halkaasoo dadaallada samatabixintu ay ka socdaan.

    Dhulgariirkan oo ah kii ugu xoogganaa ee jasiiraddan ku dhuftay muddo 25 sano ah ayaa laga dareemay dhulka buuralleyda ah.

    Magaalada caasimadda ah ee Taipei, ayaa sawirrada iyo muuqaallada waxay muujinayaan dhismooyin ruxmaya

    Source


  11. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgalay xuska maalinta Autismka adduunka oo ay soo qaban qaabisay xarunta baahiyaha gaarka ah ee Mustaqbal.

    Wasiirka ayaa xusay muhiimada ay leedahay in il gooni ah lagu hayo caruurta xaaladdan ay lasoo gudboonaato isla markaana ay helaan daryeelka lagama maarmaanka ah si loola tacaalo xaaladdooda isagoo sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhaw ula socon doonto daryeelka caruurta ay xaalada Autismka lasoo daristo, kana shaqayn doono sidii siyaasad looga yeelan lahaa caruurta Autismka qaba.

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay xarunta Mustaqbal oo isu taagtay la tacaalida xaaladda caruurta Autismka wajahaysa isagoo dhiirigaliyay in la helo xarumo kale oo bixiya adeegga Caafimaad ay u baahanyihiin.

    Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

    Source: goobjoog.com


  12. Dhul-gariirkii ugu xooganaa ee muddo 25 sano ayaa ku dhuftay dalka Taiwan dhinaca jasiiradda xilli subaxnimadii hore ee saaka, kaas oo burbur u geystay dhismayaal iyo waddooyin waaweyn, waxaana uu sababay dhimashada afar qof.

    Wakaaladda dab damiska qaranka Taiwan ayaa sheegtay in afar qof ay ku dhinteen degmada Hualien ugu yaraan 57 ay ku dhaawacmeen dhulgariirka oo dhacay wax yar ka hor 8 subaxnimo (00:00 GMT) Arbacada maanta sida la sheegay.

    Adeegyada tareennada ayaa la hakiyay dhammaan jasiiradda oo ay ku nool yihiin 23 milyan oo qof, iyo sidoo kale adeegyada tareennada dhulka hoostiisa mara ee Taipei, halkaas oo khad cusub oo dhulka ka sarreeya qayb ahaan la kala gooyay.

    Isu socodka dadka iyo gaadiidka ee xeebaha bari ayaa ahaa kuwo si toos ah u istaagay, iyadoo ay burbureen dhul go’ay iyo burbur soo dhacay oo ku dhacay tunnel-ka iyo waddooyinka waaweyn ee gobolka buuraleyda ah, kuwaas oo khasaare soo gaadhay gaadiidka.

    Dhulgariirkii ugu xumaa ee Taiwan ka dhaca sannadihii u dambeeyay ayaa dhacay Sebtember 21, 1999, cabirkiisu wuxuu ahaa 7.6, kaas oo sababay dhimashada 2,400, dhaawaca ilaa 100,000 iyo burburka kumanaan dhisme ah.

    Community Verified icon

    Source: goobjoog.com


  13. Deni.jpeg?fit=960%2C640&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ay booqasho uga bilaaban doonto.

    Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay safarka Saciid Deni ee Imaaraadka Carabta, kaas oo uu maanta uga bixi doono magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal.

    Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu sii mari doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadibna uu usii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Saciid Deni uu kusoo ciidi doono magaalada Abu Dubai oo uu shantii sano lasoo dhaafay intiisa badan kusoo ciidayay halkaasi.

    Waxaa sidoo kale kulamo iyo shirar gooni gooni ah uu la yeelan doonaan madaxda dalkaas oo haatan galaangal xoogan ku leh arrimaha siyaasadda ee maamulka Puntland.

    Socdaalka Deni ayaa imaanaya, xilli haatan ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso Puntland iyo dowladda federaalka, kadib wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

    Puntland oo ka carootay ansixinta dastuurka ayaa ku dhowaaqday go’aan culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, waxayna sheegtay inay kala laabatay kalsoonidii iyo aqoonsigii.

    Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu dalka kaga baxo Saciid Deni, tan iyo markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland sideedii Janaayo ee sanadkan 2024-ka.

    The post Xog: Madaxweyne Deni oo ku wajahan Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.

  14. Samiira.jpg?fit=400%2C400&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo culus oo ka dhan ah Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  ay Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB.

    Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shaqadii looga joojiyay Samira, kaas oo ku qornaa Luqadda Engilishka.

    Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

    Samira Gaid ayaa qoraaladeedii ugu dambeysay si wayn uga hortimid wax-ka-beddelka Dastuurka dalka oo ay todobaadkii hore meel-mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka.

    Shaqo joojinta haatan lagu sameeyay Samira ayaa waxaa ka horreeyay weerar toos ah oo dhanka afka ah oo uu isna maalin kahor ku qaaday Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kaas oo u muuqday mid hanjabaad loogu diray Samira Gaid.

    Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keeneyso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.

    Si kastaba Kooxdii hore ee NN ee Farmaajo ayaa caan ku ahaa tallaabooyinkan noocaan ah, iyadoo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hey’ado sidaan oo kale ay shaqada uga joojiyeen.

    FB_IMG_1712096178319.jpg?resize=696%2C89

    The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah Samira Gaid + Sababta appeared first on Caasimada Online.

  15. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo maanta booqasho ku tegay deegaanka Gubta ee degmada Dayniille ayaa kormeeray dhismaha waddada laamiga ah ee laga hir-gelinayo deegaanka, waxuuna halkaas kula kulmay guddiga dhismaha waddada oo uga war-bixiyay shaqada socota, odayaasha iyo wax-garadka deegaanka oo kala hadlay daboolidda baahida adeegyada dowladeed ee deegaanka.

    Mudane Xasan Macallin oo ay wehliyeen xildhibaan Cadar Cali Shalaqbeen iyo xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa bogaadiyay dadaallada isku tashiga ah ee bulshadu ay ku horumarineyso deegaanka, waxuuuna kormeerka kadib bulshada deegaanka kula afuray gudaha deegaanka Gubta.

    Wasiirka ayaa bulshada deegaanka ka ballan qaaday in dowladdu kala shaqeyneyso helidda adeegyada dowlaleed ee ay u baahanyihiin, si loo gaaro horumarka uu deegaanku hiigsanayo, arrintaan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa isbedelka amni ee ka jira caasimadda Muqdisho iyo deegaannada hoos yimaada.

    Source: goobjoog.com


  16. Madaxweyne-Deni.jpg?resize=1000%2C667&ss

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed.

    Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Deni uu maanta oo Arbaco ah u socdaalayo waddanka Imaaraatiga (UAE) isaga oo sii maraya dalka Itoobiya.

    Safarkani ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu dalka kaga baxo tan iyo intii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland 8 Jan 2024.

    Sidoo kale safarkiisa ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Puntland ka hortimid wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya islamarkaana kalsoonidii kala noqotay dowladda Federaalka.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan dalka Imaaraatiga Carbeed appeared first on Puntland Post.


  17. Joe-Biden-scaled.jpg?fit=2560%2C1706&ssl

    Washington (Caasimada Online) – Madxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyey weerar dhanka cirka ah oo ciidamada Isra’il ku dileen shaqaale safal oo u shaqeynayey hay’ad laga leeyahay Mareykanka oo la yiraahdo World Central Kitchen (Jikada Adduunka), taas oo hawlo quudin ah ka haysa marinka Qasa.

    Todobo ruux oo u kala dhashay Mareykanka, Britain, Kanada, Australia iyo Poland ayaa Isniintii lagu diley duqeyn ay geysteen diyaaradaha Isra’il oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayey meel ka tirsan marinka Qasa. Waxaa sidoo kale weerarkaas ku geeriyoodey darawalkoodi oo u dhashay Falastiin.

    Madxweyne Joe Biden ayaa si aan looga baran Israa’il canaan kala dul dhacay, wuxuuna ku eedeeyey in aysan xil ku filkan iska saarin bedbaadinta shaqaalaha gargaarka ee ku hawlan caawinta shacabk tabaaleysan. Biden ayaa Isra’il ka dalbaday in baritaan deg-deg ah lagu sameeyo falkaas, islamarkaana ciddii geysatay caddaaladda la hor keeno.

    Dowladda Isr’il ayaa lagu khasbay in ay qirato falkan ay ciidamadeedu geysteen, kaas oo ay ku tilmaantay ‘gef weyn’ oo aan loo baahneyn in uu dhaco. Ra’isul Wasaare Benjmin Netenyahu ayaa dhacdadan ka hadlay ayaa ku andacoodey in ciidamadoodu si kama’ ah u dileen dad aan waxba galabsan, isagoo ballanqaaday in in uu sameynayo wax walbo oo lagu xaqiijinayo in falkaas oo kale dib u dhaco.

    Tirda samefaleyaasha lagu diley Qasa tan iyo bishii Oktoober ee kal hore ayaa kor u dhaafaya 196,. Waxaana walaac laga muujinayaa bedqabka shaqaalaha gargarka oo bartilmaameed u noqday dilal aan loo aabbadayin.

    The post Joe Biden oo cambaareeyay fal ay Israel ka gaysatay GAZA appeared first on Caasimada Online.