Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Mooshinka ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia kawadaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay ay sii korortay tiradooda, waxa ayna iminka gaarayaan ilaa 198-Xildhibaan oo saxiixay Mooshinka. Mooshin wadayaasha ayaa waxaa u badan Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano aan xilal ka heyn Xukuumada jirta, waxa ayna ka siman yihiin in meesha laga tuuro Guddoomiye Jawaari. Wasiirada iyo Xildhibaanadaka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa horboodaya Ra’isul wasaare Kheye oo isagu wacad ku maray in Guddoomiye Jawaari uusan lasii shaqeyn doonin dowlada ‘’Nabad iyo Nolol’’. Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu Mooshin wadayaasha ku dhiirigaliyay inay ka takhluusiyaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo la eegaayo isbedel ka dhex curta baarlamaanka Somalia waxa uuna hal hees ka dhigtay ‘’Jawaari uma uusan dhalan xil heynta’’ Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari uu ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaanada ugu badan, halka qaarna uu uga ballanqaaday dhaqaale xoogan oo abaalmarin ah, haddii ay xilka ka tuuraan Jawaari. Xildhibaanada qaar ayaa ololo ugu jira in riditaanka Jawaari ay ku gaaran mansabyo kale, waxaana jira qaar badan oo uu wato shaqsiga imaan doona oo lawada ogyahay. Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa waxaa jira qaar iminka ka tirsan garabka taabacsan Jawaari, kuwaa oo saacadaha ugu danbeeya kusoo biiri doona Mooshinka. Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka ayaa u muuqanaaya mid ay isugu hanjabayaan Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, wallow aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Mooshin waa kalimad qalaad oo loo fahmay loona adeegsaday si ka duwan ujeedkeeda asalka ah sida uu ku fasiray Gudoomiye Jawaari “Mooshin iyo Xasaanad waa agabka kaliya ee Xildhibaanku leeyahay”. Mooshin waa; soo jeedin, la xisaabtan, dhaliil, canaan iwm, waxaana u baahan dawlad kasta oo dimoqraadi ah. Lkn dadka Somaaliyeed markii ay arkeen dhaqanka Xildhibaanadooda waxey u fahameen Mooshin; dumin, dib-u dhac, dibin-daabyo, khilaaf, loolan, xaalad-abuur, xasilooni-darro iwm. Beryahaan waxaa dood badan ka jirtay sababta iyo waxa uu salka ku hayo Mooshinka GudoomiyeJawaari; Khilaaf Jawaari iyo Khayre miyaa? Jawaari iyo Farmaajo miyaa? Jawaari iyo Muudey miyaa? Jawaari iyo Sharif Xasan miyaa? Qabyo iyo Xukuumadda miyaa? Qatar iyo Emaaraat miyaa? DP World iyo Somaliland miyaa? IGAD iyo Khaliij miyaa? Beesha Xalane iyo dawlada Federaalka miyaa? Su’aalahaas iyo kuwa kale ayey dadka Somaliyeed is weydiiyeen kadib markii ay ku soo kaceen aroortii 14 kii bishaan Mooshin aysan filayn, iyada oo laga hor-tegay laba Mooshin oo ka horeysay, Culimaduna uga digtay Xildhibaanada in ay Mooshin danbe keenaan, Sanadkaana loogu magac daray; “Sanadkii Xasiloonida Siyaasadeed” Mucaarad, Muxaafid iyo dadweyne intuba waxa ay ku wareereen sababta Mooshinka. Lkn waxaa jira Su’aal ama Jawaab aan weli la is weydiin oo ah; Mooshinka Jawaari wuxuu bilawday 6 bil ka hor, mana jirin xilligaas khilaaf u dhaxeeyay Jawaari, ku xigeenkiisa, M/weyaha iyo R/wasaaraha, hadda ayuu banaanka usoo baxay sababta? Xildhibaanadii Mooshinka ka qoray Jawaari 6 bil ka hor qaar ayaa hadda difaacaya Jawaari sababta? kuwii 2 bil ka hor difaacayey M/weynaha iyo R/wasaaraha ayaa hadda difaacaya Jawaari iyaga oo ku xumeynaya Khayre iyo Farmaajo sababta?, xagey Ciyaartu iska qaban la’dahay??? Dadka indha indheeya ama qiimeeya Siyaasada Somaliya waxey Biya dhaca Jawaabta ku tilmaameen hal qodob kaliya: Tartan iyo Loolan u dhaxeeya 40 Xildhibaan oo Wasiirro ah iyo 40 Xildhibaan oo Wariirro rabta! Mushkiladuna waxey ka soo bilaabatay 2004 markii Qabqable-yaashii hore iyo dawladaha IGAD ay ku heshiiyeen in Xildhibaanka iyo Wasiirka hal qof isku qaadan karo, kana dhigeen qodob Dastuuri ah, Odoyaasha iyo Bulshaduna nasasho heli-mayaan inta uu qodobkaasi noolyahay. Hadii aad u fiirsado Diinimada dhaqaajinaysa Mooshinka labada dhinac waa Xildhibaanada Wasiirada ah oo ku difaacaya kuraastooda iyo Xildhibaanada aan ku qanacsaneyn kursiga Xildhibaanka ee u hanqal taagaya kurassta Wasiirada. Waxaana muuqata in ay guul-dareysteen baaqyadii Bulshada iyo dadaaladii M/weynaha, Aqalka Sare, Culimada, MadashaTalo-wadaag, Bulshada Rayidka, Dhaqanka ee lagu doonayey in arinta lagu qaboojiyo lana joojiyo Mooshinka. Gudoomiye Jawaarina waxaa ka muuqata kalsooni uu ku qabo in la wada tago Sanduuqa Codka, lkn waxaa horyaal arrimo badan oo mugdi ku jiro; goorta Sanduuqa la tegayo, goobta la dhigayo Sanduuqa, cCdda leh go’aanka Sanduuqa, Cidda goobjooga ka noqoneysa, Tirada Xildhibaanada ka qeyb-gelaysa, Ciidamada ilaalinaya, cidda maamuleysa iwm. Hadii xalkii siyaasadeed la diiday! Xalkii sharcigana u baahanyahay Tafsiir iyo is faham dhexmara 80 Xildhibaan oo isku haysta, oo wada doonaya 40 Kursi Wasiir, Dastuur iyo xeerar qabyo ah, Maxkamad fasirtana aysan jirin! Armaa loo baahdaa oo fursad kale la siiyaa Kampala Accord iyo Beesha Xalane??? W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
  3. Eritrea says Ethiopia must move to deal with its chronic internal security crisis instead of finding scapegoats from outside. Source: Hiiraan Online
  4. Rwanda and Tanzania have decided to use electric trains for their 1,320km standard gauge railway (SGR) line which will link to the East African regional line which passes through Kenya and Uganda. Source: Hiiraan Online
  5. Dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan-yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee kajira Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa dood adag ka yeeshaay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jra xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Dood dheer kadib, Laba Dalladood waxa ay si wadajir ah usoo saareen War-Murtiyeed ka kooban qoodbada soo socda :- 1. Dalladaha waxa ay aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Hey’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta iyadoo ay u arkaan in khilaafka xiligan ku soo beegmay uu yahay mid dhabar jab ku ah geedigga dowladnimo ee Soomaaliya 2. Ururada bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan madaxda dawladda federaalka ah in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Somaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud. 3. Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan golaha shacabka oo ah wakiilada ummadda Soomaaliyeed in ay waajibaadka saaran u gutaan si wadani- nimo ah, ALLE ka cabsina ku jirto 4. SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka codka kalsoonida u qaadidda ee guddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya loona dhameeyo khilaafka taagan. 5. Dalladuhu waxa ay baaq u dirayaan Xukuumada iyo Golaha shacabka oo ku aadan tixgelinta iyo u hogaansanaanta Dastuurka Dalka. 6. Dalladuhu waxa ay usoo jeedinayaa in golaha shacabka iyo xukuumaduba ay u ogolaadaan bulshada rayidka in ay goob joog ka noqdaan qaabka hawsha ay u dhaceyso 7. Waxa ay ka digayaan in hantida qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowlada 8. Waxa ay xasuusinayaan madaxda qaranka in khilaafka hadda jira uu niyad- jab ku yahay himmilada ummada Soomaliyeed, sidoo kalena uu dhaawacaya horumarkii la gaaray muddadi lasoo dhaafay. 9. Ugu dambayntii waxa ay ugu baaqayaan mas’uuliyiinta dowlada in ay dhageystaan isla markaana ay qaataan tallooyinka bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo xalliyo khilaafka taagan. Wabilaahi Towfiiq HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO PDF AH. War-murtiyeed ay soo saareen dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA.doc
  6. BOSSASO (HOL) Two crew members have been killed and two others sustained injuries after commercial boat caught fire near Bossaso port, 1,388 km northeast of Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  7. BOSSASO (HOL) Two crew members have been killed and two others sustained injuries aft Source: Hiiraan Online
  8. BOSSASO (HOL) Two crew members have been killed and two others sustained injuries after commercial boat caught fire near Bossaso port, Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Dekadaha Puntland Mudane Saciid Maxamed Raage iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Isutaga Emaaraatka. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa Emaaraatka kalasoo hadlaya Xiriirka labada dhina iyo Hesiisadii labada dhinac kala galeen. Safarka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya safar aan la shaacin ee Madaxweyne Gaas ku aadi doono Emaaraatka laakiin macada in Madaxweyne Gaas uu badalkiisa diray Wasiirka iyo in qorshuhu wali ku jirto Safarka Madaxweynaha ee Emaaraatka. Wasiisirka iyo wafdigiisu waxay Galabta ka duuleen Bosaso. Puntlandi Bosaso
  10. Taliyaha Ciidamada Bada Puntland C/risaaq Diriye Faarax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Bosaaso ayaa ka Warbixiyay howlgalo maalmahan ay Ciidamadu ka wadeen bada iyo bariga. Taliyaha ayaa marka hore waxa uu kawarbixiyay dowrka ay Ciidamada Bada Puntland ay kuleeyihiin Xaqiijinta Amniga deegaanada Puntland bad iyo bariba waxaana uu sheegay in Qorshihii hore ee ciidamada uu wax badan iska badalay . Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in tan iyo wixii kadambeeyay 2011 kii markii markii la,Aasaasay Ciidamadan ujeedadii laga lahaa ay ahayd oo kaliya in ay la dagaalamaan Burcad badeeda Soomaaliya balse ,haatan Ciidamadan tababaro badan oo lasiiyay iyo xirfadooda oo kor loo qaaday kadib ay bilaabeen in ay ka howlgalaan bada iyo barigaba. Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadan ay ka howlgalaan Afar goobood oo bad waynta Hindiya ah iyo Afar goobood oo kale oo bada cas ah. Dhanka bariga waxa uu sheegay Taliyaha in ay Ciidamadu ay ka howlgalaan Garoowe, Qandala, Iskushuban , Gal gala iyo Sugure. Dhanka Xeebaha Hindiya ayaa waxa uu sheegay in ay Ciidamadu ay ka howlgalaan Garacad, Eyl, Xaafuun iyo Baar gaal. Hadaba halkan kadhagayso .
  11. Bosaso-[Puntland Post]-Taliyaha Ciidamada xeebaha Puntland Admiral C/risaaq Diiriya Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Bosaso ayaa ka hadlay kaalinta dowladda imaraadku ay ku leedahay ciidamada Badda Puntland iyo go’aankii barlamaanka Federaalka ee dalka lagaga mamnuucay Shirkadda DP World. Taliyuhu wuxuu kaloo ka hadlay goobaha ay ciidamada ay ka howlgalaan, isagoo sheegay in ciidamadu ay saldhigyo ku leeyihiin magaalooyin waaweyn oo ku teedsan badweynta Hindiya iyo badda gacanka cadmeed. Wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka Carabta oo uu sheegay inay ciidamada badda Puntland ay ka caawiyaan Tababarada, Dhaqaalaha iyo tasiilaadka kale ay u baahan yihiin, waxaa uu tilmaamay in taageerada Dowladda Imaraadka la’aanteed ayan suurgasheen guulaha ay ciidamadu ay gaareen 7 sanno ee la soo dhaafay. Ciidamada PMPF oo la asaasay 4 October 2011 ayuu sheegay taliyuhu unay saldhigyo ku leeyihiin degmooyinka Garacad, EyL, Xaafuun, Iskushiban, Qandala, iyo xaruntooda oo ugu weyn oo ku taala magaaladda Bosaso. Taliyuhu, wuxuu sheegay in ciidamadu ay guul weyn ka gaareen ahdaaftii markii hore loo asaasay oo ahayd la dagaalanka Burcad-badeeda oo uu tilmaamay in jiridaha loo siibay, waxaa kaloo uu xusay in shaqooyinka ciidamadu ay ka mid tahay la dagaalanka Tahriibka, Hubka sharci darada ah iyo la dagaalanka argagixisada. Wariyaha Puntland Post ee Bosaso ayaa Taliyaha waydiiyay in Saraakiisha ciidamada Imaraadka ee Puntland ku sugan shaqadoodu ku kooban tahay oo kaliya tababarka iyo gacansiinta ciidamada iyo inkale, waxaa uu yiri “ shaqadoodu waxay ku egtahay oo kaliya waxaan annagu u baahan nahay inay caawiyaan, hadduu yahay tababarka, wixii howlgal ah waxaa iska leh dowladda Puntland, anniga iyo ciidamaduna waxaanu fulinaa rabitaanka iyo ujeedooyinka dowladda Puntland, Ma jirto cid ajnebi ah oo amar na siisa” ayuu yiri taliyaha ciidamada Badda Puntland. Mar uu ka hadlyay Go’aankii barlamaank Federaalku uu dalka uga mamnuucay inay ka shaqayso shirkadda DPWorld, wuxuu sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladda Imaraadka Carabta. Go’aanka barlamaankuna uusan wax saamayn ah ku yeelan taageerada Imaraadku uu siiyo Ciidamada Badda Puntland. Ciidamada Ilaalada xeebaha Puntland oo la asaasay 7 sanno ka hor waxay ka mid yihiin ciidamada ugu qalabka iyo tayada fiican ee dowladda Puntland leedahay, waxay ka howlgalaan buuralayda Cal Miskaat iyo Cal Bari, iyagoo halkaasi kula dagaalama Kooxaha Alshabaab iyo Daacish. sidoo kale waxay sugaan amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Taliska Ciidamada ilaalada Badda Puntland oo ka hadlay taageerada Imaraadka iyo DP World appeared first on Puntland Post.
  12. Xubno kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeen ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Mooshinkii laga gudibyay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Xildhibaanadan ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqeen in uu xilkan iska casilo, waxayna arintan ay muujinaysaa in uu Jawaari lakulmayo Mucaarad xoog leh. Waxa ay ka codsadeen Gudoonka Aqalka hoose in uu tix galiyo soojeedintooda uuna ixtiraamo sharciga dalka uyaala. Xil dhibaanadii Mooshinka ka gudibayay Gudoomiyaha oo xalay ilaa iyo maanta shirar kala duwan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxa ay kor udhaafaysaa ilaa iyo 200 oo Xildhibaan , waxayna u soo jeediyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya in uu is casilo inta uusan Golaha hor iman. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhankiisa Gudoomiye Jawaari, balse Gudoomiyaha ayaa wali ku adkeesanaya in uu sharcigu sareeyo diyaarna uu uyahay in cod loo qaado Mooshinka.
  13. Magaalada Bosaaso maanta waxaa lagu qabtay kulan lagu iclaaminayay Xiliga ay dhici doonto Caleema saarka Beel daajaha guud ee Beesha Cali saleebaan oo kamid ah Beelaha dagan Gobolka Bari . kulankan ayaa waxa uu daaranaa laba arimood oo kala ahaa iclaaminta Caano shubka Beel daajaha iyo mahad celinta soo dhawayntii diiraneed oo ay u sameeyeeb dadweynaha ku dhaqan Magaalada Bosaaso Beel daaje Maxamed Beel daaje Ismaaciil Beel daaje Cabdilaahi. Munaasibada oo lagu qabtay Hotel karaama ee Magaalada Bosaaso ayaa waxaa ka soo qaybgalay Nabadoonada , Cuqaasha , Waxgaradka Isimada dhaqanka , Gamacsatada , Culimada iyo Haweenka. Gudiga qaban qaabada Caana shubka Beeldaajaha ayaa waxa ay Madasha kaga dhawaaqeen in maalinta Axada kuna beegantahay Tariikhda 15-4-2018 Caleema saarka Beel daajaha lagu qaban doono degmada Carmo ee Gobolka Bari. Gudiga ayaa dhamaan beel weynta Soomaaliyeed iyo qurba joogta ku sugan dalka dibadiisa ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan Caleemo saarka Beel- daaje Maxamed Beel daaje Ismaaciil Beel Daaje Cabdilaahi. Hadaba halkan ka dhagayso kana daalaco sawirrada. Codadka odayaasha
  14. Mumbai (Caasimada Online) — Tani waa sheeko jaceyl oo qalbi taabad leh, nin u dhashay dalka India ayaana doortay inuu nin kale u guuriyo xaaskiisii uu la aqal-galay lix maalmood ka hor. Maxaa yeelay gabadha uu guursaday ninkaani waxay jacleyd wiil kale, waxaase u diiday qoyskeeda, sidaas darteed ninkaan u dhashay India wuxuu doortay inuu gabadhaan u guuriyo jaceylkeedii hore si uusan ugu ciyaarin nolosha seddaxdooda. 4tii bishaan March ayey dhacday qisadaani, 28 sanno jirkaan Basudep Tappo wuxuu kazoo jeedaa xaafadda Palmara ee ka tirsan gobolka Odisha ee dalka India, wuxuuna guursaday gabar 24 sanno jir ah oo kasoo jeeda xaafadda Jharsuguda, guurkoodana labada qoys ee ay kasoo jeedaan ayaa soo qaban-qaabiyey, wuxuuna ahaa aroos dhaqameedka India. Balse lix cisho oo qura ayey ahaayeen nin iyo xaaskiisa, maxaa yeelay maalintii todobaad, seddax nin oo uu ka mid ahaa ninkii ay gabadhu horay u jecleyd ayaa soo booqday guriga Basudep Tappo, halkaasoo looga sheeko bogtay qisadii jaceyl ee isaga ka horreysay. Xitaa gabadhaan ayaa u sheegtay seygeeda Basudep Tappo in qoyskeedu ay u diideen jaceylkeedii hore ka dibna ay isaga u guuriyeen. Marka ay halkaas mareyso, Basudep Tappo ayaa keenay xalka ugu fiican, wuxuuna la xiriiray waalidka gabadhaan isagoo ku qanciyey inay u guuriyaan xaaskiisa ninkii ay horay u jecleyd. Hooyada dhashay Basudep Tappo oo lagu magacaabo Sanibari Tappo lana hadashay majaladda The Times of India ayaa daaha ka qaaday in wiilkeedu uu yahay boqor jaceyl maadaama uu xal caaqil keenay, sidoo kale Tappo qudhiisu wuxuu qirtay inuu u bareeri waayey inuu burburiyo nolosha jaceyl ee seddax ruux. Guddoomiyaaha xaafadda Pamara oo lagu magacaabo Gajendra Bagh ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aankaan Basudep, halka ay dadka degan xaafadduna ugu duceeyeen goobtii uu isugu guuriyey shimbirihii jaceylka ee ku sigtay inay iswaayaan. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdhso (Caasimdda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kaftan leh uga hadlay shirarka ay magaalada Muqdisho ka wadaan xildhibaannada wada mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). “Kulahaa “197 Xildhibaan” ayaa maanta iskugu yimid kulankii qadada ahaa ee ay soo agaasimeen Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre!. Waxaan ugu bishaareynaynaa saaxiibadeen in Gudoomiye Jawaari aqbalay in cod loo qaado. Tirada ay u baahanyihiina ay tahay 184 cod oo kaliya..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kaftan ah ku weeray Xildhibaanka ayaa talo kale u jeediyay xildhibaannada ka soo horjeeda Jawaari isagoo yiri: “Saaxiibo yaalow intaad iska dhaaftaan buula-xuuftada qadooyinka, shirarka jaraa’id iyo nambarada beenta ah ee la isku dhufsanayo mooshinkiina miiska soo saarta, noona ogolaada inaan cod ku kala baxno. Maadaama tiradii aad u baahnaydeen mid ka badan aad haysataan sida aad isku sheegteen… HADII KALE SAAXIIBO YAALOW MASAAJIDKA CIYAARTA KA DAAYA! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland C/risaaq Nuur Cumar oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland ee Magaalada Bosaaso ayaa faah faahin ka waxa uu ka bixiyay khasarihii ka dhashay doonidii Maanta ku bas beeshay Meel 5 mail ujirta dekeda Bosaaso. Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in doonidan ay urarnayd Ganacsatada Puntland taas oo katimid dalka isutaga Imaaradka Carabta . Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in aysan awood ulahayd in ay badbaadiyaan doon taasi, maadaama ay waxbadan ay ka fogayd dekeda Bosaaso . Waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kamid ahaa shaqaalihii saarnaa doontaasi, dabkana uu ka kacay Matoorka doonta gudaheeda. lama shaacin ilaa iyo hada cacadka hantidii saarneed doontaasi inta ay gaarayso. Ma aha doonidii ugu horaysay oo sidan oo kale ugu bas beesho dekeda Bosaaso , sanadkii 2017 kii ayay ahayd markii dooni ganacsi oo urarneed qaar kamid ah ganacsatada Puntland ay kudagtay meel aan ka fogayn dekeda Bosaaso . Halkan ka dhagayso codka Wasiirka kana daalaco sawirrada. Wasiir kuxigeenka dekedaha
  17. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u qaabilsan Afrika Mudane Luciano Pezzotti iyo Safiirka dalkas ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile sidii dalka Talyaaniga ay uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee Gobolka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan soo celinta xiriirka Caasimaddu ay la lahayd magaalooyinka kale ee dunida, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, soo celinta bilicda iyo tayeynta shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar. “Danjiraha iyo Saraakiisha safaaradda dalka Talyaaniga ee Soomaaliya waxaan isku af garanay muhiimadda ay leedahay in la soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyey magaalooyinka dalka Talyaaniga iyo Magaalada Muqdisho, si aan isu dhaafsanno khibradaha dhanka maamulka, xoojinna ay u noqoto dib u dhiska mashaariicda horumarineed.” Inj. Yariisow ayaa sidoo kale tilmaamay in ay masuuliyiinta dalka Talyaaniga ka wada hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dajinta dadka barakacayaasha ee ku nool gobolka Benaadir, arrinkan oo uu sheegay Guddoomiyehu in ay xal u helistiisa kala kaashanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Qaramada Midoobey, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. “Dad kor u dhaafaya 500,000 oo barakacayaal ah ayaa ku nool Gobolka. Si aan xal ugu helno, dib u dajinna iyo nolol munaasab ahna aan ugu sameeyno waa in aan la kaashannaa cid kasta oo gacan naga siin karta xal u helisteeda, sababtoo ah ma aqbali karno in Caasimaddii ay dad barakac ku yihiin iyadoo Soomaaliya ay ka soo kabaneyso bur burkii,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ku weheliyey Guddomiyaha Ku Xigeenkiisa Arriimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, iyadoona dhinaca Talyaaniga ay ka soo qeyb galeen. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/DHAGEYSO_Yariisow_Muqdisho.mp3 PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u Qaabilsan Afrika appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) — Dab sababay dhimashada lix ruux oo hal qoys ah ayaa ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Hooyo Soomaaliyeed iyo lix caruur ah oo ay dhashay ayaa dabkaan ku dhintay. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobollka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u sheegay inay u gurmadeen guriga uu dabku ka kacay. Hase yeeshee, nasiib darro ay badbaadin waayeen nolosha qoyskii gurigaan deganaa. Aabaha dhalay caruurta ku geeriyootay guriga uu dabku ka kacay ayaa warbaahinta u sheegay inuu xilli dambe kusoo baraarugay dabkaan guriga qabsaday, markii uu isku deyey inuu guriga qoyska ka saarana isku daygiisii wuu ku guuldarreystay. Hooyada dhashay caruurta ayaa lagu soo waramayaa inay diiday inay kaligeed dabka ka baxsato iyadoo dooneysay inay caruurteeda badbaadsato, balse nasiib xumo iyada iyo shanteedii caruurta ahaa ayaa ku geeriyooday dabkaan oo wixii intaas ka dambeeyey sii xoogeystay. Lama oga sababtii ka dambeysay inuu dabkku ka kaco gurigaan, iyadoo deriskii u gurmaday iyo gaadiidka dab-demiska ah ee maamulka gobolka Banaadir ay badbaadin waayeen qoyskaan. Caasimada Online Xafiiska Mogadishu Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen illo ka madax banaan dhinacyada isku hayo Khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ilaa 196 xildhibaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL . Xildhibaanada kulankaan yeeshay oo dhammaantood ahaa kuwa kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka uu Guddoonka Baarlamaanka ku aqbalay in cod la geliyo mooshinka laga soo gudbiyey. Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa si cad u sheegay inuu Jawaari ku xad gudbay Dastuurka dalka isla markaasna uusan sii ahaan doonin Guddoomiye. Waxay sheegeen inay isku kalsoon yihiin isla markaasna ay ku qanacsan yihiin in codka Kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka. Xildhibanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dhex arkayey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre sida: 1) Wasiirka Maaliyadda 2) Wasiirka Amniga 3) Wasiirka Dhallinyarada iyo isbooriska 4) Wasiirka Gaashaandhiga 5) Wasiirka Ganacsiga 6) Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta 7) Wasiirka Xanaanada Xoolaha 8) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta 9) iyo dhawr wasiir ku xigeeno Xaaladda Jawaari ayaa u muuqato inay mugdi sii galeyso, waxaana maalinba maalinta ka dambeyso sii kordhaya tirada Xildhibaanada kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu aqbalay mooshinka laga keenay isla markaasna uu sheegay in loo codeyn doono muddo 10 maalin ah kadib sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.
  20. Bosaso-[Puntland Post]-Labo Ruux oo kamid ah 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Dhaawaca labadaan Ruux ayaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland. Doonta ayaa sidoo kale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd oo isugu jirtay Bagaash,Gawaari,Shidaal,Gaaska cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland. hoos ka Daawo Muuqaalka Doonta Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Daawo”Dooni Ganacsi oo Ku Gubatay Xeebta Magaaladda Boosaso. appeared first on Puntland Post.
  21. Dadka aan siyaasada dabaysheeda dhanka ay u socota garanaynin aad bay ugu wareereen khilaafka cusub ee soo if baxay dadkaas waxaa ka mid ah xildhibaano mug wayn ku leh dalkeena waxaa sidoo kale ka mid culimo aad looga yaqaano dalka. Gudoomiye jawaari ayaa jeediye maalin ka hor inay mooshinkiisu ka dambayso xukuumada Hassan Ali Kheyre tahayna waxa loo ridayo inuu diiday inuu saxiixo ama meel mariyo go aano ku ah qiyaano shacbiga soomaaliyeed go aanadaas ma uusan sharixin , wuxuu sidoo kale baaq u diray baarlamaanka iyo beesha caalamka inaan arinkaan la dhayalsan sidoo kale Jawaari wuxuu baaq aan horay looga baran u diray Shacbiga soomaaliyeed isagoo u sheegaya in ay xukuumadu khiyaamayso shacbiga . Sida la sheegay xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari oo uu ku eedeeyey inay dabada ka riixayso Xukuumada waxay qabteen shirar is xig xigay kuwaasoo laga dheehan karay kalsoonida ay isku qabaan Hadaba yaa dadkii wareeriyey oo waxaan jirin u sheegaya shacbigii ma Jawaari mise Xildhibaanada Mooshinka ka wada JAWAARI : Hadaan ku hor marno wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaalo ay xukuumadu saxiix ku tiri ayna ka dambayso mooshinkiisa sidoo kale wuxuu si hoose xildhibaanada ugu sheegay in xukuumadu aysan raali ka ahayn mooshinkii DP WORLD ee todobaadkii tagay la meel mariyay sidaasna ay ugu kadsoomeen xildhibaano uu ka mid yahay Zakariye. Markaad eegtana xukuumadaan raali ka ahayn in DP WORLD la cayriyo waa war aan bislayn una baahin karkarin. XILDHIBAANADA MOOSHINKA WADA: iyaguna waxay odayga jawaari ah ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadyadii baarlamaanka shaqooyin badan oo socdayna uu is hortaag ku sameeyey sida ansixinta hindiso sharciyeedyo badan waxaa sidoo kale warar kale oo madax banaan sheegayaan inuu odaygu waa Jawaariye ka dalbaday madaxda qaranka Lacag uu ku meel mariyo Dhamaan shaqooyinka taagan kagana difaaco dawlada mooshinada lagusoo wado taasoo ay madaxdu ka biyo diideen inay fuliyaan kadibna uu odaygu bilaabay dardar gelinta Mooshin Madaxa xukuumada lagu ridayo balse looga guuleystay lagalana hormaray xabadii . Fashilka Jawaari waxaa ka dambeeya xildhibaanada Mucaaradka ah iyo kuwa u adeega Dawlada yar ee EMIRATEKA iyo hamigiisa ah inuu wali moodayo in la joogo xiligii baada Ugu dambayn shirar badan oo lagu dhex dhexaadinayay ayaa fashilmay sidoo kale maxadwaynaha ayaa arintan daraadeed uga baaqday safar uu ku tagi lahaa Dalka Qatar waxayna u badan tahay maadaama uu Jawaari sii huriyay inaan laga aqbalin heshiis balse uu odaygu tagi doono , haduuse joogo waxaad moodaa inuu noqon doono nin ka tanaasulay dhamaan wixii khilaafka dhaliyay hada ka dibna aan is waali doonin ilaa iyo intuu kasoo kabanayo Wabilaahi Tawfiiq By: Ina Hurre Diiriye???
  22. Bosaso-[Puntland Post]-Munasabad lagu shaacinayey xiliga la qabanayo caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari. Isimo Nabdoono siyaasiyiin iyo waxagarad ayaa ka qeyb galay Munasabada lagu shaacinayey caleemo saarka. 15ka bisha Afraad oo ku beegan maalin khamiis ah ayaa lagu caleemo saarayaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Degmada Carmo oo ka tirsan gobalka Bari, sida ay sheegen gudiga qaban qaabada caleemo saarka. Suldaan Bashiir koonte oo ka hadlaya Munasabada ayaa isimada dhaqanka soomaliyeed ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil oo lagu wado in ay ka dhacdo Degmada Carmo oo ka tirsan ee gobalka Bari,. ”Waxan Isimada dhaqanka soomaliyeed ugu baaqaynaa in ay nagala soo qeyb galan Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaacil , Waxan Rajeynaynaa in aad codsigaya naga Aqbashaan wanu idin sugaynaa diyaarna wanu idin nahay soo dhaweyntiina” sidaas waxa yri Suldaan Bashiir Koonte. Inta ay munasabadu socotay ayaa waxa ka hadlay goobta Nabadoono iyo waxagardkii kulan ka qeyb galaya waxana ay qireen in ay diyaar u yihiin ka qeyb galaka caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil. Ugu danaben munasabada ayaa ku soo dhamaataya Jawi dagan. The post Wakhtiga la qabanayo Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo la shaaciyey appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin Dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa kulankii xalay dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Kulanka ayaa la xaqiijiyey inuu guddoomiya Jawaari meesha ka saaray waanwaan daba dheeraata oo arrinta mooshinka laga galo, wuxuuna dalbaday saddex qodob si mooshinkiisa loo guda galo si cadaalad ahna loogu kala baxo: QODOBADDA WAXAY KALA YIIHIN: 1- In Ciidamada qabsaday laga dul qaado Xarunta baarlamaanka, loona soo celiyo ciidamadii loo tababaray ammaanka xarunta Baarlamaanka. 2- In 10 Maamulood gudahood lagu hor keeno mooshinkiisa Baarlamaanka sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka, taasoo ka bilaabaneysaa 14-kii bishan Maarso. 3- Iyo in Cod bixintu noqoto Qarsoodi, sida uu qorayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay qodobadaasi, balse aanu wax jawaab ah siinin ee uu u sheegay inuu ku wargelin doono, kadib la-tashiyada uu la sameynayo dhinaca kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Bardaale (Caasimadda Online) – Mucjiso haysata gabar ku nool Gobolka Baay ee deeganada Koonfur Galbeed oo korkeeda uu dab ka kacayo, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Gabadhan oo marwo ah ayaa isaga carartay Magaalada Baydhabo, waxayna hadda joogta Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, kadib markii saddex guri oo ay ka degtay Magaalada Baydhabo uu saameeyay dabka korkeeda ka kacayo. Mucjisada haysata gabadhaan ayaa ah mid xag alle ka timid oo dadka illaa hadda ay la yaaban yihiin, maadaama jirkeeda gabadhaan uu dab ka kacaayo oo haddii guri ay joogto uu saameynaayo dabka, gurigana uu gubanaayo. Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, Saalax Axmed Sheekh Caamir Wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal waxaa uu ku sheegay ,in arrintan tahay mid mucjiso ah, haddana gabadha ay joogto Degmada Bardaale oo ay isaga soo carartay Magaalada Baydhabo. “Marka Dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhimbilo holac ah ayaa ka firdhaya, kaasi ayaa gubaya dhammaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waa kacayaa oo kaliya dhimbilo iyo Holac.” Guddoomiyaha Degmada Bardaale. Arintaan oo mucjiso ah, ayaa Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale, wuxuu sheegay inay tahay mid ay aad ula yaaban yihiin, balse dadaalka hadda socda uu yahay kaliya mid gabadha qur’aan lagu saaraayo. Waa dhacdo ku cusub deeganada Somalida in la arko qof dab korkiisa uu ka kacaayo, uuna saameynaayo goobta ay ku sugan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Moscow (Caasimada Online) — Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa gaaray guushiisii ugu weyneyd abid doorashadii dhacday Isniintii. Vladimir Putin ayaana haatan lixda sanno ee nagu soo foolka leh sii maamuli doona dalka adduunka ugu weyn ee Russia, dagaalkii uu kula jiray Galbeedka ayaana sii xoogeysan doona. Putin ayaa haatan illaa sannadka 2024ta sii maamuli doona Russia, taasoo ka dhigan inuu xukunkiisa Ruushku gaari doono rubac qarni (25 sanno), wuxuuna noqon doonaa ninkii ugu taliska dheeraa tan iyo Kaligi-taliye Josef Stalin. Putin oo 71 sanno jirsan doona bisha October ee sannadkaan ayaa ku guuleystay boqolkiiba 76.68 codadkii la qaaday, taasoo ka dhigan inuu helay in k Abadan 56 milyan oo codad ah. Waana guushii ugu weyneyd ee uu gaaro hogaamiye Russia ah tan iyo markii ay ka baxeen Xukunkii Soviet iyo libintii ugu weyneyd ee Putin. Isagoo taageereyaal isku soo baxay kula hadlay Fagaaraha Red Square, Putin wuxuu daaha ka qaaday inay guushaani u aheyd cod kalsooni ah ayna timid waqti adag. Ninkii ugu dhowaa ee la tartamayey Putin wuxuu ahaa Pavel Grudinin kaasoo helay boqolkiiba 11.8 codadkii la qaaday, halka Vladimir Zhirinovsky uu helay boqolkiiba 5.6. Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah Alexei Navalny ayaana laga mamnuucay inuu dalka soo galo. Caasimada Online Xafiiska Mogadishu Caasimada@live.com