-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
iyadoo shalay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo sababay dhimashada 14 qof oo shacab ah iyo dhaawaca 10 qof oo kale sida ay xaqiijisay Wasaarada Amniga ee dowladda Fadaraalka Somaaliya ayaa Gudiga Amniga iyo difaaca ee Golaha Aqalka hoose ee Soomaaliya waxa ay sheegeen in aysan marnaba aysan mashquulin doonin howlihii uyaalay Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Gudiga ayaa sheegay in howlaha ay wadaan Ciidamada qalabka sida iyo khilaafaadka jira aysan saameen xoogan ku yeelan doonin Mooshinkii laga keenay Gudoonka Baarlanaaka Soomaaliya wuxuuna Gudiga Ciidamada ugu baaqay in ay taxadarka badiyaan. Arinta ku saabsan Mooshinka laga keenay Gudoomiye jawaari ayay gudiga sheegeen in arintaasi sida uu Dastuurka dalka uu qabo lagu xalin doono. Xildhibaan Sadiiq Warfaa,oo ka mid ah Xubnaha Gudigaasi ayaa sidaasi Warbaahinta gudaha usheegay . Halkan ka dhagayso . 140322_001 - My Recording
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa kordhay dhimashada ka dhalatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Sida ay sheegeen laamaha amaanka dowlada iyo qaar ka mid ah Isbitaaladii la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxa. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Ismiidaamiye ka tirsanaa Al-shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Qaraxa ayaa halkaasi ku dilay dad ku dhow 22 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay, warar kale oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan loo adeegsaday Gaari Saruf qalin ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa. Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo u badnaa dhalinyaro Mooto Bajaaj ku shaqeysaneysay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo, ehehlada dadkaasi ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay. Qaar ka mid ah magacyada iyo Sawirrada dadkii qaraxaas ku dhintay oo u badnaa dhalinyaro ayaa la helay kuwaas oo eheladooda iyo saaxibadooda ay shaaciyeen. Dhinaca kale, dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaa qudhooda u muuqda kuwo ku jahwareersan Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraalo kasoo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Qoraalada kasoo kala baxay Wasaaradaha labada dal ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Hoteel Wehliye oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka. Waxaa qoraalka lagu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid aafeeyay dad shacab ah, waxaana lagu dalbaday in gacan lagu soo dhigo dadka ka danbeeyay Gaariga Qarxay. Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay dhagarqabe ka tirsanaa al-Shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay. Sidoo kale, qoraalka ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, waxayna Sacuudiga iyo Imaaraadka sheegen inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab. Geesta kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna Shabaabku sheegeen in ay beegsadeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay jiraan khilaafyo dhanka Siyaasada ah oo u dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa mar kale khilaafka ceynkaasi ah ka hadlay Gudiga difaaca Golaha Shacabka Somalia. Guddiga oo dhinacyo badan ka eegaaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ayaa si weyn waxa uu uga digaya in uusan amniga dalka saameyn ku yeelan khilaafka jira. Guddiga ayaa sheegay in khilaafka uu yahay mid kusii siqaaya heer xun, waxa uuna ka digay in arrimo Siyaasadeed loo qalqal galiyo dalka. Waxa uu gudiga difaaca Golaha Shacabka ka digay in ay amniga xiisadaas ka taagan dalka saameyn ku yeelato, waxa ayna carab dhabeen inay mudan tahay in xili hore laga hortago. Xildhibaan Sadiiq Warfaa,oo ka mid ah Xubnaha Gudigaas ayaa sheegay in khilaafaadka jira dhanka dastuurka lagu dhameyn doono,isla markaana uu rajeynayo in aysan hor istaagi doonin howlgallada amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan. Geesta kale, waxa uu Guddiga dadka shacabka ah ugu baaqay inay wataan howlahooda isla markaana aysan ku mashquulin wixii ku xeeran Siyaasada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
East African ministers work to end Somalia's refugee crisis
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Security ministers drawn from Eastern Africa region on Thursday renewed support for far-reaching interventions aimed at ending the refugee crisis in Somalia. Source: Hiiraan Online -
Deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Nugaa oo mudooyinkii udambeeyay laga soo sheegayay Abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa Xalay ilaa iyo Saaka waxaa ka da,ay Roob ay dadka iyo duunyaduba ay ku qabowsadeen . Deegaanada ay Roobabaka Guga ay ka da,een ayaa waxaa kamid ah Tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Burtinle iyo Jariib oo ka kala tirsan Mug iyo Nugaal. Sidookale Wararka uu helayo Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in Roobkaasi sidookale uu ka da,ay Magaalooyinka Jariiban, Bali busle, Mayle, iyo Tuulooyinkale oo badan oo deegaanadaasi ka tirsan . Meelaha ay Roobka ka da,ay ayaa mudooyinkii udambeeyay waxaa laga soo sheegayay Abaar xoogan ,taas oo sababtay in dadkii ku noolaa deegaanadaasi ay soo galaan Magaalooyinka waawayn ee Goboladaasi Mudug iyo Nugaal.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee baara Qaraxyada ayaa wada baaritaanka weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Saraakiil u hadashay Taliska qeybta baarista ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qeybqaadanayaan Saraakiil Cadaan ah. Saraakiisha ayaa sheegtay in baaritaanka socda uu qaadan doono maalmo kooban, waxa ayna tilmaameen in Qaraxa uu ahaa mid aad u tan culus. Ciidamada Booliska ayaa shalay gelinkii dambe la arkayay iyaga oo tagay goobtii uu qaraxa ka dhacay, kadibna calaamadeeyay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay iyo in ay qaateen aaladaha yar yar ee biraha ah halkaasi yaallay, kana dhashay qaraxa. Sidoo kale saraakiisha khubarada ah ee baaritaankan horkacayay ayaa la arkayay iyaga oo su’aalo ka weydiinaya arrintan shacabkii halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamadii halkaasi ka akdhowaa. Dhinaca kale, Baaritaankaan oo ah mid caalami ah oo la mid ah midka aduunka lagu baaro Qaraxyada noocaan oo kale ah, ayaa Booliska wuxuu weli ku guda jiraa cadeynta sida ay wax ku dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeynaya dadkii ku geeriyooday qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye. Ra’isul wasaaraha ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho” Ra’isul wasaaraha ayaa intaa ku daray “Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday.” Ra’isul wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeynaya geerida dadkii shacabka ahaa ee maanta ku naf waayay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho. Qaraxan ayaa sabahay dhimashada 15-qof oo u badan shacab, kuwaasoo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, ayna mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-shabaab. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama. “Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay kusoo dhaafeen baraha baarista. Isla xisaabtan dhab ahna waa inuu jiraa. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daran yahay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo laamaha amniga faray inay warbixin ka keenaan qaraxii shalay appeared first on Puntland Post.
-
Allaha unaxariistee waxaa xalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku geeriyooday Garyaqaankii guud ee Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil. Garyaqaan Maxamed ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuunsanaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe halkaas oo xaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay. Geerida Garyaan Maxamed Muse ayaa waxaa ka tacsiyeeyay oo aad uga naxay dadbadan oo isgu jira Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Xildhibaano iyo Xubno katirsan golaha wasiirada ee Puntland . Garyaqaanka ayaa ahaa shaqsi habdhaqan iyo dabeecad wanagasan lahaa. Dhamaan bahda Warbaahinta Puntlandi.com waxa ay sidiikale dhankooda ay Tacsi udirayaan Ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Garyaqaan Maxamed Muuse Ismaciil . Inaalilaahi wainaa ileehi Raajicoon kula Nafsin daaiqatul mowt.
-
Waxaa la sheegaa in oraahda kor ku xusan tahay maahmaah ama hadal-qabsi caan ka ah dhulka Soomalidu degto gaar ahaan degmada Berbera ee gobolka Saaxil, Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Mandheere (Caasimada Online)- Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa saaka lagu arkay xuduuda Soomaaliya ay kala wadaagto dhanka magaalada Balad Xaawo, ee gobolka Gedo. Qaar kamid ah shacabka Balada Xaawo oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in derbiga dib loo billaabey dhisamaha derbiga, kaasi oo Kenya ay marsiinayso gudaha degmadaasi, iyadoo arintaasina ay ka dhalatay xiisad colaadeed. Horaantii sanadkan ayaa shacabka iyo maamulka degmada Balad Xaawo kahor tagey dhisamaha derbiga ee laga dhisayo gudaga magaalada, waxaana dhacay iska hor-imaad dhex maray shacab carasan iyo Ciidamada Kenya. Kulan ay dhawaan yeesheen mas’uuliyiinyta maamulka degmada Balad Xaawo iyo kan Mandheera ayaa fashilmay iyadoo la xiray xuduuda ay labadaasi magaalo wadaagaan oo isaga kala gudbi jiray ganacsiga iyo waxbarashada. Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay derbi dheer oo 700KM gaaraya ay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya kala wadaagto dhanka gobolka Waqooyiga bari, si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab, islamarkaana ku ilaaliso amaankeeda. Mas’uuliyiin iyo Wasiirro katirsana dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore booqday goobta laga dhisayo derbiga, kuwaasi oo shacabka warbixin ka siinin wali waxyaabihii ay kusoo arkeen xuduuda.
-
Shir ku saabsan wada-tashiga xaaladaha xuquuqda Insaanka Puntland oo ay iska-kaashanayan Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe. Shirkaan oo mudda laba maalmood ah soconaya ayaa looga hadlayaa kor u qaadista wada-shaqeynta ka dhexaysa Dalladda ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland,gaar ahaanna sidii Xafiisku ula wadaagi lahaa bulshada rayid ah warbixinaha la xiriira heerka xuquuda Insaanka ee degaannada Puntland. Guddoomiyaha Dalladda ay ku midaysan yihiin Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA,Faysal Axmed Warsame(Faysal Qaran) oo ka hadlay furitaanka shirkaan, ayaa sheegay in dalladda ay ka go’antahay in ay Xafiiska Difaaca kala shaqeyso u qareemidda arrimaha Xuquuqda Insaanka,si loo helo xogta rasmiga ah ee heerka Xuquuqda Aadanaha ee ka jira guud ahaan degaannada Puntland. Dhinaca kale Maxammed Yuusuf Cali,Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland,ayaa shirka ka sheegay in ay diyaar u yihiin la-wadaagista bulshada rayidka ah,Xogta iyo warbixinaha ku saabsan heerka xuquuqda Insaanka,gaar ahaanna xaaladda ka jirta xabsiyada ku yaalla guud ahaan degaannada Puntland. Ciid Qaran PUNTLAND POST The post Dalladda PUNSAA oo qabatay shir ku saabsan arrimaha xuquuqul insaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
The number of people killed in Thrusday's devastating bombing in the Somali capital Mogadishu has risen to 17, according to the government. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa, ayaa goor-dhaw ka dhacay afafka hore Hotel Wehliye oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho. Gaari uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay ayaa beegsaday Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo galabtii si aad ah loo soo camiro, sidoo kale waxaa halkaasi ku yaalla goobo ganacsi sida Dukaaman, goob Timaha lagu jarto iyo waliba Bakhaaro. Gaariga qarxay oo nuuciisa lagu sheegay kuwa raaxada ee loo yaqaan ‘’Safur’’ ayaa waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ah oo halkaasi galbihii u taga sheeko iyo Shaax, balse galabta ay halkaasi ay dhibaato ku qabsatay. Khasaaraha dhimasho oo markii hore ahaa ilaa 14, ayaa hadda gaaray ilaa 18 oo ay ku kordheen dad ku dhintay Isbitaalada. Dhaawaca ayaa kor u dhaafaya ilaa Lix iyo tobon waxaana lasoo sheegayaa inay ku jiraan kuwo oogadooda uu dab qabsaday.
-
Sagaalkii bishii Febraayo ayey ahayd markii waaxda la socodka lacagaha ee dalka Mareykanka ay xayiraad ku soo rogeen ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo dowladda Mareykanka ku sheegeen in ay taageero siiyaan maleeshiyada Daacish. Ganasatadaasi waxaa ka mid ahaa milkiilaha shirkadda Al-Mutafaq Maxamad Mire oo ku magac dheer Soodareeri. Hadabada waxaa magaaladda Bosaso lagu qabtay kulan looga soo horjeedo eedeemaha lagu soo oogay ganacsatada, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, waxgarad, Nabadoono, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Aqoonyahano. Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha Gobolka bari oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin sabab muwaadin Soomaaliyeed oo dambi lahayn loogu tilmaamo in uu xiriir la leeyahay koox Argagixiso ah , waxa uu sheegay Gudoomiye dhado in dowladda Puntland kaalintii kaga aadanayd ay ka qabatay arintan qoraalna ay ugudbiyeen waaxda lasocdka lacagaha ee dalka Maraykanka oo eedeantaasi soo jeedisay . Siyaasiyiintii mkulankan ka soo qayb gashay iyo ganacasatada Gobolka bari ayaa si iskumid ah arintan uga soo horjeestay waxayna ay sheegeen in hadalka ka soobaxay Maraykanka uu gaf kuyahay ganacsatada Puntland iyo Soomaaliyaba . Halkan ka dhagayso Codadka Mas,uuliyiinta ka hadashay kulankan . Gudoomiyaha iyo Ganacsatada Sawirro.
-
At least 14 people have been killed and several others were injured when a car bomb detornated in Somali capital, Mogadishu, official confirmed Source: Hiiraan Online
-
At least 14 people have been killed and several others were injured when a car bomb detornated in Somali capital, Mogadishu, official confirmed Source: Hiiraan Online
-
Shirka Khamiis laha ee Goloha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka, iyadoo warbixino kalena laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in uu kulan wada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, waxayna labada mas’uul ka wada hadlayn sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini’aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada. “Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladooda iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” Ayuu yiri Mudane Mahdi. Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin ka siiyay ammaanka dalka ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda nabbad illaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab. Taasina ay tahay guul ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa cadeeyay in ay meel wanaagsan marayso tirakoobka iyo Tayeynta ciidamadda Qalabka sida. Isagoona ka hadlay ciidamo loo soo xiray tababar kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaaladda dalka looga xoreynayo kooxda argagaxisada iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed. “ Waxaan billownay barnaamij quudin ah oo loo samaynayo ciidamadda dalka, taas oo ah in cuntada ay cunaan ciidanka looga sameeyo dalagyadda kabaxa dalkeena. Si looga maarmo Raashinka dibadda looga keenayo ciidaka oo qarash badan kaga baxa dawladda, faa’iido badana aysan ku haysan Ciidanku”. Ayuu yiri Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay halka ay marayso dar-dargalinta Koboca dhaqaalaha heer-kiisa 2-aad ee (SMP2). Waxuuna wasiirku sheegay in dakhligga seddexda billood ee ugu horeysay oo Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka sugeysay kaas oo dhan $41 Million( Afartan iyo Kow Milyan), in hadda lasoo xareeyay $32 Milion (Soddon iyo Lobo Miliyan), iyada oo wali bishii seddaxaad ay socoto. Waxuuna sidoo kale sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda ay si habsami leh ku socoto. Ugu dambayntii Shirka Golaha Wasiiradda ayaa intii uu socday waxaa lagu Ansixiyay 14-Heshiis oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018 kuwaas oo kala ahaa, Heshiiska Ganacsigga iyo iskaashigga Dhaqaalaha. Heshiiska iskaashigga Gaadiidka Badda. Heshiiska Iskaashigga Maal-gashigga. Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Erdogan. Heshiiska Iskaashiga Biyaha. Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha. Heshiiska Iskaashiga Tamarta. Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada. Is-af-garadka Waxbarashada Sare. Is-af-garadka waxsoosaarka Beeraha. Is-af-garadka Kaluumeysiga. Is-af-garadaka Caafimaadka Xoolaha .Is-af-garadka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashigga Dhaqaalaha.Isfahamka Is-afgaradka ee dhaqanka. —— DHAMAAD———
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Khamiis laha ee Goloha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka, iyadoo warbixino kalena laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in uu kulan wada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, waxayna labada mas’uul ka wada hadlayn sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini’aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada. “Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladooda iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” Ayuu yiri Mudane Mahdi. Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin ka siiyay ammaanka dalka ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda nabbad illaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab. Taasina ay tahay guul ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa cadeeyay in ay meel wanaagsan marayso tirakoobka iyo Tayeynta ciidamadda Qalabka sida. Isagoona ka hadlay ciidamo loo soo xiray tababar kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaaladda dalka looga xoreynayo kooxda argagaxisada iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed. “ Waxaan billownay barnaamij quudin ah oo loo samaynayo ciidamadda dalka, taas oo ah in cuntada ay cunaan ciidanka looga sameeyo dalagyadda kabaxa dalkeena. Si looga maarmo Raashinka dibadda looga keenayo ciidaka oo qarash badan kaga baxa dawladda, faa’iido badana aysan ku haysan Ciidanku”. Ayuu yiri Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay halka ay marayso dar-dargalinta Koboca dhaqaalaha heer-kiisa 2-aad ee (SMP2). Waxuuna wasiirku sheegay in dakhligga seddexda billood ee ugu horeysay oo Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka sugeysay kaas oo dhan $41 Million( Afartan iyo Kow Milyan), in hadda lasoo xareeyay $32 Milion (Soddon iyo Lobo Miliyan), iyada oo wali bishii seddaxaad ay socoto. Waxuuna sidoo kale sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda ay si habsami leh ku socoto. Ugu dambayntii Shirka Golaha Wasiiradda ayaa intii uu socday waxaa lagu Ansixiyay 14-Heshiis oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018 kuwaas oo kala ahaa, Heshiiska Ganacsigga iyo iskaashigga Dhaqaalaha. Heshiiska iskaashigga Gaadiidka Badda. Heshiiska Iskaashigga Maal-gashigga. Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Erdogan. Heshiiska Iskaashiga Biyaha. Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha. Heshiiska Iskaashiga Tamarta. Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada. Is-af-garadka Waxbarashada Sare. Is-af-garadka waxsoosaarka Beeraha. Is-af-garadka Kaluumeysiga. Is-af-garadaka Caafimaadka Xoolaha .Is-af-garadka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashigga Dhaqaalaha.Isfahamka Is-afgaradka ee dhaqanka.
-
Dowladada Soomaaliya ayaa ka hadashay Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Weheliye. Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya C/casiis Xildhibaan oo Warbaahinta kula hadlay Goobtii uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhinteen 14 oo shacab ah , waxa uu sheegay in ay fuliyeen Argagixisada Al-shabaab . Halkan ka dawo .
-
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada weerarkii Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. War ay baahisay Warbaahinta Al-Shabaab ee la yiraahdo Andulus ayaa lagu sheegay in iyaga qaraxaasi ay ka dambeeyeen. Al-Shabaab waxaa kale oo ay sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegay in 10-Askari oo katirsan ciidamada dowlada ay qaraxaasi ku dhinteen. Galabta ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax qasaare geeystay qaraxaasi oo ay ku dhinteen Dad ku dhow 20 oo u badan dad shacab ahaa. Al-Shabaab ayaa qaraxyo kala duwan ka geeysta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-Shabaab oo sheegtay Masuuliyada Qaraxii Galabta ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]- Magaaladda Bosaso Waxaa lagu qabtay kulan looga soo horjeedo eedeemaha lagu soo oogay ganacsatade reer Puntland Ah, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo aqoonyahano. Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin sabab muwaadin Soomaaliyeed oo dambi lahayn lagu tilmaamo waxa uusan ahayn,. isla markaana ka maamul ahaan caddenayaan in ganacsatadaasi aysan lahayn dambigaasi. “Markaan wax badan baarnay, waxaan oganaay in ganacsatadaasi aysan lahayn dambi, waana difaaci doonaa ciddii aan dambiga lahayn oo qaab siyaasad kale ah loogu soo oogay dambi aysan lahayn ” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Siyaasi Khadar Xaaji Mire oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in lagu soo duulay ganacsatadii gobolka Bari, isla markaana aysan u dul qaadan doonin. Sidoo Kale Qaar Kamid ah Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Bari ayaa Wax laga xumaado ku tilmaamay Go’aanka ay Kooxda La socodka Cunaqabateynta ee saaran soomaaliya iyo Eritrea, Ku eedeeyeen Ganacsatadan Soomaaliyeed. Sagaalkii bishii Febraayo ayey ahayd markii waaxda la socodka lacagaha ee dalka Mareykanka ay xayiraad ku soo rogeen ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo dowladda Mareykanka ku sheegeen in ay taageero siiyaan Dhaq-dhaqaaqa Daacish. Ganasatadaasi waxaa ka mid ahaa milkiilaha shirkadda Al-Mutafaq Maxamad Mire oo ku magac dheer Soodareeri, Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Puntland : Ganacsato beenisay Iney Taageero siiyaan Ururka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa maantay u soo xirtay 60 haween ah oo ka socday gobalada iyo degmooyinka Puntland. Tababarkaan oo soconayey mudo 6 maalmood ah ayaa xiritaankiisa waxaa kasoo qaybgalay Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid Cismaan,Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Maryan Axmed Cali iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland. Tababaradaan oo ah labo qaybood ayaa qaybta koowaad waxaa loo qabtay 30 haweenka oo ka socday 8 degmo iyo magaalada Garowe,halka tababarka labaadna loo qabtay 30 haweenka oo ka socday 11 degmo. Tababarkaan ayaa Haweenku ku baranayeen hogaaminta iyo sidii haweenku ay u noqon lahaayeen kuwo awood u eleh inay wax ka dhaadhiciyaan eheladood iyo Bulshada ay kamid yihiin,islamarkaana ay kasban karaan Bulshada. Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali ayaa ku kula dardaarantay haweenka inay ka faa,iidaystaan aqoonta ay barteen iyadoo sheegay in wasaaradu ay ku howlan tahay kor u qaadida awooda Haweenka Puntland. Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid Cismaan ayaa ku amaantay Wasaaradda Haweenka Puntland dadaalada ay ugu jirto horumarinta Haweenka Puntland,iyadoo sidookale Haweenka ugu baaqday inay ku dadaalaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah. Daawo Sawirro. Puntlandi.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ug yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax weyn oo galabta ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, gaar ahaan kasoo horjeedka Hotel Wehliye, sida ay sheegeen saraakiisha amniga iyo kuwa caafimadka. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia, C/casiis Xildhibaan oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in tirada dhimashada ay inta la shaaciyay ka badan karto. “Dadka ku dhintay weerarkan intooda badan waxay ahaayeen dad waddada marayay iyo kuwa ganacsiyada kala duwan ku haysta,” ayuu afhayeenku ku daray hadlakiisa. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa ku eedeeyay weerarkan inay mas’uul ka tahay kooxda Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo, gaar ahaan kuwa Muqdisho. Al-shabaab ayaa weerarrada ay ka geysanayso Muqdisho waxay noqdeen kuwo is-daba-joog ah, iyadoo weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu dhacay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500-qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen. Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay weerar qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku dishay 21-qof, kuwaasoo dhacay bilk a hor, waxaana kooxdan ay inta badan beegsataa goobaha ay shacabku ku badan yihiin. Ugu dambeyn, Weerarkan khasaaraha badan geystay ee maanta Muqdisho ka dhacay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu jiro khilaaf xoog leh oo salka ku haya awoodda hoggaamineed ee Soomaaliya, kaasoo u dhexeeya hay’adaha sare ee xukuumadda. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
