Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - The European Union Training Mission Somalia (EUTM-S), supported the European Union Capacity Building Mission Somalia (EUCAP) in a live fire training exercise to improve the skills and capabilities of the Somali Maritime Police Unit (SMU). Source: Hiiraan Online
  2. Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu xilka iska casilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Xayla Maryam Deseliin ayaa waxaa Xisbiyada Siyaasadeed ee dalkaasi ay wadeen olole ay ku soo xulanayeen Hogaamiye cusub oo Xisbiga talada haya ee dalkaasi hogaamiya. Xisbiga Talada haya ee dalkaasi Itoobiya oo Marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan EPRDF ayaa Abiy Ahmed waxa ay u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya. Ninka ayaa ahMuslim ,balse Hooyadiis ayaa waxaa la sheegay in ay haysato diinta Kiristaanka,waxaana uu ka soo jeedaa Qoomiyada Oromada. Ninkan ayaa lo badinayaa in uu noqon doono hogaamiyaha dalkaasi , waxaana doortay 180 xubnoo oo ka kala tirsan Xisbiyada dalkaasi Itoobiya kuwaas oo kala ah Xisbiga Oromada , Amxaarada, Xisbiga koonfurta Itoobiya ,iyo Xisbiga Tigreega. Hadii uu ninkan ku guulaysto in uu talada dalkaasi qabto waxa uu noqonayaa Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Itoobiya oo Muslim ah.
  3. MOGADISHU, March 28, 2018—The World Bank and the Food and Agriculture Organization (FAO) released today a new joint report titled, Rebuilding Resilient and Sustainable Agriculture in Somalia, outlining the challenges and opportunities for Somalia’s agriculture sector. Source: Hiiraan Online
  4. The United Nations refugee agency predicts that many more Somalis in the Dadaab camps will seek repatriation to their homeland in the coming months. Source: Hiiraan Online
  5. Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction of a United Arab Emirates (UAE) military base in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  6. Jalalaqsi (Caasimadda Online) – Deegaan dhanka Koofur kaga beegan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la yiraahdo Qoryaale oo 25 KM u jira magaalada Jalalaqsi, ayaa lagu arkay arin ugub ku ah gayiga Soomaaliyeed taas oo ah Xaafad dhan oo guureysa. Amiin Cali Marakaan oo lahadlay Idaacada Kulmiye ayaa faafaahin ka bixiyay dhacdadaan ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arkeen Muuqaal Xaafad u`eg oo hawada kor kooda ah marayay, muuqaalkaasi Xaafada ah wuxuu ka yimid Jihada Waqoy wuxuuna u soo dhaafay dhanka jihada Koofureed. Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buulo Burde lagu arkay,laakin ilaa hadda aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geesteen. Dadka Degmada Jalalaqsi qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay xalay casbi soo wajahday wixii ka dambeeyey waxyaabaha aadka u weyn uu dushooda soo maray,isla markaana ay iyagu moodayeen in Magaalo dhan oo guureysay ay soo martay dushooda. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/03/wareysi-Amiin-Cali-Makaraan.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Nairobi (HOL) - Officials from Somalia and Kenya have jointly agreed to halt the construction of the Security between the border of the countries following a meeting in Mandera town. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay doonayaan inay waddankooda ku laabtaan bilaha soo socda. UNHCR ayaa sheegtay in dib u laabaashada dadkan ay ku xiran tahay hadba sida ay u furanto waddada looga gudbayo xuduudda Soomaaliya ee Libooy, si ay dadkan ugu laabtaan deegaannadooda. Waddada ayaa la xiray 10-bilood ka hor sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu gaarsiinayay dadkan Muqdisho iyo Kisamayo. “Waxaan diyaarinaynaa gaadiidkii dadkaan qaadi lahaa, waxaana lagu wadaa in dadka doonaya inay dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa warbixinta Hay’adda UNHCR lagu yiri. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in tan iyo bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Somalia ku laabteen 1,315 qaxooti, kuwaasoo iskood u doortay in dalkooda ay dib ugu laabtaan. Hay’adda Qoxootiga Dunida ayaa ustay in in 75,157 qof oo Qoxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ay dib ugu laabteen dalkooda saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Iyadoo intaas ku dartay in qoxootiga haatan ku jira Dhadhaab ay tiradoodu tahay 231,103 oo qof. Dowladda Kenya ayaa sannado ka hor sheegtay inay xirayso xeryaha Dhadhaab oo ku nool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo ka cararay colaadaha iyo abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, inkastoo ay dib uga laabtay inay xirto. Ugu dambeyn, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa sheegtay inay qorsheynayso inay ka shaqeyso sidii Qoxootiga Soomaaliyeed si iskood dib ugu laaban lahaayeen dalkooda. PUNTLAND POST The post Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku nool oo doonaya inay Dalkooda ku laabtaan appeared first on Puntland Post.
  9. New York (Caasimadda Online) – Golaha Ammaanka ayaa meel mariyay qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, kaasoo muddo xileedkiisa la gaarsiiyay 31 bisha March 2019. Fadhi Golaha Ammaanka shalay ku yeeshay magaalada New York ayaa waxaa looga hadlay howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya. Waxaa ay si weyn uga doodeen xubnaha Golaha ammaanka ee QM ahmiyadda howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya. Soo jeedinta Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la hayad Dowladda Britain,maadaama xafiiska shaqadiisu ay ku ekeyd 2018,balse weli ay jirto baahiyo loo qabo in mudada loo kordhiyo,si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee taageeridda Soomaaliya. Waxaa Sidoo kale qaraarkan lagu ammaanay waxqabadka dowladda Soomaaliya,iyagoo dhanka kale ayaa ku baaqaya in la sii xoojiyo dadaalada horumarineed oo ay waddo Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qaraarkan ayaa ku baaqaya in laga hortago wax kasta oo xasarad ka abuuri kara gobolka iyo muranada hoos u dhaca keeni kara. Xafiiska UNSOM ayaa la aas aasay sanadkii 2013, waxaana lagu soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2,102, waxaana ujeedada aheyd inuu dowladda Federaalka ka caawiyo dhinacyada horumarka, nabadda, dib u heshiisiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadaallo aan kala go’ lahayn oo loogu jiro ololaha Mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa hareeyay magaalada Muqdisho. Kulanka looga hadlayo mooshinka oo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahin Muudey uu shaaciyay inuu qabsoomayo Sabtida 31-ka Maarso ayaa inkastoo uu khilaaf ka taagan yahay, waxay labada dhinac wadaan sidii ay ku heli lahaayeen codad hor leh. Dhinaca xukuumadda ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay codad ku filan ugu heli lahayd ridista guddoomiye Jawaari, waxayna arrintaasi noqotay mid aad u adag oo gaartay in lagu xisaabtamo cod kasta oo xildhibaannimo. Kooxda xukuumadda Kheyre ayaa la sheegay inay heshay ilaa 12 xildhibaan oo cusub, iyadoo ku doodeysa inay heysato ku dhowaad 196 xildhibaan, halka Guddoomiye Jawaari ay taageersan yihiin xildhibaanno ku dhow 50 oo intooda badan ay qadiyad u geysay inay la saftaan, waxaana xildhibaannadaasi u badan kuwa kasoo jeeda kooxda Qabyo. Iyadoo ay xaqiiqoobeyso in cod lagu kala baxo arrintan uu adag yahay ayaa waxaa laga yaabaa inay arrintu gaarto awood la isu adeegsado iyo qaab sharci darro ah, iyadoo la cuskanayo cod gacan taag ah iyo cod qaadis lagu dhawaaqo. Ilaa hadda waxaa la isku khilaafsan yahay waqtiga uu dhici doono Kulanka codka kalsoonida loogu qaadi doono Guddoomiye Jawaari. Sidoo kale waxaa la isku heystaa oo aan la xalin halka uu ka dhici doono kulankaas iyadoo kooxda Guddoomiye Jawaari ay doonayaan inuu ka dhaco xarunta Xalane halkii ay ka dhacday Doorashada Soomaaliya halka dhianca kalana uu doonayo inay ka dhacdo xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Bosaso-[Puntland Post] Shirk Jaraa’id oo uu maantaTaliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Cabdixakiin Yuusf Xuseen ku qabtay xarunta Taliska ee Boosaaso ayuu uga hadalay dilalkii maalmihii ugu danbeeyey ka dhacayey Magaalada Boosaaso, iyo amaro uu ku soo rogay gaadiidka Takaasida ah ee ka shaqeeya magaalada. Taliyaha ayaa arimaahas oo dhan waxa uu kaga hadlay shirkiisa oo uu ku qabtay Taliska Booliska ee Boosaaso. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Taliska qeybta Booliska Gobalka Bari oo ka warbixiyey dilal ka dhacay Bosaso appeared first on Puntland Post.
  12. Bosaso (Puntlandi) Taliska booliiska gobolka Bari ayaa amar kusoo rogay gaadiidka Takaasida ah ee ka dhex shaqeeya magaalada Bosaso, kuwaas oo ah baabuurta ugu badan oo ay isticmaalaan shacabka Bosaso. Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle dhexe Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkaan iyo dadka wataba macluumaad badan laga diiwaan galindoono, si hadda kadib loo kala aqoonsado. Amarkaan lagusoo rogay gaadiidkan, ayuu taliyuhu sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe lagu adkaynayo ammaanka magaalada Bosaso lagulana dagaalamayo gaadiidka aan diiwaan ganashaynayn ee loo adeegsado falalka amni darrada ah. Waxaa kale oo taliyuhu sheegay in gaarigii lagu helo isticmaalka Bacda madow lagu ganaaxidoono lacag dhan 500 oo Shilin Somali. Halkaan hoose ka dhegayso codka taliyaha. codka taliyaha Puntlandi.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya oo maanta lagu waday in ka furma magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Shirkaan ayaan la ogeen sababta uu u baaqday, laakiin wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in uu u baaqday khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan Hay`adaha sharci fulinta iyo sharci dajinta, khilaafkaas oo cuuryaamiyay shaqooyinka Dowlada. Inkastoo aan wali si rasmi ah u soo bixin war ku saabsan dib u dhaca shirkan hadana waxaa jira shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay bishii February magaalada Muqdisho waxaa lagu balamay in shirka soo socda uu ka dhaco magaalada Baydhabo, lagana wada hadlo Qeybsiga kheyraadka iyo hanaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Shirka amniga qaranka dib u dhacay, inkastoo faafaahin intaas dheer uusan ka bixinin. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qoraal kooban waxa uu bartiisa Facebooka ku soo qoray waxaa uu is weydiiyay halkii uu ku dambeeyay shirka Baydhabo ee loo balansanaa maanta 28-ka bisha Maarso uu ka furmo magaalada Baydhabo. “Waxaan horay u soo dhawaynay natiijadii kasoo baxday shirkii bishii hore horraanteedii la qabtay, kaasoo ay ka soo baxeen go’aanno wax ku ool ah, Hawlaha ku muddaysnaa taariikho cayiman ayaa sida muuqata aan wax laga qaban, Waxaa muuqata in qalalaasaha siyaasadeed ee mooshinka ka dhashay uu hawl kasta cuuryaamiyey, Dhowr jeer oo hore ayaan sheegnay in dalkaan isku tanaasul iyo isla gudoon lagu wado ee aysan jirin cid inta kale tabar dhaanta, ee Ilaaheey caqliga ha inoo soo celiyo”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Barta Facebook. Sidoo kale shirka Baydhabo ka sokow waxaa jiray shir kale oo ay yeelan lahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada ee ku bahoobay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo isna ka dhici lahaa 20-kii bishan magaalada Garowe, kaasoo isna loo aaneynayo inuu u baaqday qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka Guddoomiye Jawaari. Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan oo doorashooyinka qaranka oo maanta ay aheyd in ay gudbiso nooca doorasho ee 2020-ka ka dhaceysa Soomaaliya oo ka hadashay dib u dhaca shirkaan ayaa sheegtay in aaney ogeyn sababta shirka u baaqday balse dhankeeda ay diyaar aheyd. Xigasho: Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay joogitaanka howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo la gaarsiiyay bisha March, 2019. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada howlgalka QM ee Soomaaliya ee taageerada hannaanka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, si dalka loo gaarsiiyo helitaanka doorashooyin loo dhan yahay, lagu kalsoonaan karo oo hufan. Waxaa kale Goluhu uu codsaday taageero joogto ah oo ku aaddan dadaalka Dawladda ee hirgalinta Istaraatiijiyadda Qaranka iyo Qorshaha Ka hortagga iyo La Dagaalanka Xagjirnimada si loo xoojiyo awoodda Soomaaliya ee looga hortago lagana hor-tago argagixisanimada. Golaha ammaanku wuxuu si xoogan u cambaareeyay weerarada Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin midkii- 14-kii Oktoobar 2017 iyo kii 23-kii Febraayo 2018, wuxuuna cadeeyay inuu ka welwelsan yahay hanjabaaddaha argigixisada. Waxaa kale oo goluhu walaac ka muujiyay joogitaanka kooxda Daacish iyo shakhsiyaadka xiriirka dhow laleh. Puntlandi.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli uu khilaaf ka dhex jiraa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu ku kala jabay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada ayaa u kala jabay laba garab waxa ayna garabka koowaad kasoo horjeedan in Guddoomiye Jawaari uu sii hayo xilka, halka garabka kale ay doonayaan in Jawaari ay kusii hayaan xilka. Guud ahaan Xildhibaanada ayaa la sheegay inay ku kala biireen labada garab, isla markaana aysan jirin wax la yiraah Xildhibaano madax-banaan. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ay u kala jabeen labada dhinac. Waxa uu Xildhibaan Dalxa sheegay inaanu jirin wax la yiraahdo Xildhibaan Madax-banaan, balse dhammaan ay qeyb ka yihiin xiisada jirta. Waxa uu Dalxa cadeeyay inaan baarlamaanka xiligaan laga dhex heli karin Xildhibaano dhex dhexaad ah oo mooshinka ka madax banaan laakin Xildhibaanadu ay yihiin kuwo mooshinka keenay iyo kuwo kasoo horjeeda. Dalxa, waxa uu intaa ku daray in Mooshinka la keenay aysan jirin cid bedel ku sameyn karto isla markaana lagala bixi doono maalinta cod u qaadista mooshinka ka yaalla Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada qaar ayaa iska fogeynaaya kamid noqoshada dhinacyada isku haya Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dil magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaanad ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dilka Xildhibaanada ayaa ka dhacay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana fuliyay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo ku hubeysnaa bastoolado. Xildhibaanada la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir, waxaana dilkeeda xaqiijiyay qoyska Xildhibaanada. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiliga Xildhibaanada la dilayay ay ku jirtay gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Maana-booliyo. Dhianaca kale, Maamulka degmada Shibis iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan raggii dilka geystay, ayna rajeynayaan in ay gacanta ku soo dhigaan, si cadaaladda loo horgeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia ayaa gudoomiye u doortay Abiy Ahmed, oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Itoobiya. Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah. Ku-dhawaaqiddan ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa. Waxa kale oo ku dhawaaqistani imanysaa ka dib markii uu is casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Hailemariam Desalegn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Afhayeenka Isimada Puntland, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dowladdii Soomaaliyeed ee rajada weyn laga qabay inay ku mashquulsan tahay duminta hay’addiii sharci dajinta dalka. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta ka sheegay inaanu jirin wax mabda’ dowladnimo ah oo ka muuqda Muqdisho. “Xamar waxyaabaha ka jira ma ahan mabda’ dowladnimo. Waxaa xishood darro siyaasadeed oo lagu raadinayo dhaqaale laguna badalanayo haybadii dowladnimo, Waxaa loo baahan yahay nidaam dowladdeed oo wadaniyad ku dhisan,” ayuu yidhi Garaad Ciid. Afhayeenka Isimada Puntland ayaa sheegay xildhibaanada lacagta ku raadinaya mooshinka inay ceeboobeen oo ay ku fashilmeen masuuliyadii loo dhaariyay Puntlandi.com
  19. Unanimously adopting resolution 2408 (2018), the Council underscored the importance of the Mission’s support to the Somali Government‑led political process as well as the importance of its support to the federal Government of Somalia on preparations for the delivery of inclusive, credible and transparent elections. Source: Hiiraan Online
  20. A bumper harvest of vegetables in Bardera, in southern Somalia’s Gedo region, has brought relief to local households on one hand but at the same time great losses to small-scale farmers, who had not planned around a fall in food prices. Source: Hiiraan Online
  21. ABIDJAN - Djibouti is in talks with French shipping company CMA CGM to develop a new container terminal at an initial cost of $660 million (£465.9 million) as part of the tiny African country's bid to expand into a sea and air transport hub for the continent. Source: Hiiraan Online
  22. Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction of a United Arab Emirates (UAE) military base in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Maanta waxaa laga joogaa laba asbuuc Mooshinkii Guddoomiye Jawaari, waxaana soo if baxaya khilaaf culus iyo kala aragti fogaan hareysay qeybaha iyo hoggaanada kala duwan ee Barlamaanka sida; Guddoonka, Guddiga Joogtada, Habdhowre-yaasha, Xoghaynta, Kutlooyinka iyo Kooxaha, Qabaa’ilka iyo Deegaanada, Xubnaha caadiga ah ee Golaha Shacabka iwm. Iyada oo lagu kala aragti fogaaday: Sharciyadda Mooshinka, Guddoonka Golaha, Waqtiga Mooshinka, Goobta iyo Qaabka Codeynta Mooshinka. Shalay iyo Daraat waxaa soo baxay ilaa 10 Qoraal oo is burrinaysa, waxaana Saxaafada la hadlay ilaa 20 Xildhibaan oo is ka soo horjeeda, waxaana Xafiisyadii dawladda, Hoteeladii Muqdusho, Xarumihii Barlamaanka mashquuliyay Ololaha Mooshinka, waxaana dhacay ilaa 10 Qarax oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan, waxaana Qeyla-dhaan Qaran ka yeeraysaa DP World, Xuduuda Buula Xaawo, Aato iwm. Gudoomiye Jawaari oo ka mid ah Mudanayaasha ugu da’da weyn Golaha Shacabka dalka iyo dawladda na ka soo qabtay xilal kala duwan ilaa 60 kii sano ee la soo dhaafay sida; Agaasime, Wasiir, La taliye, Guddiyo Qaran, Gudoomiye Barlamaan, Ku sime Madaxweyne iwm. Waxa uuna kaalin mug leh ka soo qaatay dhismaha iyo habeynta Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, waxa uuna magac dheer iyo maamuus ku yeeshay gayiga Somaaliyeed oo dhan. Haddii xaaladda maanta taagan uu guuleysto ama laga guuleysto waxaa hubaal ah; in dhaawac soo gaarayo midnimada, kalsoonida iyo wada shaqeynta qeybaha Barlamaanka iyo laamaha dawladda, isaga oo ku xusay jawaabtiisii Mooshinka, “in gacantiisa aan lagu bur-buri doonin Barlamaanka, laguna barbaariyey midnimo iyo dawlad jaceyl”. Hadaba haddii aad Talo Wadani siin laheed! Maxaad kula Talin-laheed??? A-In uu is Casilo sida ay sameeyeen madax isaga ka horeysay ama ka danbeyn-doonta dunida, markii ay dareemeen in xilkooda iyo mas’uuliyadooda la isku haysto? B-In uu Sharciga iyo Codeynta tago, sida uu xaqa u leeyahay, sharciguna u banneynayo? C- In uu aqbalo dhex-dhexaadin, is af-garad iyo dib u heshiisiin dhex marta qeybaha Barlamaanka, Xukuumadda iyo Laamaha dawladda?. W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday inuu jiro Khilaaf Siyaasadeed buuran oo ka dhextaagan Hoggaanka iyo Xildhibaanada baarlamaanka. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Khilaafyada jira ay ku macaashayaan shaqsiyaad gaara oo doonaaya inay dalka ka geystaan Qaraxyo iyo dilalk. Kheyre, waxa uu tilmaamay in Khilaafka jira ay si dhow uga faa’iideystaan Qaswadayaasha al-Shabaab oo uu sheegay inaanu jirin cadow ka halis badan, waxa uuna intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad kale oo nafis u arka inay is khilaafan Madaxda dalka. ‘’Wey iska cadahay in Khilaafka jira ay ka faa’iideysanayaan Qaswadayaasha al-Shabaab iyo shaqsiyaad leh dano Siyaasadeed oo uu sheegay inay Shabaab kaga egyihiin dhanka qarbudaada’’ Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in si wada jira looga hortago Khilaafyada ka dhex curta madaxda dalka, waxa uuna ku baaqay in khilaaf la’aanta ay horseedeyso amniga iyo kala danbeyn. Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka looga baahan yahay in ay ka fikiraan ka hortaga hal arrin oo ah in hadii uu khilaaf yimaado ay ka faa’iideestaan Cadawga. Sidoo kale, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo amniga maadaama hadii Muqdisho ay amni noqoto gobolada kale ay amni noqonayaan,waxa uuna ugu baaqay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyan dib u heshiisiinta dalka Hadalka Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa ku soo aadaya xili uu khilaaf ka dhexjiro Guddoonka Golaha Shacabka kaas oo curyaamiyay Shaqadii dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com