-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wakiilka Xog-hayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa ku wajahan Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Mr. Keating ayaa Garoowe kula kulmaya Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Keating ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Micheal Keating ayaa Madaxweyne Gaas kala hadli doono colaada ka taagan deegaanka Tukaraq oo dhawaan ay Somaliland kala wareegtay Puntland. Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ay xaliso xiisadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Micheal Keating oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey), ayaa la xaqiijiyay inuu diiday damaanada Sarkaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan ay dhiibtay dowlada Somalia. Cabdi Ileey, ayaa la sheegay in dowlada Ethiopia ay fursad usiisay damaanada Qalbi Dhagax, hase ahaatee uu iska fogeeyay sababo la xiriira cabsi ku aadan in Qalbi Dhagax uu dib ula midoobo garabkiisa ONLF. Mid kamid ah Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida oo arrinkaan ka hadlaayay ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia iyo Qalbi Dhagax ay is fahmeen, balse mushkilada hadda taagan ay tahay cida damaanan laheyd deysmada Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax. Sida la xaqiijiyay Hoggaamiye Cabdi Ileey, waxa uu sidoo kale iska fogeeyay in Dowlada Ethiopia uu gorgortan kala galo arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna dalbaday in gabi ahaan laga saaro shaqsiyaadka loo xilsaaray arrinta Sarkaalka. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Cabdi Ileey uu fursad dhanka damaanada ah usoo bandhigay mas’uuliyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida, si ay fursadaasi uga faa’iideeyan Qalbi Dhagax, hase ahaatee waxaa shaki ku jira in Qalbi Dhagax uu damaanad ka heli doono Maamulka iyo shaqsiyaadka caanka ah ee kasoo jeeda dhulka DDSI. Sababta Cabdi Ileey uu kaga meermeerayo damaanada Qalbi Dhagax, ayaa la sheegay in muddo dhowr jeer ay ku kala booden heshiisyo ay kala galeen, taa oo iminka u muuqaneysa mid looga aamin baxay Qalbi Dhagax. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia iyo Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan isla fahmay in Qalbi Dhagax lasii daayo, hase ahaatee deysmadiisu ay tahay mid u muuqaneysa in lagu xiray damaanad. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar dhanka cirka ah ku qaaday saldhiga ciidamada Turkiga ay ku leedahay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho. Dadka Deegaankaasi ayaa Puntland Post u sheegay in ay maqlayeen jugta Madaafiic ku dhaceysa xarunta Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho. Xiliga uu weerarkaan dhacay ayaa aheyd waabaragii hore ee saaka xili ay ciidamada Dowlada Soomaaliya isku diyaarinayeen tababarka ay bixinayaan saraakiisha Turkiga. Al-Shabaab ayaa sheegtay in 13- Madfac ay ku weerareen saldhiga Turkiga uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho. Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarakaasi madaafiicda ah, Dowlada Soomaaliyana wali kama hadlin falkaasi lagu weeraray saldhiga Turkiga ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke . Puntland Post Muqdisho The post Al-shabaab oo Madaafiic ku weeraray saldhiga ciidamada Turkiga ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
The Somali government and the Africa Union mission (AMISOM) plan to establish communities radio stations in three regional states in June as part of efforts to foster peace in the country, officials said. The UN Support Office in Somalia (UNSOS) which is supporting the project said in a statement on Thursday evening that the community radio stations will be established in HirShabelle, Jubbaland and South West. “The Federal Government of Somalia (FGS) and the three federal member states have already approved the project, which will be launched in Kismayo, Baidoa and Belet Weyne,” UNSOS said. Speaking at a meeting attended by key stakeholders including representatives of community based organizations in Mogadishu, both AU and Somali government officials hailed UNSOS for supporting the initiative aimed at promoting peace and unity in communities. “I want to thank UNSOS specifically for availing the equipment and for responding to your application through AMISOM to have these radios,” said Simon Mulongo, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the AU Commission for Somalia. It is hoped that the community radios will help inform and alter attitudes, by providing the ordinary people with a voice, thereby empowering them, through targeted messaging on issues such as peace-building, countering violent extremism, constitutional review and the 2020 elections and federalism among others. Abdinur Mohamed Ahmed, Director of Communication in the Office the President, said the government was grateful to UNSOS for its role in making the project a reality. “I want to thank UNSOS and AMISOM for the support in establishing these radios,” Ahmed said. The UN support mission offered to provide the equipment for the establishment of community radio stations in the three federal member states following a request by community based organizations, channeled through AMISOM. Source: – Xinhua
-
Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii todobaadkaan gudihiisa ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo Afrikom ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamadda kumaandooska Dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu Mareykanka ku lahaa taageero iyo latalin si loogu hortaga Al-shabaab. “Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa eedaha ku saabsan in dad rayid ah ku waxyeeloobeen howlgalka, eedaha ku saabsan rayid waxyeelo soo gaartay taliska AFRICOM dib ayuu u eegayaa, haddii warbixinta ay tahay mid la qaadan karo oo huban, US AFRICOM waxay qaadan doontaa tallaabo xigta” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika. Weerarkii ka dhacay Tuuladda Macalin-ka duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu dilay shan ruux oo shacab ahaa, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 5-kale. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkii ka dhacay deegaanka Bariire ayaa sheegtay in lagu dilay 3-sarkaal oo ka tirsanaa Shabaab. PUNTLAND POST The post USA oo War ka soo saartay Duqeeyn Dad Rayid ah ay ku dhinteen Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Voting has begun in Iraq’s first parliamentary election since declaring victory over Daesh, with the country hoping to shore up a fragile peace and rebuild. Polls opened across Iraq on Saturday in the first national election since the declaration of victory over Daesh. No clear front-runner has emerged after weeks of official campaigning as Prime Minister Haider al-Abadi faces stiff competition from political parties with closer ties to Iran. The vote — the fourth since the 2003 US-led overthrow of Saddam Hussein — will be conducted electronically for the first time to reduce fraud. Polling centers have been set up for many of the country’s 2 million people who remain displaced by the war against IS. While the conventional war against the militant group has concluded and Baghdad is experiencing a relative lull in insurgent-style attacks, Iraqi security forces have imposed tight security measures ahead of Saturday’s vote with a curfew in place in the capital. However, many Iraqis who turned up early to vote Saturday morning expressed cautious hope for the future. Al-Abadi took office just weeks after Daesh fighters overran nearly a third of Iraq’s territory in the summer of 2014 and has since overseen the grueling military defeat of the group with close support from the US-led coalition and Iran. Despite al-Abadi’s military achievements, Iraq continues to struggle with an economic downturn sparked in part by a drop in global oil prices, entrenched corruption and years of political gridlock. Al-Abadi’s most powerful opponents are his predecessor, Nouri al-Maliki, and an alliance of candidates with close ties to the country’s powerful, mostly Shia paramilitary forces. The alliance, called “Fatah” — Arabic for “Conquest” — is headed by Hadi al-Amiri, a former minister of transport who became a senior commander of paramilitary fighters in the fight against Daesh. Many of the candidates on his list were also paramilitary commanders before they cut their official ties with the force in order to seek office. When casting their vote, Iraqis will have a host of issues to consider. TRT World’s Melinda Nucifora explains the main issues that the elected leadership will have to face. Another key player in the vote is Influential cleric Muqtada al-Sadr. He commanded fighters in the war against Daesh and headed a powerful militia that fought US forces in Iraq before that, but his election campaign has focused on social issues and eliminating government corruption. In total there are 329 parliament seats at stake, with nearly 7,000 candidates from dozens of political alliances. The results of Saturday’s election are expected within 48 hours of the vote, according to the independent body overseeing the election. Government formation negotiations are expected to drag on for months after that as the dozens of political parties attempt to cobble together a political bloc large enough to hold a majority of seats in parliament.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay ciidamo la sheegay inay ka goosteen maamulka Puntland, kadib markii ay sheegteen dhibaatooyin badan. Ciidamadan oo tirro ahaan lagu sheegay 130 ayaa waxaa lagu soo bandhigay deegaanka lagu Magacaabo Wirwir oo ay ka taliso Somaliland. Ciidamadan ayaa inta aysan u goosan maamulka Somaliland xiriir la sameeyay Saraakiisha maamulka ee ka howlgala deegaanka Wirwir, waxaana sidaa kusoo goostay ciidamada. Ciidamada ayaa watay Hub u badan nooca AK47 iyo rasaas, waxaana sidaa ku aqbalay maamulka Somaliland, waxa ayna dhankooda ka sheegteen in xilligan ay ka mid yihiin Ciidamada Soomaaliland. Puntland ayaa dhawaan sheegtay inay qaabishay ciidamo kasoo goostay maamulka Somaliland, inkastoo aysan keenin sawiro ama muuqaalo muujinaaya ciidamada u goostay.
-
Voting has begun in Iraq's first parliamentary election since declaring victory over Daesh, with the country hoping to shore up a fragile peace and rebuild. Source: Hiiraan Online
-
S. President Donald Trump said on Thursday that five "most wanted" leaders of Daesh had been captured, an apparent reference to the capture of five commanders of the terrorist group by Iraq. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa goordhow lagu sheegay in duqeyn Hoobiyayaal ah ay Saaka la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay duleedka Magaalada Muqdisho. Maleeshiyada ayaa sheegtay in dhowr Hoobiyayaal ah ay ku garaaceen Saldhiga oo lagu tababaro ciidamo ka tirsan dowlada Somalia, isla markaana ay ku sugan yihiin Saraakiil Turki ah. Maleeshiyada al-Shabaab waxa ay sheegtay in tirada Hoobiyayaasha ay ku dhufteen Saldhiga ay tahay ilaa 13 Hoobiye. Maleeshiyada ayaa sheegtay in Hoobiyayaasha ay ku tuureen Saldhiga xilli heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro, waxa ayna tilmaameen in dhowr xabo ay ku dhacday gudaha Saldhiga. Shaafici Xasan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Saaka xili hore uu maqlaayay jugta Hoobiyayaasha dhowr ah, inkastoo uu sheegay in xiligaa uusan ogeyn halka ay duqeynta ku soctay. Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta waxaana sidoo kale duqeynta aan weli ka hadal Dowladaa Federaalka iyo Saraakiisha maamusha Saldhiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Russia has refused World Cup accreditation to a journalist specializing in investigations into illegal doping whom German public television had asked to include on its team covering the upcoming soccer tournament, the broadcaster said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay baareyso weerar ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose oo la sheegay inay ku dhinteen dad shacab ah. Saraakiisha Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in Ujeedka weerarka uu ahaa Al-Shabaab, balse ay heleen xogo muujinaaya inay ku dhinteen dad shacab ah. Saraakiisha Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayey weerarka ay ka geesteen Gobolka Shabellaha Hoose. Maraykanka ayaa si dhow ula shaqaynayey ciidamada Militariga Soomaaliya asagoo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah. War qoraala oo kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa waxaa lagu sheegay inay ku dhaqaaqayaan baaritaan degdeg ah oo lagu xaqiijinaayo weerarka. Waxaa lagu sheegay qoraalka in baaritaanka socda lagu eegaayo dhinacyo badan, maadaama dadka la dilay ay noqon karaan al-Shabaab loo muuqaal ekeysiiyay Shacab. Qaar kamid ah Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dagaallamayaal ka tirsan mintidiinta Al Shabaab ay mararka qaar beertaas u isticmaali jireen saldhig ahaan, loona badinaayo in dadka dhamaaday ay iyaga ahaayen. Docda kale, Waxgaradka iyo Odoyaasha dhaqanka ee degmada Afgooye, ayaa sheegay in la dilay shan qof oo beeraleey ah intii uu socday hawlgalka oo dhacay habeenimadii arbacada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dowlad deegaanka Somalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Qabridahar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada loo yaqaan Liyuu Boolis ay halkaasi dil fool xun ugu geysteen gabar kamid ahayd dadka kunool magaaladaasi. Allaha u naxariistee gabadha oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Cumar Maxamed Salal, ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu Booliis ay u dileen qaab naxdin leh kadib markii ay ceejiyeen iyadoona lasoo wariyay inay isla goobta ay ku ceejiyeen ay ku geeriyootay. Cabdirashiid Cali oo walaal la ah marxuumadda ayaa xaqiijiyay dilka walaashiis marxuumad Taysiir Food Cumar Maxamed Salal. Lama oga sababta ka dambeysa inay ciidamada Liyuu boolis qaabkaas arxan darrada ah u dilaan gabadhaasi,waxana dilka si weyn uga argagaxay shacabka kunool magaalada Qabridahar ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya. Ciidamada Liyuu Booliis ayaa xadgudubyo ka baxsan bini’aadminimada ka geysta qaar kamid ah gobollada dalka iyadoona aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka foosha xun ee ay ciidamadaas u geystaan dadka aanan waxba galabsan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaalle’’, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay amar dhanka amaanka ah oo la duldhigay Mas’uuliyiinta iyo ciidamada. Wasiir Ducaalle waxa uu sheegay in dalka uu leeyahay nidaam iyo kala danbeyn sidaa aawgeed cidii u hogaansami weyday amarka lagu xaqiijinaayo amniga Muqdisho, ay u aqoonsan doonaan shaqsi lid ku ah xasiloonida dalka. Wasiir Ducaalle waxa uu carab ***** inaan amar kale la duldhigi Karin kan Wasaarada Amniga, waxa uuna cadeeyay in amniga magaalada Muqdisho looga danbeyn doono kaliya ciidamada xasilinta oo laga soo kala xulay dhammaan Hay’adaha amniga dalka. Waxa uu tilmaamay in jabinta amarka amniga lagu muteysan karo cawaaqib, sidaa aawgeed ay mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada iyo ciidamad aan qeybta ka aheyn Xasilinta la faraayo inay ilaaliyaan awaamirta. ‘’Ma dooneyno inaan ku xad gudubnaa shaqsi gaara, si aanu taa u dhicin waxaan dalbaneynaa in loo hogaansamo awaamirta amniga’’ ‘’Ciddii lagu helaa jabinta awaamirta waxa ay dusha saaran doontaa wixii caqabad ah oo ay la kulanto, waxaan askarta aan qeybta ka aheyn ciidamada xasilinta uga digeynaa in gudaha magaalada ay la dhexmaraan Hub iyo darees’’ Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay in cid waliba lagula xisaabtami doono waxa ay geysato, waxa uuna ku celcelshay inaan la dhaliilsan awaamirta kasoo baxday Wasaarada amniga. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka amniga ayaa mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowlada iyo kuwa ka tirsan ku amaanay u jilicsanaanta amarada kasoo baxa dowlada, waxa uuna faray inay la shaqeeyan isla markaana ixtiraaman ciidamada howsha wada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay wado qorsho Somalia looga qaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaran. Kheyre waxa uu sheegay in dhawaan uu Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya, waxa uuna tilmaamay in kulankooda uu kusoo dhamaaday guul. Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay xoog saareyso qorshaha Somalia looga qaadayo cuna-qabateynta Hubka ee saran Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in saaxiibada Somalia ay aad usoo dhaweeyen hanaanka ay dowlada Somalia ku xaqiijineyso amniga. Waxa uu sheegay in Xukuumadiisa lagu amaanay sida ay u wajaheyso amniga dalka, waxa uuna ballanqaaday in mudada uu hayo xilka ay Somalia ka xoroobi doonto cuna-qabateynta Hubka ee weli saran. ‘’Horayna waan u wadnay dadaalka hadana waanu wadnaa waxaan ku rajo weynahay aniga iyo Madaxweynuhuba inaan Somalia ka saarno liiska dalalka laga mamnuucay Hubka ee la saaray cunaqabateynta’’ ‘’Xukuumadeydu waxaa koow u ah Somalia oo heshaa Hub ay isaga difaaci karto Kooxaha xagjiriinta Shabaab, waxaana kusoo xiga dalka oo lagu faafiyaa amniga nooca ay dooneyso dowlada Somalia’’ Kheyre waxa uu sheegay inay u harsan tahay waxyar si Somalia looga qaado cunaqabateynta Hubka ee saran, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia ay heleyso Hub ay isaga xoreyso xagjirka. Sidoo kale Hubka ayuu sheegay inay isaga xoreynayaan maleeshiyaadka al-Shabaab oo uu sheegay inaan looga adkaan Karin Somalia oo cuna-qabateyn saran. Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili ay dowladihii hore ee soo maray dalka ku guul dareysteen inay Somalia ka saaran liiska wadamada la saaray Cuna-qabateynta Hubka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ireland provides €3m funding to Somalia humanitarian crisis
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Tánaiste and Minister for Foreign Affairs and Trade, Simon Coveney T.D, and Minister of State for the Diaspora and International Development, Mr. Ciarán Cannon, T.D., today announced Irish funding of €3 million for the severe humanitarian crisis in Somalia. Source: Hiiraan Online -
A decade ago, Somali pirates were frequently in the headlines for hijacking boats and holding their crews for ransom. The epicentre of the piracy crisis was Somalia's northeastern state of Puntland. Local fishermen were angry at trawlers from around the world scouring the plentiful waters of the Horn of Africa. Our reporters returned to Puntland to meet its fishermen and talk to local armed forces who today face a much more dangerous threat: Al Shabaab Islamists. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay eegayaan warar ku saabsan in dad shacab ah lagu dilay weerar ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya. Qoraalkan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb galeen howlgal ay ciidamada Soomaaliya hoggaaminayeen oo lagu kala dhantaalay shabakad Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcida ee Soomaaliya, 9-kii May. “Waxaan ka warhaynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashanadhigga Mareykanka ay ka go’an tahay inay ka hortagto halista argagixisada dunida, ayna taageeri doonto dalalka gobolka ee arrintana awoodda u leh. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM uu ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom kula midoobay ka hortagga argagixisada. Hadalkaan kasoo baxay taliska Mareykanka ayaa kusoo aadayo xilli Muqdisho la keenay meydad iyo dhaawacyo dad shacab ah oo kusoo wax yeeloobay duqeymo ay ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Soomaalida ka geysteen meel u dhow Bariire. Waxaa bilooyinkaan soo badanayey duqeymaha ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay ka geysanayaan Soomaaliya, waxaana mararka qaar dhacdo inay duqeymahaas la beegsadaan dad shacab ah. Duqeymahaan laga fuliyo Soomaaliya ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay awooddii Shabaab ee Shabeelada hoose, waxaana lasoo sheegayaa in firxadda Shabaab uu gaaray qeybo kamid ah Gobolada Dhexe. Dowladda Mareykanka ayaa hoggaamiyaal iyo taliyaal ka tirsan Shabaab ku dishay duqeymaha Soomaaliya, waxaana mararka qaar lagu eedeeyaa inaysan u meel dayin duqeymaha ay fuliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha Taliska ciidamada Xoogga ee ka howlgala degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Hub u socday maleeshiyaadka al-Shabaab. Hubkaani la qabtay ayaa saarnaa Gaari nooca waaweyn oo kusii jeeday maleeshiyaadka al-Shabaab waxaana Hubkaasi ku jiray rasaas kala ceyn ah. Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Xidigle Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka ay sidoo kale gacanta ku dhigeen 4 qof oo xiligaasi la socday gaariga ay ku jireen qoryaha iyo rasaasta. Faarax Maxamed Turbac oo u waramaayay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in rasaasta ay ciidamada gacanta ku dhigeen ay tiro ahaan gaareyso 15,000 oo ah rasaasta loo isticmaalo qoryaha AK-47 ah iyo qoriga daba-jeexa. Faarax Maxamed Turbac, waxa uu intaa raaciyay inay la socdeen qoryo cusub oo dhammaantooda loo waday maleeshiyaadka al-Shabaab oo fariisin ku leh tuulada Ray’dab oo 40-KM u jirta degmada Baardheere. Waxa uu intaa raaciyay in Hubkaasi uu yahay kan lagu leyn lahaa ciidamada Qaranka ee ka hor dagaalamaaya al-Shabaab. Dhinaca kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaan weli ka hadal wararka sheegaya in laga qabtay Gaari iyo Hubkii uu waday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa uu ku rogmay gaari Cagaf ah oo ay saarnaayen dad shacab ah. Cagafta ayaa ku rogmatay xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan halka lagu magacaabo Buundo-Koowaad, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 ruux. Dadka la socday Cagafta ayaa isaga kala gooshayay magaalada oo mar kale ay daadad ku dhufteen, waxaana dadka dhintay kamid ahaa Sheekh si weyn looga yaqaan magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan kana soo jeeda Qowmiyada Oromada. Dadka saarnaa gaaariga oo ka badnaa ilaa 50 qof ayaa ka yimid deegaanka loo barakacay ee CeelJaale iyaga oo ku sii jeeday qeybaha kale ee magaalada.
-
Popular Contributors
