-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 05 December 2017 ka qayb galay maalintii labaad shirka Madaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, ergayga gaar ka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, danjirayaasha waddamada shisheeye, Saraakiil ka socdey AMISOM, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS, xeeldheerayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland oo Khudbad muhiima ka jeediyey shirka horaantiisii ayaa sheegay in qabyo tirka geeddi-socodka dastuurka Soomaaliya aanu dhameystirnayn, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu inay jiraan qodobo muhiima oo u baahan in si wadajira loo dhugto kuwaas oo ay ka mid yihiin fadaraalisamka, khayraadka dalka, doorka DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah DFS, waxaana Madaxweynuhu uu hoosta ka xariiqay in wada xaajoodka ku saabsan arrimahaasi weli aan la dhamaystirin. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay muhiim in xil la iska saaro dhamaystirka dastuurka Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey Madaxda Soomaaliyeed in dastuurka si xalaala loo gunaanado, isla mar’aahaantaana waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dastuurku yahay asaaska sida guri aan ku dhex nool nahay oo kale, Dhinaca kale Madaxweyne dawladda Puntland ayaa sheegay si looga soo kabto dagaalkii sokeeyo in loo baahan yahay in lasameeyo qodobo ay kamid yihiin hay’adaha maamulka dalka oo dib loo dhiso, loo baahan yahay in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah. xukunka sharciyada, mabaadii’da cadaaladda iyo sinaanta oo iyana lagu saleeyo sida ku xusan diinteena Islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan. Shacabka oo la wacyigeliyo, loona sameeyo shaqo abuur, cadaalad, sinaan iyo wanaajinta masuuliyadda. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in qaadashada fadaraaliisamku ay tahay talaabo ay Soomaaliya hore u qaaday, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inay dawladda dhexe ee Soomaaliya u madaxbanaan tahay masuuliyaddina ka saaran tahay arrimaha Ciidanka, Difaaca Qaranka, Siyaasadda Soomaaliya, Socdaalka [immigration] iyo Dhalashada [Naturalization], iyo sidoo kale Siyaasadda arrimaha Dibadda. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in talaabo kasta oo hore looqaado iyo caqabad walba oo timaada ay tahay cashar laga baranayo nidaamka fadaaraliisamka, waxaana uu Madaxweynaha dawladda Puntland ku booriyey Madaxda qaran ka Soomaaliyeed in aan laga daalin dedaalka loogu jiro horumarinta qaranimadeena iyo halganka dib u xasilinta dalka. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Maalintii 2-aad Ka Qayb Galay Shirka Madaxda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. appeared first on Puntland Post.
-
Somali President Mohamed Abdullahi “Farmajo” Mohamed has refused to meet Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu during a visit to Kenya. Farmajo was in Kenya to attend an African Heads of State meeting in Nairobi. Hamas praised the leader’s move in standing in the face of the oppressor and refusing to meet him. Senior Hamas member, Mousa Abu Marzouq, said: “With the example of these leaders, attitudes have value and meaning, and their country has respect and appreciation, and their people have dignity.” Hamas’ Izzat Al-Rishq also thanked the Somali president’s position which he said “reflects the authenticity of the brotherly Republic of Somalia in standing with Palestine and rejecting any normalisation with an entity which occupies land and holy places.” Source: Middle East Monitor The post Somali president refuses to meet Israel’s Netanyahu appeared first on Caasimada Online.
-
Governments and other key global partners are convening in Mogadishu today to discuss plans for sustaining humanitarian support for Somalia. In response to a recent alert that parts of Somalia could face severe famine in 2018, Action Against Hunger urged the international community to sustain large-scale levels of assistance to save the lives of acutely malnourished children and meet the urgent survival needs of communities devastated by extreme drought and conflict. “We face a critical window of opportunity,” said Action Against Hunger’s East Africa Regional Director, Hajir Maalim. “The surge in humanitarian assistance in Somalia this year successfully averted famine, but the drought is intensifying—and expected to worsen in 2018. If current levels of aid are reduced or compromised, Somalia could quickly spiral into catastrophe.” According to a new report from the Somalia Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU), more than 3.1 million people across Somalia are now in urgent need of humanitarian assistance, and acute malnutrition is a major public health emergency threatening the lives of 1.2 million children. Four consecutive seasons of failed rains have wiped out crops and livestock, leaving communities without food or income. Rising prices for basic commodities are pushing the poorest families deeper into debt and jeopardizing their ability to meet their daily survival needs. In the past year alone, drought has displaced an estimated 948,00 people from their homes.1 Data from Action Against Hunger nutrition assessments in 2017 among displaced populations in Mogadishu indicated that 30 percent of children were acutely malnourished, signifying a very critical emergency. Results from the organization’s assessments in November 2017 in Hudur district in Bakool also indicated a nutrition emergency, with rates of acute malnutrition at 17.2 percent among displaced children. Action Against Hunger’s field teams have also documented extreme water shortages among communities in Bakool, with many people unable to access more than 7.5 liters of water per day, which is below the minimum humanitarian standard for survival needs in emergencies. When famine was declared in Somalia in 2011 under similar conditions, the world was slow to rally a large-scale response, and an estimated 250,000 people died. Despite significant efforts from the government of Somalia and humanitarian partners over the past year, the extended, severe drought has caused a sharp deterioration in food insecurity and a huge increase in needs. The failed rains—along with ongoing conflict, entrenched poverty, and the lack of a functioning health care system outside the capital city—have delivered a crippling blow to extremely vulnerable populations still struggling to recover after the 2011 famine. “Famine never happens out of the blue,” said Maalim. “Today, the warning signs are in plain view. We must learn from the past and take action—both now and over the longer term—to prevent the worst.” As the international community convenes in Mogadishu this week, Action Against Hunger calls for: Ddonors to mobilize full funding for the 2018 Humanitarian Response Plan and translate pledges into funding at the frontline now; parties to conflict to uphold international humanitarian law and ensure that populations in need have access to aid; the government of Somalia to guarantee safe, unimpeded humanitarian operations to address the crisis. “We must act quickly to sustain current levels of aid and save lives,” said Maalim, “It is equally vital to help people rebuild their livelihoods; strengthen social safety nets; bolster the resilience of communities and markets; and most of all, to prioritize political solutions to end the conflict.” NEWS PROVIDED BY Action Against Hunger USA Source: – Prnewswire The post Intensifying Drought In Somalia Heightens Risk Of Severe Famine appeared first on Caasimada Online.
-
The African Union’s plan to trim its Somalia peacekeeping force (AMISOM) will hurt the mission unless extra equipment is found to offset the troop decrease, the mission’s leader told Reuters on Monday. The force of 22,000 deployed a decade ago is set to lose 1,000 soldiers this year as part of a long-term plan to pull out of the country and hand security to the Somali army. AMISOM is confronting the Islamist militant group al-Shabab, whose ranks have been swelled by Islamic State fighters fleeing military setbacks in Libya and Syria. Militants killed more than 500 people in an attack in the capital Mogadishu last month. It was the deadliest such attack in the country’s recent history. AMISOM deployed to help secure the government of a country that since 1991 has struggled to establish central control. The peacekeepers helped push al Shabaab out of Mogadishu but the group still frequently attacks civilian and military targets. “Unless we have a proportionate forces multiplier in terms of equipment … intelligence, electronic intelligence, that (withdrawal) will have a very considerable effect on our mission,” AMISOM head Fransisco Madeira told Reuters. “We believe the U.N. will find ways and means of covering or making up the gap that might result.” The diplomat from Mozambique was speaking on the sidelines of a security conference in Mogadishu. He said it was hard to estimate the number of al-Shabab fighters. Somalia’s minister of internal security Mohamed Abukar Islow told Reuters the government wants the lifting of an arms embargo “so that our forces get enough weapons and military equipment.” The United Nations imposed an arms embargo on Somalia shortly after the nation plunged into civil war in the early 1990s. It partially lifted the ban in 2013 to help equip government forces. Source: Reuters The post Mission Chief: Somalia’s Peacekeeping Mission Could Be Hurt by Cut in Force Size appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka. “Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin.” Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsanyihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdu ay ku guuleystay dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka sannadka 2020ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu ku boggaadiyey Beesha Caalamka iyo Qurba Joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaadanayaan qorsheyaasha horumarineed ee dalka. Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan dareensannahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Soomaaliya maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno.” Shirweynaha Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee soomaaliya AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka, doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. The post Sawirro cusub: Farmaajo ‘’Wey naga go’an tahay inaan kuwada xisaabtano hawlaha aan ku heshiinno kulankan iyo wixii xigi doona” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka Muqdisho oo ay kasoo Qayb-galeen ku dhawaad 30 Dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka. “Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin,” ayuu yiri Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsan yihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda. Sidoo kale, Mudane Farmaajo wuxuu xusay in Dowladdu ay ku guuleystay dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka sannadka 2020-ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta dalka. Dhanka kale, Madaxweynaha DF wuxuu ku boggaadiyay Beesha Caalamka iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka Qaadanayaan Qorsheyaasha horumarineed ee dalka. “Waxaan dareensan-nahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Somalia maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno,” ayuu khudbaddiisa ku xusay. Ugu dameyn, Shirka Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada Dowladda Somalia ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidamada Afrika ee Somalia AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka, doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Waxaa naga go’an inaan ku xisaabtanno wixii aan ku heshiinno appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay shirka amniga Somalia oo ay ka qayb-galayaan dalalka tageera Sooamaliya, ayaa su’aal adag ka keenay sababaha ururka Al-shabaab looga saari la’yahay deegaannada ay kaga sugan yihiin Somalia. Axmed Madoobe ayaa hadal uu ka jeediyay shirka ku sheegay in loo bahan yahay in la sameeyo daba-gal dhab ah iyo isla-xisaabtan la xiriira sababaha ururka Al-shabaab looga saari la’yahay deegaannada ay wali joogan, iyadoo lacag gaaraysa boqollaal milyan oo Doollar lagu bixiyo hawl-galka AMISOM, taas badalkeedana aanay si joogta ah mushaarka u helin ciidanka Somalia. Sidoo kale, Madoobe wuxuu xusay in beesha Caalamka looga baahan yahay in ciidamada AMISOM ay kula xisaabtamaan dhaqaalaha faraha badan ee ay ku bixiyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, sidoo kalana DFS iyo maamul-goboleedyada looga bahan yahay inay ku xisaabtamaan in Somalia uusan weligii Ajnabi joogayn ee ay dhisaan ciidamada Qaranka. Madaxweynaha Jubbaland, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Somalia oo kumannaaan askari ah aysan haysanin tasiilaadkii ku filaa iyo tababar toona, balse marka iyaga iyo AMISOM la isku geeyo ay ka badan yihiin kana awood weyn yihiin Al-shabaab. Dhanka kale, Shirarka ayuu Madaxweynaha Jubaland ka sheegay in la joogo xilligii ficil loo badali lahaa, isla markana su’aalo la iska weydiin lahaa halka ay wax ka khaldan yihiin, iyadoo horay loo sii soconayo. Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in hawl-galada wakhtigan la dar-dar-geliyo oo laga shaqeeyo sidii xilliga kooban ee AMISOM u haray uu u noqon lahaa mid laga faa’iidaysto, isla markana la da-dajiyo dhismaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in si dhab ah loola xisaabtamo Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Hey’adda (USAID) oo wakiil ka ah Mareykanka ayaa heshiis horumarineed oo taariikhi ah la saxiixatay Soomaaliya, Heshiiska oo (DOAG) loogu magac-daray waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed iyo Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle. Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku-xigeenka USAID Afrika Julie Koenen iyo safiirka Mareykanka Martin Dale. Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan, ujeedka waa in barnaamijkan lagu xoojiyo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda. Waxyaabaha dowladda federaalka laga taageerayo waxaa ka mid ah dowlad wanaagga, maamulka, waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah. “Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yiri Julie Koenen. “ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’antahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yiri Martin Dale isaga oo intaasi raaciyay ” Heshiiskan waxaa ay ka dhigan tahay iskaashi ballaaran oo dhex-mara Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan ballan-qaadeynaa in aan taageerno himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen horumar”. Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen si wax looga qabto horumarka Soomaaliya. 2011-kii, USAID waxaa ay in ka badan $1.3 billion ku qarash-gareeysay arrimaha banii’aadnimada iyo $328 million o arrimaha horumarka ah. Goobjoog News Source
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan ayaa si carro leh uga hadlay arrinta ku aadan inuu Mareykanka dhawaan qorsheenayo inuu Magaalada Qudud u aqoonsado inay tahay Caasimadda dalka Israa’iil. Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa si cad u sheegay inuu dalkiisa xiriirka u jari doono dalka Israa’iil haddii uu Mareykanka u aqoonsado Qudud inay tahay Caasimadda Israa’iil. Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay haddii uu Mareykanka tallaabadaan qaado inay ka dhigan tahay inuu si cad usoo dhaafay Khadka Cas. Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada. “Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad casa ay uga dhigan tahay Muslimiinta,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay telefishinka dalka Turkiga. “Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa’iil”, ayuu sii raaciyay Erdogan. Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeyo tan iyo markii la alkumay xukumadda Israa’iil 1984. Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto. Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin, Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan: ” Haddii uu Mareykanka Qudus u aqoonsado inay tahay Caasimadda Israa’iil, waxaan si cad u sheegayaa inaan… “ appeared first on Caasimada Online.
-
Laatikiya (Caasimadda Online) – Bishaar Al-Asad Madaxweynaha Dalka Syria ayaa Aroos wadareed u sameeyay boqolaal Askari oo ku dhaawacmay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Ururka Daacish iyo xoogaga ka soo hor jeeda dowladiisa ee Syria. Madaxweynaha Dalka Syria iyo Ururro ka shaqeeya arrimaha gudaha oo ka jira Dalkaaasi ayaa Aroos wadareed u sameeyay boqolaal ka mid ah Askarta dalkaas oo ku dhaawacmay dagaalka ay dowladda Syria kula jirto Ururka Daacish. Munaasibaddan ayaa lagu qabtay Magaalada Laatikiya ee dalka Syria,halkaas oo Askarta aroosayay ay xirnaayeen Tuutaha dagaalka halka Gabdhaha loo xiray Taaj ka sameysay Caddaan iyo Calanka Dalka Syria. Dadka ka hadlay Munaasibaddan ayaa u jeedka ku sheegay in Dadka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda,Askartii naftooda u hurayna la abaal gudo. Dhacdadii tan ka horreeyay 2013kii ayaa 15 Askari mar qura loo guuriyay Dadka ka hadlay Munaasibaddan ayaa u jeedka ku sheegay in Dadka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda,Askartii naftooda u hurayna loo abaal gudo. Arrintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay dhiirro gelin u tahay Qoysaska Wiilashooda ku dhaawacmeen dagaalka ay kula jiraan waxa ay dowladda Syria ugu yeerto Argagixisada. The post Sawiro: Madaxweyne hal sabab darteed qaar ka mid ah Ciidankiisa u dhigay Aroos wadareed appeared first on Caasimada Online.
-
The Government of the United States, represented by the U.S. Agency for International Development (USAID), signed a landmark Development Objective Assistance Agreement (DOAG) with the Federal Government of Somalia in Mogadishu today. The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Hassan Ali Khayre, the Minister of Planning, Investment, and Economic Development, H.E. Gamal Mohamed Hassan, the Minister of Finance, H.E. Abdirahman Dualeh Beileh, the USAID Deputy Assistant Administrator for Africa (DAA), Julie Koenen, and the U.S. Charge d’Affaires (CDA) to Somalia, Martin Dale, presided over the signing ceremony. The DOAG represents the first comprehensive bilateral development agreement signed between the U.S. government and the Federal Government of Somalia in over 30 years, and outlines USAID’s commitment to support activities that strengthen the foundation of a more stable, democratic and prosperous Somalia through support to democracy, governance, education, economic growth, and stabilization activities across the country. Activities funded under this Agreement will be implemented in close coordination with the Federal Government of Somalia. “The U.S. Government is committed to support the Federal Government of Somalia’s efforts in achieving stability through good governance, economic recovery, education and health.” said DAA Julie Koenen. “We believe that this agreement demonstrates our steadfast commitment to Somalia’s recovery and long term development goals.” CDA Martin Dale added, “This agreement marks a tremendous moment for the U.S. – Somali partnership, and underscores the U.S. commitment to helping the Somali people realize their aspirations for a more peaceful and prosperous future.” Since 2011, USAID has provided over $1.3 billion in humanitarian assistance and $328 million in development assistance to the people of Somalia. The post Press Release: USAID signed a landmark Development Objective Assistance Agreement (DOAG) with the Federal Government of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Doha (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Booqasho Rasmiya oo Saddex Maalin Qaadatay ku yimid magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar. Wafdiga ayaa la kulmay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Qadar Maxamed Xamaadi iyo Madaxda Wasaarada , Waxayna ka wada hadleen Dar-dar gelinta Heshiiskii ay horay labada dal u Saxeexdeen Sanadii 2015 kaasi oo ku saabsan Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Cilmi baadhista, iyadoona hada lagu Lagu kordhiyey Farsamada. Wafdiga Soomaaliya ayaa soo bandhigay Mashaariic ku saabsan dhinaca Horumarinta, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare kuwaasi oo ay doonayaan in laga caawiyo, Iyadoona oo labada dhinac ay isku Afgarteen. Dhinaca kale Wafdiga DF-Somalia ayaa Kulan la Qaatay Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta ee Qatar Khalifa Jassim Al kuwari, iyo Madaxa Hay’ada Qatar Khayriya Yuusuf Al-kawari , Sidoo kalana waxay Booqasho ku tageen Jaamacadda Xamad Bin Khaliifa. Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen Labada Dawladdood laga gaadhay guulo la taaban karo “Waxaanu ka wada hadalnay oo isla garanay Fulinta Heshiisyadii Hore, waxaana u sheegnay in Soomaaliya ku socoto Marxalad Horumarineed, oo aanu ka gudubnay Xaaladii Bini’aadanimo “ ayuu yidhi Wasiirka. The post Daawo Video: Maxaa u hirgalay wafdigii ay DF u dirtay dalka Qadar? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa Maalintii Labaad xiran Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diiday inay isticmaalaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay. Haddaba waxaa Labadaan Berri jidadka Muqdisho ka bilowday isbaarooyin dadban oo ay dhiganayaan Ciidamada Dowladda. Kontaroolada ay Ciidamada dowladda ka joogaan jidadka la xiray ee Muqdisho ayaa waxaa ka bilaabatay in gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay, kuwa dadweynaha iyo Bajaajyada laga qaato lacago baad ah isla markaasna loo fasaxo inay jidadka isiticmaalaan. Ciidamadaan ayaa ka faa’ideysanayo xirnaanshiyaha Jidadka Muqdisho, waxaana la celinayaa gawaarida diido inay bixiyaan lacagta halka kuwa bixinayana la fasaxayo. meelaha ay sida weyn uga socoto arrintaan ayaa waxaa kamid ah Kontaroolada Ciidamada Xasilinta Muqdisho ee Isgoyska Digfeer, kan Seybiyaano iyo Midka Tarabuunka. Kontarooladaas ayaa waxaa mararka qaar laga maqlayaa rasaas lagu ridayo Gawaarida diido lacagtaas, waxaana muuqato in Xirnanaashaha jidka Muqdisho loo adeegsanayo qaab aysan dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada waxba ka ogeyn. Arrintaan ayaa noqoto dhibaato kale oo kusoo korortay Magaalada Muqdisho, waxaana muuqato inaysan Ciidamada dowladda iska dhaafi karin Isbaarooyinka iyo lacagaha baada ah. Jidadka Muqdisho ayaa loo xiray sabab lagu sheegay shirka Amni ee Muqdisho uga socdo Maalintii labaad dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo ah wajigii labaad ee Shirkii London ka dhacay. Source: Caasimadda.net
-
Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay iney heleen xogo sheegaya in hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab Axmed Diiriye uu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo. Taliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in hoggaamiyaha Al-shabaab iyo ciidamo la socday ay kasoo tageen degmada Jilib ee Jubada Dhexe kadib cadaadis uu sheegay inuu kala kulmay howlgallada dhulka iyo kuwa cirka ah ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamka. “Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Horjoogaha Al-shabaab ugu sareeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, isagoona kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe halkaas uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawgalada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri Taliyaha. Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin in gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka laga saaro Al-shabaab. Goobjoog News Source
-
Degmada Shangaani waa degmo ka tirsan gobolka Banaadir waxayna leedahay astaamo muujinayo inay tahay degmo taariikh weyn ugu fadhisa shacabka Soomaaliyeed waxayna dhisantahay 1,100 sano. Shangaani waxay saldhig u aheyd faafinta diinta Islaamka waxa ugu badan oo ku dhex arkeyso degmada waa Masaajidyo iyo guryo dhaadheer oo qadiimi ah. Berisamaadkii degmada shangaani waxay ka koobneed saddex waaxood oo kala ah Jabuuti, Howd iyo Mooyaalle iyada oo markii dambe lagu kordhiyey waaxda midnimo,waxayna degmada ay Deris la tahay degmooyinka Xamarweyne, Boondheere,Cabdul-Caziiz iyo Kaaraan. Shangaani waxay aheyd halka ay deganaayeen Safaaradaha wadamada Mareykanka,Faransiiska, Yeman iyo Itoobiya waxayna il dhaqaalo oo muuqato u ahaayeen degmada Shangaani. Waxay xarun u aheyd dhismayaal badan oo dowladdii dhexe ay ku shaqeyn jirtay sida madbacaddii qaranka, wakaaladii Muuska, Bankigii doolarka iyo xarumo kale oo loo soo dalxiisi jiray sida hoteelladii Curubo iyo Jubba. Haddaba sidee ayuu u baxay magaca Shangaani: Basma Caamir Guddoomiyaha Degmada Shangaani ayaa tiri: “Degmada Shangaani waa degmo fac weyn oo taariikhi ah waxayna dhisantahay 1,100 ayaa la aas-aasay Shangaani,waa degmada ugu qadiimasan degmooyinka waxay leedahay waxyaabo ay ku can tahay ayaa jira, magaca Shangaani waxaa loogu bixiyey waa degmo guryaheeda lagu dhisay caano mala aqoonin Shamiito markii la dhisaayey shangaani waxay ugu baxday maadaama caano lagu dhisay oo wax cad ay tahay inay cadahay ayaa Shangaani loogu bixiyey ereyga Shangaani waa Cadaan”. Masaajiddo jirsaday in ka badan 300 oo sano ayaa ku yaallo degmada Shangaani tirada guud ee masaajidda ayaa ah 21 Masjid halka 18 ka mida ay yihiin kuwo la dhisay qarniyo ka hor . Xaaji Yaasiin Odoyaasha Degmada waxaa uu yiri: “Masaajidkaan aan hadda taagannahay oo aan hoos u soo galnay godka taariikhdii la dhisay lama sheegi karo ilaa iyo hadda,maasaajidka naga koreeya oo ilaa 300-400 sano dhisnaa sida ay sheegeen odayaasha ayaa sideedtameeyadii dib u dayc tir lagu sameeyay”. Waayo joogga Shangaani ayaa rumeysan inay burburayaan raadadkii taariikhiga ahaa ee uu lahaa gobolka banaadir gaar ahaan degmooyinka qadiimiga ah. Waxaa jira hal heysyo yaab leh oo ay isticmaalaan dadka deganka degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Mar kale Basma Caamir Guddoomiyaha Degmada Shangaani ayaa tiri: “ Gobolka Banaadir oo dhan ayaaba dhahnaa Shangaani iyo Xamarweyne xuduntiina waayee Xasuusta”. Caasimadaha dunida waxay leeyihiin astaamo ka turjumayo qaabka ay bulshadooda ay u abaabulantahay, Bateera ayaa aheyd xaruntii iskaashatada kalluumeysiga waxayna ku dhinac taalay hotel Bateera oo labada kaabiga ku hayo dekaddii hore ee Xamar. Odayaa Shangaani oo leh gole odayaal dhaqameed ayaa isku howlay ilaalinta astaamaha qadiimiga ah iyo taariikhda ku duugan degmada. Caamir Shakeeti indheer garadka degmada Shangaani: “Howshii aan qabanay waxaa ka mida degmada ayaan la shaqeynaa, degmada markii uu qof tago uu dhaho gurigaani anaa iska leh waa inuusan dhihin midka waaxda ka socda gurigiisa waaye, balse waa inuu anaga nala soo xariiro”. Fanka iyo dhaqanka ayaa ka mida waxyaabaha soo jireenka ah oo reer Shangaani ay caanku ku yihiin waxaana wali ka muuqda da’yarta Shangaani oo hadda soo koraya fanka iyaga oo ka qeyb qaatay dib u soo celinta Fanka. Maxamed Ciise Koonaa Goobjoog News Source
-
Shirkadda Facebook ayaa Isniintii shalay dalka Mareykanka ka bilowday adeeg cusub oo loogu talogalay iney caruurtu ku sheekeystaan oo ah “Messenger”, waana sida ay sheegayso shabakadda Facebook. Messenger Kids waa adeeg cusub oo caruurtu ay ehelladooda kula hadli karaan maqal iyo muuqaal labadaba, dadka ay waalidku ku kalsoon yihiin, waana barnaamij aan xayaysiimo lahayn isla markaana si weyn looga faafreebay waxwalba oo dhaqan xumo ama si taban u saameyn kara garaadka caruurta. Shirkadda Facebook oo laga maamulo California galbeedka Mareykanka ayaa tiri, ” Waxaan dooneynaa inaan hubinno in adeegsiga caruurta ee tiknoolajiyaddu noqodo mid faa’ido leh, aamin ah, da’dooda la jaanqaadi karta.” Messenger Kids ayaa waxaa hadda heli kara oo kaliya dadka adeegsada apps-ka shirkadda Applegudaha dalka Mareykanka ku nool, sida ay shirkaddu sheegtayna dhawaan ayaa suuqyada kale ee dunida la gaarsiin doonaa adeeggan cusub ee caruurta loogu talogalay. Source
-
Xiriirka Kubadda Cagta iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sameeyay Isku Aadka tartanka Ciyaaraha ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waxaana loo qeybiyay 2 Group oo kala ah : Group A:- Banaadir, Galmudug iyo Jubbaland Group B:- Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed
-
Laba shir oo caalami ah oo midkiiba maalin yahay oo ku saabsan Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Shirka shalay qabsoomay wuxuu ku saabsanaa amniga. Shirka maanta dhacay wuxuu ku saabsan yahay horumarinta Dowladnimada iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo weliba isla xisaabtan mid walba goonidiisa loola xisaabtamayo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo ururrada caalamiga ah ee nagala shaqeeya horumarinta dalka. Madaxweynaya ayaa furay labada shirba. Waxaana soo geba-gebeeyay Ra’iisal Wasaaraha, Waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad- Goboleedyada Soomaaliya dhammaantood iyo Duqa Caasimadda, Heer Federaal, Golaha Wasiirrada intooda badan ayaa ka jeediyay hadallo ku saabsan waxa qabsoomay iyo qorshaha hadda yaalla waxaa kale oo ka qeyb galay mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka. Guddiga Doorashooyinka Madax Bannaan ayaa iyaguna soo bandhigay qorshahooda doorashada iyo caqabadaha loo baahan yahay in laga wareejiyo dhabbaha doorashada. Dowladaha aan saaxiibka nahay oo qaarkood wufuud sare oo casimadahooda ka yimid ay ka soo qeyb galeen waxaa kuwa kale matalayay Danjirayaashooda. Shirarkani waxay daba joogeen Shirkii London ee ee sannadkan horraantiisii waxa ka qabsoomay in la qiimeeyo. Is af garad iyo wuxuu ku dhammaaday in shirka kan xiga aan qorshe laga hadal ee laga hadlo waxa qabsoomay. Source
-
Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka iyo sidoo kale waxyaabaha laga faa’iday shirkii amniga ee ka dhacay London. Waxa uu sheegay wasiirka in meel wanaagsan ay marayaan howlgalada ay sameynayaan laamaha amniga ee ay ka wadaan Muqdisho iyo sidoo kale guud ahaan gobollada dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in waxbadan ay ka hirgaleen qodobadii kasoo baxay shirkii London ee looga hadlay amniga Soomaaliya, isaga oo sheegay in markii shirkaasi laga soo laabtay la bilaabay howlo badan oo ku aadan dib u habeynta ciidamada iyo sidoo kale diiwaangelintooda casriga ah. Dhanka kale, wasiir Islow ayaa sheegay in ciidamada ammaanka marka sidii loo baahnaa loo diyaariyo ay amniga dalka kala wareegi doonaan ciidamada AMISOM. Goobjoog News Source
-
Waxaa Muqdisho soo gaaray dhammaan maamul Goboleedyada sanadkan ciyaaraya tartankan markii labaad lagu qabanayo Muqdisho. Haddaba waxaa sanadkan ka qeyb galaya Lix Maamul Goboleed oo la isugu aadiyay Sidan Group A: Banaadir, Galmudug iyo Jubaland. Group B: Puntland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed. Puntland oo sanadkii hore ku guuleystay tartanka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa gashay Group ay malaha dhib badan kala kulmi doonin. Tartanka ayaa furmi doona Jimaha soo socota oo ay bisha ku beegan tahay 8-da December waxaana lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubaland. XIGAHSO: Gool FM Source
-
Dubai (Caasimadda Online) – Axmed Cali Cabdalla oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dhiigga aabihii Cali Cabdalla Saalax uusan ahayn mid sidaas ku dhamaaday islamarkaana dagaalka Yemen uu hadda billow yahay. Axmed oo 2012kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Imaaraadka ayaa wareysi siiyay TV laga leeyahay Sucuudiga waxaana uu sheegay in kuleylka dhiigga aabihii lagu shubi doono dhegaha Iraan isda uu hadalka u dhigay. “Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo Iraan waa billow,qofkasta oo Yemeni ah waxaan ugu baaqayaa in uu dalka Yemen dib ugu laabto,hubkana qaato,waxaan dagaalka wadi doonnaa ilaa midka ugu dambeeya ee Xuutiga ah uu ka baxo Yemen”,ayuu yiri Axmed intii uu wareysiga bixinayay. Axmed waxaa uu horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Yemen,sidoo kale danjiraha Yemen ee Imaaraadka,waxaase xabsi guri laga dhigay markii Aabbihii iyo xulfada Sucuudiga ee IMaaraadka ka mid yahay isku dhaceen sanadkii 2012kii Calina xilka laga tuuray. Shalay markii uu soo baxay dilka Cali waxaa laga dabaal degay magaalada Koofurta ku taalla ee Cadan,iyada oo Reer Koofurku ay Cali Cabdalla Saalax ku necbaayeen mideyntii labada Yemen ee Koofurta iyo Waqooyiga sagaashamaadkii,waxaana uu xoog iskugu hayay labada dhinac. Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta C/Maalik al Xuuti oo ka hadlay geerida Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in guul ay u soo hoyatay Jamhuuriyadda Yemen,waxaana uu ballan qaaday in kooxdiisa ay ku adkeysan doonto midnimada dalka Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wiilka Cali Cabdalla Saalax ” Kuleylka Dhiigga Aabahey waxaa lagu shubi doonaa dhegaha Iraan” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maalintii Labaad ka soconaya wejigii 2-aad shirkii London ee arrimaha Soomaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo iyadoo Warmurtiyeed laga soo saari doono. Hadaba Shirka oo haatan socda ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaan ka soo qaadan doonaa nuxurka Khudbadahaasi, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowlada sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga “Hormaro badan ayaan ka sameynay dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaa naga go’an inaan hirgalino Federaalka, Doorashada 2020 waa mida ugu muhiimsan Siyaasadeena waxaana socda wadatashiyada la xiriira sida ay u dhacayso doorashada, Xiriirka dowlad goboleedyada waa hagaajinay waxaana jirta wadashaqeyn wanaaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isna jeediyay khudbad uu kaga hadlay arimo badan waxaana ka mid ahaa Miisaaniyadda Dowlada uu sheegay in lagu hormarinayo adeega Bulshada iyo in Canshuurta shacabka laga qaado oo lagu dhisayo Dugsiyo Waxbarasho “Muda kadib Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 ayaa lagu hormarinayaa adeega Bulshada, Canshuurta shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu dhisayaa Iskuulo waxbarasho, Waddanka hore ayuu socdaa” ayuu yiri R/wasaare Khayre. Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay si Kala dambeyntii iyo Sharcigii dalka loo soo celiyo in muhiim ay tahay in la dhameystiro Dastuurka “Kala dambeyntii iyo sharcigii si loosoo celiyo waxaa loo baahan yahay in Dastuurka dalka la dhameystito, waxaa socda wada hadalo, waa in laga wada qeybgalo lana xoojiyo” ayuu yiri Cabdiweli Gaas Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameynta ka dhalata Fatahaadaha wabiga iyo Abaarta, isagoo sheegay in loo baahan yahay qorshe wax looga qabto. “Caqabada na haysata waa fatahaada wabiga, sidoo kale Abaarta waa dhibaato na heysata waxaan u baahanahay inaan ka faa’iideysano wabiga oo keyd loo sameeyo, Kaliya markii ay Abaar dhacdo maaha in la gurmado,waxaan u baahanahay qorshe ku talagal ah oo wax looga qabto Abaaraha iyo ka Faa’iidaysi la’aanta Wabiga”ayuu yiri Shariif Xasan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlay shirka ayaa codsaday in la taageero heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo Ahlu sunna “Galmudug hadii aan nahay waan dambeynaa waa in nala taageeraa, Ahlusuna ayaan la heshiinay Waxaan u bahanahay in nala caawiyo” ayuu yiri Xaaf. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay meesha ay marayaan howlaha dastuurka. “Dib u eegista dastuurka waa hab aad muhiim u ah, si hufan ayaan howsha u wadnaa waxaan tagnay xarumaha dowlad goboleedyada iyo Muqdisho oo aan ku qabanay wadatashiyo Bishii May waxaan la kulanay wasiirada dowlad goboleedyada ee dastuurka”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid ( Juxa) oo markiisa hadalka qaatay ayaa ka hadlay hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta iyo khilaafaad badan oo guulo laga gaaray “Wadahalo badan ayaa qaadanay hadii ay ahaan lahaayeen shirarkii madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyada, waxaan qabanay shir hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta kaasoo ay ka soo baxeen guulo la taaban karo, Khilaafaadka hada hormaro ayaa laga sameeyay si gaar ah wadahadalada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan kale oo aan wax ka qabanay dhismaha dowladaha hoose ee dalka” ayuu yiri Wasiir Juxa. Jamaal Xasan Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in la bilaabay qorshe looga feejignaanayo inay soo laabtaan abaarihii iyo dhibaatooyinkii kale ee saameeyay shacabka . “Waxaan xaqiijinay in dhibaato mar dhacdaa inaanay soo laaban Qorshaheeda, sida abaarihi dhacay sanadkii hore ilaa sanadkan bartamahiisa,waxaan sameynay qorshaha Taageerada hadii ay ahaan laheyd midka fog iyo kan dhow si looga faa’ideysto kaalmada Bani’aadannimo iyo mida Hormarinta, qorshaha hormarinta Qaranka si joogta ah ayaan uga wadatashanaa anagga iyo dowlad goboleedyada”. Ayuu yiri Mudane Jamaal Xaliimo Yarey, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka ayaa sheegtay in la bilaabay diiwaan galinta Xisbiyada iyo diyaarinta habka diiwaanka Codeeyeyaasha. “Gudiga doorashada qaranka waxaa uu Diyaariyay qorshe Howleedka, waxaa ka mid ah bilaabida diiwaan galinta Xisbiyada, waxaa diiwaan galinay 7 xisbi, waxaa kale oo aan diyaarinay habka diiwaanka codeeyaasha” ayay yiri Xaliimo Yareey. Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay ay sameeyeen siyaasadii lagu dhisi lahaa Guddiga Xuquuqul Insaanka. “Waxaan sameynay siyaasadii dhisida guddiga Xuquuqul Insaanka,waxaana u qoondeenay in lagu qeybiyo 50% Raga iyo 50% Haweenka waxaana ku jira dadka Naafada ah, waan sii wadeynaa sameynta Siyaasadaha Muhiimka u ah ilaalinta Xuquuqda dadweynaha”ayay yiri Wasiirka Haweenka. Sidoo kale madasha waxaa khudbado ka jeediyay wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeyb galaya waxaana ka mid Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall oo sheegay in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ay ku guuleysatay waxyaabo badan “Waxyaabaha Soomaaliya ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Siyaasadda ee Haweenka,shirkan waxaa uu muujinayaa hormarka Soomaaliya,Ilaalinta xuquuqda Aadanaha waa muhiim, waa in xooga la saaro qabsoomida doorashada 2020, Dowladeyda waxa ay garab istaageysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya,waxaan goaansanay inaan dib eegno taageeradeena, si aan kor ugu qaadno Hormarka ka socda Soomaaliya. Maxamed Cali Guyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre kaga mahad celiyay doorkii uu ka qaatay wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunna, isagoo sidoo kale ka hadlay doorashada iyo arimo kale “Waxaan kaaga mahad celinayaa Ra’iisulwasaare ka qeyb qaadashada wadahadalkii Galmudug iyo Ahlusunna, Doorashada 2020 qabsoomideeda qof iyo cod waa muhiim” Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaasi oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Nuxurka Khudbadihii laga jeediyay Maalintii Labaad shirka Muqdisho ka socda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii hore ee soo maray Soomaaliya ayaa ka hadlay jidadka xiran muddo laba maalin ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuru ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud Farta loogu fiiqiyey inay jidad xirtay, haddana ay mudan tahay in wax la iska waydiiyo ballanqaadkii Farmaajo ee ahaa inuusan jidadka ka xiri doonin Shacabka. Wuxuu sidoo kale Su’aal ka keenay haddii ay dowlad dumis tahay hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray. Bartiisa Facebook ayuu soo dhigay qoraalkaan hoos kaaga muuqdo ” Dawlad dumin miyaa hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray, mar hadii shirka lagu qabanayo Xalane gudihiisa. Sow su’aal mudan maaha in Madaxweynaha la waydiiyo balanqaadkii uu Baarlamaanka hortiisa ka sameeyey ee ahaa in aan wadooyinka la xiri doonin hadii xilka loo doorto. Dadka laba maalin wadooyinka ka xiran yihiin, waa xoogsato, arday, shaqaale, ganacsato, waxaa kaloo ku jira dad jiran oo Isbitaal u socda, hooyoyin foolanaya iyo caruur xanunsan. Sidaasoo kale ayaan farta ugu fiiqaynay markii uu Xasan Sheekh Xilka hayey, inkastoo shirka High Level Partnership Forum aan marna xiligaas wadooyin loo xirin.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post C/raxmaan C/shakuur ” Dawlad dumin miyaa hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray” appeared first on Caasimada Online.