-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boqor Cismaan Maxamed Buurmadow oo ka mid ahaa Isimadii Dhaqanka ahaa ee Caleemasaarka Beeldhaajaha Beesha Cali Saleebaan uga yimid Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ,ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee u dhexaysa Puntland iyo Maamulka Soomaaliland . Boqor Cismaan ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse biixi iyo Madaxweyne Gaas uu kala hadlay in lakala qaado Ciidamada isku horfadhiyay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay gacanta ku hayaan Malayshiyaadka Soomaaliland . Waxa uu sheegay in dadka labada dhinac dagan ay yihiin dad dhaqan iyo ehelba wadaaga . Dhankiisa Madaxwenha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo ujawaabay Boqorka ayaa sheegay in Puntland marwalba ay Nabada jeceshahay diyaarna ay utahay ,balse waa hadii uu kaa qaato Muuse Biixi taladaasi aad u soo jeedisay ayuu ugu jawaabay Boqor Cismaan Buurmadow Madaxweyne Gaas. Madaxweyne Gaas
-
Kooxda Villa Soomaaliya ayaa ku fashilantay iskuday ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan taageerada dowladda Imaaraatku siiso Puntland, sidoo kalena uu burburo xidhiidhka qotodada dheer ee ka dhexeeya dowladda Puntland iyo UAE. 24 saac ee lasoo dhaafay, ayaa warbaahinta lagusoo daayay kooxo faafinayay warar been abuur ah oo ku saabsan inuu Imaaraatku ka baxay Puntland iyo Puntland oo heshiis kula gashay dowladda federalka in taageerada ciidamada badda Puntland loo wareejiyo Xamar. Warsidaha Puntlandi oo dabagal sameeyay ayaa ogaaday inaanu jirin wax khilaaf ah oo Puntland iyo UAE ka dhexeeya, islamarkaana aysan jirin qorshe Imaaraatku uga baxayo mandiqada Puntland, laakiin wararka la faafiyay waxay ahaayeen kuwo lagusoo beegay xilli saraakiil katirsan Imaaraatka oo shaqadoodu dhamaatay ay ka ambo baxayayeen Puntland. Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Puntland ay dowladda Imaaraatku kala hadashay sidii loosii xoojin lahaa taageerada ay siiyaan Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo in siyaasadaha Xamar ka socda aanu wax shaqo ah ku lahayn Puntland. Sidoo kale, dowladda Puntland waxay cadeysay inaanu jirin wax ay kala socoto iyo wax ay ka ogtahay qorshaha Villa Somaliya wado ee ku saabsan in ciidamada Imaaraatku tababaray ay la wareegayaan masuuliyadooda, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga. Dowladda Imaaraatku waxay ballanqaaday inay sii wadidoonto taageerada Puntland, iyadoo cadeysay inaanu waxba iska badelidoonin qaabki ay dowladda Puntland ula macaamili jireen. Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxammed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Bosaso, si mowqif midaysan u wada gaaraan. Puntlandi.com.
-
Dammaam (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta. Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta. Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kulankaasi ka jeediyo Khubad uu kaga hadlayo Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia iyo Aragtida DFS ee Xiisadaha ka aloosan Dunida Carabta, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya. Kulanka ayaa imanaya xilli ay xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana lagu waddaa in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka ay arintaasi ka hadlaan. Kulanka Jaamacadda Carabta ayaa sanad kasta waxaa looga hadli jiray Xaaladda Soomaaliya balse waxaa muuqato in labadii shir ee lasoo dhaafay in looga hadlayo Qidiyadaha wadamo kale oo Carbeed sida Falastiin, Siiriya iyo Ciraaq, waxayna taas muujineysaa in Soomaaliya ay xaalad dagan ku jirto. Dowladda Soomaaliya ayaa soo marta xaalado kala duwan, waxayna hadda joogtaa meel aad u sareyso wuuxuna dalka leeyahay dowlad rasmi ah halkii uu markii hore ka lahaan jiray dowlado kumeel gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeisa (HOL) - Somali poet and activist Naema Abwan Qorane was sentenced by to three years in prison by a Hargeisa court on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Siyaasi kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa laga qaaday Xayiraadii ka saarneyd inuu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International. Xeer Ilaalinta qaranka ayaa Cabdiraxmaan Cabdshakuur ku eedeysay dambi qiyaano qaran iyo Inqilaab taasoo keentay in waraaq xayiraad ah laga dhigo garoonka Diyaaradaha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International, wuxuuna boggiisa Facebook soo dhigay sawir sarbeeb ah oo uu ku sheegayey in xayiraadii laga qaaday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u safray dalka Kenya oo Soomaaliya deris la ah, wuxuuna saxaafadda u xaqiijiyey in xayiraadii laga qaaday isla markaasna ay dowladda Soomaaliya ka noqotay dacwadii ay ka gudbisay. Siyaasigan ayaa 17-kii bishii December ee sanadkii hore gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, waxaa weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa, isagana waa lagu soo xiray, waxaa uu xabsiga ku jiray dhowr cisho, inkastoo markii dambe ay sii deysay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday inay wax dambi ah ku weysay Siyaasigaan. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo dowladda ayaa bixisay diyada ilaaladii lagu dilay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana diyada la siiyay qoyskii dadkii dhintay iyo odayaasha beesha. Kiiskaan oo muran badan ka dhashay ayaa waxaa ugu dambeyn la rumeysan yahay inuu lug ku lahaa xalinteeda Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Sabriye oo ay isku beel yihiin Siyaasi cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxaman Cabdishakuur ayaa kamid ahaa siyaasiyiin badan oo doonayey inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre waxayna arrintaas keentay in lagu soo oogo dacwad qaran dumisnimo ah, waxaana dhaqdhaqaaqyada Siyaasigaan dabada ka riixeysay dowladda Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Magaalada Hargeysa, maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xidhneyd magaalada Hargeysa. Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd muqdisho. Gudoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa Guuleed Dalfac oo la hadlay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa waxa uu sheegay in qareennada difaacayay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim ay rafcaan ka qaateen xukunkan. Gudoomiye Guuleed waxa uu kaloo sheegay in xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa ay cambaareyneyso xukunkan oo ah mid ka hor imanaya xorriyada qofka ee hadalka. Bilowgii bishii hore ayey aheyd markii mas’uuliyiinta Somaliland, ay dacwad rasmi ah ku soo oogeen Naciima Axmed Ibraahim, taas oo ay ku eedeeyeen inay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland. Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx. Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia C/llaahi Faarax Wehliye ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Golaha Shacabka kaasoo goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Dhuusa-mareeb. Doorashada Kursigan ayaa waxaa horay uga geeriyooday, Mudane Bootaan Ciise Caalin, waxaana ku tartamayay saddex musharax oo uu ka mid ahaa Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye, Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Cabdulle Faarax Xirsi. Mudane C/llaahi Faarax Wehliye ayaa helay codod gaaraya 28 cod, halka Maxamed Cilmi Afrax Mideeye uu helay 17 cod, Cabdulle Faarax Xirsi ayaa isna helay saddex cod, waxaana xumaaday saddex cod. Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horay wasiir uga soo noqday Galmudug ayay noqonaysaa marrkii labaad oo uu ku guul-darreysto doorashada kursigan, isagoo sanadkii 2016-kii sidana oo kale looga guuleystay isla doorashada kursigan uu ka geeriyooday Marxuum Bootaan Ciise Caalin. Ugu dambeyn, Guusha C/llaahi Faarax Wehliye uu ka soo hoyay doorashada kursiga xildhibaannimo ee Baarlamaanka ayaa waxay u muuqataa mid u sii xoojineysa u dhawaanshihiisa xfiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir-u-dowle ku Guuleystay Doorashadii Maanta lagu Qabtay Degmada Dhuuso-mareb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa digniin u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii hada ka bilowda lagula xisaabtami doono shaqadeeda. Kheyre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo shaqadeeda qabsan weyda ama laab-laab lagu arko, isagoo faray Talisyada Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir cidii howsheeda qabsan weyda in shaqada laga ceyriyo “Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa,” ayuu yiri Xasan Kheyre. Sidoo kale, Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Muqdisho kula yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ciidamadii xasilinta caasimadda laga raray xaafadihii ay markii hore Xamar uga sugnaayeen, iyadoo loo raray xaafadaha ku teedsan jidka Warshadaha ee Muqdisho. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/DHAGEYSO_Xasan_Cali_Khayre_Somali_PM.mp3 PUNTLAND POST The post RW Khayre oo ku taliyay in xilka laga qaado Guddoomiyihii shaqadiisa kasoo bixi waaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadajir ah la yeesheen Ururada Buslshada Rayidka ee Dawlad Goboleedka Jubbaland. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka ay Bulshada Rayidka Jubbaland u bandhigaan tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ay kaalin wayn ku leeyihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran taasina waxay suurtagelaysaa marka Ururada Bulshada Rayidka ay kaalintooda muuhimka ah qaataan. Waxaan idinka dooneynaa inaad ka taladhiibataan Tubta loo marayo dhameeystirka Dastuurka oo maanta aan idiin soo bandhignay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh. Sidoo kale, xubnaha katirsan Guddiyada ee Wasaaradda shaqo wadaagayihiin ayaa waxay Bulshada Rayidka Jubbaland ku dhiirageliyeen inay talooyinkooda ku biiriyaan Tubta ayna sedexda hay’ad ee Qaranka uga xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay ku gacansiiyaan hawsha adag ee ay wajahayaan. Ugu dambeyn, ka qaybgalayashii kulanka ee katirsanaa Buslahda Rayidka Jubbaland ayaa waxay soo jeediyeen talooyin waxayna su’aallo weydiiyeen Wasiir Cabdi Xoosh iyo Xubnaha ka socday Guddiyada. PUNTLAND POST The post WASIIR XOOSH: Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro hannaan daah-furan appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii ku saabsanaa Saraakiishii Emeraatka ee Bosaso ka duulayay shalay ayaa ahaa kuwo la buunbuuniyey oo siyaabo qaldan loo dhigey iyadoo looga gollahaa in la xoojiyl botobogaandada ka dhanka ah Dowlada Emaraatka. Saraakiishii shalay ka dhoofay Bosaso oo ahaa tababarayaashii Ciidanka Bada Puntland iyo shaqaale kale ayaa ahaa kuwo wakhtiga joogotaankooda Puntland uu dhamaadey isla markaasna kuwii badali lahaa ayaa maanta ilaa beri la sugayaa iney yimasdaan. Isla shalay galab waxaa Bosaso yimid wafdi ka socda Dowlada Emaraayka, Waxaa isna maanta Bosaso imaanaya Safiigka Emaaraatka Carabta u fadhoya Soomaaliya. Sida ay warbashinta Puntlandi.com ay warar dublamaasiyadeed ku hayaan , Waxaa maanta Bosaso ku kulmaya Safiirka Emaraatka iyo Madaxweyne Gaas, Waxayna si wada jir ah ula hadli doonaan saxaafada. Wararka kale ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Dowlada Emaaraatku ay hada laba laabtey Yaageefadii iyo Xiriirka Puntland. Wagdiga Emaraatka ee imknka ku sugan Bosaso iyo kuwa Maanta emaanay ayaa isugu jira Saraakiil ciidan iyo kueo Dublamaasoyadeed, Saraakiisha ciidanka ayaa tababaraya Ciidank Punyland sanadaha soo socd maadaama kuwii shalay dhoofay wakhtigoodii dhamaaday. Dhinaca kalena Dowlada Gederaalka ayaa lacago farabadan ku bixisay bashinta Dacaayado ka dhan ah Dowlada Emaraatka kuwasoo lagu baahinayo Saxaafadaha qaar iyo baraha Inernetka ee Bulshadu isticmaalaan. Warkaan oo faahfaahsan goor dhow naga filo Pi Bosaso
-
Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa ku adkaaday codeynta xildhibaan Aqalka Hoose ah oo goordhow ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb, waxaa loo tartamaayay kursigii xildhibaanimo ee uu ka dhintay xildhibaan Bootaan Ciise Caalin. Wehliye oo taageero buuxa ka helaayay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ku badiyay wareegii hore ee doorashada markii uu helay 28 cod, Maxamed Cilmi Afrax ayaa helay 17 cod, halka Cabdulaahi Faarax Xirsi uu helay 3 cod, tiiyoo ay jirto iney 3 cod halaawday. Waa doorashadii ugu horeysay oo Heer Qaran ah oo ka dhacda Dhuusamareeb tan iyo 1967-dii. Waa kuma Cabdulaahi Faarax ———————————– Weheliye waa nin dhalin yaro ah oo ku cusub siyaasadda, waa qurbo joog, wuxuu ahaan jiray ganacsade, waa maamulihii hore ee shirkaddii bur burtay ee Qaran Express ,waxaa uu ku jiraa dadka loo tiriyo bur burka shirkadaas. Cabdulaahi Faarax hada waa wasiir u dowlaha Arrimaha Gudaha, ninkan waxaa lagu tilmaama inuusan siyaasad ahaan xor aheyn. Labo jeer ayaa loo isticmaalay inuu dumiyo maamul goboleedyo dhisan isagoo wasiiru dowle ah, dhowaan Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa diiday inuu xubin ka noqdo waan waantii ka socotay Jabuuti, inkastoo hada arrinkaa laga heshiiyay. Waxaa lagu tilmaama mid ka mid ah gacmaha uu Raiisul wasaare Kheyre u isticmaalo dagaaladda siyaasadda , dadka aad ula socday doorashada kursigaan ayaa aaminsan in lacagha lagu doortay ay ka timid xafiiska Raiisul wasaaraha. Ma’ahan nin shacbiyad badan kuleh beesha dhexdeeda, waxaase ay dad badani eegi doonaan waxa iska badala hab dhaqankiisa siyaasiga ah kadib doorashada xildhibaanimo ee maanta dhacday. Waxaa Qoray-Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaaha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu shaqada ka ceyriyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ee shaqadooda ka soo bixi waaya. Kulan uu la qaatay maamulka G/Banaadir iyo saraakiisha ciidamada Booliska ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre ku soo qaaday kulan dhex maray guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo isagoo xusay inuusan madaxweynaha ku qanacsaneyn xaaladda amni darrada magaalada Muqdisho. “Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaan sharci ahaan wax awood ah ku lahayn maamulka Gobolka Banaadir oo si toos ah u hoostaga Madaxweynaha, laakiin magacaabidda Yariisow ayaa ahayd mid uu Mudane Kheyre ka danbeeyay. Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Degmada Carmo ee Gobolka bari waxaa si toos ah uga socota Caleemo saarka Beeldaajaha beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi oo ay ka soo qaybgaleen wafuud kalla duwan oo ka kala timid Gobolada dalka Soomaaliya iyo dibadaba . Waxaa madasha ku sugan Madaxweyna Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Wafdi ka socoday dowladda Fadaraalka Soomaaliya .
-
Halima Aden is used to firsts. She was St Cloud, Minnesota’s first Muslim homecoming queen, and St Cloud State University’s first hijab-wearing student senator. She was the first hijab-wearing contestant to compete in Miss Minnesota USA — she wore a burkini in the swimsuit round — and the first to be signed to a major agency, IMG, the industry colossus that also represents Miranda Kerr, Karlie Kloss and Cara Delevingne. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamadi ay xukun ku riday Niciimo Abwaan Qorone. Niciimo Qorone oo ah Gabar u dhaq dhaqaaqda Bulshada islamarkaasina Ah Abwaanad Qorta Bugaagta ayeey Soomaaliland ku eedeeysay ina ay ku dhaqaaqday waxyaabo ka dhan Soomaaliland. Maxkmada Maroodi Jeex ee Hargeysa ayaa ku xukuntay Niciimo Abwaan Qorone 3 Sano oo Xarig ah. Niciimo ayaa muddo ka badan 2 Bilood waxa ay si sharci daro ah ugu xirneyd Magaaladaasi Hargeysa. Waxaa xukunkaasi cambaareeyay Aqoonyahano iyo Qeeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Soomaaliland ayaa xukun ku rida dadka taga Muqdisho islamarkaasina taageera qaranimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Soomaaliland oo Xukun ku Riday Niciimo Abwaan Qorone appeared first on Puntland Post.
-
Somali officials at Bosaso airport insisted that 'heavy bags' be checked, resulting in hours-long row, local media say. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Damaam ee dalka Sucuudiga ayaa maanta waxaa ka furmaya Shirkii 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacada Carabta. Shirkaan oo ay ka qeeybgalyaan inta badan madaxda Jaamacada Carabta ayaa looga hadlayaa Qadiyadaha wadamada ururkaasi kamid ah. Shirkaan waxaa Soomaaliya u matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ajendayaasha shirka ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha Falastiin, Syria Liibiya iyo arimo kale. Gaba gabada kulankaasi ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro warmuriyeed ku saabsan waxyaabihii laga hadlay. Wadamada Jaamacada Carabta ayaa waxaa horyaala waxkaqabada xaalada Syria oo Mareeykanka iyo Xulufadiisa ay weeraro ku qaadeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shir Madaxeedka Jaamacada Carabta oo ka furmaya Damaam appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu ka dhacayo doorashada kursi kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Kursigaasi waxaa horay uga geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin. Kursigaasi waxaa ku tartamaya labo Musharax oo doonaya in ay ku guuleeystaan xilkaasi waxaana ay kala yihiin Cabdulahi Faarax wehliye iyo Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye). Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi lagu arkayaa Ciidamada oo aad u hubeeysan oo amniga sugaya. Waa kursigii u dambeeyay oo Baarlamaanka Soomaaliya ka dhiman Dhowaana waxaa doorashooyin lagu dhameeystirayo kuraasta ka dhiman Baarlamaanka ay ka kala dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo Jowhar. Waa markii ugu horeeysay oo doorasho kursi Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhaceeyso Magaalada Dhuusamareeb. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Doorashada Kursi kamid ah Baarlamaanka oo Dhuusamareeb ka dhaceeysa appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska, , waxaana kulankaasi goob joog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed. Kulankaan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka Caasimada iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka masuuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah. Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo hadal dheer ka jeediyey kulanka ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga Muqdisho , ilaalinta hantida Umadda , sare u qaadista kalsoonida shacabka , isagoo sheegay in si dhab ah la iskula xisaabtami doono hadii ay timaado dul duleelo xagga amniga ah. Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageeridda laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in wada shaqeynta Shacabka , Maamulka Banaadir iyo hay’adaha amnigu uu yahay mid aad u sareeya taasina ay keentay guulo amni. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray qaybaha Taliska Ciidanka Booliska soomaaliyeed waxaana qaybahaasi u sharaxay waxyabaha lagu qabto Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’isilwasaare Kheyre oo ka qeeybgalay kulan Amniga ku saabsan appeared first on Puntland Post.
-
I went for a short working visit to the coastal city of Berbera, which I had to go to during school holidays. Again, I obtained opportunity to peregrinate to this city conventionally between the years of 1995-2006 from COOPI international NGO to whom I worked for had a main office in Borama and sub office in Berbera at the time. To begin with the history begin with the chronicles of the town; the city has gone through different times. First, Berbera has a long history of beautiful architectural buildings with diverse ethnic groups, mainly Hindi, Arab and Turks and of course Somalis who composed the bulk of ethnic groups at all times. Among the Somalis, there were different tribes, including to that of Isaq, Sool clan, Warsangali and Gadabursi. I met with friends who were born and raised in this city, but had been away for a long time and the only matter that these people were in agreeable were Berbera was not a clannish city. They said: We had heard; Issa Musa and Musa Abdallah rarely; but nothing more than that. It has been common to hear Deerayahan, Xasan jibriil, Cabadala qoyan, Dhogori since 1990. There has been a sharp drop among the different ethnic groups used to live in Berbera for example Indians, Arab, Turkish and other Somali tribes from different parts of Somaliland. Fewer individuals of the communities live in Berbera to this day. Although, they do not speak in their own languages, they are an important part of the local community. The 1980’s, Berbera was a small town, but its business activity for example shipping ships that come to the port and the people coming to trade or to board the ships to fulfill the pilgrimage were significantly higher than the size of the population in the city. Unlike before, many parts of the city are deserted; especially in the famous suburbs of Darole where the famous kiln of Elmi Bodhari was located is dilapidated and horrible. The financial prospects of the city was very appalling before the advent of DP world and nobody in Somaliland would have dared to invest in Berbera. By the way, the major holders in the country with the arrival of DP world have set great ambitions to prepare themselves for the jobs and business opportunities expected from the DP WORLD. Despite the people in the city of Berbera being busy in bustling trade of among others buying plots of greater sizes and constructing modern hotels, the size of the population remains very little and the worst is for the women and children. The majority of the people I saw were mostly men who either work directly or indirectly at the port of Berbera. It seems that people are intrigued by prospects of buying land proximate to the seaport, and that is not good because port needs reserve lands for future prospects. Surprisingly enough, the future is not bright for Berbera power utility Company. It is the only city in Somaliland, where the electricity goes off when it rains because the system (electrical grid) is out-of-date and in ruins and requires to be renovated so as to withstand with heavy rain. Unfortunately, the company is unprepared to restore the system as no other company competes with them in the city. Another issue topic of great concern was that the road route between Hargeisa and Berbera despite restructuring the road with funds obtained from Somali Development Somaliland Development Fund (SDF), Dakarbudhuq and Aw Barkhadle remain, the two most dangerous places places in the ravine for all the village on the roadside. wayside. To reduce the risk of flood-related overflow -related deaths as a result of driving through floodwater. You need to build two bridges over the gully one each at Dakarbudhuq and Aw Barkhadle so that people can travel from Berbera to Hargeisa safely. It is pleasing to note that many people in Sahil region are becoming farmers and they have invested heavily in agriculture, especially in irrigation farms. I expect from them to produce fruits and vegetables to make money despite challenges. They require to be trained in modern agricultural farming techniques and modern drip irrigation systems that will reduce water cost. Finally, I recommend for farmers in the Sahil region to be constructed greenhouses with drip irrigation systems that can be a good role model. Thanks Abdirahman Ibrahim Abdilahi Contact: Abdirahman270@gmail.com
-
Donations which keep this clinic going will run out next month and urgent funding is needed Gran Mako Ibraham with malnourished granddaughter Amren Hassan, 4 Tiny Amran Hassan howls in agony from the hunger pains that ravage her emaciated body. She is four but weighs just 21lb – the same as the average one-year-old in Britain. Her skeletal frame is the result of a drought devastating Somaliland in East Africa, where rain last fell two years ago. Nearly 80 per cent of livestock has died, destroying the livelihoods of families like Amran’s. And 700,000 people have been forced from their homes. Many walk for days hoping to find a scrap of land to farm. They have no idea when they will next eat as the region – which declared independence from Somalia in 1991 – teeters on the brink of famine. The Garowe river bed after five years of no rain Amran’s 70-year-old grandmother Mako Ibrahim has walked 30 miles through the night carrying her to the village of Abdi Geedi, where there is a mobile Save the Children clinic. It is her only hope of survival – but now even that is under threat. Donations which keep the clinic going will run out next month and urgent funding is needed. Mako says: “It is only because we have come to this new village that Amran is still alive. It is better here for her because there are aid agencies bringing food, water, and medicine. God knows what will happen to Amran. “I say all of the prayers I can that she will be well one day.” Mako says her family once owned 200 sheep and goats, and 30 camels. Now she has to beg for food. She adds: “Amran is very hungry. She has been like this for three years. Her energy is very low and she almost always has a severe fever. It never leaves her body. Rayann with baby Sayido at clinic “She can’t really walk – she only ever manages a few steps. “When I see other children running around I wish it was her. But I do not know if we will ever see that day.” Many people have only been able to survive thanks to the generosity of neighbours. Garoomaale Elmi Ali, 53, runs a small shop selling rice and bread to villagers like Mako. He has given away so much free food he is nearly £3,000 in debt. He says: “These are my friends, I can’t let them starve.” People tell similar stories in villages across Somaliland, where animal carcasses line the dusty roads as a bleak reminder that death is close by. In Hul-Xudhunle village Rayaan Mohammed is at the mobile clinic. He is with his 16-month-old daughter Sayido Jama who is 18lbs, the same size as a baby of nine months in the UK. Rayaan, 35, has nine hungry mouths to feed. She tells me that she prays for rain every day. She says: “Most of the time we only have a little rice at breakfast. There are times we haven’t eaten for two days. I suppose we will all die if this continues. “I had to stop breastfeeding four months ago because I don’t have enough milk. Sayido always has a fever and diarrhoea. Most of the time she just lies down. She has no energy to play. I can’t afford to take her to the doctor.” Back in the capital Hargeisa, tiny Ahmed Dheej is being treated at a specialist malnu-trition clinic run by doctors. This is where Save The Children refers its most urgent cases. Ahmed is 18 months but weighs 15lb – less than a six month old baby. His mother Leyla, 20, is being treated in a room down the corridor. She lost the baby she had carried to term because she was so malnourished her kidneys were failing. She cannot speak to me through her tears. Her mother Suri explains: “We lost all our livestock in 2017. My daughter doesn’t have enough milk to give Ahmed. She had a daughter two months ago but the baby passed away. “We didn’t even have time to name her. She was dead when she was born. Ahmed has been here for three months. He has malnutrition and a severe fever and diarrhoea. He was sick for 40 nights before we could bring him here. People are suffering. We are in God’s hands.” Aid provided by charities such as Save the Children is the only hope for families like these. But it needs donations before its life-saving mobile health clinic runs out of funds in May. Keyan Salarkia, Save the Children’s Conflict and Humanitarian Advocacy Adviser, says: “We have a genuine opportunity to break this cycle of hunger and despair.” How you can help Save the Children is helping the most vulnerable households with cash grants, food and animal feed. Its water, sanitation and hygiene teams are reaching families in the hardest hit areas, bringing clean drinking water. They’re building and repairing community water catchment facilities, public boreholes and shallow wells. And with your help, the charity aims to save lives now and to help people rebuild for the future. So please give now. £3 Could buy life-saving peanut paste to help return a badly malnourished Source: The Mirror