-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa weerar Xalay kooxo hubaysan ay ku qaadeen goob ay Ciidamada Amniga ee Gobolka bari gaadiika dadweynaha ay ku baaraan oo ku dhawayd dekeda Magaalada Bosaaso . inta naloo xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo midi uu yahay Askari ka tirsanaa Ciidamadii la soo weeraray iyo wiilyar oo kamid ahaa dadkii goobta ka ag dhawaa, waxaana weerarkan ku dhaawacmay sidookale 5 qof oo shacab ah oo lbo kamid ah ay yihii Haween . kooxdii soo qaaday weerarkan ayaa goobta ka baxsaday sida lasheegay ,waxayna Ciidamada Amniga ay sameyeen howlgalo ay ku so qab qabteed dad latuhun sanyahay , kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Bartamaha Bosaaso. Sidookale shalay Askari katirsan Ciidamada Amniga ee Gobolka bari ayaa lagu dilay Bartamaha Suuqa Caanaha ee Magalaada Bosaaso , waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka fulisay. Mudo sadax bilood ku dhaw ayaa haatan laga joogaan markii kooxo hubaysan ay weerar xoogan ku soo qaadeen Saldhigii Bartamaha ee Magaalada Bosaso halkaas oo uu ku dhaawacmay Taliye kuxigeenkii Saldhiga iyo sadax Arsaki oo katirsanaa Ciidamada Saldhiga ilaalada ka ahayd, waxaana Mas,uuliyada weerar kaasi sheegatay Ururka A-lshabaab . Puntlandi.com Bosaaso .
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in dhawaan ay tababar ciidan siiso Askar ka tirsan maamulka Somaliland. Dowlada Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in tababarkaasi uu qeyb ka yahay heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Millateri oo ay ka dhisanayaan magaalada Berbera. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo u waramaayay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland. Waxa uu Muuse Biixi, sheegay in rajo ay ka qabaan in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood, isagoo tilmaamay in qodobada Heshiiska uu kamid ahaa in tababar lasiiyo ciidamada Somaliland. Muuse Bixi ayaa yiri ‘’Waxaa jira culeysyo badan oo nasoo wajahaaya si aan uga badbaadno waa qasab inaan yeelano ciidamo awood leh waxaana taas naga caawinaya dawlada imaarat-ka Carabta oo aanu kula heshiinay markii aanu galaynay heshiiska Saldhiga magaaladda Berbera’’ “Waxaa ammaanku ku jiraa in ciidan badan oo Millatari ah ay ku sugnaadaan deegaanka” ayuu yiri Muuse Biixi Sidoo kale, Muuse Biixi, waxaa uu rajo ka muujiyay in sanadkan gudihiisa ay Imaaraadka Carabta ku dhameyn doonaan Saldhigga ay ka dhisanayaan meel ku dhow garoonka diyaaradaha Berbera. Talaabadan ayaa imaaneysa xili labadii sano ee lasoo dhaafay Imaaraadka Carabta ay soo dhaweysaneysay maamulka Somaliland, oo Siyaasad ahaan ay aad isku khilaafsan yihiin dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Imaaraadka oo ciidamo cusub u tababaraaya maamulka Somaliland & Biixi oo ka hadlay qorshaha ciidamada cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (PP) ─ Safaaradda Somalia ee Magaalada Ankara dalka Turkiga ayaa lagu wareejiyay dhul gaar ah oo laga dhisi doono xarunta safaaradda, hoyga safiirka, xarun dhaqan iyo dhismayaal kale. Danjiraha Somalia ee Turkiga, Jaamac Ceydiid ayaa sheegay in shan bilood ka hor ay ka dalbadeen wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga dhul, isla markaana mudadaas ay ku howlanaayeen soo qiimeynta dhulka iyo sharci u sameyntiisa. Dhulka la siiyay safaarada Somalia ayaa cabirkiisa yahay 5000-mitir oo laba jibaanan oo ku yaalla xaafadda Incek, kasoo horjeedka Jaamacadda weyn ee Ufuk University ee Magaalada Ankara. Sidoo kale, Dhulkaan cusub ayaa wuxuu ku dhex yaallaa mid ka mid labada xirmo ee safaaradaha loo asteeyay, iyadoo haddii la dhiso uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay Soomaali ku yeelato dalka Turkiga. Safiirka Somalia ee Ankara oo ay wehliyeen wasiirka kaluumeysiga Somalia oo booqasho ku jooga Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay dhulka la siiyay safaaradda oo la filayo in dhowaan la dhiso. Dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay iminka degan tahay ayaa ah dhismo yar oo kiro ah, waxaana ay ku howl galaysay toddobadii Sano ee u dambeeyay. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa horay safaarada Turkiga ee Muqdisho u siiyay dhul ku yaalla Degmada C/casiis oo u dhow xeebta Liido, halkaasoo laga dhisay dhismaha ugu weyn ee safaarad ku leedahay caalamka. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo ku wareejisay Somalia dhul ballaaran oo ay ka dhisato Safaarad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay Qaramada Midoobay baahiso Sannad walba oo ku aaddan farxadda ayaa waxay Somalia ka gashay kaalinta lixaad, halka dalka Mauritius ay ka gashay kaalinta koowaad, iyadoo wadanka Burundi uu noqday dalka ugu murugada badan Qaarada Afrika. Warbixinta ayaa lagu sharraxay sida ay kaalimaha u kala galeen illaa 156 dal oo dunida ah, iyadoo la eegayo inta qofka uu noolaan karo, musuqmaasuqa, xorriyadda iyo qodobbo kale oo muhiim u ah nabadda iyo nolosha. Sidoo kale, Warbixintan ayaa lagu xusay in dalka Mauritius uu kalaita 2-aad kasoo kacay, isagoo ka saaray booska dalka Algeria oo sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2017 ahaa midka ugu farxadda badan ee Afrika. Dalka Soomaaliya ayaa noqday wadanka ugu farxada badan leh waddamada ka hooseeya saxaraha, isagoo kaalinta 6-aad ka galay guud ahaan Dalalka ku yaalla Qaarada Afrika. Balse, arrin la yaab leh noqotay in dalka Liibiya oo colaado ay ka jiraan uu noqdo dalka labaad ee Afrika ugu farxadda badan, iyadoo waddankaas laga soo tabinayay sannadihii u dambeeyay dhibaatooyin loo geysto dadka kasoo Afrika ee tahriibka ku mara dalkaas. Dhanka kale, Waddanka Nigeria oo kaalinta 6-aad ku jiray sannadkii 2017-ka ayaa sannadkan galay kaalinta 5-aad, inkastoo Dowladda waddankaas ay dagaal kula jirto ururka Boko Haram. Ugu dambeyn, Waddanka ugu faraxadda badan caalamka ayaa waxaa galay sannadkan dalka Finland iyadoo sannadkii hore uu kaalinta koowaad ay ku jirtay Norway oo ka mid ah dalalka Yurub ku yaalla. Haddaba, Akhriso sida ay waddamada Afrika ugu kala horreeyaan Farxadda; Mauritius Libya Algeria Morocco Nigeria Somalia Cameroon Gabon South Africa Ivory Coast PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo kaalimaha hore ka gashay Dalalka ugu farxada badan Qaarada Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Maqaalkaan waxaa qorey Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed, horeyna uga tirsanaa bahda Warbaahinta. Wuxuuna ku daabacay Page-kiisa Facebook-ga. 48dii saac ee ugu dambeysay saaxiibo badan ayaa i waydiiyay aragtidayda la xiriirta dhul-gariirka siyaasadeed ee u dhaxeeya xoogaga hoggaanka hay’adaha fulinta iyo sharci-dajinta. Sidaas aw-geed, waxaan idinla wadaagayaa aragtidayda halka ay ku dambaynayso hillaaca roobkaan mahiigaanka ah ee hadda ka dhex curtay Baarlamaanka. Marka ugu horreysa Mooshinka Jawaari laga keenay waxaa ka horreeyay oo muddo socday Mooshin-ka PM Xassan Cali Khayre. Xalkuna wuxuu noqday sida idiin muuqata “Qaniiyo ayaa qaniiya kaa fujisa” Hardankaan wuxuu jahwareer aad u daran ku riday Tageerayaashii #NabadIyoNolol oo lakala saftey dhinacda. Wuxuu kaloo jihada saxda ah ka qariyay Shacabka Soomaaliyeed oo waayay macluumaad sax ah, si ay u gaaraan go’aanno sax ah. Qalabka Warbaahinta ayaa noqday sunta dadka ka ilmaysiisa ee loo isticmaalo Mudaharaadyada ama Banaanbaxyada. Sababtoo ah ma jirto illaa hadda Warbaahin baaritaan sax ah samaysay. Jahwareerkii ayay qayb ka noqdeen iyaguna. Tanse ugu daran waa in Warbaahinta loo adeegsaday in la isku xiro sheekooyin waali ah oo aan shuqul iyo shaqo isku lahayn sida Imaaraad Iyo Qadar Khilaafkooda in ay arrintaan la xiriirto!!! Sidee ula xirtaa fasiraad cidina kama bixin weli ?? Waa sheeko Baraley marka tani. Halkaa markay joogto Ma imaan karto Su’aal ah “Horta Yaa saxan Yaase khaldan dhinacyada ?” Waayo Annagu Maxkamad ma nihin xukun sharci ah rida. Balse waxaa rabbi nasiiyay damiir aan ku garanno wax kasta oo maslaxadeena iyo mustaqbalkeena dhaawacaya, iyadoo aan is waydiin karno Xilligaan qalafsan oo uu dalku waajahayo Qalalaase Siyaasadeed oo gobolka ah ma saxbaa in lagu kala adkaado MOOSHIN ? Maya saan is leeyahay. Maxay ku dambayn arrintaan ? Taariikhdu iyadaa macalin ah, waxayna u egtahay in ciyaartaan ay ku dhammaanayso 0-0 “Win win Game” Si la mid ah Hardankii u dhaxeeyay Madaxwayne Xaaf, Kuxigeenkiisa Carabey, Iyo G/ Baarlamaanka Galmudug. Taasi oo natiijadii ay ku dhammaatay ay ahayd in uu dhinacyadii is hayay oo dhan isugu yeeray Madaxwayne Farmaajo, kaddib-na uu hishiis caafimaad qaba ka saxiixay. Si la mid ah Nidaamkii uu Galmudug u xaliyay ayay ila tahay in uu Madaxayne Mohamed Farmaajo u xallinayo arrintaan. Waayo wey muuqataa Mowqifka Madaxwaynuhu uu qaatay marba haddii uu shalay bilaabay in uu la kulmo dhinacyada is haya. Xalkaas ayaana ah kan midayn kara Baarlamaanka oo hadda noqday labo garab oo labo mooshin gacmaha ku kala sita. Waxaa jirta aragti kale oo ay dadka falanqeeya siyaasada ay qabaan oo ah in haddii uu Jawaari bad-baado in Kheyre uu kursigiisa luminyo, haddii uu Jawaari meesha ka baxana in Kheyro uu dhammaysanayo 3sano ee u hartay. Balse annigu marna ma qabo in la-kala adkaado in ay xal keenayso. Waa rajo beel iyo Baarlamaan intay labo garab noqdaan maalinba koox la caysado. Halkaasina waxaa ku dhimanaysa rajada aan ka qabno dalkaan soobakashada ku jira. Fursada aan haysano oo qura waa Madaxwaynaha oo qaata doorkiisii shariif-ka ahaa ee aan horey uga baranay. Wixii aan khalday naf iyo shaydaan bay ka ahaatay, wixii aan saxayna Allaa i solonsiiyay. W/Q: Mohamed Abdullaahi Kooshin Email: Kooshinyare2002@gmail.com. The post Maqaal Muxuu ku dambeyn Khilaafka Jawaari iyo Kheyre ? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulammo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, waxaana arrintan ay timid kaddib markii dhawaan uu burburay mooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, kasoo la doonayay in xilka looga xayuubiyo. Xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo kuwii mooshinka ka keenay ayaa kulammo gooni-gooni ah maanta ku leh Xamar, kuwaasoo ay kaga hadlayaana halka ay maraaan siyaasadahooda iska soo horjeeda, sida ay inoo xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan kuwa kulammada leh. Kulammadan midkood ayaa ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa oo hoy u ah Prof. Jawaari, kulankaas oo lagu casuumay xildhibaanno boqol ka badan kuwaasoo qaarkood ay taageersan yihiin guddoomiyaha halka kuwa kalena taageero looga raadinayo inay moqifkan taageeraan. Sidoo kale, kulan kaas kasoo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaannada kasoo horjeeda guddoomiye Jawaari ayaa ka dhici doona Hotel SYL oo ku dhaw madaxtooyada, waxaana la sheegayaa in shirkan laga soo abaabulay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Wararka ayaa intaas ku daray in kulammadan ay yihiin kuwo xildhibaanadan kala aragtida duwan ay kusoo bandhigayaan awoodooda, inkastoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona. Dhanka kale, Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa la rumeysan yahay in xukuumadda ay doorka ug weyn ku leedahay, iyadoo saxiixayaasha mooshinka ay u badnaayeen xildhibaanno wasiiro ah. Ugu dambeyn, Khilaafkan siyaasadeed ee ka dhex-bilowday xukuumadda iyo baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho hay’adaha dowladda. PUNTLAND POST The post Kulammo siyaasadeed iska soo horjeeda oo Maanta ka socda Qaybo ka mid ah Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
ABU DHABI (Reuters) – The United Arab Emirates (UAE) will train Somaliland security forces as part of a deal to establish a military base in the semi-autonomous region, Somaliland’s president said on Thursday. UAE government officials could not immediately be reached for comment – but the UAE has committed to invest hundreds of million dollars in recent years in the territory on a strategically important stretch of coastline on the Gulf of Aden. The UAE began construction last year of a base on a site at the airport of the Somaliland port city Berbera, and will be allowed to maintain a presence for 30 years. Berbera is less than 300 km (190 miles) south of war-torn Yemen, where UAE troops are fighting rebels as part of a Saudi-backed coalition. President Muse Bihi Abdi said the UAE would train police and military in Somaliland, which wants independence from war-torn Somalia but is not recognised internationally. He said he expected the agreement to be finalised within two months. “They have the resources and the knowledge,” Abdi told Reuters in an interview in Abu Dhabi. UAE has become more assertive in its foreign policy in recent years. The UAE Armed Forces have been fighting in the Yemen conflict since 2015 and in the past deployed in international operations including Kosovo and Afghanistan. Abdi said the military base, which he expects will be completed this year, will guarantee economic development and security for Somaliland and act as a deterrent to extremist groups in the region. Somaliland’s Foreign Minister, Saad Ali Shire, who was present during the interview, declined to disclose how many UAE soldiers would be stationed at the base. “POLITICAL MISTAKE” Several regional powers have set up military bases along the Horn of Africa coastline, including Turkey in Somalia’s capital. The United States, China, Japan and France all have bases in neighbouring Djibouti. “It’s safer to have a lot of military in the area,” Abdi said. Abdi said he hoped UAE investments, including a new civilian airport and a road connecting Berbera to landlocked Ethiopia, will lead to a “huge creation of employment” in Somaliland where unemployment is rampant. “The biggest threat to Somaliland is poverty,” he said. Dubai’s DP World is also developing Berbera port and building a free trade zone nearby. This week, Somalia’s parliament voted to ban DP World from the country, an act that it said had nullified the agreement. Abdi said the vote was a “joke” and a “political mistake” that would have no impact on the DP World agreement that includes the government of Ethiopia. Somaliland broke away from Somalia in 1991 and has acted as a de-facto state since then.. Abdi also said he expected the UAE would make a hard currency deposit into Somaliland’s central bank but added that there had been no agreement between the two sides. Reuters
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay waqti dambe Kormeer amni ku tagay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir. Kormaarka Ra’isul wasaaraha sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo Ciidan. Kahor inta uusan Ra’isul wasaaraha bilaabin kormeerkiisa ayaa waxaa Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka lagu daadiyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada iyo wadooyinka waaweyn, kuwaasi oo ammaanka xaqiijinayay inta uu kormeerka socday, si aysan u dhicin arbushaad. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay baraha Kontorool ee Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi iyo xarunta degmada, waxayna Ciidamada xilligaasi ku guda jireen howlahooda shaqo. “In Habeen saq dhexe ah aan joogno degmada Hilliwaa waxa ay ka dhigan tahay Nabadda oo ku sii baaheysa guud ahaan dalka, waxaan diyaar u nahay in har iyo habeen aan u shaqeyno shacabka Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo Ciidamada waxaan ku dhiiragelinayaa in ay kordhiyaan waajibaadkooda, maxaa yeelay shacabka adinka ayay idinku seexdaan.” Ayuu yiri Khayre. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa 14-kii bishan xilli habeen ah ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed. Khayre ayaa balamiyay Suxufiyiinta, waxaana loo sheegay Wariyeyaasha in uu Kormeer sameynayo Khayre, sidaasi awgeedna 12:00 habeenimo ayaa Suxufiyiinta la isugu geeyay Daljirka Daahsoon, halkaasi oo lagu diyaariyay gaadiid badan oo qayb ka noqon lahaa kormeerka Ra’iisul Wasaare Khayre. Intaasi kadib ayaa Suxufiyiinta waxaa loo sheegay saacad kadib inuu baaqday kormeerkii Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii la helay xogta ku aadan Xildhibaano waday abaabul Mooshin ah. The post Sawirro: RW Kheyre oo xili saq dhexe ah kormeer ku tagay Degmada ugu halista badan Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan maamulka oo ku sugnaa fariisin ay halkaa ku lahaayen. Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bam gacmeedyo ayaa weerar gaadmo ah habbeenimadii xalay ku qaaday fariisin ay ciidamada ku sugnaayen, waxaana la xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen askar iyo dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay hal Askari iyo qof Shacab ah ayaa ku geeriyooday weerarkaas, sidoo kale Seddax qof oo shacab ah ayaa dhaawac uu ka soo gaaray sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka. Weerarka Bambaano ayaa waxaa geystay ruux ku HUbeysnaa Bamka iyo bastoolad, oo ay wehlinayeen Seddex maleeshiyo oo kale. Weerarkan Bambaano ayaa kusoo beegmaaya xili shalay Magaalada Boosaaso lagu dilay laba qof oo shaacb ah iyo hal Askari iyadoona mas`uuliyada weerarkaas ay sheegteen maleeshiyaadka al-Shabaab. Deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa kusii kordhaaya Qaraxyada loo isticmaala gaadiidka, Bamgacmeedyada iyo dilalka loo geysto Saraakiisha, Ciidamada iyo dadka shacabka ah. Dhinaca kale, waxaan jirin wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ee Gobolka Bari, gaar ahaan kuwa Boosaaso oo ku aadan weerarkii xalay ka dhacay Magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Magaalada Boosaaso oo marti galineysa Qaraxyo iyo dilal lala beegsanaayo mas’uuliyiinta iyo ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Somalian online delivery startup Gulivery has already expanded to the capital Mogadishu after its launch in Hargeisa last year, and is planning expansion across East Africa over the next few years. Source: Hiiraan Online
-
Rwanda has banned mosques in the capital, Kigali, from using loudspeakers during the call to prayer. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Prensa Latina) The Cuban Embassy in Ethiopia paid homage to the 163 Cuban fighters killed in the battle of Ogaden, the victory of which occurred 40 years ago marking the end of the Somalian invasion into this neighboring country. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland’s labour and employment agency launched a registration campaign to promote government workers on Thursday. “We want to learn the exact number of the government employees that’s why we are making the registration, said Sharmarke Ahmed Muxumed Gelle,” Chairman of the labour and employment agency. The registration has already been started in the Administrative region in northern Somaliland and the same applies provinces and regions across Somaliland.
-
Waxaa 27 sano ka dib si rasmiya shaqadeeda ula wareegtay Hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka Soomaaliya oo ka mid ah afar qodob oo dastuurku awood u siinayo dowladda dhexe, Iyadoona magaalada Garoowe lagu daahfurey nidaam soo bandhigaya wixii hadda ka dambeeya in hal qorshe, siyaasad, iyo mid maamul-ba ku shaqeyn doonaan xafiisyadda hay,addu ku leedahay Gobolladda dalka. Hay,adda ayaa dhisme weyn laga xukumayo dhamaan laamaha ku yaala Bosaso,Gaalkacyo,Badhan iyo Buuhoodle ka hirgalisay magaalada Garoowe ka dib markey maalmo ka hor ka rartey qalabkii iyo shaqaalihii hay,adda oo 15-kii sano ee u dambeeyay ku shaqeyn jirey guri uga kireysnaa magaalada Garoowe. Maamulka Hay,adda ee qeybta Puntland ayaa si rasmiya u shaaciyay in la mideeyay guud ahaan dalka Soomaaliya nidaamkii shaqada hay,adda islamarkaana ay hadda isu diyaarinayaan sidii ay xarumo cusub uga samaysan lahaayeen Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha Puntland ka dib markey ku guulaysteen maamulladda ka jira dalka oo ku wareejiyay qeybo aan horey u hoos imaan jirin Hay,adda socdaalka. Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa warbixin maqal iyo muuqaal ah ka diyaariyay dhaqaajinta hawlaha shaqada mid ka mid ah hay,addaha dastuuriga ee dalka Soomaaliya. Daawo. Abshir Dhiirane PUNTLND POST The post Somalia:-27 sano kadib hay,adda socdaalka iyo jinsiyadda oo la wareegtay shaqadeeda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Senator Muno Cumar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanaka Somalia, ayaa aad u dhaliishay talaabada ay Xildhiabaanada baarlamaanka ku caburinayaan shirkada DP World iyo Somaliland. Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo u muuqatay mid taageersan Heshiiska Berbera ayaa aad uga soo horjeesatay in laga dodo Heshiiska Berbera. Waxa ay Xildhibaanadu ololo wakhti qaatay ku bixisay sida loo dib dhigi lahaa dooda, hase ahaatee waxa ay carro kala duldhacday Xildhibaanada kale ee meelmarinaayay go’aanka DP World looga eryay guud ahaan Somalia. Muno Cumar Xasan, waxa ay sheegtay in kursiga ay ku fadhiso ay ku mataleyso Somaliland, isla markaana dooneyso in leysku soo dhawaado, hase ahaatee waxaa haddalka iyo qeyla dhaanta Muno aan dhag jalaq usiin Xildhibaanada kale oo aad uga careysnaa falka ay ku kaceen Somaliland iyo DP World. Senator Muno Cumar Xasan, waxa ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku tilmaantay inay yihiin kuwo aad u caadifeysan isla markana u taagan in mar waliba lagu degdego go’aanada horyaal. Waxa ay Muno Cumar Xasan dood u muuqata mid ka ilmeysiisay ka keentay sababta dowlada Ethiopia looga reebay doodaha laga qabo Heshiiska DP World, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in go’aanka uu Aqalka Sare ku taageeray baarlamaanka Somalia ay tahay mid mugdi badan ku jira. Muno Cumar Xasan, oo u muuqata mid il meyneysa ayaa aad u dhaliishay go’aanka ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku taageereen laalida Heshiiska Dekadda Berbera, waxa ayna dalbatay in la cadeeyo sababta doodaha ka dhashay Heshiiska looga saaray dowlada Ethiopia. 28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan. Mar haddii xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka, xilligaasi wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona fulinta in dalka laga eryo DP World. SAWIRRO SENATOR MUNO CUMAR The post Daawo: Senetor Muno Cumar oo ka ilmeysay go’aanka uu Aqalka Sare dalka uga eryay Shirkada DP World appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa joojisay Muxaadaro siyaasadeedoo uu qaban lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, taasoo ay soo qabanqaabisay ay Madasha Wadatashi . Madashan oo ka dhici lahayd Hotelka Saxaf ee magaalada Muqdisho kadib maqribka Caawa ayaa waxaa la sheegay in NISA ay maamulka Hotelka amar ku siisay inaan la qaban karin madashaasi oo ahayd mid uu muxaadaro ka jeedin lahaa C/raxmaan c/shakuur, loogana hadli lahaa xaaladda ay wajaheyso siyaasadda Soomaaliya. Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Hotel Sahafi oo diiday in magaciisa la xuso ayaa caasimadda Online u sheegay inay lasoo xiriireen Nabad Sugidda isla markaasna lagu wargeliyey inuusan kulankaas ka dhici karin Hotelka. Sidoo kale waxaa Arrintan goor dhoweyd shaaciyey C/raxmaan C/shakuur oo farriin uu soo diray ku sheegay sida soo socota: Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas. Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas. Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka. The post Hay’adda NISA oo Caawa joojisay Madal Siyaasadeed uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kadib doorashadii dadbaneed ee Barlamaanka 10 aad ayaa laga filayey in uu gaaray bisayl iyo qaangaar Siyaasadeed kadib markii uu dhaxlay waaya aragnimo 9 Barlamaan in ka badan 60 sano laga soo bilaabo 1956 ilaa 2018, xilligaas oo gudoomiye Jawaari kasoo bilaabay dawladda Agaasime ilaa Gudoomiye Barlamaan. Abwaan Cadbdi Shire ayaa Barlamaankii 9 aad u tiriyey hees cinwaankeedu ahaa “Xildhibaanow xaal qaado” anigana xaal ayaan ka bixiyey qoraalkii habeen hore aan ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ka fiicanyahay kuwii ka horeeyey. Laakin Maah maah Carbeed ayaa aheyd “ilmihii aabihiis u ekaada danbi ma gelin”. Dadka Somaaliyeed ee u riyaaqay furitaanka kalfadhiga 3 aad iyo qorshaha qaran ee la soo bandhigay, Qaraarkii taariikhiga ahaa ee Xukuumada iyo Barlamaanku ka gaaren DP World, heshiiskii dawladda Federaalka iyo dawlad gobaleedyada iyo shirka Baydhabo loo balansanyahay 28 bishaan, qodobadaas oo muujiyey yedidiilo Siyaasadeed iyo Rajo mustaqbal Somaliyeed ayaa nasiib darro shalay lagu waa bariistay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo galab-nimadii la sheegay in uu Saqiiray, hadana Subaxaan la sheegay in uu noolyahay, kuwa kalena ku jiraan jeebabka Xildhibaanada, arrintaas oo dilaysa kalsoonidii lagu qabay Barlamaanka iyo rajadii laga qabay dalka iyo dawladu in ay horey u socdaan. Su’aashu waxa ay tahay maxaa xilligaan keenay Mooshinada kala duwan ee Barlamaanka? Maxaase ka maqan Xildhibaanada oo ay ka rabaan Mooshinada Madaxda? 1-Mooshinada iyo is bedelada waxaa laga sameeyaa dhaqaale, waxaana la kala kacsadaa kuraasta. 2-Mooshinada waxaa lagu muujiyaa awooda Barlamaanka iyo joogteynta cabsi gelinta madaxda. 3-Baqdin Barlamaanka in awooda ay ka qaataan golaha amniga qaranka ama madasha madaxda Federaalka iyo Gobalada. 4-Ciyaarta Mooshinka oo u baahan Garoon iyo Cayaartoy sida; garoonka khilaafka madaxda ugu sareysa balse sanadkaan laga quustay khilaaf Madaxweynaha iyo R/wasaaraha. Laakin waxaa muuqata in lagu guuleystay khilaafka Guddoonka Barlamaanka oo u sahlaya ciyaarta Xildhibaanada. Hadii aad wareysato Xildhibaanada iyo Madaxda waxa kala haysta oo ay Mooshin ku muteysteen waxey kuu sheegayaan: Qaabilaad ayaa la ii diiday, Telefon ayaa la iga qaban waayey, Xubin guddi ayaa la iga reebay, Lacag ka baxsan mushaarka ayaa la ii diiday, Kursi aan xaq u lahaa ama aan mudnaa ayaa qof kale la siiyey, Beesheyda ayaa la dulmiyey iwm. Waxaana muuqata in dadka Somaliyeed ay ka hor mareen Xildhibaanadii hoggaaminayey, ayna ka sugayaan arrimo waaweyn oo qaran halka ay ku mashquulsan-yihiin dano yar yar. Hadaba waxaa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiya Aqalka Sare la gudboon in ay deg deg u fidiyaan gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo Goddoonka Golaha Shacabka iyo xubnaha Barlamaanka inta uusan daadka Mooshinadu soo gaarin “Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee ma laha majo la qabto”. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanoow xaal qaado! ‘’Maxaa la iiga farxaa! Berri ayaan lumiye’’! appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Maaamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku shirsan magaalada Baydhabo iyaga oo isugu yimid ka qaybgalka shirka afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo sedexdii bilba mar qabsooma. Shirka Madasha oo uu maanta furay Ku-Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen ayaa beri soo xirmi doona inta uu socdana waxaa looga hadli doonaa qodobo badan oo ay kamid yihiin horumarka laga sameeyay arrimaha Dastuurka. Wasiir Cabdi Xoosh oo shirka Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradda Dawladda Federaalka ee sedexdii bil ee la soo dhaafay. “Runtii boqolkii maalin ee la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay waxqabad ballaaran oo ay kamid yihiin inaanu xoojinay wadashaqeynta inagala dhaxeysa Guddiyada heer Federaal ee aan shaqo wadaaganahay, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hawl adag oo badan ayaa inaga horeysa diyaar ayaana u nahay inaan wajahanno inaga oo isla tashaneyna” ayuu yiri Wasiirka. Dhankooda Wasiirada Arrimaha Dasturka ee Dawlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka warbixiyeen horumarkii ay sameeyeen sedexdii bilood ee ugu dambeysay. Ugu dambayn, shirkan ayaa beri la soo xiri doonaa waxaana lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed. —–DHAMAAD—–
-
Muqdisho, March, 15, 2018—- Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, Midaynta canshuurta dalka, Qorshaha horumarineed ee qaxootiga soo laabanaya, soo wareejinta astaanta Qaranka ee SO iyo arrimo kale oo muhiim ah. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa goloha u soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo midayn lahaa guud ahaan canshuuraha dalka, isagoona qeexay in ay wadaan qorshe lagu midaynayo canshuuraha dalkeena Soomaaliya. Sidoo kalena waxuu sheegay in ay wasaaradu ku howlan-tahay qaban qaabada shir looga doodi doono habka ugu wanaagsan ee loo midayn karo canshuuraha, taas oo ay ka soo qayb-gali doonaan madax ka kala socota Maamul Goboleedyadda iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya, si loo sameeyo sharci hagi-doona canshuuraha dalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in howl-galada ciidanka Qaranku uu meel fiican marayo, dhawaana ay ciidanku deegaano badan ka saareen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, haatana wali lagu daba jiro haraadigooda si dalka oo dhan looga sifeeyo, waxuu kaloo sheegay wasiirku in amniga dalka uu haatan yahay mid aad u fiican la iskuna halayn karo. Dhanka kale waxuu tilmaamay in Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullah Farmaajo uu wado dar-dargalin iyo dhiirigalin dhinaca Ciidanka ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ka warbixiyay qorshaha horumarineed ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku soo laabanaya dalka kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 3,000,000 oo qof ( Sadex Million), si wax loogu qabto sadexda sano ee soo socota. Wasiir Sabriye ayaa cadeeyay in dawladdu ay ku dadaalayso ilaalinta iyo ka warqabka xaaladda dadka shacabkaah ee ku soo laabanaya dalkooda, taasin ay tahay mas’uuliyad saaran dawladda. Ugu dambayntii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa laga dhagaystay warbxin ku saabsan soo wareejinta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee SO, oo si buuxda ay dawladda federaalka ula soo wareegtay. Intaas ka dibna Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda iyo mas’uuliyiintii Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay soo celinta mid ka mid ah astaamaha Qaranka Soomaaliyeed. DHAMMAAD