Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay arimaha, Amniga Dalka, Habka Hubinta Badeecadaha, Ilaalinta Gaadiidka Dawladda gaar Gaadiidka G D ah. Xaaladda Amniga Dalka: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga Puntland, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu si gaar u bogaadiyay ciidankii hawl-galka ka fuliyay Degmada Boosaaso oo ka hortagay xubno Al-shabaab ah oo doonayay inay dhibaateeyaan shacabka Puntland iyo ciidanka Booliiska Puntland. Habka Hubinta Badeecahada: Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dhageystay warbixin wasaaradda Ganacsigga Puntland qaabka hubinta tayada iyo bad-qadka dhammaan baddeecadaha dalka soo gelaya si looga ilaaliyo shacabka Puntland qatarta iyo waxyeelada baddeecaha dalka la soo gelinayo, waxayna wasaaraddu caddeysay in hannaanka tayo dhowr Puntland uu la mid yahay hannaanka tayo dhowrka Barigga Africa, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Wasaaradda in loo sameeyo shacabka iyo ganacsatada-ba wacyigelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeelada badeecaha dhacay ama sumaysan ay u geysanayaan caafimaadka bulshada. Ilaalinta Gaadiidka Dawladda ee G D ah: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday ilaalinta hantida Umadda gaar ahaan gaadiidka G D ah, wuxuuna Madaxweynuhu ku adkeeyay dhammaan golaha inay mas’uuliyad saaran tahay golaha xukuumadda ilaalinta dhammaan hantida Dawladda.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo ay horey u fashiltamatay isku day lagu doonayo inay isku arkaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa haddana wararka hadda soo baxayo waxay sheegayaan in arrintaas dib loo soo cusbooneysiiyey. La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Siyaasadda Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa hadda wado olole cusub oo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday. Tarsan oo xiriir dhanka Taleefoonka ah la sameeyey Guddoomiyihii hore ee Thaabit oo ku sugan dalka Turky ayaa ka codsaday inuu aqbalo inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo si looga wada hadlo xiisadda taagan iyo sidii uu Thaabit ula shaqeyn lahaa dowladda Farmaajo. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la kulanka Madaxweyne Farmaajo ku xiray shardi ah in Madaxweynaha la waydiiyo sababta keentay inuu ka baxo ballantii ay wada galeyn inta aan la dooran oo aheyd in Gobolka Banaadir loo sameeyo Maqaam isla markaasna arrintaas looga dambeeyo Thaabit. Thaabit ayaa ku doodayo in isaga laga gardaran yahay isla markaasna looga baxay ballantaas uuna doonayo in arrintaas wax laga waydiiyo Madaxweyne Farmaajo. Tarsan iyo xubno kale ayaa la kulmay markaas kadib Madaxweynaha waxayna waydiiyey su’aashii uu Thaabit usoo dhiibay, wuxuuna Madaxweynaha sheegay inay sax tahay ballantaas lala galay Thaabit, Balse uu isaga deg deg ka dhig wixii dhan xilli ay saaran yihiin culeysyo badan. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay weli ka go’an tahay inuu Thaabit noqdo qofka kaliya ee keeni doono Maqaamka Gobolka Banaadir, wuxuuna codsaday in si deg deg ah loo kulansiiyo labadooda. Thaabit ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho, waxaana la qorsheenayaa inay labada dhinac yeeshaan kulamo xasaasi ah oo lagu xalinayo waxyaabaha taagan si meesha looga saaro mugdiyada jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dadaal lagu doonayo in lagu heshiisiiyo Farmaajo iyo Thaabit oo socdo iyo Guddoomiyihii hore oo shardi adag ku xiray appeared first on Caasimada Online.
  3. Displaced by drought and conflict, rural Somalis have been heading to Mogadishu in their tens of thousands. They get no safety or support and are increasingly targeted for forced evictions, but they are still coming. Source: Hiiraan Online
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay xuska sannad guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Kayre ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya, salaan sharafeed ka dibna waxaa Ra’iisul Wasaaraha la soo tusay dhismaha cusub ee taliska guud Ciidanka Asluubta ee KM7, iyadoo uu halkaa kaga dhagaystay warbixin taliyihii hore iyo taliyaha cusub, waxayna sheegayn in dib u dhiska xaruntan ay gacan wayn ka gaysteen ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo uu dhismaha ka kooban yahay 93 xafiis iyo 3 hool oo loogu tala galay in lagu qabto shirarka caadiga ah iyo xafladaha. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horayntii tahniyad u diray dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka mid yihiin tiirarka uu ku taagan yahay qaranku, ayna ka qayb qaataan difaaca dalka iyo xaaladaha deg deg ah. Sidoo kale waxuu timaamay in ciidanka Asluubta waajibaadkiisa uusan ahayn oo kaliya ilaalinta iyo daryeelka maxaabiista, balse ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhaqan celinta bulshadda. “Waxaa muuqda horumar iyo yididiilo, lix bilood ka hor halkan waxay ahayd meel cidlo ah, maantana waxaan Indhaheena ku aragnaa billicda ka muuqata xaruntan, taasna waxaa sabab u ah isku tashiga shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya dawladoodda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa mar kale bogaadiyay ciidan Asluubta iyo doorka ay ku leeyihiin wax qabadka dalka, wuxuuna ku wargaliyay in ay dar-dar galiyaan howsha ay ummadda u hayaan. Waxuu kaloo dadka Soomaaliyeed u sheegay in ay iyagu dowladnimadda ay gacantooda ku jirto, aayaha iyo mustaqbalka ubadkoodana ay ka tashadaan.
  5. Baardheere (Caasimadda Online) – Wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaay in degmadaas ay ku dagaalameen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Degmada baardheere ee Gobolkaas Gedo. Dagaalkan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi. Dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerartay saldhig ciidamada Itoobiya ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana dagaalka uu qaatay saacado. Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen garoonka diyaaradaha, balse ciidamada Itoobiya ayaa iska difaacay weerarka, waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hub culus. Dadka ku nool Baardheere ayaa sheegaya inay maqlayeen madaafiicda iyo qoryaha noocyadooda kala duwan oo la isu adeegsanayay, inkastoo garoonka diyaaradaha uu ku yaallo meel banaanka ka ah Baardheere, ma jirto khasaare dadka rayidka ka soo gaaray dagaalkii xalay. Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo ka soo baxeysa dagaalkaasi, marka laga reebo Al-shabaab oo baraha warkooda ay ku faafiyaan ku soo qoray in dagaalkaas ay guula ka gaareen, dhanka saraakiisha ciidamada la weeraray ee Itoobiya ayaa ka hadlin dagaalkaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray dhankooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee garoonka diyaaradaha Baardheere appeared first on Caasimada Online.
  6. The new freezers at Somalia’s only forensic laboratory can store thousands of DNA samples, although for now there are just five. The big hope is that they could be the start of a revolution in how the troubled Horn of Africa country tackles its widespread sexual violence — provided some daunting hurdles are overcome. The first sample arrived at the start of the year taken on a cotton swab from the underwear of a woman, a rape victim from the village of Galdogob. It was wrapped in paper and driven 250 kilometres (155 miles) to the Puntland Forensic Centre in Garowe, capital of semi-autonomous Puntland, slipped into a protective glass tube and placed in one of the three ultra-low temperature fridges. If DNA ID can be teased from the sample, this would be a crucial step in convicting the woman’s rapist. No longer would it be a case of he-said-she-said, in which the survivor is less often believed than the accused. Two decades of conflict and turmoil have made Somalia a place where lawlessness and sexual violence are rampant. “Now, people who have been raped hide because they don’t have evidence,” said Abdifatah Abdikadir Ahmed, who heads the Garowe police investigations department. But with the lab, he said, “it’s a scientific investigation. There are biological acts you can zero in on.” – Challenges – Not yet, however. Abdirashid Mohamed Shire, who runs the lab, has a team of four technicians ready but is awaiting the arrival of the final pieces of equipment. Their work to provide the evidence that might convict or exonerate is yet to begin. The power of the genetic code: DNA recovered from fluids is now standard evidence in crime cases Mohamed ABDIWAHAB, AFP And the pressure is on. The freezers mean the DNA samples can be safely stored for years but Somali law allows a rape suspect to be held for a maximum of 60 days. Shire needs the analysis and identification machines urgently so that, as he put it, “justice will be timely served”. The laboratory, partly funded by Sweden, was launched last year after the Puntland state government enacted a Sexual Offences Act in 2016, which criminalised sexual offences and imposed tough penalties. But technology alone will not solve Somalia’s many judicial weaknesses. The DNA sample from Galdogob, for example, was stored in unclear and unrefrigerated conditions for five days before being sent to the lab, meaning a defence counsel could potentially argue the DNA evidence had been tampered with. Police deliver samples for analysis at the new forensic lab. Experts say technology is only one part of resolving Somalia’s rape crisis — changes to policing are also needed Mohamed ABDIWAHAB, AFP Human rights lawyers worry the new lab might backfire for this reason. “A lot of thought needs to be given to how the chain of custody can be preserved in these kinds of cases,” said Antonia Mulvey of Legal Action Worldwide, a Kenya-based non-profit organisation. More fundamental still is the failure of Somalia’s police to take sexual assault cases — and their jobs — seriously. Corruption is rife, with a legal advisor to Puntland’s justice ministry saying officers “meddle” in cases, undermining them for personal gain. “My concern is that the corrupted system could not make a sure success of the lab,” the advisor said, requesting anonymity to speak candidly. “Investing in the lab is good, but we need to think about the preconditions.” The UN Population Fund (UNFPA) which helped pay for the lab is trying to address this by running training programmes for dozens of the Garowe police on sample collection, gender violence investigations and documentation. But, the legal advisor cautioned that donors can only do so much. “The issue is more complicated than training police. It relates to the political commitment of the government. UNFPA can train police but who will pay those you train? Are they given power to do the work?” Digital Journal
  7. Somali author Nadifa Mohamed says she is constantly enraged by conflicts and unrest across the globe and the only way she can calm herself and contribute anything meaningful is responding in a measured way through her novels. Source: Hiiraan Online
  8. Right now, Mohamed works in Cincinnati as a staff lawyer at Baker Hostetler. He was born in Somalia, a country his family was forced to flee in the early 2000s as the civil war unfolded. But he feels his deepest connection is to the Columbus neighborhood where he was raised. Source: Hiiraan Online
  9. Wararka uu ka helayo warsidaha Puntlandi tuulada Falariyaale oo qiyaastii ku dhowaad 60 km u jirta magaalada Garowe, ayaa waxaa ka dhacay shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan, labo qof ayaa shilkaan ku geeriyooda halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo lasoo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Gariwe. Mid kamid ah dadka shilkaan ku geeriyooday oo lagu magacaabo Jaamac Maxamuud Maxamed loona yaqaanay (Carwo Qudhaab), ayaa ahaa ganacsade caanka ahaa magaalada Garowe, isagoo ahaa wareejin jiray miraha la cuno ee dalka kasoo baxo, sida Hohobta iyo Sabiibka. Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay magaalada Garowe, isagoo lagu xasuusto in uu ahaa ganacsade leh hal-abuur bulshaduna ay jeclahayd islamarkaana muddo kooban kusoo caan baxay. Puntlandi.com
  10. Mogadishu (HOL) - Somalia has the dubious distinction of being recognized as the world’s most corrupt country in 2018, a label Somali has retained for eleven consecutive Somalia scored below South Sudan, Syria, Afghanistan and Yemen. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kiiska weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee dhaliyey xiisad siyaasadeed iyo mid sharci ayaa ugu dambeyn la sheegay in lagu xalinayo qaab xeerjajab ah. Xogta ayaa sheegeysa inay arrintan muddo ku dhex jireen xubno uu horseed u yahay Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana arrintan darteed muddo laba jeer ah kulan yeeshay markii ugu horeysay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Laba dhinac ayaa waanwaantoodu mareysaa heer gabagabo ah, iyadoo la isla meel dhigay heshiis la gaaro xaaladii ka dhalatay weerarkii lagu qaadya Guriga Siyaasiga oo ay ku dhinten 6 ka mida ilaaladiisa, isagana lagu dhaawacay. Caasimadda ayaa ogaatay in la joojinayo dacwadii C/raxmaan C/shakuur ee maxkamadda Rafcaanka G/banaadir oo hore loo hakiyey, iyadoo dowladda ay qaab dhaqameed u bixin doonto magdhowga askartii ay ku leysay weerarkii 17-ka Disembar ka dhacay Guriga C/raxmaan C/shakuur. Waresysi dhowaan lala yeeshay Siyaasiyga ayuu ku sheegay inuusan waxba kala socon halka ay ku danbeysay dacwadii loo heystay, isla markaana aanu ka harin ilaaladiisii lagu laayey Gurigiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre & C/raxmaan C/shakuur oo kulmay & Heshiis Xeerjajab lagu xalinayo Xiisadii labada dhinac appeared first on Caasimada Online.
  12. Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood ee Puntland,sida ay xaqiijiyeen ehelada mid kamid ah dadka geeriyooday. Labada ruux oo shilka ku dhintay waxaa kamid ah Jaamac Maxamuud Maxamed Ciise(Good) oo ahaa ganacsade garab-rarato ah,kana shaqeysan jiray magaalooyinka waaweyn ee Puntland,sida Garoowe iyo Laascaanood. Ninkaan ayaa sameeyay ganacsi abuur si mucjiso ah u shaqeeya,isagoo la baxay magaca”Carwo Quraab”,islamarkaana garbaha ku qaadan jiray dhammaan waxyaabaha uu gadayo oo ay ku jiraan miraha iyo Xabagta. Jaamac Maxamuud Maxamed Ciise(Good) ayaa marar badan lagu arki jiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe isagoo ganacsigiisa wareejinaya,waxaana aad u jeclaa dadweynaha oo ku bogaadin jiray shaqada adag ee uu hayo,maadaama isagoo keligiisa ah uu qaadi jiray badeecadaha uu iibinayo,haddana uu la lugeyn jiray gaari la’aan. Ninkaan ayaa hal abuurka ganacsi waxaa u dheeraa kan maanso,wuxuuna ahaa afmaal hab qosol leh u curiya gabayo iyo geeraarro macaan. Magaca uu la baxay ee Quraab ayuu micnihiisa ku sheegay qaraabasho oo loola jeedo in qofku wax badan sedkiisa raadiyo,halkii uu meel iska fariisan lahaa. Halkan ka daawo Wareysi uu xilli hore siiyay BBC Somali. Sawirro The post Mulkiilihii Carwo Quraab oo shil gaari ku dhintay appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) - The newly appointed Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Hussein Osman Hussein officially assumed office barely two days after his appointment. Source: Hiiraan Online
  14. Somali refugee leaders from the Dadaab refugee camps in Kenya have been taken by the UN’s refugee agency, UNHCR, on a ‘Go and See’ visit to Mogadishu and Baidoa in southern Somalia. UNHCR says the initiative is intended to inform refugees about the situation on the ground in Somalia to enable them to make informed decisions about whether to return home. Source: Hiiraan Online
  15. Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen weerar duqayn ah oo ka dhan kooxda xagjirka ah ee Alshabab, waxayna ku dileen saddex xubnood. Weerarkaan oo ka dhacay meel ku dhow degmada Jilibka ee gobolka Jubada dhexe , ayuu Maraykanku sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka. Maraykanka ayaa weeraro badan oo duqayn ah ka geystay Soomaaliya, kuwaas oo lagu taageerayo dowladda federalka. Inta ugu badan weeraradaan ayaa lala batilmaameesaday Alshabab, balse waxaa jira tiro weeraro ah oo lagu qaaday kooxda Daacish ee farriisinka ku leh dhulka buuraleyda ah ee Puntland. Inka badan 30 weerar ayuu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya sannadkii tagay ee 2017, kadib markii madaxweyne Trump uu balaariyay howlgalka milatari ee ka dhanka ah Alshabab. Balse Maraykanka ayaa sannadkaan bilowga ah qaaday afar weerar. Puntlandi.com
  16. Sida ay Qoreen Saaka Qaar kamid ah Warkeysayada ka soo baxa Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Wasiirkii Maaliyada ee Soomaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan. Marwo Sam Sam ayaa aheyd wasiirkii maaliyada ee maamulkaasi Soomaaliland Xukuumadii Siilaanyo uu hogaaminayay. Warkeyska Foore ayaa sheegay in Marwo Zam Zam ay Muqdisho u tagtay arimo ku saabsan lacag malaayiin Dollar oo ay ka dhaceen Sida la sheegay dad Soomaali iyo Koonfur Afrikaan isugu jiro. Warkeeyska ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagta ka dhacay Marwo Sam Sam ay ehelo dhow yihiin madaxweynaha Gal-Mudug Xaaf. Marwo Zam Zam ayaa hadda Muqdisho waxa ay ka dagantahay Guri uu Muqdisho ku leeyahay Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Si dhab ah looma oga Lacagtaan iyo inta ay dhantahay iyo qaabka looga dhacay walina Marwo Zam Zam kama hadlin arintaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirkii Maaliyada Soomaaliland Marwo Sam Sam oo ku sugan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Information from Israeli intelligence helped to prevent the downing of a passenger jet, Prime Minister Benjamin Netanyahu has said. Local media linked his comments to the attempted bombing of an Etihad Airways flight. In a speech to US Jewish leaders in Jerusalem, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu said on Wednesday his country’s elite military intelligence unit had prevented the bombing of an “Australian airliner.” “The Israeli intelligence services thwarted the downing of an Australian plane, an unimaginable slaughter,” the Israeli leader told delegates. “This would have caused a major disruption in global air transport, and this is only one of dozens of terrorist attacks we have foiled around the world,” Netanyahu said, without giving any other details. His comments followed a statement from the Israeli army that a branch of military intelligence known as Unit 8200 had foiled an “air attack abroad” by the “Islamic State” (IS) militant group. Read more: Munich Security Conference: How to stop a post-caliphate jihad? Israeli media said the army statement referred to an attempted bombing in July of an Etihad Airways flight, due to leave Sydney for Abu Dhabi. Information provided by 8200 — an elite Israeli unit that gathers and analyses intelligence using sophisticated information technology — led to the arrest of two IS militants who were working “toward the execution of the attack,” the army said. Bomb in luggage Two Lebanese-Australian brothers, Khaled Khayat and Mahmoud Khayat, were charged with plotting to bring down the passenger jet by trying to smuggle an improvised explosive device in luggage onto a July 15 flight, but the attempt was aborted before they reached security. Reports at the time of their arrest suggested that one of the men had asked his brother to carry the luggage on board without telling him that the bag contained explosives. The homemade bomb, disguised as a meat-mincer, was built at the direction of a senior IS commander based overseas, Australian police said. The Israeli tip came on July 26, nine days after the attempt to board the plane. The pair were arrested three days later, along with two others — who were later released without charge, The Times of Israel reported. Read more: German intelligence part of secret anti-terror unit targeting returning IS fighters – report Days after the plot was revealed, Lebanon’s interior minister said Beirut had monitored the brothers for more than a year and had worked with Australian authorities to disrupt the attack. Etihad earlier this week confirmed it was working Australian authorities on their investigation. Source: – dw The post Israel thwarted ‘Islamic State’ plot to blow up plane from Australia: Netanyahu appeared first on Caasimada Online.
  18. The US Military says it has carried out an airstrike in Southern Somalia that killed three members of Alshabaab militants. A statement on Wednesday evening from the US Africa Command says the attack took place on Monday in Jilib district. The strike was conducted “in coordination with the Federal Government of Somalia,” Africom said in the statement. Africom vowed that U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect Americans and disable terrorist threats. “This includes partnering with AMISOM and Somali National Security Forces (SNSF); targeting terrorists, their training camps and safe havens throughout Somalia, the region and around the world,” the military noted. The date of the attack coincides with the day Alshabaab claimed to have killed a US soldier during gun battle that took place near Kismayo. “AMISOM and US troops came in helicopters at area between Yontoy and BuulaGaduud villages. Our fighters responded to the attack as a result one US soldier was killed and several wounded,” said the group in a statement posted on pro-Alshabaab website. The U.S military refuted Alshabaab claims saying no American soldier was killed or injured in Southern Somalia by Alshabaab. “We are aware of the reports but they incorrect. No American military soldier was killed or even injured on the outskirts of Kismayo as alleged in the report,” said the spokesperson of AFROCOM, Samantha Reho. The airstrike will be the first of its kind since President, Mohamed Abdullahi Farmaajo last month declared new offensives against Alshabaab. Al-Shabaab has been trying since 2007 to overthrow that government, which has the support of the international community. Source: Hol The post US airstrike kills three Alshabaab in Southern Somalia appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay ururada Haweenka Gobolka, isagoo ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin hor-u-socodka Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Haweenka Soomaaliyeed iyo maamulka ay furo u tahay soo celinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan gobolka Benaadir. “Haweenka la’aantood, dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada, kaalintiinuna waa mid muhiim ah maadaama aad sidoo kale door weyn ka ciyaari kartaan horumarka iyo dhismaha dalka. Idinkoo adeegsanaya fursadahaas waa in aad ka shaqeysaan sidii loo heli lahaa ummad midaysan oo ka fekeraysa mustaqbalka dalka iyo dadkooda”.Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. Qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha sida ay uga go’an tahay in door muhiim ah ay ka ciyaaraan maamulka siyaasadda dalka, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarinta bulshada ku nool Caasimadda. Ugu dambeyn, Eng.Yarisow ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Benaadir in ay ka wada qeyb qaataan Todobaadka Nadaafadda oo ku beegan bil walba dhammaadkeeda, kaas oo dhaqan soo jireen u ah daadallada bilicda iyo nadaafadda ee ay sida wada jirka ah uga wada shaqeeyaan bulshada iyo Maamulka. PUNTLAND POST The post ING. YARIISOW: Haweenka waa laf-dhabarka bulshada la’aantoodna Dowladdu ma shaqeyn karto appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa sii deysay in ka badan 1,500 oo maxaabiis ah, kuwaa oo ku eedeysnaa inay Xubno ka yihiin Jabhada ONLF. Maxaabiistan oo ay ka muuqatay caafimaad daro ayaa laga sii daayey xabsiga lagu magacaabo ‘’Jeel Ogaadeeniya’’ oo ku yaalla Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Somalida dalka Ethiopia. Maxaabiistaan siideyntooda ayaa lagu soo beegay xili magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu wadahadal uga furmay dowlada Ethiopia iyo ONLF. Dowladda Ethiopia ayaa dhawaan si deysmadan lamid ah xabsiga uga sii deysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah ee Oromadda. Hoggaamiyaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamud Cumar, ayaa kaalin weyn ka qaatay deysmada Maxaabiista. The post Sawirro: Sidee Jeelka Ogaadenia looga sii daayay Maxaabiista Jabhada Mucaaradka ee ONLF appeared first on Caasimada Online.
  21. Dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia,ayaa saaka Xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga ka sii daysay in ka badan 1400 oo mabaaxiis ka tirsan Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya ee ONLF. Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan wada-hadal la gashay Jabhaddaasi oo muddo dheer dagaal ka waday dowlad-degaanka Soomaalida,waxaana wada-xaajoodka ku jiray dalab ka yimid Jabhadda ONLF oo ku aaddanaa in la siidaayo maxaabiista ka xiran ee ku jira xabsiyada Ethiopia. Maxaabiista haatan ay sii daysay dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sida wararku sheegayan waxaa ku jira qaar sannado badan xirnaa,taasoo loo arko tallaabo lagu kasbanayo Jabhadda,si ay miro-dhal u noqdaan wada-hadalada bambe ee loo ballamay. The post In ka badan 1400 oo laga siidaayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga. appeared first on Puntland Post.
  22. A United States Congressman has insinuated that Ethiopia’s dominant party, the Tigrayan Peoples Liberation Front (TPLF) is on its way out of power. Source: Hiiraan Online
  23. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka gaysteen Soomaaliya ay ku dileen saddex ka tirsan Xagjiriinta Al-shabaab. Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo Isniintii ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe aan wax rayid ah khasaare ka soo gaarin. Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika faahfaahin kale kama bixin weerarka,balse duqeynta ayaa noqonaysa tii afraad ee Maraykanku ka geystay Somaliya sannadkaan gudihiisa. PUNTLAND POST The post Militariga Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa mar kale kaalmaha ugu horeeya ka gashay Musuq-maasuqa kadib warbixin ay soo saartay Hay’adda Transparency International ee la dagaallanta Musuq maasuqa. Hay’adda Transparency International ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Somalia uu weli ka jiro Musuq-maasuq halakeeyay sharciyada. Liis dheer oo ay soo saartay Hay’adda ayaa muujinaaya in Somalia oo ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika ay kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa. Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah ‘’laaluushka iyo madaxda oo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuq maasuqa’’. Hay’adda Transparency International oo xiganeysa khuburo sameeyay baaritaano ayaa sheegtay in dalalkaan la soo saaray heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira lagu cabiray 1 illaa 100,dalalka ugu horeeyana ay ka mid yihiin Somalia iyo Suudaanta Koonfureed. Somalia iyo Suudaanta Koonfureed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin dalalka ugu Musuq maasuqa badnaa Sanadkii lasoo dhaafay , waxaana la siiyay dhibo dhan ah 9 oo Soomaaliya ah iyo 12 oo ah Suudaanta Koonfureed. Dalalka Denmark iyo Finland ayaa iyana helay 85 iyo 88 kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin wadamada ugu musuq maasuqa yar Caalamka. Dhinaca kale, waxaan jirin dal ilaa iyo hadda helay boqolka dhibcood, waxaase 89 helay dalka New Zealand, halka Finland iyo Denmark ay heleen 88 iyo 85 , kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar yahay. Xigasho: transparency Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Somalia oo mar kale kaalmaha koowaad ka gashay heerka Musuq-maasuqa appeared first on Caasimada Online.
  25. Puntland Post-Warbixin ay soo saartay Transparency Internation ayaa waxa ay shaaca uga qaaday in dalka Soomaaliya uu weli kaalmaha hore kaga jiro Wadamada ugu musuq maasuqa badan Caalamka. Liiskaan Sanadlaha ah oo ay Hay’addu soo saartay ayaa muujinaya in Soomaaliya oo ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika ay kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa. Hay’adda ayaa qiimeyn ku sameysa musuq maasuqa ay sameeyaan madaxda Dowladda taas oo aan wax ciqaab ah u marin. Hay’adda oo soo xiganeysa khuburo sameeyay baaritaano ayaa sheegtay in dalalkaan la soo saaray heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira lagu cabiray 1 illaa 100,dalalka ugu horeeyana ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Soomaaliya Oo Kaalinta Koowaad Ka Gashay Dalalka Ugu Musuq Maasuqa Badan Caalamka appeared first on Puntland Post.